-
Content Count
208,569 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed. Lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qadaay Dabageed, hase yeeshee xiriirka isaga iyo Waare ayaa aad u xumaa maalmihii dhowaa, ayada oo Dabageed uu marar badan dhalleeceeyey Waare. Dabageed oo shalay magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare. Waxa uu sidoo kale sheegay “in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle”, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene. Hoos ka arag warqadda xilka looga qaaday Dabageed, laguna magacaabay Cali Maxamed Caraale
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Mudane Waare ayaa guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Carraale oo kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Xilka qaadista Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu ku eedeeyay lunsashada dhaqaale laga uruuriyay bulshada gobolka Hiiraan. Hoos ka akhriso Dikreetada PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Twiitter-ka ee Dhaqdhaqaaqa Xoreynta NFD, waxaa dabayaaqada bisha June-2019 dhacaya shir ballaaran oo lagu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya. Sida qoraalka lagu sheegay, xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta lagau casuumay kulankan waxa ka mid ah:- 1 – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale 2 – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil 3 – Xildhibaan Cali Qorane 4 – Faarax Macalin 5 – Axmed Naasir 6 – Junet Maxamed Shirka Aayakatashiga gobolka Waqooyi Bari – (NFD) ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD, iyada oo lagu faaqidayo dhibaatada gobokaasi ku jiro muddado dheer ee dhiacyada maamulka, horumarinta iyo tacadiga ay ciidanka Kenya ku hayaan xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dadweynaha gobolka. Shirkan ayaa kusoo aadaya iyada oo Kenya ay ku lug leedahay muran badeed ku saabsan isku dayga Kenya ee qaadashada dhul badeedka Soomaaliya, oo muddo dheerna iskudeyeysay sidii ay u u milkin lahayd dhul aanay lahayn. Xubnaha shirkan lagu casumaay ayaan weli wax hadal ah soo saarin oo ku saabsan inay shirk aka qeyb-galayaan iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caaismada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Baaris ay ku wadaan waxyaabaha uu sababsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliiska, kaasi oo shalay isku dilay Muqdisho. Waxa ay intaa ku dartay in Hay’adda Dambi baarista Booliiska ee loosoo gaabiyo CID-da ay ku howlan tahay kiiskaan. “Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka”. Ayay tiri Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa meydkiisa laga helay Xerada Sheelare oo uu deganaa, isaga oo qoorta ugu xiran Xarig isla markaana kasoo laalaado Geed, waxaana ehelkiisa ay dalbadeen in la baaro, iyaga oo sheegay in aysan aaminsaneen in uu is daldalay. Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare, islamarkaana ku amray inuu ka guuro xerada. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Somaliland ayaa waxa loogu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumada Biixi u hayo, kadib markii ay soo if-baxday in laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa. Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa Eng Xuseen Buuni oo ah wasiirka kuxigeenka Qorsheynta usoo jeediyey inuu is-casilo, isagoona ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadii Wasiir kuxigeenka uu Madaxweyne Biixi ku wareejiyay Wasiirka maaliyada, wuxuuna yiri “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa Wasiir kuxigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka”. “Iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay Somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yiri laguma aaminayo inuu ku sime noqdo Somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wasiir kuxigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxa gabi ahaanba hawada ka maqan adeega Zaadka loo yaqaano ee lacagayowga la isugu gudbiyo ee habka casriga ah ee Mobil to mobil, adeegani oo in mudo ahba shaqaynaaya waxa 4 cisho ee u danbeeyayba uu la fadhiyaa arin ciladeed oo aan ilaa hada la xalin. Hadaba dhibkani waxa uu haystaa xawaaladaha Somalida ee lacagaywga ka xawila dalka dibadiisa ee adeegsan jiray adeega Zaadka, waxna aan la kulanay dad aad u tiro badan oo ay lacagtoodii ku xanibantahay adeegaasi oo doonaayay in ay qarkood reerahoodii u diraan xaqal ciidka ama biilashii masaariifta u ahaa. Ciladani oo todobaadkii ina dhaafay kolba ay shirkadu dib u hagaajinaysay ayaa hada gabi ahaanba loo taag leeyahay, warar ka soo baxaaya shirkadaha xawaalada ee isticmaala adeegaasi ayaa sheegay in ay la xidhiidheen shirkada isgaadhsiinta ee Telesom oo loo sheegay in ciladani la xalin doono, mar aanu isku daynay in aan la xidhiidhno shirkada Telesom-na way noo suurto gali wayday Qaran News
