-
Content Count
208,602 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa markale baahisay in Cali Ibraahim Shaameey oo dhawaan xilka laga qaaday inuu jawaab adag ka bixiyay qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya. Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu arkay qoraalka kasoo baxay wasiirka xafiiskiisa, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba aysan aheyn mid sax ah, xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama uu kamid yahay guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta Qaranka. “Waxaan si buuxda u aqristay ugana baaraan dagay warqadaadii aad soo qortay, waxaan fursad u helay inaan si degan uga baaraan dago, waxaan fursad u helay inaan kala tashado sharci yaqaano kala duwan” “Haddana wasiir waxay warqadaan ka dhigeysaa go’aanka aad qaadatay mid Sharci daro ah, marka loo eego sharciga guddiga isgaarsiinta qaranka oo soo baxay 2017 iyo dastuurka KMG ah” “Waxaan arintaan u bandhigayaa xubnahaa guddiga, waxaana horgeyn donaa maxkamadda, maadaama si qaldan loo adeegsaday sharciga guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku jawaabay Cali Ibraahim. Cali Shaameey, ayaa la sheegayaa inuusan kamid aheyn shaqaalaha rayidka, sababtoo ah hadduu kamid yahay shaqaalaha rayidka kama mid noqon karo xisbi siyaasadeed sida xeerka guddiga shaqaalaha rayidka uu dhigayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira oo kulan la qaaday madaxda DF ayaa u sameeyay ballaan-qaad ah in AMISOM ay sii wadi doonto wada-shaqeyntii kala dhexeys DF, ayna kasoo bixi doonaan hawlaha loo igmaday. Danjiraha Madeira ayaa kulammo kala gooni-gooni ah shalay kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Dowladda Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulamadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay bishii kasoo dhaafay muddo kordhin u sameeyeen hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], si ay horay ugu dhaqaajiyaan sugida amniga guud ee Somalia. “Waxaa naga go’an inaan ka shaqeynno sidii Somalia ay u noqon lahayd dal daggan oo nabad ah. Waxaana sii wadi doonaa dagaalka aan kula jiro ururka Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadda Somalia,” ayuu yiri Danjire Madeira oo hadal kooban ka jeediyay kulanka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa waxay si gaar ah uga doodeen xaaladaha deegaannada Sabiid iyo bariire oo dhawaan laga qabsday Al-shabaab, iyagoo isla gartay in amniga deegaannadaas la xoojiyo si aysan Al-shabaab ugu soo laaban mar kale. “Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garannay in amniga deegaannadii laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Bariire iyo Sabiid ay sugaan ciidamada Dowladda Somalia, isla markaana aan shacaba ku noool halkaas laga qaadin wax canshuuro ah oo baal-marsan sharciga iyo inaan cadaadisyo dheeri ah la saarin,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Somalia. Dhanka kale, Danjire Francisco Madeira ayaa kulan kan oo kale ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal iyagoo kaga hadlay amniga dalka iyo xoojinta sidoo dalka uu u noqon lahaa mid xasilloon, isla markaana la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ergayga Midowga Afrika iyo Gudodomiye Mursal ayaa waxay si gaar ah uga hadleen doorshooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadaha soo socda, iyagoo isla gartay in inta aysan doorashooyinku dhicin la xasiliyo inta badan deegaannada Soomaalida ee ay doorashooyinku ka dhici karaan. Ugu dambeyn, War-murtiyeed ay dhinacyadu soo saareen ayay ku sheegeen in kulammadoodii ay iskula garteen xoojinta amniga, ka hortagga wax walba oo sababi kara xasillooni-darro iyo in dagaalka Al-shabaab la xoojiyo. