-
Content Count
208,569 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro. Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga caawiyo dhibaatooyinkii ay soo mareen intii ay Xabsiga ku jireen. “Xaalada Xabsiga waa kuwo adag in lagu noolaado goob dadku ay ka tiro bateen,ayada oo aysan jirin wax neecaaw ah oo dadka u soo geleyso waa mid adag,qeyb ahaan xarunta dhexdeeda musqulaha ayaa ah kuwo buux dhaafay taasi aawgeedna qashin qub ayaa laga dhigay qolalka Xabsiga,waxeyna leeyihiin qataro halis ah ayuu yiri Bieber Bloch. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xabsiyada ku yaalla dalka Libya gaar ahaan tripoli ay ku xir xiran yihiin in ka badan saddex Kun oo magangalyo doon ah iyo kuwa tahriibayaal ah,kuwaas oo markii hore laga soo badbaadiyay dooman ee saarnaayeen dalkaasi Libya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed xaash cabdi Carrabeey ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Mudane Carrabeey ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay la socoto dhibaatooyinka ka jira degaannada SSC oo ay ka taagantahay colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan khilaafka xuduudaha labada dhinac. “Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Carrabeey ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Galmudug oo dowladda Soomaaliya u soo jeediya in ay la socoto xaaladaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag . PUNTLAND POST The post Carrabeey dowladda Soomaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda Sool iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay shidaal ka baareyso Xeebaha Gobolka Lamu ee dalka Kenya. Wargeyska The Standard ayaa baahiyay wax uu ku sheegay xog ay baahisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo muujinaya in shan ka mid ah Ceelasha shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan sohdin badeedda Biyaha ee dalka Kenya. Waxaa uu sheegay Wargeysku in Wasaaradda Batroolka SOomaaliya soo bandhigtay shidaal in laga baarayo 15 toban xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Xeebaha Lamu sida ay hadalka u dhigtay Kenya. Xermooyinka shanta ah ee ay Kenya sheeganeyso ayey ku kala sheegtay xermada 189, 190, 204, 218 iyo 219aad. Wasaaradda Batroolka SOomaaliya ayaa sheegtay in shidala baarista xermooyinkaas ka billaabaneyso 1da January 2020, sharikad kasta oo ku guuleysatana ay heysato afar sano oo heshiis shidaal soo saarid ah iyo labo sono oo loo kordhin karo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay eedaha Kenya,waxaana labada dal u dhaxeeya dacwad badeed taalla Maxkamadda ICJ. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray Qalfoof-badeedka. Qalfoof-badeed waa barta ay ku kulmaan labada bad ee dalalka. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Feb 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa aado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Moqokori (Caasimadda Online) – Mu’asasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahinteed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay qeybta 7aad ee silsiladda واغلظ عليهم 7 Muuqaalkaan oo ah mid la daawan karo qadar 16 daqiiqa ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaalkii lagu qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Ciidamada Al-Shabaab ayaa la arkayey iyagoo xoog ku galaya SaldhiggaCiidamada Dowladda ee deegaanada, sidoo kalana waxaa muuqaalka laga dhex arkayaa Ciidamada Dowladda oo ka cararayo kuwa Al-Shabaab isla markaasna mid mid loo tooganayo. Sidoo kale Muuqaalka ayaa waxaa lagu soo dhex daray codka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamayo Ciidamada Dowladda inay yihiin kuwa geesiyaal ah oo aan marnaba ka cararin kuwa Al-Shabaab, waxaana waqtiga codkiisa uu socdo lagu qabanayaa muuqaalka Ciidamada Dowladda oo ka baxsanayo saldhigga ay weerareen Ciidamada Dowladda. Al-Shabaab ayaa halkaas ka qaatay gawaari badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub tiro badan oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada
