Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,581
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Daawo :- Gabadh Trump Iyo Israel U Hanjabtey Oo Hargeysa Lagu Xidhey “ Walaalkeed Oo Wareysi Bixiyey “ Source
  2. Boosaaso Oo caawa roobsatay Macha allah Slået op af Abdirisak Abdalla Faamoos i Fredag den 7. juni 2019 Source
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dab ka kacay xalay qaybo ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan. Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inay ka xakameeyaan inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas. Dhanka kale, waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn. Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska. Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa. Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, waxaana intaba ciidanka dabdemisku ka hawlgaleen daminta dababkii ka kacay suuqaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Burco(SL-T)Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Oo Kulan Casho Sharaf Ah U Sameeyay Hogaamiyaha Khaatumo,Boqor Cismaan Buurmadow Iyo Masuuliyiin Kale Source
  5. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE UNHCR applauds South Sudan’s accession to the International Convention to protect Internally Displaced The Kampala Convention is the first and only regional legally binding instrument for the protection and assistance of internally displaced persons JUBA, South Sudan, June 7, 2019/ — UNHCR, the UN Refugee Agency welcomes South Sudan’s ground-breaking accession to the 2009 African Union Convention for the Protection and Assistance of Internally Displaced Persons in Africa, also known as the Kampala Convention. The Kampala Convention is the first and only regional legally binding instrument for the protection and assistance of internally displaced persons, which incorporates the Guiding Principles on Internal Displacement. “South Sudan becomes the 28th country to ratify the Kampala Convention. This is a significant milestone achieved by the world’s newest country. It is also timely as this year marks the tenth anniversary of the Convention.” UNHCR Representative to South Sudan, Mr. Johann Siffointe said. Its accession has come at a time when South Sudan and the whole Africa region are faced with complex and protracted internal displacement challenges affecting millions of men, women and children. The Kampala Convention will guide a critically important legal framework in South Sudan for protecting, assisting and finding solutions for almost 2 million internally displaced South Sudanese, as well as for the prevention of future displacement by addressing the root causes. “While congratulating South Sudan’s important and historic step forward, UNHCR urges South Sudan to move beyond accession and towards national legislation. South Sudan must ensure that the Convention leads to positive changes which will enable South Sudan to respond and find solutions for internally displaced South Sudanese,” Mr. Siffointe emphasized. UNHCR applauds South Sudan’s encouraging step forward to protect almost 2 million internally displaced South Sudanese as well as more than 2.3 million South Sudanese refugees in neighbouring countries. While the government is primarily responsible for the provision of emergency assistance and effective protection for internally displaced persons, UNHCR will continue to ensure that internally displaced South Sudanese have an access to adequate assistance and protection, and seek durable solutions. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  6. (SLT-Dubai) Wakiilka Somaliland ee Dalka KENYA Ambassador Baashe Cawil Xaji Cumar ayaa soo dhawayn marti qaad ah ku qaabilay Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh . Kaas oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah ganacsatada waa wayn ee Somaliland, iyo xubno kale, sida lagu sheegay war-kooban oo u dhignaa sidan . ” Sharaf weynbay ii ahayd inaan maanta hadhimo sharafeed ku maamuuso Hoggaamiyaha Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh, waxaana nagala soo qayb galay hadhimo sharafeedkan Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Boqor Cismaan Buurmadaw, Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Qaranka JSL Maxamed Aadan Qabyo tire, Madaxda Shirkadaha Hass, Iyo Somcable, Daallo Dahabshiil iyo qaar ka mid ah bulsho weynta Imaaraadka Carabta” Amp Baashe Cawil Cumar. Source