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ballan-qaad u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo aad xoogan ayaa ka taagan inta badan xaafadaha magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo ciidamo kale oo ka amar qaata Maxamed Cabdi Waare. Inta badan xiisadda dagaalka ayaa waxay ka taagan tahay kastamka Canshuuraha, xarunta gobalka iyo kontaroolada laga soo galo magaalada Beladweyne oo dhamaantood ay ku sugan yihiin ciidamada Yuusuf Dabageed. Kulan uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayey ku heshiiyeen in uu iska difaaco weerar kasta oo kaga yimaada HirShabeelle iyagoo u ballan qaaday taageero dhan walba ah. Taageerada odayaasha ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay Dabageed, kuna dhiiri-gelisay inuusan is-dhiibin. Arintaasi ayaa abuurtay walaac xoogan oo ka bilaawday guud ahaan magaalada Beladweyne. Warar kale oo ay heshya Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ay dhanka HirShabeelle ay u diyaar garoobeyn in ay xoog ku qasbadaan dhamaan xarumaha muhiimka ah ee Beladweyne. Madaxweyne Waare iyo Cali Guudlaawe ayaa amray ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Beladweyne in ay soo qabtaan Yuusuf Dabageed. Dabageed ayaa shalay si cad u sheegay in warbixintaasi uu helay islamarkaana uu diyaar u yahay is difaac weerar kasta oo uga yimaada dhanka Hirshabeelle. Hadda magaalada Beladweyne waa dagaal u joog waana fududahay in lagu dagaalamo daqiiqad kasta. Yuusuf Dabageed waxa uu heestaa ciidamo aad u qalabeysan iyo gaadiid dagaal, halka HirShabeelle oo heysata ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay doonayaan in ay magaalada ka saaraan Dabageed ilihii dhaqaalaha iyo xaruntii gobalka ka daggan. Ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan qaboojinta xiisadda ka taagan gobalka Hiiraan. Hadii dagaal ka dhaco Beladweyne waa halis geli doonto nolasha kumanaan shacab oo hadda la daala dhacaya daruufo nolaleed oo aad u dag. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Saraakiishii ka soo baxay Somaliland oo ka qeyb-gelaya shir weynaha Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag. Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato iyo culimaa’uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda. Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur. Sidoo kale waxa magaalada ku sugan guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo. Waxa kale oo la filaa in maalmaha soo socda ay degmada Badhan yimaadaan waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. Shirweynaha ka furmayaa magaalada Badhan, ayaan weli si rasmiya loo shaacin wakhtiga la qabanayo, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga wufuud laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. PUNTLAND POST The post Shir weyne ka dhan ah Somaliland oo ka furmaya magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in guddoomiyihii gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka hor yimid wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xaaf. Kadib Shir jaraa’id oo uu magaalada Gaalkacyo ku qabtay guddoomiye Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa wuxuu ku sheegay inuusan aqbalsaneyn xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Mr Cartan ayaa sheegay in wareegtada xilka looga qaaday aanan lagu wargelin, sidoo kale wuxuu sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay. Baraha Bulshada ayuu sheegay inuu ka arkay warqada xilka looga qaaday, maadaama aan si toos ah loogu wargelin in xilka laga qaaday, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Mudug Mr Cartan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu wadatashiyo kala duwan uu la sameeyay waxgaradka iyo bulshada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana aysan jirin xiligaan wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay. Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayuu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda. Hadalka Gudoomiyii xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay weli ka taagan tahay Magalada Baladweyne,kadib markii uu diiday xilka qaadistaas. