-
Content Count
208,599 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Benadir regional governor Abdirahman Omar Osman Yarisow has chaired a meeting discussed on way to address security challenges in the capital, Mogadishu. The meeting which took place at the headquarters of Mogadishu municipality was attended by officials from the Somali government security agencies. The mayor of Mogadishu said that his administration had been trying to ensure security in the country’s capital and reiterated his commitment to continue the effort to restore peace and stability. Somali government forces have recently stepped up their operations across the city to beef up security and set up checkpoints in main roads where they search the public vehicles to avert Al-Shabaab attacks. The efforts reduced the frequent Al-Shabab car bombings and assignations in Mogadishu, the seat of the Federal Government of Somalia and African Union Mission [AMISOM]. View the full article
-
Dhuusa-Mareeb (Caasimadda Online) – 24–kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno. Arrintaas ayaa waxa iminka jawaabay maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, waxayna ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey oo wareysi siiyey saxaafadda ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”. Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” . Ibraahim Jeekey mar uu ka jawaabayey, sow arrintaas takoor ma aha waxaa uu yiri “Maya, qofka oo halkan yimaado waa lala socdaa, dammiin waa la weydiiyaa, xataa dadka gobolladaas ka soojeeda ee deggan Guriceel horay ayaa arrinkaas loogu sheegay, oo ay dhaqan-geliyeen, wax cusub ma aha, oo iyaga ayaa raali ka ah, waad hubsan kartaa”. Waxaa kale oo la weydiiysey sida dadkaasi looga arko deegaanka “Walaal dad ajnabi kama aha halkan, Guriceel ganacsiyada ugu badan haatan iyaga ayaa ku leh, keliya ganacasato ma ahee rixim ayey noqdeen iyo qaraabo, arrintan laga dalbaday ee ah in qofkii ku soo dega ama, kii kalana amniga ku wargeliyaan waa wax caadi ah, ee cid guura dhahday ama takoortay ma jirto, waa dad Soomaaliyeed, oo xuquuq leh”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af-urur ee gobolkaasi, halkaa oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab. Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saakay ku baxay deegaankaasi, waxaana isaga baxay kuwa Al-shabaab, iyadoo aan lasoo sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Saraakiisha ciidanka Puntland hoggaamineysa ayaa sheegay in haatan ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah. Ciidamada Puntland ayaa sabab aan la shaacin uga soo baxay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana markii ay halkaa kasoo baxeen la wareegay ciidamada Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlada Kenya ayaa xirtay Xuduud xeebeedka ay la wadaagto Soomaaliya Bada iyo dhulkaba Gobolka Lamu. Taliyaha Booliska Gobolka Lamu ee Dalka Kenya Mr Muchangi Kioi ayaa [...] Source
-
(SLT-London)-Guddi ka socota jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah dhexdhexaadnimo la’aanta laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay u gudbinayaan dawladda Ingiriiska. Guddidan oo magaalada London ugu warramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay go’aansadeen inay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ka dacweeyaan dawladda Ingiriiska, waxaanay soo bandhigeen qoraal dacwadeed furan oo ay ilaa hadda saxeexeen dad ku dhow saddex kun oo qof oo reer Somaliland ahi. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) isla markaana ahaan jiray Guddoomiyihii labaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in dacwadda ay wadaan ka dhallatay markii laanta afsoomaaliga ee BBC-du isu beddeshay mid u furan dacaayadaha ka dhanka ah Somaliland isla markaana ay ka leexatay dhexdhexaadnimadii laga doonayey inay ugu warranto Soomaalida. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) wuxuu tilmaamay in dhowaan laanta Afsoomaaliga ee BBC-du ay sii deysay war ka dhan ah siyaasiga Nigel Farage oo ku xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka Yurub oo ay sifeeyeen in xagjiriinta Yurub ay taageereen Somaliland, kaasi oo cadaawad lagaga dhex dhalinayo Somaliland iyo bulshada reer Yurub. Mustafe Shiine Wuxuu tilmaamay inay BBC-du siyaasigaas Ingiriiska ah ay BBC-du u cambaareysay inuu taageeray qaddiyadda Somaliland sannadkii 2015kii oo uu madax ka ahaa xisbigii la odhan jiray UKIP. Waxa kaloo uu jaaliyadda Somaliland ee UK ugu baaqay inay saxeexaan galdac-wadeedka ay diyaariyeen ee lagu difaacayo danaha Somaliland. Sidoo kalena, La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Saxaafadda Khadar Cali Gaas iyo Cabdalla Saalim oo ka mid madaxda Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ayaa ka warramay dhexdhexaad la’aanta Idaacadda BBC-da iyo Dacwadda ay gudbinayaan. Source
