Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,583
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A key protest group on Saturday announced a nationwide "civil disobedience" campaign it said would run until Sudan's ruling generals transfer power to a civilian government. Source: Hiiraan Online
  2. Jalalaqsi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab ay ka fuliyeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka dhacay agagaarka Buudada Jalalaqsi, halkaas oo ay ku socdaalayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti. Sidoo kale weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay degmadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’egyahay. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxa ay baahiyeen in ay ku dileen illaa 13 ka tirsanaa Ciidanka Jabuuti, sidoo kalena ay ku gubeen Gaari Gaashaaman, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Jabuuti oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana howlgallo kooban Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen agagaaraha degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-09062019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Shir looga hadlayay amaanka caasimadda Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow. Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidamada Booliska, guddoomiye ku xigeenka gobolka iyo saraakiil kale, waxaana la iska wareystay xaalada amaanka caasimadda. Waxyaabaha kulankaasi looga hadlayay oo diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa, Sugida Amniga, is dhex galka bulshada, deriseynta iyo horumarka Caasimadda, waxaana kasoo baxay talooyin kala duwan. Go’aanada kasoo baxay kulankii amniga caasimada looga hadlayay ayaa waxaa kamid ah in lasii xoojiyo adkeynta amaanka caasimada, sidoo kale waxaa la isla gartay in la kordhiyo howlgalada ciidamada dowladda ka sameynayaan xaafadaha magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga Caasimadda,xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.
  5. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamadaasi. Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danhiraja Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab. PUNTLAND POST The post Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya oo Baydhabo ka furay xarun lagu tababaro ciidanka appeared first on Puntland Post.
  6. Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa shalay wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan dagaalladaasi waxaa ku dhintey 7 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalladan, laguna qaboojiyo xiisadda. Maxamed C/laahi Cumar oo ka mid ah maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in dagaalkan uu markiisii hore ka bilowday isbaaro gaadiidka lacago baad ah looga qaadayey, haatanna uu isku bedalay aano qabiil. “Annaga waxaan wadnaa dedaallo lagu xallinayo xiisaddan, horey waan u wadnay hadana waan sii xoojineynaa” ayuu yiri Cumar. Dhanka kale, ciidamo ka tirsan DFS ayaa ku baxay meelihii ay ku dagaallameen maleeshiyaadkan, si xaaladda loo qaboojiyo, iyadoo maantana xaalku yahay mid deggan. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  7. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir madaxda maamul goboleedyada ka qeyb galayaan oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ma jiro wax jawaab ah oo ilaa iyo hadda madaxda dowlad goboleedyada ay ka bixiyeen qoraalka kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug, ee ku aadan inay shir wadatashi ah kaga qeyb galayaan magaalada Dhuusomareeb. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor shirkaasi in madaxda Galmudug uu tagi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xaaf uu gacanta ku dhigay ku dhawaad Seddex Milyan oo doolar oo loogu talo galay mashaariic laga hergelinayo deegaanada Galmudug. Safarka madaxweyne Xaaf uu ku tagayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa kadib dhici doono shirka uu ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, iyadoo aan la ogeyn inay ka wada qeyb gali doonaan iyo inkale. Madaxweyne Xaaf iyo dowladda Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn, waxaana Xaaf uu diidan yahay in muddo xileedkiisa uu dhamaaday islamarkaana doorasho ay ka dhacdo Galmudug bisha July. Dowladda Kenya oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya ayaa markaan saameyn ku leh dhaqdhaqaaqyada maamul goboleedyada dalka, waxaana ay gashay kaalintii Ethiopia ku jiri jirtay. Lama oga halka uu ku dambeyn doono shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xaaf ee madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  8. Police in Bomet have intercepted a huge cache of explosives and detonators they believe were in transit to Nairobi for a possible terror attack. Source: Hiiraan Online
  9. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis. Axmed Ducaale Xaaf, ayaa lagu waramayaa inuu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, isaga oo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolkaasi uu yeesho. C/raxmaan Cali Diirye ayaa madaxweyne Xaaf wuxuu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, waxaana Mr Diiriye laga sugayaa inuu qabto shaqooyin badan. Madaxweyne Xaaf ayaa warqaddiisa magacaabista waxa uu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan. Sidoo kale Hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Gobolka Mudug ee Galmudug ayuu faray Madaxweyne Xaaf, in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaas.
