Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,599
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Reykjavik. (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul ugu cambaareysay dalka Iceland inuu “si xushmad darro ah” ula dhaqamyey cayaartoydeeda kubadda cagta markii ay tageen garoonka diyaaradaha Reykjavik. Kooxda Turkish-ka ayaa habeenkii axadda dhowr saac lagu hayey qeybta baasaboorada lagu hubiyo ee garoonka, waxaana la marsiiyey baaritaan xooggan, sida ay sheegeen cayaartoyda. Afhayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa qoraal carro leh soo dhigay twitter-ka, isaga oo Iceland si darran ugu dhalleeceeyey “xushmad darrada aan la aqbali karin” ee ay ku sameysay cayaartoyda Turkiga. “Dowladdeena iyo shacabkeena waxay garab taagan yihiin xulka qaranka, waxayna jawaabta ugu wanaagsan ku bixin doonaan garoonka kubadda cagta” ayuu yiri. Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Turkiga, Fahrettin Altun ayaa sidoo kale sheegay in sida loola dhaqmay cayaartoyda aysan waafaqsaneyn diblomaasiyadda iyo habka ciyaar wanaaggaba. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa warqad diblomaasiyeed oo cabasho ah u dirtay Iceland, ayada oo marsiisay safaaradda Norway. Iceland weli wax jawaab ah kama aysan bixin dhacdadan. Turkiga iyo Iceland ayaa ku wada jira qeybta H ee is-reebka loogu soo baxayo koobka Qaramada Yurub ee 2020. Turkey oo cayaartii ugu dambeysay 2-0 kaga adkaaday France ayaa 9 dhibcood ku hoggaaminaya qeybta H. VOA
  2. Guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS ayaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira Iyagoo ka wada hadlay arimaha Amissom iyo dowlad goboleedyada. Kulanka oo saacado qaatay markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa ugu horayn saxaafada la hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira waxa uu Sheegay in kulanka ay gudoonka yeesheen uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay arimaha Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika. Habdhooraha golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Sen, C,kaafi macalin xasan ayaa sheegay in kulanka arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta Amissom iyo arimaha Doorashooyinka. Golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya iyo Midowga Afrika Soomaaliya ayaa waxaa ka Dhaxeeya wada shaqayn iyagoo mar marka qaar ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan amaanka Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maxaabiis ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Xabsiga wayn ee Muqdisho, kaasi oo dhawaan laga dhisay Xerada Ciidanka Asluubta ee duleedka dhanka Koonfureed ee Muqdisho. Maxaabiistaan maanta loo gudbiyay xabsiga weyn ayaa tiradoodu gaareysaa 58 Maxbuus oo galay dambiyo kala duwan, waxaana ay ku xirnaan jireen Xabsiga dhexe. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa tagay xabsiga xilliga maxaabiista maanta loo wareejinaayay xabsigaasi. Maxaabiistaan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee loo soo wareejiyo Xabsiga Muqdisho ee laga dhisay duleedka Magaalada. Xabsiga dhexe ee Xamar oo muddo ciriiri & rafaad uu ku haystay maxaabiista ayaa hadda heli doonaan nafis, maadaama Maxaabiista dambiyadooda fudud yihiin lagu xiri doono Xabsiga cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Boqor Buurmadow Oo Beeniyay In Ciidammo iyo gaadiid dagaal oo uu isagu Leeyahay Ay Ka Goosteen Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre. Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood. Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran. Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyi bini’aadninimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaadhay wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide iyo wafti ay hoggaaminayso oo Booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda iyo waftiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’siiul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide, isla markaana waxaa ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal iyo arrimo kale. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xubno ka mid ah Guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga baydhay ku dhaqankii Dastuurka isla-markaana dhaartii ay Illaahay u dhaarteen Masuuliyiinta Dawladdu aanay ku dhaqmin. