-
Content Count
208,681 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maalintii labaad dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Banaanbaxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa dhigaya shacab taageersan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusud Dabageed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan uu hakad ku jiro dhaq dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi. Dhinaca kale wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wafdigan oo isugu jiro Xildhibaano iyo guddi loo saaray shaqaaqada ka taagan Baladweyne ayaa u kuur gali doono, sida ay xaaladda tahay. Tan iyo markii xilka qaadista lagu sameeyay Dabageed waxaa xiisad u dhexeysa isaga iyo HirShabelle ay ka taagneyd Hiiraan, waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac ku dhintay taliyihii Boolsika gobolkaasi Gaashaanle dhexe Maxamed Macow. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidamada ammaanka Dalkeenna ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, si kor loogu qaado awoodda Ciidamada. Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay AMISOM taageerada joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan. Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-13062019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doorto Bariga Wajir, ayaa maanta weeraray xildhibaan Faaduma Geedi oo iyana laga soo doorto Wajir, kana wada tirsan yihiin baarlamanka Kenya. Rashiid ayaa la sheegay inuu Faaduma, oo ay Soomaali isla yihiin, uga daba yimid halka baabuurta la dhigto ee dhismaha baarlamanka Kenya, kadibna ay dhex-martay dood kulul ka hor inta uusan u gacan qaadin, xilli ay daawanayeen xildhibaano kale iyo ciidamada amniga. Rashiid ayaa la sheegay inuu Fataumo Geedi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamanka weydiiyey sababta aysan wax lacag ah ugu qoondeyn Bariga Wajir ee isaga laga soo doorto, intii lagu guda jiray booqasho guddiga ay halkaas ku tageen. “Waxay ahayd qiyaatsii 10-kii subaxnimo waxaan la socday xildhibaan Gladys Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo. Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo” ayey tiri Faaduma Geedi. Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeeray nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.” XIldhibaan Wanga oo la socotay Faaduma ayaa sidoo kale xaqiijisay in Rashiid uu garaacay. Xildhibaan Faaduma ayaa la geeyey isbitaalka Karen oo looga daweeeyey dhaawcayo fudud, waxayna kadib kiiskeeda u gudbisay booliska baarlamanka, sida ku cad warqadda lagu xareeyey dacwadda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay shaqadii ka erisay 37 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka guud ee Garoowe. Shaqaalahan la ruqseeyey ayaa isugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka howlgalieyey isbitaalkan. Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in shaqaalahan sababaha loo eryey ay tahay dayacaad dhanka shaqada ah iyo iney iska qaadanayeen mushaar aanay shaqeysan. Sidoo kale, waxaa jirtay cabasho ka imaaneysay dhanka dadweynaha, taasi oo ku aadaneyd habka shaqo ee isbitaalkan. Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa dhowaan waxay shaqadii ka erisay agaasimihii, agaasime ku xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee Isbitaalka Garoowe, sababo la xiriirta cabashada dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan waxay sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Laba Markab shidaalka oo uu saaka qaraxyo ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman. Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaalla dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen Labada Markab ee la weeraray, kadib markii ay ka heleen Qeylo-dhaan Gurmad-doon ah. Sidoo kale, Dowladda Cumaan ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxayna sheegtay in ugu yaraan hal Markab oo nooca Shidaalka ahaa lagu weeraray xuduud-baddeedkeeda Gacanka Cummaan. Ma kala cadda cidda sida rasmi ahaan u weerartay Maraakiibtaasi, iyadoo mid ka mid ah Maraakiibtaasi lagu sheegay in lagu magacaabo Front Altair, oo ay leedahay Shirkadda Fronrline ee dalka Norway. Markabkaasi waxa uu ku safrayey Calanka Jesiiradaha The Marshall Islands. Markabka kale ee lagu magacaabo Kokuka waxaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Sacuudiga, wuxuuna ku sii jeeday dalka Singapore Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijinin ayaa sheegay in Maraakiibtaasi lala beegsaday miino nooca Bir Labta iyo nooc Gantaal loogu talagalay inuu badda hoosteeda ka dusa. Qiimaha Shidaala ayaa la sheegay inuu sare u kacay 4.5%, markii la maqlay in maanta qaraxyo lala beegsaday 2 Markab oo waday Shidaal. Source
-
(SLT-Delhi)-Dawladda dalka Hindiya ayaa si rasmi ah uga codsatay dawlada Malaysia inay dib ugu soo celiso muwaadin dalkeeda u dhashay oo ah wadaad dadka wacdiya oo caan ah Dr Zakir Naik, kaas oo hadii dalka Hindiya lagu soo celiyo wajihi doona dacwado. Waxaana jira su’aalo Wasaarada arimaha dibada laga waydiiyey hanaanka cadaalada ee dalka India aanay ka jawaabin oo daba socday in warbaahinta aan wax jawaab ah laga siin eedaha sheegaya in Dr Zakir eedaha loo jeedinayo darteed aanu heli doonin dhagaysi cadaalad ah oo uu ka helo dalka Hindiya. Dalka Malasia ayaa Dr Zakir ku abaal mariyey inuu degenaansho rasmi ah uu ka helay Malaysia sanadkii 2015-kii, sida ay xaqiijiyeen wasiiro ka tirsan dalkaasi sanadkii 2017-kii. Waxaana tan iyo 2016-kii ay dawlada dalka Hindiya ay faylal ka dhan ah ku furtay Wadaadkan diinta Islaamka faafiya kaas oo ay ku tilmaantay inuu faafiyey hadalo nacayb dhalinya, waxaanay sidoo kale ay sheegeen inuu lacago la maydhay uu ku maalgaliyey shan urur oo argagixoso oo ay ka mid yihiin kuwii Makhaayad ku taala Dhaka Bangaladesh oo ay ku dhinteen 29 qof loo adeegsaday. Balse maalintii Isniintii Raysal wasaaraha dalak Malaysia Dr Mahathir Maxamed ayaa sheegay in aan loo gacan galin karin Dr Zakir dalka Hindiya hadii aanu xukun cadaalad ah aanu helayn. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Goobjoog ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi. Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi. Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, Ddabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle. Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/yuusuf-dabageed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee maamulka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay shaqsiyaad la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii maalin ka hor loo geystay taliyihiin qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay in ciidamada ay xabsiga dhigeen dadka dilka taliyaha ka dambeeyay. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dadkaasi ay baaritaano ku socdaan, islamarkaana kaliya laga doonayo inay cadeeyaan dadka ku amray inay falkaasi fuliyaan. “Waxaa hadda la hayaa dadkii dilay taliya, kaliya waxaa la doonayaa dadka faray inay falkaasi fuliyaan, waana lasoo qabanayaa, cidna looma dhaafayo waxii halkaan ka dhacay”ayuu yiri madaxweyne Waare. Xiisad ayaa wali ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaan soo farageliyay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee kusugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ku howlan sidii Yuusuf Dagabeed loogu qancin lahaa inuu xilkaasi wareejiyo, maadaama wareegto looga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan ay kala xiran tahay magaalada, xaaladuna ay tahay mid kacsan. Sidey soo sheegayaan wariyeyaasheenna, magaalada waxaan ka jirin isku socodka gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga. Dad isku soo baxay ayaa waxay taayero ku gubayaan waddooyinka B/weyne, iyadoo la ogeyn sidey xaaladdu ku dambeyn doonto. Magaalada B/weyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nottingham)-Leonard-Valter Tudor, 20,u dhashay wadanka Romania ayaa xabsiga loo dhigay inuu fal xattooyo ah ka gaystay ganacsi ku yaala dalka ingiriiska isagoo maalin kali ah joogay dalka. 