-
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 loogu oggaaladay in uu kamid noqdo Hoballada Waaberi , Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac). Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada Waaberi. Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barrow. Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u magacaabay fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) Agaasimaha wax soo-saarka iyo Howl-galinta Hobolada Qaranka Waabari. Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) ayaa deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Boorame ee Gobolka Awdal, waxaana xusid mudan inuu dhowr mar cadaadis kala kulmay xukuumadda Somaliland, iyadoona xitaa gurigiisa magaalada Boorama lagu weeraray. Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo kaga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barrow. Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran. Source
-
Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan dib u dayactirka buundada weyn ee degmadaasi, taa oo burbur uu ka muuqdo. Xasan Maxamed Cali, guddoomiyaha degmadaasi oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Buurdhuubo iyo maamulkooda ay si iskaa wax u qabso ah ku dhisi doonaan buundadaasi. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in buundadan burburka ay soo gaarsiiyeen gaadiidka waaweyn ee ciidamada , taasina ay keentay in hadda marka la marayo aysan dadku ku qabin dhiiranaan. Dhinaca kale, guddoomiye Xasan Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Buurdhuubo, isaga oo hay’adaha samafalka ah ka dalbaday iney u gurmadaan barakacayaasha ku nool degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/gudoomiyaha-degmada-buurdhuubo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka weyn Nimcaan C/raxmaan Hillaac ayaa maanta loo magacaabay xil cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye. Wareegtada ayaa Nimcaan C/raxmaan loogu magacaabay Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, waxaana xilkaasi laga qaaday Maxamed Xasan Barrow. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo xilka looga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , ayaa sidoo kale Maxamed Xasan Barroow loogu magacaabay lataliyaha Wasiirka ee arrimaha horumarinta Fanka. Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa kamid ah fanaaniinta da’da yar ee soo caan baxii sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna fanaankan isaga soo tagay magaalada Hargeysa uu kunoolaa kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay maamulka Somaliland. Wuxuu kamid yahay fanaaniinta loogu taageerada badan yahay dalka, isagoo leh dabeecad wanaagsan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dalka Turkey. Intii uu ku maqnaa dalka Turkey waxaa soo shaac baxay mooshin ka dhan ah oo ay wadeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, walow mooshinkaasi uusan noqon mid sii socda. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka, isaga oo muujiyay taageerayaasha uu ku dhex leeyahay baarlamaanka. Xubnaha guddoomiye Muudeey kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku jira wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano so dhow loogu xagliyo inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxtooyada Soomaaliya. Soo dhaweynta nuucan ah ayaa u muuqatay mid dhoolo tus ahaan loo sameeyay, Gudoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka ayaan waagii hore sidan loo soo dhaweyn jirin, mana loo soo bandhigi jirin warbaahinta soo dhaweyntooda marka ay dalka kusoo laabtaan
-
