Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,581
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. World Health Organization (WHO) PRESS RELEASE First-ever World Food Safety Day elevates attention to dangerous foodborne diseases in Africa World Food Safety Day highlights the need for better prevention, detection and management of foodborne risks BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), June 7, 2019/ — An estimated 91 million people in Africa in a year consume contaminated food that renders them ill, and around 137,000 people die. Food containing harmful bacteria, viruses, parasites or chemical substances cause diseases ranging from acute diarrhoea to lifelong conditions, including some cancers. The risk of foodborne diseases is most severe in low- and- middle income countries, linked to preparing food with unsafe water; poor hygiene and inadequate conditions in food production and storage; lower levels of literacy and education; and insufficient food safety legislation or implementation of such legislation. It is estimated that in 2015, 159 million people still collected drinking water directly from surface water sources, 58% of whom are in sub-Saharan Africa. In addition to the expense for health care, foodborne diseases impose considerable other costs to individuals, communities and countries due to the lost income from illness-related loss of work. Beyond the US$15 billion in medical expenses that households in low- and middle-income economies spend each year because of unsafe food, a recent World Bank study also found that those economies lose US$95.2 billion in economic productivity. Most of this health burden and economic loss could be avoided with proper management of food and food products and appropriate hygiene by producers and consumers. Food safety has become such a troublesome condition, the United Nations is instigating the first World Food Safety Day this 7 June, with the theme “Food Safety, Everyone’s Business”, to raise global attention to the dangers and the solutions that individuals, producers and governments must make a way of life to protect the quality of food we consume. World Food Safety Day highlights the need for better prevention, detection and management of foodborne risks. According to Dr. Matshidiso Moeti, World Health Organization (WHO) Regional Director for Africa, “Foodborne diseases are completely preventable.” All players along the food chain, she stresses, “have a role in making food safe, beginning with producers and processors and moving to distributors, food safety regulators, retailers and eventually servers and consumers.” Contaminated food not only affects human health, it taints food security, economic prosperity, agriculture vitality, market access, tourism and sustainable development. Although everyone is susceptible, infants, young children, pregnant women, older persons and individuals with a weakened immune system (such as HIV infection, liver disease or who are on cancer treatment) are particularly vulnerable. In the past few years, WHO has been increasing its support to countries in Africa to strengthen the laboratory-based foodborne disease surveillance and build national capacity to prevent, detect and respond to food safety emergencies. This has included, in collaboration with the Food and Agriculture Organization of the United Nations, the strengthening of national networks and participation in the International Food Safety Authorities Network. WHO also works with countries to target food safety health promotion initiatives to promote food hygiene in different settings, such as schools and food markets, and for infant and young child feeding practices. The WHO Five Keys to Safer Food provide basic principles for assuring the safety of food and preventing foodborne diseases. Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  2. Maroodi weyn ayaa Xamar dhex taagan! Ma arkin miyaa? Keligaa ma aha. Qof aragtay ma jirto! Ma qarsoona loomana jeedo. Ama aan dhahee qof qiran in ay aragtay ma jirto. Meel islama geli karaan in Ganacsi uu canshuur siiyo Shabaab, u hoggaansamo awaamirteeda, Shacab uu caddaalad u raadsado, Dowladdu ay la noolaato xaaladda, haddana qarax la shareysto. Maxay qaadan doontaa in aan isu qiranno runta na hor taalla? Nin aan is naqaan oo Madaxda Sare ee dalka ka mid ah ayaa hadda ka hor ii sheegay sheeko. Ereyadeyda iyo tacbiirkeyga marka aan ku sheego waa sidan: Qaraxa Muqdisho kuugu horreeya waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo xagguu ka dhacay? Midka xiga in aad tiraahdo qof ehel ama saaxiibkeey ah ayaa ku dhintay. Kan kuuga xiga aad tiraahdo dirqi ayaan uga badbaaday. Marka xigta in aad ku dhaawacnto. Kan kalena adiga lagaa sheekeeyo. Sheekadana lagu gunaanado, Allow u naxariiso. Sidaas miyaan wada sugnaa? Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa shacabka. Ha noqoto caasimadda dalka oo kala xiran, oo isu socodku aad u adag yahay ama ha noqoto halista qofku og yahay in uu ku sugan yahay. Mar kasta oo aan la qabsanno xaaladda oo aan la sii noolaanno, xalku wuu sii fogaanayaa. Qaraxa iyo dhimashaduna waa ay sii badan doonaan. Howl aan ku hureyn, horaa loo fuliyaa. Ganacsatada canshuurta siisa Shabaab, wadaaddo iyo xataa siyaasiyiinta qaarkood gacan waa ay ka geysan karaan in la soo afjaro colaadda Shabaab. Soomaaliya nugeyl aan lagu aqoon ayay badeen dagaallada daba dheeraaday. Nama soo marin xilli aan uga baahi badan nahay in aan joojinno xabbadda Soomaalida dhexdeeda ah. Maalinta runta na hortaal la qirto ka dib ayay billaaban doontaa raadinta xal shaqeyn kara oo laga gaaro Shabaab. W/Q: Yuusuf Garaad
  3. A man alleged to be a Somali Presidential candidate and three Kenyan nationals were detained on Thursday under suspicion of terror related offences in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  4. A man alleged to be a Somali Presidential candidate and three Kenyan nationals were detained on Thursday under suspicion of terror related offences in Nairobi. Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed and Hussein Hassan Muhammud were arrested on Wednesday in Muguga area in Kiambu. Ibrahim Kassim was arrested at his house in South C by Anti-Terrorism Police Unit following a tip-off. The four suspects appeared before Principal magistrate Peter Okoo at the Milimani Law Courts. He directed that they be detained for four days to enable detectives from ATPU complete their investigations as was requested. Detectives revealed that the four were engaging in unclear dealings with regards to the Somali general elections in order to benefit with other associates who are yet to be apprehended. Ibrahim Farah was allegedly in possession of a Djibouti passport, electoral commission forms, 4 mobile phones, an alien certificate and coloured copies of two Kenyan identity cards. Source: Citizen.co.Ke
  5. PRESS RELEASE UAE strongly condemns terror attack on security checkpoint in Egypt The UAE expresses its vehement condemnation of these criminal acts and its principled rejection of all acts of violence and terrorism ABU DHABI, United Arab Emirates, June 7, 2019/ — The UAE has strongly condemned a terrorist attack on a checkpoint south of Al Arish city in north Sinai, Egypt. A statement issued by the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, MoFAIC, today said that: ”The UAE expresses its vehement condemnation of these criminal acts and its principled rejection of all acts of violence and terrorism.” The UAE also reiterated its support for the sisterly Arab Republic of Egypt and expressed its firm solidarity with the government and people of Egypt in their fight against these dangerous crimes. ”These coward, terrorist acts will not weaken the resolve of Egyptian people to continue their fight against terrorism, which has no country, religion or ethics,” the ministry affirmed. “This terrorist incident is completely incompatible with all religious and humanitarian values and principles,” it added. The ministry expressed the UAE condolences to the families of martyrs as well as to the government and people of Egypt while wishing speedy recovery of those injured. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  6. Saddex muwaaddin oo Kenyan ah iyo nin la tuhunsan yahay inuu yahay murashax madaxweyne oo Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Nairobi Khamiistii iyadoo looga shakisan yahay falal argagixisanimo. Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud ayaa arbacadii lagu xiray agagaarka Muguga ee deegaanka Kiambu. Ibrahim Kassim ayey kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka South C boliiska la dagaallama argagixisada kaddib markii ay heleen xog ku saabsan Ibrahim. Afartaan eedeysane ayaa kasoo muuqday maxkamad si loogu qaado dambiyada loo heysto. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaan xabsi lagu sii heyn doono muddo afar maalmood ah si baareyaasha ay u sii wataan baaritaankooda. Baareyaasha ayaa shaaca ka qaaday in afarta nin ay ku lug lahaayeen heshiisyo aan wali la caddeyn oo ku aaddan doorashooyinka guud ee Soomaaliya si ay halkaas uga faa’iideystaan waxaana jira shaqsiyaad kale oo arrintaan ku lug leh kuwaasoo aan wali la soo xirin. Ibrahim Farah ayaa la tuhunsan yahay inuu haysto basaboor Jabuutiyaan ah, aqoonsiyo guddi doorasho, 4 Mobile, shahaado aqoonsi ah iyo afar kaar aqoonsi oo Kenyan ah kuwaaso midab leh. Dacwadda raggaan lagu soo oogay ayey Maxkamaddu sheegtay inay dib kasoo faahfaahin doonto. Source: goobjoog.com
