Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta Juun ayaa ku baaqay in la isu xil-qaamo hagaajinta deegaanka. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan diro qaylo-dhaan deegaan taas oo ku qotonta sida deegaankeennu usii baaba’ayo lana joogo waqtigii qofkasta uu isuxil-qaami lahaa sidii deegaankeennu u noqon lahaa mid saamaxaya nolosha jiilka haatan iyo kuwa dhalan doona”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dikhowga Hawada uu si guud sannadkii u galaafto nolosha dad kabadan 7 malyuun oo ruux kuwaas oo eersada ku noolaanshaha deegaan wasakheysan, Neefsashada hawada wasakheysanna ay ka mid ah dikhwoga sababi kara khatarta caafimaad, dhibaato dhaqaale iyo bedqabka bulshooyin caalamka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Jarista dhirta iyo gubista dhuxushu ay qayb ka yihiin kororka dikhowga hawada ee dalka iyada oo sidoo kalena maareyn xumada qashinka iyo qiiqa gawaarida dalka oo badankoodu gaboow yihiin ay qayb weyn ka yihiin wasakhowga hawada taas oo ka dhigaysa waddaankeena mid halis ay kujirto caafimaadkiisa iyo bedqabkiisa. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in Soomaaliaya ay diyaar u tahay inay qayb ka ahaato dedaalada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo wasakheynta hawada, oo ay abuurayso dedaal taariikhi ah oo ku aaddan bedqabka deegaanka Soomaaliya kaasoo ay qayb ka tahay; maalgashiga tamarta, maareynta qashinka, xakamaynta dhir jarista iyo hubinta tayada iyo bedqabka dhammaan qaybaha deegaanka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysan wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ragaadiyey oo ay ka mid yihiin; isbedelka cimilada, xaalufka iyo nabaad guurka, dabar go’a duurjoogta, xaalufinta dhirta, qashinka, xaalufka kheyraadka badaha & berriga ba. Tan iyo sannadkii 1974, 5ta Bisha Juun ayaa dunida waxaa laga xusaa Maalinta Deegaanka Adduunka taas oo looga golleeyahay inay qayb ka ahaato wacyigelinta arrimaha deegaanka isla markaana ay bulashooyinka caalamku ku dedaalaan sidii ay diiradda u saari lahaayeen dhibaatooyinka waaweyn ee ragaadiyey deegaanka. Sannadkan 2019, waxaa uu caalamku isla qaatay in “Dikhowga Hawada” uu noqdo dhibaatada deegaan ee diiradda lagu saari doono xuska maalintan. View the full article
  2. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad degaanka ee Soomaalida ay afduub ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Ciidamadan oo aan la garaneyn sababta ay xadka uga soo tallaabeen ayaa waxaa ay qafaasheen 10 qof oo beeraley ah iyo shan ka mid ah Cagaf ama Makiinadaha Beeraha lagu fasho. Afduubkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Xuday Wagle oo 35KM kaliya u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Ciidamada liyuu Boolis ee soo galay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wateen Gaadiidka dagaalka,hayeeshee waxaa la sheegay inaysan jirin dagaal ka dhacay deegaankaas oo ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle. Weli ma cada halka sida rasmiga ah ay dadkaasi iyo gaadiidka ula aadeen iyo sababta ka dambeysa,waxaana ay cabsi ballaaran ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Xudey-Woogle iyo deegaanada kale ee Waqooyiga ka xiga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi hiiraan weli kama hadlin afduubka ciidamada liyuu boolis ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  3. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay gobolka Hiiraan ka kaxeysteen dad rayid ah iyo sidoo kale gaadiid. Sidey sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Xudey-Woogle oo qiyaastii 34-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada B/weyne, ayeey ciidankaan waxay ka wateen Lix qof, sidoo kalena waxay horey u wateen Lix gaari. Lama oga sababta ka dambeysay in ciidankan ay gudaha gobolka Hiiran falkan ka sameeyaan. Waxgaradka Hiiraan ayaa wada dedaallo ku addan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkaasi la watay iyo sidoo kale gaadiidkan oo ay ku jiraan kuwo xamuulka qaada. Ciidanka Liyuu Boolis ayaa watay sida la sheegay gaadiid dagaal oo ad u badan, mana jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Mararka qaar sidan oo kale, ciidamada Liyuu Boolis ayaa weeraro ku qaada deegaanno ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ahaa mid ay shirkadda Hormuud uga mahad celinayeen wax qabadka iyo taakuleynta ay siiso dadka dan yarta ah ee ku nool Gudaha Somalia. Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho aya waxaa ka soo qeyb galay Haldoorka Odayaasha dhaqanka Somaliyeed, Culimaa’uddiinka, Qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Qeybaha kale ee bulshadda iyo Xubno matalayay Shirkadda Hormuud. Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho ayaa Ujeedka ay odayaasha usoo qaban qaabiyeen waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ay ku Bogaadinayaan waxqabadka iyo taakuleynta & ay la garab taagantahay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa. Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeybgalayay Kulankan ayaa sheegay in xiligan marnaba aysan habooneyn in la xaqiro Adeegyada waxtarka leh ee ay shirkadda u heyso umada ku nool gudaha Dalka iyo Dibediisa. Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad oo Munaasabadda furay ayaa Sheegay in ujaaddada loo dhigay gogoshani ay eheed in looga mahad celiyo shirkadda Hormuud wax qabadka aan la koobi karin ee ay u heyso umaddeeda. Salaadiintii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood isku raacay in Deeqihii ugu dambeeyay oo ayt shirtkadda Hormuud ugu deeqday dadweynaha ku tabaaleysan Magaaladda Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ay muujiyeen muhimadda ay u leedahay Bulshada, waxa ayna caddeeyeen in Hormuud ay tahay Shirkada Qaran, loona hanyahay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinteeda. Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa ka sakow Qabashada Kulankan Mahad celinta ah ka dib sheegtay in marnaba aan la ilaawi karin adegyada haqabtirka leh oo ay shirkadda hormuud siiso bulshada ku nool Dalka iyo Daafahiisa. Ugu dambeyn Odoyaasha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Shahaado sharaf lagu dhiirri gelinayo laguna garab istaagayo Shirkadda guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxaana u guddoomey Guddoomiyaha Hey’adda Mr. Cabdullaahi Nuur Cismaan. Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ugu Dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Odayaasha dhaqanka Soomaliyeed Qabashada Kulankan ay shirkadda uga mahad celinayaan. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan Adeegyada ay u hayaan Qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
  5. The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent against cancer. Source: Hiiraan Online
  6. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab. Shaqsigan oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujenda Maxamed ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu Ibraahim sheegay in markii lasoo qabanayey uu baxsad ka ahaa Al-shabaab, kana soo baxsaday xabsi uu ku jiray, balse saraakiisha xoogga dalka ayaa sheegaya inuu sahan Al-shabaab ah ahaa. Maxamed Bedel Xasan, Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in Ibraahim xogtiisa hayeen, islamarkaana sidaasi lagu soo qabtay. Wuxuu tilmaamay in Ibraahim uu qaabilsanaa dhanka sahanka, kana tirsanaa dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Ceel-cadde. Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana cafis loo fidin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. WASHINGTON (Reuters) - Republican and Democratic U.S. senators said on Wednesday they would introduce legislation to block President Donald Trump’s plan for $8 billion in military sales to Saudi Arabia and the United Arab Emirates without congressional review. Source: Hiiraan Online
