-
Content Count
208,587 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Dhallinyaro aanu deris ama isku xaafad nahay ayaa beri la qabsaday nin barbaarta ka mid ah oo runtu ku yarayd. Waa ay ka rasayn jireen, isaguna waa uu joojin waayay. Markii dambe kolka ay arkaan ama uu hadalka bilaabo ayay odhan jireen “Annagu macaamiishii baanu nahay, kuwaas kale u sheeg”. Weedhihii lagaga dareen-celin jiray warka aan sugayn waxa ka mid ahaa “yaad u waddaa?” inta la sii jeesto ayaa la dhaqaaqi jiray. Wasiir Saleebaan Cali Koore waxa aad sheegtay in ay reer Taleex iyo reer Sallaxley meelo iska shabbahaan, isla markaana uu reer Sool wakiil uga ahaa Ingiriiska Caaqil Jaambiir Kaahin, waa run oo dhaqanka, duubka, hal-abuurka iyo meelo kaleba waa la isaga eg yahay. Imaka idinka yaa wakiil nooga ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waayo halka wasiir ee golaha noogu jira waxa keenay ama soo xulay Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Mar kale laba mashruuc oo la keenay deegaanka Sallaxley 2018 iyo 2019 labadaba adiga ayaa hormood ka ahaa. Midkood waxa uu ahaa Biyo-xidheen laga dhisayay Kalagooye oo aad sheegtay in uu idinku amray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 5tii Mey 2018ka ayay ahayd. Waxa laga joogaa sannad iyo dheeraad. Mar haddii ay hawshaasi biyo ahayd, adiga ayaa imaka iyo markaasba ahaa Wasiirka Biyaha oo guul iyo guul-darraba madaxa ku qaadaya. Walaw aad sheegtay in uu dhagax-dhigi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, far dambe lama dhaqaajin. Muuqaallo (sawirro) fiican baad ku gasheen, hadallo fiicanna waad jeediseen, dabadeedna laba Cali dib isuma weydiin. Sidii buu dhagaxi meeshii u yaallaa! Sannad, bil iyo afar cisho kaddib oo shalay ah, 8dii Juun 2019ka, ayaad mar kale dhagax-dhigteen biyo-xidheen isla degmada Sallaxley ah. Sidii aad caanka ku ahaydeen ayaad barwaaqo, badhaadhe, bal, beero iyo balaayiin lacag ah oo ku baxaya sheegteen. Ma garan karo waxa uu ballan-qaadkani kaga duwan yahay kii hore. Kollayba dad harraaddani biyo ayay ugu jecel yihiin, labada jeerba way idin dhegaysteen. Qaar idin horboodaya ayaan arkayay. Horta kii hore halkee ayuu ku dambeeyay? Maasno ayaa ahayd “Ma taqaannid beentee Runta barashadeedaa Belo kaa hor joogtaa” Anigu biyaha la sheego ee dawladi gacanta ku hayso, imaka waan dhibsadaa axdigooda. Saw ma aad caddayn in uu fashilmay mashruucii biyo-ballaadhinta Hargeysa ee ay malaayiintu ku baxeen? Annaga oo deggan faras-magaalaha Hargeysa booyad ayaa noo dhaamisa. 500 tallaabo ayaanu u jirnaa Tiyaatarka Hargeysa, xarunta Dawladda Hoosena 800 mitir baanu xagga Bari ka xignaa. Waxa aan ku kalsoonahay booyadaha, Ilaahay ha barakeeyo booyadaha. Marka ay dhakhsanayaan waa Mujaahidiin badbaadinaya nafo oon u dhiman lahaa oo ku nool caasimadda Hargeysa. Haddii ay wadeyaasha booyaduhu ku dhintaan shil, iigama duwana shahiid dar Alle u xijaabtay. Magaalada oo dhamina waa ka siman tahay taas, malaha 20% ayaa cabba biyaha wakaaladda Hargeysa. Waa se la is tuhmaa, waxaana la yidhi “Caano Jiilaal canba can dareen”. Galbeed iyo Koonfurina waa tabtaas, aniga oo Bariga ahina ka darni. Woqooyigana dhul aan biyo-gelin lahayn baa ah. Wasiir, berigaas aanu Ingiriiska idiinka wakiilka ahayn, ma filayo in aanu been iyo lug-gooyo idiinka soo qaadi jirnay. Waayo ma aan arkin idinka oo ka cabanaya Chief Caaqil Jaambiir Kaahin oo xidhiidhka laf-dhabar u ahaa. Waan ka xumahay in iyada oo hadimo hore jirtay aad hees-walwaaleed kale noo qaaddo. Fadlan iska hubi mashruuca aad deegaankaas geynayso. Mar haddii aanu fulin kii hore, waxa ballan ah in aan wanjal labaadna raacin. Waxa loo baahan yahay samafaleyaal basriya dhagaxa shalay baradaas la dhigay, in lagu kufo mooyaane, kaalin kale ma buuxinayo. Dhagaxaas aad dhigteen gacanta ayaa loola tegi doonaa. Ummadaasna wuxuu Ilaahay u barakayn doonaa balliyada, baraagaha, waraha, dhijaamaha iyo bacaha biyaha kaydiya. Haddii aanu adhigu ka ilbixin shugux shugux, eegga looma sacab tumi sabaaladii carruurta Isla maansadaa ayaa lagu yidhi “Mana tihid bakhaylkii Biyo quudhi waayee Waxaad bixin lahayd baad Adiguba u baahnayd” Ugu dambayntii waxa aan Wasiir Saleebaan Cali Koorow ku leeyahay “Annagu macaamiishii ayaanu nahay. Yaad u waddaa?”