-
Content Count
208,581 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-08062019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Mas’uul sare oo ka tirsanaa Xukuumadda kadib markii uu ku biiray Xisbi Siyaasadeed. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Xasan Canshuur ayaa xilkii ka qaaday Cali Ibraahim (Cali Shaam) oo kamid ahaa Guddiga Madaxa banaan ee Isgaarsiinta Qaranka . Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa baahisay warka ku saabsan in xil ka qaadis lagu sameeyey Mas’uulkaan, iyadoo sheegtay inay heyso waraaqda xilka looga qaaday oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Canshuur. Cali Ibraahim (Shaam) ayaa la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Horusocod, waxaana lagu arkay Liiska Xisbigaas. Mas’uulka xilka laga qaaday illaa hadda ma uusan ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kalana wasaaradda weli si rasmi ah uma soo bandhigin waraaqda xilka looga qaaday. Guddiga madaxa banaan ee Isgaasiinta Qaranka ayaa waxaa dhistay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana ka hor imaaday qaar ka tirsan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unknown assailants have shot and killed a local district official in Jowhar town, located some 90 kilometers northwest of Mogadishu, the Somali capital, witnesses said. Abdirashid Haji, the deputy administrator of Gambole village in Middle Shabelle region was gunned down inside the city by men armed with pistols who managed to escape the scene. HirShabelle stat security forces have sealed off the shooting site and launched an investigation into the murder as the killers are on the run. There was no claim of responsibility for the assassination, however, local police pointed the finger of blame at Al-Shabaab, the Somalia-based Al-Al-Qaida-linked militant group. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Nin da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dhacayay Dabaq ku yaalla degmada Xamar weyne, isagoo hurdayay. Ninkan ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacyay uu Qarway ama Sasay, waxaana saaka aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu degenaa oo ku dhow Hotelka Muna. Waaxda Gurmadka deg-deg ee gobolka Banaadir ayaa u soo gurmatay oo ugu dambeyn halkaasi ka qaadeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jidhkiisa ka mid ah. Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen. Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco. Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen baraha bulshada. Source
-
(SLT-Falastiin)-Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay maamulka Falastiiniyiinta ee aan lacagta badan haysan ee hadana la ogaaday in wasiirradii hore ee xukuumaddu si qarsoodi ah mushaharka iskugu kordhiyeen 67%. Waraaqo sir ah oo soo baxay ayaa muujiyey in mushaharkooda oo ahaa 3000 oo doolar ay sannadkii 2017-kii korodhsadeen oo ka dhigteen 5000 oo doolar. Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadda Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa sheegay in falka noocaas ahi aanu “caqli gal ahayn dadkana ka cadhaysiiyey” iyada oo Falastiiniyiintu la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale. Waxaanu intaa ku daray in ra’isal wasaare Maxamed Ishtaayeh aqbalay in hab dhaqankaa la joojiyo. Ishtaayeh oo qudhiisu ah dhaqaaleyahan ayaa xilka la wareegay bishii Abriil, waxaanu amar ku bixiyey in la baadho arintaa, inta uu socdona wasiirada la siin doono kala badh mushaharkooda. Waraysi uu siiyey wargeyska New York Times Arbacadii ayuu Ishtaayeh kaga dayriyey duurfaha adag ee maaliyadeed ee haysta oo uu yidhi “xaaladdu burbur bay qarka u saarantahay” waxaana dhici karta in xukuumaddu musalafto bisha Juulaay ama Ogost. Culayska maaliyadeed ee haystaa wuxu ka sii daray bishii Feeberwari markii xawillaada cashuuraha ee Israel u ururiso Maamulka Falastiiniyiinta ay isku khilaafeen. Israel ayaa sheegtay in ay hakinayso oo aanay u soo daynayn 139 milyan oo doolar, lacagtaas oo u dhiganta bay tidhi dhaqaalihii Maamulka Falastiiniyiintu siiyey sannadkii 2018 qoysaska Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Israel ama la dilay