-
FARIBAULT, Minn. — A Minnesota man is accused of a bias crime for allegedly spraying a Somali American teenager and her siblings with a garden hose while he yelled racial slurs. Source: Hiiraan Online
-
Mandera ( SMN):-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo Dagaalamayaal la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo weerar soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi. Deegaanka Fino oo weerarka uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa qiyaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal,waxaana uu hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay. Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaaran,isagoo intaasi ku daray in ay ku raad joogaan ragii weerarka soo qaaday. Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya,iyadoo dhawaan dowladdu ay soo saartay digniino ku aadan weerarada Alshabaab ay qorsheynayaan. View the full article
-
Howlgal khasaare uu ka soo gaaray Xubno ka tirsan Daacish ee ku sugan Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari,kaasi oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidammada Amniga dowladda Soomaaliya. War ka soo baxay taliska ciidammada mareykanka ah ee jooga afrika ee Africom ayaa faah faahiyay duqeymahaasi,waxaana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Daacishta ku jirta deegaanada Puntland sida lagu yiri Warbixinta Africom. Warbixin uu soo saaray taliska AFricom ayaa lagu sheegay in weerarkaasi cirka ah lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan Daacish,kuwaasi oo ka howlgala buuraha Goolis ee Puntaland. Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu joogteeyo weeraradaasi,ilaa la soo afjaro wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan Soomaaliya. View the full article
-
Wararka saakay oo Khamiis ah ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, taasi oo xiisadda sii adkeysay. Sidoo kale, madaxda Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo hanjabaad ah taasi oo keentay in dhaq-dhaqaayada ciidan ay sii kordhaan. Labada dhinac horey waxaa u dhexmaray dagaallo khasaare geystay, iyadoo dhanka kale dhowaan ay is dhaafsadeen maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq. Weli ma jirto xal rasmi ah oo laga gaaray colaadda Puntland iyo Somaliland, marar badanna waxaa arrintaasi isku dayday iney xalliso Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, oo ay warbaahinta Puntland Post heshay bishii February ee sannadkan, ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha ay dowladdu maamusho ee la siin jiray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dikreetada oo ku taariikhaysan 2 February 2019, ayaa lagu amray in dhammaan lacagaha curraarta ee laga jaray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka,loo isticmaalo bixinta mushahaaraadka iyo socod-siinta hawlaha dowladda. Go’aankaasi ayaa sida dikreetada ku qoran loo qaatay, kadib markii uu dowladda soo wajahay is-dhin dakhli oo baaxad weyn, ayna adkaatay in la bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada . Caasimadda Garoowe oo ku jirtay meelaha dikreetadu saameysay, ayaan tan iyo wakhtigaasi helin lacagihii curraarta ay siin jirtay dowladda Puntland. Balse, dadweynaha oo aan la socon dikreetada hore, ayaa su’aalo badan isweydiiyay, kadib markii xalay duqa degmada Garoowe uu Facebook-giisa ku daabacay, shaxda dakhliga u soo xarooday degmada oo muujinaysa in aan wax curraara la siin caasimadda. halkaan hoose ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dikreetadii Siciid Deni ku jaray curraarta caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta Juun ayaa ku baaqay in la isu xil-qaamo hagaajinta deegaanka. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan diro qaylo-dhaan deegaan taas oo ku qotonta sida deegaankeennu usii baaba’ayo lana joogo waqtigii qofkasta uu isuxil-qaami lahaa sidii deegaankeennu u noqon lahaa mid saamaxaya nolosha jiilka haatan iyo kuwa dhalan doona”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dikhowga Hawada uu si guud sannadkii u galaafto nolosha dad kabadan 7 malyuun oo ruux kuwaas oo eersada ku noolaanshaha deegaan wasakheysan, Neefsashada hawada wasakheysanna ay ka mid ah dikhwoga sababi kara khatarta caafimaad, dhibaato dhaqaale iyo bedqabka bulshooyin caalamka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Jarista dhirta iyo gubista dhuxushu ay qayb ka yihiin kororka dikhowga hawada ee dalka iyada oo sidoo kalena maareyn xumada qashinka iyo qiiqa gawaarida dalka oo badankoodu gaboow yihiin ay qayb weyn ka yihiin wasakhowga hawada taas oo ka dhigaysa waddaankeena mid halis ay kujirto caafimaadkiisa iyo bedqabkiisa. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in Soomaaliaya ay diyaar u tahay inay qayb ka ahaato dedaalada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo wasakheynta hawada, oo ay abuurayso dedaal taariikhi ah oo ku aaddan bedqabka deegaanka Soomaaliya kaasoo ay qayb ka tahay; maalgashiga tamarta, maareynta qashinka, xakamaynta dhir jarista iyo hubinta tayada iyo bedqabka dhammaan qaybaha deegaanka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysan wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ragaadiyey oo ay ka mid yihiin; isbedelka cimilada, xaalufka iyo nabaad guurka, dabar go’a duurjoogta, xaalufinta dhirta, qashinka, xaalufka kheyraadka badaha & berriga ba. Tan iyo sannadkii 1974, 5ta Bisha Juun ayaa dunida waxaa laga xusaa Maalinta Deegaanka Adduunka taas oo looga golleeyahay inay qayb ka ahaato wacyigelinta arrimaha deegaanka isla markaana ay bulashooyinka caalamku ku dedaalaan sidii ay diiradda u saari lahaayeen dhibaatooyinka waaweyn ee ragaadiyey deegaanka. Sannadkan 2019, waxaa uu caalamku isla qaatay in “Dikhowga Hawada” uu noqdo dhibaatada deegaan ee diiradda lagu saari doono xuska maalintan. View the full article
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad degaanka ee Soomaalida ay afduub ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Ciidamadan oo aan la garaneyn sababta ay xadka uga soo tallaabeen ayaa waxaa ay qafaasheen 10 qof oo beeraley ah iyo shan ka mid ah Cagaf ama Makiinadaha Beeraha lagu fasho. Afduubkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Xuday Wagle oo 35KM kaliya u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Ciidamada liyuu Boolis ee soo galay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wateen Gaadiidka dagaalka,hayeeshee waxaa la sheegay inaysan jirin dagaal ka dhacay deegaankaas oo ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle. Weli ma cada halka sida rasmiga ah ay dadkaasi iyo gaadiidka ula aadeen iyo sababta ka dambeysa,waxaana ay cabsi ballaaran ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Xudey-Woogle iyo deegaanada kale ee Waqooyiga ka xiga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi hiiraan weli kama hadlin afduubka ciidamada liyuu boolis ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay gobolka Hiiraan ka kaxeysteen dad rayid ah iyo sidoo kale gaadiid. Sidey sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Xudey-Woogle oo qiyaastii 34-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada B/weyne, ayeey ciidankaan waxay ka wateen Lix qof, sidoo kalena waxay horey u wateen Lix gaari. Lama oga sababta ka dambeysay in ciidankan ay gudaha gobolka Hiiran falkan ka sameeyaan. Waxgaradka Hiiraan ayaa wada dedaallo ku addan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkaasi la watay iyo sidoo kale gaadiidkan oo ay ku jiraan kuwo xamuulka qaada. Ciidanka Liyuu Boolis ayaa watay sida la sheegay gaadiid dagaal oo ad u badan, mana jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Mararka qaar sidan oo kale, ciidamada Liyuu Boolis ayaa weeraro ku qaada deegaanno ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ahaa mid ay shirkadda Hormuud uga mahad celinayeen wax qabadka iyo taakuleynta ay siiso dadka dan yarta ah ee ku nool Gudaha Somalia. Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho aya waxaa ka soo qeyb galay Haldoorka Odayaasha dhaqanka Somaliyeed, Culimaa’uddiinka, Qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Qeybaha kale ee bulshadda iyo Xubno matalayay Shirkadda Hormuud. Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho ayaa Ujeedka ay odayaasha usoo qaban qaabiyeen waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ay ku Bogaadinayaan waxqabadka iyo taakuleynta & ay la garab taagantahay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa. Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeybgalayay Kulankan ayaa sheegay in xiligan marnaba aysan habooneyn in la xaqiro Adeegyada waxtarka leh ee ay shirkadda u heyso umada ku nool gudaha Dalka iyo Dibediisa. Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad oo Munaasabadda furay ayaa Sheegay in ujaaddada loo dhigay gogoshani ay eheed in looga mahad celiyo shirkadda Hormuud wax qabadka aan la koobi karin ee ay u heyso umaddeeda. Salaadiintii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood isku raacay in Deeqihii ugu dambeeyay oo ayt shirtkadda Hormuud ugu deeqday dadweynaha ku tabaaleysan Magaaladda Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ay muujiyeen muhimadda ay u leedahay Bulshada, waxa ayna caddeeyeen in Hormuud ay tahay Shirkada Qaran, loona hanyahay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinteeda. Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa ka sakow Qabashada Kulankan Mahad celinta ah ka dib sheegtay in marnaba aan la ilaawi karin adegyada haqabtirka leh oo ay shirkadda hormuud siiso bulshada ku nool Dalka iyo Daafahiisa. Ugu dambeyn Odoyaasha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Shahaado sharaf lagu dhiirri gelinayo laguna garab istaagayo Shirkadda guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxaana u guddoomey Guddoomiyaha Hey’adda Mr. Cabdullaahi Nuur Cismaan. Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ugu Dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Odayaasha dhaqanka Soomaliyeed Qabashada Kulankan ay shirkadda uga mahad celinayaan. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan Adeegyada ay u hayaan Qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
-
The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent against cancer. Source: Hiiraan Online
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab. Shaqsigan oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujenda Maxamed ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu Ibraahim sheegay in markii lasoo qabanayey uu baxsad ka ahaa Al-shabaab, kana soo baxsaday xabsi uu ku jiray, balse saraakiisha xoogga dalka ayaa sheegaya inuu sahan Al-shabaab ah ahaa. Maxamed Bedel Xasan, Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in Ibraahim xogtiisa hayeen, islamarkaana sidaasi lagu soo qabtay. Wuxuu tilmaamay in Ibraahim uu qaabilsanaa dhanka sahanka, kana tirsanaa dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Ceel-cadde. Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana cafis loo fidin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed. Odayaashan oo ay ka mid yihiin Maxamed Gaabow, Dubad Camey iyo Xasan Cusmaan ayaa ku baaqay in laga laabto kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal. Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay wax wada-hadal ah ka gasho muranka badda. Maxamed Gaabow ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ay tahay inaan la halleyn. “Kenya waxay garab istaagtay Soomaaliya, ayada oo marti-gelisay dad gaaraya hal milyan oo qaxooti ah muddo labaatan sano ka badan. Muranka xuduudda badda waxaa lagu xalin karaa si saaxiibtinimo, mana ahan inuu labada dal u horseedo dhiig daata” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay jirto xiisad kale oo sii kordheysay oo u dhaxeysa muwaadiniinta labada dal, gaar ahaan kuwa ku nool dhanka xududda. Dhinaca kale, Dubad Camey ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay si deg deg ah u billaabaan wada-hadallo xal looga gaarayo xiisadda, laguna wanaajinayo xiriirka u dhaxeeya labada dal. “Haddii aan u ogolaano ICJ inay xaliso arrintan, waxay horseedi doontaa in xaaladda kasii darto, waxaana suurta-gal ah inay hoggaamiso dagaal ka dhex qarxa labada dal” ayuu yiri Camey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Prime Minister Lars Lokke Rasmussen of Denmark announced that he would resign on Thursday after a coalition partner was trounced in a general election.CreditCreditMads Claus Rasmussen/EPA, via Shutterstock Source: Hiiraan Online
-
“I don’t want to see him impeached, I want to see him in prison,” House Speaker Nancy Pelosi said. | Win McNamee/Getty Images Source: Hiiraan Online
-
Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa markii u horraysay, si faahfaahsan u soo bandhigay, dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa degmada Garoowe. Warbixinta dakhliga iyo Kharashaadka degmada, oo lagu soo bandhigay Shax ka kooban 2 bog, ayaa muujinaysa in aan shilin ka soo xaroon, lacagtii Curaarta caasimadda ee ay bixin jirtay dowladda Puntland. Iyadoo filashada dakhliga curraarta degmada ay qorneyd 24,630,000,000SH ayaa cel-celiska Shaxda lagu muujiyay 0.00% oo u dhiganta in aan shilin ka soo xaroon curraartii ay caasimadda siin jirtay dowladda Puntland. Sidoo kale, mashruucyada JPLG iyo Somali Urban Resilence Project ayaan midna wax dakhliya ka soo xaroon, sida ka muuqata shaxda soo bandhigista dakhliga degmada Garoowe. Halkaan hoose ka eeg shaxda dakhliga iyo kharashaadka degmada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo curraartii ka jartay caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Go’aankii Kenya ee dhawaan ay dal ku-galka ugu diiday Saraakiisha Soomaaliya iyo in xannibaado dheeraad ah ay ku soo rogtay dadka Soomaalida ah, waxaa ka dhalan kara in ay dib u soo ifbaxaan dhaawacyo bogsaday oo ku saabsan kala shakiga u dhaxeeya Nairobi iyo Mogadisho. Taariikhda labada dal ee dariska ah ee imika ku muransan badda ayaa sii huriyay khaladaad siyaasadeed iyo mid militari, taasi oo sii murjinaysa kala shakigii u dhaxeeyay labada shacab. Iyada oo ay Kenya xaq u leedahay in ay meelmariso siyaasad kasta oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, hadana tallaabooyiinkii ay ku bartilmaameedsanaysay Soomaaliya, sida in diyaaradaha Muqdisho ay ku hakadaan Wajeer iyo saraakiisha Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka, waa mid muujinaysa inay ahayd fal-celin aan laga fikirin oo ahayd in Somaaliya ay diiday in ay kiiska kala so laabato maxkamada ICJ. Go’aankii Soomaaliya ee ahaa in ay maxkamadda geyso kiis ka dhan ah Kenya ayaa tijaabo u ahaa xiriirka Nairobi iyo Mogadishu. Baaxadda arrintan ayaa u dhiganto dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ee 1960-maadkii ee degmooyiinkii la isku oran jiray NFD oo xilligaa doonayay in ay Soomaaliya ku biiraan. Kenya ayaa kacdoonkaas uga jawaabtay si arxan daro iyo xoog ah taasi oo saamayntii ka dhalatay, illaa iyo imika gobolka laga dareemayo. Balse waxyaabihii shaqeeyay qarnigii 19aad ma shaqayn karo qarniga 21aad. Daacadnimada Kenya waa dal laga xushmeeyo caalamka taasi oo ah furfurnaanta siyaasadda iyo soo dhawaynta. Waxay Kenya marti galisay qaxooti Soomaali ah