-
(SLT-Hargaysa) Xafiiska Imtixanaadka Somaliland ayaa ka horyimi dood lagaga hadlaayay qishka Imtixanaadka oo ay baahisay Xarunta Dhaqanka Hargaysa. “Waxba kama jiraan Kulanka doodda ah ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa shaacisay. Ma ogi mana jirto meel ay igula soo xidhiidheen. Sideedaba, doodaha noocan ah waxa u xilsaaran Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka. Sidaas darteed, ma aqbali karno in cid kale ku soo xadgudubto awoodaha sharci ee xafiiskan.” Sidaa waxa yidhi Gudd. Imtixaanaadka Qaranka JSL, Md. Daa’uud Axmed Faarax Source
-
(SLT-Madrid) Weeraryahankii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Real Madrid ee ka dhisan Waddanka Spain. Real Madrid ayaa dhammaystirtay saxiixa Eden Hazard, kaasoo ay lacag rikoorka kooxda ah oo dhan 100 milyan oo euro ay uga soo qaateen naadiga reer England ee Blues. Waxa uu Hazard kooxda Los Blancos qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah, waxaana la filayaa in loo xidhi doono maaliyadda lambarka 7-aad ee Real Madrid. Hazard ayaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa isagoo ah ciyaaryahan kooxda Real Madrid ah 13 bishan June, iyadoo Jamaahiirta naadiga iyo Saxaafaddaba markaas loo soo bandhigi doono. Waxa uu noqday Eden Hazard ciyaaryahan Belgium-ka ah ee ugu qaalisan kubadda Adduunka. Waxa uu 28 sano jirkaan dhaliyey 110 gool,352 kulan oo uu u saftay Chelsea, kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Lille sanadkii 2012-kii. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay ololaha Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, oo ku xiran madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilo kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka dalka ee golaha wasiirada ay soo ansixiyeen, kaasi oo Muudey la sheegay inuu kasoo horjeedo. Muudey ayaa sharcigan u arko mid si cad u xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo mar kale lasoo doorto, taasi oo sida laga soo xigtay dad ku dhow, uu arko arrin dastuur ku tumasho ah. Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha mooshinka aysan dooneyn in mooshinka ay horgeeyaan baarlamanka, balse ay rabaan kaliya inay cabsi geliyaan Muudey, si uusan caqabad ugu noqon sharciga meel marintiisa. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gudoomiya gobalka Hiiraan Yuuf Axmed Hagar Dabageed ayaa eedeen waxa uu u jeediyay madaweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare.. Gudoomiyaha oo maanta magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare. Sidoo kale gudoomiya ayaa sheegay in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene. dhanka kale Dabageed ayaa sheegay in daqliga maamulka aanay jirin cid mushaar laga siiyo wasiir ama Xildhibaan Hirshabelle ah. Hlkaan ka dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/codka-Gudoomiyaha-Hiiraan.mp3 Source: goobjoog.com
-
Boosaaso Oo caawa roobsatay Macha allah Slået op af Abdirisak Abdalla Faamoos i Fredag den 7. juni 2019 Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dab ka kacay xalay qaybo ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan. Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inay ka xakameeyaan inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas. Dhanka kale, waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn. Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska. Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa. Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, waxaana intaba ciidanka dabdemisku ka hawlgaleen daminta dababkii ka kacay suuqaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Inquiry into oil tanker attacks stops short of blaming Iran
