Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,581
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa malxiis ka ahaa arooska ciyaaryahanka kubadda cagta ee Jarmalka ah Mesut Ozil oo Jimcihii shalay dhacay. Ozil oo isirkiisu yahay Turki ayaa tartankii Koobka Adduunka ee sannadkii hore mar uu baahiyey sawirro uu la galahay Erdogan waxa ka dhashay cadho xamaasad leh. Ka dibna waxa uu iska casilay xulka qaranka isaga oo ku sababeeyey “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” lagula kacay markii sawiradaa lagu baahiyey Jarmalka. Mesut oo haatan 30 jir ah ayaa xafladda arooska uu kula aqal galay gabadhii u doonanayd oo mar noqotay haweenayda ku guulaystatay quruxda Turkiga oo la yidhaa Amine Gulse, waxa uu ka dhacay hudheel kuwa raaxada ah oo ku yaal xeelliga marin biyoodka Bosphorus oo ah gacan kala qaybiya qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Lamaanahani waxay markii ugu horraysay is barteen sannadkii 2017-kii waxaanay bishii Juun ee 2018-kii shaaciyeen in ay isguursanayaan. Source
  2. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, u xilsaaray inuu ku sime ahaan masuul uga sii noqdo wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah, ka dib markii wasiirka qorshaynta Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad sii ahaan doono wasiirka qorshaynta mudada uu soo laabanayo wasiir Shibiin, haddana warar soo baxaya oo ay warbaahintu baahisay ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dhawaan Wasiir Sacad u asteeyay inuu noqdo sii hayaha wasiirka wasaaradda qorshaynta, waxaanu maalmaha qaar fadhiisan doonaa wasaaradda qorshaynta, halka uu maalmaha kalena fadhiisan doono xafiiskiisa wasaaradda maaliyadda. Wasaaradda qorshaynta ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta uu Madaxweyne Biixi wasaaradaas ugu sii dhiibay Wasiir Sacad iyadoo ay wasaaradu leedahay wasiir-xigeen ay shaqadiisuba tahay inuu maareeyo hawlaha wasaaradda marka loo baahdo sida xaaladan oo kale. Geeska Qaran News
  3. (SLT-Riyadh)-Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman”MBS”ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa uu u muuqday inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka hase yeeshee waxaa jira amiir kale oo la rumeysan yahay inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka waana amiirka leh dhaxaltooyada Imaaraadka Carabta Amiir Maxamed Bin Zayid “MBZ”. Wargeyka caanka ah ee New York Times daabacay dhawaan maqaal dheer oo uu ugaga hadlayo awooda dhaxalsugaha Imaaraatka Carabka, Maxamed Bin Sayid. Wargeyska ayaa qoray in sannadkii 1991-dii isagoo 29jir ah in Maxamed Bin Sayid uu bilaabay in uu Maraykanka hub iyo diyaarado dagaal ka iibsado kadib dagaalkii Gacanka. 30 sanno kadib xilligaas, wargeyska ayaa sheegay in dhaxalsugaha oo ah maamulaha magaalada Dubai iyo amiirka sida dadban u maamula Imaaraatka uu yahay ninka ugu awoodda badan dunida Carabta yahayna kan ugu saameynta badan. Waxa uu maamulaa dhaqaale gaaraya $1.3 trillion doolar, taas oo ka badan midda uu heysto dal kasta oo adduunka ku yaala. Saameynta uu ku leeyahay Maraykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, gaar ahaan wuxuu wargeyska sheegay in uu ku fiican yahay sida uu Maraykanka ugu qancin lahaa wax kasta oo uu doonayo. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu wargeyska tibaaxayaa in amiirka uu hareer marayo Maraykanka, uuna gaarayo go’aanno kaligiis ah oo hawlgalo uga samaynayo Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo waliba Masar oo uu ciidamada ku taageeray in ay xukunka la wareegaan. Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in Amiirka uu aad ugu qafiifay arrimaha Iran iyo ururka Ikhwaanka. Maxamed Bin Zayid ayaa ka shaqeeyay xidhiidh dhow oo uu la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xitaa ka hor intii uusan madaxweyne noqonin. Waxa uu wargeyska sheegay in uu galaangal dhow la yeeshay dadka ku xeeran Trump, islamarkaana ka saxiixday heshiisyo ciidan iyo kuwa ganacsi. Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Ruushka. Ugu yaraan illaa 5 qof oo u shaqaynaysay Maxamed Bin Sayid, Dhaxalsugaha Imaraatka, ayaa lagu hayaa baaritaano waaweyn oo ka socda Maraykanka. Muddo laba sanno ah ma uusan soo booqanin Maraykanka, inkasta oo markii hore uu si joogto ah u tagi jiray. Isaga oo 18 jir ah ayuu ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuxuuna bartay duulliyenimo. Waxaa la sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon, shirarka aanan kasoo dib dhicin, go’aanadana si dhaqso leh ku gaara. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku tilmaameen nin laab furan, aan isla weyneyn, qaxwihiisana isaga shubta. Source
  4. (SLT-Najran)-Kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga. Muuqaalo ay kooxdan ku baahisay internetka ayaa muujinayey weeraro ay maleeshiyaadkaasi ku qaadayeen fadhiisimaha ciidamada Sacuudiga ku leeyihiin soohdinta u dhaxeysa Yemen iyo Sacuudiga. Weeraradan kadiska ah ayaa u muuqda qorshe cusub oo ay kooxda Xuuthiyiinta doonayaan inay cadaadiska ku saaraan Boqortooyada Sacuudiga, kooxdaasi ayaa hore weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo drone ulla beegsaday magaalooyinka & Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga. Source
