Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,569
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa waxay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, kaasoo la sheegayo inuu sii xoogeystay. Muudeey oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto si uu isku difaaco, waxaana wararku ay sheegayaan in arrintan ay salka ku hayso sharciga doorashooyinka oo la isku khilaafsan yahay. Wararka la helayo ayaa sheegaya inay jiraan mas’uuliyiin sare oo mooshinkan dabada ka riixaya, kuwaasoo aan weli dibadda u soo bixin, waxaana tani ay qayb ka tahay muranka baarlamaanka ka taagnaa tan iyo markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, ayaa kordhaya saacadba saacadda xigta, waxayna shirarkooda si is-daba-joog ah uga socdaan xarunta madaxtooyada Somalia, waxaana socda dadaallo lagu kordhiya kordhinayo tirada xubnaha u heelan inay ka qayb-galaan mooshinkan. Inkastoo aan weli mooshinkan gacanta loo gelin guddoonka golaha shacabka Soomaaliya, ayaa haddana wuxuu u muuqdaa mid si aad ah dabada looga riixayo, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono. Dhanka kale, C/weli Muudeey ayaa waxaa lagu xuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Jawaari, isagoo ku adkeystay in xilka laga qaado, iyadoo isagana ay maanta haysato in xilka laga qaado. Ugu dambeyn, Wixii kusoo kordha mooshinkan waxaad kala socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post, waxaana mooshinkan naloo xaqiijiyay inay wadaan xubno si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Diyaarinta Mooshin dhan ka ah Guddooomiye ku xigeenka baarlamanka oo ka socda Xamar appeared first on Puntland Post.
  2. Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble oo maqaallo taxana ka qoray socdaal uu ku soo maray gobollada Puntland ayaa sheegay in caasimadda Puntland ee Garoowe ay ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka. Magaal dheer oo uu shalay ka qoray socdaalkiisi Garoowe ayuu si faahfaahsan uga sheekeeyay horumarka ay ku tallaabsatay caasimadda Puntland oo sida uu sheegay ay aas’aas u yihiin nabadda iyo amniga buuxa ee ka hana-qaaday Garoowe. “waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi. Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin” ayuu yiri Rooble. Wuxuu sheegay in uu habeen ku daahay marti-qaaday loogu sameeyay huteel ku yaalla Garoowe kadibna isaga iyo kooxdii marti-qaadday ay magaalada dhex lugeeyeen xilli dambe oo 12:30am halka Los Angeles iyo magaalooyinka kale ee Maraykanka aan xilligaasi la socon Karin haddii aan gaari la wadan. “Aniga iyo kooxdii imarti qaadday markaanu cashadii dhammaysanay waxa aanu sii marnay farmsi furnaa xilli ay saacadda hebeenimo ahayd 12:30; halkaas oon ka gatay caday iyo dawadiisa oo iswata Los Angeles iyo magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaa jira xaafado aadan habeenkii saqda dhexe gaadhi wax aan ahayn aadan ku mari karin; in aad ka adeegatona iskaba ilow” ayuu sii raaciyay. Mudane Rooble ayaa sidoo kale sheegay in amniga Garoowe uu gaarsiisanyahay heer maalin iyo habeen si isku mid ah loo socdo iyadoo aan wax cabsiya la dareemin “Dadku maqaayadaha ayay si nabad oo aan cabsi lahayn maalintii ugu sheekaystaan, habeenkiina ku caweeyaan. Jidadkana habeen iyo maalin bilaa cabsi ayaa la iskaga socdaa”. PUNTLAND POST The post Faysal Rooble oo sheegay in Garoowe ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  3. PRESS RELEASE Meeting of the Chiefs of Intelligence and Security Services of Burundi, the Democratic Republic of the Congo, Rwanda, Uganda and the United Republic of Tanzania Meeting took place further to the decision by the 9th Summit of the Regional Oversight Mechanism of the Peace, Security and Cooperation (PSC) Framework KINSHASA, Democratic Republic of Congo, June 7, 2019/ — 1. Under the auspices of His Excellency, Mr. Felix Antoine TSHISEKEDI TSHILOMBO, President of the Democratic Republic of the Congo (DRC), Head of State, the National Oversight Mechanism (NOM) of the Peace, Security and Cooperation Framework for the Democratic Republic of the Congo (DRC) and the region (“PSC Framework”) convened on 5-6 June 2019 a meeting of the Chiefs of the Intelligence and Security Services of Burundi, the DRC, Rwanda, Uganda and Tanzania, supported by the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region and the African Union Special Representative for the Great Lakes Region, as well as the International Conference on the Great Lakes Region (ICGLR) and the Southern African Development Community (SADC). Burundi was not represented. The ICGLR Expanded Joint Verification Mechanism (EJVM) also participated in the meeting. 2. The meeting had the following three objectives: To develop a shared assessment and understanding of the current security situation related to the activities of Negative Forces in the eastern part of the DRC; To agree on priority concerted actions to advance the neutralizations of these groups; To contribute to build confidence and enhance cooperation between the intelligence officials from the concerned countries. 3. The meeting took place further to the decision by the 9th Summit of the Regional Oversight Mechanism of the PSC Framework, held on 8 October 2018 in Kampala, Uganda, which called for a new approach to ensure greater regional cooperation for the full neutralization of the Negative Forces without delay. 4. Against this background and following exchanges and discussions, the participants: Welcomed the initiative by the Guarantors of the PSC Framework and the DRC National Oversight Mechanism to convene this meeting as an important confidence building measure between the concerned Intelligence and Security Services; Welcomed the progress achieved in the context of the Follow-up Mechanism on the repatriation of disarmed combatants, and encouraged the concerned countries and the Guarantors of the PSC Framework to pursue and conclude the efforts taken. Agreed on the urgency of coordinated and concerted regional action to address the threat posed by the negative forces. Such action should be based on a continuous exchange of intelligence, a shared in-depth analysis and joint planning between the intelligence and security services of the concerned countries; 5. At the conclusion of the closed-door session, a final report was adopted which among others, envisages the establishment of a technical working group to review in detail the status of negative forces in eastern parts of the DRC, and strategies and initiatives taken to date towards their neutralization. 