Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,569
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan. Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka. Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan. Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo. Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Ugu dambeyntii, haddii xulafada mucaaridka ku ah Farmaajo ay ku guulaysato doorashada madaxtinnimada Soomaaliya waxaa diblomaasi ahaan ay Kenya aqoonsan doontaa Somaliland, taas baddelkeedana waxaa dawladda cusub ee Soomaaiya ay Kenya kala shaqeyn doontaa xallinta khilaafka badda. Source
  2. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa waxaa uu UK iyo Turkey u magacaabay wakiil u gaar maamulkiisa. Abuubakar Maxamed Cali Hatimay ayaa loo magacaabay inuu dowlad goboleedka Koonfur galbeed wakiil uga noqday dalakaasi. Sababo la xiriira xiriirka dhaqaalaha ayaa lagu sheegay. Ilo ka tirsan xafiiska madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, iyaga oo intaasi ku daray in dhaqaale ku koobantahay. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray ruux kasoo dhacay dabaq (Dhisme dheer) oo ku yaala agagaarka Hotel Muna. Ruuxa kasoo dhacay dabaqa labaad qol uu ka deganaa ayaa la sheegay inuu qarwaayay (riyoonayay) markii uu kasoo dhacay qeybta uu ka deganaa dhismaha ku yaala agagaarka Hotel Muna. Kadib waxaa la sheegay inuu ku dhacay qeybka koowaad ee dhismaha, waxaana soo gaaray dhaawac daran kadib markii ay waxyeelo gaareen qaar kamid ah lafaha qeybta midig ee jirkiisa. Sidoo kale waxaa la sheegay inay laf Dhabarta waxyeelo ay gaartay, iyadoo markii dambe laga soo saaray dhismaha Koowaad ee uu kusoo dhacay. Abaaro 03:00 Habenimo ayaa la sheegay inuu falkaan dhacay, waxaana saaka aroortii ruuxaasi u gurmaday waaxda gurmadka deg dega ee gobolka Banaadir, iyadoo baaritaan lagu bilaabay siday wax u dhaceen. Dhacdadaan ayaa noqoneysa middii labaad oo saacado gudahood ka dhacdo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, waxaana shalay aad loo hadal hayay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu isku daldalay Muqdisho, walow markii dambe warar kale ay soo baxeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad adag ay ka taagan tahay xarunta maamulka Gobolka oo ku taala bartamaha magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday uu gabi ahaanba diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo inuu xilka wareejiyo. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay. Arinta ugu weyn ee guddoomiye Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne Toos loogu shubo Bangiga maamulka Hirshabeelle oo isaga uu maamulo. Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto. Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab. Xiisadaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn ida saacad kastaa xaalka uu noqon karo. Caasimada online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  5. The deputy commissioner of the Somali police force, Zakia Hussein announced that an investigation has been launched to find out reasons behind the death of an officer who committed suicide in Mogadishu. Lieutenant colonel Abdi Ali Seed killed himself by handing inside a police academy in the capital on Friday. His death has sparked a suspicion that forced authorities to begin a probe into the tragedy. The officer was found dead with a rope tied around his neck in the local police station. Some of Seed’s family members believe that the officer has been killed and asked the police to properly investigate his death which ignited an outrage as many reacted on the social media platforms. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Reer Gabiley Ah Oo Sheegay In Aanay Xisbiyadu Xaq U Lahayn Mucaaradidda Xukuumadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa) Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan guddida bilicda caasimada shaqadoodu waxay tahay sida magacagooduba ka turjumayo, hagaajinta iyo sare u qaadida bilicda amaba quruxda caasimada oo ah muraayada waddan kasta laga dheehan karo horumarkiisa. Haddaba Iyadoo ay sidaa tahay ayaa caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaan-darrada ka muuqata dhanka bilicdeeda waxa sabab u ah oo masuuliyada kaalintaasi gabay Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan guddida bilicda caasimada. Guddida bilicda caasimada ayaa hawl qabta kaliya marka madaxweynuhu amar bixiyo amaba ay cabasho xoogani ka timaad bulshada ee ay gaadho madaxda, taasi