Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,602
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan. Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan. Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartannadii orodka ee Jabuuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalkeenna iyo dadkeenna u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.” Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go’aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  3. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxtooyada Puntland Ee Qardho kulan kula qaatay Maamulaha Mashruuca JPLG Mr Mark, sidoo kalena ka tirsan Hay’ada ILO. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho iyo Masuuliyiin kale. ILO ayaa laga yaaba inay mashaariicdii Somaliland u wareejiso Puntland. Dawladda Somaliland ayaa dhawaan eriday hay’addan caalamiga ah ee shaqaalaha Adduunka waxaanay ku eedaysay in xuquuqda Somaliland ay lunsadaan shakhsiyaad Soomaaliya u dhashay oo hay’adda ka shaqeeya. Source
  4. (SLT-Delhi)-Inta la ogyahay Afar Qof baa kulayl daran ugu dhex dhintay Tareen ay ku safrayeen Waqooyiga Dalka Hindiya. Women fetch water from an opening made by residents at a dried-up lake in Chennai, India, June 11, 2019. REUTERS/P. Ravikumar Kulaylkan ayaa Labadii Toddobaad ee u dambeeyay halkaasi ka taagnaa, sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi. Afarta Qof ayaa Geeriyooday Isniintii xilli ay ka soo safrayaan Caasimadda Magaalada Agra, waxayna ku socdeen Coimbatore oo Koonfurta Hindiya ku taalla. Afarta Qof ayaa Xaaladdoodu is beddeshay markii Tareenku muddo safrayey, nasiib-darro’se markii Xaaladdooda lagu wargeliyey Maamulka Tareenka ee la geeyay Cisbitaal nafba laguma gaadhin, sida uu sheegay Ajit Kumar oo ah Afhayeenka Maamulka Tareennada Hindiya. Kulaylka ayaa gaadhay 45 Degree deegaanka Jhansi oo ah Waqooyiga Gobolka Uttar Pradesh, ahna halka naftu ku qabatay afarta Qof ee Geeriyooday. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Soamliland ayaa sheegay in aan Cidina buuxinayn xubinimadii uu ka geeriyooday alle ha u naxriistee xildhibaan Cali Aareeye, oo todobaadkan ku dhintay waddanka Turkiga. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhammaadeen dhammaan xildhibaanadii kaydka ka ahaa ee xisbigii UDUB ee gobolka Awdal. Jagadaasi ayaa banaanaanaysa ilaa inta golaha wakiilada cusub la dooran doono. golaha wakiillada Soamliland ayaa la doortay sannadkii 2005 taas oo keentay in kaydkii xisbiyadu inta badan dhamaadaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Riyadh)-Gantaal ay Xuutiyiinta dalka Yemen ku dhufteen garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Sacuudiga ayaa maanta dhaawacay 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen. Sideed ka mid ah dadkaas ku dhaawacmay garoonka diyaaradaha Apha ayaa la dhigay isbitalka, sida uu sheegay afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Malki. 18-ka kale ayaa isbitalka laga saaray kadib markii ay heleen gargaarka deg degga, sida lagu sheegay bayaanka oo ay sii daysay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Duulimaadyada garoonka Apha ayaa dhowr saac hakad galay ka hor inta aysan dib u billaaban. Apha oo ah caasimadda gobolka Asir ee buuraleyda ayaa ah meel ay qabow u raadsadaan dadka Sacuudiga ee ka cararaya kuleylka darran ee magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira saddex dumar ah oo mid ay u dhalatay India, iyo laba caruur oo Sacuudiyaan ah. Weerarka maanta ayaa imanaya ayadoo Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ay shalay dhexda ka qabteen laba diyaarad oo drone ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Cabdiraxmaan Cadami Oo Ayaan-darro Ku Tilmaamay In Xukuumadda Somaliland Ay Eriday Hay’adda Qaramada Midoobay Ee ILO, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartannadii orodka ee Jabuuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalkeenna iyo dadkeenna u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.” Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go’aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka. Villa Somalia Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Jigjiga)-Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani Ayaa Kulamo Kula Qaatay Magaaladda Jigjiga Wasiirada Hawlaha Guud Iyo Madaxtooyada ee Dawladd Deegaanka Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Daadhi ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya, halkaas oo soo dhaweeyey. Agaasime Cabdiraxmaan Cabdilaahi Wirdaani Dhanka wuxuu la kulmay Wasiirka Hawlaha Guud ee Dawladd Deegaanka Somalida Dr. Abdifatah Sheekh Biixi, Dhanka Kale Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani waxa Caawa casho sharaf usmeeyey Wasiirka Madaxtooyadda Dawladd Deegaanka Somalida Mr. Xasan Daadhi. Ugu Danbeyn Agaasime Cabdiraxmaan Wirdaani Ayaa Umaahdnaqey Masuuliyiintii kala duwanayd ee soo dhaweysay. Isagoo qoraal uu Facebook usoo dhigay ugu mahadceliyey Masuuliyiintaa. Isagoo ku sheegay “dad gobonimo iyo ilbaxnimo gaamurtay leh, isagoo ku amaanay horumar weyn ka tisqaaday Dawladda Deegaanka Ee ay horseedka uyihiin, iyo kor ukaca ku socda dhaqaalaha deegaanka. Wuxuuna xoog ugu amaanay isku socoda xuduudaha iyo nabadgalyada ka dhalatay deegaanka”. Agaasime Cabdiraxmaan Cabdillaahi Wirdaani ayaa ilaa hadda safar Kujooga Magaaaladda Jigjiga. Source