  7. Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya waxa uu ahaa Aabe sideed caruura dhalay,50 sano jirna ahaa saakay labadii saac iyo bar ayaa meedkiisa lagu arkay xeradii uu daganaa ee Sheelare ee dagmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir, taas oo horay loogu wargaliyay inuu ka guuro, Amarkii lagu faray inuu ka guuro xerada ayaa ku ekeed maalinimadii shalay waxaa taas xigtay in laga helay meedkiisa isla xeradii uu daganaa, Ehelada Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in Gaashaanlaha la dilay oo uusan asagu is dilin Deeqo Axmed oo ah Marxuumka dhintay xaaskiisa oo Goobjoog News la hadashay ayaa sheegtay in uusan is dilin saygeeda balse la dilay. ” Waxaan ahay xaaskiisa waxa uu ahaa sargaal Booliska ah oo Gaashaale dhexe ah waxaa nagula war galiyay shalay in nala yiri dhulka waa la duminayaye maxaad uga bixiweysay,waxa uu yiri Taliye aniga meel aan aado ma aqaano ma jirto,Taliyihii ayaa ugu jawaabay haddaan ka bixin waan kaa duminaynaa”. Sidoo kale Deeqo oo hadalkeeda siiwadato ayaa sheegtay in Gaashaanlaha laga wacay taliska guud markii uu tagayna loo sheegay in guddi loo soo diraayo, assagana lagu wargaliyay inuu ku noqdo hoygiisa. ” Waxaa laga wacay xafiiska guud markii uu tagayna waxaa lagu yiri xogheynbaa laguu soo dirayaa oo guddi ayaa loo saarayaa orad gurigaga ku laabo” Dhanka kale Deeqo axmed ayaa sheegtay in warka lagu sheegayo in ninkeedu is dilay aan waxna ka jirin oo xalay asagoo fiyoow uu ka tagay waxa ayna sheegtay in la dilay. ” Xalay waxaan kala jiifay 11-kii habeenimo saakay markaan soo baxnayna 8:30 subaxnimo ayaa lagu arkay xeradii uu daganaa meedkiisa, ciidanka meesha jooga ayaa natusay, waa la geeyay mooye qof asagu tagay ama waalnaa oo iska tagay maaheyn, dadka qaarkoodna waxa ay magaalada galiyeen inuu waalnaa oo Mooto jug siisay, Mooto jug waa ay siisay lakiin nin caafimaad qabo ayuu ahaa oo reerihiisa dhaqanaya oo shaqadiisa og oo dantiisa yaqaano ayuu ahaa” Ugu danbeyn Deeqo Axmed ayaa xustay inay jiraan in la soo wacay Gaashaanle Cabdi Cali Seed, waxa ayna sheegtay inaysan jirin wax is Daldalaad ah oo si ula kac ah loo dilay Gaashaanlaha. ” Madaxdu waa ogtahay wax is dilay majiraan waa la soo wacay oo waa loo sheegay in la xirayo gurigana laga dumoinayo oona caruurta lagu laynayo,waana la baaraya oo waa lagu daba jiraa, marka wax is daldalaad ah majiraan waa nin si ula kac ah loo dilay” G Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Seed, waxaa uu ka mid ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Booliiska, waxaa uu horay ahaa Taliyaha xerada uu maanta isku dilay ee lagu magacaabo Sheelare. Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare. Marxuum Cabdi Cali Seed waxaa uu degganaa isla xerada oo u aheyd halka uu deegaan ahaan si rasmi ah u degganaa, xilka qaadistii lagu sameeyay kadib ayaa amar kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Booliiska lagu wargaliyay marxuumka inuu ka guuro xerada. Cabdi Cali Seed waxaa uu ku dooday sida ay xaqiijiyeen ilo si dhaw ula socday doodaasi, inuu Taliyaha Booliiska u sheegay in aanu haysan meel uu dego, isla markaana ay ii dheer tahay buu yiri “inaan ahay Sargaal xaq u leh inuu helo deegaan uu dego maadaama aanan haysan ilaalo amnigayga sugta. Taliyaha Booliiska ayaa xalay amar ku bixiyay sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil si dhaw ula socotay arrintaasi in xabsi loo taxaabo Cabdi Cali Seed. Subaxnimadii hore ee maanta ayaa la sheegay in Marxuumka inta aaney soo gaarin goobta uu joogay saraakiishii amarka ka haysatay Taliyaha Booliiska, ayuu go’aansaday inuu Is dilo, waxaa uu sheegay inta la xukumi lahaa inuu isagu isxukumayo kadibna uu is marjiyay. Haddaba sida ay arrintan u dhacday waxaa ka sheekeysay xaaskiisa Deeqa Axmed Xassan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/6.7.2019-POLICE-OFFICER-SUICIDE.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN): – Aqoonyahan Ibraahim Farax Bursaliid iyo Sadex Qof oo kale oo Soomaali ah ayaa Manta la horgeynayaa Maxkamad iyado Dowlada Kenya ay ku Eedeysay Xubnahan in ay Xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada. Sadexda Qof ee kale ayaa Magacyadooda lagu sheegay ,Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud. Ciidamo katirsan Booliska ayaa Shaqsiyaadkan soomaalida ah kala baxay gurayhooda dabadeedna Jeelka dhigay. Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhaleeceyyey Xariga Bursaliid oo ah nin aqoonyahan ah oo ka faaloda arimaha geeska Africa islamarkaana bare ka ah jaamacad kutaala Dalkaasi View the full article