ayaa inta badan keenta in Guddidaaasu ay markaasi qaado tallaabo fasirkeedu muuqdo oo ah in ay xililkooda ku ilaashanayaan, taasi oo ah amaba la odhan karo, “Qawda maqashii” Tusaale ahaan; dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Muuse Biixi uu amar ku siiyay masuuliyiinta dawladda Hoose oo ugu horreeyo maayirka caasimadu oo hawlgaliyay Guddida bilicda, amarkaasi oo ahaa in la furo dhammaan laagaha (Diriinayjyada) la awday oo keenay daadadkii roobka mari kari waayaan, isla markaana sababay burburka hanta farabad, kadib markii daadku uu galay guryaha laagahaasi ku agyaalay, dad iyo duunyana qaaday. Waxa jirtay in shirkadda Seeraar oo ay leeyihiin Ilma Seerar ay dusha ka xidheen Laag (Diriinayj) ka mid ah laagaha mara degmada 26-ka June, gaar ahaana xaafada Gol-jano, taasi oo cidhiidhiday biyihii halkaasi marijiray, waxaana xusid mudan horaantii sanadkii 2018 in dhibaato ay dhiska laagtaasi sababtay, dhegaha laga furaystay oo aan haba yaraatee dawladdu waxba ka qaban. Iyadoo biyihii halkaasi marijiray ay ku yaraadeen, keeneena inay ku fatahaan guryaha ilaa 400mtr u jiray aagaasi. Khasaarahii iyo dhibaatadii soo gaadhay xaafadahaasi ayaa dawladu booqasho ay dadkaasi ugu timid maahane aanay waxba ka qaban, waxaana dhacday in qof walbaaba isku qabo wixii soo gaadhay ee aanay sababteeda lahayn. Bani’aadamka Alle caqlibuu siiyay ay ku fikiraan oo dhibaato mar ku dhacday ay ka tabaabushaystaan sidii mar labaad aanay ugu soo noqon lahayn. Waxa dhacday isla sanadkan aynu ku jirno ee 2019, roobabkii Raxmaanku innoo shubay ee Nimcadiisa ahayd ay mar kale dhibaato ku keeneen bulshada. Isla goobtan (Ilma Seerar ay dusha ka xidheen) ay sababtay khasaare kii doorkii hore ku laba jibaaran, waxa muddo 7 maalmood iyo habeenadoodii banaanada u hoyday in ka badan 10 qoys oo daadkaasi ka baa’biyay guryahoodii iyo hantidii u taallay, guryaha uu saameeyay daadkaasina waxay dhanaateen 37 aqal. Madaxweynuhu amar buu bixiyey oo uu siiyay Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, kaasi oo ah; in la furo dhammaan laagaha (Diriinayjyada) la awday. Laagtaasi waa la furay lamana furin! Ilaa maanta dhibaatadii halkaasi ka dhalan jirtay waa ay taallaa, waayo?. Wali waxa meeshii buuxa jajabkii sagbaddii laga furay oo dhex taala laagta, waana shub ka samaysan walxo adag, sida sibidh iyo dhagaxaan iyo garaa’id. Tusaale fiican waxa innoo noqonaya roobkii Maanta da’ay, kadib markii daadkii soo maray laagtaasi uu qaadi waayay inyar mooyaane wixii sagbad iyo biro isku shubnaa ee lagaga dhex tagay markii sagbaddaasi la furayay, waxaanay keentay in laagtu cidhiidhi ku noqoto daadkii marayay oo markii dambe banaanka uga soo booday sidii caadada ahaydna dul maray aqaladii uu hore u banaystay. Waxa Xusid Mudan in jebintii la jebiyay laagta ay Ilma Seeraar dusha ka owdeen ay badbaadisay guryihii daadku labadii goor ee horeba banaysan jiray, waxaanay tallaabadaasi keentay in daadkii ka dhashay roobkii maanta da’ay uu si toos u maray laagtaasi la furay, walow ay cidhiidhi ku ahayd, maadaama aan laga hagaajin waxyaabihii ka hadhay markii la jebinaayay sagbadda oo garaa’id iyo shub ishaysta ay qabteen xashiiskii daadku sitay, balse waxa la odhan karaa sidii hore waa laga badbaado badnaa maanta. Haddaan arrintan wax laga qaban oo aan laga nadiifin qashinka iyo walxaha kale ee buux dhaafiyay laagaha biyuhu maraan, waxa dhici doonta in magaaladu ay sabbayn doonto amaba degi doonto oo biyaha laagaha dedan ku hoos xanibani dejin doonaan dhismayaasha ay hoos maraan iyo magaaladaba. Source
  8. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo ku dhow magaalada Boosaaso. Ururka Al Shabaab ayaa baahiyay in xubno iyaga ka tirsan ay la wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo hoostaga magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu magacaabo degaanka Af Urur. Al Shabaab ayaa baraha Internetka ku baahiyay in ciidamada Puntland ay isaga carareen deegaanka, kadibna ay si toos ah ula wareegeen gacan kuheynta deegaanka Af Urur ee gobolka Bari. Waxay sidoo kale Al Shabaab ay baahiyeen in ciidamada Puntland ay ka carareen awooda Al Shabaab, islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Af urur. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Punland ee isaga baxay deegaanka Af Urur ay gaareen degmada Carmo, dadka deegaanka ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay faarujiyeen saraakiisha Puntland. Deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah waxaa horey ugu dagaalamay Al Shabaab iyo Puntland, waxaana Al Shabaab dagaalkaasi looga qabtay maxaabiis badan oo wali qaarkood ku xiran xabsiyada Puntland. Sidoo kale Al Shabaab ayaa dagaaladaasi guulo ka sheegay iyadoo sheegay in ku dhawaad 100 askari ay kaga dileen ciidamada Puntland. Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland ee gobolka Bari ee ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah inay la wareegeen deegaanka Af urur. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  9. Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa saakay waaberigii wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkaasi ku dhinteen Shan qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Ciidanka DFS ayaa ku baxay maleeshiyaadkan isku haya degmada Wanlaweyn, inkastoo hadda aanu socon wax dagaal ah. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taana ay kordhisay cabsida ah in mar kale la dagaallamo. Beelahan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ayaa horey waxaa loogu guuleystay in la kala dhexgalo, wallow aan la ogeyn waxa hadda dagaalkan dib usoo celiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Washington)-Maamulka Donald Trump ayaa la soo warinayaa in uu ogolaaday in dalka Sacuudiga laga dhiso hanaanka casriga ah ee gantaalaha waaweyn ee ku shaqeeya Technoolajiyada. Saldhigga laga dhisayo mashruucaan gantaalaha waaweyn ayaa dowladda Sacuudiga u adeegsan doontaa dhanka difaaca iyo weerarada ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jirto gaar ahaan Xuutiyiinta Yemen. Warbixintaan oo lagu daabacay Jimcaha maanta majalada Washington Post ayaa Trump wuxuu u ogolaaday kooxda u xilsaaran dhanka dhismaha milatariga Mareykanka in ay dadajiyaan Mashruucaan. Saldhigaan ayaa gantaalaha la geynayo wuxuu ku shaqeyn doonaa quwada Koronto u Gaar ah. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo bishii hore uu Mareykanka ku dhawaaqay in uu ka iibinayo boqortooyada Sacuudiga imaaraadka hub qiimihiisa lacageed lagu qiyaasay 8.1 billion oo Dollar. Dowlada Sacuudiga ayaa horay loogu eedeeyay in hub ay ka Iibsatay Mareykanka loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo Shacab Ah. Agaasimaha hey,ada caalamiga ah ee Iibka hubka iyo amniga caalamka William Hartung ayaa ka digay arintaan waxaana uu sheegay in ay uga sii dari doonto xaalada dalka Yemen. Wuxuu sheegay isticmaalka gantaalaha ku shaqeeya hanaanka Technoolajiyada ay uga sii dari doonto dhibaatada heysata shacabka Yemen. Source
  11. Hirshabelle state president Mohamed Abdi Waare has appointed a new governor for Hiran region after sacking former governor, Yusuf Ahmed Hagar on Saturday. In a statement, the regional leader has termed the reason for the dismissal as “the need for change and devolution of governance in the region.” Waare has named Ali Mohamed Arale who once contested for regional presidency in 2017 as the new immediate replacement. The dismissal comes just a day after Yusuf Ahmed alias Dabaged accused president Abdi Warre of his intention of mismanaging revenues collected from the Hiiran region. Dabaged held the post more than three times before. View the full article
  12. (SLT- Minnesota)-Maxamed Maxamuud Nuur oo ka tirsan Booliska gobalka Minnesota ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad, isagoo ku eedeysan inuu si kama’ ah u dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo la odhan jirey Justine Damond. Askariga waxa uu Maxkamadda ka sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo dilkaasi, oo uu tilmaamay in aanu si ku-talagal ah u dilin Haweeneydaasi. Shilkaasi waxa uu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, kadib markii ay Justine Damond soo wacday Boliska iyadoo taageero codsanaysay. Qareenadda difacaayey askariga Soomaali Maraykanka waxay xeer-beegtida Maxkamadda ka codsadeen inay Eedeysanaha ku xukumaan hal sanno iyo hal maalin, kadib, markii uu garsoore ka tirsan Maxkamadda Minneapolis uu hore ugu xukumay bishii April ee la soo dhaafay. Balse Haweeneyda Garsooraha ka ahayd dacwadii shalay waxay Maxamed Maxamuud Nuur ku xukuntay Xabsi dhan 12 sanno iyo 6 bilood. Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka waxay xukunkaasi ku tilmaameen mid Xaq-darro ah, isla markaana Maxamed Maxamuud Nuur loo beegsaday Dhalashadiisa, Midabkiisa iyo Diintiisa. Boqolaal Soomaali ah ayaana hor taagnaa Barxadda Maxkamadda, iyagoo ku dhawaaqayey hadalo ay ku codsanayeen inuu dib u helo Xorriyadiisa Mxaamed Maxamuud Nuur. Source
