Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,587
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beeralayda Puntland ayaa sheegtay in mashruuca horumarinta timirta Puntland uu meel wanaag san marayo iyadoo lagu tar tan siinayo dhawaan Hay,adaha mashruucan loo xilsaaray sida [...] Source
  2. Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey. Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen. Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran. “Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya. Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan. Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya. Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed. Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.” Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  3. Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu maalinta bari ah uu u socdaalo dalka Sweden, wararku waxa ay sheegayaan in aanu dawlada Sweden haba yaraatee aanu ka helin wax marti qaad ah. Hase ahaatee uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa todobaadkani maalintii ciidka mar uu dadweynaha kula hadlaaya salaadii ciidka ka dib sheegay in aan hay’adaha samafalka aan waxba laga sugin madaama oo ay waxa ay keenayaan laga soo urururiyo Kiniisadaha Kiristanka. Dhanka kalelna warar la isla dhex maraayo magaalada Hargeysa, ayaa sheegaaya in madaxweynahu uu xaalad caafimaad dalka dibadiisa ugu baxaayo, mana jirto ilaa hada wax war ah oo Ku saabsan socdaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xaga xukumadda Qaran News
  4. Dhaqaatiirta caafimaadka ee Puntland ka howlgasha ayaa ka digaysa xanuunada ka dhalan kara biyaha wasaqaysan ee roobka ee fadhiya bartamaha magaalada iyo waddooyinka dhexmara xaafadaha. [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Saddex Qof Oo Uu Waraabe Ku Cunay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Roobkii Gu,ga ee ka da,ay gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaaso ayaa waxa uu saameen ku yeeshay dadka danyarta ah ee dagan kaamamka magaalada. Qoysaskan [...] Source
  7. Qaybo kamid ah suuqa wayn ee magaalada Bosaaso ayaa maanta xirnaa kadib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay dowladdu ay ku soo rogtay canshuur dheeraad [...] Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Buuni ayaa si wada jir ah u sharraxay sababta uu Madaxweynaha Somaliland uu Wasiirka Maaliyadda si ku meel-gaadh ah ugu magacaabay inuu ku sime u noqdo Wasiirka Qorshaynta oo Xaalad Caafimaad dibedda ugu maqan, xilli uu Wasiir ku-xigeenkii Wasaaraddu joogo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Nacnac Oo Si Adag Uga Hadlay Dhacdo Uu Maanta Kala Kulmay Madaarka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Si Adag Uga Hadlay Laba Wasaaradood Ee Wasiirka Looga Dhigay Sacad Cali Shire, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Galabnimo khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 6/6/2019 waxaan si kadis ah uga war-helay -anigoo daalacnaya bartayda aan ku leeyahay Fecebook-ga- in Dr.Ibraahim Qaasim Faarax (Bur-Saliid) loo taxaabay xabsi ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhacdadaas lama filaan bay igu noqotay, waxaa wer wer igu abuuray xarigga saaxiibkey Ibraahim Bur-saliid, oo ah aqoonyahan bareer u hadla markuu falanqeynayo arimaha siyaasadda dalkiisa hooyo ee Soomaaliya; amaba kuwa aan dariska nahay. Waxaan labadii maalmood ee tagay ka fakarayay maxaad u qaban kartaa saaxiibkaa Ibraahim Bur-saliid? Tollow! dhambaal aan qoraa maciin iyo taageero