  5. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse. Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash buriyay shaqa-joojin lagu sameeyay taliyaha qeybta Booliiska Nugaal appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deegaanka Tooratooroow. Qoraalka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in hawl-galkan ay gacan ku siinayeen ciidamada DF oo halkaas ka waday howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, laguna guuleysstay. “Waxaa socda baaritaanno ku aaddan in duqeynta ay khasaare kasoo gaartay dad shacab ah iyo in kale,” ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM, inkastoo horay loogu eedeeyay ciidamadan inay khasaare u geystaan dad shacab ah marka ay fulinayaan hawlgallada noocan oo kale ah. Deegaanka Tooratoorow oo ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolka Shabellada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, waxaana ay saraakiisha ciidamada DF sheegaan in laga soo abaabullo dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada Shabeellada Hoose. Sidoo kale, Taliska ciidamada Mreykanka ee Afrika ayaa waxay hawl-gallo dhinaca cirka ah ka fuliyaan inta badan deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab iyo kuwa ay maamulaan kooxda Daacish ee Gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada AFRICOM ay sheegeen inay duqeyn cirka ah ka fuliyaan deegaannada Puntland, kuwaas oo ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Daacish oo saldhigyo ku leh halkaas. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay in duqeyn khasaare geysatay ay ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim oo kamid ahaa guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta qaranka. Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Cali Ibraahim Shaami oo kamid ahaa guddiga isgaarsiinta qaranka oo dhawaan la dhisay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cali Ibraahim uu dhawaan ku biiray xisbiga Horusocod, islamarkaana uu diiwaan geliyay, taasi oo keentay in xilka laga qaado, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Wasiirka isgaarsiinta. Cali Ibraahim, ayaa kasoo muuqday warbaahinta Horaantii Bishii April ee sanadkaan, waxaana uu wariyaasha Muqdisho uu kala hadlayay xisbiga cusub iyo xubinnimadiisa. Guddiga isgaarsiinta ayaa la sheegay inuu yahay mid madax banaan, waxaana la ogeyn qaabka uu wasiirka boostada uu xilkaasi kaga qaaday xubin guddiga kamid ah. Guddigaani ayaa sameyntiisii waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana diidanaa maamulada dalka qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta iyo xubno kale, walow markii dambe la xaliyay khilaafaadkii jiray. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka masuulka xilka laga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Washington (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay xirtay ruux ajanabi ah oo la sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Ninka la xiray oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa ku eedeysan inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in hadda xabsiga lagu hayo islamarkaana baaritaano ay ku socdaan. Sidoo kale muwaadinka u dhashay Bangladesh Eedaha kale ee loo heysto waxaa ka mid ah in uu isku dayay in uu weerar ka geysto fagaaraha Time Square ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Rahatul Ashikim Khan ayaa lagu xiray gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, waxaana uu ku eedeysan inuu xiriir la leeyahay ururka Al Shabaab, walow aan xog dheeraad ah laga bixin qaabka uu xiriirka ula lahaa Al Shabaab. Waxaa uu 2014-kii ka caawiyay dhalinyaro kale in ay u safraan Afrika kuna biiraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya. Ashiqul Alam, oo 22 jir ah ayaa la sheegay in uu taageere rasmi ah u ahaa hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa waxay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, kaasoo la sheegayo inuu sii xoogeystay. Muudeey oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto si uu isku difaaco, waxaana wararku ay sheegayaan in arrintan ay salka ku hayso sharciga doorashooyinka oo la isku khilaafsan yahay. Wararka la helayo ayaa sheegaya inay jiraan mas’uuliyiin sare oo mooshinkan dabada ka riixaya, kuwaasoo aan weli dibadda u soo bixin, waxaana tani ay qayb ka tahay muranka baarlamaanka ka taagnaa tan iyo markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, ayaa kordhaya saacadba saacadda xigta, waxayna shirarkooda si is-daba-joog ah uga socdaan xarunta madaxtooyada Somalia, waxaana socda dadaallo lagu kordhiya kordhinayo tirada xubnaha u heelan inay ka qayb-galaan mooshinkan. Inkastoo aan weli mooshinkan gacanta loo gelin guddoonka golaha shacabka Soomaaliya, ayaa haddana wuxuu u muuqdaa mid si aad ah dabada looga riixayo, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono. Dhanka kale, C/weli Muudeey ayaa waxaa lagu xuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Jawaari, isagoo ku adkeystay in xilka laga qaado, iyadoo isagana ay maanta haysato in xilka laga qaado. Ugu dambeyn, Wixii kusoo kordha mooshinkan waxaad kala socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post, waxaana mooshinkan naloo xaqiijiyay inay wadaan xubno si aad ah ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Diyaarinta Mooshin dhan ka ah Guddooomiye ku xigeenka baarlamanka oo ka socda Xamar appeared first on Puntland Post.