. Siciid Maxamed Gahayr Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Golaha federaalka Itoobiya ayaa ansixiyey xeer qabyo ahaa oo hor yaallay gohala. Waxaanu yahay xeerkaa goluhu ansixiyey xeerka qaybisga khayraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, waxaana sidaa ku warramay telefishanka ETV. Xeerka goluhu ansixiyey wuxu dhigayaa in gobolkii laga helo wax khayraad dabiici ahi ku leeyahay 50 %, Dawladda Federaalkuna ay leedahay 25% iyada oo weliba deegaankaasi boqolkiiba shan iyo labaatankaa ay Dawladda Federaalku heshay wax ku leeyahay. Inta soo hadhay oo ah 25% si gaarna loogu qoondeeyey deegaannada dalka oo dhan. Hadaba sida xeerkaa la ansixiyey wax u qoondeeyey waxa ay ka dhigantahay in Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo dhawaan laga helay gaaska dabiiciga ah iyo shidaalba uu qayb libaax ka helayo qaybsiga khayraadkaa laga helay gobolka Soomaalida. Marka la sii balballaadhiyo ee lagu saleeyo xeerkaa la ansixiyey waxa gobolka Soomaalidu ka helayaa shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaannadiisa in ka badan kala badh dakhliga ka soo xaroon doona shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ba. Taas macnaheedu waxa weeyi in gobolka Soomaalida dalka Itoobiya xaq u yeelanayo in uu helo 50% u gaar ah iyo weliba saami kale oo uu ka helayo badhka kale ee Dawladda Federaalka ah iyo gobollada kale ee dalku qaybsanayaan. Xildhibaannada golaha federaalka ugu jira Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo masuuliyiinteeda kaleba waxay ku doodeen in xeerkaa la ansixiyey uu dhaqan galo oo lagu saleeyo miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2012-ka ee tirsiga Itoobiya. Hase yeeshee waxa la isku raacay in xeerkaa la ansixiyey si buuxda loo dhaqan geliyo sannadka ka dambeeya ee 2013-ka ee tirsiga Itoobiya. Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in shirkad ka shaqaysa wax soo saarka tamarta oo laga leeyahay Ingiriiska oo la yidhaa New Age African Global Energy Ltd ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay gaaska dabiiciga ah oo xaddigiisu gaadhayo 1.6 Trillion Cubic Feet. Waxaanu wasiiru dawlaha macdanta iyo shidaalka Itoobiya, Guang Tulam, oo waraysi siiyey wargeys dalkaa ka soo baxaa yidhi “Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii gaaskaa dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon ee lagu suuq geyn karo.” Go’aankaa ay xukuumadda federaalka ah ee Itoobiya ku gaadhay in shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida ayaa waagaa, waa intii aan xeerkan cusub ee haatan la ansixiyey soo bixine, waxaa dhaliilay ururka ONLF oo sheegay in marka hore ay ma huraan tahay in la xalliyo khilaafaadka jira. Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, oo mar waraysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa yidhi “Iyada oo aan la xallin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ah ee dhex taalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waanan diidannahay.” Si kastaba ha ahaatee, xeerkan cusub ee la ansixiyey ee qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, ayaa sida uu u qaybiyey khayraadku ka duwan tahay sidii markii hore dadku u haysteen oo ahayd in aan Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya wax buuran ka heli doonin khayraadka gobolka Soomaalida laga helay. Source
-
Beryahan waxaan ku mashquulsannaa, oo aan baaraayay dowrka IMF iyo World Bank ee ku aaddan deyn cafinta Somalia. Intii aan ku gudajiray akhriska qoraallada IMF ay ka soosaartay barnaamijka deyn cafiska (SMPs), waxaan isweyddiinaayey saddexdan su’aallood: Halkee ayuu marayaa hannaanka deyn cafinta Somalia? Maxay tahay shuruudaha ku xiran? Waqti intee la eg ayuu qaadan karaa deyn cafiska? Weyddiimooyinkaasi waa kuwa muhiim u ah qofka raba in uu wax badan kala socdo qorshaha deyn cafinta Somalia. Arrinka deyn cafinta waa mid dib ugu laabanaysa sanadkii 2013, markii maraykanku uu aqoonsaday dowladnimada Somalia. Isla sanadkaas, IMF iyo World Bank waxay