ma u noqon karaa dadaallada loogu jiro in Bur-Saliid xorriyaddiisa dib u helo! Waxaan arinkaa rog rogaba, waxaan wada hadalnnay saaxiibkey Faysal Cabdi Rooble, wuxuu igu dhiiri-galiyay in aan dhambaal ka qoro xabsi-u-taxaabidda Ibraahim Bur-Saliid. Wuxuu xoojiyay fikirkaygii ahaa in qoraalada loogu dooddayo Ibraahim Bur-Saliid la badiyo, aniguna waxaan bahda qalinlayda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qalinkooda ugu hiiliyaan walaalkood Dr.Ibraahim Bur-saliid, waa tuu Sallaan Carabay yiri : Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara’e! Waa kuma Dr. Ibraahim Bur-saliid? Dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi, waxaa suurowda in aysan aqoon durugsan u lahayn Dr.Ibraahim Bur-saliid, waxaan jeclaystay in aan si kooban uga warbixiyo “Bur-saliid” oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxna ku bartay dalkiisa hooyo, ee Soomaaliya. Wuxuu ku koray kuna hanaqaaday magaalada Kismaayo, dugsigiisii hoose, dhexe, iyo kii sareba kaga baxay isla magaalada Kismaayo. Wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, isagoo dhigtay Culuumta Siyaasadda, qaran-jabkii ka dib, wuxuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Kenya, ma niyad jabin, dibadna uma dhoofin, ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii isagoo darajada labaad ee “Master’s Degree” ilaa shahaadada “PhD” ka diyaariyay jaamacadda “Nairobi University” dabadeedna, Jaamacadda Nairobi ka noqday bare wax ka dhiga kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo xiriirka dibadda, isagoo muddo 8 sano ka ahaa jamacaddaas macallin -ay ardaydu iyo jaamacadduba- ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayaan. Iminka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad la-talin oo uu isagu lahaa “consultancy firm”. Maxaan ku bartay “Bur-Saliid”?! Horraantii sannaddii 2016-kii ayaan is barannay Ibraahim Bur-Saliid, waxaan dhawr jeer ka wada qayb-qaadannay -aniga iyo isaga iyo Dr.Cabdiwahaab Cabdi Samad- doodda Jimcaha ee idaacadda BBC-da, laanta AfSoomaliga. Waxaan ku bartay Bur-Saliid in uu ahaa waddani difaaca danaha umadda Soomaaliyeed, geesi aan ishiisu libiqsan, dooddaa dhiirran, ruux waxbadan ka akhriyay taariikhda iyo sida ay siyaasaddu u fal-gasho. Waxaan kaloo ku bartay – muddadii aan saaxibada ahayn- in uu ahaa ruux bareer u hadla, oo wuxuu aaminsanyahay aan qarsan, markay dhinaca siyaasadda arintu gashana, wuxuu ka aaminsanaa siyaasaddu in ayan ahayn humaag iyo boor-isku-qaris; balse ay tahay: run sheeg iyo daah-furnaan, waa halka uu jeclaa -dadka Soomaali siyaasadda u matalaa- in ay fahmaan, mabda’aasna ku dhaqmaan. Muxuu xabsiga ku mutaystay Bur-saliid ?! Subaxnimadii Jicmada -maalintii xigtay xariggiisii- ayaa waxaa maxkamad la soo taagay Bur-Saliid iyo saddex ninoo kale oo aanan garanayn. Maxkamaddu waxay ku eedaysay afartuba in ay yihiin argagixiso. Saddexda nin oo kale anigu wax aqoona uma lihi, Ibraahin-na waxaan ku difaacayaa waa aqoontaan isaga u leeyahay.! Fal-dambiyeedkiisu wuxuu hor-yaalaa maxkamad, xeer-dheerayaasha dhinaca qaanunkuna waxay yiraahdaan eedaysanuhu waa dembi laawe ilaa tuhunku cadaado “accused is innocent until proven guilty”. Xariggaa Bur-Saliid” wuxuu ku soo beegmay xilli ay dowladda Kenya u miciyo-lisanayso Soomaalida, waxay faafisay liis dheer oo ah Soomaali ay dalkeeda ka mamnuucday, xawaaladihii bay qaarkood kala noqotay aqolaanshihii hawl-gal. Waxay muujisay colaad dhinaca Soomaalida xukuumad iyo shacabba. Xarigaan lagula kacay “Bur-Saliid” waxaa loo fahmi karaa cabburin ay Kenya