  10. Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble oo maqaallo taxana ka qoray socdaal uu ku soo maray gobollada Puntland ayaa sheegay in caasimadda Puntland ee Garoowe ay ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka. Magaal dheer oo uu shalay ka qoray socdaalkiisi Garoowe ayuu si faahfaahsan uga sheekeeyay horumarka ay ku tallaabsatay caasimadda Puntland oo sida uu sheegay ay aas’aas u yihiin nabadda iyo amniga buuxa ee ka hana-qaaday Garoowe. “waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi. Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin” ayuu yiri Rooble. Wuxuu sheegay in uu habeen ku daahay marti-qaaday loogu sameeyay huteel ku yaalla Garoowe kadibna isaga iyo kooxdii marti-qaadday ay magaalada dhex lugeeyeen xilli dambe oo 12:30am halka Los Angeles iyo magaalooyinka kale ee Maraykanka aan xilligaasi la socon Karin haddii aan gaari la wadan. “Aniga iyo kooxdii imarti qaadday markaanu cashadii dhammaysanay waxa aanu sii marnay farmsi furnaa xilli ay saacadda hebeenimo ahayd 12:30; halkaas oon ka gatay caday iyo dawadiisa oo iswata Los Angeles iyo magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaa jira xaafado aadan habeenkii saqda dhexe gaadhi wax aan ahayn aadan ku mari karin; in aad ka adeegatona iskaba ilow” ayuu sii raaciyay. Mudane Rooble ayaa sidoo kale sheegay in amniga Garoowe uu gaarsiisanyahay heer maalin iyo habeen si isku mid ah loo socdo iyadoo aan wax cabsiya la dareemin “Dadku maqaayadaha ayay si nabad oo aan cabsi lahayn maalintii ugu sheekaystaan, habeenkiina ku caweeyaan. Jidadkana habeen iyo maalin bilaa cabsi ayaa la iskaga socdaa”. PUNTLAND POST The post Faysal Rooble oo sheegay in Garoowe ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  11. PRESS RELEASE Meeting of the Chiefs of Intelligence and Security Services of Burundi, the Democratic Republic of the Congo, Rwanda, Uganda and the United Republic of Tanzania Meeting took place further to the decision by the 9th Summit of the Regional Oversight Mechanism of the Peace, Security and Cooperation (PSC) Framework KINSHASA, Democratic Republic of Congo, June 7, 2019/ — 1. Under the auspices of His Excellency, Mr. Felix Antoine TSHISEKEDI TSHILOMBO, President of the Democratic Republic of the Congo (DRC), Head of State, the National Oversight Mechanism (NOM) of the Peace, Security and Cooperation Framework for the Democratic Republic of the Congo (DRC) and the region (“PSC Framework”) convened on 5-6 June 2019 a meeting of the Chiefs of the Intelligence and Security Services of Burundi, the DRC, Rwanda, Uganda and Tanzania, supported by the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region and the African Union Special Representative for the Great Lakes Region, as well as the International Conference on the Great Lakes Region (ICGLR) and the Southern African Development Community (SADC). Burundi was not represented. The ICGLR Expanded Joint Verification Mechanism (EJVM) also participated in the meeting. 2. The meeting had the following three objectives: To develop a shared assessment and understanding of the current security situation related to the activities of Negative Forces in the eastern part of the DRC; To agree on priority concerted actions to advance the neutralizations of these groups; To contribute to build confidence and enhance cooperation between the intelligence officials from the concerned countries. 3. The meeting took place further to the decision by the 9th Summit of the Regional Oversight Mechanism of the PSC Framework, held on 8 October 2018 in Kampala, Uganda, which called for a new approach to ensure greater regional cooperation for the full neutralization of the Negative Forces without delay. 4. Against this background and following exchanges and discussions, the participants: Welcomed the initiative by the Guarantors of the PSC Framework and the DRC National Oversight Mechanism to convene this meeting as an important confidence building measure between the concerned Intelligence and Security Services; Welcomed the progress achieved in the context of the Follow-up Mechanism on the repatriation of disarmed combatants, and encouraged the concerned countries and the Guarantors of the PSC Framework to pursue and conclude the efforts taken. Agreed on the urgency of coordinated and concerted regional action to address the threat posed by the negative forces. Such action should be based on a continuous exchange of intelligence, a shared in-depth analysis and joint planning between the intelligence and security services of the concerned countries; 5. At the conclusion of the closed-door session, a final report was adopted which among others, envisages the establishment of a technical working group to review in detail the status of negative forces in eastern parts of the DRC, and strategies and initiatives taken to date towards their neutralization. 