Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,587
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Minister appears to accept that row between the two is fuelling other disputes in Middle East Source: Hiiraan Online
  2. Somalia will kick off a countrywide polio campaign of two rounds of immunisation to deliver monovalent oral vaccine type 2. Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda Soomaaliya waxay marar badan cambaarayn iyo dhaleeceyn dusha uga tuurtay dalal iyo kooxo ay Sucuudiga is hayaan iyadoo la safatay dowladda Sucuudiga, waxaa ugu dameeyey taageerada ay Soomaaliya siisay Sucuudiga markii uu ku gudajiray fadeexaddii Khaashuqji oo ay difaacday Sucuudiga kuna tilmaantay mid ceeb ka saliima, sidoo kale shirkii uga dameeyey eeka dhacay Maka Al Mukarrama oo lagu cambeereeyey duulaanka Sucuudiga ee xuutiyiinta kaas oo Somalia qayb ka ahayd sidoo kale na aysoo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso, Taas badalkeeda Sucuudiga waligood ma garab istaagin Soomaaliya kumana taageerin mararka ay xaaladaha adag gasho iyadoo hadda muran badeedkii ugu waynaa iyo xiisaddii ugu kululayd Somaliya kala dhaxayso dalka Kenya ayna Soomaaliya u baahantahay taageero diblumaasiyadeed bacdamaa aan nahay dowlad an awood badan lahayn Sucuudigu wuxuu ciyaarayaa dowrka dhexdhexaadnimada wax dan ahna kama leh xitaa hadii Kenya nagusoo duusho oo Itoobiya soo raacdo isagu xitaa ma cambaarayn doono, sidoo markii Somalia ay xiisada kala dhaxaysay Emirates ka dowladda Soomaaliya waxay dhowrjeer ku dacweysay Sucuudiga isagoo an dhag jalaq usiin kuna taageerayay emirates kai nay cadaadiska inagu sii wadaan, Sucuudigu wuxuu xiray xoolaha Soomaaliya isagoo heshiis xoolo dhoofsi oo wayn la galay dowladda Itoobiya taas oo curyaamin dhaqaale oo toos ah ku ah Soomaaliya iyadoo xoolaheediina laga faaidaysanayo oo Itoobiya laga daldalanayo, ma aqoonsana baasaboorkeenna mana lagu gali karo dalkiisa iyadoo uu ixtiraamo kan dalal aan dariska nahay ee xifaaltanku inagala dhexeeyo walow ayba Sucuudiga inoo dhaamaan oo dhanka amniga inaga caawiyaan dadkeenana martigaliyeen xilligii dhibaatada baasaboorkeenana aqoonsan yihiin. Waxaas oo dhami waxay Soomaaliya tusaysaa in aan nahay aalad uu Sucuudigu ku adeegto oo xitaa uuna dayac tirin marka aaladaasi ciladowdo, sababtoo ah hadii uu xitaa wax inoola harayo meel un buu inoo badbaadin lahaa, sababta aan aalad (equipment) Soomaaliya ugu tilmamayna waa inaan la yaabay sababta aysan marna maya u dhihin ee aysan xitaa u dhihi Karin war anigaba markayga ii hiili sida aan kuu hiiliyo markaad dhib gasho, ama inagu kala kaxay anagu xuutigaan baa ka amaan helnaa isagaa u xaq leh inaan taageerno eh. Ugu dambayn Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay dhexdhexaad ka noqoto dhamaan colaadah bariga dhexe ama cidda ay la safanaysaa noqoto saaxiib rasmi ah oo la isku hallayn karo xilli walba iyo xaalad walba. W/Q: Abdullahi Nur (Falanqeeye arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha) Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Source: goobjoog.com
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Wax ka yar toddobaad kadib markii Sacuudiga ay xireen 60 qof oo isugu jira Sacuudiyaan iyo Falastiiniyiin taageera kooxda Xamas, ayaa iminka waxay xayiraad dhaqaale saareen magaalada Gaza. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa iminka xanibay lacagtii laga diri jiray Sacuudiga ee qoysaska Falastiiniyiinta ah ay ku caawin jireen ehelladooda ku nool Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale la joojiyey tii ka iman jirtay Gaza. Xayiraaddan ayaa waxaa ku jira lacagta rasmiga iyo tan aan rasmiga ahayn ee loo diri jiray Gaza, waxaana toddobaadkii tagay aad hoos ugu dhacay lacagtii Sacuudiga ka bixi jirtay ee tagi jirtay Gaza, xilli lagu guda jiray ciidul fitriga oo dad badan ay u baahnaayeen caawimaadda ehalladooda. Tallaabada Sacuudiga ayaa si xooggan u saameysay dadka saboolka ah ee deggan Gaza. Dhammaan bankiyadii lacagaha xawili jiray ayaa hakad la geliyey toddobaadkii tagay. Waxaa jira hab aan rasmi ahayn oo si dhuumaaleysi ah ay weli dadka qaar ee ku sugan Sacuudiga lacag ugu dirayaan Falastiin, hase yeeshee waxay qaadaneysaa waqti dheer oo mararka qaar maalmo badan ah, halka markii hore lacagta lagu xawili jiray saacado. Falastiiniyiinta ayaa tallaabadan ku macneeyey olole cusub oo ka dhan bulshada Falastiin ee Gaza iyo sidoo kale kuwa ku nool Sacuudiga, ayada oo qaar badan oo ka mid ah dadkaas degan Sacuudiga ay yihiin arday ay lacag uga timaado dibedda. Labadii sano ee ugu dambeysay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah, oo badankood lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka gobanimodoonka ah kula jirta Yahuudda. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda. Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  6. Soomaaliya waxaa xilligan la joogo ka hawlgala Hay’addo iyo Shirkado farabadan oo Ajanabi ah kuwaas oo qaarkood ku hawlgala Ujeedooyin Samafal iyo Ganacsi intaba. Hay’adahan iyo Shirkadahan waxaa u shaqeeya shaqaale Ajaaniib u badan oo si joogta ah ugu xilsaaran mashaariicda gudaha wadanka ka socda iyagoo si joogta ah ugu takrifala Awoodaha shaqo, Shuruucda wadankana ku tunta. Hadaba waxaa muhim iila muuqatay in aan bulshada Soomaaliyeed iyo Mamullada wadanka la wadaago qodobadan hoose si mustaqbalka dhaw wax looga qabto. Shaqaalahan Ajaaniibta ah kama diiwaangashana dalka, mana haystaan documentiga ogolaanshiyaha in ay wadanka ka shaqeeyaan (WORK PERMIT) oo ay bixiso Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, mana rajaynayaan in ay isdiiwaangaliyaan ama sharciyadaasi qaataan. Taas badelkeeda Wadanka waxay ku joogaan DAL-KU-GAL hal mar ah (SINGLE ENTRY VISA) inta badanna ma cusboonaysiistaan. Qaarkoodna wax documenti ahba maba soo qaataan markay wadanka imaanayaan oo waxay aiportyada ku soo maraan laaluush iyo Farsamooyin hoose oo ay dad Soomaali ah kala shaqaynayaan. Jagooyinka ay hayaan waxay u badan yihiin kuwo ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed sida Cleaner, Assistant, Officer, Coordinator, Manager IWM. Waxay qaataan Mushaaraad farabadan oo u dhexeeya $5,000 ilaa 10,000 iyo wixii ka badan bishii, mana bixiyaan habayaraatee wax canshuur ah, halka dawladu ay canshuurto musharaadka shaqaalaha muwaadiniinta Soomaliyeed oo aad iyo aad uga yar Mushaaraadka Ajaaniibta wadanka ka shaqaysa ay qaataan. Waxaa jira dhalinyaro farabadan oo wax ku soo bartay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo shaqo la’aan ah, taasina waxaa sabab u ah Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ku shaqeeya jagooyinkii ay qaban lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo sababtay in dhalinyaro farabadan ay wadanka ka tahriibaan ama ay ku biiraan ururada xag-jirka ah ee wadanka ka dagaalama. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in dawlada Soomaaliyeed iyo Maamulada dalka ay u toog hayaan arrintan waxna ka qabtaan si fursad loo siiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee wadanka wax u soo bartay. Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in aysan aqbalin in arrintu sidaas ku sii socoto oo si joogta ah ula shaqeeyaan dawlada si wax looga qabto, isbadelna loo sameeyo. F.G: Hadii alle idmo waxaan sidoo kale maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa xog intaas dheer oo arrintan la xiriira, si qoto dheerna uga hadlaysa Hay’adaha ay u shaqeeyaan Tirada ugu badan ee shaqaale Ajaaniib ah guud ahaan Somaliya gaar ahaanna Maamul-gobolleedyada inta ay noo suurtagasho, Hay’addaha sida joogtada ah u baalmara Shuruucda wadanka iyo cidda ku garabsiiya, Sababaha horseeda fashilka mashaariicda laga fuliyo wadanka iyo sii jiritaan la’aantooda taas oo horseeda in uusan wadnku marna ka bixin xaalad deg deg ah, Canshuuraha, Ganaaxyada iyo dhaqaalaha kale ee wadanku lahaa ee ku baaqda shaqaalaha ajaaniibta ah , Xafiisyada dawladeed ee ka gaabiyay fulitaan la’aanta waajika sharci ee ka unkamaya arriman aan kor ku soo xusnay. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Hadaba la soco qaybaha dambe ee xogtan W/Q: Mustafa Hassan
  7. Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ay u adeegsadeen diyaarad Drone ah ku qaaday garoonka diyaaradaha gobolka Jizan ee dalka Sacuudiga. Taleefishinka Al-Masirah ayaa weriyey in diyaarad dagaal oo nooca Qasif-2K ay beegsatay dhufaysyo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jizan, kadib markii ay Xuutiyiinta warbixin sirdoon kasoo ururiyeen halkaas. Ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in Sacuudiga ay garoonka diyaaradaha u beddeleen saldhig milatari oo laga weeraro Yemen. Toddobaadyadii dhowaa, ciidamada Xuutiyiinta ayaa kordhiyey weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha drone-ka ee laga fulinayo gudaha dalka Sacuudiga, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee gobollada Jiza iyo Najran, ee ku dhow Yemen, ayaga oo ka aarugdanayo dagaalka Sacuudiga uu ka wado Yemen. Bishii tagtay, diyaarado ayaa sidoo kale beegsaday goobaha saliidda laga soo saaro ee magaalada caasimadda u ah Sacuudiga ee Riyadh, taasi oo hakad gelisay wax soo saarkii saliidda Sacuudiga. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Jizan. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa maanta ka hadashay eedeymo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, kuwaasi oo salka ku hayey Mashruuca tayeynta shaqaalaha Somaliland ee uu maalgaliyey Baanka Adduunku. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Farxaan Aadan Haybe oo ay wehlineyso Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ah Wasiirka shaqo gelinta Somaliland, ayaa maanta si wada jira ula hadlay warbaahinta, iyagoona ka warbixiyey qaabka uu ushaqeeyo Mashruuca dibu-habeynta shaqaalahu. Guddoomiye Farxaan Haybe ayaa ugu horeyntii ka hadlay waxyaabaha ka jira eedeymahaasi, isagoona ka dhawaajiyey inaysan jirin lacag la-lunsaday, wuxuuna yiri “Baanka adduunku websityadiisa ayuu ku baahiya talaabo kasta oo uu lacag ku bixiyo, macnaheedu waxa weeyi inaysan waxba qarsoomeyn, xogta la soo dhigeyna waa xog laga soo qaatay Website-ka World Bank, waxa uu soo galiyo website-kiisana suurto-gal maaha in wax la qalday ama la khiyaameyay uu soo galiyo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Shaqada la qabtay ee aan xafiiska ugu imid baa tilmaameysa wixii dadaal ah ee la qabtay in aan jawaab ka bixiyo, si aan u ilaaliyo qiimaha iyo milgaha shaqada aanu hayno iyo sharafta Xafiiskan aan joogo, oo dhirbaaxada u weyn ee la bixinayo ku dhacayso”. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa faah-faahin ka bixisay qaabka ay u baxaan lacagaha Mashruuca tayeynta shaqaalaha ee uu Baanka Aduunku ka taageero Somaliland “Lacagtaasi 10-milyan waxa loogu tala-galay labada sanadood hore inay noqoto sanadkii walba (2017-2018) Labo milyan iyo shan boqol calaa sanad, labada sano ee ka dambeeyana midkiiba labo milyan, sanadka ugu dambeeya halka uu ka noqonayo hal milyan” ayey tiri Marwo Hinda Gaani. Waxayna intaas kusii dartay “Waxa tagay waa labo sanno waxana ku jirna 2019-kii lacagteedina wey noo taala, lacagtuna waxay ku wareegta akoomada uu Baanka