-
Content Count
208,587 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa safar deg deg ah ku tagay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Safarka oo xili habeen ahaa ayaanan horey loosii shaacin, waxaana uu xalay gaaray magaalada Boosaaso isaga oo sii maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka Axmed Karaash ee Boosaaso uu ku saleysan yahay seddex ujeedo, waxaana uu muddo kooban joogi doonaa magaalada Boosaaso. Isaga oo saxaafada la hadlayay xalay ayuu sheegy in safarkiisa uu yahay mid shaqo, islamarkaana muddo kooban ay ku sugnaan doonaan magaalada Boosaaso, kadibna ay ku laaban doonaan magaalada Garowe. “Waxaan halkaan u nimid safar gaaban oo Shaqo, oo ku beegmay goor habeen ah, waxaana soo maray degmooyin kale, ujeedada waxay tahay inaan waqti yar joogi doonaa, halkaan”ayuu yiri Axmed Karaash. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada koowaad ee safarkiisa tahay wax ka badalida laamaha amaanka magaalada Boosaaso, si loo adkeeyo amaanka magaalada Boosaaso, oo maalmihii ugu dambeeyay xaalado amni daro ay ka dhacayeen. Ujeedada labaad ee safarkiisa ayaa ah arinta kasoo cusboonaatay deegaanka Af Urur oo Al Shabaab ay la wareegeen, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana deegaankaasi uu 90 KM u jiraa magaalada Boosaaso. Arinta seddexaad ayaa ah inuu kulamo deg deg ah halkaasi kula qaato wasiirka amniga Puntland C/samad Maxamed Galan iyo taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo maalmahaan xiisad ay kala dhaxeysay madaxweyne ku xigeenka Puntland. Shirar gaar gaar ah ayaa ka socdo xarunta gobolka oo ku taala magaalada Boosaaso, waxaana kulamada ugu badan wada qaatay saraakiisha amaanka, wasiirka amniga iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. Magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland waxaa ka socdo abaabulka ciidamada Puntland si ay dib ugu qabsadaan deegaanka Af Urur oo si nabad galyo ah kula wareegeen ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Sawirro:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Boosaaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (SMN) – Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray M/Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Booqashadan oo aheyd mid deg deg ah ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalkan uu la xariiro daadadkii ku duftay Boosaaso, waxaana la sheegay madaxdani ay u guur gali doonaan xaaladda magaaladaasi. Daadadkii ka dhashay Roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Boosaaso ayaa burburiyay waddooyinkii magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article -
Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabeysa ololaha talaalka cudurka dabeysha, ololahan ayaa caruurta la siin-doonaa talaal afka ugu dhibcinaya ilmaha yar gaar ahaan nooca 2aad. Ololahan looga hortagayo dabeysha, lana dhisayo difaaca jirka ee caruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu marayaa labo weji. Wejiga 1-aad waxaa uu soconayaa June 23 ilaa 26 halka wejiga 2-aad uu socon-doono min July 21 ilaa 24, ee sanadkan. Ololahan sida la sheegayo waxaa lagu bartimaameedsan-doonaa ilaa 20 degmo oo ka Somaliland iyo Puntland. March, waxaa cudurkan laga talaalay in ka badan 3.1 million oo da’doodu ka yartahay 5 sano, waxaa laga talaalay noocyada 1 iyo 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sarkaal hore uga tirsanaa boliiska magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney caddaan ah taasoo Maxamed soo wacday si ay ugu sheegto weerar xagga jinsiga ah oo ka dhacay meel u dhaw gurigeeda sannadkii 2017. Maxamed Nuur, oo jawaab ka bixinayey sida arrintaan u dhacday ayaa sheegay inuu ka shakiyey Justine Ruszczyk markii ay u soo dhawaatay gaarigii ay wateen wuxuuna intaas ku daray inuu naftiisa u cabsaday maaddaama gaariga uu yaallay meel cidlo ah. Guddi ay ka mid yihiin xeer ilaalin ayaa bishii April ku helay 33 jirkaan lagu magacaabo Maxamed Nuur eedeymo la xiriira dilka gabadhan laakiin waxay intaas ku dareen in Maxamed uusan dilka u geysan si ula-kac ah. Xeer ilaalintu waxay sheegeen maaddaama dilku u dhacay si aan ku-tala-gal ahayn in Maxamed uusan dambi lahayn. Saraakiisha magaalada Minneapolis ayaa