Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,581
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-090619.mp3 View the full article
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qabanqaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qabanqaabada sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka kooban 7 xubin. Waxayna kala yihiin: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin. Shaqada ay qaban doonaan 1: in ay qabanqaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo. 2: in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: in ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: in ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo ee 2019. 6:in ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. Source: goobjoog.com
  3. Shirkadda dispatch logistics waa shirkad ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah oo xafiiskeeda ugu weyn ku yaal magaalada Salalah ee dalka Oman. Shirkadda Dispatch Logistics waxay macaamiisheeda la wadaagaysaa adeegyada kala duwan ee ay qabato:- Sea Cargo Forwarding: Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca Badda iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Salalah oo ah nidaam wadamadu badeecadaha isugu gudbiyaan oo canshuur dhaaf ah una gudbinaysa dekedda Bosaso. Waana adeegii ugu horeeyey oo ay shirkaddu u bilowday macaamiisheeda. Inland Cargo Forwarding: Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca barriga iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Berbera, shirkadda oo noqotey shirkaddii ugu horeysay oo ka hirgalisa nidaamkan dhulka badeecadaha la marinayo dekedda Berbera laguna dajinayo xerooyinka Containers-ka shirkadda ee ku yaala Garowe Agagaarka Puntland Petrolium Station, iyo Gaalkacyo agagaarka Kantaroolka magaalada. Export Forwarding: Adeegan oo ah mid alaabta dibada dalka looga dhoofinayo sida badeecadaha u baahan Qaboojiyaasha, sida Kaluunka, Argoosatada iyo Hilibka. Sidoo kale badeecadaha aan ubaahnayn qaboojiyaasha. Air freight Forwarding: Waa adeeg ay shirkaddu qorsheynayso in ay hirgaliso mustaqbalka dhow si ay u daboosho baahiyaha macaamiisheeda ku sugan Puntland ee dhinaca Cargo-da yar yar. Faahfaahin” Shirkadda Dispatch Logistics waxay idin faahfaahinaysaa sababta soo dedejisay bilaabidda adeega badeecadaha ee Berriga. Badeecadaha qaarkood oo aan doon la soo saari karin sida badeecadaha Qaboojiyaha u baahan. Badeecadaha qaarkood oo aan Container-ka laga bixin karin sida qalabka warshadaha oo u badan biro iyo boolal iyo qalabyo la isku xirxirayo oo hadii Doon lasoo saaro ay halis u tahay in qaar kala lumaan hadhowna ay suura gali waydo in sidii la rabay qalabkaa loo xirxiro. Badeecadaha doomaha ku burbura sida muraayadaha, electronics ka, gawaarida, solars ka iyo machineries ka qaarkood. Waqtiyada qaarkood oo aysan doomuhu safri karin sida waqtiyada bad xiranka loo yaqaan oo ah waqti dheer oo dabaylo xoogani badda ka dhacaan lagana yaabo in ay ku burburto hantida shacabka Puntland. Shirkaddu waxay ku guulaysatay in ay meesha ka saarto labadii canshuurood ee fuuli jiray badeecadaha. Shirkaddu waxa ay xalisay dhibaatooyin fara badan oo ay ka caban jireen shacabka Puntland waxa ayna suuro galisay in ay siiso qof kasta oo degen Puntland kalsooni uu kaga soo dagsan karo badeecadiisa Bad iyo Barri, sidoo kale mustaqbalka dhowna ay ku dari doonto adeegeeda Cirka. Shirkadda Dispatch Logistics waxa qorshaheedu yahay in ay meesha ka saarto khasaaraha sanadlaha ah ee ganacsatada Puntland soo gaara, kaas oo lagu qiyaaso 20-30% kana yimaada alaabo jajabtay, alaab luntay iyo magdhow looga soo dalaco dekedaha Carbeed. Wixii su’aalo ah oo la xiriira adeegyada shirkadda iyo meelaha ay ka howl gasho fadlan kala soo xiriir.. Dispatch Logistics Freight Forwarding Services Salalah, Garowe, Berbera E-mail: info@dispatchls.com Tel: 0096891205156 (Salalah). The post Shirkadda Dispatch Logistics oo adeegyadeeda gaarsiisay Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maalin ka hor xilka guddoomiye-nimo looga qaaday wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in la qorsheeyey in isaga xabsiga la dhigo. Wuxuu tilmaamay Dabageed in madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle uu soo amray ciidanka DFS ee ku sugan B/weyne, in isaga xabsiga ay dhigaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Cali Guudlaawe wuxuu lasoo hadlay ciidanka DFS ee milatariga, Booliiska iyo NISA oo uu leeyahay Dabageed hala soo qabto, aniga sharci ayaa i qaban kara ee ima qaban karo rabitaanka Waare iyo Guudlaawe, sharcigiina iyagaa diiday” ayuu yiri Dabageed. Dhanka kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in reer Hiiraan ay ka war sugayaan dowladda federaalka ah, islamarkaana wixii ay ku taliso diyaar u yihiin. “Reer Hiiraan waxay isku raaceen in dowladda Soomaaliyeed ay ka war sugaan, dowladda sidey wax u dhigtana ay qaataan, waxay dhibsanaayaanna wax laga weydiiyo, arrintaanna dowladda Soomaaliya soo farageliso” Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa iska diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo sheegay in sifo aan sharci ahayn loo soo maray arrintaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhuusama-Mareeb (Caasimadda Onine) – Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray warar dhowaanahaanba la isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayey in khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka ugu sarteeya Ahlusunna Waljameeca iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu yiri, “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”. Waxaana jiray warar ay baahiyeen warbaahinada qaar kuwaas oo lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf uu soo kala dhex khilaaf salka ku haya doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Xaaf uu doonayo in la qabto sanadka 2020-ka halka madaxda Dowladda dhexe ay dooneyso in doorashada maamulkaas la qabto horaanta bisha Julaay ee nasoo aadan. Dhanka kale waxaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug u diyaar garowga shir lagu wado in Todobaadka soosocda ay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dhowaan uu isugu yeeray Madaxweyne Xaaf. Kulan looga arinsanayo qaban qaabada shirkaas ayaa waxa uu xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Gudoomiyaha guud Culumada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan waxaana la sheegay in kulankaas uu kusoo dhamaaday is afgarad. Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu Isniinta u amba bixi doono Magaalada Neyrobi ee dalka Kenya, halkaas oo kulan hor dhac ah ay ku yeelanayaa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kadibna ay kulan koodii uu is kugu yeeray Madaxweyne Xaaf ay Todobaadka nasoo aadan is kugu tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Beledweyne (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in uusan xilka wareejineyn ilaa ay dowladda Federaalka ah soo farageliso khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Dabageed,waxaana uu magacaabay Guddoomiye cusub. Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in magacaabistiisii Gobolka Hiiraan ay ku timid heshiis dowladda dhexe iyo Hirshabeelle dhexmaray haddana uu xilka wareejinayo haddii ay dowladda Federaalka ah ku taliso. Ciidamo ka amar qaata Yuusuf Dabageed ayaa saaka la wareegay qeybo ka mid ah baraha Canshuuraha ee Gobolka Hiiraan iyada oo guddoomiyaha cusub ee Gobolkana uu ku suganyahay Beledweyne. Yuusuf ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay in uu kala qeybiyay islamarkaana jufo jufo u kala qeybiyay beesha ay labadana ka soo jeedaan. Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ku amray ciidamada,millateriga Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan,balse aan la xiriri Karin. “Waare iyo Cali Guudlaawe xeritaankooda I qaba mayo,laakin waxaa inoo yaalla Sharciga,iyaga ayaana diidan inay keenaan Sharci lagu Shaqeeyo oo ay igu xiri karaan,waxaana ku dirireynaa sharciga iyo dastuurka Hir-Shabeelle aan ku Shaqeyno waaye ayuu yiri Yuusuf Dabageed”. Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ayuu sheegay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan. Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana uu dalkbaday in khilaafkaan ay soo dhexgasho dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Weekly security meeting chaired by the mayor of Mogadishu who also doubles up as the Governor of Banadir region, Abdirahman Omar Osman, has agreed to focus on community policing to strengthen stability in the city. Attended by the heads of Banadir regional security as well as the internal security minister, Mohamed Abukar Islow on Saturday evening, the leaders agreed to continue security operations across the districts, embark on community policing and development to avert security-related challenges experienced in the Somali capital. The meeting comes just after successful Eidul Fitr festivities where security across the city was heightened during the holy month of Ramadan. Extra checkpoints were put in place for security checks to avert possible terror attacks. View the full article
  8. The UK officially opened a training facility in Somalia on Saturday for the Somali National Army (SNA), as the Horn of African country readies to take up security responsibilities. The British Embassy in Somalia announced that “the new center will help develop Somali led security forces & promote long term stability and security in the country.” The training facility is based in Baidoa, the capital of Bay region in Southern Somalia. Somalia has been dogged by an Islamist insurgency for over a decade, perpetrated by al-Qaeda-affiliated al-Shabaab. The terror group has killed tens of thousands of people and displaced millions of others. With an unequipped and untrained security force, the international community moved into Somalia to help in the fight against terrorism. The UK, US and African Union are some of the groups with missions in Somalia. With gains made in the fight, various security agencies including the African Union Mission to Somalia (AMISOM) plan to systematically withdraw the troops from the Horn of the African country. The withdrawal of AMISOM troops is due to start from October, with the force expected to be fully out of the country by December 2020, handing over to the SNA. Defeating al-Shabaab is a key agenda in President Mohamed Abdullahi’s government, one he has expressed confidence he will achieve. View the full article
  9. Al-Shabaab fighters were reported to have attacked a Somali government-controlled town in central Hiran region on Sunday amid ongoing airstrikes against the militant group. The attack, according to the residents began with blasts at the city’s main bridge targeting Djibouti troops serving under African Union mission in Somalia [AMISOM]. The two sides engaged in a fierce gunfight and have exchanged heavy and small weaponry during the clash, which caused an unspecified number of casualties. Al-Shabab said its fighters have killed 13 Djiboutian soldiers and burnt down a battlewagon belonging to the AU peacekeepers. There was no statement from AMISOM confirming or denying the claims. The latest reports said the situation has returned to normal on Sunday following the attack. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay mushruuca dib u habaynta shaqaalaha Somaliland oo uu maalgaliyay Baanka Adduunka oo la sheegay in la musuqmaasuqay, waxaanu sheegay in baadhis deg-deg ah lagu sameeyo mashruucaa iyo qaabka loo maamulay si ayna u lumin kalsoonida ka dhaxaysa Somaliland iyo baanka adduunku. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa Qoraalkiisa ku bilabay sidan: “Asalaamu Calaykum Dedaal aad u badan iyo wada-hadalo wakhti aad u dheer qaatay oo Habeen iyo Maalinba laga shaqaynayay ka dib waxaa Allah Mahadii ahayd in Baanka Aduunka iyo Xukuumada Somaliland ay Magaalada Nayroobi ku kala Saxeexdaan 29kii July 2016 kii Heshiis uu Baanka Aduunku ku Maalgelinayo Toban Milyan oo Doolar dib u habaynta Shaqaalaha Dalka Somaliland si kor loogu qaadayo tayada aqooneed iyo xirfadeed ee Shaqaalaha dowladda, gaar ahaana ay Qabta Koowaad ee Mashruucaasi ay ka faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo dowli ah, kadibna loo gudbi doono Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee kale. Hawsha Mashruucan oo aanu marar kala duwan u tagnay Magaalada Nayroobi waxa Masuuliyiinta hawshan ka qayb qaatay ka mid ahaa Dr. Sacad Cali Shire oo xiligaas joogay Wasaarada Arrimaha Debeda, Gudoomiyihii hore ee Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlihii hore ee Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Aniga oo waagaas ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil. Mashruucaasi waxa Daahfurkiisii si rasmi ah loogu qabtay Hoteelka Ambassador 23kii bishii November 2018. Waxaana uu ahaa Guul usoo hoyatay Qaranka oo loogu talo galay inuu socdo Muddo Shan Sanadood ah. Waxaana loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada ee loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda sidoo kalana xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan. Sidoo kale waxa Qorshaha Mashruucan qayb ka ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xuquuqda Shaqaala iyo Daryeelkooda oo ah mid Mudnaan iyo Muhiimad weyn leh si loo hubiyo Xaqa iyo Xuquuqda ay Shaqaalaha Dawladu ku leeyihiin Qarankooda iyo Daryeelkooda marka ay hawlgabka noqdaan ee ay shaqada ka fadhiistaan. Waxa kale oo xusid mudan in Barnaamujkan ay qorshayaashiisa ugu waaweyn ee kale ay ka mid tahay sifaynta iyo soo Afjarida waxa loo yaqaan Caaglaha “ghost workers” oo ah shaqaale magac u yaal ah oo ku jira Liiska Shaqaalaha Dawlada ee lagu lagac qaato balse aan ahayn shaqaale meel ka shaqeeya. Hadaba Mashruucan loo yaqaan dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada ” Civil Service Reform Project” waa mid qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka oo ay muhiim tahay in la hubiyo inuu u socdo sidii loogu talo-galay lagana hor tago oo laga ilaaliyo in wax madmadow ahi uu soo galo si aynaan u lumin Sumcada iyo is Aaminka u dhexeeya Xukuumada iyo Baanka Aduunka Waxaa aad ii werwer geliyay baadhitaanka ay sameeyeen Warbaahinta loo yaqaan Somaliland Chronicle oo tilmaamaysa in lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolar ay ku baxday wax lagu Tilmaamay la Taliyayaal reer Kenya ah. Aniga oo sharaf iyo Xushmad u haya Masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa, isla markaasna kalsooni buuxda ku qaba in ay Xukuumadu baadhis buuxda ku samayn doonto Mashruucan ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan Xukuumadu ku dhiirri geliyo in la dedejiyo baadhista Eedaha dul hoganaya Mashruucan si aanu u fashilmin Barnaamujkaas qiimaha weyn ugu fadhiya Qaranka. Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Source
  11. Yacqub Xasan oo ah muwaaddin asalkiisu yahay Soomaali laakiin haysta dhalashada dalka Ingiriiska kuna eedeysnaa kufsi wadareed oo musaafurin lagu sameyn rabay la hakiyey kaddib markii rakaab careysan oo saarnaa diyaaraddii dib loogu celin rabay ay diideen in la celiyo laakiin ugu dambeyn la go’aamiyey in laga musaafuriyo dalka Ingiriiska. Yacqub Ahmed oo 30 jir ah ayey ahayd in la musaafuriyo bishii October ee sannadkii hore laakiin dadweyne careysan ayaa hakiyey xilligaas iyadoo la sii daayey bishii March si damiin ah. Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in dib loogu celiyey dhawaan xabsi oo lagu hayo halkaasoo looga sii qaadi doono garoonka diyaaradaha si loogu celiya dalka Soomaaliya oo uu Yacqub kasoo jeedo. Yacqub iyo saddex nin oo kale ayaa lagu helay kufsi wadareed ay u geysteen gabar 16 jir ah sannadkii 2007 waxaana lagu xukumay xabsi sagaal sano ah. Daily Mail ayaa heshay xog ku saabsan in Yacqub laga musaafurin doono dalka Ingiriiska sida ugu dhaqsiyaha badan. Yacqub ayaa hadda lagu hayaa xarun u dhaw garoonka diyaaradaha ee Heathrow halkaasoo loo diyaarinayo in dib loogu celiya dalka Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa la filayaa inay bixiso qarashka duulimaadka si looga hortago in markale ay rakaabka diyaaradda oo aan horey uga war hayn dambiyada Yacqub ay hakiyaan safarka si la mid ah safarkii hore. Hooyada gabadha la kufsday ayaa sheegtay in musaafurinta ninkaan ay tahay caddaalad ay heshay gabadheeda waxayna ugu baaqday dadkii horey u hakiyey safarkii hore inay raaligelin ka bixiyaan maaddaama uu ninkani yahay dambiile. Ondogo Ahmed oo loo xiray 8 sannadood shirqoolka lagu kufsday gabadhan ayaa markii dambe ku biiray kooxda ISIS ee Syria kaddib markii xabsiga laga sii-daayey waxaana la aaminsan yahay in la dilay isagoo ka dhinac dagaallamaya kooxda ISIS. Daily Mail. Source: goobjoog.com