  10. Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maxamed Cabdi waare ayaa Waxana Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali muxumed Caraale. Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Waare ee magaalada Beledweyne oo uu dhowr maalmood ka hor safar dalka Kenya ah ugaga ambabaxay ayaa waxaa ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay ka socdeen banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle. Dadka banaanbaxayay oo taageersan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku gubayay wadada laamiga ah lugo baabuur. Shalay dagaal Khasaare geystay ayaa duleedka Magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Yuusuf Dabageed iyo Ciidanka Amaanka Hirshabeelle. Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr. Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  11. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Warbaahinta la hor-yimid Waraaqo ay ku qoran yihiin qorshaha Maraykanku kula Macaamilayo Mexico oo Mujaahiriin badan uga soo gudbaan dhanka Maraykanka. Madaxweyne Trump ayaa ka gows-adaygay inuu la wadaago Waraaqaha uu Gacanta ku hayey waxa rasmiga ah ee ku qoran waxaanu ku sheegay inay yihiin Sir. Warbaahinta ayaa Sawirro ka qaadday Madaxweynaha oo lulaya Waraaqaha uu sheegay in waxyaabaha ku qoran yihiin sir. Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Mexico Marcelo Ebrard ayaa Isniintii sheegay in Dawladdiisu muddo 45 Maalmood gudahood ah ku muujin doonto awood u leedahay inay xakamayso Muhaajiriinta ka soo gudba Xuduudka Maraykanka. Laanta Afka English-ka ee BBC-da ayaa sheegtay in Qorsheyaasha labada dhinac doonayaan ku wada shaqeeyaan inay tahay in Mexico laga dhigo mid Muhaajiriintu ku nabad-geli karaan, si loogu dhegaysto dalabkooda Magangelyo-doonimo, halkii wakhtiyadii hore loogu dhegaysan jiray gudaha Maraykanka, markay dhankiisa u gudbaan. Muhaajiriinta uu Maraykanku khaatiga ka joogaa maaha kuwa reer Mexico keliya, balse waxa jira Muhaajiriin kale oo ka soo Tahriiba Dalalka Laatiin Ameerika, kuwaasi oo soo dhex mara Mexico, sidaasi darteed baa si Mexico kuwaa uga hor tagto waxay Lix kun oo Ciidammadeeda ah geysay Xuduudka ay la wadaagto Guatemala. Source
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaano ku soo sameeya u saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka [...] Source
  13. Abal (Caasimada Online) – Degaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaa ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari, kuwaas oo ka tirsan Ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu- Mansuur oo laba sano ka hor isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya. Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas uu sameeyay ku dhowaad 10 sano ka hor Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada Abuu Mansuur ay helaan taageero caalami ah oo dhan kasta ah, taas oo fududeestay in ay ku sii jiraan difaac adag xataa hadii la xiray Abuu Mansuur oo ahaa hogaamiyahoodii degaankaas ku abuuray. Baaritaan dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay in ciidamada Sheekh Mukhtaar ay gacanta ku heyso dowladda Mareykanka islamarkaana ay bixiso wax kasta oo ku baxa. Waxyaabaha ay sida joogtada ah u helaan ciidamada Abuu Mansuur waxaa kamid ah mushaar ku filan, qalab ciidan iyo garaam ku filan. Sidoo kale ciidamadaan ayaa laga caawiyaa dhinaca xogta iyo hadii ay dagaalo galaan. Warar-ka ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa qeyb ka ah in diyaaradaha Mareykanka iyo Taliska Africom ay amar ku qabaan in ay difaacaan weerar kasta oo ay Ciidamadaasi la kulmaan. Ciidamada Abuu Mansuur isbaaro uma taalo, canshuur ama lacag kale dadweyne kama qaadaan xoolo malahan mana jirto meel ay ka soo gasho lacagta ay qaataan oo aan ka aheyn taageerada Mareykanka. Hadda uguma horreyso in Mareykanka uu taageero Ciidamada Abuu Mansuur balse waxay Caasimada Online ogaatay sanadihii dambaba uu halkaasi ku caawin jiray Taliska Ciidmada Mareykanka ee Soomaaliya kuwaas oo loo soo gaabiyo Africom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Warqad ka soo baxday xafiiska Cali Salaad ayaa lagu sheegay in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in la helo qof xilkan buuxiya Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed loo magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal. Sidoo kale ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal ayaa la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay amniga iyo arrimaha ganacsatada Koonfur Galbeed sida warqadda ku cad. PUNTLAND POST The post Puntland oo xil u magacowday nin ka soo jeeda Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  15. Baladweyne (SMN) – Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka Amisom la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay ka dhacday halkaasi. Goobaha ay la wareegeen Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ,Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Dhinaca kale, Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa haatan gaaray Magaalada Baladweyne, waxaana lagu wadaa in sidoo kale uu halkaasi tago guddi uu xaqiiqa raadin ah oo ka socda Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Soomaaliya. View the full article