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Xubno dhallinyaro ah oo Guddigaasi ka mid ah ayaa soo jeediyey in sharciga la ilaaliyo oo Ilaahay lagaga yaabo dhaartii. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxdeena marka xil loo dhiibayo mid walba waxa lagu dhaariyaa (Kitaabka), waynu ognahay culayska dhaartana, markaa Madaxdeenu ha gartaan Culayska dhaarta..” Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi ayaa isaguna yidhi “Innaga waxay noqotay in inta la dhaarto oo Kitaabkii Gacanta la saaro oo Dhaartii Dastuurka loo laqimo, in Maalin walba haddana Dastuurka la jabiyo oo lagu tumanayo oo inamadii ku dhaartay ku tumanayaan oo aan loo hoggaansamayn, taasina waxay tilmaamaysaa inaynu ka been sheegnay dhaqankii iyo Dawladnimadii wanaagsanayd ee aynu doonayney..” Source
  8. (SLT- Minnesota)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah. Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed. Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaadheysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku tagtay Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay. Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”. Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP. Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay. Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.” Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xidhiidhin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaadhaya $500 oo dollar. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed. Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray. Hadallada Ilhaan Cumar ee dhibaatada u soo jiiday Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqoto aqalka Kongres-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaarto. Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeeray dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed. Donald Trump, oo ololahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga fa’deystay hadallada Ilhaan Cumar. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in laba ka mid ah Dugsiyada ku yaalla Degmada Badhan laga joojiyey Imtixaanka Shahaadiga ah oo Somaliland ka bilaabmaya 16-ka bisha June. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jaamac Cismaan Aadan oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasaaraddu ay Dugsiyada Waxbarashada ee degmada Badhan aanay ka wada joojin Imtixaanka shahaadiga ah, balse laba dugsi oo keliya laga joojiyey, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay dhaqaalaha ka qaataan Somaliland iyo Puntland. Wasiirka Waxbarashada oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Deegaanka Badhan oo dhan maaha waa laba Iskuul, waana inta Puntland ka qaadata Imtixaanka, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland way ka tirsan yihiin, Macalimiinta waxa laga gunneeyaa halkan, ha yeeshee way laba Afleeyaan oo halkaana way ka gurtaan, markaa Imtixaankii waanu ka joojinay. waxaan Maqlayey inay hadda Codsi soo qorteen oo ay doonayaan oo ay leeyihiin u noqon mayno ee Imtixaanka ha lana siiyo, laakiin Go’aan la gaadhay hadda ma sheegi karo.” Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobalka Sanaag oo wareysi siiyey telefishanka Eryal TV ayaa waxaa uu cadDeeyey in dhinaca maamulka Puntland ay u goosteen ciidamo uu lahaa Boqor Buurmadow kuwaas oo ku urursanaa deeganka Garab Cad, halkan Hoose Ka DAAWO Warkan Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa 15-kii bishii May xabsi dhigay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sanno jir, kadib markii la sheegay in lagu tuhunsan yahay bixinta qishka imtixaanka Class-ka 12aad ee dugsiga Sare oo ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Jamaaludiin oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa xabsi ku jira muddo ka badan 20 cesho ilaa hadana ma jirto xukun Maxkamadeed oo ku dhacay iyadoo loo waayay cadeymo ku aadan kiiskii lagu soo eedeeyay. Caasimada Online ayaa baaritaan dheer oo ay sameysay ku ogaatay qaladaad badan oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Booliska Soomaaliya taas oo xadgudub ku dhageyso sii xirnaanshiyaha Jamaaludiin Xasan Xirsi. Saddexda qalad ee ka dhacay Wasaaradda iyo Booliiska Soomaaliya kuwaas oo ka dhan Muwaadin Jamaaludiin Xasan Xirsi ayaa kala