  13. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa malxiis ka ahaa arooska ciyaaryahanka kubadda cagta ee Jarmalka ah Mesut Ozil oo Jimcihii shalay dhacay. Ozil oo isirkiisu yahay Turki ayaa tartankii Koobka Adduunka ee sannadkii hore mar uu baahiyey sawirro uu la galahay Erdogan waxa ka dhashay cadho xamaasad leh. Ka dibna waxa uu iska casilay xulka qaranka isaga oo ku sababeeyey “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” lagula kacay markii sawiradaa lagu baahiyey Jarmalka. Mesut oo haatan 30 jir ah ayaa xafladda arooska uu kula aqal galay gabadhii u doonanayd oo mar noqotay haweenayda ku guulaystatay quruxda Turkiga oo la yidhaa Amine Gulse, waxa uu ka dhacay hudheel kuwa raaxada ah oo ku yaal xeelliga marin biyoodka Bosphorus oo ah gacan kala qaybiya qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Lamaanahani waxay markii ugu horraysay is barteen sannadkii 2017-kii waxaanay bishii Juun ee 2018-kii shaaciyeen in ay isguursanayaan. Source
  14. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, u xilsaaray inuu ku sime ahaan masuul uga sii noqdo wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah, ka dib markii wasiirka qorshaynta Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad sii ahaan doono wasiirka qorshaynta mudada uu soo laabanayo wasiir Shibiin, haddana warar soo baxaya oo ay warbaahintu baahisay ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dhawaan Wasiir Sacad u asteeyay inuu noqdo sii hayaha wasiirka wasaaradda qorshaynta, waxaanu maalmaha qaar fadhiisan doonaa wasaaradda qorshaynta, halka uu maalmaha kalena fadhiisan doono xafiiskiisa wasaaradda maaliyadda. Wasaaradda qorshaynta ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta uu Madaxweyne Biixi wasaaradaas ugu sii dhiibay Wasiir Sacad iyadoo ay wasaaradu leedahay wasiir-xigeen ay shaqadiisuba tahay inuu maareeyo hawlaha wasaaradda marka loo baahdo sida xaaladan oo kale. Geeska Qaran News
  15. (SLT-Riyadh)-Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman”MBS”ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa uu u muuqday inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka hase yeeshee waxaa jira amiir kale oo la rumeysan yahay inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka waana amiirka leh dhaxaltooyada Imaaraadka Carabta Amiir Maxamed Bin Zayid “MBZ”. Wargeyka caanka ah ee New York Times daabacay dhawaan maqaal dheer oo uu ugaga hadlayo awooda dhaxalsugaha Imaaraatka Carabka, Maxamed Bin Sayid. Wargeyska ayaa qoray in sannadkii 1991-dii isagoo 29jir ah in Maxamed Bin Sayid uu bilaabay in uu Maraykanka hub iyo diyaarado dagaal ka iibsado kadib dagaalkii Gacanka. 30 sanno kadib xilligaas, wargeyska ayaa sheegay in dhaxalsugaha oo ah maamulaha magaalada Dubai iyo amiirka sida dadban u maamula Imaaraatka uu yahay ninka ugu awoodda badan dunida Carabta yahayna kan ugu saameynta badan. Waxa uu maamulaa dhaqaale gaaraya $1.3 trillion doolar, taas oo ka badan midda uu heysto dal kasta oo adduunka ku yaala. Saameynta uu ku leeyahay Maraykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, gaar ahaan wuxuu wargeyska sheegay in uu ku fiican yahay sida uu Maraykanka ugu qancin lahaa wax kasta oo uu doonayo. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu wargeyska tibaaxayaa in amiirka uu hareer marayo Maraykanka, uuna gaarayo go’aanno kaligiis ah oo hawlgalo uga samaynayo Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo waliba Masar oo uu ciidamada ku taageeray in ay xukunka la wareegaan. Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in Amiirka uu aad ugu qafiifay arrimaha Iran iyo ururka Ikhwaanka. Maxamed Bin Zayid ayaa ka shaqeeyay xidhiidh dhow oo uu la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xitaa ka hor intii uusan madaxweyne noqonin. Waxa uu wargeyska sheegay in uu galaangal dhow la yeeshay dadka ku xeeran Trump, islamarkaana ka saxiixday heshiisyo ciidan iyo kuwa ganacsi. Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Ruushka. Ugu yaraan illaa 5 qof oo u shaqaynaysay Maxamed Bin Sayid, Dhaxalsugaha Imaraatka, ayaa lagu hayaa baaritaano waaweyn oo ka socda Maraykanka. Muddo laba sanno ah ma uusan soo booqanin Maraykanka, inkasta oo markii hore uu si joogto ah u tagi jiray. Isaga oo 18 jir ah ayuu ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuxuuna bartay duulliyenimo. Waxaa la sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon, shirarka aanan kasoo dib dhicin, go’aanadana si dhaqso leh ku gaara. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku tilmaameen nin laab furan, aan isla weyneyn, qaxwihiisana isaga shubta. Source