  10. Muqdisho (SMN): – Xaaska Sarkaalkii saakay la sheegay in uu isku daldalay Xerada Ciidamada ee xaafada Sheelare degmada Xamamar Jajab ee Gobolkan Banaadir,ayaa sheegtay in uusan is dilin balse la dilay. Allaha u Naxariistee Meydka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed ayaa lagu arkay Gudaha Xerada Sheelare,isaga oo qorta uu u suran yahay xarig, isla markaana meyd ah. Xaaska Marxuumka oo lagu Magacaabo Deeqo Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in ninkeeda uu is dilay,hayeeshe ay sheegtay inay tuhmeyso in si ula kac ah loo dilay. Iyada oo Warbaahinta kula hadleysay gudaha Xerada ayaa waxaa ay sheegtay in madaxda ka sareysa ay kusoo wargeliyeen in la duminayo Hoyga ay degan yihiin,,isla markaana ay ka guuraan,balse uu u sheegay in uusan garaneyn meel uu aado. Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in uu soo wacay Sarkaal ay Magaciisa kusoo koobtay Sulub,kaas oo ay sheegtay in uu ku amray inay Guriga ka guuraan,balse saakay meydka seygeedii lagu arkay Xerada Ciidamada ee Sheelare. View the full article
  11. Maxbuus dagaal waxa la odhan karaa qof kasta oo lagu qabto dagaal uu qayb ka ahaa ama taageere dhinac loo tirinayo xilliga uu dagaal socdo ama xilliyada ku dhow,marka qofku la qabto ama uu is dhiibo ee uu gacmaha taago waxa la yidhaa xaaladdii cadownimo wuu ka baxay,ama wuxuu isu beddelay la haye oo imika laguma shegi karo askari. Sida loola macaamilayo diinta Islaamku waxay gaadhsiisay heerka ugu sarreeya,waxana ku waajibaysa in Sakada dadka la siinayo uu ka mid ayahay,dhinaca kalena haddii aynu isla eegno heshiisyada caalamiga ah Axdigii Geneva 1949 waxa uu dhigayaa in la dhowro xuquuqda maxbuuska dagaalka waxa uu dhigayaa sidan hoos ku qoran;- 1)-In maxbuuska dagaalka aan la jidh dilin,inaan loo hanjabin,inaan la yasin inaan dhaawac maskaxda ah loo gaysan. 2)-Waa in lagu war geliyaa Guddiga Laanqayrta iyo bisha cas in maxbuuskaas la hayo,waa hayadda ka shaqaysa arrimaha aadminimo xilliga dagaallada,meelaha ay ka jiraan dagaalladu,waxana loo ogolaanayaa inay xaaladdiisa ogaadaan marka ay u baahdaan. 3)-Waxa la ogolyahay maxbuuska dagaalka in laga qoro magaciisa,darajada uu lahaa xilliga uu ciidankan ka tirsanaa,da’diisa iwm,waxa ka mamnuuc ah in lagu qasbo suaalo ama laga yeedhsiiyo intii la jidh dilay ka dib. 4)-Maxbuuska dagaalka lama ogola in shaqo culus oo aanu karayn lagu dirqiyo,sidoo kale ma banana in isla dagaalka la soo geliyo oo rasaasta la isaga dhigo. 5)-Maxbuuska dagaalku wuxuu xaq u leeyahay in ehelkiisa lala xidhiidhiyo,meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ,waxa kaloo uu xaq u leeyahay in fariimaha ama waraaqaha uu dirsan karo,oo laga qaadi karo fariimahana loo keeni karo. 6)-Maxbuuska dagaalku wuxuu xaq u leeyahay,in si naxariis leh loola dhaqmo,in cunto nadiif ah la siiyo oo ku filan,in caafimadkiisa la dhowro. 7)-Guud ahaan maxbuusku wuxu xaq u leeyahay sida aad jeceshay in laguula dhaqmi lahaa haddii sidiisa oo kale laguu qaban lahaaa. Maxaabiista dagaalka ee la kala hayo waxa la is dhaafsan karaa marka ay dhamaatto,cadaawadda laba dhinac u dhaxaysaa ee nabad la helo,sidoo kale waa la is dhaafsan karaa iyadoo aanay dhamaan cadawaddu oo wali la is hayo. Faaiidooyin badan ayaa ku jira in maxaabiista si fiican loola dhaqmo,ama la is dhaafsado waxa ka mid ah 1)-Waxay keeni kartaa is faham Siyaasadda ah oo dhex mara labada dhinac aakhirkana heshiis dhalin karta 2)-waxay sare u qaadaysaa adaabta dagaalka iyo aadminimada, dhaqanka Somalida dhinacyo badan oo wanaagsan ayuu lahaa waxa ka mid ahaa Il milig leh,oo loola jeedo ninka lagu qabto dagaalka oo waxa la odhan jiray Cawri ayu leeyahy,waxa ka mid ahaa maganta, waxa ka mid ahaa Biri ma geydo oo qofka abwaanka ah,Culimada,shakhsiyaadka caanka ah lama dili jirin. 3)-waxay Tusaale u noqon kartaa mandaqadda ama gobolka oo nabadgelyo iyo naruuro hela 4)-Waxay beddeli kartaa fikirka guud ee Caalamku ama umadahu ka aaminsanyihiin waddamada,dhaqanka ilbaxnimo la yimaadda itaalka ay doonaan ha lahadeen. Habka Protocolka ama sagootinta maxabiista waxa ku filan oo wareejin kara Generalka Ciidanka,ee labada dhinac haddise maamuskooda kor loo qaado wax dhib ahi kuma jirto,dhinac kastaaba maxabiista loo soo daayay wuxu u samaynayaa ham maamuus waxana gacanta laga saraa askari kasta qoraal ka tarjumaya in lala qaybsaday dhibta iyo war warka soo gaadhay isaga iyo ehelkiisaba intii nuu xidhnaa,wakhtigii ka lumay iyo dhib kasta oo Jidh ahaan iyo maskax ahaan u soo gaadhay,waxana lagu muujinayaa in qaranku u ogyahay howshas soo gaadhay. Guud ahaan waan soo dhowaynayaa in Somaliland iyo Puntland is dhaafsaden Maxabiistii dagaalka tuko raqlagu kala qabsaday sanadkii aynu soo dhasafnay iyadoo Somaliland sii daysay (14) maxbuus halka Puntland dhinaceeda ka sii daysay (3)maxbuus,hore waxa u jiray sanadkii 2008 xilligii Dahir Rayale Kahin in Somaliland Sii daysay 79 maxbuus oo puntland ah waxa ku jiray sadex sarkaal Colonel oo kala ahaa Siciid Doob,Dayr iska Toos iyo Cali jaamac, halka ay puntland ay soo daysay 25 maxbuus,maxabiistan oo lagu kala qabsaday Dagaallo ka dhacay Laascaanood,Abeesalay,Sii Xawle.Balli hadhac iyo Widh-widh. Waxan leeyahay waa tallabo geesinimo labada dhinacba,waxayna horseedi kartaa in umadda Somalida ahi ay isu calool fayobaato meel kasta oo ay joogaan. Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR khadarsalaan@gmail.com 063-4101213 Source
