-
Content Count
208,583 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, today met with the President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilization of Somalia under its recently adopted new mandate. The United Nations Security Council late last month adopted Resolution 2472 in which it extended AMISOM’s mandate and approved further troop reduction by 1000 personnel in line with the existing Somalia Transitional Plan to gradually transfer security responsibilities to Somali security forces. “We all agreed that AMISOM remains extremely relevant in Somalia in supporting Somalia in its efforts to stabilise the country and contain Al-Shabaab. This joint effort must continue and Al-Shabaab must be brought under control,” Ambassador Madeira stated in an interview after the closed-door meeting. Both President Farmaajo and Ambassador Madeira further discussed developments under the security sector, particularly focusing on the recent capture of the towns of Sabiid and Bariire by the Somali National Security Forces (SNSF) supported by AMISOM, and the capacity demonstrated by these forces to hold the captured towns. “In this we see the quality of the troops (SNSF) who are making sure that the population of Sabiid and Bariire and their property are protected and that there are no illegal checkpoints and no illegal taxation or extortion taking place,” Ambassador Madeira noted. The AU Special Representative said that going forward, the focus of AMISOM is on the attainment of the transition plan objectives through the implementation of its revised Concept of Operations (CONOPs) under the new mandate. He said, “As AMISOM, we now need to continue to reconfigure in a manner that can allow us to deliver on the new mandate that was given to us by enhancing our synergies and coordination in the implementation of the CONOPs detailed plan 2018-2021 for peace and security in Somalia.” View the full article
-
Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi. Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland appeared first on Puntland Post. -
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kulan xasaasi ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Wararka ayaa sheegayo inay Maamul Goboleedyada kulan la qaadan doonaan Beesha Caalamka si ay ugu gudbiyeen mowqifkooda kama dambeysta ah ee ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo Khilaafka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono. Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada. Waxaa kulanka gebi ahaanba aan ka qeybgeli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen kaasoo la rumeysan yahay inuu daacad u yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Beesha Caalamka loo gudbiyo in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 202. Sidoo kale Maamul Goboleedyada ayaa Beesha Caalamka u sheegi rabo inay taageersan yihiin qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe. Beesha Caalamka illaa hadda weli si rasmi ah uma muujin go’aankeeda ku aadan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, inkastoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cadaadis ku saareyso inay la heshiiso Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaqada ka joojisey Hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida (ILO). Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxa shaqada looga joojiyey warqad ay ku saxiixnaayen Afar wasiir oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi. Waraaqda lagu joojiyey dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Hay’adda ayaa waxa nuqul kamid ahi soo gaaray Shabakada Caasimada Online, waxaana lagu sheegay inay go’aan qaadashadan ay ka dambeysay kadib markii ay Hay’addaasi lunsatay xuquuqdii Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay ku xustay waraaqdaasi inaysan Hay’addu ka shaafin walaaca ay sheegtay inay ka qabto ILO, Waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Iyadoo la tixgelinayo joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO ee ku saabsan shuruucda iyo shuruudaha ka qeyb-galka xukuumada Somaliland, waxay si aan toos aheyn u go’aansatay joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO, heshiisyada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dhamaan Hay’addaha Somaliland”. “Natiijada go’aankan ayaa waxay ku saleysan tahay tixgelin la’aanta go’aamada dowladda iyo in aanay ILO kasoo jawaabin oo ay awoodin inay ka jawaab celiso walaac ay qabto dowladu”. Halkan hoose ka aqriso waraaqda shaqada lagaga joojiyey Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online ) – Ciidamo Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo ayaa la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dhamme Cali Maxamed Xasan Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen marka ay tageen Tuulooyinkaasi oo ku yaalla Webiga labadiisa geddi. Warar qaar ayaa sheegay in iska hor imaadyo kooban labada dhinac ay ku dhex mareen halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khaaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
-
As though the scars of war are not bad enough, child refugees arrive in Dadaab only to find education hard to get. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (SMN) – Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo la hadlay Warbahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo laga fuliyay agagaarka degmada Baardheere ayuu taliyuhu sheegay in ay kula waregeen Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo dhaca Webiga labadiisa geddi. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen, markii ay tageen Tuulooyinkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Geneva (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka shaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Geneva ee dalka Siswitzerland. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO. Hay’adan oo 108 sano jirsatay ayaa ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn ee Qaramada Midoobay. Shirka Geneva ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqaalaha ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda shaqaalaha iyo maas’uuliyiin kale oo ka kala yimid dalalka caalamka. Ujeedka shirka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee ku dhaqan caalamka. Sanad walba maanta oo kale ayaa la qabtaa shirkan, waxaana lagu taageeraa shaqaalaha weynaha aduunka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya. “Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose. ” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira. Ugu dambeyntii, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOSM. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-10062019.mp3 View the full article