  8. Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed. Odayaashan oo ay ka mid yihiin Maxamed Gaabow, Dubad Camey iyo Xasan Cusmaan ayaa ku baaqay in laga laabto kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal. Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay wax wada-hadal ah ka gasho muranka badda. Maxamed Gaabow ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ay tahay inaan la halleyn. “Kenya waxay garab istaagtay Soomaaliya, ayada oo marti-gelisay dad gaaraya hal milyan oo qaxooti ah muddo labaatan sano ka badan. Muranka xuduudda badda waxaa lagu xalin karaa si saaxiibtinimo, mana ahan inuu labada dal u horseedo dhiig daata” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay jirto xiisad kale oo sii kordheysay oo u dhaxeysa muwaadiniinta labada dal, gaar ahaan kuwa ku nool dhanka xududda. Dhinaca kale, Dubad Camey ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay si deg deg ah u billaabaan wada-hadallo xal looga gaarayo xiisadda, laguna wanaajinayo xiriirka u dhaxeeya labada dal. “Haddii aan u ogolaano ICJ inay xaliso arrintan, waxay horseedi doontaa in xaaladda kasii darto, waxaana suurta-gal ah inay hoggaamiso dagaal ka dhex qarxa labada dal” ayuu yiri Camey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  9. Steph Curry oozed championship experience as he pumped in 47 points trying single-handedly to lead his injury-hampered Golden State Warriors in their home arena. But the well-balanced Toronto Raptors couldn’t be beat. Source: Hiiraan Online
  10. Prime Minister Lars Lokke Rasmussen of Denmark announced that he would resign on Thursday after a coalition partner was trounced in a general election.CreditCreditMads Claus Rasmussen/EPA, via Shutterstock Source: Hiiraan Online
  11. “I don’t want to see him impeached, I want to see him in prison,” House Speaker Nancy Pelosi said. | Win McNamee/Getty Images Source: Hiiraan Online
  12. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa markii u horraysay, si faahfaahsan u soo bandhigay, dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa degmada Garoowe. Warbixinta dakhliga iyo Kharashaadka degmada, oo lagu soo bandhigay Shax ka kooban 2 bog, ayaa muujinaysa in aan shilin ka soo xaroon, lacagtii Curaarta caasimadda ee ay bixin jirtay dowladda Puntland. Iyadoo filashada dakhliga curraarta degmada ay qorneyd 24,630,000,000SH ayaa cel-celiska Shaxda lagu muujiyay 0.00% oo u dhiganta in aan shilin ka soo xaroon curraartii ay caasimadda siin jirtay dowladda Puntland. Sidoo kale, mashruucyada JPLG iyo Somali Urban Resilence Project ayaan midna wax dakhliya ka soo xaroon, sida ka muuqata shaxda soo bandhigista dakhliga degmada Garoowe. Halkaan hoose ka eeg shaxda dakhliga iyo kharashaadka degmada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo curraartii ka jartay caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  13. Go’aankii Kenya ee dhawaan ay dal ku-galka ugu diiday Saraakiisha Soomaaliya iyo in xannibaado dheeraad ah ay ku soo rogtay dadka Soomaalida ah, waxaa ka dhalan kara in ay dib u soo ifbaxaan dhaawacyo bogsaday oo ku saabsan kala shakiga u dhaxeeya Nairobi iyo Mogadisho. Taariikhda labada dal ee dariska ah ee imika ku muransan badda ayaa sii huriyay khaladaad siyaasadeed iyo mid militari, taasi oo sii murjinaysa kala shakigii u dhaxeeyay labada shacab. Iyada oo ay Kenya xaq u leedahay in ay meelmariso siyaasad kasta oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, hadana tallaabooyiinkii ay ku bartilmaameedsanaysay Soomaaliya, sida in diyaaradaha Muqdisho ay ku hakadaan Wajeer iyo saraakiisha Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka, waa mid muujinaysa inay ahayd fal-celin aan laga fikirin oo ahayd in Somaaliya ay diiday in ay kiiska kala so laabato maxkamada ICJ. Go’aankii Soomaaliya ee ahaa in ay maxkamadda geyso kiis ka dhan ah Kenya ayaa tijaabo u ahaa xiriirka Nairobi iyo Mogadishu. Baaxadda arrintan ayaa u dhiganto dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ee 1960-maadkii ee degmooyiinkii la isku oran jiray NFD oo xilligaa doonayay in ay Soomaaliya ku biiraan. Kenya ayaa kacdoonkaas uga jawaabtay si arxan daro iyo xoog ah taasi oo saamayntii ka dhalatay, illaa iyo imika gobolka laga dareemayo. Balse waxyaabihii shaqeeyay qarnigii 19aad ma shaqayn karo qarniga 21aad. Daacadnimada Kenya waa dal laga xushmeeyo caalamka taasi oo ah furfurnaanta siyaasadda iyo soo dhawaynta. Waxay Kenya marti galisay qaxooti Soomaali ah oo labo ka mid ah markii dambe ay caan