  10. Muqdisho (Caaismada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada koofiya casta ee ilaaliyada Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada online u xaqiijiyay in habeenkii khamiista loo dhacay Keydka Saanadda Ciidamada ee ku yaala Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya islamarkaana laga qaatay agabyo badan. Agabyada laga qaatay Keydka Saanadda Ciidamada ayaa lagu sheegay Rasaas, Qoryo fudud iyo Dharka Ciidamada waxaana arintaan la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan xubno sare oo ka tirsan taliska Ciidamada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Dhowr qof oo uu mid kamid yahay Sarkaal sare oo katirsan Ciidamo dhowaan tababar dalka Turkiga ah ka soo laabtay ayaa la sheegay in jimcihii loo xiray, waxaana lagu eedeeyay in ragaasi ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen falkii dhacay. Caasimada online waxay ka gaabsatay in ay baahiso magacyada ragga eedeysanayaasha ah oo ay lasoo wadaageyn Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhigga. Ragaan la eedeeyay oo ah dhalinyaro tababar fiican ku soo qaatay dalka Turkiga iyo xerada tababarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sidoo kale qaarkood waxay hore uga tirsanaayeen Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in marka laga reebo Sarkaalka la tuhunsan yahay ee la qabtay ay baxsadeen ciidamo kale oo la sheegay in shaki looga qabo arintaan dhacday. Falkaan ayaa fadeexad ku noqotay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ilaa hadda ay ka socdaan baaritaanno adag. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guud ahaan dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Waa markii ugu horreysay oo arintaan oo kale dhowaanahaan ka dhacdo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Ganacsatada ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay iney cabasho ka yihiin koronto la’aan oo wax ka badan 24-saac adeeggii koronto ka waayay shirkadda kaliya ee halkaasi ka howlgaleysay. Waxay sheegeen ganacsatadan in aanu jirin wax tixgelin ah oo ay ka heleen shirkaddan, islamarkaana ay soo gaartay khasaare badan. Maxamed Yuusuf Kuulow oo ka mid ah ganacsatadan ayaa sheegay in ay ku shaqeysanayeen qaboojiyeyeel, taana ay keentay in ay halaabaan wixii ku jiray. Wuxuu ku baaqay in maamulka degmada Balcad uu wax ka qabto xaaladdan koronto la’aanta ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Balcad-ahaa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. A key protest group on Saturday announced a nationwide "civil disobedience" campaign it said would run until Sudan's ruling generals transfer power to a civilian government. Source: Hiiraan Online
  13. Xallinta khilaaf soo dhex galay taliyaha ciidanka Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dib loo dhigay inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. Taliyaha Booliiska Puntland ayaa Sabtidii shaqada ka joojiyay taliyaha qeybta gobolka Nugaal kadib markii uu sheegay in uu amar-diiddo sameeyay laakiin saacado kadib ayaa waxa shaqadiisa u fasaxay ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amray taliyaha Booliiska Puntland in uu soo galo magaalada Garoowe balse xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo guddiga amniga gobolka Bari ayaa Axmed Karaash ka codsaday in uu ka laabto go’aankaasi maadaama sida ay sheegeen Gen Muxiyadiin uu shaqa-muhiima u joogo gobolka Bari. Mudane Karaash ayaa aqbalay codsiga mas’uuliyiinta waxaana sidaasi dib loogu dhigay xallinta khilaafka u dhexeeya labada taliye iyadoo mid kasta lagu amray in uu shaqadiisa sii wato inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Xagee ku dambeeyay khilaafkii labada taliye? appeared first on Puntland Post.