ah:- Marka waxaa qalad aheyd in Jamaaludiin Xasan loo wakiisho shaqo mas’uuliyad weyn u baahan sababtoo ah Jamaaludiin ma’an shaqaale dowladeed oo rasmi ah waa shaqaale KMG ah. Sida ku xeerka shaqaalaha Rayidka Soomaaliya qofka mar hadii uusan aheyn shaqaale Rayid ah ama mas’uul xil haaya waxaa ka mamnuuc ah in lagu aamino arin masiiri ah iyo in loogu shaqeeyo waqti dhameestiran (Full Time). Xeerka shaqaalaha waxa uu dhigayaa in dadkaas ay yihiin shaqaale KMG ah Caawiyaal waqti go’aan looga baahan yahay in ay shaqeeyaan. Jamaaludiin Xasan waxa uu si KMG ah u joogaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya wax ka badan 5 sano waxaana gadaashiis la shaqaleysiiyay boqolaal shaqaale cusub isagana waxaa looga reebay qabiil iyo wax isdaba marin waana qaladka labaad oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Hadii imtixaanka qal qal ka yimid maxaa loo xiray Jamaaludiin oo aan aheyn Madaxda imtixaanaadka Qaranka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda waa qaladka 3aad. Hadiiba la xiray maxaa ilaa hadda xabsi loogu haayaa Jamaaludiin waa mid kamid ah qaladaadka hey’adaha garsoorka iyo Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Jamaaludiin Xasan uu dhowaan galay Aroos islamarkaana aqal-galkiisa ay ka soo wareegtay wax kayar 50 cesho waxayna arintaasi uur ku taalo ku noqotay Xaaska Jamaaludiin iyo qoyskiiska. Markii aad joogto Soomaaliya waa adag tahay in aad hesho cadaalad waxaana dhibka kuu geysanaya dowladda gaar ahaan Booliiska oo katirsan garsoorka waxaana sidoo kale u dacwooneysaa garsoorka oo qeyb ka ah hey’adaha cadaaladda waana nasiib darrada taala Soomaaliya Muwaadin, Caruus iyo dhibane Jamaaludiin Xasan Xirsi waxa uu cadaalad ka sugayaa umadda Soomaaliyeed waana wiil dhalinyaro ah oo mugid la geliyay nolashiisa iyo nolasha qoyskiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Somali forces retook three villages near Bardere town in Gedo region on Sunday and killed three al-Shabab militants in the country’s southern region of Gedo, officials said Monday. Ali Mohamed Hassan, commander of Somali forces unit 49, in Bardhere town told journalists that the militants were killed in an offensive in Bulaweyn and Bakal villages along the road of Bardhere in the Gedo region. Hassan also noted that a soldier sustained injuries during the battle. “Heavily armed forces attacked al-Shabab militants in the town, and the two sides fought for a while exchanging heavy weapons,” Barre Elmi, a local resident, told the media via phone. The latest offensive came barely a week after Somali forces conducted an operation in the same region, killing two al-Shabab militants and injured three others. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on the al-Qaida affiliated group in central and southern Somalia to flush them out. View the full article
  13. Garaad Bootaan Garaad Ismaaciil ayaa Puntlandi.com usheegay in inta badan wadooyinka magaalada Bosaaso ay gooyeen biyaha roobka, dadka iyo gaadiidkana ay aad isgu dhiban yihiin. [...] Source
  14. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, today met with the President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilization of Somalia under its recently adopted new mandate. The United Nations Security Council late last month adopted Resolution 2472 in which it extended AMISOM’s mandate and approved further troop reduction by 1000 personnel in line with the existing Somalia Transitional Plan to gradually transfer security responsibilities to Somali security forces. “We all agreed that AMISOM remains extremely relevant in Somalia in supporting Somalia in its efforts to stabilise the country and contain Al-Shabaab. This joint effort must continue and Al-Shabaab must be brought under control,” Ambassador Madeira stated in an interview after the closed-door meeting. Both President Farmaajo and Ambassador Madeira further discussed developments under the security sector, particularly focusing on the recent capture of the towns of Sabiid and Bariire by the Somali National Security Forces (SNSF) supported by AMISOM, and the capacity demonstrated by these forces to hold the captured towns. “In this we see the quality of the troops (SNSF) who are making sure that the population of Sabiid and Bariire and their property are protected and that there are no illegal checkpoints and no illegal taxation or extortion taking place,” Ambassador Madeira noted. The AU Special Representative said that going forward, the focus of AMISOM is on the attainment of the transition plan objectives through the implementation of its revised Concept of Operations (CONOPs) under the new mandate. He said, “As AMISOM, we now need to continue to reconfigure in a manner that can allow us to deliver on the new mandate that was given to us by enhancing our synergies and coordination in the implementation of the CONOPs detailed plan 2018-2021 for peace and security in Somalia.” View the full article
