-
Content Count
208,583 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan isagoo magacaabay guddoomiye cusub. Dikreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa xilka looga qaaday Mr Cartan waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug dhanka dowlad goboleedka Galmudug loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal). Dikreetada ayaa lagu amray dhammaan laamaha amniga iyo hay’adaha Gargaarka ee ka hawlgala gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Iska hor-imaad xooggan ayaa duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar iyo qaraxyo ku qadeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom ee halkaas ku sugan. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay warbaahinteeda ku sheegtay in 13 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dileen kuna dhaawaceen dagaalka. Idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi. Goobjoogeyaal ayaa waxay sheegeen in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Waxaan sidoo kale weli war kasoo bixin taliska ciidamada Amisom iyo kuwa Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti islamarkaana ay ka gubeen gaari nooca gaashaaman ah. Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala magaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha halkaasi ka dhacay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jabuuti oo lagu weeraray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Xanaannada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Cukuse ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka tagaan bariga gobolka Sanaag, waxaana uu ku eedeeyey dowladda madaxweyne Farmaajo Cabdilaahi Cukuse ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku daabushay bariga gobolka Sanaag aysan wax dhibaato ka geysaneyn deegaanadaas, balse ay nabad-galyadooda ka shaqeynayaan dadka deegaankaasi ku dhaqan, isla-markaana hormuud u yihiin in Dawladnimada Somaliland gaarto. Cukuse ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Maamulka Puntland uu siyaasadeynayso xiisada ka taagan deegaanadaasi, oo uu sheegay inay dabada ka riixeyso dowlada Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri “Bariga Sanaag wuxuu ka mid yahay Somaliland, dhulkaasi wuxuu ahaa dhul nabadeed muddo badan, laakiin Maamulka Puntland ayaa Carqalad la soo doontay oo siyaasadeeyay Nabaddii halkaa ka jirtay”. “Somaliland-na xaq bay u leedahay inay gaarto xuduudaheeda, Dadka deegaankaana waxaan u sheegayaa in Ciidammadu halkaa gaaran waxay hormuud u yihiin in Dawladnimadu halkaa gaarto, sidaa awgeed faa’iido mooyaane khasaare idiinkuma jiro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu mar walba Maamulka Puntland nabad baanu ugu yeernaa, markaanu xilka joogno iyo markaanaan xilka jooginba, Dawladda iyo Shacabka Somaliland-na sidaas ayay jecel yihiin, laakiin Innagu Cidda aynu is haynaa waa Maamul yar oo Muqdisho jooga oo Dawladnimadeena Carqalad ku haya, laakiin Maamulka yar ee Puntland inaynu Nabad ahaano waynu jecel nahay”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhawaan soo if-baxaysay in Wasiir kuxigeenka qorsheynta Somaliland, Eng Xuseen Buuni laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa, taasi oo lagu wareejiyey Wasiirka maaliyada Somaliland Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorsheynta oo uu wehlinayo Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta warbaahinta ugu waramay gudaha magaalada Hargeysa, iyaga oo faah-faahin ka bixiyey awooda maamul ee la wareejiyey. Ugu horeyntii waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Kuxigeenka qorsheynta oo isagu sheegay ineysan jirin awood maamul oo la wareejiyey balse ay tahay talo siin, wuxuuna yiri “Waxa xaalad caafimaad dalka uga maqan Wasiirkii wasaaradda qorsheynta Somaliland oo hawl-maalmeedkii shaqo ee Wasaaradda qorsheyntuna sidoodii ayuu u socdaa waanan wadnaa, anaga ayaa hogaaminayna ka Wasiir kuxigeen ahaan oo aniga ayaa hogaaminaya iyo waliba agaasimihii guud ee wasaaradda oo hawshiina way socotaa”. “Wasiir Sacad, wasiirka maaliyadu waxa uu 5-sano soo ahaa wasiirkii wasaaradda qorsheynta xukuumadii madaxwayne Siilaanyo hogaaminayay markaas madaama oo uu waayo aragnimo iyo aqoon badan wasaaradda u leeyahay si waayeelnimo iyo tallo aanu uga baahano ayuu wasiirku nasiinayaa intaas uu wasiirkii wasaaraddu maqan yahay, markaas waxaan idiin sheegayaa in shaqadii wasaaradda inaanu anagu wadayno wasiir sacadna talo mooyaane hawlo kale gacanta kuma qaban doono”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “nina kursiga uma joogo inuu qoyskiisa u shaqeeyo waxa aynu u wadda joognaa dalka in aynu qaranka u shaqayno madaxwaynaha Somaliland waxa uu noo magacaabay inaanu qaranka u adeegno markaas waxaanu nahay adeegayaal ummadeed oo waxaanu u shaqaynaynaa qaranka Somaliland”. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isugana dhinaciisa ka hadlay oo ka dhawaajiyey in awooda uu ku leeyahay Wasaarada qorsheynta ay tahay awood kaabis, wuxuuna yiri “Waxaanu nahay koox ay wadda-shaqayni ka dhaxayso oo imikaba wada shaqeeya madaxwaynahuna kalsooni wayn ayuu ku qabaa wasiir xuseen oo waa nin dhalinyaro Ah oo imikaba hawl maalmeedka wasaaradda wasiir ku xigeenka ayaa wadda oo halkaasna wuu ka siiwadi doonaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigana kaalintaydu waa mid kaabis ah oo madaxwaynahu awood ayuu u leeyahay in xil kaabis ah sidan oo kale ugu magacaabo oo waa arin soo jireena oo wax cusub maaha, markaas waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay magacaabisayadu ahayd mid wax u dhimaysa cid kale xilka mansabka iyo maamuuska waxa iska leh wasiir ku xigeenka ana waxaan ku biirinayaa oo kali ah waa tallo iyo waayo aragnimo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
National Assembly Majority leader Aden Duale on Friday downplayed the diplomatic row between Kenya and Somalia. Duale said the relationship between the two countries remains intact. Kenya’s ambassador is still in Somalia helping that country’s nationals coming to Nairobi. Several NGOs from Somalia are still based in Nairobi, he said. The Garissa Township MP told the BBC that considering the long-standing relationship between the neighbouring countries, it’s prudent for them to solve maritime disputes diplomatically. “We have Somalia ministers in Kenya who are staying without any issue; there are also Somali nationals in Kenya who are not being harassed.” But Duale was categorical that local Somali leaders are fully behind the government and no country can claim ownership of any part of Kenya. “We would appeal to both President Uhuru Kenyatta and President Abdullahi Farmajo to consider brotherhood and neighbourhood that has been there for decades. I personally believe the issue (border row) can be solved amicably through dialogue,” he said. A week ago, a section of Garissa leaders called for a diplomatic solution to the maritime boundary dispute. The leaders, among them county assembly majority leader Mohamed Gabow, and Garissa peace committee secretary Hassan Osman, separately asked Somalia to withdraw the case it filed against Kenya at the International Court of Justice at The Hague in 2014. The dispute is about the maritime boundary in the Indian Ocean. For Kenya, it is the line parallel to the line of latitude while Somalia insists it extends to the southeast as an extension of the land border. In 2009, both countries agreed that the United Nations commission in charge of mediating border disputes should determine the borderline but Somali chose the ICJ route in 2014. The bone of contention is a narrow triangle in the Indian Ocean, about 100,000 square kilometres which is said to have huge deposits of oil and gas. On the denial of entry of Somali officials into Kenya, Duale said it was normal procedure for anyone to have requisite documents when travelling to another country. Kenya recently also ordered that all planes coming from Somalia should pass through Wajir for check-ups. This was a decision arrived at by the security organs. Source: The Star
-