kula kacayso aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah, ama cadaadis Kenya ku saarayso xukuumadda Soomaaliyeed oo la xiriira kiiskii badda ee Maxkamadda Caddaaladda dunida hor-yaal. Tuhunka aqoonyahan “Bur-Saliid” dowladda Kenya ku tuhuntayse -oo ah argagixiso- waa mid culus, erayga argagixisana wuxuu noqday mid dhinac walbaale ah, qaadan kara in ka badan hal macne. Halgamaagii weeynaa ee koonfur Africa Nelson Mandela wuxuu xusuus-qorkiisii “long wolk to freedom” markii la tarjumana noqonaya “ Socdaalkaygii dheeraa ee xoriyadda” ku sheegay sidaan: “ shalay waxay igu sheegayeen argagixiso, maantana markii xabsiga layga soo daayay waxay igu soo dhaweeyeen ubaxyo, waxay ku tilmaamaan kuwa dalkooda u halgamaa oo difaacaa argagixiso.” Waxaan is iri malaha Kenya waxay ugu tilmaantay “Bur-Saliid” argagaxiso waa mowqifkiisii waddaniyadeed, dal jecaylkii uu muujiyay, aftahamadiisii iyo ra’yigiisii tolmoonaa markay arrintu u weecato dhinaca difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboon? Xukuumadda iminka Soomaali talada u haysaa, waxay ka gaabisay difaaca danaha dalka ee dhinaca xiriirka dibadda. Waxay si jilicsan ula tacaamusha gefafka is-daba-joogga ah, ee kaga imanaya dowladaha aan dariska nahay. Ilaa hadda wax talaabo ah kama ayan qaadin waxa lagula kacay, duulimaadyadii tooska ahaa baa la joojiyay, xawaaladihii baa la xiray qaarkood, Soomaalidii baa la cabburiyay, welina ma ayan qaadin xukuumaddu tilaabo ku habboon tacadiyada dhinaca diblumaasiyadeed ee lagula kacay. Arrinka saaxiibkay Ibraahim Bur-Saliidse waxaan u arkaa in ay tahay: ninkii walaalkii loo xiiirow! adna soo qoyso! Waxaa suuragal ah, in ay xigi karto tilaabadaan kuwa kaloo ka sii daran, oo lagu cabburinayo hal-doorka Soomaaliyeed; si xukuumadda cadaaddis loo saaro, arinkaanna waxaa ila gudboon in xukuumadda Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah galiso sidii wax looga qaban lahaa, loogana hortagi lahaa falal noocaanoo kale ah in lagula kaco hal-doorka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ilaa iminka wuxuu dhawrayaa xukuumaddiisu waxay ka qabatay xiriirka sii xumaanaya dalka aan dariska nahay ee kenya. Fal-celis la’aanta xukuumadda federalka ahna waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in xukuumadani danaha Soomaaliyeed ku badalatay doorashada soo socota ee dhici doonta 2021-ka iyo waxqabadkii laga sugayay ee ay ka gaabisay sida sugida Amniga, u adeega shacbiga Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha. Gunnaanadkii, waxaan saaxiibkay Ibraahim Bur-saliid ugu duceeynayaa ducadii nabigeenii suubanaa ee Yuusuf Bin Yacquub ugu duceeyay dadka xiran; taaso ahayd: ilaahayow u jilci quluubta kuwa naxariista badan, waxaan Eebbe saaxiibkay u baryayaa in sii deyntiisa ay u kacaan soomaalida weli damiirkoodu noolyahay. Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) Email: ashkir2009@live.com Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Garoowe, Juun, 08, 2019: Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan [...] Source
  13. Warsidaha Puntlandi iyo idaacad maxali ah oo la yiraahdo ayaa maanta hoygeeda ku booqday Fartuun Yuusuf Ismaaciil oo ah hooyo Indhaheedii iyo dheeha wajigeedii ku [...] Source