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE UNHCR applauds South Sudan’s accession to the International Convention to protect Internally Displaced The Kampala Convention is the first and only regional legally binding instrument for the protection and assistance of internally displaced persons JUBA, South Sudan, June 7, 2019/ — UNHCR, the UN Refugee Agency welcomes South Sudan’s ground-breaking accession to the 2009 African Union Convention for the Protection and Assistance of Internally Displaced Persons in Africa, also known as the Kampala Convention. The Kampala Convention is the first and only regional legally binding instrument for the protection and assistance of internally displaced persons, which incorporates the Guiding Principles on Internal Displacement. “South Sudan becomes the 28th country to ratify the Kampala Convention. This is a significant milestone achieved by the world’s newest country. It is also timely as this year marks the tenth anniversary of the Convention.” UNHCR Representative to South Sudan, Mr. Johann Siffointe said. Its accession has come at a time when South Sudan and the whole Africa region are faced with complex and protracted internal displacement challenges affecting millions of men, women and children. The Kampala Convention will guide a critically important legal framework in South Sudan for protecting, assisting and finding solutions for almost 2 million internally displaced South Sudanese, as well as for the prevention of future displacement by addressing the root causes. “While congratulating South Sudan’s important and historic step forward, UNHCR urges South Sudan to move beyond accession and towards national legislation. South Sudan must ensure that the Convention leads to positive changes which will enable South Sudan to respond and find solutions for internally displaced South Sudanese,” Mr. Siffointe emphasized. UNHCR applauds South Sudan’s encouraging step forward to protect almost 2 million internally displaced South Sudanese as well as more than 2.3 million South Sudanese refugees in neighbouring countries. While the government is primarily responsible for the provision of emergency assistance and effective protection for internally displaced persons, UNHCR will continue to ensure that internally displaced South Sudanese have an access to adequate assistance and protection, and seek durable solutions. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
(SLT-Dubai) Wakiilka Somaliland ee Dalka KENYA Ambassador Baashe Cawil Xaji Cumar ayaa soo dhawayn marti qaad ah ku qaabilay Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh . Kaas oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah ganacsatada waa wayn ee Somaliland, iyo xubno kale, sida lagu sheegay war-kooban oo u dhignaa sidan . ” Sharaf weynbay ii ahayd inaan maanta hadhimo sharafeed ku maamuuso Hoggaamiyaha Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh, waxaana nagala soo qayb galay hadhimo sharafeedkan Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Boqor Cismaan Buurmadaw, Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Qaranka JSL Maxamed Aadan Qabyo tire, Madaxda Shirkadaha Hass, Iyo Somcable, Daallo Dahabshiil iyo qaar ka mid ah bulsho weynta Imaaraadka Carabta” Amp Baashe Cawil Cumar. Source
-
Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya waxa uu ahaa Aabe sideed caruura dhalay,50 sano jirna ahaa saakay labadii saac iyo bar ayaa meedkiisa lagu arkay xeradii uu daganaa ee Sheelare ee dagmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir, taas oo horay loogu wargaliyay inuu ka guuro, Amarkii lagu faray inuu ka guuro xerada ayaa ku ekeed maalinimadii shalay waxaa taas xigtay in laga helay meedkiisa isla xeradii uu daganaa, Ehelada Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in Gaashaanlaha la dilay oo uusan asagu is dilin Deeqo Axmed oo ah Marxuumka dhintay xaaskiisa oo Goobjoog News la hadashay ayaa sheegtay in uusan is dilin saygeeda balse la dilay. ” Waxaan ahay xaaskiisa waxa uu ahaa sargaal Booliska ah oo Gaashaale dhexe ah waxaa nagula war galiyay shalay in nala yiri dhulka waa la duminayaye maxaad uga bixiweysay,waxa uu yiri Taliye aniga meel aan aado ma aqaano ma jirto,Taliyihii ayaa ugu jawaabay haddaan ka bixin waan kaa duminaynaa”. Sidoo kale Deeqo oo hadalkeeda siiwadato ayaa sheegtay in Gaashaanlaha laga wacay taliska guud markii uu tagayna loo sheegay in guddi loo soo diraayo, assagana lagu wargaliyay inuu ku noqdo hoygiisa. ” Waxaa laga wacay xafiiska guud markii uu tagayna waxaa lagu