08/06/2019 PRESS RELEASE UK opens new training centre for the Somali National Army in Baidoa Somalia’s Minister of Defence, Hassan Ali Mohammed, Southwest State Speaker, Abdulkadir Shariif Sheekhuna, and the UK Foreign Office’s Political Director, Richard Moore, today opened a new UK training facility for the Somali National Army (SNA) in Baidoa. The Baidoa Security Training Centre (BSTC), supported by the British Government’s Conflict, Stability and Security Fund (CSSF), will support the SNA and promote long term stability and security in Somalia. The new centre will train up to 120 Somali National Army soldiers at a time and will help the SNA improve the quality of its training. British military personnel have been training the SNA since January 2017. They have delivered courses on areas such as medical skills, leadership, equipment care, logistics and human rights. Speaking at the opening of the facility, British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The UK is one of the major international providers of support to the Somali National Army. We’re playing a central part in helping the SNA conduct current operations in Lower Shabelle including through giving practical help to the newly recovered areas – like new housing for Sabid community” “In Baidoa, the Somali forces we are supporting have been building defensive positions to make the approach roads into the city more secure. This is having a direct impact on the number of attacks in the city and the security of the surrounding area.” “The SNA are motivated, keen to learn and professional. We are committed to long-term co-operation in order to help Somalia improve security and regain full control over its territory.” Somalia’s Minister of Defence, Hassan Ali Mohammed said: “Security and stability is crucial for the future of Somalia. Al Shabaab is a threat to the national security and supporting the army is vital in undermining the extremist efforts.” “I would like to thank the UK government for their continuous support to Somalia. To the SNA you have an important role to play in securing the country, take advantage of the trainings provided to better yourself and to secure the country” Qaran News
-
Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex-qarxay madaxweyne Xaaf iyo maamulka Ahlu-Sunna. Xog aan goor-dhow helnay ayaa sheegeysa in kulan u dhaxeeyey Madaxweyne Xaaf iyo Xubnaha Ahlu-Sunna ee ku biiray Galmudug uu is faham waa ku dhamaaday, ayada oo la isku qabtay doorashada Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnaha Ahlu-Suna ee fadhigooda yahay Dhuusamareeb ay mabda’ ahaan aqbaleen in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha soo socoto, taasi oo Xaaf uu aad uga soo horjeedo. Madaxweyne Xaaf ayaa in muddo ah diidanaa doorashada Galmudug, wuxuuna marar badan ku adkaystay in muddo xileedkisa uu ka soo billaabanayo markii ay isku biireen Galmudug iyio Ahlu-Sunna, taasi oo macnaheedu yahay inay u hartay saddex sano oo kale. Ahlu-Sunna ayaa marar badan qabtay fikir kaas la mid ah, hase yeeshee lama yaqaan waxa is-beddelay hadda. Waxaan sidoo kale la ogeyn in dowladda federaalka ah ay kaalin ku leedahay isbeddelka ku yimid Ahlu-Sunna. Madaxweyne Xaaf ayaa meel cidlo ah kusoo dhici doona haddii uu Ahlu-Sunna ay garabkiisa ka baxdo, maadaama goor horeba laga diidanaa magaalada Cadaado. Wixii xog ah ee arrintan kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaybtii hore ee maqaalkan weynagii ku xusnay in Muuse Biixi dad gaadhaaya 500 . oo qof ku qanciyay 15 mirir xaga rag badan oo ay isku deegaan yihiin oo shirar badan qabtay ay Sadex Sacadood ku qancin waayeen “Muxuu Muuse Ku Yidhi SIRTU Waataa” Marka la eegaayo salaanka siyaasadda laga soo fuulo taqriiban Siyaasi u eekaa siyaasi kale arki maysid Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN wuu ka duwanaa badanaa soomaalidii siyaasada soo gashay oo dhan sababta oo ah Aabihii X.Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa raga soomaali ugu hantida badan xiliguu ambo qaaday Ina Cigaal duruufta uu ku koray waxay u saamaxday in uu labeentii ummada is bartaan arinkaa oo furre u ahaa aqoonta badan ee deegaanka iyo dhaqanka iyo weliba dadka soomaaliyeed ulaa ku darso Ina Cigaal wuxuu ahaa raga ugu wax akhriska badan soomaalida oo dhan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu ka duwanaa Ina Cigaal isagu TACAB uu leeyahay ayuu ku soo galay Siyaasadda wuxuu ka soo galay Hay,ada Ciidanka xiligii halganka oo aan la dafiri karayn doorka ay ku lahaayeen dib u xoraynta Waraysi lagu waraystay Muuse Biixi shirkii boorama 1993 wuxuu ku sheegay halka loo socdo waxaanu doonaynaa in aanu dhisno dawlad si dimuqraadiya isku xukunta oo u guurta