6. The participants called on the international community to ensure continued and appropriate support to the process and initiatives identified by the concerned countries as a result of this and subsequent meetings. 7. The Guarantors of the PSC Framework and the National Oversight Mechanism remain seized of this matter. 8. The participants in this meeting reaffirmed their appreciation to H.E. Mr. Felix Antoine TSHISEKEDI TSHILOMBO, President of the Democratic Republic of the Congo, Head of State, for the hospitality and good working conditions during the meeting. Distributed by APO Group on behalf of Office of the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region (OSESG-GL). SOURCE Office of the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region (OSESG-GL) Qaran News
  4. Jowhar (SMN ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Muxumad, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee maamulka HirShabelle. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka waday Ciidamada DFS iyo kuwa maamulka HirShabelle. View the full article
  5. National Assembly Majority leader Aden Duale on Friday downplayed the diplomatic row between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Bariire (SMN) – Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Ibraahim Subag oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray deeganka Bariire ee gobolkaasi. Wasiir Subag ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dayactir loogu sameynayo Buundada deegaanka Bariire oo la sheegay in ay horay u burburiyeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Sidoo kale Wasiirka ayaa maamulka Shabeelaha Hoose uga mahadceliyay dadaalka lagu derder gelinayo amniga oo ay ka wadaan deegaanada gobolkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan 60 KM K/Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  7. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda iyo howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxay sheegtay AFRICOM in weerarkaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinta xubnahan ma aanay bixin. Sidoo kale, AFRICOM ayaa tilmaantay in weerarkan ay gacan ka geysteen ciidanka DFS. Warkan kasoo baxay taliska ciidank Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeeyey inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka halkaasi ka dhowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan Geerida Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa lagu arkay Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, isaga oo Meyd ah, islamarkaana xarig uu qoorta uga xiran yahay. Zakiyo Xuseen, ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Faceebook waxa ay ku sheegtay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanadan ay wadaan qeybta dambi baarista ee (C.I.D), islamarkaana waxa ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Somaliyed. Dhinaca kale qaar ka mid ah Ehellada Sarkaalka Geeriyooday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegtay in Marxuumka uusan is dilin, islamarkaana la dilay, sida ay hadalka u dhigeen. Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliska, wuxaana yy soo noqday Taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. View the full article
  9. Jowhaer (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Wareegto soo saaray ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi u magacaabay Cali Maxamed Caraale. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-08062019-qqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqq.mp3 View the full article
  11. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil toogasho oo ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dileen C/rashiid Maxamuud Sheikh Cali oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar. Kooxo hubeysan oo bastoolad watay ayaa rasaas la dhacay C/rashiid oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha ee magaalada Jowhar, waxaana kadib baxsaday dadkii dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka marka la dilayay uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafadda Haniwadaag, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysa. Waa dilkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar sanadihi ugu dambeeyay, iyadoo xaalada magaalada ay wanaagsaneyd. Maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliska ee magaalada, kuwaasi oo tagay goobta falka uu ka dhacay, kadibna baaritaano bilaabay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  12. Researchers have explained immigrants' swelling pride in their new home country with elevated living standards and longer life expectancy. Source: Hiiraan Online
  13. Soomaali taageeraysa Maxamed Nuur Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shalay maxkamad ku taalla degmada Hennepin ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah. Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan lagu helay in uu sannadkii 2017-kii dilay Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska u wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda. Dhinaca kale bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shalay dibad-bax ku muujiyay sida ay uga xun yihiin xabsiga lagu xukumay Maxamed Nuur iyagoo Maxkamadd ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xukun ku riday sarkaal Soomaali ah oo dil geystay appeared first on Puntland Post.