dibu-sooceliyeen xiriirka shaqo ee Somalia, waana bar bilowga qorshaha deyn cafinta. Barnaamijka deyn cafinta IMF ay ugu talaggashay in Somalia fuliso si ay u soo gaarto bar dhammaadka (point of completion), taas oo ugu dambayn u suurtagalinaysa in ay ka mid noqon karto waddamada faqriga ah ee aan iska bixin karin deymaha (HIPC Initiative). Laakiin waxaa ka horreeya in Somalia ay isbeddel weyn ka samayso dhaqaalaha, maaliyadda, maamulka iyo bulshada. Maqaalkan kooban waxaan diiradda ku saarayaa hab-u-socodka deyn cafinta Somalia: BARNAAMIJKA (SMPs) Barnaamijkan wuxuu soo bilowday bisha May 2016, wuuna soconayaa ilaa inta laga gaarayo Julaay 2020, oo ku eg soo gebagebaynta wejigiisa afaraad. Wuxuu barnaamijkani dhiirrigelinayaa in isbeddello lagu sameeyo baanka dhexe ee Somalia, maamulidda iyo la socodka lacagaha moobilka la iskugu diro, ka hortagga lacagaha faalsada iyo fangareenta Alshabaab. Intaas waxaa u sii dheer, in Somalia ay ka kaalmeyso joogteynta xasilinta iyo dibu-dhiska hay’adaha dhaqaalaha. Somalia ilaa iyo hadda waxay ku guulaysatay in ay ka soo gudubto dibu-hubinta IMF, ee ku aaddan barnaamijka deyn cafinta heerkiisa koowaad, labaad iyo saddexaad; waxaana hadda u socda hirgelinta heerka afaraad oo ah kan ugu dambeeya. Laakiin tani macnaheedu kama dhigna in Somalia laga cafiyey deyntii, waana arrin laga rabo in dowladda Somalia ay si fiican ugu bayaaniso dadkeeda in deyn cafintu waqti qaadanayso, ayna ka horreeyaan isbeddello xanuun badan oo gilgili doona dhaqaalaha iyo maamulka dowladnimo iyada oo loo marayo hirgelinta barnaamijyada deyn cafinta IMF (sida SMPs, UPT iyo PRSP). Hirgelinta barnaamijka deyn cafinta waxaa ku xiran 18 shuruudood oo looga fadhiyo in dowladda Somalia ay tixgeliso, waxaa ka mida: In mushaharka ciidanka qaranka akoon lagu bixiyo, in la dejiyo qorshaha yareenta saboolnimada (Poverty Reduction Strategy Paper-PRSP), in dakhliga gudaha la kordhiyo iyo in la wada qaybsado khayraadka dalka. Marka la eego warbixinada IMF ay ka qortay barnaamijka deyn cafinta gaar ahaan wejigiisa koowaad, labaad iyo saddexaad; Somalia waxay muujisay sarre u kac dhanka dakhliga gudaha ah, oo sanadkii 2018 gaaray 161 milyan oo doollar. Sidoo kale, dhaqaalaha dalka wuxuu kobcay boqolkiiba 3.1. Iyada oo guulahaasi jiraan, haddana Somalia maanta awood uma laha in ay iska bixiso 4.6 bilyan oo deyn dibadda ah oo dusha u saaran. Deyntaas bilyanka doollar ah waxaa ku leh 27 isugu jira dalal iyo hay’ado, laakiin deynta ugu badan waxaa amaahiyay kooxda Paris club iyo Maraykanka, wadarta deymahooda wuxuu gaarayaa 3.5 bilyan oo doollar. Deyn cafinta Somalia ma dhowa, waayo marka IMF ay ka hubiso dowladda Somalia in si sax ah ay u hirgelisay barnaamijka deyn cafinta gaar ahaan wejigiisa afaraad iyo 18-kii shuruudood, Somalia waxay u gudbi doontaa marxaladda labaad oo looga fadhiyo in ay ka guul gaarto barnaamijka “Upper Credit Tranche” (UCT). Barnaamijkani wuxuu dowladda Somalia ka caawinayaa in deyn cusub ay ka amaahan karto IMF, laakiin waxaa shardi ah in kis kis (in yar in yar) loo siiyo deynta. Iskusoowadadduub, hannaanka deyn cafiska Somalia waxaa loo marayaa hirgelinta afarta barnaamij deyn cafin oo loo yaqaano “SMPs,” oo lagu daray barnaamijka UCT iyo kulanka gebagebaynta, kaas oo isugu imaan doona madaxda IMF, dalalka iyo hay’adaha deymaha ku leh Somalia. Go’aankii ka soo baxaa ayay ku xiran tahay deyn cafinta Somalia. Markaad akhriso barnaamijyada deyn cafiska IMF waxaa kaaga soo bixi doona in Somalia ay waqti dheer ku qaadanayso kasbashada deyn cafinta. Hassan Mudane; Lafogure Arrimaha Afrika Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood. halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin. 8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin 9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:- 1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo. 2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019. 