  16. Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug oo horay uga soo goostay maamulkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii Jabhadani ay weerartay fariisin Ciidanka S/land ay ku leeyihiin agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, walow aan la xaqiijin karin inta uu le’gyahay. Labada dhinac ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay iska hor imaadkan oo socday muddo ka badan hal Saac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa koonfur bari deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. View the full article
  17. Baardheere (SMN) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Wasiir Goodax Barre ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya wasiirada waxbarashada ee maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qeybaha kala duwan, maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo ayaa wafdigani ku soo dhaweeyay halkaasi. Ujeedka ay xubnahani u tageen Baardheere ayaa lagu sheegay in ay la xariirto Jaamacad cusub oo laga furayo gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay qeybo ka mid magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo cusub oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan. Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay u difaacaan. Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga saarayo Al Shabaab, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan. Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan. Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ballan-qaaday in ciidamadu si joogtaa xuquuqdooda u heli doonaan appeared first on Puntland Post.
  20. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso howlgalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab si ay uga caawiso dowladda Federaalka xasilinta dalka Soomaaliya. Warkan ayaa laga soo saarey kulanka ay shalay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa Thomas Waldhauser oo wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. “Taageeradda amni ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waa mid muhiim u ah dedaallada lagu caawinayo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo nabada iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri Donald Yamamoto. Donald Yamamoto ayaa intaasi ku daray in amniga Soomaaliya uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka Geeska Africa, iyo in shacabka Soomaaliyeed dhistaan mustaqbal wanaagsan. Wadahadallada mas’uuliyiinta Mareykanka iyo dowladda Federaalka ayaa diirada lagu saarey horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ciidamada amaanka Soomaaliya iyo xulufadooda ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab si loo abuuro jawi nabdoon. View the full article
  21. Two Al-Shabaab militants on Wednesday surrendered to Kenya Defense Forces at the notorious Gedo region in Somalia, few miles from Kenyan border, it has emerged. Interestingly, the incident takes place four days after intelligence reports from NIS indicated that over 40 militants had crossed to Kenya from Somalia and are planning a retaliation on Kenyan soil. According to the reports, the militants had given an ultimatum to have their weapons returned after being confiscated by Kenya security forces at Dawaduba last week. Intelligence report shared on Thursday showed that the Al-Shabaab militants had crossed into Mandera County’s Lafey area. “Unconfirmed reports indicate that the militant group has given an ultimatum that they want weapons recovered from them in Dawaduba returned within the next 24hrs or they will vent their anger on the local community within Lafey sub- county,” reads the report. The two could be resourceful since they have connections to Al-Shabaab detention camps and intelligence. It’s in Gedo region near El-Adde that two Cuban doctors who were abducted in Mandera are being held. Last month, elders from Mandera said the militants had asked for Sh150 million ransom but the Kenya government maintained that it does not negotiate with Al-Shabaab. View the full article
  22. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has laid the foundation stone for Somali armed forces textile factory in Mogadishu. The factory which will be managed by Somali custodian corps is expected to be completed by January next year. The Turkish funded industry is set to produce various types of Somali armed forces uniform and other non-arsenal products. Somali premier who thanked the Turkish government for the unwavering support urged the contractors to complete the work on time saying the establishment of the firm is key to Somali security. Somali armed forces depend on donated fatigues by friendly state since the previous textile industry was destroyed in the civil war that broke in the country. Turkish ambassador, Mehmet Yilmaz, Somali Defense Minister, Hassan Mohamed and army chief, general Dahir Elmi were also present during the foundation ceremony. View the full article
  23. The buses that transport Sauk Rapids-Rice Public Schools students come from a company built by refugee Tashitaa Tufaa, who was honored Tuesday with a state award. Source: Hiiraan Online