Adduunka uu leeyahay iyo Wasaarada maaliyada dhexdeeda, waxaana loo dalbaa foojar maalinta miisaaniyada loo qorsheeyay”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  9. Burao Is For All Burao is the second capital as well as the second biggest city. It is inhabited by many Somaliland tribes. The announced conference by Osman Buurmadow invites only Habar-Jeclo and Habaryoonis. It seems politically suspicious. If all tribes of Togdheer Region are invited for the development of the region, it should be welcome by all. If not, it looks subversive conference and should be stopped. Somaliland needs more unity today than ever. SOMALILAND UNITY FIRST Somaliland is surrounded by sworn enemies who want to bring it down politically or militarily. Traditional peacemaking tribal conferences are welcome but political divisive subversive tribal conferences must be stopped. Government injustice is changed through elections not through violence. Somaliland is Democratic country, not dictatorship. Ibrahim Hassan Gagale May 10, 2019 Qaran News
  10. Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood, Hargeisa Somaliland Republic. Labadda Beelood Ee West Burco Clan Iyo East Burco Clan Waa Labadda Beelood Ee Ugu Badan, Uguna Dhulka Balaadhan Dhulwaynaha Somaliland Iyo Itoobiya, Shirar Colaado Dhexmaray Oo Ay Ku Heshiiyeen Mooyaanee, Weligood Taariikhda Inta Lagu Hayo Shirwayne Ay Iclaamiyaan Beelaha East Burco Clan Iyo West Burco Clan Waa Kii Ugu Horeeyey Abid Ee Haddii Uu Qabsoomo Taariikhda Baal Dahab Ah Ka Gelaya Insha Allaah, Labadan Beelood Waa Laba Beelood Oo 85% Ay Wadaagaan Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid, Iyo Deegaan, Waa Nimcooyinka Aanay Inta Badan Aanay Wadaagin Beelaha Kale Ee Somaliland, Oo Aan Laga Helayn Laba Beelood Oo Boqolaal Sano Dagaalo Dhexmaray Haddana Haddii Cadoow Soo Weeraro Beel Ahaan Meel Looga Soo Wada Jeedanayo, Oo Aanay Noqon Laba Beelood Oo Deegaamada Ku Kala Guuro, Oo Aanay Ka Dhaxaynayn Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid Iyo Deegaan. Shirka Uu Ku Dhawaaqay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Ee Dhexmari Doona Beelaha West Burco Clan Iyo East Burco Clan Insha Allaah Waxaan Aad Iyo Aad Ula Yaabay Saskan Wayn Ee Ay Ka Qabaan Shaqsiyaad Aad U Tiro Yari Inaanu Shirkaasi Munaasib Ahayn, Ama Ay U Jeedaan West Burco Clan Waa Cadoowgayaga Koowaad, Ama Ay ILaashanayaan Masaaliix Ama Dano U Gaara, Ama Wax Loogu Yeedho Jeegaan!!!!!!. Shaqsiyaadka Shirka Uga Qayliyay Sida Fiinta Waxaad Moodaa In Uurkii Hooyadood Lagu Gumaysan Jiray Ama Awoowyaashood La Gumaysan Jiray. Shirka Labadda Beelood Ee Lagu Rajo Wayn Yahay Inuu Qabsoomo Allaah(Swt) Waxaan Ka Baryayaa Inaanu Shirkaasi Noqon Mid La Xagal Daaciyo, Ama Kabo Caaglayaal Lagu Soo Darin, Ama Aanu Noqon Shir Fashilmay Oo Arrinkiisu Ahaa Laab La Kac, Ama Hunguri, Ama Dano Beel Gooni Leedahay Uu Ku Kooban Yahay. Beelaha Walaalaha Ah Waxaan Kula Talinayaa Inaad Ka Duushaan Oo Aad Dhaqan Gelisaan Qodoban Soo Socda Insha Allaah. 1. Deegaamada Labadda Beelood Inaan La Kala Lahayn Dhul Daaqsimeedka Iyo Biyaha. 2. Deegaamada Labaad Beelood In Laga Hir Geliyo Nabad Buuxda Oo Laysu Hoyan Karo, Lays Dhexmari Karo. 3. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Wixii Wanaaga, Wixii Colaado Hurinayana Meel Looga Soo Wada Jeesto Insha Allaah. 4. Labadda Beelood Inay Samaystaan Min Konton Inan Oo Hubaysan Oo Ehlu Cibaado Ah, Oo Aan Balwad Lahayn Oo Ka Shaqeeya Gacan Ku Dhiiglihii Kibir Wax Ku Dila Sidii Gacan Loogu Soo Dhigi Lahaa Oo Aan Loo Gacan Gelin Xukuumadda, Beesha Qofka Laga Dilayna, Beesha Kale U Soo Gacan Geliso Oo Ay Qisaasaan Kontonka Inan Ee Hubaysan Ee Ka Soo Jeeda Beesha Wax Laga Dilay. 