-
Content Count
208,602 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaqada ka joojisey Hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida (ILO). Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxa shaqada looga joojiyey warqad ay ku saxiixnaayen Afar wasiir oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi. Waraaqda lagu joojiyey dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Hay’adda ayaa waxa nuqul kamid ahi soo gaaray Shabakada Caasimada Online, waxaana lagu sheegay inay go’aan qaadashadan ay ka dambeysay kadib markii ay Hay’addaasi lunsatay xuquuqdii Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay ku xustay waraaqdaasi inaysan Hay’addu ka shaafin walaaca ay sheegtay inay ka qabto ILO, Waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Iyadoo la tixgelinayo joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO ee ku saabsan shuruucda iyo shuruudaha ka qeyb-galka xukuumada Somaliland, waxay si aan toos aheyn u go’aansatay joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO, heshiisyada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dhamaan Hay’addaha Somaliland”. “Natiijada go’aankan ayaa waxay ku saleysan tahay tixgelin la’aanta go’aamada dowladda iyo in aanay ILO kasoo jawaabin oo ay awoodin inay ka jawaab celiso walaac ay qabto dowladu”. Halkan hoose ka aqriso waraaqda shaqada lagaga joojiyey Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online ) – Ciidamo Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo ayaa la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dhamme Cali Maxamed Xasan Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen marka ay tageen Tuulooyinkaasi oo ku yaalla Webiga labadiisa geddi. Warar qaar ayaa sheegay in iska hor imaadyo kooban labada dhinac ay ku dhex mareen halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khaaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
-
As though the scars of war are not bad enough, child refugees arrive in Dadaab only to find education hard to get. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (SMN) – Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo la hadlay Warbahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo laga fuliyay agagaarka degmada Baardheere ayuu taliyuhu sheegay in ay kula waregeen Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo dhaca Webiga labadiisa geddi. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen, markii ay tageen Tuulooyinkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Geneva (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka shaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Geneva ee dalka Siswitzerland. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO. Hay’adan oo 108 sano jirsatay ayaa ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn ee Qaramada Midoobay. Shirka Geneva ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqaalaha ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda shaqaalaha iyo maas’uuliyiin kale oo ka kala yimid dalalka caalamka. Ujeedka shirka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee ku dhaqan caalamka. Sanad walba maanta oo kale ayaa la qabtaa shirkan, waxaana lagu taageeraa shaqaalaha weynaha aduunka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya. “Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose. ” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira. Ugu dambeyntii, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOSM. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-10062019.mp3 View the full article
-
Belewdweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilka qadistaasi ka dhalatay xiisad xoogan. Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa diiday in uu baneeyo xarunta uu ku shaqeeyo maamulka gobolka, islamarkaana uu wareejiyo xilka, kadib markii ay u tageen waxgarad iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah. Madaxweyne Waare ayaa haatan qaatay go’aan ah in si qasab ah xilka looga qaado guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, lana soo xiro, iyadoona ay xusid mudan tahay in Dabageed uu wato Ciidan aad u badan oo isaga taabacsan, kana soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan qorsheynayaan in ay fara geliyaan xiisadaasi, waxaana xubnahaasi ku jiro Xildhibaano ka soo jeedo gobolka Hiiraan. Xil ka qaadista Dabageed ayaa timid kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Waxyaabaha la isku khilaafay waxaa ka mid ahaa hanaanka loo maareynayo Canshuurta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Baladweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Qabyaalada, Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ee salka ku haya Komishanka. Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo Wargeyska Geeska Afrika, u waramay ayaa ugu horeyn Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, oo ka hadlaya Sharcigu wuxuu ka qabo in hal Wasiir laba Wasaaradood loo magacaabi karo ayaa yidhi “Madaxweynuhu laba Wasaaraddoo uu igman karaa Wasiir, waana iska caadi, sharcigana kama hor imanayso, inkastoo inta badan Wasiir ku xigeenadu ama Wasiiru dawlayaashu ay ku siisime noqdaan marka uu Wasiirku maqan yahay ama hawlo caafimaad uu ku maqan yahay, haddana wax dhib ah oo ku jira ma jirto haddii Wasiir kale loo sii magacaabo Wasaarad”. Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashada ilaa hadda heshiis lagama gaadhin, Xisbiyaduna wali may heshiin, waxaanay ahayd in Doorashada oo aan dhawayn in laga sii heshiiyo wax kasta oo la isku hayo, ha noqoto Komishanka oo la bedelo, ha noqoto Saami qaybsiga iyo wixii laga yeelayo, haddii kale oo heshiis laga gaadhi waayo waxa imanaysa in Doorashaduna dib u dhac ku yimaado”. Mar uu ka hadlaayey Qabyalada ayaa wuxuu yidhi “Qaran iyo Qabyalaad meel ma wada galaan, Qaran baan sheeganaya Qabyaaladna waan ku dhaqmayaa, laba is galaya maaha, waxaana dadka leeyahay ka dheerada Qabyaalada, oo Qaranimada ilaaliya, ka dheerada wax kasta oo dhexdiina cadaawad ka dhalinaya, oo nasteexiina ka taliya”. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), oo isna ka hadlaya Qabyalaada ayaa yidhi “Qabyaalada oo dariiq xun loo isticmaala waa qudhun, iyo xumaan, ee in Qabyalaada la iska ilaaliyo weeye, dadka Somaliland waa dad wada walaalo ah, dhammaan dadka reer Somaliland meel walba oo ay degan yihiin waa isku wada abtirsiin, abtirsiintooduna waa qaranimada Somaliland, cid kasta oo dhib iyo fidno wadana waxaanu leenahay ka digtoonada, oo akhiradiina u tudha, oo haddii uu dhib dhaco, oo ciddi talaabo khaldan qaado maaha in dad dhan oo aan waxba sameeyn loo nisbeeyo, khalad uu dhaca khaladkaas dhacana shaydaan iyo ciddii markaas ku kacday ayaa loo nisbeeya, ee dadka waxaan leeyahay walaaltinimadiina ilaashada, oo colaada iska ilaaliya”. Xildihbaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa wuxuu yidhi “Saddexda Xisbi oo kala maqan, Doorasho dalka kama dhici karto, laba Xisbina Doorasho ma gali karaan, ee Xisbiyadu ha isku yimaadaan, wada tashi ayaana looga baahan yahay iyo inay gaadhan go’aan midho dhal noqda, oo lagu wada qanacsan yahay” Xildhibaan Xasan Karaama oo isna ka hadlaya Qabyaalada ayaa yidhi “Nabada ayaa wax lagu yahay, ee in nabadgalyada la ilaaliyo oo laga dheerado Qabyaalada iyo wixii la mid ah weeye, cid kasta oo khalad sameeysana waa in sharciga la hor keena, oo la soo qabta”. Xildhibaan Xasan Karaama mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa isna wuxuu yidhi “Doorashada oo qabsoonta wax badan baa ka horeeya, inay Xisbiyadu isku yimaadaan oo ay ka wada hadlaan wixii ay isku hayaan waa mid meesha ku jirta, laakiin waxaa wax walba ka muhiimsani waa saami-qaybsigii oo ahaa go’aan ay gaadhay Maxkamadda Dastuuriga ahi, mana aha in laga warweego ee waa in saami-qaybsigiina la sameeya, oo cidda awooda u leh maaha inay iska dhego tirtee, waa inay u badheedha” Source
-
(SLT-Riyadh)-Afhayeenka Ciidanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Musafar Bin Qanaam Al-qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 27 Eedeysane oo xuduudka Koonfureed ee dalkaasi ka soo gelin lahaa Xashiish culayskiisa guud dhamaa 367 Kiilogaram. Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha lagu qabtay Hawlgalkaasi ay kala ahaayeen 23 Ethiopian ah, 7 Soomali ah iyo 4 u dhashay dalka Sacuudiga. Waxa uu tilmaamay inay Eedeysanayaasha iyo Daroogadii lagu qabtay u gudbiyeen Hay’addaha Ammaanka, si ay u dhamaystiraan baadhitaankooda, ka hor inta aan loo gudbinin Maxkamadaha ku shaqada leh Kiiskooda. Dhinaca kale, Shabakadda Wararka Sacuuidga ee Almuwaadin oo aan warkan ka soo xiganay ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah Sawiradda Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishka iyo xubno ka tirsan Ilaaladda Xuduudka oo ay hor yaallaan xirmooyinka Xashiishka ee ay ku qabteen Xuduudka Sacuudiga la wadaago dalka Yemen. Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha ammaanka Sacuudiga sheegaan inay gacanta ku dhigeen Muwaadiniin ka soo jeeda dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo faraha kula jiray fal-dembiyeedyadda daroogadda loogu tahriibiyo Gobalak Jizaan ee Sacuudiga ee kaabiga ku haya Xuduudka dalka Yemen. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxaa haatan soo wajahay walaac xoogan oo kaga yimid dhanka Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa shaaciyay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi. Kenya ayaa hakad galisay dhammaan gaadiidkii ka imaan jiray Mandheera ee u safrayay magaalada caasimada ah ee Nairobi ,waxaana gawaaridaasi ay ku sii hakan doonaan degmada Ceel-waaq, inta ay xaaladdu ka noqoneyso mid caadi ah. Jeremiah Ole Kasiom oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa tilmaamay in xogta ay heleen ay sheegeyso in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in beegsadaan gawaarida dadweynaha ee isagala goosha deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray in hay’adaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka hortagi doonaan weeraradaasi. Al -Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada culus ee ay ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta ee dalka Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray Ciidamada ammaanka ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Puntland vice president Ahmed Elmi Osman has arrived in Bosaso on Sunday evening. His visit to Bosaso was the first since he was elected vice president in January 2019. “I paid my first visit to Bosaso to access security situation of Bari region, the impact of the flash floods and humanitarian response to mitigate further damages.” He wrote on his Twitter. Ahmed’s visit comes two days after militants from Al-Shabab captured Af Urur village, located about 60 km southwest of Bosaso, Puntland commercial town. The top officials of the Puntland government did not comment on the capture of Af Urur. In the last two years, Af Urur was the target of Al-Shabab militants who captured it twice. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, laguna taageerayo Yuusuf Dabageed oo dhowaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Dadka ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ku aaddan dibadbaxyadooda, iyaga oo sheegaya in masiirkii Hirshabelle la dhumiyey. Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee B/weyne waxay ku jaren dhagxaan, iyadoo meelaha qaar uu joogsaday isku socodka gaadiidka magaaladaasi. Dadka ayaa sidoo kale diiddan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ilo’ ka agdhow xafiiska madaxweyne Den, ayaa Puntland Post u sheegay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isu’gu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia. Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen, sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo, xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaakal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia. Balse, madaxweynaha ayaa sida ilo’ xog-ogaala xaqiijinayan gebi ahaanba diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka. Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga. PUNTLAND POST The post Dadaal lagu dhex-dhexaadinayey Puntland iyo Villa Somalia oo fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab has claimed the responsibility for an explosion near Wanlaweyn district in Lower Shabelle region, south of Somalia on Sunday. The blast which has resulted from a landmine planted along the road struck a water tank belonging to Somali national army, according to the local residents. In a statement, Al-Shabaab said the bomb attack has inflicted casualties on the Somali soldiers traveling in the convoy, but, it did not disclose the number of the fatalities. Al-Shabaab often carries out IED attacks against Somali and AU troops in Lower Shabelle region as the militant group faces joint military operations by SNA, AU and US forces. View the full article
-
Sida ay sheegeyso hey’dda NASA waxaa caawa oo isniin ah dunida laga arki-doonaa meeraha Jupiter oo ka mid ah meerayaasha ugu caansan, ugu weyn. Jupiter waxaa uu 11 million mile kasoo soke-mari-doonna halka uu joogo, taasi oo ay si caadi ah u arki karaan dad ku nool dunidan ama dhulka, waxaa kale oo aad adeegsan kartaa telescope. Meerahan waxaa kale oo la socda 4 xidig, oo iyadana ay dadka ark-doonaan, waxaa ay arrinkan xiiso gaar ah u leedahay dadka xiiseeya xidigaha. Jupiter waa meeraha 5-aad ee nidaamka Qoraxda (Sun), waa kan ugu weyn ee nidaamka loo yaqaano Solar System. Nidaamka Solar System: Qoraxda (Sun) Feenas (Venus) Dhulka (Earth) Maaris (Mars ) Jibitar (Jupiter) Sataan (Saturn) Yuraanas (Uranus) Nebton (Neptune) Goobjoog News Source: goobjoog.com