  12. Waxaa uu qas iyo jahwareer ka jiraa gudaha magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan kadib markii uu diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) inuu wareejiyo xilka guddoomiyaha gobolka kaas uu sabtidii ka qaaday madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare. Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in Cali Maxamed Caraale oo ah ninka cusub ee uu Mr. Waare u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dhinac ka joogo magaalada Baladweyn, weliba ay isaga iyo Dabageed wada joogaan hal xarun, laakin ninka dambe uu diidanyahay inuu xilka wareejiyo, xoogna sheeganayo. Yuusuf Dabageed ayaa inta aan xilka laga qaadin, waxaa uu ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii in aanu aqoonsaneyn maamulka Hirshabelle ee Waare, isla markaana haddii xilka laga qaadao aanu wareeji-doonin, isaga oo intaasi ku daray in Waare aanu shaqo ku laheyn arrimaha gobolka Hiiraan. Dhinaca kale, maamulka Hiiraan marka laga reebo Dabageed inta kale waxaa ay sheegeen inay hoos tagaan Hirshabelle iyo madaxweyne Waare, isla markaana ay lacagta ka soo xaroota gobolka ku shubeen akoon uu maamulku leeyahay. Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya, waxaa ka soo xaroota canshuur badan, sida ay noo xaqiijiyeen hey’adaha maaliyadda gobolka, oo tusaale ahaan $10 kun oo Dollar waxaa ay maalintii ka soo xarootaa lacagta laga qaado waddooyinka, iska daa lacagaha kale ee dowladda hoosee, taasi oo la sheegayo in si qaldan loo maamuli jiray. Waxgarad ka tirsan gobolka Hiiraan oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Baladweyn ayaa ku kala qeybsamay arrinta maamulka Gobolka Hiiraan, iyaga oo la kala saftay Dabageed iyo Caraale. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, waxaa uu horay u ahaa la-taliyaha xagga amniga ee Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare, waxaana la filayaa iney wadashaqeyn dhow yeelan karaan haddii lagu guuleysto in xal loo helo arrinta Yuusuf dabageed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Yemen)-Taliyihii Guutada 3-aad ee dalka Yemen, Cali Axmed Qatmul iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday gaadhigii ay la socdeen oo marayey Degmadda Khokha ee duleedka magaalada dekedda leh ee Xudeydah. Sarkaal Millatari oo la hadlay wakaalladda Wararka Shiinaha ayaa sheegay inuu Taliyahaasi qaraxu qabsaday, xilli uu doonayey inuu soo kormeero fadhiisimadda ay Ciiddanka taabacsan Dowladda Yemen ka joogaan magaalada Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas. Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay madaafiic culus ku garaaceen Fadhiisimadda Ciiddankaasi ku lahaayeen Degmooyinka Tuxyata, Durayhami iyo hays ee magaalladda Xudeydah. Source
  14. Addis Ababa (Caasimada Online)-Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Ethiopia ayaa la sheegay inuu ansixiyay saamiga ismaamulka Soomaalida ku yeelanayo shidaalka laga helay dhulka ismaamulka. Xubnaha aqalka sare ee Federaalka Ethiopia ayaa meel mariyay in 50% dhaqaalaha kasoo xarooda Shidaalka laga helay gobolka Soomaalida uu yeelan doono ismaamulka Soomaalida Ethiopia. Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ra’iisul wasaaraha Ethiopia marar badan uu ka hadlay hadalo la isla dhex marayay oo sheegayay in Soomaalida 5% ay ku yeelan doonaan saamiga Shidaalka. Waxaana hadda muuqata inay taasi meesha ka baxeyso, maadaama %50 loo ansixiyay inay heli doonaan shacabka Soomaalida, dakhliga kasoo xarooda shidaalka laga helay gobolka. Laakiin Abiye Axmed oo arrintaas bidhaamiyay ayaa sheegay in 5% ay leeyihiin dadka deegaanka laga helay Ceelasha shidaalka ee uu saameyn doono daaqa iyo beeraha sidaasna lagu siinayo saami dhan 5%. Marka laga yimaado in 50% ay yeelan doonaan Soomaalida dhulkooda shidaalka laga helay, aqalka sare ma aysan shaacin sida laga yeelayo inta kale ee ka hartay dakhliga kasoo xaroonayo shidaalka. Dhulka Soomaalida oo sanado badan shidaal laga baarayay ayaa ugu dambeyntii laga helay, waxaana ka shaqeeyay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana hadda dhiman in la bilaabo iib geynta Shidaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. (SLT-Riyadh)-Hay’adda u dhaqdhaqaaqda Arimaha xuquuqal Insaanka ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Sucuudi Carabiya inay joojiso xukun dil ah oo lagu riday wiil yar oo la xidhay shan sano ka hor. Murtaja Qureiris ayaa la xidhay isagoo da’diisu ay tahay 13 markii uu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeedo dawlada kaas oo xidhan tan iyo xiligaasi, sida ay sheegtay Amnesty International. Wiilkan yare e Murtaja Qureiris, ayay hada da’diisu tahay 18, waxaana la filayaa inuu wajaho dil lagu filiyo, walow marar badan dib loogu dhigay madaama oo da’diisu ay ahayd 10 jir, sida ay warbixinta ku sheegtay Kooxda Xuquuqal Insaanku. Dacwad oogayaasha dalka Sucuudiga ayaa ku riday xunkun dil ah Murtaja Qureiris bishii August, waxaana lagu soo deedeeyey inuu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeeday dawladda, waxaanu xiligaasi uu ka qaybgalay aaska walaalkii Cali Qureiris oo lagu dilay dibadbaxaasi 2011-kii,”Siday ay maalintii jimcihii ay baahisay hay’adda Amnesty International. Source
  16. (SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa wakhti kama dambays ah loo qabtay inay kala doorto inay iibsanayso diyaradaha ee Mareykanka ama gantaalada lidka diyaaradaha oo ay Ruushka ka iibsanayso. BRUSSELS, BELGIUM – JULY 11: Turkish President Recep Tayyip Erdogan (R) and U.S. President Donald Trump (L) speak to each other during the 2018 NATO Summit at NATO headquarters on July 11, 2018 in Brussels, Belgium. Kayhan Ozer / Anadolu Agency Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Turkiga ugu dambayn ay arrintan go’aan ka gaadhaan dabayaaqada bisha July. Xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka Patrick Shanahan ayaa waqtigan kama dambaysta ku sheegay warqad uu u diray dhigiisa Turkiga Hulusi Akar. Shanahan ayaa sheegay in Turkiga aysan wada heli Karin diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo gantaalada difaaca hawada ee Ruushka,S-400. Mareykanka ayaa ku doodaya in gantaalada lidka diyaaradaha ee Ruushka aysan u dhigmin kuwa difaaca Nato islamarkana ay arrintan tahay mid keeni karta khatar dhanka ammaanka ah . Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay lahaato siyaasad difaac oo ka madaxbanaan Nato,islamarkana waxay Turkiga heshiis la galeen Mareykanka kaasi oo ay uga iibsanayaan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35s, . Muxay tahay cawaaqib xumada ay Turkiga wajihi karaan? Mr Shanahan ayaa warqadiisa ku sheegay in Mareykanka “ay aad uga xun yihiin ” inay maqlaan in Turkiga ay Ruushka u direen saraakiil si loogu soo tababaro isticmaalka gantaalada difaaca hawada ee S-400. “Turkiga ma heli doonaan diyaaradaha F-35 haddii ay keensadaan gantaalada nooca S-400,” ayuu warqadiisa ku yiri. “Waxaad wali haysataan khiyaar aad ku badali kartaan qorshihiina gantaalada S-400.”ayuu intaa ku daray Hasa yeeshee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in wadankiisa ay “ka go’antahay” in ay horey u sii wadaan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalada lidka diyaaradaha ee S-400. Maxay yihiin gantaalada S-400? Gantaalada S-400 waa mid ka mid ah gantaalada ugu casrisan caalamka dhanka difaaca hawada. Waxa ay gantaalada S-400 gaarayaan 400 km waxaana is daba joog ah ay halkii mar u soo ridi karaan 80 bartilmaameed. Source