horey ugu dabbaal-degay guushii uu gaaray Maxamed Nuur markii uu noqday muwaaddinkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey kaasoo boliis ka noqda Minneapolis xilli ay la hadlayeen dadweyne Soomaaliyeed. Maxamed ayaa hadda noqonaya sarkaalkii ugu horreeyey ee Minneapolis oo lagu helo dambi dil ah isagoo shaqadiisa gudanaya. Intii lagu guda-jiray maxkamadeyntiisa, Maxamed wuxuu ka hadlay sidii xaaladdu ahayd markii uu dilayey gabadhan afartan jirka ah oo laba bil kaddib guursan rabtay markii la dilay. “Haddii aan ogahay in arrintan dhaceyso, Marnaba ma noqon lahayn boliis,” Nuur ayaa ka hor sheegay xeer ilaalinta. Isagoo raaligelin ka bixiyey dhacdada ay ku dhimatay Justine Ruszczyk. “Aniga ayaa sabab u ah masiibadan waana mid culeys igu haysa,” ayaa u sheegay maxkamadda. “Waxaan rajeynayaa inaan ka nafisi doono culeyskaas oo dad kalena ila dareemayaan qasaaraha aan sababta u ahay. Waa mid aad ii xanuujineysa dhab ahaantii,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Nuur. Maxamed Nuur wuxuu sheegay in waqtiga uu dilka geysanayey uu aamminsanaa inuu iska difaacayey Qatar kusoo socotay oo ujeedkiisu ahaa inuu ka hortago qatartaas sida uu ka hor sheegay maxkamadda. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qiray inkastoo uusan u jeedin wax hub ah oo gacanta gabadha ku jira laakiin ay dhici kartay inay gacanta ku wadatay hub oo ay u geysan kartay Qatar ay u dhiman kareen taasina ay keentay inuu xabbad ku rido Justine Ruszczyk. Aabbaha dhalay Justine Ruszczyk ayaa ku sheegay dilka gabadhiisa ficil aad u xun oo uu geystay nin wakiil uga ah qaranka. Don Damond, oo ah wiilkii ay isjeclaayeen Justine oo isna ka hor hadlay maxkamadda ayaa ku celceliyey sida uu u waayey gabadhii uu jeclaa. Markii Maxamed lagu helay dambiga bishii April qoyska iyo qaraabada Justine aad ayey u soo dhaweeyeen sida dacwaddu u dhacday laakiin qoyska Maxamed ayaa aad uga xumaaday sida loola dhaqmay wiilkooda dilka kaddib iyo intii ay socotay maxkamadda. “Waxaan la ilmeynayaa sida dacwadda loo maareeyey. Waxa dhacay waa caddaalad darro. Waa arrin laga naxo Ina-adeerkey ma uusan helin maxkamad caddaalad ah.” ayuu yiri qof ka tirsan qoyska Maxamed. Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Nuur ee ka tirsanaa boliiska Minnesota ayaa noqonaya boliiskii ugu horreeyey ee taariikhda lagu helo fal dil ah. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Meelaha ugu daran ee Wabiga uu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah deegaannada Lebiga iyo Xaanshooley oo wax ka yar 3-km u jira magaalada Jowhar. Dhanka kale, biyaha kasoo fatahay Wabiga ayaa jaray gabi ahaanba wadada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay. Dadka qaar ee ku dhaqan deegaannada uu Wabiga ku fatahay ayaa billaabay in halkaasi ay isaga barakacaan. Marka la gaaro xilli roobaadka, sanad walbo sidan oo kale ayuu Wabiga Shabelle ugu fatahaa deegaannada uu dalka ka maro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wanlaweyne (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay la egteen Booyado ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ku gaarsiiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Gudoomiyihii maamulka gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadis uu ka sameeyay madaxaweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Cartan oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in waxtashi ah aan laga lagala sameyn xilka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah. Sidoo kale waxa tilmaamay in kulamo wada tashi ah uu la qaatay waxgradka gobolka, islamarkaana ay isla garteen in uu xilka sii hayo. ‘’Markii aan la tashi la sameeyay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan isla garannay in xiligan aysan jiri karin wax xil ka qaadis ah’’ ayuu yiri Cartan. Maalin ka hor ayey aheyd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug xil kii looga qaaday C/rashiid Xaashi Cartan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxhaam Cali Diiriye (Isxal) sida lagu shaaciyay wareegtadaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)-Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Al Shabaab. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Al Shabaab looga guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-100619.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa markale baahisay in Cali Ibraahim Shaameey oo dhawaan xilka laga qaaday inuu jawaab adag ka bixiyay qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya. Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu arkay qoraalka kasoo baxay wasiirka xafiiskiisa, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba aysan aheyn mid sax ah, xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama uu kamid yahay guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta Qaranka. “Waxaan si buuxda u aqristay ugana baaraan dagay warqadaadii aad soo qortay, waxaan fursad u helay inaan si degan uga baaraan dago, waxaan fursad u helay inaan kala tashado sharci yaqaano kala duwan” “Haddana wasiir waxay warqadaan ka dhigeysaa go’aanka aad qaadatay mid Sharci daro ah, marka loo eego sharciga guddiga isgaarsiinta qaranka oo soo baxay 2017 iyo dastuurka KMG ah” “Waxaan arintaan u bandhigayaa xubnahaa guddiga, waxaana horgeyn donaa maxkamadda, maadaama si qaldan loo adeegsaday sharciga guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku jawaabay Cali Ibraahim. Cali Shaameey, ayaa la sheegayaa inuusan kamid aheyn shaqaalaha rayidka, sababtoo ah hadduu kamid yahay shaqaalaha rayidka kama mid noqon karo xisbi siyaasadeed sida xeerka guddiga shaqaalaha rayidka uu dhigayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira oo kulan la qaaday madaxda DF ayaa u sameeyay ballaan-qaad ah in AMISOM ay sii wadi doonto wada-shaqeyntii kala dhexeys DF, ayna kasoo bixi doonaan hawlaha loo igmaday. Danjiraha Madeira ayaa kulammo kala gooni-gooni ah shalay kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Dowladda Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulamadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay bishii kasoo dhaafay muddo kordhin u sameeyeen hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], si ay horay ugu dhaqaajiyaan sugida amniga guud ee Somalia. “Waxaa naga go’an inaan ka shaqeynno sidii Somalia ay u noqon lahayd dal daggan oo nabad ah. Waxaana sii wadi doonaa dagaalka aan kula jiro ururka Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadda Somalia,” ayuu yiri Danjire Madeira oo hadal kooban ka jeediyay kulanka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa waxay si gaar ah uga doodeen xaaladaha deegaannada Sabiid iyo bariire oo dhawaan laga qabsday Al-shabaab, iyagoo isla gartay in amniga deegaannadaas la xoojiyo si aysan Al-shabaab ugu soo laaban mar kale. “Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garannay in amniga deegaannadii laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Bariire iyo Sabiid ay sugaan ciidamada Dowladda Somalia, isla markaana aan shacaba ku noool halkaas laga qaadin wax canshuuro ah oo baal-marsan sharciga iyo inaan cadaadisyo dheeri ah la saarin,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Somalia. Dhanka kale, Danjire Francisco Madeira ayaa kulan kan oo kale ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal iyagoo kaga hadlay amniga dalka iyo xoojinta sidoo dalka uu u noqon lahaa mid xasilloon, isla markaana la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ergayga Midowga Afrika iyo Gudodomiye Mursal ayaa waxay si gaar ah uga hadleen doorshooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadaha soo socda, iyagoo isla gartay in inta aysan doorashooyinku dhicin la xasiliyo inta badan deegaannada Soomaalida ee ay doorashooyinku ka dhici karaan. Ugu dambeyn, War-murtiyeed ay dhinacyadu soo saareen ayay ku sheegeen in kulammadoodii ay iskula garteen xoojinta amniga, ka hortagga wax walba oo sababi kara xasillooni-darro iyo in dagaalka Al-shabaab la xoojiyo. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ballan-qaad u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo aad xoogan ayaa ka taagan inta badan xaafadaha magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo ciidamo kale oo ka amar qaata Maxamed Cabdi Waare. Inta badan xiisadda dagaalka ayaa waxay ka taagan tahay kastamka Canshuuraha, xarunta gobalka iyo kontaroolada laga soo galo magaalada Beladweyne oo dhamaantood ay ku sugan yihiin ciidamada Yuusuf Dabageed. Kulan uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayey ku heshiiyeen in uu iska difaaco weerar kasta oo kaga yimaada HirShabeelle iyagoo u ballan qaaday taageero dhan walba ah. Taageerada odayaasha ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay Dabageed, kuna dhiiri-gelisay inuusan is-dhiibin. Arintaasi ayaa abuurtay walaac xoogan oo ka bilaawday guud ahaan magaalada Beladweyne. Warar kale oo ay heshya Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ay dhanka HirShabeelle ay u diyaar garoobeyn in ay xoog ku qasbadaan dhamaan xarumaha muhiimka ah ee Beladweyne. Madaxweyne Waare iyo Cali Guudlaawe ayaa amray ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Beladweyne in ay soo qabtaan Yuusuf Dabageed. Dabageed ayaa shalay si cad u sheegay in warbixintaasi uu helay islamarkaana uu diyaar u yahay is difaac weerar kasta oo uga yimaada dhanka Hirshabeelle. Hadda magaalada Beladweyne waa dagaal u joog waana fududahay in lagu dagaalamo daqiiqad kasta. Yuusuf Dabageed waxa uu heestaa ciidamo aad u qalabeysan iyo gaadiid dagaal, halka HirShabeelle oo heysata ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay doonayaan in ay magaalada ka saaraan Dabageed ilihii dhaqaalaha iyo xaruntii gobalka ka daggan. Ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan qaboojinta xiisadda ka taagan gobalka Hiiraan. Hadii dagaal ka dhaco Beladweyne waa halis geli doonto nolasha kumanaan shacab oo hadda la daala dhacaya daruufo nolaleed oo aad u dag. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Saraakiishii ka soo baxay Somaliland oo ka qeyb-gelaya shir weynaha Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag. Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato iyo culimaa’uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda. Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur. Sidoo kale waxa magaalada ku sugan guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo. Waxa kale oo la filaa in maalmaha soo socda ay degmada Badhan yimaadaan waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. Shirweynaha ka furmayaa magaalada Badhan, ayaan weli si rasmiya loo shaacin wakhtiga la qabanayo, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga wufuud laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. PUNTLAND POST The post Shir weyne ka dhan ah Somaliland oo ka furmaya magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in guddoomiyihii gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka hor yimid wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xaaf. Kadib Shir jaraa’id oo uu magaalada Gaalkacyo ku qabtay guddoomiye Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa wuxuu ku sheegay inuusan aqbalsaneyn xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Mr Cartan ayaa sheegay in wareegtada xilka looga qaaday aanan lagu wargelin, sidoo kale wuxuu sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay. Baraha Bulshada ayuu sheegay inuu ka arkay warqada xilka looga qaaday, maadaama aan si toos ah loogu wargelin in xilka laga qaaday, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Mudug Mr Cartan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu wadatashiyo kala duwan uu la sameeyay waxgaradka iyo bulshada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana aysan jirin xiligaan wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay. Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayuu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda. Hadalka Gudoomiyii xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay weli ka taagan tahay Magalada Baladweyne,kadib markii uu diiday xilka qaadistaas. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay aad loo hadalhayey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiye Yuusuf Dabageed, isaga oo iska diiday xil ka qaadistaasi. Waxgarad ku sugan magaalada B/weyne ayaa durba bilaabay dedaallo ay ku doonayaan in Yuusuf Dabageed wax looga dhaadhiciyo si looga baaqsado is qabqabsi dheeraad ah. Dabageed oo wata ciidamo aad u badan ayaa sheegay in waxa uu ku qanci karo ay tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana reer Hiiraan aanay xilligan lasii shaqeyn karin Hirshabelle. Dhanka kale, waxaa socda qorshe ay magaalada B/weyne ku aadayaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo reer Hiiraan ah, ulajeedkuna wuxuu yahay sidii xaaladda loo dejin lahaa. Yuusuf Dabageed oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ay ammar ku bixiyeen in isaga xabsiga loo dhaadhiciyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ballanqaaday inay sii-wadayaan hawlaha lagu xasilinayo dalka iyo dadaallada dib u soo kabashada ah ee lagu caawinayo Soomaaliya iyadoo la fulinayo mashaariic meelo badan laga hirgelinayo kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee aas-aasiga ah. Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay ka fulineysay Soomaaliya qorsheyaal saameyn xooggan yeeshay tan iyo sannadkii 2018. “Mashaariicdaas waxaa ka mid ah, dib u soo nooleynta Iskuullada, Ceelal, Waddooyin iyo goobo caafimaad. Waxaan sidoo kale u abuurnay fursado shaqo dhallinyarada,” ayuu yiri Madeira xilli uu kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal. Warar laga helayo Midowga Africa ayaa sheegaya in Madeira iyo Maxamed Mursal ay sidoo kale ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin hawlgalka Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii loo sii dardargelin lahaa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNDP u qaabilsan Somalia, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada xafiiskiisa. Inj. Yarisow ayaa ugu horeyn Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo uga warbixiyay hawlaha ay isla wadaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNDP. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka fiiayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan. Dhanka kale, Jocelyn Mason ka hadlay kulanka, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso maamulka gobolka Banaadir, si loo gaaro halka la higsanayo oo ah in caasimadda ay horumar ballaaran gaarto. Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo warar ku aadan isbedel ballaaran lagu sameeyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan xagga hoggaanka, inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ay arrintaan kasoo saareen madaxda maamulka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xoojinayso wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda federaalka Somalia, kaddib markii ergay cusub uu xoghayaha guud ee QM u soo magacaabay Somalia, kaaso horay u ahaa safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu xilkaas si iskiis ah isaga casilay. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo kala hadlay QM Horumarinta Guud ee Caasimadda Dalka appeared first on Puntland Post.
-
C/rashiid Xaashi Cartan, guddoomiyahii gobolka Mudug ee xilka looga qaaday wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xil ka qaadistaasi lagu sameeyey. Cartan ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka oo wadatashaday kadib kusoo wargeliyeen in uu meeshiisa sii joogo, islamarkaana aanay waxbo ka jirin xilkan laga qaaday. Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cartan in xilkan uu hayey tan iyo sanadkii 2015, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyey arrimo u badan dib u heshiisiinta. “Sidaad la socotaan Galmudug waayahan dambe waxaa isaga badnaa khilaafaadka iyo waxyaabaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, xil ka qaadisteydii baraha bulshada baan ku arkay, waxaa dhacday in arrintaasi noqoto mid ugub ku ah gobolka Mudug, waxaan tan iyo 2015-kii kasoo shaqeynayey gobolka, shacabka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa wadatashi ay u fariisteen waxay sheegeen in arrintan aan midnaba la qaadan karin iyo arrintan oo ku timid wax aan la garan, iyadoo xilligan lagu jiro uu madaxweyne Xaaf ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag” ayuu yiri Cartan. Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa habeen ka hor wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa. Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa” “Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira on Sunday met with the President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilisation of Somalia under its recently adopted new mandate. Source: Hiiraan Online