5. Labadda Beelood Inay Awood U Leeyihiin Haddii Cadoow Soo Weeraro Inay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan. 6. Labadda Inay Sii Xoojiyaan Walaaltinimadda, Tolnimadda Iyo Wada Jirka Labadda Shacabwayne. 7. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Horumarka Deegaamadooda Haddii Ay Noqoto Dhinaca Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda, Laydhka, Isgaadhsiinta, Xoolaha, Beeraha, Beenyadda, Kaluumaysiga, Dhaamamka ,Wadooyinka, Shaqo Abuurka Dhalinyaradda, Qandaraasyada, Saamiga Xukuumadda Iyo Hay’adaha Ajaanibka. 8. Labadda Beelood Yagoo Wada Jira Inay Shir Balaadhan Kula Midoobaan Beelaha Sool clan, East Sanaag Clan Oo La Dhaqan Geliyo Todobaas Qodob Ee Aan Kor Ku Xusay Ama Aan Ku Sheegay Insha Allaah. 9. Beelaha Kale Ee Galbeedka Somaliland Waa In Yagana Lala Midoobo Oo Ay Dhaqan Galaan Todobadaas Qodob Ee Aan Kor Ku Sheegay Insha Allaah. 10. Beelaha West Burco Clan, East Burco Clan Iyo Beelaha Kale Ee Somaliland Inay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ku Cadaadiyaan Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyada Buux Dhaafiyay Sidii Qisaas Loogu Fulin Lahaa, Qofkii Qof Kibir Ku Dilana Ee Xukuumaddu Gacanta Ku Dhigto In La Qisaaso Intaan Marxuumka Ama Marxuumadda La Dilay La Aasin Ama Uu Ka Dambeeyo Ugu Badnaan Todobaad Insha Allaah. Wabillaahi Towfiiq. Somaliland Guul Iyo Gobonimo. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
  11. Wuxuu yidhi “dadku wada Dhakool maaha”! sawaaxiliga waxaan ka maqli jirey “micne gaanni” oo ah maxaad ka waddaa? Sideedaba dulmigu midab ma leh, gobol ma leh, sokeeye ma leh waa dulmi. Shalay wadaadkani wuxuu ku shimbiro waaqlaynayey Dhakool inuu qaran dumis yahay, in uu denbiile yahay, in xabsiga lagu sii giijiyo iwm. Odaygu wuxuu is lahaa adigu reer Sheekh Isaxaaq baad tahayoo waxaad doontaa laguu ogol yahay! Wuxuu aamminsanaa maaddaama Dhakool yahay “beelaha darafyada” (sida Hargeysa imminka looga yaqaan dadka reer waqooyi qaar). Waxase caddaatay 1) Haddii dulmi la bannaysato oo la taageero inaanu xuduud lahayn dulmigu, kii u ololaynayeyna inuu sugayo. 2) Inaan kelmeddan darafyadu iyada lafteedu xuduud lahayn, oo Balligubadle, Sallaxley iyo Oodweyne markii loo baahdo ay darafyada noqonayaan. Reer Xamarku waxay yidhaahdaan “ka xaaxaabi hee” iyo “macay kugu tahay”. Waxaanse isweydiiyey weligay Nacnac ka hor taariikhna kuma maqal mana arag qof dhankaa Balligubadle ka soo jeeda oo dadka reer Sool xasaradaynaya, iyo qof reer Sool ah oo reer Balligubadle inay madaxa ka dhunkadaan mooyee wax xun u quudhaya. Odaygani bal hanalaga hubiyo awoowayaal. Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com dalmarbilaal@gmail.com Source
  12. (SLT-Prtugal) Xulka qaranka Portugal ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Netherlands. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah. Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ee Portugal iyo Netherlands ayaa waxay halkooda ka sii wadeen sameynta fursadaha ay ku doonayeen inay goolal ku dhaliyaan. Daqiiqadii 60-aad xiddiga lagu magacaabo Goncalo Guedes ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Portugal kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0. Ugu dambeyntii marti galiyaasha tartankan ee xulka qaranka Portugal ayaa guul kaga gaaray dhigooda Netherlands 1-0, waxayna gacanta ku dhigeen koobka UEFA Nations League, iyagoo noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan oo markii ugu horeysay la bilaabay sanadkan. Source