  14. Abdel Fattah al-Sisi has sold his country as an investment destination with the IMF’s help—but the living standards of ordinary Egyptians are plummeting as elites line their pockets. Source: Hiiraan Online
  15. "I caused this tragedy and it is my burden." – Mohamed Noor Source: Hiiraan Online
  16. Marine Gen. Kenneth “Frank” McKenzie says Iran recently took a “step back” from supposed plans to kill US troops, diplomats, and citizens. Source: Hiiraan Online
  17. An increasing number of companies that help people transfer money to countries without reliable banking systems, known as hawala companies, are seeing their accounts with Swedish banks closed down. Source: Hiiraan Online
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta. Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Mogadishu Clan kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin. Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Mogadishu Clan iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Mogadishu Clan ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto. Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay maamulka Somaliland waa ay beeniyeen warbixinta wargeysla African Intelligence. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  19. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Waare ayaa sidoo kale wuxuu xilkan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo mas’uulkan cusub loo rajeeyey in shaqadiisa u guto si hufan. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
  20. Not many people get to study in the same class as their parents, but a Somali mother and her youngest daughter did just that. Source: Hiiraan Online
  21. Maxkamad ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riddey askari Soomaali Maraykan ah, kaasi oo ku eedeysnaa dilka haweeney. Maxamed Nuur ayaa aad isu difaacay, halka qareenkiisu uu codsaday in aan xukun lagu ridin, balse la kor joogteeyo oo kaliya. Ugu dambeyn, garsooraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay in Maxamed lagu riday xukunka xabsi ah oo dhan 12-sano iyo bar. Durba Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa walaac xooggan ka muujiyey xukunkaasi, waxaana ay sheegeen iney dareemayaan cadaalad darro baahsan. Waxay sheegeen in Maxamed aanu xukunkaasi mudneyn, uuna noqonayo askarigii ugu horreeyey ee xukun sidan ah lagu rido magaalada Minnesota. Maxamed ayaa sanadkii 2017-kii si kedis ah ku dilay Justine Damon doo u dhalatay dalka Australia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Rag hubeysan ayaa waxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen, gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolkaasi. C/rashiid Xaaji Maxamed ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Jowhar, waxaana goobta isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada ammaanka oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgl ballaaran oo lagu radinayey dadkii falkaasi ka dambeeyey, balse ma jirto cid lagu soo qabtay. Maamulka magaalada Jowar ayaa wax faah faahin ah ka bixin dikaasi, hase ahaatee xaaladda magaalada Jowhar ayaa maalmahan dambe ahaa mid hagaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqyo iyo qeyla dhaan ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka gobalka Banaadir islamarkaana ay dhagaha ka fureysatay dowladda Soomaaliya waxay hadda dhaqanku gaareen go’aankii ugu adkaa oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo bur bur kale oo ay sheegeen in mas’uuliyadiisa qaadan doonto dowladda Soomaaliya. Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen ayay odayaasha waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda. Dhaqanka ayaa sidoo kale qaarkood Caasimada Online faahfaahin ka siiyey qorshaha ay dejiyeen si ay isaga xoreeyaan dhibka ay ku hayso dowladda federaalka. Waxay sheegeen in ay sameysteen guddiyo lagu magacaabo, guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha, guddiga tirakoobka iyo soo bandhigidda dadkii lagu dilay Muqdisho intii ay go’doonka aheyd iyo guddiga soo bandhigadda khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay go’doonka 60-ka cisho ay ku jirto magaalada. Guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha waxaa loogu talagalay in ay abaabulaan banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca gobalka Banaadir xaafad kasta oo kamid ah. Sidoo kale guddigaan ayaa laga rabaa in ay hagaan dadweynaha islmarkaana ay soo iibiyaan agabyo loogu talagalay in banaanbaxa loo adeegsado sida makaroofano cod baahiyaal ah iyo agabyo kale. Waxgaradka gobalka Banaadir oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyay in ay hubaan khasaaro nafeed oo arintaan ka dhalan kara balse ay mas’uuliyadda qofkii dhinta ay qaadan doonto dowladda islamarkaana ay kula xisaabtami doonaan. Sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen in banaanbaxooda uusan noqon doonin mid hanti lagu bur buriya balse uu noqon doono mid dareenka dadweynaha lagu cabiro waxayna toos u gali doonaan Villa Somalia iyadoo ay halkaas degaan ka dhigan doonaan ilaa waddooyinka laga furo. Hadii ay arintaan dhaqan gasho waxay noqon doontaan go’aankii ugu adkaa uguna qaraaraa oo ay qaataan waxgaradka gobalka Banaadir 10-kii sano ee ugu dambeysay. Wali ma jirto cid ka war heysa go’aanka iyo fal celinta dowladda sida uu noqon doono, balse waxaa muuqata in xaaladda ay adkaan doonto hadii ay sidaan wax u dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com