  7. Baladweyne (SMN): – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka dalbadey Saraakiisha Amisom ee Gobolkaasi in Xaafadaha Magaaladda Baladweyne laga Hirgaliyo Sal dhigyo Boolis si ay qayb uga noqdaan Dardargalinta Amaanka. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa arintaasi ku tilmaamay mid ahmiyad weyn ugu fadhida Magalada Maadama ay badan yihiin falalka amni daro ee Degmadda Gudaheeda. Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amaanka, waxa uuna maamulku dalbanayaa si wax looga qabto arintaasi in loo baahan yahay saldhigyo Magaalada gudaheeda ah. Baaqan ka yimid Hogaanka Maamulka Hiiraan lama oga in ay aqbalayan iyo in kale Ciidamada Amisom ee ka Hawlgala Gobolkaasi. View the full article
  8. Garoowe (SMN): – Kadib markii ay Somaliland Somaliland qoraal u dirtay hay’daha caalamiga ah ay ku wargelisay in aysan ka hawl geli Karin bariga gobolka Sanaag oo ay sheegtay in malayshiya-beeleed hubaysan iyo Al-shabaab joogaan ayaa waxa arrintaasi beeniyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. (Halkan ka akhriso warbixinta Somaliland) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah ku amray in ay ka hawlgalaan degaannada gobolka Sanaag oo uu sheegay in aysan wax dhibaato ah ka jirin. View the full article
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa saaka kasoo muuqday Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. Seddex ruux iyo isaga ayaa saaka waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ciidamada la dagaalanka argagixisada ay kasoo qabteen guriga ay ka degen yihiin Nairobi. Wararka ayaa sheegaya in Dr Bursaliid iyo seddexda kale ee lala xiray looga shakiyay arimo la xiriira argagixiso, balse waxaa la sheegayaa in lagu helay kiisas kale oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo loo malaynayo inuu yahay musharax. Ibrahim Qaasim Faarax (Bursaliid), Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud, ayaa maanta maxkamad lasoo taagay, kadib markii laga qabtay deegaanka Muguga ee xaafadda Kiambu. Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiintaan lagu amray inay sii xernaadaan muddo afar maalin oo kale si baaritaanada ku socda loosoo dhameeyo, sida ay amartay maxkamadda maanta lasoo taagay. Dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug yeesheen howlo qarsoon oo ku saabsan doorashada Somaaliya, si ay uga faa’iedeysteen dhinacyo kale oo weli la raadinayo. Ma jiro war kale oo kasoo baxay dhanka Qareenada u doodaya Dr Bursaliid iyo xubnaha la xiran. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  10. (SLT-Khartoum) Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abby Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum. Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmay Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiray booqashada halka maalin ah. Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas. Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan ay xubnaha golaha maanta ku yeesheen magaalada Addis-Ababa. Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo isku daldalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyo ayaa sheegaya in daldalaada ay ka dhacday xaafadda Sheelare ee degmada Xamarajajab, waxaana isku daldalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sarkaalka isdaldalay lagu magacaabi jiray gaashaanle Dhexe Cali Cabdi Seed, waxaana dhacdadaan aad looga hadal hayaa xaafadda Sheelare ee gobolka Banaadir. Dadweynaha ku nool Xaafada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ayaa isugu soo baxay Goobta uu isku daldalay,iyaga oo aad uga naxay is daldalaada Sarkaalka oo ay aad u yaqaaneyn. Weli lama cadeyn waxa ku kalifay in sarkaalkaas uu is daldalo, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay heysteen duruufooyin kala duwan taas oo ku qasabtay in uu is daldalo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, balse waxaa socda baaritaanka ku aadan waxyaabaha sababay in sarkaalka uu isdaldalo. Ciidamada amaanka ayaa falka kadib markii lagu wargeliyay tagay xaafadda Sheelare oo uu sarkaalka isku daldalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay sugayaan jawaab deg deg ah oo ay ka helaan taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Hiiraan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne uga hirgeliyeen Booliska AMISOM uu uga