  14. On this day in history on June 08, 2007 my country and my people lost a great man: the first President of Somalia, Aden Abdulle Osman, who was elected on 1st of June 1960 when British and Italian Somali territories joined to create the Somalia Republic. On July 06, 1967 Adan Abdulle Osman was defeated in election by Abdirashid Ali Shermarke, his former Prime Minister. His term as president ended on July 6, 1967. President Adan accepted his loss graciously, making history as the first head of state in Africa to peacefully hand over power who was democratically elected and he never wanted to run again for the highest position of the country. President Adan Abdulle Osman spent his later years on his farm near Janale town, in Lower Shabelle Region of Somalia. By the time of the (SYL) Somali youth league mission accomplishment and the country gained its independence and unity in 1st june and 26 July 1960, Adan Abdulle Osman had attained widespread prominence as a nationalist figure. In short order, he was elected the country’s first President. He remained in office from June 01, 1960 up to July 06 1967. Unfortunately, in 1990 a civil war was started in the country and anti government rebels, Adan Abdulle Osman along with former Minister of Information Ismail Jim’ale Osoble, former Minister of Education Hassan Ali Mire, and about 120 other Somali politicians signed a manifest expressing concern over the violence and advocating for reconciliation. Adan Abdulle Osman was born in Baladweyne town of Hiiraan region of central Somalia on December 9, 1908. He was ninety-nine years old and he died in Nairobi hospital after being in a COMA!. The first time Somalia’s People heard the death of President Adan Abdulle Osman, the Transitional Federal Government TFG, led by former President of Somalia Col. Abdullahi Yusuf Ahmed, declared 21 days of national memorial service, and issued a statement that President Adan Abdulle Osman would receive a state funeral. It also renamed Mogadishu International Airport to Aden Adde International Airport in his honor. His family had stated that President Osman wished to see Somalia achieve peace and stability and become a peaceful state. By: Mohamed Abdullahi Ahmed @mometov mometto2000@gmail.com Mogadishu, Somalia.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan kuwa Booliska. Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho oo ah Bar Koontarool oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya. Iska hor imaadka ayaa imaaday kadib markii ay Ciidamada Booliska isku qabsadeyn lacag baad ah oo laga qaado Baabuurta Dadweynaha oo halkaas ka sameystay Busteejo laga raro gawaarida. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhaawacmay laba arday oo marayey Isgoyska. labada arday ayaa midkood wuxuu ka dhaawacmay madaxa halka mid kalana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa. Labadii Askari ee is rasaaseeyey ayaa lasoo sheegayaa in lagu xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan kadib markii ay dacwo ka gudbiyeen gaadiidleyda. Sidoo kale rasaasta ay is dhaafsanayeen Ciidamadaan ayaa waxay dhibaato u geysatay gawaaridii halkaas ku sugnaa oo qaarkood ay ka daateen muraayadaha kadib rasaas ku dhacday. Gaadiidleyda oo tagay Saldhigga Degmada Hodan ayaa loo ballan qaaday in loo sameyn doono Miraayadaha Gawaaridooda. Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda ayaa lacago ka qaado Gawaarida ka dhex shaqeeya Goobaha kala wareegga oo noqotay Busteejo Gaadiidka Dadweynaha laga raro. Sarakiisha Ciidamada Booliska ayaa weli xal u heli la’ inay joojiyaan baadda ay ciidamada Booliska ku hayaan Gawaarida isticmaasho jidadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Galabnimo khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 6/6/2019 waxaan si kadis ah uga war-helay -anigoo daalacnaya bartayda aan ku leeyahay Fecebook-ga- in Dr.Ibraahim Qaasim Faarax (Bur-Saliid) loo taxaabay xabsi ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhacdadaas lama filaan bay igu noqotay, waxaa wer wer igu abuuray xarigga saaxiibkey Ibraahim Bur-saliid, oo ah aqoonyahan bareer u hadla markuu falanqeynayo arimaha siyaasadda dalkiisa hooyo ee Soomaaliya; amaba kuwa aan dariska nahay. Waxaan labadii maalmood ee tagay ka fakarayay maxaad u qaban kartaa saaxiibkaa Ibraahim Bur-saliid? Tollow! dhambaal aan qoraa maciin iyo taageero ma u noqon karaa dadaallada loogu jiro in Bur-Saliid xorriyaddiisa dib u helo! Waxaan arinkaa rog rogaba, waxaan wada hadalnnay saaxiibkey Faysal Cabdi Rooble, wuxuu igu dhiiri-galiyay in aan dhambaal ka qoro xabsi-u-taxaabidda Ibraahim Bur-Saliid. Wuxuu xoojiyay fikirkaygii ahaa in qoraalada loogu dooddayo Ibraahim Bur-Saliid la badiyo, aniguna waxaan bahda qalinlayda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qalinkooda ugu hiiliyaan walaalkood Dr.Ibraahim Bur-saliid, waa tuu Sallaan Carabay yiri : Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara’e! Waa kuma Dr. Ibraahim Bur-saliid? Dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi, waxaa suurowda in aysan aqoon durugsan u lahayn Dr.Ibraahim Bur-saliid, waxaan jeclaystay in aan si kooban uga warbixiyo “Bur-saliid” oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxna ku bartay dalkiisa hooyo, ee Soomaaliya. Wuxuu ku koray kuna hanaqaaday magaalada Kismaayo, dugsigiisii hoose, dhexe, iyo kii sareba kaga baxay isla magaalada Kismaayo. Wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, isagoo dhigtay Culuumta Siyaasadda, qaran-jabkii ka dib, wuxuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Kenya, ma niyad jabin, dibadna uma dhoofin, ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii isagoo darajada labaad ee “Master’s Degree” ilaa shahaadada “PhD” ka diyaariyay jaamacadda “Nairobi University” dabadeedna, Jaamacadda Nairobi ka noqday bare wax ka dhiga kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo xiriirka dibadda, isagoo muddo 8 sano ka ahaa jamacaddaas macallin -ay ardaydu iyo jaamacadduba- ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayaan. Iminka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad la-talin oo uu isagu lahaa “consultancy firm”. Maxaan ku bartay “Bur-Saliid”?! Horraantii sannaddii 2016-kii ayaan is barannay Ibraahim Bur-Saliid, waxaan dhawr jeer ka wada qayb-qaadannay -aniga iyo isaga iyo Dr.Cabdiwahaab Cabdi Samad- doodda Jimcaha ee idaacadda BBC-da, laanta AfSoomaliga. Waxaan ku bartay Bur-Saliid in uu ahaa waddani difaaca danaha umadda Soomaaliyeed, geesi aan ishiisu libiqsan, dooddaa dhiirran, ruux waxbadan ka akhriyay taariikhda iyo sida ay siyaasaddu u fal-gasho. Waxaan kaloo ku bartay – muddadii aan saaxibada ahayn- in uu ahaa ruux bareer u hadla, oo wuxuu aaminsanyahay aan qarsan, markay dhinaca siyaasadda arintu gashana, wuxuu ka aaminsanaa siyaasaddu in ayan ahayn humaag iyo boor-isku-qaris; balse ay tahay: run sheeg iyo daah-furnaan, waa halka uu jeclaa -dadka Soomaali siyaasadda u matalaa- in ay fahmaan, mabda’aasna ku dhaqmaan. Muxuu xabsiga ku mutaystay Bur-saliid ?! Subaxnimadii Jicmada -maalintii xigtay xariggiisii- ayaa waxaa maxkamad la soo taagay Bur-Saliid iyo saddex ninoo kale oo aanan garanayn. Maxkamaddu waxay ku eedaysay afartuba in ay yihiin argagixiso. Saddexda nin oo kale anigu wax aqoona uma lihi, Ibraahin-na waxaan ku difaacayaa waa aqoontaan isaga u leeyahay.! Fal-dambiyeedkiisu wuxuu hor-yaalaa maxkamad, xeer-dheerayaasha