iyaga oo weerarro ku qaadaya. Waxaanay saraakiisha Israel sheegeen in lacagtaasi dhiirri geliso argagixisada, laakiin Maamulka Falastiiniyiintu wuxu ku adkaystay in ay tahay daryeel bulsho oo la siiyo ehelada maxaabiista iyo “shuhadada”. Ishtaayeh ayaa oo arinta ka dardaar weriyey ayaa sheegay hadii Maamulka Falastiiniyiinta maaliyad la’aani ku habsato in ay ciidamada nabadgelyada ee ka hawl gala Daanta Galbeed ee la haysto ay ku kala diri doonaan fasax bilaa mushahar ah. Ra’isal wasaaruhu waxa kale oo uu dhaleeceeyey isku dayada cadaadiska “baqe ku maalka” ah ee la saarayo hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta si wadaxaajoodyada dib ugu bilaabaan ka hor inta aanu furmin shirka mudada dheer la sugayey ee dib loogu bilaabayo geedi socodka nabadda Bariga Dhexe. Sannadkii 2018-kii ayaa Maraykanku jaray taageeradii uu tooska u siinayey Falastiiniyiinta iyo qaadhaankii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiinyihiinta ee UNRWA. Go’aannadaasna wuxu Maraykanku qaatay markii Maamulka Falastiiniyiintu xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey hakiyey, taas oo uu kaga falcelinayey go’aankii Madaxweyne Trump magaalada Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo madaxda Israel ee uu safaaradda Maraykanka kaga raray magaalada Tel Aviv. Hase yeeshee ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsan wadaxaajoodyada caalamiga ah, Jason Greenblatt, ayaa ganafka ku dhuftay dayrada Ishtaayeh ee ah duruufta maaliyadeed ee haysata Maamulka Falastiiniyiinta. Source
-
Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, sida FBga. Wararka hablahan oo sumcada qaranka Somaliland aad ugu xun, ayaa ah in lagu xidhay Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay markii hore inay maandooriye cabeen, kadib, markii ay tacadi iyo iyadoo loo diiday waxay xuquuq lahaayeenoo dhan aan la siin, si lama filaan looga sii daayay xabsiga. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iyo hadda ka hadal sababta xadhiga hablahan,iyadoo ay muddo bil ku dhawaad ah warka xadhiga habalahani uu haystay warbaahinta iyo fagaarayaasha laysku dhaafsado xogaha ee social media ha. Dhabahaantii waa waajib saaran xukuumadda Muuse Biixi inuu wax ka qabto talaabooyinka sumcad dilista ah ee dalkeena u ekaysiinaaya meel lagu tacadiyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo aynu ognahay in tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweynaha muddada koobani xilkiisii uga hadhsan tahay in ay xabsiyo muteen dad dalkan u dhashay oo qaarkood markii muddo xabsiyada lagu hayay layska sii daayay, qaar la masaafuriyay,halka in badan oo kalena ay wakhtigan xabsiyada ugu jiraan oo keliya fikir ay cabireen. Tacadiyada xuquuqiga ah ee ay xukuumaddani ku kacayso ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadu ay ka fiirsanayaan sidii ay ula sii shaqayn lahaayeen Somaliland, iyadoo sida laga soo xigtay Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya arrimaha Soomaalida Nayroobi uu soo hadal qaaday haddii xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka bedeli weydo hawlahan in ay ku soo rogi doonaan xayiraad xagga socdaalka ah. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa xukuumadda looga fadhiyaa inay cadeeyaan sababta hablahaa loo xidhay, haddii la waayo wax cad oo lagu xabisayna waa in madaxweynuhu tallaabo ka qaadaa cidii xadhigooda ka danbeysay, si loo ilaaliyo sumcada qaranka Somaliland uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah,sidoo kalena ooda laga qaadaa maxaabiista ra’yigooda u xidhan oo dhan. Mustafe Ciise (Mustafe Shiine)Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, Qaran News
-