  16. (SLT-Najran)-Kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga. Muuqaalo ay kooxdan ku baahisay internetka ayaa muujinayey weeraro ay maleeshiyaadkaasi ku qaadayeen fadhiisimaha ciidamada Sacuudiga ku leeyihiin soohdinta u dhaxeysa Yemen iyo Sacuudiga. Weeraradan kadiska ah ayaa u muuqda qorshe cusub oo ay kooxda Xuuthiyiinta doonayaan inay cadaadiska ku saaraan Boqortooyada Sacuudiga, kooxdaasi ayaa hore weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo drone ulla beegsaday magaalooyinka & Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga. Source
  17. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse. Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash buriyay shaqa-joojin lagu sameeyay taliyaha qeybta Booliiska Nugaal appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deegaanka Tooratooroow. Qoraalka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in hawl-galkan ay gacan ku siinayeen ciidamada DF oo halkaas ka waday howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, laguna guuleysstay. “Waxaa socda baaritaanno ku aaddan in duqeynta ay khasaare kasoo gaartay dad shacab ah iyo in kale,” ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM, inkastoo horay loogu eedeeyay ciidamadan inay khasaare u geystaan dad shacab ah marka ay fulinayaan hawlgallada noocan oo kale ah. Deegaanka Tooratoorow oo ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolka Shabellada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, waxaana ay saraakiisha ciidamada DF sheegaan in laga soo abaabullo dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada Shabeellada Hoose. Sidoo kale, Taliska ciidamada Mreykanka ee Afrika ayaa waxay hawl-gallo dhinaca cirka ah ka fuliyaan inta badan deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab iyo kuwa ay maamulaan kooxda Daacish ee Gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada AFRICOM ay sheegeen inay duqeyn cirka ah ka fuliyaan deegaannada Puntland, kuwaas oo ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Daacish oo saldhigyo ku leh halkaas. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay in duqeyn khasaare geysatay ay ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim oo kamid ahaa guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta qaranka. Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Cali Ibraahim Shaami oo kamid ahaa guddiga isgaarsiinta qaranka oo dhawaan la dhisay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cali Ibraahim uu dhawaan ku biiray xisbiga Horusocod, islamarkaana uu diiwaan geliyay, taasi oo keentay in xilka laga qaado, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Wasiirka isgaarsiinta. Cali Ibraahim, ayaa kasoo muuqday warbaahinta Horaantii Bishii April ee sanadkaan, waxaana uu wariyaasha Muqdisho uu kala hadlayay xisbiga cusub iyo xubinnimadiisa. Guddiga isgaarsiinta ayaa la sheegay inuu yahay mid madax banaan, waxaana la ogeyn qaabka uu wasiirka boostada uu xilkaasi kaga qaaday xubin guddiga kamid ah. Guddigaani ayaa sameyntiisii waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana diidanaa maamulada dalka qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta iyo xubno kale, walow markii dambe la xaliyay khilaafaadkii jiray. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka masuulka xilka laga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Washington (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay xirtay ruux ajanabi ah oo la sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Ninka la xiray oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa ku eedeysan inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in hadda xabsiga lagu hayo islamarkaana baaritaano ay ku socdaan. Sidoo kale muwaadinka u dhashay Bangladesh Eedaha kale ee loo heysto waxaa ka mid ah in uu isku dayay in uu weerar ka geysto fagaaraha Time Square ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Rahatul Ashikim Khan ayaa lagu xiray gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, waxaana uu ku eedeysan inuu xiriir la leeyahay ururka Al Shabaab, walow aan xog dheeraad ah laga bixin qaabka uu xiriirka ula lahaa Al Shabaab. Waxaa uu 2014-kii ka caawiyay dhalinyaro kale in ay u safraan Afrika kuna biiraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya. Ashiqul Alam, oo 22 jir ah ayaa la sheegay in uu taageere rasmi ah u ahaa hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com