dhinaca qaanunkuna waxay yiraahdaan eedaysanuhu waa dembi laawe ilaa tuhunku cadaado “accused is innocent until proven guilty”. Xariggaa Bur-Saliid” wuxuu ku soo beegmay xilli ay dowladda Kenya u miciyo-lisanayso Soomaalida, waxay faafisay liis dheer oo ah Soomaali ay dalkeeda ka mamnuucday, xawaaladihii bay qaarkood kala noqotay aqolaanshihii hawl-gal. Waxay muujisay colaad dhinaca Soomaalida xukuumad iyo shacabba. Xarigaan lagula kacay “Bur-Saliid” waxaa loo fahmi karaa cabburin ay Kenya kula kacayso aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah, ama cadaadis Kenya ku saarayso xukuumadda Soomaaliyeed oo la xiriira kiiskii badda ee Maxkamadda Caddaaladda dunida hor-yaal. Tuhunka aqoonyahan “Bur-Saliid” dowladda Kenya ku tuhuntayse -oo ah argagixiso- waa mid culus, erayga argagixisana wuxuu noqday mid dhinac walbaale ah, qaadan kara in ka badan hal macne. Halgamaagii weeynaa ee koonfur Africa Nelson Mandela wuxuu xusuus-qorkiisii “long wolk to freedom” markii la tarjumana noqonaya “ Socdaalkaygii dheeraa ee xoriyadda” ku sheegay sidaan: “ shalay waxay igu sheegayeen argagixiso, maantana markii xabsiga layga soo daayay waxay igu soo dhaweeyeen ubaxyo, waxay ku tilmaamaan kuwa dalkooda u halgamaa oo difaacaa argagixiso.” Waxaan is iri malaha Kenya waxay ugu tilmaantay “Bur-Saliid” argagaxiso waa mowqifkiisii waddaniyadeed, dal jecaylkii uu muujiyay, aftahamadiisii iyo ra’yigiisii tolmoonaa markay arrintu u weecato dhinaca difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboon? Xukuumadda iminka Soomaali talada u haysaa, waxay ka gaabisay difaaca danaha dalka ee dhinaca xiriirka dibadda. Waxay si jilicsan ula tacaamusha gefafka is-daba-joogga ah, ee kaga imanaya dowladaha aan dariska nahay. Ilaa hadda wax talaabo ah kama ayan qaadin waxa lagula kacay, duulimaadyadii tooska ahaa baa la joojiyay, xawaaladihii baa la xiray qaarkood, Soomaalidii baa la cabburiyay, welina ma ayan qaadin xukuumaddu tilaabo ku habboon tacadiyada dhinaca diblumaasiyadeed ee lagula kacay. Arrinka saaxiibkay Ibraahim Bur-Saliidse waxaan u arkaa in ay tahay: ninkii walaalkii loo xiiirow! adna soo qoyso! Waxaa suuragal ah, in ay xigi karto tilaabadaan kuwa kaloo ka sii daran, oo lagu cabburinayo hal-doorka Soomaaliyeed; si xukuumadda cadaaddis loo saaro, arinkaanna waxaa ila gudboon in xukuumadda Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah galiso sidii wax looga qaban lahaa, loogana hortagi lahaa falal noocaanoo kale ah in lagula kaco hal-doorka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ilaa iminka wuxuu dhawrayaa xukuumaddiisu waxay ka qabatay xiriirka sii xumaanaya dalka aan dariska nahay ee kenya. Fal-celis la’aanta xukuumadda federalka ahna waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in xukuumadani danaha Soomaaliyeed ku badalatay doorashada soo socota ee dhici doonta 2021-ka iyo waxqabadkii laga sugayay ee ay ka gaabisay sida sugida Amniga, u adeega shacbiga Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha. Gunnaanadkii, waxaan saaxiibkay Ibraahim Bur-saliid ugu duceeynayaa ducadii nabigeenii suubanaa ee Yuusuf Bin Yacquub ugu duceeyay dadka xiran; taaso ahayd: ilaahayow u jilci quluubta kuwa naxariista badan, waxaan Eebbe saaxiibkay u baryayaa in sii deyntiisa ay u kacaan soomaalida weli damiirkoodu noolyahay. Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) Email: ashkir2009@live.com Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland. The post IBRAAHIM BUR-SALIID- AQOONYAHAN AAN XARIG MUDNAYN! appeared first on Puntland Post.