6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga Qaban qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. Af Urur oo ah deegaan istaraatiji ah ayaa ku yaalla Buuraha Golis, waxuuna in ka yar 70 KM u jiraa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay deegaankan, kuwaas oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul-gobolleedka Koonfur Galbeed ka furtay Xarun lagu tababbari doono Ciidammada Soomaaliya. Xaruntan ayaa waxa loogu talo-galay in Tababbarro lagu siiyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya si ay Mustaqbalka ula wareegaan Amniga guud ee Dalka, qaadaana Masuuliyadda Xasiloonida. Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay ujeeddada Xaruntan loo hirgeliyey tahay in lagu horumariyo Ciidammada Amniga oo la doonayo inay mustaqbalka si buuxda u Xasiliyaan Dalka. Soomaaliya waxa awood ku leh Kooxo Islaamiyiin ah tobannaan sanadood, kuwaasi oo ay ka mid tahay Kooxda xulafada la ah Al-qaacida ee Al-shabaab. Kooxdan argagixisada ahi waxay dishay Kumanaan Dad ah, Malaayiina way barakicisay. Bulshada Caalamka ayaa Soomaaliya Ciidammo, si ay uga caawiyaan la dagaalanka argagixisada, UK, Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa qayb ka ah kooxaha hawl-gallada ka wada Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July. Xubnaha Guddiga 1 Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye 2 C/Raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3 Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashaan-dhigga Xubin 4 Maxamed Abuukar Islaaw Wasiirka Amniga Gudaha Xubin 5 Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Xubin 6 Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Sadiiq Xirsi Warfaa Xubin 7 Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Xubin 8 Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka Xubin Xilka Guddiga Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood. Halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin. 8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin 9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:- 1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo. 2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019. 6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. View the full article
-
Dhuusomarbee (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta beeniyay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxa Xukuumadda maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan. War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah. “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Warbaahinta qaar saacadihii la soo dhaafay ay warisay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada maamulkaasi. View the full article
-
The president of the Galmudug State of Somalia, Ahmed Duale Gelle Haaf, today dismissed from office the governor of Mudug region, central Somalia, and appointed a new governor. In a decree, President Haaf appointed Abdirahman Ali Diriye as the new governor of Mudug region after dismissing his predecessor, Abdirashid Hashi Artan. Artan has not yet commentated on the matter. However, the decree said the step was taken in order to better undertake services in the region. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababari karaa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamada. Saraakiil Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed tan iyo ilaa 2017-dii,iyagoo bixinayay tababarro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro Dagaalyahannada Al Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay wajiga labaad dib u dayactir lagu sameynayo waddada Janaraal daa’uud ee magaalada Muqdisho. Waddadan ayaa isku xirta degmooyinka Yaaqshiid, Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Waxaa munaasabadda dhagax dhigga goob joog ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiye Yariisow oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay tahay waddadani tii 8-aad oo Laami ah oo uu hirgalinayo maamukiisa. Dhinaca kale Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay xubno ka socday hay’adda horumarinta mashaariicda QM ee UNDP. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan horumarinta Caasimadda, sida uu Warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article