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay aad loo hadalhayey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiye Yuusuf Dabageed, isaga oo iska diiday xil ka qaadistaasi. Waxgarad ku sugan magaalada B/weyne ayaa durba bilaabay dedaallo ay ku doonayaan in Yuusuf Dabageed wax looga dhaadhiciyo si looga baaqsado is qabqabsi dheeraad ah. Dabageed oo wata ciidamo aad u badan ayaa sheegay in waxa uu ku qanci karo ay tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana reer Hiiraan aanay xilligan lasii shaqeyn karin Hirshabelle. Dhanka kale, waxaa socda qorshe ay magaalada B/weyne ku aadayaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo reer Hiiraan ah, ulajeedkuna wuxuu yahay sidii xaaladda loo dejin lahaa. Yuusuf Dabageed oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ay ammar ku bixiyeen in isaga xabsiga loo dhaadhiciyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ballanqaaday inay sii-wadayaan hawlaha lagu xasilinayo dalka iyo dadaallada dib u soo kabashada ah ee lagu caawinayo Soomaaliya iyadoo la fulinayo mashaariic meelo badan laga hirgelinayo kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee aas-aasiga ah. Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay ka fulineysay Soomaaliya qorsheyaal saameyn xooggan yeeshay tan iyo sannadkii 2018. “Mashaariicdaas waxaa ka mid ah, dib u soo nooleynta Iskuullada, Ceelal, Waddooyin iyo goobo caafimaad. Waxaan sidoo kale u abuurnay fursado shaqo dhallinyarada,” ayuu yiri Madeira xilli uu kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal. Warar laga helayo Midowga Africa ayaa sheegaya in Madeira iyo Maxamed Mursal ay sidoo kale ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin hawlgalka Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii loo sii dardargelin lahaa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNDP u qaabilsan Somalia, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada xafiiskiisa. Inj. Yarisow ayaa ugu horeyn Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo uga warbixiyay hawlaha ay isla wadaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNDP. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka fiiayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan. Dhanka kale, Jocelyn Mason ka hadlay kulanka, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso maamulka gobolka Banaadir, si loo gaaro halka la higsanayo oo ah in caasimadda ay horumar ballaaran gaarto. Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo warar ku aadan isbedel ballaaran lagu sameeyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan xagga hoggaanka, inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ay arrintaan kasoo saareen madaxda maamulka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xoojinayso wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda federaalka Somalia, kaddib markii ergay cusub uu xoghayaha guud ee QM u soo magacaabay Somalia, kaaso horay u ahaa safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu xilkaas si iskiis ah isaga casilay. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo kala hadlay QM Horumarinta Guud ee Caasimadda Dalka appeared first on Puntland Post.
-
C/rashiid Xaashi Cartan, guddoomiyahii gobolka Mudug ee xilka looga qaaday wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xil ka qaadistaasi lagu sameeyey. Cartan ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka oo wadatashaday kadib kusoo wargeliyeen in uu meeshiisa sii joogo, islamarkaana aanay waxbo ka jirin xilkan laga qaaday. Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cartan in xilkan uu hayey tan iyo sanadkii 2015, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyey arrimo u badan dib u heshiisiinta. “Sidaad la socotaan Galmudug waayahan dambe waxaa isaga badnaa khilaafaadka iyo waxyaabaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, xil ka qaadisteydii baraha bulshada baan ku arkay, waxaa dhacday in arrintaasi noqoto mid ugub ku ah gobolka Mudug, waxaan tan iyo 2015-kii kasoo shaqeynayey gobolka, shacabka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa wadatashi ay u fariisteen waxay sheegeen in arrintan aan midnaba la qaadan karin iyo arrintan oo ku timid wax aan la garan, iyadoo xilligan lagu jiro uu madaxweyne Xaaf ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag” ayuu yiri Cartan. Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa habeen ka hor wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa. Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa” “Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira on Sunday met with the President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilisation of Somalia under its recently adopted new mandate. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya waxay marar badan cambaarayn iyo dhaleeceyn dusha uga tuurtay dalal iyo kooxo ay Sucuudiga is hayaan iyadoo la safatay dowladda Sucuudiga, waxaa ugu dameeyey taageerada ay Soomaaliya siisay Sucuudiga markii uu ku gudajiray fadeexaddii Khaashuqji oo ay difaacday Sucuudiga kuna tilmaantay mid ceeb ka saliima, sidoo kale shirkii uga dameeyey eeka dhacay Maka Al Mukarrama oo lagu cambeereeyey duulaanka Sucuudiga ee xuutiyiinta kaas oo Somalia qayb ka ahayd sidoo kale na aysoo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso, Taas badalkeeda Sucuudiga waligood ma garab istaagin Soomaaliya kumana taageerin mararka ay xaaladaha adag gasho iyadoo hadda muran badeedkii ugu waynaa iyo xiisaddii ugu kululayd Somaliya kala dhaxayso dalka Kenya ayna Soomaaliya u baahantahay taageero diblumaasiyadeed bacdamaa aan nahay dowlad an awood badan lahayn Sucuudigu wuxuu ciyaarayaa dowrka dhexdhexaadnimada wax dan ahna kama leh xitaa hadii Kenya nagusoo duusho oo Itoobiya soo raacdo isagu xitaa ma cambaarayn doono, sidoo markii Somalia ay xiisada kala dhaxaysay Emirates ka dowladda Soomaaliya waxay dhowrjeer ku dacweysay Sucuudiga isagoo an dhag jalaq usiin kuna taageerayay emirates kai nay cadaadiska inagu sii wadaan, Sucuudigu wuxuu xiray xoolaha Soomaaliya isagoo heshiis xoolo dhoofsi oo wayn la galay dowladda Itoobiya taas oo curyaamin dhaqaale oo toos ah ku ah Soomaaliya iyadoo xoolaheediina laga faaidaysanayo oo Itoobiya laga daldalanayo, ma aqoonsana baasaboorkeenna mana lagu gali karo dalkiisa iyadoo uu ixtiraamo kan dalal aan dariska nahay ee xifaaltanku inagala dhexeeyo walow ayba Sucuudiga inoo dhaamaan oo dhanka amniga inaga caawiyaan dadkeenana martigaliyeen xilligii dhibaatada baasaboorkeenana aqoonsan yihiin. Waxaas oo dhami waxay Soomaaliya tusaysaa in aan nahay aalad uu Sucuudigu ku adeegto oo xitaa uuna dayac tirin marka aaladaasi ciladowdo, sababtoo ah hadii uu xitaa wax inoola harayo meel un buu inoo badbaadin lahaa, sababta aan aalad (equipment) Soomaaliya ugu tilmamayna waa inaan la yaabay sababta aysan marna maya u dhihin ee aysan xitaa u dhihi Karin war anigaba markayga ii hiili sida aan kuu hiiliyo markaad dhib gasho, ama inagu kala kaxay anagu xuutigaan baa ka amaan helnaa isagaa u xaq leh inaan taageerno eh. Ugu dambayn Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay dhexdhexaad ka noqoto dhamaan colaadah bariga dhexe ama cidda ay la safanaysaa noqoto saaxiib rasmi ah oo la isku hallayn karo xilli walba iyo xaalad walba. W/Q: Abdullahi Nur (Falanqeeye arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha) Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wax ka yar toddobaad kadib markii Sacuudiga ay xireen 60 qof oo isugu jira Sacuudiyaan iyo Falastiiniyiin taageera kooxda Xamas, ayaa iminka waxay xayiraad dhaqaale saareen magaalada Gaza. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa iminka xanibay lacagtii laga diri jiray Sacuudiga ee qoysaska Falastiiniyiinta ah ay ku caawin jireen ehelladooda ku nool Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale la joojiyey tii ka iman jirtay Gaza. Xayiraaddan ayaa waxaa ku jira lacagta rasmiga iyo tan aan rasmiga ahayn ee loo diri jiray Gaza, waxaana toddobaadkii tagay aad hoos ugu dhacay lacagtii Sacuudiga ka bixi jirtay ee tagi jirtay Gaza, xilli lagu guda jiray ciidul fitriga oo dad badan ay u baahnaayeen caawimaadda ehalladooda. Tallaabada Sacuudiga ayaa si xooggan u saameysay dadka saboolka ah ee deggan Gaza. Dhammaan bankiyadii lacagaha xawili jiray ayaa hakad la geliyey toddobaadkii tagay. Waxaa jira hab aan rasmi ahayn oo si