  17. Wanlaweyn (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Beeleed maanta ka dhacay degmada Wanlweyn ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay ilaa shan Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sida la sheegay dagaalka ayaa salka ku haya dilal la xariira Aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
  18. Balcad (SMN) – Waxaa maanta Koronto la’aan xoogan ay ka jirtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in gabi ahaanba la jaray Korontadii degmadaasi. Arrintan ayaa timid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay shirkad bixisa Korontada iyo maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeeelaha DHexe. Dad dadka Shacabka ayaa haatan cabasho weyn ka muujinaya Koronto la’antaasi oo ku yeelatay saameyn xoogan. Balcad waa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. View the full article
  19. Muqdisho (SMN ) – Waxaa M/Muqdisho si aad ah ugu sii yaraanaya isticmaalka Gaari Gacanka oo ay Qoysas badan ku tiirsan tahay noloshooda. Arrimahan ayey Gaari Gacanleydu u sababeeyeen in Bajaajtu ka saartay Suuqa, islamarkaana haatan ay soo wajahday shaqo la’aan xoogan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-bixin-sofesane-gaar-gacan_1.mp3 View the full article
  20. Two Sudanese rebel leaders were arrested early on Saturday, opposition sources said, shortly after meeting visiting Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, who is trying to mediate in a crisis threatening a transition to democracy. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha shaqaalaha Adduunka. Safarkan uu Wasiirku ku tagaya Magaalada Geneva ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka socda Ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha Soomaaliya, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan baahiyaha shaqo ee Dalka ka jira. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo heer Madaxweyne ah kana kala socda Dalalka caalamka, ayaa lagu wadaa inuu Wasiir Warfaa ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta Dalka iyo sidii looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaaddiniinta. Wasiirka ayaa sababta ay ahmiyadda u siinayaan qodobbadaasi ku ku sheegay in la xalliyo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in Dhallinyarada shaqooyin loo abuuro. “Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi Dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin Lacagta xubin-nimada ee Ururka oo Sanad walba looga baahanyahay inay bixiyaan Dowladaha , waxaan codsannay in maaddama Dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in Lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq. Wasiirka ayaa sheegay inuu dedaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd Ururka shaqaalaha adduunka, wuxuuna inta ku daray inuu kulan doceedyo la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya Bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan Dalka. Shir weynaha shaqaalaha adduunka ayaa Geneva ka furmaya Tobanka June, wuxuu soconaya illaa 21 -da Bishan,iyadoo shir weynaha shaqaalaha Adduunka uu u dabaal-deggayo Sannad-guurradii Boqolaad. Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka Dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda Gacanta iyo sidii arrinta ay Dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu booqasho ku tegi doonaa Magaalada Bonn ee Dalka Jarmalka. Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii Dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo Iskuulkii farsamadda Gacanta ee Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa Machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii Dalkeenna ay si wada-jir ah ugu dhisi lahaayeen, iyagoo xoogga saarayo waxyaabaha ka dhaxeeya Bulshada. View the full article
  22. Baladweyne (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kagu soo warramayaa in maanta ay ka taagan tahay gmagaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xiisadani ayaa u dhexeyso mas’uul ku wada sugan Baladweyne, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Arrintan waxa ay timid, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Hiiraan ka leeyahay dano gaar ah, kuna tagri falayo dhaqaalaha gobolkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in isku dhacyo ay ka dhacaan halkaasi. View the full article