  13. (SLT-Burco)Xukuumadda Somaliland ayaa cadaadis ku saartay hay’adda GIZ in ay joojiso mashruuc lacag badani ku baxayso oo dawladda Jarmalku doonayso in ay dib u dhis iyo Qalabayn ugu samayso dugsiga Farsamada gacanta Burco. Xukuumadda ayaa hay’addaasi u soo jeedisay in mashruuca loo soo wareejiyo Hargeysa oo laga dhiso dugsi Farsamo Gacmeed oo casriya. guddi ay xubno ka yihiin Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Waxbarahada, Qorshaynta, shaqada iyo shaqaalaha iyo weliba siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hay’adda kula teliyay qo’shahan. Afar goor ayaa wefdi ka socda Jarmalku booqdeen dugsiga Burco si loo dhiso. Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa Jarmalka ka codsatay dib u dhista dugsiga farsamada Gacanta Burco oo hore dawladda Jarmalku u dhistay horraantii Lixdameeyadii. Xukuumadda ayaa hay’adda GIZ kula talisay in dadka ugu badan Somaliland ku nool yihiin Hargeysa sidaadaraadeed Hargeysi mudan tahay. Ilaa hadda lama oga in hay’adda Jarmalku ku qanacday soo jeedinta Xukuumadda madaxweyne Biixi. Dugsiga farsamada gacanta Burco ayaa waxa ka soo baxay qaar badan oo ka mid ah Haldoorka Somaliland. Source
  14. Public transport was on Sunday morning suspended in Mandera over what police termed as terror threat. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safar shaqo oo gaaban ku gaaray magaalada Boosaaso, waxaana xarunta ganacsiga Puntland kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Wasiirka Amniga dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Waftiga la socdey oo xilli habeenimo ah ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sii maray degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari. Kusima Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qasriga Madaxtooyada Boosaaso ku hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiintii gobolka kusoo dhoweeyey. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa safar shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Safar Shaqo Ku Gaaray Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Doha (Caasimada Online) – Madaxii hore ee sirdoonka Saauudiga, Turki al-Faisal ayaa si ula kac ah bulshada uga marin habaabiyey xaqiiqda safarkii Osama Bin Laden uu sanadii 1996-kii uga tagay Sudan, kuna gaaray Pakistan. Al-Faisal ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya ku sheegay in diyaaraddii sida Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Doha ee dalka Qatar, si ay halkaas shidaal uga qaadato, halka xaqiiqda ay tahay in diyaaraddaas ay sii martay Dubai. “Osama Bin Laden wuxuu ka tagay Sudan, waxaana diyaaradiisa ay shidaal kasii qaadatay Qatar. Inta aan ogahay lama uusan kulmin cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda Qatar” ayuu Al-Faisal ku yiri wareysiga Al-Arabiya oo soconaya 22 daqiiqo. Hadalka cusub ee Al-Faisal ayaa ah isku day cusub oo Sacuudiga uu Qatar kula xiriirinayo kooxaha argagixisada, xilli dalkaas ay saaran tahay xayiraad ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisida. Wargeyska The Guardian ee London kasoo baxa ayaa bishii October 2001 qoray in diyaaradda Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Dubai, islamarkaana ay safarka ku wehliyeen ku xigeenkiisa Ayman al-Zawahiri iyo afar ka mid ah ilaaladiisa. Baaritaan uu sameeyey taleefisihinka Al-Jazeera ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Dubai ay ahayd magaaladii uu sii maray Osama, markii uu sanadii 1996-kii ka tagay Sudan una socday Pakistan. “Diyaaraddii Bin Laden waxay ku hakatay Dubai, waxayna taasi ahayd fursad dahabi ah oo Mareykanka uu gacanta ugu dhigi karay Osama, xilli uu joogay dal saaxiib la ah Mareykanka” ayaa lagu yiri baaritaanka Al-Jazeera. Sacuudiga ayaa waxaa dalka Mareykanka uga furan dacwad la xiriirta kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii September 11 lagu qaaday Mareykanka ee Al-Qacida ay ka dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Rory Stewart oo