dhuumaaleysi ah ay weli dadka qaar ee ku sugan Sacuudiga lacag ugu dirayaan Falastiin, hase yeeshee waxay qaadaneysaa waqti dheer oo mararka qaar maalmo badan ah, halka markii hore lacagta lagu xawili jiray saacado. Falastiiniyiinta ayaa tallaabadan ku macneeyey olole cusub oo ka dhan bulshada Falastiin ee Gaza iyo sidoo kale kuwa ku nool Sacuudiga, ayada oo qaar badan oo ka mid ah dadkaas degan Sacuudiga ay yihiin arday ay lacag uga timaado dibedda. Labadii sano ee ugu dambeysay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah, oo badankood lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka gobanimodoonka ah kula jirta Yahuudda. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda. Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Soomaaliya waxaa xilligan la joogo ka hawlgala Hay’addo iyo Shirkado farabadan oo Ajanabi ah kuwaas oo qaarkood ku hawlgala Ujeedooyin Samafal iyo Ganacsi intaba. Hay’adahan iyo Shirkadahan waxaa u shaqeeya shaqaale Ajaaniib u badan oo si joogta ah ugu xilsaaran mashaariicda gudaha wadanka ka socda iyagoo si joogta ah ugu takrifala Awoodaha shaqo, Shuruucda wadankana ku tunta. Hadaba waxaa muhim iila muuqatay in aan bulshada Soomaaliyeed iyo Mamullada wadanka la wadaago qodobadan hoose si mustaqbalka dhaw wax looga qabto. Shaqaalahan Ajaaniibta ah kama diiwaangashana dalka, mana haystaan documentiga ogolaanshiyaha in ay wadanka ka shaqeeyaan (WORK PERMIT) oo ay bixiso Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, mana rajaynayaan in ay isdiiwaangaliyaan ama sharciyadaasi qaataan. Taas badelkeeda Wadanka waxay ku joogaan DAL-KU-GAL hal mar ah (SINGLE ENTRY VISA) inta badanna ma cusboonaysiistaan. Qaarkoodna wax documenti ahba maba soo qaataan markay wadanka imaanayaan oo waxay aiportyada ku soo maraan laaluush iyo Farsamooyin hoose oo ay dad Soomaali ah kala shaqaynayaan. Jagooyinka ay hayaan waxay u badan yihiin kuwo ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed sida Cleaner, Assistant, Officer, Coordinator, Manager IWM. Waxay qaataan Mushaaraad farabadan oo u dhexeeya $5,000 ilaa 10,000 iyo wixii ka badan bishii, mana bixiyaan habayaraatee wax canshuur ah, halka dawladu ay canshuurto musharaadka shaqaalaha muwaadiniinta Soomaliyeed oo aad iyo aad uga yar Mushaaraadka Ajaaniibta wadanka ka shaqaysa ay qaataan. Waxaa jira dhalinyaro farabadan oo wax ku soo bartay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo shaqo la’aan ah, taasina waxaa sabab u ah Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ku shaqeeya jagooyinkii ay qaban lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo sababtay in dhalinyaro farabadan ay wadanka ka tahriibaan ama ay ku biiraan ururada xag-jirka ah ee wadanka ka dagaalama. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in dawlada Soomaaliyeed iyo Maamulada dalka ay u toog hayaan arrintan waxna ka qabtaan si fursad loo siiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee wadanka wax u soo bartay. Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in aysan aqbalin in arrintu sidaas ku sii socoto oo si joogta ah ula shaqeeyaan dawlada si wax looga qabto, isbadelna loo sameeyo. F.G: Hadii alle idmo waxaan sidoo kale maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa xog intaas dheer oo arrintan la xiriira, si qoto dheerna uga hadlaysa Hay’adaha ay u shaqeeyaan Tirada ugu badan ee shaqaale Ajaaniib ah guud ahaan Somaliya gaar ahaanna Maamul-gobolleedyada inta ay noo suurtagasho, Hay’addaha sida joogtada ah u baalmara Shuruucda wadanka iyo cidda ku garabsiiya, Sababaha horseeda fashilka mashaariicda laga fuliyo wadanka iyo sii jiritaan la’aantooda taas oo horseeda in uusan wadnku marna ka bixin xaalad deg deg ah, Canshuuraha, Ganaaxyada iyo dhaqaalaha kale ee wadanku lahaa ee ku baaqda shaqaalaha ajaaniibta ah , Xafiisyada dawladeed ee ka gaabiyay fulitaan la’aanta waajika sharci ee ka unkamaya arriman aan kor ku soo xusnay. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Hadaba la soco qaybaha dambe ee xogtan W/Q: Mustafa Hassan
-
Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ay u adeegsadeen diyaarad Drone ah ku qaaday garoonka diyaaradaha gobolka Jizan ee dalka Sacuudiga. Taleefishinka Al-Masirah ayaa weriyey in diyaarad dagaal oo nooca Qasif-2K ay beegsatay dhufaysyo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jizan, kadib markii ay Xuutiyiinta warbixin sirdoon kasoo ururiyeen halkaas. Ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in Sacuudiga ay garoonka diyaaradaha u beddeleen saldhig milatari oo laga weeraro Yemen. Toddobaadyadii dhowaa, ciidamada Xuutiyiinta ayaa kordhiyey weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha drone-ka ee laga fulinayo gudaha dalka Sacuudiga, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee gobollada Jiza iyo Najran, ee ku dhow Yemen, ayaga oo ka aarugdanayo dagaalka Sacuudiga uu ka wado Yemen. Bishii tagtay, diyaarado ayaa sidoo kale beegsaday goobaha saliidda laga soo saaro ee magaalada caasimadda u ah Sacuudiga ee Riyadh, taasi oo hakad gelisay wax soo saarkii saliidda Sacuudiga. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Jizan. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa maanta ka hadashay eedeymo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, kuwaasi oo salka ku hayey Mashruuca tayeynta shaqaalaha Somaliland ee uu maalgaliyey Baanka Adduunku. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Farxaan Aadan Haybe oo ay wehlineyso Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ah Wasiirka shaqo gelinta Somaliland, ayaa maanta si wada jira ula hadlay warbaahinta, iyagoona ka warbixiyey qaabka uu ushaqeeyo Mashruuca dibu-habeynta shaqaalahu. Guddoomiye Farxaan Haybe ayaa ugu horeyntii ka hadlay waxyaabaha ka jira eedeymahaasi, isagoona ka dhawaajiyey inaysan jirin lacag la-lunsaday, wuxuuna yiri “Baanka adduunku websityadiisa ayuu ku baahiya talaabo kasta oo uu lacag ku bixiyo, macnaheedu waxa weeyi inaysan waxba qarsoomeyn, xogta la soo dhigeyna waa xog laga soo qaatay Website-ka World Bank, waxa uu soo galiyo website-kiisana suurto-gal maaha in wax la qalday ama la khiyaameyay uu soo galiyo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Shaqada la qabtay ee aan xafiiska ugu imid baa tilmaameysa wixii dadaal ah ee la qabtay in aan jawaab ka bixiyo, si aan u ilaaliyo qiimaha iyo milgaha shaqada aanu hayno iyo sharafta Xafiiskan aan joogo, oo dhirbaaxada u weyn ee la bixinayo ku dhacayso”. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa faah-faahin ka bixisay qaabka ay u baxaan lacagaha Mashruuca tayeynta shaqaalaha ee uu Baanka Aduunku ka taageero Somaliland “Lacagtaasi 10-milyan waxa loogu tala-galay labada sanadood hore inay noqoto sanadkii walba (2017-2018) Labo milyan iyo shan boqol calaa sanad, labada sano ee ka dambeeyana midkiiba labo milyan, sanadka ugu dambeeya halka uu ka noqonayo hal milyan” ayey tiri Marwo Hinda Gaani. Waxayna intaas kusii dartay “Waxa tagay waa labo sanno waxana ku jirna 2019-kii lacagteedina wey noo taala, lacagtuna waxay ku wareegta akoomada uu Baanka Adduunka uu leeyahay iyo Wasaarada maaliyada dhexdeeda, waxaana loo dalbaa foojar maalinta miisaaniyada loo qorsheeyay”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Burao Is For All Burao is the second capital as well as the second biggest city. It is inhabited by many Somaliland tribes. The announced conference by Osman Buurmadow invites only Habar-Jeclo and Habaryoonis. It seems politically suspicious. If all tribes of Togdheer Region are invited for the development of the region, it should be welcome by all. If not, it looks subversive conference and should be stopped. Somaliland needs more unity today than ever. SOMALILAND UNITY FIRST Somaliland is surrounded by sworn enemies who want to bring it down politically or militarily. Traditional peacemaking tribal conferences are welcome but political divisive subversive tribal conferences must be stopped. Government injustice is changed through elections not through violence. Somaliland is Democratic country, not dictatorship. Ibrahim Hassan Gagale May 10, 2019 Qaran News