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in garoonkan uu noqon doono midkii ugu horreeyey ee degmadaasi oo waliba si wanaagsan loo dhisi doono. Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono garoonkaasi. “Waxaan dhagax-dhignay garoonka diyaaradaha Ceel-waaq oo noqon doona kii ugu horreeyey, waxaana jecelnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku dhisno” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan dambe wuxuu socod ku marayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in wax badan ay ka qabteen amniga guud ee magaalada Gaalkacyo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, C/weli Jaamac Barre oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in maalmihii uu madaxweyne Xaaf ku sugnaa Gaalkacyo ka shaqeeyey arrimo badan. Wuxuu tilmaamay agaasimaha in ciidamada ammaanka Galmudug io sidoo kale kuwa isku dhafka ah ay ka shaqeeyeen sidii shacabka Gaalkacyo nabad ugu seexan lahaayeen. “Wax badan ayaa u qabsoomay madaxweynaha, sidaad ogtahay xukuumadda Xaaf waxaa ka go’an wax ka qabashada ammaanka, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay in Gaalkacyo uu xasiliyo” ayuu yiri C/weli. Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amni ahaan soo hagaageysay, in kastoo mararka qaar magaalada ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka ay xirteen Al-shabaab. Wasiir ku xigeenka wasaaraddan, Maxamed Isaaq Barrow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dulqaadi doonaan degmooyinka ay go’doomiyeen, lana badbaadin doono dadka shacabka ah. Barrow ayaa tilmaamay in shacabka K/galbeed dhankooda looga baahan yahay iney ciidamada ammaanka garab ku siiyaan howlgallada la sameyn doono. Al-shabaab ayaa go’doomiyey degmooyin badan oo ku yaalla gobollada K/galbeed, mana jirto gaadiid iyo cid dhanka lugta ku geli karta degmooyinkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Wazirka-Kuxigeenka-Amniga-Kgs-Howgalada.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya tuulada Afurur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay saaka oo sabtiya la wareegeen degaanka Afurur ee gobolka Bari kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa. Dadka degaanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Afurur ee Bari maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidana islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab yimaadeen. Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Afurur. Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxaha Al-shabaab ee qabsaday degaanka Afurur ee gobolka Bari. Faahfaahinta Puntland Post The post Al-shabaab oo la wareegay degaanka Afurur ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirul dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota. File photo dated 12/05/15 of Africa minister Rory Stewart who has said the end of the “brutal tragedy” of Robert Mugabe’s rule in Zimbabwe could transform the country, but his departure cannot be taken for granted. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Monday November 20, 2017. See PA story POLITICS Zimbabwe. Photo credit should read: John Stillwell/PA Wire Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaanka UK , oo Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu wax waydiiday inay Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso Saameynta isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada soo socota ee Baarlamaanka iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya. Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegay inay ku taallo bad ay dhibaatooyin badani ka jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana ku tilmaamay mid ay taagan tahay xaalad adagi. Mr. Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland. “Nasiib wanaag waxaan la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland, madaxweynaha hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart. Source
-
Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan. Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka. Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan. Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo. Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Ugu dambeyntii, haddii xulafada mucaaridka ku ah Farmaajo ay ku guulaysato doorashada madaxtinnimada Soomaaliya waxaa diblomaasi ahaan ay Kenya aqoonsan doontaa Somaliland, taas baddelkeedana waxaa dawladda cusub ee Soomaaiya ay Kenya kala shaqeyn doontaa xallinta khilaafka badda. Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa waxaa uu UK iyo Turkey u magacaabay wakiil u gaar maamulkiisa. Abuubakar Maxamed Cali Hatimay ayaa loo magacaabay inuu dowlad goboleedka Koonfur galbeed wakiil uga noqday dalakaasi. Sababo la xiriira xiriirka dhaqaalaha ayaa lagu sheegay. Ilo ka tirsan xafiiska madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, iyaga oo intaasi ku daray in dhaqaale ku koobantahay. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray ruux kasoo dhacay dabaq (Dhisme dheer) oo ku yaala agagaarka Hotel Muna. Ruuxa kasoo dhacay dabaqa labaad qol uu ka deganaa ayaa la sheegay inuu qarwaayay (riyoonayay) markii uu kasoo dhacay qeybta uu ka deganaa dhismaha ku yaala agagaarka Hotel Muna. Kadib waxaa la sheegay inuu ku dhacay qeybka koowaad ee dhismaha, waxaana soo gaaray dhaawac daran kadib markii ay waxyeelo gaareen qaar kamid ah lafaha qeybta midig ee jirkiisa. Sidoo kale waxaa la sheegay inay laf Dhabarta waxyeelo ay gaartay, iyadoo markii dambe laga soo saaray dhismaha Koowaad ee uu kusoo dhacay. Abaaro 03:00 Habenimo ayaa la sheegay inuu falkaan dhacay, waxaana saaka aroortii ruuxaasi u gurmaday waaxda gurmadka deg dega ee gobolka Banaadir, iyadoo baaritaan lagu bilaabay siday wax u dhaceen. Dhacdadaan ayaa noqoneysa middii labaad oo saacado gudahood ka dhacdo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, waxaana shalay aad loo hadal hayay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu isku daldalay Muqdisho, walow markii dambe warar kale ay soo baxeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad adag ay ka taagan tahay xarunta maamulka Gobolka oo ku taala bartamaha magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday uu gabi ahaanba diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo inuu xilka wareejiyo. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay. Arinta ugu weyn ee guddoomiye Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne Toos loogu shubo Bangiga maamulka Hirshabeelle oo isaga uu maamulo. Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto. Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab. Xiisadaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn ida saacad kastaa xaalka uu noqon karo. Caasimada online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
The deputy commissioner of the Somali police force, Zakia Hussein announced that an investigation has been launched to find out reasons behind the death of an officer who committed suicide in Mogadishu. Lieutenant colonel Abdi Ali Seed killed himself by handing inside a police academy in the capital on Friday. His death has sparked a suspicion that forced authorities to begin a probe into the tragedy. The officer was found dead with a rope tied around his neck in the local police station. Some of Seed’s family members believe that the officer has been killed and asked the police to properly investigate his death which ignited an outrage as many reacted on the social media platforms. View the full article
-
(SLT-Hargeysa) Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan guddida bilicda caasimada shaqadoodu waxay tahay sida magacagooduba ka turjumayo, hagaajinta iyo sare u qaadida bilicda amaba quruxda caasimada oo ah muraayada waddan kasta laga dheehan karo horumarkiisa. Haddaba Iyadoo ay sidaa tahay ayaa caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaan-darrada ka muuqata dhanka bilicdeeda waxa sabab u ah oo masuuliyada kaalintaasi gabay Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan guddida bilicda caasimada. Guddida bilicda caasimada ayaa hawl qabta kaliya marka madaxweynuhu amar bixiyo amaba ay cabasho xoogani ka timaad bulshada ee ay gaadho madaxda, taasi ayaa inta badan keenta in Guddidaaasu ay markaasi qaado tallaabo fasirkeedu muuqdo oo ah in ay xililkooda ku ilaashanayaan, taasi oo ah amaba la odhan karo, “Qawda maqashii” Tusaale ahaan; dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Muuse Biixi uu amar ku siiyay masuuliyiinta dawladda Hoose oo ugu horreeyo maayirka caasimadu oo hawlgaliyay Guddida bilicda, amarkaasi oo ahaa in la furo dhammaan laagaha (Diriinayjyada) la awday oo keenay daadadkii roobka mari kari waayaan, isla markaana sababay burburka hanta farabad, kadib markii daadku uu galay guryaha laagahaasi ku agyaalay, dad iyo duunyana qaaday. Waxa jirtay in shirkadda