Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso ” Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qalinkii A/rahman Fidhinle UK Source
  2. Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah , Jiif oo jaq , waa koox xanjo meel uun ugu dhegan tahay oo kormeera baraha bulshada ,waxaana la dhahaa jiif oo jaq . Joog oo jaq , waa koox ka tirsan hawl-wadeenadda iyo saraakiisha xilalka haysa , kuwaasoo maraqa muufadu isugu jirto . Jiidoo jaq , waa koox iyagu danley ah oo mashaariic iyo shaxaad kale waxay helaanba marmar wax soo gaadhaan , kuwaas na waxaa la dhahaa jiidoo jaq . Jiidhoo jaq , waa koox miidayaha ka qaylisa oo marka ay waxoogaa buuqaanba ku qadhaab doonta sidaan u jiidhay ma arkaysay kuwaasna waxaa la dhahaa jiidh oo jaq . Jamoo jaq , kooxdani waa koox mucaashiqiina , oo muxubo awgeed iska qiiraysan sidaa darteed waxa la dhahaa jamoo jaq . Jaboo jaq , kooxdanina waa koox ku guuldaraysatay in ay meelnaba kasoo galaan xukuumadda iyo albaabadeeda ,hadana weli ka dhursugaya , kuwaasna waxa la dhahaa jaboo jaq . Juud oo jaq , kooxdani waa koox muxaafidka qudhiisu ka maarmay oo aan dan iyo muraad cidina ka lahayn iyana is og laakiin weli isku dhedhejinaya , kuwaasna waxa la yidhaahdaa juud oo jaq .Muxaafidka maantu waa 7 jaad , barasho wanaagsan W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  3. (SLT-Hargaysa)Xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida ayaa booqasho ugu tagay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka tirsan golaha guurtida somaliland iyo xildhibaan NacNac oo golaha wakiilada ka mid ah ayaa booqasho ay ugu tageen madaxweynihii hore waxay soo bandhigeen ujeedada ka dambaysa. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka hadlay kulanka ay la qaateen madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi ” Madaxweynaheenii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ka mid yahay halyeeyadii soo celiyey qaranimada dalkan iyo dhismihiisaba, waxanan ugu nimid inaanu soo siyaarano, waanu caafimaad qabaa anaga oo ilaahayna u waydiinayna inuu mid taam ah siiyo inta cimrigiisa ka hadhay.” Xildhibaan Indho Indho ayaa sidoo kale sharaxay ujeedada ka dambaysay ubax qoorta ay u sudheen madaxweynihii hore waxaanu yidhi “Ujeedada aanu ubaxa ugu xidhnay waa kalgacayl iyo qofka aad jeceshahay oo aad gudoonsiin karto, waanad aragtay ilma nabi Aadan qofba qofkii uu jecel yahay ayuu faraawil u galiyaa markaa waa hadiyad maamuus ah oo aanu u keenay, xurmo, karaamo ama ixtiraam ayaa la yidhaa qofba sida uu u yaqaano,.” Sidoo kale xildhibaan Indho Indho ayaa intaas raaciyey “Labadayada xildhibaana inaanu ka barakaysano ayaanu ugu nimid oo dhabarka ayuu naga soo dhirbaaxay, dadkuna waxay yidhaahdaan waa guul wadayaashii balse waxaanu nahay run sheegayaashii labadii gole.” Xildhibaan NacNac ayaa dhiniciisa ka hadlay booqashada ay ugu tageen madaxweynihii hore waxanu yidhi “Madaxweynaheenii hore Axmed Siilaanyo ayaanu ku soo booqanay gurigiisa waana nin aan la ilaabi Karin oo taariikhdu qortay kaas oo umada somaliland iyo anaguba aanu jecelnahay, badanaana waanu u nimaadnaa.” sidoo kale madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay kulanka uu la qaatay xildhibaanada ka tirsan guurtida iyo wakiilada ” Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay, waxaanan ilaahay ka baryayaa in ciidan ciideeduu uu inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo”ayuu yidhi ex madaxweyne siilaanyo. Source
  4. (SLT-Iran) Ayatollah Ali Khamenei Hoggaamiyaha sare ee Wadanka Iran, ayaa eedeeyn kulul usoojeediyay qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay “khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka”, wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan. Maraykanka ayaa la filayaa inay dhammaadka bishan dalka Bahrain kusoo soo bandhigto qeybta dhaqaalaha ee qorshaheeda muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin, kaasi oo loogu magac daray “Heshiika qarniga.” “Ujeedada shirkan waa in laga gun gaaro qorshaha Mareykanka ee khiyaanada iyo sharaf-tirka ah ee ku wajahan Falastiin, kaasi oo ay ku magacaabeen ‘heshiiska qarniga’” ayuu Ayatollah Ali Khamenei ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu ugu talo-galay munaasabdda ciidda. “‘Heshiiska qarniga’, Insha Allah marnaba ma hir-geli doono, tani waa khiyaano weyn oo ka dhan ah dunida Islaamka. Waxana rajaynayaa in hogaamiyayaasha Bahrain iyo Sacuudiga ay garowsan doonaan dabinta ay ku socdaan iyo dhaawaca ay gaarsiin doonto mustaqbalkooda” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei. Heshiiskan oo uu horkacay wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel. rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka Bahrain ka dhacaya 25-26-ka June, kaasi oo Falastiiniyiinta ay qaadaceen. Source