  15. Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Iskaashatada kaluunka ee Wadajir ee degmada Bosaaso Muuse Cali Muuse ayaa waraysi uu siiyay warsidaha Puntlandi.com maanta waxa uu uga waramay [...] Source
  16. Guddiga nabadaynta gobolka Mudug ayaa maanta kulan laqaatay gudoomiyaha gobolka Mudug iyo taliyaha qaybta booliska,waxayna ka wada hadleen amniga guud ee gobolka iyo kan magaalada [...] Source
  17. Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi. Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kulan xasaasi ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Wararka ayaa sheegayo inay Maamul Goboleedyada kulan la qaadan doonaan Beesha Caalamka si ay ugu gudbiyeen mowqifkooda kama dambeysta ah ee ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo Khilaafka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono. Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada. Waxaa kulanka gebi ahaanba aan ka qeybgeli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen kaasoo la rumeysan yahay inuu daacad u yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Beesha Caalamka loo gudbiyo in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 202. Sidoo kale Maamul Goboleedyada ayaa Beesha Caalamka u sheegi rabo inay taageersan yihiin qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe. Beesha Caalamka illaa hadda weli si rasmi ah uma muujin go’aankeeda ku aadan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, inkastoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cadaadis ku saareyso inay la heshiiso Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaqada ka joojisey Hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida (ILO). Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxa shaqada looga joojiyey warqad ay ku saxiixnaayen Afar wasiir oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi. Waraaqda lagu joojiyey dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Hay’adda ayaa waxa nuqul kamid ahi soo gaaray Shabakada Caasimada Online, waxaana lagu sheegay inay go’aan qaadashadan ay ka dambeysay kadib markii ay Hay’addaasi lunsatay xuquuqdii Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay ku xustay waraaqdaasi inaysan Hay’addu ka shaafin walaaca ay sheegtay inay ka qabto ILO, Waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Iyadoo la tixgelinayo joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO ee ku saabsan shuruucda iyo shuruudaha ka qeyb-galka xukuumada Somaliland, waxay si aan toos aheyn u go’aansatay joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO, heshiisyada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dhamaan Hay’addaha Somaliland”. “Natiijada go’aankan ayaa waxay ku saleysan tahay tixgelin la’aanta go’aamada dowladda iyo in aanay ILO kasoo jawaabin oo ay awoodin inay ka jawaab celiso walaac ay qabto dowladu”. Halkan hoose ka aqriso waraaqda shaqada lagaga joojiyey Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Garbahaarey (Caasimada Online ) – Ciidamo Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo ayaa la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dhamme Cali Maxamed Xasan Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen marka ay tageen Tuulooyinkaasi oo ku yaalla Webiga labadiisa geddi. Warar qaar ayaa sheegay in iska hor imaadyo kooban labada dhinac ay ku dhex mareen halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khaaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
  21. Ciidamo iyo gaadiid ka amar qaata boqor Cismaan Maxamuud Buur-madaw oo siweyn looga yaqaan dhulka Soomaalida ayaa ka soo goostay Somaliland iyagoona soo galay deegaamada [...] Source