  14. Dowladda Ingiriiska ayaa xarun tababar uga furtay Soomaaliya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyadoo dalkaan ku yaalla Geeska Africa uu isku diyaarinayo sidii uu mas’uuliyadda amni ugala wareegi lahaa nabad ilaaliyaasha ka socda Midowga Africa. Safaaradda dalka UK ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xaruntaan cusub ay ka caawin doonto Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed kobcinta awooddooda ciidan oo ay wax badan ka tari doonto xasilloonida iyo amniga waqtiga dheer ee dalka. Goobtaan tababarka ee UK ay ka hirgelisay Soomaaliya ayaa ku taalla magaalada Baydhaba ee magaalo madaxda gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya. Soomaaliya ayaa la dhibtooneysay dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo Islaamiyiin ah in ka badan 10 sano waxaana ka mid ah kooxahaas Xarrakada Alshabaab ee gacan-saarka la leh ururka AlQaeda. Dagaalladaan ayaa waxaa ku naf waayey tobannaan kun oo qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Iyadoo aysan jirin ciidan qalabeysan oo aan tababarreyn ayaa beesha caalamku gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dagaallada ka dhanka ah Islaamiyiinta. Dowladda Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa ka mid ah dalalka hawlgallada ka wada Soomaaliya. Guulaha laga gaaray dagaalka dartood ayaa hay’adaha kala geddisan ee ammaanka oo ay ka mid yihiin Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) qorsheynayaan inay dib uga gurtaan ciidamadooda dalka ku yaalla Geeska Africa. Ka bixitaanka ciidanka AMISOM dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay billaabato bisha October iyadoo ciidamadu ay si buuxda uga baxayaan Soomaaliya bisha December ee sannadka 2020 waxaana mas’uuliyadda lagu wareejin doonaa ciidamada Qaranka Soomaaliya. CGTN Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahii gobolka Mudug ee maamulkiisa. Wareegto uu soo saaray madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Cabdi Rashiid Xaashi Cartan waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye. Wareegtada hoos ka akhriso: Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 qof oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana aan waxbadan moogeyn Kooxdaasi ayaa durba saameyn ballaaran ku yeeshay gudaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Raggan waxaa laga howlgeliyay dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir waxayn hogaano ka yihiin howlgalada Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay Caasimada online u xaqiijiyeen Saraakiil Booliis ah. Dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir ayaa laga howlgeliyay min 5 xubnood oo dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana laga mid dhigay Ciidamada gaarka ah ee howlgalada ka sameeya magaalada Muqdisho. Shaqaaleynta raggan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda ku dooneyso inay ku aqoonsato Shabaabka ku jira magaalada ee laga yaabo inay yaqaanaan. Xubnahaan ayaa shaqadooda waxay tahay in markii howlgal la sameeyo lana soo qabto tobaneeyo qof ay ku daaraan Faaro (Nalal waa wayn) kadibna ay ka soo saaraan dadka ay yaqaanaan oo ka tirsan Al-shabaab ama xiriir la-leh. Si kastaba, waxaa jira walaac durba ka dhashay raggan. Todobaneeyo qof oo dhalinyaro ah ayaa hadda ku jira xabsiyada gobalka Banaadir waxaana soo baxaya kalsooni darro laga qabo kooxdaan oo la aaminsan yahay in aysan tilmaamin Shabaabkii saxda ahaa. Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada online u sheegay in uu arkay fashilkii ugu weynaa ee Kooxdaan islamarkaana uu qabo in ragaan wali Al-Shabaab ka tirsan yihiin, oo aysan daacad ka ahayn xog bixintooda. “Aniga iyo Saraakiil kale ayaa u wadnay howlgal waxaana geeyay xaafaddii iyo degaankii aan ku dhashay oo aan dadkeeda mid mid u aqaano, Wiil aan Abti u ahay weligiisna aan Al-Shabaab noqon ayey iiga soo dhax-saareyn dad shacab ah” ayuu yiri Sarkaalkaan. “Markii hore waxay sheegeen in ay aad u yaqaanaan oo uu dilaa ahaa 3 bil oo Xabsi ah kadib waxaan ka soo saaray xabsigii waxaana loo waayay wax cadeyn ah waana sababta igu beertay walaaca kalsooni darrada ragaan” ayuu Sarkaalkaan katirsan Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa sidoo kale Caasimada online la wadaagay 