  12. “Inta go’aan ee Madaxweynuhu ka noqday kow iyo laba dheh Huuno “… Sida dhaqanka Dadka Rer Somaliland caanka ku yahay, ka hor nidaamka Xisbiyada ee hadda jira iyo kadiba waxay caan ku ahayeen wax diidista iyo wax tageerida aan gabashada iyo xanshaashaqa lahayn “Wax Diido Markay Jirtaa Wax Doonkuna Meel Maryahay “ Hadraawi. Dhammaan Xukuumadihii Somaliland soo maray Mucaaridad way la kulmi jireen, qaarba dagaalo gudaha ah la kulmay, siday aniga iyo dad badan oo kale qabaan Xukuumaddii ugu cabanayd waa midda Muuse Biixi Cabdi hoggaamiyo. Waxay ilaa hadda sharxi kari la yihiin, ma waxa idin wanaagsan in ummaddu qabyaalad u qaybsantahay mise inay midaysantahay, Wasiiro saamayn ay taas ku ogaadan iyo mid ay kaga hortagaan xitaa waxay diidan yihin lehna Madaxweynuhu ma haysto. Madaxweynahu intuu go’aan qaato oo ku adkaysto go’aankaas oo marka hor khaldan ayuu hadana ka noqdaa. Hadaan midh iyo laba idinka sheego inta dhacdo ee uu sida jar iska xoornimada ah u galay hadana Ergada u dirsaday kow iyo laba dheh. Ganacsade Axmed Cismaan Geele soo qabta ayuu yidhi Tuugna wuu ku sheegay, markay cirka qabatay ayuu ergo baryo ah Madaxweyne Muuse Biixi dirsaday sidii ayuu isagoo jilbaha haysta heshiis kula galay. 2.. Weerarkii Tukaraq ee Puntland in badan ayay Beesha Caalamku ku canaanatay inuu isagu gardaro iyo weerar sameeyay oo dulaan qaaday isagoo aan kursiga bilo ku fadhiyin, arrintaasi wajigabax go’doon ah ayay Somaliland iyo adduunka kala dhex dhigtay dadku inta badan sidaa wax uma oga, halkaas markay maraysay ayuu Ergo Saladiin ah Madaxweynuhu diray kuwaas oo rer Somaliland ah oo uu yidhi Puntland nabad ka doona maxabiistana waanu is waydaar sanaynaa haba kala badnaadane, markay hawshii Saladiintu soo dhammeeyen go’aan looma fadhi aha ayuu hadana qaatay oo ah inuu diido is waydaarsigii Maxabiista Saladiintii uu dirayna albaabka ka soo xidho. Sannad kabacdi Ramadaan To Ramadaan Kadib ayuu ergo kale diray, ogolaaday siidayntii maxabiista 18 May na kaga khudbadeyay. Waa go’aano is wada burinaaya.. Doorashadii oo aanu saamigii laga sugaayay Madaxweynuhu go’aan ka gaadhin, oo xeerarkii doorashada aanu diyaarin ayuu go’aamiyay inay laba xisbi doorasho guud Dalka ka galaan taas oo kaftan ku ah Somaliland waa go’aan kale oo waali ah sinaba aan u fulayn ilaa hadda waaka taagan. Beesha Sanaag Bari oo waligoodba ahayd beel nabadeed, innagoo og in Wasiirada Puntland degaankas soo galaan kana baxaan, sidaana ay ahaan jirtay, siyaasad dhammaystiran oo degaankaas lagu soo xero galinaayana aanu Madaxweynuhu dajin balse shacabka ay ahayd in waxqabad lagu kasbado, ayuu yidhi Madaxweynaheenu Dagaal ku qaada degaanka wixii Ka Dhacay ayaa ka dhacay waakaas degaankii is wada raacay, waa go’aan kale oo khaldan aan loo tallo badsan hadana ergo uunba ka furan sidii cadada ahayd . 5.. Hadda sida uu Ex Wasiir Maxamed Aadan Qabyo tire Sheegay ergo ayay ku wadaan Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed . Maxaa Boqorka laga ergaynaya hadduu yidhi “waar doorasho ma dhawa, shirkana anigu ma dhigin gogoshiisa shir hore u socday ayuu aha oo dareenkiisa bulshadu wada waday, sabab diidaysaana ma jirto iyadoo Madaxweynuhu hore u sameeyay inuu isba laab xaadho mid kamid ah ardaayada shiraaya”. Wax aan cabanaan ahayn oo ku jirta halkaas iyana garan maayo… Si kasta oo ay tahay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waa middii ugu cabanayd ee carriga soo marta uguna go’aanka jilicsanayd.. Tusan … Source