ka noqdeen reer Galbedka. Mid ka mid ah waa xubin ku tirsan Congreska Mareykanka halka midna uu wasiir ka yahay Canada. Kenya waxyaabo badan oo ay ku faanto ayaa maanta jira mana aha in taako dhulkeeda ka mid ah ay dal kale siiso. Dal walba masuuliyad ayaa ka saaran in uu difaaco madaxbanaanidiisa dhul oo ay ka mid tahay badda waxay doonto ha ku qaadatee. Marka ay Kenya aqbashay in doodeeda kiiska badda ay ka hor jeediso maxakamada ICJ, waxay gudanaysay waajib qaran, si la mid ah kiis walba, go’aankana dhan kasta wuu u dhici karaa. Qareennada Kenya waxay qabteen shaqo adag taasi oo ka dhan ah dadka ku andacoonaya in waxqabadkoodu hooseeyay. Goobta ay ku yaallan biyaha lagu muransan yahay iyo maxkamadda oo qaaday kiisas kuwan la mid ah, Meesha biyaha ee la isku haysto waa su’aal, maxkamaddana waxay gacanta ku haysaa kiisas la mid ah taas oo ah waxa lagu dagay kooxdii difaaceysay Kenya. Sidaasi daraadeed Kenya waa in ay u dhaqantaa si masuuliyad ay ku jirto haddii ay kiiska ku guuldareysato, Soomaaliya waxay waligeed daris la ahaan doontaa Kenya. Xannibaadaha dhanka safarka Waa mid aan la qaadan Karin in dal la qadariyo, sida Kenya oo kale ay caradeeda kula dul dhacdo sarakiil, dad ganacsato ah iyo dad iska caadi ah, iyadoo sabab uga dhigayso in ay taageeraan dowladda Muqdisho ee diiday in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxasan maxkamadda. Dhammaan tallaabooyiinka iyo go’aannada ay Kenya qaadanayso, xilligan ay careysan yihiin, waa inay ku saleysnaadaan xushmadda loo hayo Kenya, caalamkana si dhaw ayuu u daawanayaa. Xannibaado dhanka safarka ah waa in aan lala eegan saraakiisha Soomaaliya ee Nairobi uga qayb galaya shirarka caalamiga ah. Waxay Kenya samaysay bishii aanu soo dhaafnay ee ahaa in ay dal ku-galka u diiday saraakiisha Soomaliya waxa uu ahaa gool ay Kenya iska dhalisay. Kenya waxay hoy u tahay xarunta kali ah ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay Afrika. Ururada caalamiga ah ayaa Nairobi ka doortay magaalooyiinka kale ee gobolka, sababtana mana aha in meelaha kale ay boos ka waayeen, balse sababtu waxay tahay in dalka Kenya uu yahay dal soo dhaweeyay ajaaniibta. Hab dhaqanka Kenya ayaa halis galin kara sumcaddii soo dhaweynta ee ay lahayd. In Kenya ay si wadar ah u ciqaabto Soomaalida ma noqonayso mid ay saaxibo badan ku kasbato, gaar ahaan, marka ay timaado caawinta ay soomaaliya uga baahan tahay ee ah in xididdada loo siibo Al-Shabaab. Suurtagalnimada Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo uu Kenya khilaafka kala dhaxeeyo ma aha imika mid shacbiyad ku haysata gudaha Soomaaliya, sababtoo ah ballamo uu qaaday oo aan la fulin, tallaaboyiinka Kenya ayaana Farmaajo ka dhigi kara Halyeey qaran. Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kiiska maxakamada ICJ islamarkaana madaxwayne Farmaajo dib loo doorto 2021, uuna muranka sii socdo, waxa laga yaabaa in ay isku daydo in ay dib u soo cusboonaysiiso falalkii ay kula kacday muwaadiniinteeda. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa in ay eegtaa mel ka fog go’aanka ICJ, ayna ka fikirtaa sidii nabad loogu wada noolaan laha. W/Q: Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, kaa oo u dhaxeeya beello walaalo ah. Waxay sheegeen waxgaradkan in wax laga xumaado ay tahay dagaalladii dhacay, balse loo baahan yahay xilligan in wixii dhacay laga gaaro si aanay dhibaato kale u dhicin. Sidoo kale, waxgaradkan baaqa jeediyey ayaa sheegay sidoo kale in looga baahan yahay culimada iyo waxgaradka ku sugan nawaaxiga halka lagu dagaallamay iney nabadda ka shaqeeyaan oo beelahaas heshiisiiyaan. Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dagaallamay deegaanka Bulacley ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Odyaasha-Baaq-Nabadded-Mo-Slaaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan dawladda Kenya waxa ay si dadban dib ugu soo cusboonaysiiyey dabacyadeedii siyaasadeed iyo dhul ee ku aaddanaa Soomaaliya oo ay wadaagaan xudduud dheer oo bad iyo birriba leh, balse aan ku dhidbanayn soodin sharci oo labo waddan heshiis ku yihiin, marka laga reebo xariijimayntii gumeystaha Ingiriiska, taasoo badanka waddama Afrika ay la wadaagaan. Kenya, ayaa bilihii la soo dhaafay qaadday tallaabooyin isku xiga oo wax dhimaan ku ah dariiqyada duullamaasiyadeed, siyaasad iyo daris wadaagidba, kadib markii ay burisay heshiisyo dhawr ah oo kala dhaxeeyey Soomaaliya, kuwaasi oo taabanayey socdaalka dadyowga labada dal, ganacsiga, iyo darisnimadaba iyo arrimo kale. Tallaabooyinkaasi ay ka qaadatay Kenya dalka iyo dawladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ uu horyaallo kiis loogu daco-qaadayo Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dawladda Kenya ay sheegatay qaybo ka mid ah biyo badeedka Soomaaliya. Haddaba Dawladda Kenya tallaabooyinkeeda cusub ee ay wax uga baddeshay heshiisyadii isku socodka ee labada dal, isku furnaantii ganacsi iyo middii duullamaasiyadeedba maxay uga golleedahay? Maxaase ka dhaxeeya arrimahaan iyo murankii badeed? Su’aalahaasi iyo kuwo kaleba ayaa idaacadda Daljir waxay weydiisay Axmed Sheekh Maxamuud oo ah xeeldheere muddo badan ka shaqaynayey arrimaha duullamaasiyadeed ee Soomaaliya, kana soo shaqeeyey waddamo ay ka mid yihiin Kenya, USA iyo Sweden, siiba wixii ka horreeyey 1980-kii, Sidoo kalena gudaha dalka ka soo shaqeeyey, siiba wasaaradihii arrimaha dibedda iyo waxbarashada ee dawladdii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wareysi-Duullamaasi-Axmed-Sh-Maxamuud-03-June-2019.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – 58 ka mid ah saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kadib markii ay dhameysteen howlihii ay u hayeen AMISOM. Saraakiishan ayaa waxa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya. Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya, kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka. Isaga oo la hadlayay saraakiisha ayuu yiri “dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah goboollada.” Intii ay munaasibaddaasi socotay ayaa waxaa taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM. Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya, waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay “ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee Aqalka Cad ee Mareykanka ahna wiilka qaba gabadha madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner ayaa aflgaadeeyey Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin dad aan is-maamuli karin. Kushner ayaa ah ninka hoggaaminaya qorshaha Trump ee loogu magac daray ‘Heshiiska qarniga’ kaasi oo magaalada barakaysan ee Qudus loogu gacan gelinayo Yahuudda. Qorshahan, ayaa sida uu qoray wargeyska Washington Post, waxa uusan Falastiiniyiinta u ogolaaneyn inay yeeshaan dal buuxa oo madax banaan. Kushner oo ah Yahuud, ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax dhib ah ku qaban haddii aysan Falastiiniyiinta ku kalsooneyn isaga oo yiri “Halkan uma joogo in la i aamino” Falastiiniyiinta ayaa doonaya in qorshe kasta ay qeyb ka noqoto in Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda mustaqbalka, halka Israel ay dooneyso inay sii haysto dhulalkii ay xoogga ku qabsatay. Heshiiskan oo uu horkacayo wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel. Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaala rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  18. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay iyaga iyo ciidanka DFS ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee Puntland. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay Lix ka mid ah dagaalyahannada Daacish. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo A-shabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka DFS. Dhanka kale, AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hubiyeen in aanu waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah. Maraykanka ayaa DFS waxyaabaha uu ka caawiyo waxaa ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. North Yorkshire's new Green MEP will be visiting Scarborough this weekend to take part in the Green Party Conference at the Spa. Source: Hiiraan Online
  20. Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso “ Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News