  17. Dhuusomareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan,. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xilkaasi loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal). Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  18. (SLT-Boosaaso)-Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland. Qabsashada al-shabab ee Tuuladan ayaa timid, kadib markii 30kii bishii la soo dhaafay ee May ay ciidamada daraawiishta Puntland isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, sida uu VOA u sheegeen dadka deegaanka. Wax khasaaraha ah oo ka dhashay la wareegista al-shabab ee tuuladan lama soo sheegin. Sababta ay ciidamada Puntland uga baxeen Tuulada Af-urur ayaa, sidoo kale la ogeyn, iyadoo maamulka Puntlandna aanu ilaa iminka wax war ah ka soo saarin xaaladan ka soo cusboonaatay koonfurta Boosaaso. Tuulada Af-urur ayaa dhowr goor oo hore waxaa ka dhacay dagaal iyo iska horimaadyo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal. Source
  19. (SLT-Khartoum)-Ciidammada amniga Suudaan ayaa xidhay laba ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaraaradka, kadib markii ay kulan la yeesheen Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo jimcihii tagay magaaladda Khartuum. Ciidammadu waxay xabsiga dhigeen Maxamed Cismat iyo hoggaamiyah dhaqdhaqaaqa xorraynta shacabka waqooyiga Suudaan (SPLM-N) Ismaaciil Jalab Cismat ayaa la xidhay wax yar ka dib markii uu kulan la yeeshay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Halka Hoggaamiyaha SPLM laga soo xidhay gurigiisa shalay oo sabti ahayd sida ay soo warisay wakaaladda Wararka ee AP. Source
  20. (SLT-Washington)-Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay ku saxan tahay inay loo aqoonsado daanta galbeed deegaanada ku yaalla oo ay xoogga kaga heestaan Falastiin. Hadalkaan ayaa yimid iyadoo shacabka reer Falastiin ay ka hor yimaadaan qorshaha nabadeed oo ay wado dowlada Mareykanka. Safiirka Mareykanka ee Israel, David Friedman, ayaa tilmaamay in Mareykanka uu taageeri doono dadaalada Qorshahaan. Wareysi uu siiyay Majalada New York Times ayaa cadho wuxuu ku abuuray shacabka Falastiin. Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay in uu u janjeedho dhanka iyo xukuumada Tell Aviv oo uu doonayo in uu ku wareejiyo daanta Galbeed. Saeb Erekat oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowlada Falastiin ayaa sheegay in ay cadeyneyso qorshaha gumeysi ee Israel. Hanan Al-Sharaawi oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel dhul ay xaday lagu abaal Mariyo ay cadaalad darro Tahay. Source
  21. Police in Bomet have intercepted a huge cache of explosives and detonators they believe were in transit to Nairobi for a possible terror attack. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (PP) ─ Kulan xalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa looga hadlay amniga caasimadda, kaasoo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Xamar, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow]. Kulanka waxaa ka qayb-galay taliyaha booliiska DF, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko], Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka socda gobolka Banaadir. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dar-dar-gelin lahaa sugida amniga Muqdisho, is-dhex-galka bulshada, dariseynta iyo horumarka caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. Yariisow ayaa kula dar-daarmay saraakiisha ciidamada in la adkeeyo Amniga guud ee Muqdisho, xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amni-darro. Sidoo kale, Kulammadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo xaaladda ammaan ee Muqdisho xilliyadii ugu dambeysay ay ahayd mid deggen, iyadoo kulanka uu imaanayo iyadoo maalin ka hor uu Muqdisho isku dilay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia. Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska Somalia, Jen Bashiir Ameerika oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha amni ee ay wadaan ciidanka Booliiska Somalia ee ku sugan waddooyinka Muqdisho, isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan ciddii dhibaato u geysata shacabka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Khilaaf cusub ayaa soo dhex-galay madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo maamulka Ahlusunna, kaasoo ka dhashay arrimo la xiriira xilliga ay dhacayso doorashada maamulkaas uu ku soo xulanayo xildhibaannada iyo hoggaanka cusub. Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, isla markaana Ahlusunna ay aqbaleen in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha soo socota, balse uu taas ka hor-yimid madaxweyne Xaaf. Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay, waxaana Axmed Xaaf uu ku adkeystay in doorasho ay dhici karto marka la gaaro sannada 2021-ka, halka hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in bisha soo socota ee sanadkaan ay qabsoomayso doorashada. Dhanka kale, Lama oga illaa hadda qorshaha cusub ee maamulkii Ahlusunna ee ku biirtay Galmudug ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha ay dhacdo bisha soo socota inay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Somalia oo horay u sheegtay inay doorashada qabsoomeyso. Maamulka Ahlusunna iyo madaxweynaha Galmudug ayaa horay ga soo hor-jeestay in doorashada dhacdo sannadkan, balse lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu isbedelo mowqifkii Ahlusunna Waljamaaca. Ugu dambeyn, Khilaafkan ayaa laga yaabaa inuu salfado Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha tageersan oo horay ugu soo guuray Dhuusa-mareeb, halka ay xubnihii kasoo horjeeday oo ku sugan Cadaado ay gacan ka helayaan DFS. PUNTLAND POST The post Khliaaf soo dhex-galay Madaxweyne Xaaf iyo Mas’uuliiinta Ahlusunna Waljamaaca appeared first on Puntland Post.
  24. Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan intii uu socday lagu soo bandhigay qorshayaashii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa aad u bagaadisay maamulka ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysay,iyadoo ku dhiiri-gelisay labada dhinac in ay tartamo badan u qabtaan dhallinyarada ku nool degmooyinka Gobolka si loo hero tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo anfaca kooxaha iyo xulka qaranka. Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha wasiirka ciyaaraha dowladda ayaa sheegay in madaxda ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan in ay fursado badan u abuuraan dhallinyaradda caasimada oo aad u jecel nuucyada kala duwan ee isboortiga ayna u diriyaan goobo casri ah ay kusoo bandhigaan xirfadooda ciyaareed. Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa u mahad celiyay mas’uuliyeenta ciyaaraha degmooyinka,isagoo sheegay wax qabadkii sanadkii lasoo dhaafay ee lasoo bandhigay aysan qabsoomin laheyn la’aantooda iminkana aya si wadajir uga shaqeyndoonaan ajandayaasha cusub ee la doonayo in la qabto sanada 2019. Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir sanadkeeda kusoo bandhigay shaqooyinkii muhiimkaa ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay 2018 lasoo qabtay waxyaalihii la qaban waayay,iyagoo dhinaca kale soo bandhigay aragtiyo cusub oo ku aadan horomarka isboortiga Gobolka Banaadir. Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa labadii sano lasoo dhaafay ku guulaystay in caasimada Muqdisho lagu ciyaaro fiinaalaha ciyaaraha degmooyinka,xili habeen waxayna sanadkan qorshaynayaan in dhallinyarada caasimada ay u soo bandigaan aragti ku kale oo ku cusub tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Shirwayinhii Guddiga Ciyaaraha Gobolka Banaadir. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (SMN) – C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho. Shirka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Caasimadda. Sidoo kale waxaa shirka looga arrinsaday arrimaha Dariseynta iyo horumarka uu wado maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa kula dar darmay hay’adaha amniga in ay xoojiyaan amniga iyo howlgallada ka socda Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafaty Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article