  5. (SLT-Nairobi) Wararka saacadihii u danbeeyay soo baxay ay ayaa sheegaya in Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo arrimaha siyaasadda ka faaloooda lagu xidhay magaalada Nairobi. Dr Bursaliid ayaa xalay laga kaxeystay gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo isaga ku dhow. “Waxaa tagay gurigiisa askar dhar cad ah oo soo u kexeeyay saldhig ciidan.” Waa macallim jaamacedeed oo ku takhakhusay arrimaha xidhiidhka caalamiga ah, kana faalooda xaaladaha Afrika iyo caalamka. Ma cadda sababta loo xidhay illaa iyo hadda. Wuxuu bare ka ahaa jaamacad ku taalla Nairobi. Source
  6. (SLT-London) Inkastoonan ka mid ahayn ragga xiiseeya shirarka reeruhu yeeshaan oo aanan ka qayb gelin, haddana ma arko sabab looga sasaa beelo ood iyo dhalasho wadaag ah oo wax kala tirasaday khalad iyo sax inay yaqiinsadaan baahida loo qabo in lays beer xaadho oo ugu yaraan laysugu yimaado shir horu dhac ah. Waa dhab in maanta dadka wada yaal magaalada Burco, gaar ahaan ay u baahan yihiin in dib loo soo nooleeyo midnimadii ugu yaraan ay ku dhisan jireen guddiyadii horumarinta ee ka hawlgeli jiray gobolkaasi, kuwaasi oo ku burburay kala xantaysigii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ina kala qaybisay ee lagu soo doortay madaxweynaha guushiisii looga dabaaldegay bariga Burco iyo galbeedka Hargeysa oo keliya. Shaqsiyan in ay jirto baahida dib u heshiisineed ee magaalada Burco iyo guud ahaan inta labadaa reer ay wada yaalaan waxaan soo xaqiiqsaday caleema saarkii Suldaanimo ee saaxiibkay Suldaan Cabdirisaaq Cumaani oo lagu qabtay hotel ku yaala daanta galbeed ee magaalada Burco oo haddana ay dadka galbeedka Burco ka maqnaadeen ka soo qaybgalka munaasibadaasi, marka laga reebo Deyr Xiniinyo Dheere oo keliya. Waxaan xasuustaa in tiro abtirsiimo ahaan ka soo jeeda Galbeedka Burco oo aanu ku tagnay xaflada Suldaan Cumaani in nalagu dhibsaday oo na loo arkaayay rag badhi furaaya wax wax laysaga ogyahay. Dhinaca kale intii xafladaasi socotay waxa salaantiinta wakhtigan hormuudka u ah bulshada bariga Burco ay noo soo bandhigayeen qolyahayaga fara ku tiriska ah ee xafladaasi ka soo qaybgalay in ay fidin doonaan gogol lagu wada hadlo oo lagaga wada hadlo waxa la kala tabanaayo, waan xasuustaa in uu madaxdhaqameedkaa arrinkaa soo jeedinayay uu ka mid ahaa Abtigay Boqor Osman Buurmadow, manay ahayn gogol ay uga danlahaayeen siyaasad iyo qolo kale loogu heshiiyo,.waxase ay haasaawaheeda wadeen in aanu tolku marnaba cadho ku kala maqnaan oo wixii dana laga wada hadli karaayo, iyadoo mararka qaarna siyaasada iyo arrimaha kaleba lagu kala aragti duwanaan karo. Dadaalkii ay salaadinta qaar wadeen hadduu soo gaadhay heer labada dhinac ay isla ogolaadaan bal in ugu yaraan la wada hadlaa ma garan karo sabab ay xukuumadda maanta jirtaa ee eelka dhigtay uga sastaa, halkii ay iyadu dhiiri gelin lahayd in ummaddu is laab xaadhato, waxaase aan hubaa in siyaasada dawlada Muuse Biixi ay tahay in ay ku cimri dheeraysan karto oo keliya marka dadku beelo u qaybsan yahay oo sida uu Xassan Guure sheegay ay haddii qolo quraan akhrido ay qolada kale tidhaahdo “idinkama akhrisan “. Si kastaba xaalku ha noqdee waa in xukuumaddu ay faraha ka qaadaa dagaalka ay ku hayso walaalahaa shiraaya ee aan dantooda mooyaanee cid kale ku maqnayn, hadday beel seddexaad u shirayaan anagaanba ka yeeleenee, hala siiyo fursad ay dib uga wada arrinsadaan danahooga. Mustafe Shiine Source