Nidaamka Xisbiyada badan iyo in la helo Xuriyad Madaniya iyo Xoriyatul Qawl iyo xuquuq siman ……. Ina Cigaal maskaxdiisa waxa ka buuxday afkaar badan uu doonaayay inuu soo dijiyo ama uu dabaqo wuxuu ku guulaystay in badan oo ka mid ah wax badan wey u hadhsanaayeen, wuxuu ku dedaalay in ummadani mid ahaato oo la ururiyo lana jiheeyo …… Muuse Biixi isaga laftigiisa afkaar siyaasi ah maskaxdiisa kama maqna balse wuxuu ku soo hagaagay marxalad dadku doonayaan in HORE LOO SOCDO iyo in musuqa lala dagaalamo , arinkaasaa keenay in ay adkaato DABAQAAD wax badan oo uu ku celcelin jiray waayo HADALKA IYO FULINTU WEY KALA ADAG YIHIIN Alle Ayaa Mahad Leh mxoosh09@gmail.com Source
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Muuse Biixi Cabdi ayay warar hordhac ah oo saxaafadda soo gaadhay sheegayaan inuu safar ugu baxaayo Dalka Sweden . Ma jirto martiqaas rasmiya oo uu ka helay dawladda dalka Sweden balse wuxuu uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden. Ilaa hadda war rasmi ahi kama soo bixin dhinca Madaxtooyada Somaliland, kaas oo ku saabsan Safarka Madaxweyne Biixi. Source
-
(SLT-Roma) Cristiano Ronaldo ayaa saddex gool u dhaliyey xulkiisa qaraka Portugal kulankii Switzerland ay ku wada ciyaareen wareega afar dhamaadka koobka UEFA Nations League, wuxuuna ku hogaamiyay inay jartaan tikitkooda kulanka kama dambeysta ah. Hadaba weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka warbixiyay sirta ka dambeysa inuu ilaashado awoodiisa jireed, xili da’adiisu ay tahay 34 jir. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “Waa sharaf weyn inaan xirto maaliyada xulka qaranka, sida iska cad inaad qeyb ka tahay tartankan, waa arin gaar ah”. Cristiano Ronaldo ayaa seddexleey ka dhaliyay Switzerland, wuxuuna ku wajihi doonaa Netherlands axada kulanka finalka ee UEFA Nations League. Laacibka reer Portugal ayaana wali qaadanaya qaab ciyaareed aan caadi ahayn. Ronaldo ayaa ka warbixiyay sirta ka dambeysa bandhigiisa cajiibka ah, xili da’adiisu ay tahay 34 jir wuxuuna yidhi. “Waa diyaar garoowga iyo anshaxa shaqadeyda, wali waxaan dareemayaa wanaag inkastoo aan ahay 34 jir, waxa ugu muhiimsan ayaana ah maskaxda, dhiirigelinta, iyo farxadda”. “Waxaan u maleynayaa in weli aan heysto wax badan oo aan ku soo bandhigi karo, waxaana dareemayaa wanaag”. Intaas kaddib Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ka hadlay kulanka finalka ee UEFA Nations League ay habeen dambey ku wada ciyaari doonaan Netherlands wuxuuna yidhi. “Xulka Netherlands waa mid aad u fiican, si fiican ayay u ciyaareen, waxaad ku daawateen kulamadii ugu dambeeyay, waxay heystaan koox weyn oo ay ku sugan yihiin ciyaartoy aad u fiican oo da’ayar ah iyo ciyaaryahano khibrad badan, taasoo ka dhigeysa kuwo xoogan, waan ognahay inay noqon doonaan koox adag, laakiin taasi waa qaabka ugu fiican ee kulan final ah”. Source
-
The UK officially opened a training facility in Somalia on Saturday for the Somali National Army (SNA), as the Horn of African country readies to take up security responsibilities. Source: Hiiraan Online
-
Maymuuna Cabdi 28 kir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, sida FB-ga. Wararka hablahan oo sumcada qaranka Somaliland aad ugu xun, ayaa ah in lagu xidhay Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay markii hore inay maandooriye cabeen, kadib, markii ay tacadi iyo iyadoo loo diiday waxay xuquuq lahaayeenoo dhan aan la siin, si lama filaan looga sii daayay xabsiga. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iyo hadda ka hadal sababta xadhiga hablahan,iyadoo ay muddo bil ku dhawaad ah warka xadhiga habalahani uu haystay warbaahinta iyo fagaarayaasha laysku dhaafsado xogaha ee social media-ha. Dhabahaantii waa waajib saaran xukuumadda Muuse Biixi inuu wax ka qabto talaabooyinka sumcad dilista ah ee dalkeena u ekaysiinaaya meel lagu tacadiyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Iyadoo aynu ognahay in tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweynaha muddada koobani xilkiisii uga hadhsan tahay in ay xabsiyo muteen dad dalkan u dhashay oo qaarkood markii muddo xabsiyada lagu hayay layska sii daayay, qaar la masaafuriyay,halka in badan oo kalena ay wakhtigan xabsiyada ugu jiraan oo keliya fikir ay cabireen. Tacadiyada xuquuqiga ah ee ay xukuumaddani ku kacayso ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadu ay ka fiirsanayaan sidii ay ula sii shaqayn lahaayeen Somaliland. Sida laga soo xigtay Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya arrimaha Soomaalida Nayroobi uu soo hadal qaaday haddii xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka bedeli weydo hawlahan in ay ku soo rogi doonaan xayiraad xagga socdaalka ah. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa xukuumadda looga fadhiyaa inay cadeeyaan sababta hablahaa loo xidhay, haddii la waayo wax cad oo lagu xabisayna waa in madaxweynuhu tallaabo ka qaadaa cidii xadhigooda ka danbeysay, si loo ilaaliyo sumcada qaranka Somaliland uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah,sidoo kalena ooda laga qaadaa maxaabiista ra’yigooda u xidhan oo dhan. W/Q: Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka. Guddiga ayaa kulankooda maanta kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalafadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray. Sidoo kale, guddiga joogtada ayaa ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro agendihiisa in la dhammeystiro. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan. Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: President Muse Bihi To Visit Sweden The Somaliland President Muse Bihi Abdi is expected to head to Sweden tomorrow after receiving an invitation from the Swedish political party, KD. Sweden is one of the many Scandinavian countries with a large Somaliland community and have been a great supporter with regard to social aid. The President is expected, during his visit, to meet with various political officials in Sweden, as well as, the members of the Somaliland community. Somaliland has expressed its preference for Sweden as one of the proposed facilitators in any future talks with Somalia. The Somaliland delegation is expected to include the Foreign, Finance and Trade ministers, along with other senior officials. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay maalmihii dambe kordhisay cadaadiska ay saareyro dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida. Dhowaan Kenya waxay dalkeeda ku xirtay afar qof oo uu ku jiro aqoonyahan lagu magacaabo Ibraahim Bursaliid oo dhaliili jiray boobka Kenya ee badda Soomaaliya Maxamed Xaadir Nuur oo ka fallanqooda siyaasadda Geeska Afrika oo la hadlay warbaahinta Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya ay bilowday in ay beegsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya, Waxa uu sheegay in Kenya taasi ay ugu gun leedahay in cadaadis ay ku saarto Soomaaliya, si ay dowladda soomaaliya uga tanaasusho dacwada badda ee hadda taala maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Waxaa hadda aad looga cabsi qabaa in sidoo kale Kenya ay xabsiga dhigto aqoonyahanno kale oo Soomaaliyeed ama siyaasiyiin ku nool magaalada Nairobi. Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Xaadir Nuur https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-siyaasi-2.mp3Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey. Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen. Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran. “Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya. Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan. Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya. Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed. Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.” Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu maalinta bari ah uu u socdaalo dalka Sweden, wararku waxa ay sheegayaan in aanu dawlada Sweden haba yaraatee aanu ka helin wax marti qaad ah. Hase ahaatee uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa todobaadkani maalintii ciidka mar uu dadweynaha kula hadlaaya salaadii ciidka ka dib sheegay in aan hay’adaha samafalka aan waxba laga sugin madaama oo ay waxa ay keenayaan laga soo urururiyo Kiniisadaha Kiristanka. Dhanka kalelna warar la isla dhex maraayo magaalada Hargeysa, ayaa sheegaaya in madaxweynahu uu xaalad caafimaad dalka dibadiisa ugu baxaayo, mana jirto ilaa hada wax war ah oo Ku saabsan socdaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xaga xukumadda Qaran News