6. The participants called on the international community to ensure continued and appropriate support to the process and initiatives identified by the concerned countries as a result of this and subsequent meetings. 7. The Guarantors of the PSC Framework and the National Oversight Mechanism remain seized of this matter. 8. The participants in this meeting reaffirmed their appreciation to H.E. Mr. Felix Antoine TSHISEKEDI TSHILOMBO, President of the Democratic Republic of the Congo, Head of State, for the hospitality and good working conditions during the meeting. Distributed by APO Group on behalf of Office of the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region (OSESG-GL). SOURCE Office of the Special Envoy of the United Nations Secretary-General for the Great Lakes region (OSESG-GL) Qaran News
  12. Jowhar (SMN ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Muxumad, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee maamulka HirShabelle. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka waday Ciidamada DFS iyo kuwa maamulka HirShabelle. View the full article
  13. National Assembly Majority leader Aden Duale on Friday downplayed the diplomatic row between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Bariire (SMN) – Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Ibraahim Subag oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray deeganka Bariire ee gobolkaasi. Wasiir Subag ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dayactir loogu sameynayo Buundada deegaanka Bariire oo la sheegay in ay horay u burburiyeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Sidoo kale Wasiirka ayaa maamulka Shabeelaha Hoose uga mahadceliyay dadaalka lagu derder gelinayo amniga oo ay ka wadaan deegaanada gobolkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan 60 KM K/Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  15. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda iyo howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxay sheegtay AFRICOM in weerarkaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinta xubnahan ma aanay bixin. Sidoo kale, AFRICOM ayaa tilmaantay in weerarkan ay gacan ka geysteen ciidanka DFS. Warkan kasoo baxay taliska ciidank Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeeyey inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka halkaasi ka dhowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan Geerida Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa lagu arkay Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, isaga oo Meyd ah, islamarkaana xarig uu qoorta uga xiran yahay. Zakiyo Xuseen, ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Faceebook waxa ay ku sheegtay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanadan ay wadaan qeybta dambi baarista ee (C.I.D), islamarkaana waxa ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Somaliyed. Dhinaca kale qaar ka mid ah Ehellada Sarkaalka Geeriyooday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegtay in Marxuumka uusan is dilin, islamarkaana la dilay, sida ay hadalka u dhigeen. Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliska, wuxaana yy soo noqday Taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. View the full article
  17. Jowhaer (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Wareegto soo saaray ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi u magacaabay Cali Maxamed Caraale. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-08062019-qqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqq.mp3 View the full article
  19. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil toogasho oo ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dileen C/rashiid Maxamuud Sheikh Cali oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar. Kooxo hubeysan oo bastoolad watay ayaa rasaas la dhacay C/rashiid oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha ee magaalada Jowhar, waxaana kadib baxsaday dadkii dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka marka la dilayay uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafadda Haniwadaag, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysa. Waa dilkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar sanadihi ugu dambeeyay, iyadoo xaalada magaalada ay wanaagsaneyd. Maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliska ee magaalada, kuwaasi oo tagay goobta falka uu ka dhacay, kadibna baaritaano bilaabay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com