  7. (SLT-Moscow)Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ku qeexay inuu yahay “saaxiibkiisa ugu fiican” xilli uu booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Moscow. “Lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaan kulannay ku dhawaad 30 jeer. Ruushka waa waddanka aan booqashooyinka ugu badan ku tagay, madaxweyne Putin isagana waa saaxiibkeyga ugu fiican”, ayuu yidhi Xi. Putin oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay “inuu ku faraxsan yahay in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu gaaray heer aad u sarreeya”. Mr Jinping ayaa halkaas u tagay wadahadallo diiradda lagu saarayo xiriirka ganacsi iyo kan diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan. Labada madaxweyne ayaa Moscow ku saxiixday heshiis dhaqaale oo wadajir ah. Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa timid xilli uu meeshii ugu xumeyd gaaray xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka, kaasoo qoonsaday dagaalka kharaaraaday ee dhinaca ganacsiga. Ruushka ayaa dhowr sano kahor go’aansaday inuu la bahoobo reer bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa reer galbeedka, sababo la xidhiidhka qalalaasihii Ukraine iyo farogalintii uu ku sameeyay. Source
  8. (SLTSudan)Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda. Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha. Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn. Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan. Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo. Source
  9. (SLT-Washington)Dowlada Shiinaha ayaa muwaaddiniinteeda dalxiiska ku taga Mareykanka uga digtay safarka ay ku tagayan Mareykanka inay aad uga taxaddaraan maadaamaa ay khatar amni darro ka soo wajihi karto. Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisaka Dalka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta Shiinaha uga digtay khatar uga iman karta falalka ay ka mid yihiin tuugnimo iyo dilalka aan loo meel dayin oo Mareykanka ka dhaca loona adeegsado hubka sharci darrada. Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sida oo kale sheegtay hay’adaha Sharciga ee Mareykanka inay muwaaddiniinta Shiinaha ay xadgudubyo u geystaan. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mareykanka iyo Shiinaha uu ka dhex taagan yahay dagaalka Ganacsiga. Mareykanka ayaa bisha May canshuur dheeraad ah ku soo rogay maciishadaha Shiinaha uu soo saaro oo loo iib geeyo Mareykanka, iyada oo si gaar ah xayirad ugu soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ugu weyn Shiinaha ee Huawei. Labada dhinacba waxay isku soo rogeen canshuuro dheeraad ah oo balaayiin doolar ku kacaya, waxaana laga cabsi qabaa dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya labad dal inuu si weyn u saameeyo dhaqaalaha labada dal. Source
  10. (SLT-London)Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay boqoradda Britain Elizabeth u raacay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Portsmouth, halkaas oo uu ka dhacayey xuskii 75aad ee maalinta loo yaqaan D-Day oo ah maalinta dalalkii xulufada ahaa ay ku duuleen deegaanka Normandy ee xeebaha Faransiiska, duullaankaas oo keenay in Nazigii laga adkaado, ugu dambeynna uu dagaalkii 2aad ee dunidu soo gabagaboobo. Hogaamiyeyaal dhowr iyo toban ah ayaa iyaguna goobta joogay, kuwaas oo ku jiraan RW-ha Britain Theresa May, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, RW-ha Canada Justin Trudeau, kuwaas oo dhamaantood amaanay geesinimada askartii qeybta ka ahaa weerarkii dhinaca biyaha ee dunida ugu weynaa, kaas oo ay ciidanka Jarmalka kaga hortageen. Source
  11. (SLT-Hargaysa) Waraysi lala yeeshay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Rer Somaliland ayaa doodo badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada. Waraysigan oo uu Boqorku siiyay Telefeeshinka Bulsho wuxuu kaga hadlay qaban qaabada shirka Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco oo La filaayo inuu bishan qabsoomo. Hoos ka DAAWO waraysigaas. Source
