Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,581
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Researchers have explained immigrants' swelling pride in their new home country with elevated living standards and longer life expectancy. Source: Hiiraan Online
  2. Soomaali taageeraysa Maxamed Nuur Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shalay maxkamad ku taalla degmada Hennepin ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah. Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan lagu helay in uu sannadkii 2017-kii dilay Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska u wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda. Dhinaca kale bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shalay dibad-bax ku muujiyay sida ay uga xun yihiin xabsiga lagu xukumay Maxamed Nuur iyagoo Maxkamadd ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xukun ku riday sarkaal Soomaali ah oo dil geystay appeared first on Puntland Post.
  3. Abdel Fattah al-Sisi has sold his country as an investment destination with the IMF’s help—but the living standards of ordinary Egyptians are plummeting as elites line their pockets. Source: Hiiraan Online
  4. "I caused this tragedy and it is my burden." – Mohamed Noor Source: Hiiraan Online
  5. Marine Gen. Kenneth “Frank” McKenzie says Iran recently took a “step back” from supposed plans to kill US troops, diplomats, and citizens. Source: Hiiraan Online
  6. An increasing number of companies that help people transfer money to countries without reliable banking systems, known as hawala companies, are seeing their accounts with Swedish banks closed down. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta. Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Mogadishu Clan kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin. Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Mogadishu Clan iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Mogadishu Clan ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto. Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay maamulka Somaliland waa ay beeniyeen warbixinta wargeysla African Intelligence. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  8. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Waare ayaa sidoo kale wuxuu xilkan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo mas’uulkan cusub loo rajeeyey in shaqadiisa u guto si hufan. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
  9. Not many people get to study in the same class as their parents, but a Somali mother and her youngest daughter did just that. Source: Hiiraan Online
  10. Maxkamad ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riddey askari Soomaali Maraykan ah, kaasi oo ku eedeysnaa dilka haweeney. Maxamed Nuur ayaa aad isu difaacay, halka qareenkiisu uu codsaday in aan xukun lagu ridin, balse la kor joogteeyo oo kaliya. Ugu dambeyn, garsooraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay in Maxamed lagu riday xukunka xabsi ah oo dhan 12-sano iyo bar. Durba Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa walaac xooggan ka muujiyey xukunkaasi, waxaana ay sheegeen iney dareemayaan cadaalad darro baahsan. Waxay sheegeen in Maxamed aanu xukunkaasi mudneyn, uuna noqonayo askarigii ugu horreeyey ee xukun sidan ah lagu rido magaalada Minnesota. Maxamed ayaa sanadkii 2017-kii si kedis ah ku dilay Justine Damon doo u dhalatay dalka Australia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Rag hubeysan ayaa waxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen, gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolkaasi. C/rashiid Xaaji Maxamed ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Jowhar, waxaana goobta isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada ammaanka oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgl ballaaran oo lagu radinayey dadkii falkaasi ka dambeeyey, balse ma jirto cid lagu soo qabtay. Maamulka magaalada Jowar ayaa wax faah faahin ah ka bixin dikaasi, hase ahaatee xaaladda magaalada Jowhar ayaa maalmahan dambe ahaa mid hagaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqyo iyo qeyla dhaan ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka gobalka Banaadir islamarkaana ay dhagaha ka fureysatay dowladda Soomaaliya waxay hadda dhaqanku gaareen go’aankii ugu adkaa oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo bur bur kale oo ay sheegeen in mas’uuliyadiisa qaadan doonto dowladda Soomaaliya. Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen ayay odayaasha waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda. Dhaqanka ayaa sidoo kale qaarkood Caasimada Online faahfaahin ka siiyey qorshaha ay dejiyeen si ay isaga xoreeyaan dhibka ay ku hayso dowladda federaalka. Waxay sheegeen in ay sameysteen guddiyo lagu magacaabo, guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha, guddiga tirakoobka iyo soo bandhigidda dadkii lagu dilay Muqdisho intii ay go’doonka aheyd iyo guddiga soo bandhigadda khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay go’doonka 60-ka cisho ay ku jirto magaalada. Guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha waxaa loogu talagalay in ay abaabulaan banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca gobalka Banaadir xaafad kasta oo kamid ah. Sidoo kale guddigaan ayaa laga rabaa in ay hagaan dadweynaha islmarkaana ay soo iibiyaan agabyo loogu talagalay in banaanbaxa loo adeegsado sida makaroofano cod baahiyaal ah iyo agabyo kale. Waxgaradka gobalka Banaadir oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyay in ay hubaan khasaaro nafeed oo arintaan ka dhalan kara balse ay mas’uuliyadda qofkii dhinta ay qaadan doonto dowladda islamarkaana ay kula xisaabtami doonaan. Sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen in banaanbaxooda uusan noqon doonin mid hanti lagu bur buriya balse uu noqon doono mid dareenka dadweynaha lagu cabiro waxayna toos u gali doonaan Villa Somalia iyadoo ay halkaas degaan ka dhigan doonaan ilaa waddooyinka laga furo. Hadii ay arintaan dhaqan gasho waxay noqon doontaan go’aankii ugu adkaa uguna qaraaraa oo ay qaataan waxgaradka gobalka Banaadir 10-kii sano ee ugu dambeysay. Wali ma jirto cid ka war heysa go’aanka iyo fal celinta dowladda sida uu noqon doono, balse waxaa muuqata in xaaladda ay adkaan doonto hadii ay sidaan wax u dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed. Lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qadaay Dabageed, hase yeeshee xiriirka isaga iyo Waare ayaa aad u xumaa maalmihii dhowaa, ayada oo Dabageed uu marar badan dhalleeceeyey Waare. Dabageed oo shalay magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare. Waxa uu sidoo kale sheegay “in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle”, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene. Hoos ka arag warqadda xilka looga qaaday Dabageed, laguna magacaabay Cali Maxamed Caraale
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Mudane Waare ayaa guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Carraale oo kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Xilka qaadista Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu ku eedeeyay lunsashada dhaqaale laga uruuriyay bulshada gobolka Hiiraan. Hoos ka akhriso Dikreetada PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  15. Gaarisa (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Twiitter-ka ee Dhaqdhaqaaqa Xoreynta NFD, waxaa dabayaaqada bisha June-2019 dhacaya shir ballaaran oo lagu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya. Sida qoraalka lagu sheegay, xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta lagau casuumay kulankan waxa ka mid ah:- 1 – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale 2 – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil 3 – Xildhibaan Cali Qorane 4 – Faarax Macalin 5 – Axmed Naasir 6 – Junet Maxamed Shirka Aayakatashiga gobolka Waqooyi Bari – (NFD) ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD, iyada oo lagu faaqidayo dhibaatada gobokaasi ku jiro muddado dheer ee dhiacyada maamulka, horumarinta iyo tacadiga ay ciidanka Kenya ku hayaan xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dadweynaha gobolka. Shirkan ayaa kusoo aadaya iyada oo Kenya ay ku lug leedahay muran badeed ku saabsan isku dayga Kenya ee qaadashada dhul badeedka Soomaaliya, oo muddo dheerna iskudeyeysay sidii ay u u milkin lahayd dhul aanay lahayn. Xubnaha shirkan lagu casumaay ayaan weli wax hadal ah soo saarin oo ku saabsan inay shirk aka qeyb-galayaan iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caaismada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Baaris ay ku wadaan waxyaabaha uu sababsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliiska, kaasi oo shalay isku dilay Muqdisho. Waxa ay intaa ku dartay in Hay’adda Dambi baarista Booliiska ee loosoo gaabiyo CID-da ay ku howlan tahay kiiskaan. “Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka”. Ayay tiri Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa meydkiisa laga helay Xerada Sheelare oo uu deganaa, isaga oo qoorta ugu xiran Xarig isla markaana kasoo laalaado Geed, waxaana ehelkiisa ay dalbadeen in la baaro, iyaga oo sheegay in aysan aaminsaneen in uu is daldalay. Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare, islamarkaana ku amray inuu ka guuro xerada. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Somaliland ayaa waxa loogu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumada Biixi u hayo, kadib markii ay soo if-baxday in laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa. Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa Eng Xuseen Buuni oo ah wasiirka kuxigeenka Qorsheynta usoo jeediyey inuu is-casilo, isagoona ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadii Wasiir kuxigeenka uu Madaxweyne Biixi ku wareejiyay Wasiirka maaliyada, wuxuuna yiri “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa Wasiir kuxigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka”. “Iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay Somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yiri laguma aaminayo inuu ku sime noqdo Somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wasiir kuxigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Waxa gabi ahaanba hawada ka maqan adeega Zaadka loo yaqaano ee lacagayowga la isugu gudbiyo ee habka casriga ah ee Mobil to mobil, adeegani oo in mudo ahba shaqaynaaya waxa 4 cisho ee u danbeeyayba uu la fadhiyaa arin ciladeed oo aan ilaa hada la xalin. Hadaba dhibkani waxa uu haystaa xawaaladaha Somalida ee lacagaywga ka xawila dalka dibadiisa ee adeegsan jiray adeega Zaadka, waxna aan la kulanay dad aad u tiro badan oo ay lacagtoodii ku xanibantahay adeegaasi oo doonaayay in ay qarkood reerahoodii u diraan xaqal ciidka ama biilashii masaariifta u ahaa. Ciladani oo todobaadkii ina dhaafay kolba ay shirkadu dib u hagaajinaysay ayaa hada gabi ahaanba loo taag leeyahay, warar ka soo baxaaya shirkadaha xawaalada ee isticmaala adeegaasi ayaa sheegay in ay la xidhiidheen shirkada isgaadhsiinta ee Telesom oo loo sheegay in ciladani la xalin doono, mar aanu isku daynay in aan la xidhiidhno shirkada Telesom-na way noo suurto gali wayday Qaran News
  19. (SLT-Hargaysa) Qoyska Ilma Seerar oo kamid ah muwadiniinta Somaliland ayaa khasaare Ka Soo gaadhay amar uu bixiyay Madaxweynaha Somaliland . Hoos ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargaysa) Xafiiska Imtixanaadka Somaliland ayaa ka horyimi dood lagaga hadlaayay qishka Imtixanaadka oo ay baahisay Xarunta Dhaqanka Hargaysa. “Waxba kama jiraan Kulanka doodda ah ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa shaacisay. Ma ogi mana jirto meel ay igula soo xidhiidheen. Sideedaba, doodaha noocan ah waxa u xilsaaran Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka. Sidaas darteed, ma aqbali karno in cid kale ku soo xadgudubto awoodaha sharci ee xafiiskan.” Sidaa waxa yidhi Gudd. Imtixaanaadka Qaranka JSL, Md. Daa’uud Axmed Faarax Source
  21. (SLT-Madrid) Weeraryahankii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Real Madrid ee ka dhisan Waddanka Spain. Real Madrid ayaa dhammaystirtay saxiixa Eden Hazard, kaasoo ay lacag rikoorka kooxda ah oo dhan 100 milyan oo euro ay uga soo qaateen naadiga reer England ee Blues. Waxa uu Hazard kooxda Los Blancos qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah, waxaana la filayaa in loo xidhi doono maaliyadda lambarka 7-aad ee Real Madrid. Hazard ayaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa isagoo ah ciyaaryahan kooxda Real Madrid ah 13 bishan June, iyadoo Jamaahiirta naadiga iyo Saxaafaddaba markaas loo soo bandhigi doono. Waxa uu noqday Eden Hazard ciyaaryahan Belgium-ka ah ee ugu qaalisan kubadda Adduunka. Waxa uu 28 sano jirkaan dhaliyey 110 gool,352 kulan oo uu u saftay Chelsea, kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Lille sanadkii 2012-kii. Source
  22. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Iyo Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse ) ayaa Sheegay in aanay wakhtigan munaasib ahayn shirka beelaha bariga iyo Galbeedka Burco . Hoos ka DAAWO Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay ololaha Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, oo ku xiran madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilo kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka dalka ee golaha wasiirada ay soo ansixiyeen, kaasi oo Muudey la sheegay inuu kasoo horjeedo. Muudey ayaa sharcigan u arko mid si cad u xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo mar kale lasoo doorto, taasi oo sida laga soo xigtay dad ku dhow, uu arko arrin dastuur ku tumasho ah. Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha mooshinka aysan dooneyn in mooshinka ay horgeeyaan baarlamanka, balse ay rabaan kaliya inay cabsi geliyaan Muudey, si uusan caqabad ugu noqon sharciga meel marintiisa. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Gudoomiya gobalka Hiiraan Yuuf Axmed Hagar Dabageed ayaa eedeen waxa uu u jeediyay madaweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare.. Gudoomiyaha oo maanta magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare. Sidoo kale gudoomiya ayaa sheegay in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene. dhanka kale Dabageed ayaa sheegay in daqliga maamulka aanay jirin cid mushaar laga siiyo wasiir ama Xildhibaan Hirshabelle ah. Hlkaan ka dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/codka-Gudoomiyaha-Hiiraan.mp3 Source: goobjoog.com