Beeraleyda ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa cabsi ka qaba in Wabiga Shabelle uu kusoo fataho magaaladaasi. Cabsida waxaa keentay biyaha Wabiga oo si xooggan ku socda, waxaana bilowday carro tuur ay sameynayaan dadka beeraleyda ah. C/laahi Tabliiq oo ka mid ah beeraleyda Sh/dhexe ayaa u sheegay Goobjoog News, in dedaal xooggan ay wadaan, laakiinse ay ka baqayaan in biyaha ay kasoo dul boodaan carro tuurka ay wadaan. Sidoo kale, C/laahi ayaa sheegay gurmadkan ay wadaan oo kaliya dadka shacabka ah, oo aanay jirin cid maamulka Sh/dhexe ah oo ka qeybqaadanaya carro tuurkan. Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay ayaa ku fatahay deegaanno qiyaastii 3-km u jira magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo lagu qaboojinayo xiisadda maalmahan dambe ka taagneyd magaalada B/weyne. Nabadoon Cilmi Hagar Guurre oo ka mid ah waxgaradkan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ka waxgarad ahaan ku dedaalayaan iney xaaladda dedejiyaan, lana kulmaan cid walbo oo arrintaasi quseysa. Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dhaqanka markii ay isku yimaadaan ay caddeyn doonaan go’aankooda kama dambeysta ah iyo waxa ay ka qabaan Hirshabelle. Dhanka kale, Nabadoon Cilmi ayaa sheegay in markii horeba gobolka Hiiraan si awood ah loogu daray dowlad goboleedka Hirshabelle. Guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka horyimid xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/nabdoon-cilmi-hagar-guure-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Col. Saciid Cawil Jaamac Caarre oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa gebi ahaanba beeniyay war ka soo baxay Somaliland oo sheegtay in uu debadda u dhoofayo kadib markii ay ka soo xeroodeen ciidamadii raacay. Taliye Caarre ayaa sheegay in uu ka been-abuurtay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro” balse Caarre ayaa wacad ku maray in uu tallaabo adag ka qaadi dooono Tiimbaro islamarkaana gurigiisa ku weerari doono. Sidoo kale wuxuu golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ka dalbaday in ay xil ka qaadis ku sameeyaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iy wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed. Biixi iyo Kaahin ayuu ku tilmaamay laba gacan-ku’dhiigle oo dadkii baabi’iyay waxaana uu hay’adaha caddaaaladda dunida ka codsaday in sharciga la mariyo labadaaasi nin. Hadalka Col. Caarre ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland uu sheegay in ciidankii jabhadda Caarre ay dib ugu laabteen Somaliland isagiina keligiis joogo magaalada Qardho oo sida uu sheegay debadda uga dhoofayo. PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo sheegay in uu gurigiisa ku weerari doono mas’uul ka tirsan Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Saleebaan Cali Koorow annaguna macaamiisha uu Siciid M. Gahayr sheegay waa ku jiraa ee ogow (reer oodweyne). Waxaan akhristey maqaal si xikmadi ku jirto oo waano, wax sheeg, taariikho iyo tudhaalo ka dhaxaysay reer Sool iyo reer Sallaxley waqtiyo hore oo uu ku faro-yareystay hal abuurka, xikmaawiga da,da yar ee Siciid M. Gahayr. Siciid M. Gahayr wuxuu Saleebaan Cali Koore wasiirkeenna biyaha uga codsadey si reer magaalnimo iyo ilbaxnimo ah oo asluubeysan in aanu dadka deegaanka reer Sallaxley oo xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ku luggoyn jireen mashaariic ku kooban dhagxaan meel lagu TUULO iyo ciid MAJARAFADO intoo la dardaro aan dib loogusoo noqon, inuu wasiirka oo dhawr jeer la iskasoo horreysiiyey oo nimanka ilma KALATUUR ee isu yaqaan KULMIYE ku guureen uu markan xishoodo oo uu ka joogsado inuu ceebtaas fashilantey sumcaddiisa ku waayo. Weliba Siciid M. Gahayr wuxuu wasiirka tusey in reer Sallaxley waqtiyo hore abaal ku lahaayeen reer sool oo xeegaani jirtey. Haddaba, annagoo reer Oodweyne ah ayaa arrinkaas aqoonyahan, qoraa sare Siciid yare uu wax na tusey. Waayo wasiirku waqti ku ogog leh 2018 badhtankeedii ayuu deegaanka XAAXI inkastoo uu la socdey wasiirkii hore ee maaliyadda oo beesha deegaanka kasoo jeeday haddana wasiirku wuxuu ballan-qaadey lacag uu yidhi waa NUS MILLION DOLLAR oo dayuurad baa siddey oo gobolka Daadmadheedh ayaa immika wax loogu qabanayaa taasoo noqotey sheeko baraley. Weliba qodaalkii XAAXIYEED oo isagoo aan laba bilaabin aad ku FAANTEEN ee aad tidhaahdeen isku filaanshiiyo xagga beeraha ah ayaynu gaadhney isna dib umaanu arag inkastoo aad ku marmarsooteen roobkiibaa seejiyey, ceebtiisuse hadhi mayso waayo waad ka dhaqaaqdeen. Ugu danbeyn reer DAADMADHEEDH waxay ku leeyihiin minfadlak naga xishood oo been danbe yaaney noogu kaasoo dhiibin ILMA KALATUUR habaar bey qabaane, adiguna waa halkii Siciid M. Gahayre macmiishaanu ku jirnaaye sidaas ka warhey, oo yeynnaan riwaayad isula iman. Murbadle Maradheere. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan dalka Kenya, waxaana sii korortay cabsiga laga qabay weeraro ay ka geystaan gobolka waqooyi Bari dalka Kenya. Ku dhawaad 40 Dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dalka Kenya, waxaana warbaahinta Kenya ay shaacisay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay. Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in hay’adaha Sirdoonka Kenya ay ka heleen macluumaadka ku saabsan in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya. Kooxda ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhuumanayaan magaaladda Lafey ee ismaamulka Mandheera, waxaana laga cabsi qabaa in ay qaadaan weerarro aargoosi ah oo daba socda Sarkaal todobaadkii hore looga dilay tuulo lagu magacaabo Dawaduba. “War aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxdu ay doonayaan in hub looga furtay Dawaduba dib loogu soo celiyo 24 saac gudahood, haddii kale ay caradooda kala dul dhici doonaan Bulshadda deegaanka” ayaa laga aqriyay warka sirdoonka Kenya laga helay. Sirdoonka Kenya ayaa laamaha amaanka la wadaagay macluumaadka kooxda gudaha u gashay Kenya, waxayna sidoo kale kaga digeen inay yareystaan macluumaadka lala wadaagay laamaha amaanka Kenya. Taliyaha Booliiska Mandera Jeremiah ole Kosiom ayaa shegay in ay ka warqabaan in Al-shabaab ay deegnadda Mandheera hoosta ku dhuumanayaan wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan. Todobaadkaan Kenya ayaa gabi ahaanba joojisay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo laga baqayo weeraro Al Shabaab ay geystaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Ciidamada Daraawiishta Puntland oo dib ula wareegay Af-Urur
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo aad u hubaysan ayaa dib ula wareegay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Tuulada Uf-Urur oo ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka baxeen todobaadkii hore ayaa waxaa maalmo kadib qabsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab balse ciidamada ayaa mar kale dib ula wareegay. Malayshiyaadkii Al-shabaab ayaa sida la sheegayo ku laabtay buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta tuulada Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada Daraawiishta Puntland oo dib ula wareegay Af-Urur appeared first on Puntland Post. -
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno, arrintaas oo maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka koonfur galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”. Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” . Ibraahim Jeekey mar uu ka jawaabayey, sow arrintaas takoor ma aha waxaa uu yiri “Maya, qofka oo halkan yimaado waa lala socdaa, dammiin waa la weydiiyaa, xataa dadka gobolladaas ka soojeeda ee deggan Guriceel horay ayaa arrinkaas loogu sheegay, oo ay dhaqan-geliyeen, wax cusub ma aha, oo iyaga ayaa raali ka ah, waad hubsan kartaa”. Goobjoog News waxaa kale oo ay weydiiyey sida dadkaasi looga arko deegaanka “Walaal dad ajnabi kama aha halkan, Guriceel ganacsiyada ugu badan haatan iyaga ayaa ku leh, keliya ganacasato ma ahee rixim ayey noqdeen iyo qaraabo, arrintan laga dalbaday ee ah in qofkii ku soo dega ku soo wargeliyaan, kii kalana amniga ku wargeliyaan waa wax caadi ah, ee cid guura dhahday ama takoortay ma jirto, waa dad Soomaaliyeed, oo xuquuq leh”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Iyadoo shalay ay safar gaaban ku timid magaalada Muqdisho dalka Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide ayaa waxaa durba soo if baxaya su’aalo ku saabsan safarkeeda. Mudadii ay ku sugneyd magaalada Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadatay Madaxda dowladda Soomaaliya, sida Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa iyo Wasiirro. Inkastoo aan la soo bandhigin qodobada dhab ah ee ay isla soo qaadeen, hadana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inay wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo mashaariicyo ay Norway ka fulineyso Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay qeyb ka tahay ajandayaasha lagaga hadlayo Madasha Oslo Forum ee toddobaadka soo socda furmaya. Mrs Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ka hor inta ayna Muqdisho soo gaadhin waxay soo martay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulantay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma. Haweeneydan