-
Belewdweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilka qadistaasi ka dhalatay xiisad xoogan. Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa diiday in uu baneeyo xarunta uu ku shaqeeyo maamulka gobolka, islamarkaana uu wareejiyo xilka, kadib markii ay u tageen waxgarad iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah. Madaxweyne Waare ayaa haatan qaatay go’aan ah in si qasab ah xilka looga qaado guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, lana soo xiro, iyadoona ay xusid mudan tahay in Dabageed uu wato Ciidan aad u badan oo isaga taabacsan, kana soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan qorsheynayaan in ay fara geliyaan xiisadaasi, waxaana xubnahaasi ku jiro Xildhibaano ka soo jeedo gobolka Hiiraan. Xil ka qaadista Dabageed ayaa timid kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Waxyaabaha la isku khilaafay waxaa ka mid ahaa hanaanka loo maareynayo Canshuurta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Baladweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Qabyaalada, Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ee salka ku haya Komishanka. Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo Wargeyska Geeska Afrika, u waramay ayaa ugu horeyn Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, oo ka hadlaya Sharcigu wuxuu ka qabo in hal Wasiir laba Wasaaradood loo magacaabi karo ayaa yidhi “Madaxweynuhu laba Wasaaraddoo uu igman karaa Wasiir, waana iska caadi, sharcigana kama hor imanayso, inkastoo inta badan Wasiir ku xigeenadu ama Wasiiru dawlayaashu ay ku siisime noqdaan marka uu Wasiirku maqan yahay ama hawlo caafimaad uu ku maqan yahay, haddana wax dhib ah oo ku jira ma jirto haddii Wasiir kale loo sii magacaabo Wasaarad”. Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashada ilaa hadda heshiis lagama gaadhin, Xisbiyaduna wali may heshiin, waxaanay ahayd in Doorashada oo aan dhawayn in laga sii heshiiyo wax kasta oo la isku hayo, ha noqoto Komishanka oo la bedelo, ha noqoto Saami qaybsiga iyo wixii laga yeelayo, haddii kale oo heshiis laga gaadhi waayo waxa imanaysa in Doorashaduna dib u dhac ku yimaado”. Mar uu ka hadlaayey Qabyalada ayaa wuxuu yidhi “Qaran iyo Qabyalaad meel ma wada galaan, Qaran baan sheeganaya Qabyaaladna waan ku dhaqmayaa, laba is galaya maaha, waxaana dadka leeyahay ka dheerada Qabyaalada, oo Qaranimada ilaaliya, ka dheerada wax kasta oo dhexdiina cadaawad ka dhalinaya, oo nasteexiina ka taliya”. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), oo isna ka hadlaya Qabyalaada ayaa yidhi “Qabyaalada oo dariiq xun loo isticmaala waa qudhun, iyo xumaan, ee in Qabyalaada la iska ilaaliyo weeye, dadka Somaliland waa dad wada walaalo ah, dhammaan dadka reer Somaliland meel walba oo ay degan yihiin waa isku wada abtirsiin, abtirsiintooduna waa qaranimada Somaliland, cid kasta oo dhib iyo fidno wadana waxaanu leenahay ka digtoonada, oo akhiradiina u tudha, oo haddii uu dhib dhaco, oo ciddi talaabo khaldan qaado maaha in dad dhan oo aan waxba sameeyn loo nisbeeyo, khalad uu dhaca khaladkaas dhacana shaydaan iyo ciddii markaas ku kacday ayaa loo nisbeeya, ee dadka waxaan leeyahay walaaltinimadiina ilaashada, oo colaada iska ilaaliya”. Xildihbaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa wuxuu yidhi “Saddexda Xisbi oo kala maqan, Doorasho dalka kama dhici karto, laba Xisbina Doorasho ma gali karaan, ee Xisbiyadu ha isku yimaadaan, wada tashi ayaana looga baahan yahay iyo inay gaadhan go’aan midho dhal noqda, oo lagu wada qanacsan yahay” Xildhibaan Xasan Karaama oo isna ka hadlaya Qabyaalada ayaa yidhi “Nabada ayaa wax lagu yahay, ee in nabadgalyada la ilaaliyo oo laga dheerado Qabyaalada iyo wixii la mid ah weeye, cid kasta oo khalad sameeysana waa in sharciga la hor keena, oo la soo qabta”. Xildhibaan Xasan Karaama mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa isna wuxuu yidhi “Doorashada oo qabsoonta wax badan baa ka horeeya, inay Xisbiyadu isku yimaadaan oo ay ka wada hadlaan wixii ay isku hayaan waa mid meesha ku jirta, laakiin waxaa wax walba ka muhiimsani waa saami-qaybsigii oo ahaa go’aan ay gaadhay Maxkamadda Dastuuriga ahi, mana aha in laga warweego ee waa in saami-qaybsigiina la sameeya, oo cidda awooda u leh maaha inay iska dhego tirtee, waa inay u badheedha” Source
-
(SLT-Riyadh)-Afhayeenka Ciidanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Musafar Bin Qanaam Al-qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 27 Eedeysane oo xuduudka Koonfureed ee dalkaasi ka soo gelin lahaa Xashiish culayskiisa guud dhamaa 367 Kiilogaram. Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha lagu qabtay Hawlgalkaasi ay kala ahaayeen 23 Ethiopian ah, 7 Soomali ah iyo 4 u dhashay dalka Sacuudiga. Waxa uu tilmaamay inay Eedeysanayaasha iyo Daroogadii lagu qabtay u gudbiyeen Hay’addaha Ammaanka, si ay u dhamaystiraan baadhitaankooda, ka hor inta aan loo gudbinin Maxkamadaha ku shaqada leh Kiiskooda. Dhinaca kale, Shabakadda Wararka Sacuuidga ee Almuwaadin oo aan warkan ka soo xiganay ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah Sawiradda Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishka iyo xubno ka tirsan Ilaaladda Xuduudka oo ay hor yaallaan xirmooyinka Xashiishka ee ay ku qabteen Xuduudka Sacuudiga la wadaago dalka Yemen. Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha ammaanka Sacuudiga sheegaan inay gacanta ku dhigeen Muwaadiniin ka soo jeeda dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo faraha kula jiray fal-dembiyeedyadda daroogadda loogu tahriibiyo Gobalak Jizaan ee Sacuudiga ee kaabiga ku haya Xuduudka dalka Yemen. Source