ah Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso ku dhex taala badweyn dhibaato badan. Stewart ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladoodu ay taageeri doonto doorashooyinka kusoo fooda leh Somaliland. Rory Stewart ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wada-hadalada hakad-ku ku yimid ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiiyen xildhibaano u ololeeya qadiyada gooni goosadka Somaliland. “Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og-yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan” ayuu yiri xildhibaan Stewart. Wuxuuna intaas kusii daray “Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha”. “Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababari karaa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamada. Saraakiil Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed tan iyo ilaa 2017-dii,iyagoo bixinayay tababarro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maalintii dhawayd ee uu Boqor Osman Buurmadow,ka hadlaayay in shaqaaqadii Ceelafweyn ay ka dhamaan la’adahay xaga xukuumadda aad iimay gelin,balse sida ay xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbigeeda ka tirsan ugu difaacayaan shirka Burco waxa aan garawsanayaa in xabadii Ceelafweyn ka jirtaybaa ay ahayd mid ka mid ah kaarto SNMtii. ALLE ha u naxariistee waxyaabaha lagu xasuusan karo Madaxweyne Cigaal waxa ka mid ah in uu meesha ka saaray dhaqan siyaasadeedkii kooxihii kala fadhiyay ee SNMta ay dalka la soo galeen ee ahaa “kaadh ka gubid iyo ku jiqsiinta “, taasi oo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee ay xukuumaddii Tuur ku duntay, tii Cigaalna ay ka dhaqaaqi weyday. Farsamooyinka noocaasi ah oo aakhirkiina keenay in xukuumaddii UDUB laysku nacsiiyo iyada iyo reer Gabiley, kadib markii ay dhamaan waayeen shaqaaqooyin la dhex dhigay deegaanka Ceel Bardaale, taasi oo lagu daadiyay dhiig badan. Waxaan kaloo yaqiinsanayaa in shaqaaqadan Ceelafweyn ee xidhmi la’ayd ay ka mid tahay farsamooyinkii kooxdii calancasta ee kaadh ka gubida ahayd, taasi oo mar walba lagaga ilaalinaayay in dadka deegaankaa Ceel Afweyn ilaa Burco wada yaal aanay isu aaminin marnaba, taasi oo ay rag waaweyn oo deegaamada bariga ka ololeynaayay ay shacabka u sheegayeen in weli aan la heshiin. Arrintan hadda waxa cadayn ugu filan inta saaxiibul caqliga ah in xukuumaddii dhamayd ee ay saarayd nabadayntii cid walba oo ay shaqaaqo dhex marto in ay arrinta Ceelafweyn ee gebagebada ku dhawba ay ku eedeynaayaan boqorka dhiigiisu daadanaayo maalin walba ee shacabkiisii is dilayaan in uu gudan waayay waajibkiisii nabadeyn, iyadoo la doonayo in lagaga hortago in dadka ood iyo dhiig wadaagta ah ee Burco iyo barigeedu ay iska laab xaadhaan wixii is fahan la’aan ahaa ee dhexyaal, islamarkaana ay uga gudbaan la shaqaynta horumarintooda. Waxaa nasiibdaro ah in xubnihii ku hadlaayay afka xukuumadda iyo xisbigeeda in ay ku doodo in shirka Burco aan loo baahnayn ee Boqorka looga fadhiyo xalinta arrinta Ceelafweyn, waxaanu lee nahay rabshadaha dalka ka jira ee shaqaaqo colaadeed iyo mid nololeed waa masuuliyada laydiin doortay. Dhinaca kalena iyadoo ay noo cadayd in Ina Biixi iyo Ina Kaahin ay dhameyn karayeen arrinta Ceelafweyn haddii ay daacad ka yihiin aanu leenahay “waar Boqorku wax noo sheeg “, bari waa lagu heshiin, iyadoo aan beelo kalena loo heshiinayn, shirkanina wuxu la mid noqon doonaa kii soo maray Gaashaamo, Baalidhaye iyo Beer ee dadka deegaankaasi ay ku soo afjareen colaadii 1994kii ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee ay kooxahano hogaaminayeen. Mustafe Ciise (Mustafe Shiine) Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa Dawladaha hoose ee Dalka ku canaantay qashinka Magaalooyinka dhex daadsan, kaasi oo si weyn u muuqda xilliyada Roobabku da’aan. Wasiir Saajin oo Maanta Hadal ka jeediyey Munaasibad ku saabsanayd Deegaanka oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Qashinku uu Magaalooyinka fasahaadiyey, laakiin nasiib-darradu tahay inaan Dawladaha hoose rumaysnayn inay waajibaadkooda tahay inay hagaajiyaan. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Meelaha Qashinku aadka u yaallaa waa Magaalooyinka, waa masuuliyaddii Dawladaha hoose ee aynu ku garab gallo, laakiin inay masuuliyaddoodii tahayba uma haystaan, Magaalooyinkii way dhinteen.” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dadku daadiyaan waxyaabaha ay isticmaalaan marka ay hawlahooda ka dhamaystaan “Wax Alaale iyo wixii aynu isticmaalnay waalla daadiyey, Magaalooyinka way dhinteen ee hala sifeeyo.” ayuu yidhim, waxaanu intaa ku daray “Cid kastaa Masuuliyaddeeda ka qaadato, Dawladdu Masuuliyaddeeda ha qaadato, Dadkuna Masuuliyaddooda ha qaato Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ku dhex geeriyooday xerada taliska ciidanka daraawiishta ee sheelare jimcihii lasoo dhaafay kaas oo geeridiisa warar kala duwan ay horay uga soo baxeen ayaa waxa ay sheegeen in sargaalka ay shirqooleen saraakiil kale sidaasina lagu dilay. Waxa ay sheegeen in ay dileen taliyeyaal ay magacyadooda shaaciyeen kuwaas oo markii ugu war dambeysay ay iyaga u yeereen balse waxii markaasi ka dambeeyayna warka ay maqleen uu ahaa geeridiisa. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in sargaalka geeriyooday uu horay u sheegay in ay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kan xerada darawiishta ee meydkiiska lagu dhex arkay. Waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah aanan lagu sameeynin falkaasi madaama ay tilmaameen in aanan la xirin askartii heeganka ku qorneyd xiligii la dilaayay sargaalka. Madaxda Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in falkaan si caddaalad ah baaritaan loogu sameeyo . Daawo Shir jaraa’id oo ay Xamar ku qabteen
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta xasbiga weyn ee magaalada Hargeysa ku booqada Guddoomiyihii dhalinyarada ee Waddani, Maxamed Sadiiq Dhame iyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Mas’uuliyiintan oo kala ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha garabka dhalinyarada Aftax Jaambiir iyo Xoghayaha duulista Nuuradiin Diini, ayaa dhamaantood waxay xariga Dhame iyo Coldoon ku tilmaamen sharci daro. Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, Khadar Xuseen oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay nasiib xumo tahay in Somaliland uu xarigu ka noqday wax fudud, wuxuuna yiri “Waxaa ayaan daro ah in Maxamed Sadiiq Dhame oo ah gudoomiyihii dhalinyarada ee Xisbiga Waddani uu uxidhan yahay arin siyaasi ah muddo gaadhaysa afartan maalmood, afartankaa maalmoodna ilaa hada maxkamad lama keenin, waana ayaan darooyinka waddankeena ka taagan in xadhigii iska fududaaday”. “Waxaa meesha ku xiran dad badan inta la arkaayo ee muuqatana waxaa ka badan intaan loo hadlayn ee iyaguna sidaasi oo kale dulmiga ugu xidhan, dulmiguna meel ma fadhiisto ee ummadaha wuu burburiyaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa in aynaan isdulmin ayaa wanaagsan, xukuumadana waxaan usheegayaa in dariiqaa aynu haynaa in la yaqaan halka uu ku dambeeyo, Waxaasi oo dhamina waxay ina tusayaan sharci jabin badheedh ah oo indha la'”. Ugu dambeyntiina waxa ay Mas’uuliyiintan xabsiga ku booqataya Guddoomiye Dhame iyo Wariye Coldoon uga mahad-celiyeen Ciidamada asluubta ee ilaalada ka ah xasbiga weyn ee Hargeysa, qaabka wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista ku xiran. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com