mahad celinayo, hayeeshee uu ka dalbaday in Afarta xaafadood ee Magalada Baladweyne ay saldhigyo kale ka dhisaan. Wuxuu sheegay inay sugayaan jawaabta deg dega ee dhismaha saldhigyadaasi, maadaama sida uu sheegay horey ay kaga dalbadeen inay saldhigyadaasi kaga furtaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne. Saldhigyadaasi ayuu sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan adkeynta amaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay inaysan wali helin jawaabtii maamulkooda uu doonayay. Jawaabta deg dega ah ee ay sugayaan ayuu sheegay inay tahay in laga aqbalo codsigooda ama lagu wargeliyo inaan la aqbalin codsigaasi. Taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa mashaariic kala duwan ka sameeyay Hiiraan, waxaana uu tababar siiyaa ciidamada booliska ee maamulka Hirshabeelle. Xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo mararka qaar ay geystaan Al Shabaab, waxaana guddoomiye Dabageed uu sheegay in saldhigyadaasi wax badan ka tari lahaayeen amaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen Isniintii lasoo dhaafay Gabar taageertay dowladda Iran. Gabadha ayaa muujisay sida ay u taageersan tahay dowladda Iran, iyadoo dhaleeceysay dowladda Mareykanka iyo maamulka Yahuuda oo xiriir aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyo dowladda Iran. Todobaadkii hore waxaa taagnaa xiisadda u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Iran, waxaana gabadha ciidamada Somaliland ay xireen xiligaasi ay ka hadashay aragtideeda iyo taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Iran. Baraha Bulshada ee ay adeegsadaan dadka ku sugan Somaliland ayaa waxaa is qabsaday dooda ka dhalatay xariga Haweeneyda, waxaana la ogeyn sababta qof aragtideeda cabiray xabsiga loo dhigay. Axmed Aadan Rooble oo ay walaalo yihiin Safiye Aadan oo xabsiga la dhigay ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay markii ay maqleen walaashood oo ka hadashay arimo ka duwan kuwa gudaha Somaliland oo xabsiga la dhigay. Wuxuu sidoo kale sheegay in walaashood Safiya mar ay xanuun dhanka maskaxda qabtay, balse markii la xerayay ay aheyd qof caruurteeda la joogta. Safiya Aadan Rooble ayaa Axadii ka soo muuqatay Warbaahinta Somaliland, iyadoo shir jaraa’id ku qabatay Hargeysa, waxeyna xiligaasi eheyd qof xiran Niqaab. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  14. PRESS RELEASE FIFA statement on the alleged events concerning Mr Ahmad Ahmad, President of African Football Confederation FIFA is fully committed to eradicating all forms of wrongdoing at any level in football ZURICH, Switzerland, June 7, 2019/ — FIFA (https://www.FIFA.com) has taken note of the alleged events concerning Mr Ahmad Ahmad, who is being questioned by the French authorities in relation to allegations related to his mandate while President of CAF. FIFA is unaware of the details surrounding this investigation and is therefore not in a position to make any comment on it specifically. FIFA is asking the French authorities for any information that might be relevant to investigations taking place within its Ethics Committee. As a matter of due process, everyone has the right to the presumption of innocence, but as the FIFA President reiterated yesterday, FIFA is fully committed to eradicating all forms of wrongdoing at any level in football. Anyone found to have committed illicit or illegal acts has no place in football. FIFA is now clean from the scandals that tarnished its reputation and this same determination should prevail in governing bodies such a confederations. FIFA will be at the forefront of ensuring that this is enforced by everyone involved in football. Distributed by APO Group on behalf of Fédération internationale de football association (FIFA). SOURCE Fédération internationale de football association (FIFA) Qaran News
  15. Beledweyne (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo Al Shabaab ay ku sugnaayeen. Weerar gaadmo ah ayaa la sheegay in koox hubeysan oo hab beeleed ahaan u abaabulan inay ku qaadeen saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Halgan oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaanan la ogeyn, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac, iyadoo kooxda weerarka geysatay ay sheegteen inay dileen xubno Al Shabaab ka tirsan. Deegaanka Halgan oo qiyaas ahaan 14 KM u jira magaalada Beledweyne ayaa waxaa Al Shabaab la sheegay inay ku hayeen xoolo badan oo dadka deegaanka Zakawaad ahaan looga qaaday. Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada ayaa sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay u suuro gashay inay ka furtaan Al Shabaab xoolo badan oo gaaraya ku dhawaad 500 oo neef. “Raggaan maleeshiyada waxaa horey ay u kaxeysteen xoolo badan, xoolo badan ayay ku hayaan deegaanka, marka waa lagu weeraray, ku dhawaad shan Boqol oo neef ayay horey u kaxeysteen maleeshiyaadka”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab kasoo baxay, kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka lagu qaaday deegaanka Halgan. Xiisad ayaa saaka ka taagan deegaanka Halgan oo Al Shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan ay ku dagaalameen, waxaana Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. The Indian Ocean maritime boundary dispute between Somalia and Kenya has reached a new level of intensity. Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ugu yeertay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degaanada Maamulka Jubbaland, gaar ahaan hoggaanada dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Jubbaland. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad aan rasmi aheyn u fudisay dhaqanka iyadoo u martay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la dhacsan Xukuumadda kana soo horjeeda hoggaanka Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta badan ay odayaasha dhaqanka diideen caasuumaadda uga timid dowladda federaalka Soomaaliya ayna dalbadeen in loogu yimaado magaalada Kismaayo, si looga wadahadlo tabashooyinka ay dhinacyada Jubbaland iyo dowladda kala qabaan. Warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah odayaasha ay ogolaadeen balse ay ka fikirayaan sidii ay ku soo bixi lahaayeen iyo sidii ay Kismaayo dib ugu laaban lahaayeen hadii ay la kulmaan xukuumadda Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba Maamulka Axmed Madoobe. Beelaha diiday islamarkaana Caasimada Online la wadaagay xogtaan waxaa kamid ah Beesha Cowrmale oo ka tirsan beelaha ugu saameenta badan Kismaayo, waxaana Senator u ah Mudane Iftin Xasan Baasto oo mucaarad weyn ku ah Dowladda Soomaaliya sida uu meelo badan ka sheegay. Xubno ka tirsan Beeshaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xukuumadda ay u soo dirtay mas’uuliyiin aysan noo sheegin magacyadooda balse ay diideen caasumaadaasi loo fidiyay. “Dad kamid ah beesha ayey noo soo direen waana ka diidnay marti qaadkooda oo aan danguud aheyn mana yeeleyno in la bur buriyo Jubbaland sidii Galmudug” ayuu yiri qof kamid ah dadkii aan la hadalnay ee kamid ah Beesha Cowrmale oo marti qaadka diiday. Kaliya ma ahan Beeshaan waxa marti qaadka diiday waxaase jira beelo kale oo naga dalbaday in aan adeegsanin magacyada nabadoonada ama beelaha ay mataalaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka fikireysa qorshe kale oo ay ku meel mariso go’aanadeeda ku aadan xaaladda Jubbaland iyo doorashada sanadkaan dhamaadkiisa ka dhacaysa Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Recently Somalia’s Lower House passed an election law which introduced proportional representation (PR) voting system for 2020/21 elections for parliamentarians and President to replace the medieval Source: Hiiraan Online
  19. Eleyer Daher attributes the rapid growth of Djibouti eSports to the country’s love for gaming. Source: Hiiraan Online
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed, kaasoo habeen hore lagala baxay hoyga uu ka degan yahay Caasimada dalka Kenya. Sida wararku sheegayaan, durba waxaa la qabtay qareeno Difaaca Aqoon yahanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Jimcaha beri Maxkamad la soo taagi doono, taasoo qaadeysa dacwado la sheegay iney Kenya ku soo oogtay. Wali si dhab ah dibadda ma aysan ugu soo bixin Dacwada iyo waxa ay salka ku heyso, waxaase jira tuhuno la xiriirta hadalo hore uu u jeediyay Dr. Bursaliid oo Kenya qoonsatay, taasoo ah mida soo dadajisay in xabsiga ay dhigto. Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ay saaxiibo dhaw yihiin ninka xiran, ayaa sharci darro ku tilmaamay in makamad la’aan uu xabsi isaga jiro Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid wax ka badan 24 Saacadood, iyadoo aaney wax Maxkaamd ah la soo hor istaajin, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dib uu xoriyadiisa u helo. Si kastaba, Bursaliid oo barre ka ahaa Jaamacadda Nairobi, ayaa ah nin ka faalooda arrimaha Siyaasada ee geeska Afrika, isagoo sidoo kale ka shaqeeya Safaarada Mareykanka ee dalka Kenya oo ku taala magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed will visit Khartoum on Friday to mediate between Sudan’s military rulers and an opposition alliance over a transition to democracy, a diplomatic source at the Ethiopian embassy in Khartoum said. Source: Hiiraan Online