  12. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in 125 qof oo Soomaali ah oo qoxooti ku ahaa dalka Yemen ay dib ugu celisay Somalia, kaddib markii ay iyagu ka dalbadeen in dalkooda lagu celiyo. Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in qoxootigan sababta ay u dalbadeen in Somalia lagu celiy ay ahayd kaddib markii ay xaaladda dalka Yemen ay ka dartay. Qoxootigan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda ayaa waxaa laga soo qaaday dekedda Cadan, iyadoo la geeyay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia, waxaana ay qayb ka yihiin kumannaan qoxooti ah oo dib loogu soo celiyay Somalia, sida ay ha’yaddu sheegtay. Sidoo kale, UNHCR, ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2017-kii ay dib ugu celisay Somalia dad gaaraya 4, 298-qof oo Somali ah, kuwaasoo qoxooti ku ahaa dalka Yemen oo ay colaado ka socdeen sannadihii ugu dambeeyay. “Yemen waxay noqotay goobta ugu khatarta badan ee ay qoxootiga iyo dadka caadiga ah ay kala kulmaan dhibaatooyinka halista gelin kara naftooda. Waxaana si aad ah u soo xumaanaya nolosha qoxootiga halkaas ku nool iyo weliba xaaladaha nololeed ee Yemen oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta ha’yadda UNHCR. Warbixinta ha’yadda ayaa lagu xusay in qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda dib loogu celiyay ay ku jiraan caruur yar-yar oo waddankaas ku dhashay intii ay waaliddiintooda qoxootiga ku ahaayeen. Dhanka kale, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa hadalkeeda ku dartay inay weli ku sugan yihiin dalka Yemen qoxooti tiradoodu gaarayso 280,000 oo qof oo 90% ay kasoo jeeda Somalia, halka inta kalena ay ka yimaadeen dalal ay ka mid tahay Itoobiya. Ugu dambeyn, UNCHR ayaa sheegtay in qulqulka qoxootiga Soomaaliyeed ee gaaraya dalka Yemen uu soo billowday sannadkii 1980-kii, iyadoo xilligii ugu badnaa ee ay qoxootiga ugu badan ay gaareen Yemen snanadkii 2009-kii oo ay Somalia ka socdeen colaado aad u ba’an. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo boqollaal Qoxooti Soomaaliyeed ah dib ugu celisay dalkooda appeared first on Puntland Post.
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa xariga iidamada dalka Kenya ay magaalada Nairobi ugu gaysteen Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Dr. Bursaliid ay xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen ciidamada sirdoonka dalka Kenya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa. Ehellada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamo isugu jira kuwa dharcad ah iyo kuwa hubeysan ay yimaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada kadibna ka wateen Ilo xog ogaal ah ayaa iminka sheegaya in xariga Dr. Bursaliid uu yimid kadib markii isaga iyo siyaasiyiin kale ay shalay magaalada Nairobi kaga dhowaaqeen xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Maandeeq Party. Wararka ayaa sheegaya in Dr. Bursaliid lala xiray dhowr qof oo kale oo ay ka mid yihiin, Cali Cabdi Maxamed, Geelle Diiriye, nin magaciisa lagu soo koobay Xuseen iyo xubno kale oo magacyadooda aysan nasoo gaarin. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha la xiray aysan wax ogolaansho ah dowladda Kenya uga haysan shirkii ay shalay ku qabteen magaalada Nairobi. Dr. Bursaliid ayaa caan ku ahaa inuu fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida, isaga oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaalida. Waxa uu sidoo kale macallin ka ahaan jiray jaamacadda Nairobi. Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhowaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday. Lama oga in xarigan uu taas qeyb ka yahay iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa furay dhismaha ku meel gaar ka ah oo dowladdu ku samaysay wadada halbowlaha ah ee isku xirta gobolada dalka. Dhismaha Wadada ayaa la dhamaystiray afar meelood oo wax yeelo xoogle ay soo gaartey, waxayna inta shaqada laga qabtay u dhexeysa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolada Nugaal, iyadoona la fasaxay gaadiid badan oo dhowrkii maalmood ee u danbeeyay halkaasi ku xanibnaa. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu soo dhoweeyay go’aan ay soo saareen guddigu oo ah in habeenkii gawarida la joojiyo, maadaama wadadu ay ka bur-burtay dhinacyada, taas oo khatar u keeni karta shacabka gawaarida ku safraya, waxaana uu guddiga kula dar-daarmay inay shaqada halkaasi kasii wadaan. Daahfurka dib u dhiska wadada go’day waxaa Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweyna Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale, waxaana wali harsan shaqo badan oo xoog leh iyo tayactir lagu samayn doono inta badan hareeraha wadada oo bur-bur uu soo gaaray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Karaash oo furay Dhismaha Kumeel gaar ah oo Lagu Sameeyay Wadada Isku Xirta Gobolada Dalka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Somalia, iyadoo dowladda federaalka ah ay ka bixisay eedeyntaas jawaab culus. Wargeys kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Somalia ay shidaal ka baarayso xeebaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Lamu, waxaana uu wargeysku xusay in war ay baahisay wasaaradda batroolka Somalia uu si cad u muujinayo in goobaha ay shidaalka ka baarayso ay ku jirto xeebta Laamu ee Kenya. Sidoo kale, Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Kenya ay sheegtay in xeebta Lamu shidaalka laga baarayo ay qayb ka tahay 15 xirmo oo shidaal ay ka baarayso Dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood laga baarayo maamullada Galmudug iyo Hishabelle. Hadalka wargeyska ayaa lagu xusay in wasaaradda shidaalka Somalia ay sheegtay in barista shidaalkan ay billaabanayso horraanta sannadka 2020-ka ee soo socda, ayna qandaraas ku siisay baaristan shirkad laga leeyahay mid ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub. Dhanka kale, Mas’uul ka tirsan wasaaradda bartoolka Somalia ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isagoo xusay goobaha ay ka baarayaan shidaalka aysan ku jirin xeebta Laamu ee dalka Kenya. “Ma jirto deegaan ka tirsan Kenya oo lagu soo daray warbixintii la xiriirtay sahminta shidaalka oo ay soo saartay wasaaradda Batroolka Somalia,” ayuu yiri C/qaadir Abiikar oo ka tirsan wasaaradda batroolka Somalia oo maanta la hadlay warbaahinta. Sarkaalka ka tiran wasaaradda batroolka Somalia ayaa sheegay in goobaha lagu sameyn doono sahanka shidaalka ay ku yaallaan barriga iyo badaha Somalia oo keliya, aysanna jirin meel ka baxsan oo ay sahan ku sameyn doonaan. Ugu dambeyn, hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli muran xooggan oo ka dhashay muran badeed uu u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo ay murankan go’aan ka gaari doonto maxkamadda ICJ ee xarunteedu tahay dalka Netherlands. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo si adag uga jawaabtay eedeyn ay u soo jeedisay Xukuumadda Kenya appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Burco) “Wasiir Kasta Qof Reerkiisa Ah Ayuu Wasaaradihii Ka Buuxiyey,” Dadka Cadaalad Haloo Sameeyo” Murashax Xildhibaan Xaliimo Xuseen Yuusuf. Source
  17. Kadib markii ay Somaliland Somaliland qoraal u dirtay hay’daha caalamiga ah ay ku wargelisay in aysan ka hawl geli Karin bariga gobolka Sanaag oo ay sheegtay in malayshiya-beeleed hubaysan iyo Al-shabaab joogaan ayaa waxa arrintaasi beeniyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. (Halkan ka akhriso warbixinta Somaliland) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah ku amray in ay ka hawlgalaan degaannada gobolka Sanaag oo uu sheegay in aysan wax dhibaato ah ka jirin. Halkaan hoose ka daawo PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay warbixin Somaliland ka gudbisay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  18. Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeyso caburinta iyo xasuuqa lagu hayo dibad baxayaasha asbuucyada taagan jidadka dalka Suudaan kuwaas oo dalbanayo in Militariga iska wareejiyo Xukunka. Khabiir dhanka Ciidamada ah oo u dhashay dalka Suudaan ayaa Middle East Eye u sheegay in hoggaamiyaha golaha Militariga Suudaan ay dowladda Sacuudiga ku amartay in la caburiyo dadka asbuucyada dibad baxyada ka wado afaafka hore ee Xarunta Ciidamada. Khabiirkaan oo diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado arrin amni agweed ayaa sheegay inuu fahamsan yahay in burburinta lagu hayo xarumaha banaanbaxayaasha Khartoum ay tahay arrin lagu soo heshiiyey intii uu Taliyaha Militariga Suudaan Cabdi Fataah Burhaan booqasho ku kala marayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar. “In la kala eryo banaanbaxayaasha waxay aheyd qodobkii ugu muhiimsanaa oo ay ku heshiiyeen Xulafada Sacuudiga iyo Taliyaha Militariga Suudaan’ ayuu yiri Khabiirkaan. Hadalka kasoo yeeray Khabiirkaan ayaa kusoo aadayo xilli Xisbiga Mucaaradka ee Dimoqraadiga ah uu Talaadadii sheegay inay jirto cabsi ku aadan in Dowlado Shisheeye gaar ahaan kuwa Carabta ay faragelin ku hayaan Suudaan iyagoo fiirsanayo danaha ay dalkaan ka leeyihiin. ” Waxaan ka codsaneynaa qaar ka tirsan Dowladaha Carabta inay faragelinta ka daayaan Suudaan ayna joojiyaan taageerada ay siinayaan Militariga iyagoo fiirsanayo dano gaar ah oo ay ka leeyihiin Dowladda Suudaan iyo muwadiniinteeda” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Mucaaradka. Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa ku micneeyey hadalkaan inuu si toos ah ugu socdo Dowladda Sacuudiga iyo xulada ay horkaceyso oo uu dhawaan booqasho ku tagay Taliyaha ugu sareeyo Militariga gacanta ku hayo xukunka dalka Suudaan. Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda. Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha. Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn. Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan. Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo. Caasimada Online Xafiiska Khartoum caasimada@live.com
  19. Baladweyne (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno uu horkacayo oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa dadaallo badan kadib maanta ku guuleystay in ay soo daayaan illaa lix ruux iyo shan Gaari,kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka kaxeysteen duleedka magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo ay la xariirtay Shabelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya waxgaradka deegaanka ay ku guuleysteen in ay Xorriyadooda ay dib ugu soo celiyaan dadkaasi. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay ka hortagi doonaan xadgudubyada joogtada ah ee loo geysto shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa had iyo jeer dhacdooyin kala duwan ka geysta deegaanada HirShabellle. View the full article
  20. Baydhabo (SMN) – Deeq-bixiyaasha caalamka ayaa sheegay inay qaadeen xayiyaaraddii deeqaha dhaqaale ee ay siin jireen ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hakiyay bishii December ee 2018. Qoraal ay si wadajir ah soo saareen safiiradda dalalka Jarmalka, Ingiriiska, Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho ayaa lagu xaqiijyay in dhawaan dib ay u billaabi doonaan lacagti lagu taageeri jiray Booliska Kooanfur Galbeed. Deeq-bixiyaasha ayaa tilmaamay inay ka go’antahay sii wadista barnaamijka horumarin ciidamada booliska, si loo xoojiyo nabada iyo xasiloonida degaanada maamulka Koonfur Galbeed. Dalalka Deeqaha dhaqaale siiya ayaa joojiyay taageeradda booliska Koonfur Galbeed kadib markii 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhabo, maalmo kahor doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Rabshadiihii hareeyay doorashadii Baydhabo ayaa horseeday in dalka lag eryo wakiilkii Qaramada Midoobey Nicholas Haysom kadib markii uu su’aallo ka keenay dilka shacabka. Midowga Yurub ayaa siiyo dalka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada taageer dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale ay dhanka mashaaraadka ka caawiyaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  21. Balcad (SMN) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ka fuliyeenm deegaano dhaca galbeedka gobolkaasi. Ciidamada ayaa gaaray toolooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cadayga iyo Qoryo Cadde oo dhammaan hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadan waxa ay sheegeen in ay si nabdoon ku gaareen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in ay dagaalamaan Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya Waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee maamulka HirShabelle. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay ka geysteen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. Axmed Cali Maxamuud oo ka mid ah Ehellada Marxuumka ayaa sheegay in dilkaasi ay ka dambeyeen Ciidamo Boolis ah oo watay gaadiidka dagaalka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku sii jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dilka kadib Ciidamadaasi ay isaga dhaqaaqeen meesha ay wax ka dhaceen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan Bajaajleyda ka geystay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. View the full article