  13. Sayd Maxamed Cabdile xasan wuxuu aasaasay dhaq-dhaqaaq Diiniya oo wadaniya , kana xeer qoto dheer dhaq-dhaqaaqyadadii laggu yaqaanay soomaalidda waagii uu noolaa . Dhaq-dhaqaaqaas Saydka iyo raggii la socday waxay u sameeyeen qaab dhismeed ka balaadhan beelnimo , waayo aragtida dhaq-dhaqaaqaasi waxay ahaayeen kuwo ka balaadhan beelnimo iwm . Hadaba mudadii halgankaasi socday , dhaq-dhaqaaqii saydku bilaabay , waxaa loogu biiri jirey qof qof , qoys qoys iyo beel beel intaba , hassa yeeshee waxaa waajib ahayd in qof kastaaba marka uu ku biiro dhaq-dhaqaaqaas uu qoyskiisa xarunta usoo raro , kana soo digo rogto beelihii uu horre uga tirsanaa , kuna abtirsado magaca dhaq-dhaqaaqa ee loo yaqaanay daraawiishta . Saydka iyo Qabiilka . Dhaq-dhaqaaqa Daraawiishta iyo hogaamiyihii daraawiishta ee sayd maxamed cabdile xasan , qabiilka waxay u adeegsadeen xeelad siyaasadeed oo ay ku raadiyaan taageero , waxaanay ka lahaayeen aragti ka duwan tii soomaalidda ee waagaas iyo tan hadeer joogtaba , daraawiishtuna ma ahayn mid beelaha kala jecel hasa yeeshee wuxuun bay u adeegsatay gaadhista yoolka ay u socdeen . Inta badan Gabayadda saydka waxaa laggu arkaa , Saydka oo beel ku maagaya , isagoo hadana isla beeshii amaanaya , isagoo u hanjabaya iyo hadana isagoo isla beeshii u bushaaraynaya , waxaas oo dhamina waxay muujinayaan in aan saydka iyo daraaweeshtu beelaha kala jeclayn laakiin ay xeelad ahaan u isticmaalayeen . Saydka iyo soomaalidda . Dhaq-dhaqaaqii daraawiisheed waxaa kasoo horjeestay sidii taariikhdu waligeed ahayd , dadkii xukunadda beelaha gacanta ku hayay , abwaanadii magaca lahaa iyo odayaashii beelaha intooda badan . Mudadii dhaq-dhaqaaqaasi socday , waxaa ka hor yimi , Garaad Cali Garaad Jaamac . Sul Maxamuud Cali shirre . Boqor Cismaan . Sul Keenadiid . Suldaanka keliya ee raacayna wuxuu ahaa sul Nuur , isna culayskii soo gaadhay wuxuu galaaftay saldanadiisii . Dhinaca kale waxaa dhaqdhaqaaqaa ka horyimi , Culimadii ,Abwaanadii sidda , Cali dhuux , Yuusuf dheere , Qamaan bulxan , Cali jaamac habiil iyo qaar kaloo badan . Hassa yeeshee waxaa taageeray dhalinyaro ,reer guuraagii dabaqada dhexe iyo culimadii aan waawaynayn . Daraawiishta iyo sooyaalkeedda . Daraawiishtu waxay ahayd dhaq-dhaqaaq ka wayn beel iyo beelo , dadkii ka qayb galayna waxay ahaayeen kuwo ku socday aragti ka wayn beelo , beel Soomaaliyeed oo daraawiish noqotay ma jirin dhamaanteed , beel kasoo wada horjeedayna ma jirin . Dhinaca kale , hadii dadkii daraawiishta ahaa loo eego beelo , waa hubaal in beeluhu ku kala badanaayeen taana waxaa keenayay Deegaanka iyo dabeecadiisa , hassa yeeshee qof kasta oo daraawiish ka qayb galay wuxuu mudan yahay in loo arko Darwiish ,iyadoo aan Daraawiish loo kala saarayn beelo loona kala jeclaanayn . Daraawiish iyo siyaasadda . Taliskii Maxamed siyaad isagoo ka duulaya dantiisa gaarka ah ee ku saabsan ilaashiga kursigii uu ku fadhiyay wuxuu sameeyay taariikh daraawiisheed oo macnaheedu yahay in daraariish sooyaalkeeda loo eegaysiiyo in ay ahayd Beelo Soomaaliyeed , Beelo kale oo soomaaliyeed kasoo horjeedeen , iyadoo loo qaabiyeey in beelaha kacanka raacsani yihiin daraawiish kuwa kasoo horjeeedaana aanay ahayn . Daraawiish iyo dhaxalkeedda . Daraawiish dhaxalkeeda in la ilaaliyo oo aan la uskagayni waa masuuliyad saaran qofkasta oo damiirle oo soomaaliyeed , xumaanta ugu wayn ee sooyaalkaa loo gaysan karaana waa in la qabyaaladeeyo , dhalinayrada cusubna waxaa haboon in ay taariikhda ku eegaan indho aqooneed , cadaaladeed iyo masuuliyadeed oo ay wax ka bartaan sidda aduunyadu u dhawrto taariikhda ay leeyihiin . Ugu danbayn , waxaan aaminsanahay in saydka iyo daraawiishtu ahaayeen halgamayaal diineed iyo wadaniyadeed , oo ka koray qabyaalad iyo beelo , hadii taariikhdooda si wanaagsan loo daraasadeeyana wax wayn lagga faaidayo ,ujeedada qoraalkayguna waa in taariikhda daraawiisheed ladhawro oo aan la kharibin . Source
  14. (SLT-Muqdisho)Wararka naga soo gaadhaya xarunta Dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegayaa in Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu isku dal-dalay Xerada Sheelare ee ku taalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Cabdi Cali Seed oo ahaa Gaashaanle Dhexe ayaa waxaa la sheegay in uu isku dhex dilay gudaha Xerada,isagoo qoorta gashtay xadhig kadibna is dilay. Askarigan ayaa marku uu falka sameeynayay wuxuu xidhnaa darajadiisa Gaashaaleha dhexe. Sidoo kale goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaadhay dadweyne farabadan, kuwaasi oo deganaa agagaarka Xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab. Warar kala kuwan ayaa ka soo baxaya sababta uu isku dilay Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, hayeeshee waxaa la sheegayaa in ay jiraan daruufo keentay in uu is dilo. Source