yiri xogheynbaa laguu soo dirayaa oo guddi ayaa loo saarayaa orad gurigaga ku laabo” Dhanka kale Deeqo axmed ayaa sheegtay in warka lagu sheegayo in ninkeedu is dilay aan waxna ka jirin oo xalay asagoo fiyoow uu ka tagay waxa ayna sheegtay in la dilay. ” Xalay waxaan kala jiifay 11-kii habeenimo saakay markaan soo baxnayna 8:30 subaxnimo ayaa lagu arkay xeradii uu daganaa meedkiisa, ciidanka meesha jooga ayaa natusay, waa la geeyay mooye qof asagu tagay ama waalnaa oo iska tagay maaheyn, dadka qaarkoodna waxa ay magaalada galiyeen inuu waalnaa oo Mooto jug siisay, Mooto jug waa ay siisay lakiin nin caafimaad qabo ayuu ahaa oo reerihiisa dhaqanaya oo shaqadiisa og oo dantiisa yaqaano ayuu ahaa” Ugu danbeyn Deeqo Axmed ayaa xustay inay jiraan in la soo wacay Gaashaanle Cabdi Cali Seed, waxa ayna sheegtay inaysan jirin wax is Daldalaad ah oo si ula kac ah loo dilay Gaashaanlaha. ” Madaxdu waa ogtahay wax is dilay majiraan waa la soo wacay oo waa loo sheegay in la xirayo gurigana laga dumoinayo oona caruurta lagu laynayo,waana la baaraya oo waa lagu daba jiraa, marka wax is daldalaad ah majiraan waa nin si ula kac ah loo dilay” G Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Seed, waxaa uu ka mid ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Booliiska, waxaa uu horay ahaa Taliyaha xerada uu maanta isku dilay ee lagu magacaabo Sheelare. Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare. Marxuum Cabdi Cali Seed waxaa uu degganaa isla xerada oo u aheyd halka uu deegaan ahaan si rasmi ah u degganaa, xilka qaadistii lagu sameeyay kadib ayaa amar kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Booliiska lagu wargaliyay marxuumka inuu ka guuro xerada. Cabdi Cali Seed waxaa uu ku dooday sida ay xaqiijiyeen ilo si dhaw ula socday doodaasi, inuu Taliyaha Booliiska u sheegay in aanu haysan meel uu dego, isla markaana ay ii dheer tahay buu yiri “inaan ahay Sargaal xaq u leh inuu helo deegaan uu dego maadaama aanan haysan ilaalo amnigayga sugta. Taliyaha Booliiska ayaa xalay amar ku bixiyay sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil si dhaw ula socotay arrintaasi in xabsi loo taxaabo Cabdi Cali Seed. Subaxnimadii hore ee maanta ayaa la sheegay in Marxuumka inta aaney soo gaarin goobta uu joogay saraakiishii amarka ka haysatay Taliyaha Booliiska, ayuu go’aansaday inuu Is dilo, waxaa uu sheegay inta la xukumi lahaa inuu isagu isxukumayo kadibna uu is marjiyay. Haddaba sida ay arrintan u dhacday waxaa ka sheekeysay xaaskiisa Deeqa Axmed Xassan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/6.7.2019-POLICE-OFFICER-SUICIDE.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): – Aqoonyahan Ibraahim Farax Bursaliid iyo Sadex Qof oo kale oo Soomaali ah ayaa Manta la horgeynayaa Maxkamad iyado Dowlada Kenya ay ku Eedeysay Xubnahan in ay Xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada. Sadexda Qof ee kale ayaa Magacyadooda lagu sheegay ,Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud. Ciidamo katirsan Booliska ayaa Shaqsiyaadkan soomaalida ah kala baxay gurayhooda dabadeedna Jeelka dhigay. Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhaleeceyyey Xariga Bursaliid oo ah nin aqoonyahan ah oo ka faaloda arimaha geeska Africa islamarkaana bare ka ah jaamacad kutaala Dalkaasi View the full article
-
Muqdisho (SMN): – Xaaska Sarkaalkii saakay la sheegay in uu isku daldalay Xerada Ciidamada ee xaafada Sheelare degmada Xamamar Jajab ee Gobolkan Banaadir,ayaa sheegtay in uusan is dilin balse la dilay. Allaha u Naxariistee Meydka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed ayaa lagu arkay Gudaha Xerada Sheelare,isaga oo qorta uu u suran yahay xarig, isla markaana meyd ah. Xaaska Marxuumka oo lagu Magacaabo Deeqo Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in ninkeeda uu is dilay,hayeeshe ay sheegtay inay tuhmeyso in si ula kac ah loo dilay. Iyada oo Warbaahinta kula hadleysay gudaha Xerada ayaa waxaa ay sheegtay in madaxda ka sareysa ay kusoo wargeliyeen in la duminayo Hoyga ay degan yihiin,,isla markaana ay ka guuraan,balse uu u sheegay in uusan garaneyn meel uu aado. Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in uu soo wacay Sarkaal ay Magaciisa kusoo koobtay Sulub,kaas oo ay sheegtay in uu ku amray inay Guriga ka guuraan,balse saakay meydka seygeedii lagu arkay Xerada Ciidamada ee Sheelare. View the full article