Seeraar oo ay leeyihiin Ilma Seerar ay dusha ka xidheen Laag (Diriinayj) ka mid ah laagaha mara degmada 26-ka June, gaar ahaana xaafada Gol-jano, taasi oo cidhiidhiday biyihii halkaasi marijiray, waxaana xusid mudan horaantii sanadkii 2018 in dhibaato ay dhiska laagtaasi sababtay, dhegaha laga furaystay oo aan haba yaraatee dawladdu waxba ka qaban. Iyadoo biyihii halkaasi marijiray ay ku yaraadeen, keeneena inay ku fatahaan guryaha ilaa 400mtr u jiray aagaasi. Khasaarahii iyo dhibaatadii soo gaadhay xaafadahaasi ayaa dawladu booqasho ay dadkaasi ugu timid maahane aanay waxba ka qaban, waxaana dhacday in qof walbaaba isku qabo wixii soo gaadhay ee aanay sababteeda lahayn. Bani’aadamka Alle caqlibuu siiyay ay ku fikiraan oo dhibaato mar ku dhacday ay ka tabaabushaystaan sidii mar labaad aanay ugu soo noqon lahayn. Waxa dhacday isla sanadkan aynu ku jirno ee 2019, roobabkii Raxmaanku innoo shubay ee Nimcadiisa ahayd ay mar kale dhibaato ku keeneen bulshada. Isla goobtan (Ilma Seerar ay dusha ka xidheen) ay sababtay khasaare kii doorkii hore ku laba jibaaran, waxa muddo 7 maalmood iyo habeenadoodii banaanada u hoyday in ka badan 10 qoys oo daadkaasi ka baa’biyay guryahoodii iyo hantidii u taallay, guryaha uu saameeyay daadkaasina waxay dhanaateen 37 aqal. Madaxweynuhu amar buu bixiyey oo uu siiyay Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, kaasi oo ah; in la furo dhammaan laagaha (Diriinayjyada) la awday. Laagtaasi waa la furay lamana furin! Ilaa maanta dhibaatadii halkaasi ka dhalan jirtay waa ay taallaa, waayo?. Wali waxa meeshii buuxa jajabkii sagbaddii laga furay oo dhex taala laagta, waana shub ka samaysan walxo adag, sida sibidh iyo dhagaxaan iyo garaa’id. Tusaale fiican waxa innoo noqonaya roobkii Maanta da’ay, kadib markii daadkii soo maray laagtaasi uu qaadi waayay inyar mooyaane wixii sagbad iyo biro isku shubnaa ee lagaga dhex tagay markii sagbaddaasi la furayay, waxaanay keentay in laagtu cidhiidhi ku noqoto daadkii marayay oo markii dambe banaanka uga soo booday sidii caadada ahaydna dul maray aqaladii uu hore u banaystay. Waxa Xusid Mudan in jebintii la jebiyay laagta ay Ilma Seeraar dusha ka owdeen ay badbaadisay guryihii daadku labadii goor ee horeba banaysan jiray, waxaanay tallaabadaasi keentay in daadkii ka dhashay roobkii maanta da’ay uu si toos u maray laagtaasi la furay, walow ay cidhiidhi ku ahayd, maadaama aan laga hagaajin waxyaabihii ka hadhay markii la jebinaayay sagbadda oo garaa’id iyo shub ishaysta ay qabteen xashiiskii daadku sitay, balse waxa la odhan karaa sidii hore waa laga badbaado badnaa maanta. Haddaan arrintan wax laga qaban oo aan laga nadiifin qashinka iyo walxaha kale ee buux dhaafiyay laagaha biyuhu maraan, waxa dhici doonta in magaaladu ay sabbayn doonto amaba degi doonto oo biyaha laagaha dedan ku hoos xanibani dejin doonaan dhismayaasha ay hoos maraan iyo magaaladaba. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo ku dhow magaalada Boosaaso. Ururka Al Shabaab ayaa baahiyay in xubno iyaga ka tirsan ay la wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo hoostaga magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu magacaabo degaanka Af Urur. Al Shabaab ayaa baraha Internetka ku baahiyay in ciidamada Puntland ay isaga carareen deegaanka, kadibna ay si toos ah ula wareegeen gacan kuheynta deegaanka Af Urur ee gobolka Bari. Waxay sidoo kale Al Shabaab ay baahiyeen in ciidamada Puntland ay ka carareen awooda Al Shabaab, islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Af urur. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Punland ee isaga baxay deegaanka Af Urur ay gaareen degmada Carmo, dadka deegaanka ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay faarujiyeen saraakiisha Puntland. Deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah waxaa horey ugu dagaalamay Al Shabaab iyo Puntland, waxaana Al Shabaab dagaalkaasi looga qabtay maxaabiis badan oo wali qaarkood ku xiran xabsiyada Puntland. Sidoo kale Al Shabaab ayaa dagaaladaasi guulo ka sheegay iyadoo sheegay in ku dhawaad 100 askari ay kaga dileen ciidamada Puntland. Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland ee gobolka Bari ee ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah inay la wareegeen deegaanka Af urur. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa saakay waaberigii wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkaasi ku dhinteen Shan qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Ciidanka DFS ayaa ku baxay maleeshiyaadkan isku haya degmada Wanlaweyn, inkastoo hadda aanu socon wax dagaal ah. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taana ay kordhisay cabsida ah in mar kale la dagaallamo. Beelahan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ayaa horey waxaa loogu guuleystay in la kala dhexgalo, wallow aan la ogeyn waxa hadda dagaalkan dib usoo celiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Maamulka Donald Trump ayaa la soo warinayaa in uu ogolaaday in dalka Sacuudiga laga dhiso hanaanka casriga ah ee gantaalaha waaweyn ee ku shaqeeya Technoolajiyada. Saldhigga laga dhisayo mashruucaan gantaalaha waaweyn ayaa dowladda Sacuudiga u adeegsan doontaa dhanka difaaca iyo weerarada ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jirto gaar ahaan Xuutiyiinta Yemen. Warbixintaan oo lagu daabacay Jimcaha maanta majalada Washington Post ayaa Trump wuxuu u ogolaaday kooxda u xilsaaran dhanka dhismaha milatariga Mareykanka in ay dadajiyaan Mashruucaan. Saldhigaan ayaa gantaalaha la geynayo wuxuu ku shaqeyn doonaa quwada Koronto u Gaar ah. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo bishii hore uu Mareykanka ku dhawaaqay in uu ka iibinayo boqortooyada Sacuudiga imaaraadka hub qiimihiisa lacageed lagu qiyaasay 8.1 billion oo Dollar. Dowlada Sacuudiga ayaa horay loogu eedeeyay in hub ay ka Iibsatay Mareykanka loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo Shacab Ah. Agaasimaha hey,ada caalamiga ah ee Iibka hubka iyo amniga caalamka William Hartung ayaa ka digay arintaan waxaana uu sheegay in ay uga sii dari doonto xaalada dalka Yemen. Wuxuu sheegay isticmaalka gantaalaha ku shaqeeya hanaanka Technoolajiyada ay uga sii dari doonto dhibaatada heysata shacabka Yemen. Source
-
HirShabelle state president appoints new governor for Hiran
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hirshabelle state president Mohamed Abdi Waare has appointed a new governor for Hiran region after sacking former governor, Yusuf Ahmed Hagar on Saturday. In a statement, the regional leader has termed the reason for the dismissal as “the need for change and devolution of governance in the region.” Waare has named Ali Mohamed Arale who once contested for regional presidency in 2017 as the new immediate replacement. The dismissal comes just a day after Yusuf Ahmed alias Dabaged accused president Abdi Warre of his intention of mismanaging revenues collected from the Hiiran region. Dabaged held the post more than three times before. View the full article -
(SLT- Minnesota)-Maxamed Maxamuud Nuur oo ka tirsan Booliska gobalka Minnesota ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad, isagoo ku eedeysan inuu si kama’ ah u dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo la odhan jirey Justine Damond. Askariga waxa uu Maxkamadda ka sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo dilkaasi, oo uu tilmaamay in aanu si ku-talagal ah u dilin Haweeneydaasi. Shilkaasi waxa uu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, kadib markii ay Justine Damond soo wacday Boliska iyadoo taageero codsanaysay. Qareenadda difacaayey askariga Soomaali Maraykanka waxay xeer-beegtida Maxkamadda ka codsadeen inay Eedeysanaha ku xukumaan hal sanno iyo hal maalin, kadib, markii uu garsoore ka tirsan Maxkamadda Minneapolis uu hore ugu xukumay bishii April ee la soo dhaafay. Balse Haweeneyda Garsooraha ka ahayd dacwadii shalay waxay Maxamed Maxamuud Nuur ku xukuntay Xabsi dhan 12 sanno iyo 6 bilood. Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka waxay xukunkaasi ku tilmaameen mid Xaq-darro ah, isla markaana Maxamed Maxamuud Nuur loo beegsaday Dhalashadiisa, Midabkiisa iyo Diintiisa. Boqolaal Soomaali ah ayaana hor taagnaa Barxadda Maxkamadda, iyagoo ku dhawaaqayey hadalo ay ku codsanayeen inuu dib u helo Xorriyadiisa Mxaamed Maxamuud Nuur. Source