ayaa diyaaradda shalay keentay Muqdisho waxay aheyd diyaaradda 540 oo laga leeyahay dalka Kenya. Waxaa soo baxaya shaki ku saabsan in safarkeeda uu qeyb ka ahaa arrinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan muranka dhinaca Badda oo qeyb ahaan Norway ku lug leedahay, maadaama Shirkad laga leeyahay dalkeeda ay sahmin ku sameysay dhulka badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale waxay muddo ku riixeysay Kenya dhulka badda ee la rumeysan yahay in Shidaal ku jiro. Norway ayaa u muuqata mid xilligan ciyaareysa door ka weyn kii ay hore ugu laheyd Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la sheegay inay in muddo ah isha ku heysay arrimaha shidaalka Soomaaliya. Source
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano hoostaga gobolka Bari ee maamulkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemaya deegaano dhaca dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi. Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay gaareen deegaano la tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal uu qarxo halkaasi. Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka maamulka Puntland. View the full article
-
Qaran News
-
PRESS RELEASE Security Council Renews Measures to Implement Arms Embargo against Libya for Another Year, Unanimously Adopting Resolution 2473 (2019) The Council extended authorizations set out in resolution 2420 (2018) NEW YORK, United States of America, June 11, 2019/ — The Security Council today renewed measures designed to implement the arms embargo against Libya for another year, in particular those authorizing Member States to inspect vessels on the high seas off the country’s coast when reasonable grounds exist to believe they are violating the ban. Unanimously adopting resolution 2473 (2019) under Chapter VII of the Charter of the United Nations, the Council extended authorizations set out in resolution 2420 (2018). It also requested the Secretary-General to report within 11 months on the text’s implementation. During a brief debate, Council members, underscoring the need to keep the embargo in place, reiterated calls for an immediate ceasefire in Libya, emphasizing that there is no military solution to the conflict. The representative of the United Kingdom, the text’s main sponsor, echoed other speakers in urging a return to dialogue and a political process facilitated by the United Nations. The speaker for France noted that, despite a temporary suspension of Operation Sophia, the European Union naval force established in 2015 to combat human smuggling in the Mediterranean, the operation remains active. Côte d’Ivoire’s representative expressed concern about the scaling down of Operation Sophia’s naval assets, calling on participating countries to make equipment available. Also speaking today were the representatives of Belgium, South Africa, Germany and Indonesia. The meeting began at 10:05 a.m. and ended at 10:22 a.m. Statements STEPHEN HICKEY (United Kingdom), the main sponsor of the text, expressed concern over reports of weapons entering Libya and reminded all Member States of their obligations under resolution 1970 (2011). He called on all parties to respect the arms embargo and desist from any actions that might hinder a United Nations-facilitated dialogue. Emphasizing that there is no military solution to Libya’s challenges, he called for an immediate ceasefire, humanitarian access and a return to talks, adding that a United Nations-led political dialogue is the only way to achieve the stability and security that Libyans deserve. MARC PECSTEEN DE BUYTSWERVE (Belgium), voicing support for extending the embargo, denounced its systematic violation. Describing the embargo as indispensable, he said there is no military solution to the situation in Libya. Agreeing with the representative of the United Kingdom, he called for an immediate ceasefire and a return to dialogue under the aegis of the United Nations and expressed the hope that the Council will state its position as soon as possible. ANNE GUEGUEN (France) said her country is extremely concerned about the situation in Libya, especially with regard to the ongoing fighting and the potential effects for countries in the region. She reiterated France’s call for an immediate ceasefire with no preconditions, with the parties committing to a dialogue facilitated by the