  15. (SLT-Liberia) Kumannaan ruux oo mudaaharaadeyaal ah ayaa la filayaa in ay Jimcaha isugu soo baxaan waddooyinka dalka Liberia, iyaga oo muujinaya carada ay u qabaan madaxweyne George Weah. Waxay ku eedeeyeen in uu si xun u maaraynayo dhaqaalaha iyo waliba sida uu u arko musuqmaasuqa. Guddiga Waddaniyiinta oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin, arday iyo kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay in la isu soo baxo iyaga oo sheegay “in dalka la badbaadiyo” waa sida ay hadalka u dhigeen ee. “Waddooyinka ayaan ku sii sugnaan doonnaa tan iyo inta dalabkanaga laga fulinayo… Waddooyinka ka tagi mayno tan iyo inta aan natiijo ka helayno” ayay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay Henry Costa oo ah madaxa dibad baxayaasha. Dadka ayaa cuntooyin kayd ah sii gadanaya ka hor mudaaharaadyada, iyaga oo ka cabsi qaba in dhibaato dhacdo maalmaha foodda inagu soo haya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Carada dadkan ayaa salka ku haysa lacago ay dawladdu lahayd oo la waayay. Waxaana u xoog badan labadan fadeexadood. Sannadkii hore waxaa soo baxday fadeexad sheegaysa in la waayay 104 milyan oo doolar oo dekedaha lagu ogaa. Lacag dhan 25 milyan oo doolar oo si xun loo maareeyay, taas oo loogu talagalay in lagu kabo dhaqaalihii sannadkii hore. Source
  16. (SLT-Burma)Wuxuu masaajiddada ku tilmaamay inay yihiin “saldhigyada cadawga” isla markaasna Muslimiinta ugu yeeray inay yihiin “eeyo waalan”. wuxuu ku eedeeyay Muslimiinta inay xatooyo iyo kufsi u geystaan haweenka u dhashay dalka Burma. Muddo sannado ah, xukuumadda Myanmar waxay difaaceysay wadaadka muranka badan dhaliyay ee heysta diinta Buddhist, Ashin Wirathu waxaa uu jeediyay hadallo kala qeybsanaan abuuray. Balse markii uu weeraray hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, waxaa lagu riday xukun xadhiga ah, waxaana lagu eedeeyay geysashada falal daandaansi oo kasoo hoerjeedo sharciga dalkaas. Haddaba, waa kumaa wadaadkan qaska dhaliyay? Sannado hore Wadaadkan lagu magacaabo Ashin Wirathu ayaa soo ifbaxay sannadkii 2001-dii markii uu billaabay olole ka dhanka ganacsatada Muslimiinta ee dalkaas. Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu xukumay 25 sanno oo xarig ah, sannadkii 2003-dii. Waxaa lasoo daayay sannadkii 2010-kii markii cafis loo fidiyay. Balse waxay u muuqataa in xadhigiisa kaddib uu iska daayay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta. Khudbadaha uu jeediyo wuxuu kusoo qaadan jiray sheekooyin ku saabsan diinta Buddhist isagoo “shucuur waddaniyad ah muujinaya”. Si deggan oo hufan ayuu hadli jiray markuu ka qeybgalayo shirarka jaraa’id, laakiin wuxuu u hadli jiray si carro leh marka uu ka qeygalayo munaasabadaha ka dhaca goobaha ay dadka isugu yimaadaan, haddalladiisa waxay abuurayeen kala qeybsanaan iyo Islaam naceyb. Waxuu gadaal ka riixayay meel marinta sharci ka mamnuucaya Muslimiinta Myanmar in ay guursadaan haweenka heysta diinta Buddhist. “Ma yareysan kartid Maska si kasta ha u yaraado ee, Muslimiinta waxay la mid yihiin Maskaas,” ayuu yidhi Ashin Wirathu. Waxaa laga mamnuucay baraha bulshada Wuxuu baraha bulshada ka bilaabay inuu ku faafiyo hadal ah in Islaamka uu la wareegay dalkaasi ayna tirada bulshada Muslimiinta ay sare u kacday Bishii January ee sanndkii 2018-kii, Facebook ayaa xayiraad kusoo roggay markii uu qoraallo kala qeybsanaan dhalinaya uu jeediyay oo ka dhan ahaa Muslimiinta Rohingya ee laga tirobadan yahay. Xilliggaasi wuxuu ka dhawaajiyay inuu raadsanayo goob kale oo aan Facebook aheyn si uu go’aankiisa uga sii wato. “Markii Facebook uu iga xidhay, waxaan ku tiirsnaan Youtube-ka balse dad badan kuma xirna, marka waxaan adeegsan Twitter si aan u sii wado howsha qarannimo ama qarameynta,” ayuu yidhi wadaadka. Waxaa uu muuqaalladiisa ku faafiyaa baraha bulshada ee laga leeyahay dalka Ruushka iyo meelo kale. Bishii April ee sannadkan waxaa laga mamnuucay khudbadihii uu ka jeedin jiray dalka deriska ah ee Thailand oo ay dadweynihiisu heystaan diinta Buddhist. Bishii July ee sannadkii 2013-kii, wargeys lagu magacaabo Time magazine ayaa soo daabacay sawirka ninkan oo ku uu ku tilmaamay “Wajigga argagixisada ee Buddhist”. “Si khaldan ayaa la ii fahmay aniga, waa la i weeraray, waxaan filayaa in koox gaar ah ay warbaahinta u adeegsadaan inay i bahdilaan, waxaa xaqiiq ah in warbaahinta Online-ka ay maamulaan Muslimiin,” ayuu BBC u sheegay sannadkii 2013-kii. Waxaa lagu tilmaamay “Bin Ladenkii Buddhista” markii la baahiyay barnaamijkaas sannadkii 2015-kii, waana magac ay u bixiyeen warbaahinta reer galbeedka balse wuxuu diiday in magacaas lagu tilmaamo isaga. Dagaal uu ku qaaday Qaramada Midoobey Ninka 51 jirk ah waxaa uu jeediyay hadallo badan oo dhibaato horseeday. Markii Qaramada Midoobey ay ergey gaar ah u dirtay Myanmar sannadkii 2015-kii, si ay usoo baaraan tacaddiyadda ka dhanka ah Muslimiinta laga tirobadan yahay, waxaa uu ergeyga ku tilmaamay “dawaco iyo qof jirkeeda ka ganacsato”. Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay sannadkii lasoo dhaafay waxay soo jeedisay in baaritaano lagu sameeyo saraakiisha ugu sarreysa militariga Myanmar oo ku aadan xasuuqa ka dhacay gobolka Rakhine ee ka dhanka muslimiinta Rohingya kaddib markii maxkamadda dambiyada caalamiga ah ay furtay baaritaanno. Dowladda Myanmar waxay beenisay warbixinta Qaramada Midoobeey. “Maalinta ICC ay halkan timaaddo… waa maalinta uu Wirathu qaadan lahaa qori,” ayuu taageerayaashiia u sheegay waddaadkan, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay. Qalalaasaha saameynta ku yeeshay Muslimiinta Rohingya Taageeraayiisha waxa lagu eedeeyay inay sameeyeen kacdoon ka dhan ah Muslimiinta ku nool gobolka Rakhine taas oo horseeday inay gobolka ka qaxaan dad gaarayo 700,000 oo u cararay dhinaca Bangladesh. Wareysi uu siiyay wargeyska Guardian, 2017-kii, waxaa uu ku yidhi . “Aung San Suu Kyi waxay dooneysay inay caawiso dadka shisheeyaha ah ee Bengali balse waan ka hor istaagay.” Dadka ku nool Myanmar waxay ereyga Bengali ugu yeeraan Muslimiinta Rohingya oo ay ugala jeedaan dad shisheeye. Waxaa uu ku eedeeyay xisbiga ka arrimiyo dalkaasi inuu wado qorshe qarsoodi ah oo ay ku taageerayaan muslimiinta. Fikradda diinta Buddhism Myanmar waxaa saameyn xoog leh ku leh diinta Buddhist, boqolkiiba 90 dadka dalkaasi waxay heystaan diintaas. Wadaadada diinta Buddhista ee ku sugan dalka Myanmar waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 500,000, waana dal taarikh dheer ay ku leeyihiin hoggaamiyeyaasha militariga ee kalitaliska ah. Ururrada uu ka tirsan yahay Wirathu Wirathu waxaa horey loola xiriirin jiray urur lagu magacaabo 969, tageerayaasha ururkan waxay lambaradan u kala yaqanaan diinta Buddhista, waxbarashada diintan iyo astaamaha wadaadada ka tirsan Buddhist. Dhab ahaantii, ururka 969 waxaa uu wadaa olole ka dhan ah Muslimiinta. Sannadkii 2013-kii, madaxweynaha Myanmar Thein Sein ayaa tageeray ururkan, waxaa uu ku tilmaamay Wirathu inuu yahay wiilka diinta Buddhist. Wirathu ayaa sidoo kale madax ka ah urur la yiraahdo “Ma Ba Tha” oo la aasaasay sannadkii 2014-kii, balse waxaa la mamnucay sannadkii 2017-kii. Wirathu waxaa uu xiriir dhaw la leeyahay urur ka dhisan dalka Sri Lanka oo lagu magacaabo Bodu Bala Sena ama BBS. waxaa hoggaamiya wadaad reer Sri Lanka ah oo haysta diinta Buddhista. Ururka BBS ayaa ku caanbaxay ololaha rabshadaha wata ee ka dhanka ah Muslimiinta. Weerarka uu ku qaaday Suu Kyi “Waxay u labisataa sida haweenka xayeeysiiya dharka ee marsada waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan. Waxay mareysaa goobahaa iyadoo si la yaab leh u socota, kabo qoobab dhaadheer leh xiran oo qaar dambkeeda u muujineysa dadka shisheeye,” ayuu yiri bishii April, xilli u la hadlayay tageerayaashiisa. Waxaa uu hadalkan ku waday hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi. Hadal uu bishii May jeediyay, Wirathu wuxuu saraakaal ka tirsan dowladda ku eedeeyay inay la saxeetay nin shisheeye ah. Suu Kyi waxaa guursaday nin u dhashay Ingiriiska, Michael Aris, kaas oo sannadkii 1999-kii u geeriyooday cudurka Kansarka, waxayna muddo ku jirta xabsi guri. Source
  17. (SLT-Zimbabwe)Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ka qayb qaatay qorshaha lagu nadiifinayo qaybaha ay dan yartu dagaan ee magaalada caasimadda ah ee Harare. Madaxweynaha ayaa markii uu wasakhda xaaqayay xirtay waxyaabo boorka ka celiya. Muuqaal ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa laga arki karaa madaxweynaha oo qashin xaaqaya. Wajigiisa waxaa qariyay shay uu afka ku xidhtay si uu boorka uga difaaco,balse waxaa lagu aqoonsan karaa marada uu caanka ku yahay ee uu qoorta saarto. Source
  18. (SLT-South Africa )Dadka ku dhaqan waqooyiga bari ee dalka Koonfur Afrika ayaa loogu baaqay in ay taxadar muujiyaan, iyadoo dawladduna ay baadigoobayso 14 libaax oo ka baxsaday beerta xayawaanka ee Kruger National Park. Masuuliyiinta gobolka Limpopo ayaa shaaciyay war qoraal ah oo ay ku sheegayaan in dadku ay markasta “feejignaadaan”. Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay xerada Ciidamada birmadka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada birmadka Somaliland. Dilkan ayaa waxa geystay Askari ay ka wada howl-galayeen xerada Birmadka, oo magaciisa lagu koobay Caateeye, kadib markii ay is af-dhaafeen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Aadan. Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen oo xabsiga u taxaaben Askarigii dilka fuliyay, isaga oo aan weli ka baxsan xerada uu dilka ka geystay. Askarigan dilka fuliyay ayaa hayb ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal, oo dhowaan gobolada bariga looga dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, halka uu Askariga uu toogtayna uu kasoo jeeday gobolka Gabiley. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay xerada ciidamada birmadka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Xerada ciidamada booliiska ee xaafadda Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay saakay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray, G/dhexe Cabdi Cali Seed ayaa wuxuu isku dal-dalay xarig isagoo xiranaa darajada ciidanka, isla markaana goobtii uu isku daldalay uu ku geeriyooday. Dadweynaha ku nool xaafada uu falkan ka dhacay ayaa halkaas isugu soo baxay, iyagoo aad uga naxay dilka uu sakaalkan isku geystay, kaasoo si aad ah looga yaqaannay xaafaddaas, illaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ah ee uu isku dal-dalay. Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay ay duruuf aan la carro-baahin haysatay sarkaalka, loona maleynayo inuu arrintaas isku dilay, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in duruufaha haystay ay ka mid ahayd lacag la’aan ba’an. Dhacdooyinka la xiriira is-dal-dalaada ayaa mararka qaar waxay ka dhacaan gobollada Somalia, waana naadir ah, balse taliska Booliska Somalia, ayaan weli ka hadlin dilka uu sarkaalkan ka tirsan booliiska isku geystay maanta. Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreeysay nooceeda oo uu sarkaal ka tirsan booliiska DF isku geysto, isgaoo xiran direyska ciidanka iyo darajadiisii, waxaana maydkiisa goobta ka qaaday ciidammo booliis ah. Ugu dambeyn, Waaxda dambi-baarista booliiska Somalia ee CID-da, ayaa wada baaritaanno ku aaddan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu si iskiis ah isku dilo sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somalia oo isku dal-dalay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Shacabka Xiingalool oo soo dhoweeyay G/sare Xuseen Dheere Gaashaanle Sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) oo kamid ah taliyaashii ciidamadooda kala soo baxay Somaliland ee ku soo biiray Puntland ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag. Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa waxaa soo dhowayn diirran ku maamuusay maamulka degmada Xiingalool saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland ee halkaasi ku sugan iyo boqollaal shacab ah oo sita calanka Soomaaliya iyo kan Puntland. Taliyaha oo goob fagaara kula hadlay bulshada Xiingalool ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay waxaana uu shacabka gobolka sanaag ugu baaqay in ay adkaystaan difaaca midnimada iyo wadajirkooda. Sidoo kale mas’uuliyiin iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay tallaabada ay qaadeen taliyaashii ciidamadooda kala baxay Somaliland kadib markii lagu amray in ay weerar ku qaadaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Taliye Xuseen Dheere oo si heer sare loogu soo dhoweeyay Xiingalool appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Maxkamad ku taalla magalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa Maanta lasoo taagay afar ruux oo Soomaali ah oo uu ku jiro aqoonyahan Ibraahim Bur-saliid oo Arbacadii ay xireen ciidamada Sirdoonka Kenya. Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin argagaxisada, waxaana afarta qof ay kala yihiin; Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan Maxamuud iyo Ibraahim Qaasim Faarax Bur-saliid. Garsooraha maxkamada Milimani ee Nairobi, Peter Okoo ayaa amray in farta ruux ee Soomaalida ah lagu sii haayo xabsiga muddo afar maalin ah, iyadoo maxkamadeyntooda ay dhici doonto 12-ka bishaan lagu jiro. Sidoo kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoyga Ibraahim Bur-saliid laga helay baasaboor Jabuutiyaan ah, warqadaha guddiga doorashada, afar taleefan, kaarka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo koobiga laba kibaandho oo sharciga Kenya ah. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada dowladood ee salka ku haya muranka Badda oo muddo soo jiitamayay. Wararka ayaa waxay sheegayaan in xarigga aqoonyahanka Soomaaliyeed oo inta badan ka faaloon jiray arrimaha geeska Afrika, gaar ahaan kuwa dalal ay ku jirto Somalia xariggiisa ay uu salka ku hayo khilaafka labada haatan u dhexeeya labada dowladood. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dhawaanahan wadday culeysyo ay saarayso Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa inay doonayso inay dalkeeda ka mamnuucdo illaa 66-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Bur-saliid iyo xubno kale oo la hor-geeyay Maxkamad ku taalla Nairobi iyo eedeyn… appeared first on Puntland Post.
  23. Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed,oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa saakay maydkiisa la arkay isagoo daldalan, waxaana falkaan uu ka dhacay Xerada Sheelare ee [...] Source