oo labo ka mid ah markii dambe ay caan ka noqdeen reer Galbedka. Mid ka mid ah waa xubin ku tirsan Congreska Mareykanka halka midna uu wasiir ka yahay Canada. Kenya waxyaabo badan oo ay ku faanto ayaa maanta jira mana aha in taako dhulkeeda ka mid ah ay dal kale siiso. Dal walba masuuliyad ayaa ka saaran in uu difaaco madaxbanaanidiisa dhul oo ay ka mid tahay badda waxay doonto ha ku qaadatee. Marka ay Kenya aqbashay in doodeeda kiiska badda ay ka hor jeediso maxakamada ICJ, waxay gudanaysay waajib qaran, si la mid ah kiis walba, go’aankana dhan kasta wuu u dhici karaa. Qareennada Kenya waxay qabteen shaqo adag taasi oo ka dhan ah dadka ku andacoonaya in waxqabadkoodu hooseeyay. Goobta ay ku yaallan biyaha lagu muransan yahay iyo maxkamadda oo qaaday kiisas kuwan la mid ah, Meesha biyaha ee la isku haysto waa su’aal, maxkamaddana waxay gacanta ku haysaa kiisas la mid ah taas oo ah waxa lagu dagay kooxdii difaaceysay Kenya. Sidaasi daraadeed Kenya waa in ay u dhaqantaa si masuuliyad ay ku jirto haddii ay kiiska ku guuldareysato, Soomaaliya waxay waligeed daris la ahaan doontaa Kenya. Xannibaadaha dhanka safarka Waa mid aan la qaadan Karin in dal la qadariyo, sida Kenya oo kale ay caradeeda kula dul dhacdo sarakiil, dad ganacsato ah iyo dad iska caadi ah, iyadoo sabab uga dhigayso in ay taageeraan dowladda Muqdisho ee diiday in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxasan maxkamadda. Dhammaan tallaabooyiinka iyo go’aannada ay Kenya qaadanayso, xilligan ay careysan yihiin, waa inay ku saleysnaadaan xushmadda loo hayo Kenya, caalamkana si dhaw ayuu u daawanayaa. Xannibaado dhanka safarka ah waa in aan lala eegan saraakiisha Soomaaliya ee Nairobi uga qayb galaya shirarka caalamiga ah. Waxay Kenya samaysay bishii aanu soo dhaafnay ee ahaa in ay dal ku-galka u diiday saraakiisha Soomaliya waxa uu ahaa gool ay Kenya iska dhalisay. Kenya waxay hoy u tahay xarunta kali ah ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay Afrika. Ururada caalamiga ah ayaa Nairobi ka doortay magaalooyiinka kale ee gobolka, sababtana mana aha in meelaha kale ay boos ka waayeen, balse sababtu waxay tahay in dalka Kenya uu yahay dal soo dhaweeyay ajaaniibta. Hab dhaqanka Kenya ayaa halis galin kara sumcaddii soo dhaweynta ee ay lahayd. In Kenya ay si wadar ah u ciqaabto Soomaalida ma noqonayso mid ay saaxibo badan ku kasbato, gaar ahaan, marka ay timaado caawinta ay soomaaliya uga baahan tahay ee ah in xididdada loo siibo Al-Shabaab. Suurtagalnimada Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo uu Kenya khilaafka kala dhaxeeyo ma aha imika mid shacbiyad ku haysata gudaha Soomaaliya, sababtoo ah ballamo uu qaaday oo aan la fulin, tallaaboyiinka Kenya ayaana Farmaajo ka dhigi kara Halyeey qaran. Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kiiska maxakamada ICJ islamarkaana madaxwayne Farmaajo dib loo doorto 2021, uuna muranka sii socdo, waxa laga yaabaa in ay isku daydo in ay dib u soo cusboonaysiiso falalkii ay kula kacday muwaadiniinteeda. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa in ay eegtaa mel ka fog go’aanka ICJ, ayna ka fikirtaa sidii nabad loogu wada noolaan laha. W/Q: Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, kaa oo u dhaxeeya beello walaalo ah. Waxay sheegeen waxgaradkan in wax laga xumaado ay tahay dagaalladii dhacay, balse loo baahan yahay xilligan in wixii dhacay laga gaaro si aanay dhibaato kale u dhicin. Sidoo kale, waxgaradkan baaqa jeediyey ayaa sheegay sidoo kale in looga baahan yahay culimada iyo waxgaradka ku sugan nawaaxiga halka lagu dagaallamay iney nabadda ka shaqeeyaan oo beelahaas heshiisiiyaan. Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dagaallamay deegaanka Bulacley ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Odyaasha-Baaq-Nabadded-Mo-Slaaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com