Special Representative of the Secretary-General. Respect for the arms embargo is more necessary than ever, she said, adding that, despite a temporary suspension, the European Union’s Operation Sophia remains active. JERRY MATTHEWS MATJILA (South Africa) said it has been two months since the crisis in Libya started with none of the parties respecting the Council’s call for a ceasefire. Only through a national dialogue process can the conflict be resolved, he said, strongly urging Member States to fully implement the embargo measures. He reiterated that for his country, sanctions are a tool to advance a political process and must not affect humanitarian assistance. KACOU HOUADJA LÉON ADOM (Côte d’Ivoire) welcomed the unanimous adoption of the resolution, which comes at a time when security and human rights conditions in Libya are deteriorating. The embargo provides vital assistance to efforts to bring about a ceasefire, which is a precondition for relaunching negotiations and the political process. Expressing concern about the scaling down of Operation Sophia’s naval assets, he called for participating countries to make equipment available to the military operation. JUERGEN SCHULZ (Germany) noted important progress made through Operation Sophia. The arms embargo is more important than ever, he said, stressing that the supply of weapons fuels an erroneous conception that military force can solve the crisis. Expressing support for the Special Representative of the Secretary‑General, he stressed that it is time to redouble efforts towards a political settlement. DIAN TRIANSYAH DJANI (Indonesia) called for efforts to restart political mediation as the situation can be solved only through a political process. Civilians in Tripoli must be protected. While expressing concern about the safety of United Nations personnel, he urged all parties to respect humanitarian law and human rights law. His delegation voted in favour of the text to show that the Council is unified in its efforts to silence the guns in Libya, expressed hope that today’s action will lead to a political process. Distributed by APO Group on behalf of United Nations – Security Council. SOURCE United Nations – Security Council Qaran News
-
(SLT-Khartoum)-3 xubnood oo ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka oo ay toddobaadkii hore xidheen Ciiddanka Ammaanka ee Suudaan ayaa la sheegay in shalay loo masaafuriyey dalka Koonfurta Suudaan. Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan ee TMC ayaa la sheegay inay amreen masaafurinta xubnahaasi ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xorreynta Suudaan ee reer Waqooyiga ee SPLM-N. Madaxa Dhaqdhaqaaqaasi, Yaasir Carmaan, Xoghayaha Gud ee SPLM-N, Ismaaciil Jalab iyo Afhayeenka Dhaqdhaqaaqaasi, Mubaarak Ardol ayaa la sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Khartuum shalay laga saaray Diyaarad Millieri oo ku sii jeeday caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba. Xubnahaas la masaafuriyey waxay ka mid ahaayeen xubnihii Isbahaysiga Mucaaradka Suudaan ee Jimcihii kulanka la qaatay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo isagu dhexdhexaadinayo Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka iyo Dibadbaxayaasha Dhaqdhaqaaqa SPLM-N waxay qeyb ka ahaayeen Kooxaha Mucaaradka ugu waa weyn ee qeybta ka ah Isbahaysiga kaalinta ka qaadanayo in Xukuumad Rayid ah lagu wareejiyo Talada dalka Suudaan o oay haatan maamulaan Golaha Milliteriga ee TMC. Wararka kale ee ka imaanaya dalkaasi waxay sheegayaan in shalay laga wada jaray dhamaan Khadadka Internetka ee laynka ah (Internet Lines)ka ee guud ahaan dalkaasi. Tallaabadaasi ayaa timid hal isbuuc kadib, markii dhamaan Adeegii Internetka ee Mobaylka hawada laga wada saaray. Shirkadda Sudatel ee bixisa Khadka Internetka ee Laynka ee dalka Suudaan waxay shalay galab wada joojisay Adeegii Internetka ee caasimadda dalkaasi ee Khartuum, taasi oo caqabad ku noqotay Safaaradaha, Hotelladda waa weyn iyo Xafiisyadda. Waana markii ugu horreysay ee ay Shirkadda Sudatel jaraan dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi Tallaabadda lagu jaray guud ahaan Khadadka Internet-ka ee dalka Sudan waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Shaqo-joojin baahsan maalintii 3-aad ka jirto caasimada Suudaan iy oqeybo ka mid ah dalkaasi oo looga soo horjeedo Golaha TMC ee hata Talada dalkaasi. Source