2 qodob oo kale kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro weyn iyo halis ku wajahan Ciidamada amaanka Soomaaliya. “In shanta nin ay raacaan gaari beensal ah kadib markii dadka la soo qab qabtana inta meel la isugu keeno lagu daaro Nal wayn oo aysan waxba ka arkin dadka xiran balse iyaga la arko waxaa aragti ka timid xubno ka tirsan raggan” ayuu Sarkaalkaan hadalkiisa sii raaciyay. “Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxaa kamid ah in xiliyada la baxayo iyo degaanada howlgalka laga sameynayo shanta nin ayaa go’aamiya waxaan ka cabsi qabaa amaanka Ciidamada la socda” ayuu yiri Sarkaalkaan. “Waa koox naga dhax shaqaysata sidaan filaayo ee uma shaqayso qaranka” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Sarkaalkaan katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Jabuuti ee ka midka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Jabuuti la socdeen, kuwaa oo marayey duleedka degmada Jalalaqsi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay 6 qof, waxaana uu socday in ka badan 30 daqiiqo. Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin bulshada waxay ku shaaciyaan in weerarkaasi ay waxyeello kusoo gaarsiiyeen ciidanka Jabuuti. Dhanka ciidamada Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase ahaatee xaaladda ayaa ah mid aad u deggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. It was an act of intimidation so bizarre that Mohammed barely understood what was happening until it was over. Source: Hiiraan Online
  19. POUGHKEEPSIE, NY (HOL) - A conference held at Marist College, Poughkeepsie, NY during 8-9 June 2019 covered variety of issues related to Somali/Somaliland education leadership. Source: Hiiraan Online
  20. Iranian police close venues for crimes ranging from ‘playing illegal music’ to ‘debauchery’ Source: Hiiraan Online
  21. Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso yar oo ku dhex taala bad qas iyo dhibaato badan, waxaanu sheegay inuu Ingiriisku taageeri doono doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland. Xoghaye Stewart, ayaa hadalkan ka sheegay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska oo uu toddobaadkan xildhibaan Stephen Doughty oo ah xoghayahah koox xildhibaano ah Ingiriis ah oo ku midoobay magaca “all-party group on Somaliland” APPG oo taageera una dooda qaddiyadda Somaliland, uu ku weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa talaabooyinkiisa ay wasaaradiisu qaadayso ee ay ku taageerayso doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland iyo weliba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa wuxuu Wasiir Stewart, sheegay inuu Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Biixi ka hor intii aan Madaxweynaha loo dooran, isagoo sheegay in Ingiriisku wax badan la qaban karo Somaliland, waxaanu Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Ingiriisku su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi “Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan. Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha. Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas.” Geeska Afrika Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka bilaabatay arrin la yaab leh, kadib markii sida la sheegay lagu soo rogay lacago taakuleyn lagu sheegay. Degmooyin ay ka mid Shibis, Shangaani, iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa shacabka degan guryaha qaarkood loo geeyey waraaq lagu weydiisanayo lacagta. Dadka deegaanka ee degmooyinkan ayaa sheegay inay u yimaadeen Gudoomiye Waaxeedyada qaarkood kuna amray bixinta Qarash taakuleyn lagu sheegay, taasi oo amar waaye lagu yiri. “Gudoomiye Waaxeedka ii yimid, wuxuu ii sheegay in aan bixiyo qarash, waxaana uu ii raaciyay inay tahay taakuleyn, waxaan u sheegay in aanan bixineyn taakuleyn amar ah, waligeeyna aanan maqlin.” Ayuu yiri qof ka midka ah dadka deegaanka ee degmada Shibis. Waa markii ugu horeysay ee dadka reer Muqdisho laga qaado lacago lagu sheegay inay tahay taakuleyn oo aan lahayn macno ama shaqo loogu qabanayo. Maamulka gobolka Banaadir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inaysan wax ka ogeyn arrintan, lana xiriir doonaan guddoomiyeyaasha si ay wax uga weydiiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com