20 jirkan ayaa u dhashay dalka Romania, markii u horaysay ayuu maalin jimce ah soo cago-dhigtay dalka ingiriiska, saacadihii ugu horeeyay ayuu isku dayay inuu shaqo raadiyo waxaana loo ballan qaaday shaqo ka jirta koonfurta Yorkshire oo ka tirsan England Uk, balse qof saaxiibkii ah ayaa sabtidii geeyay Nottingham ee ka tarisan isla England halkaasi oo ah meesha falka loo haystaa uu ka dhacay. Mr.Tudor ayaa galay tukaan caan ku ah dharka iyo waxyaabaha la mid ah oo lagu magcaabo TK MAXx, waxaa lagu eedeeyay inuu qarsaday shandad yar isagoo ku duubay warqadaha Almuniumka ka samaysan ee lagu dahaadho cuntada iyo alaabta si uu uga hortago aaladaha ilaaliyaha alaabta tukaanka taalla. askar banaanka joogtay ayaa qabtay Tudor, oo xabsiga u taxaabay waxaana lageeyay Maxkamadda Nottingham, oo ku heshay dambi kadib markii uu qirtay inuu xaday alaab qiimaheedu dhan yahay £508. Maxkamadda ayaa Amartay in ninkaasi loo diro xabsi dadka dhalinyarada ah loogu talo galay oo lagu hayn doono 4 bilood. Dad badan ayaa warkani ku arkay baraha Bulshada ayaa aad ula yaabay ninkani dalka uu maalinta koobaad soo galay xatooyada ku kacay, balse dadka qaar ayaa u garaabay wiilkani oo sheegay in laga yaabo in dhaqaale darro ay haysatto. Neil O’Sullivan, oo la hadlay jariidada Merto oo warkani daabacday ayaa sheegay in laga yaabo ninkaasi in duruufi haysay oo aanuu haysan lacag uu wax ku iibsado sidaasi awgeed oo falkaasi ku kacay. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi iyo sidoo kale rabshadihii ka dhacay B/weyne. Waare ayaa sheegay in shacabka B/weyne ay muujin karaan dareenkooda, balse aan la aqbali doonin in magaalada la fowdeeyo, lana abaabulo qalalaase. Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabelle ayaa tilmaamay iney ka war sugi doonaan Labada guddi ee DFS iyo Hirshabelle u kala magacaabeen xaqiiqo raadinta dhimashada taliyahii Booliiska ee qeybta gobolka Hiiraan iyo rabashadihii ka dhacay magaaladaasi. B/weyne ayaa weli waxaa ka jirta xiisad kacsanaan ah, iyadoo guddoomiyahii xilka laga qaaday, Yuusuf Dabageed oo wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in uu is difaaci doono haddii lasoo weeraro. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Madaxweyne-Waare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Moscow)-Boqolaal qof ayaa maanta dibadbax balaadhaan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Moscow ee dalka Ruushka kaasi oo looga soo horjeedo xadhiga saxafi ka shaqeeya baadhitaanada Qarsoon. Ivan Golunov oo mudo toddobaad ah xidhnaa ayaa la sii daayay shalay kadib cadho ka Dhalatay. Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay saraakiisha Booliska, sida ay ula dhaqmeen saxafigaan rug Cadaaga ah. Dowlada ruushka ayaa dib uga laabatay dhamaan dacwadihii ka dhanka ahaa Wariyahaan. Inkastoo la sii daayay wariyahaan ayaa dhanka kale taageerayaashiisa waxay qaateen in ay banaanbaxaan si ay uga dhiidhiyaan xadhiga loo geestay waxaana ay ugu baaqeen in la ciqaabo askartii ku lugta laheyd Ficilkaan. Booliska ruushka ayaa dhanka dibadbaxaan ku xidhay dhowr qof waxaana ka mid ahaa hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Alexei Navalny. Source
-
Maamulka Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalkaasi la seexiyey in ka badan 100 caruur ah oo ay soo riteen cudurada faafa oo ay ugu horreyso Jadeecada. Dr. Maxamed C/raxmaan oo ah madaxda caruurta ee isbitaalka Banaadir ayaa u sheegay Goobjoog, in sidoo kale ay jiraan caruur la jiifa Shuban Biyoodka, TB iyo Nafaqo darri. Kiisaskan ayuu sheegay in bishan ay aad usoo kordheen, islamarkaana dhankooda ay dedaal badan ku bixiyaan. Sidoo kale, Dr. Maxamed ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay isbitaalka seexiyeen caruur badan oo qaarkood dib loogu celiyey guryahooda. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- North Carolina)-Nin saddex arday oo Muslimiin ah ku dilay meel u dhaw jaamacadda University of North Carolina sannadkii 2015 ayaa lagu xukumay xabsi cimri daa’in ah. Craig Hicks ayaa toogasho ku dilay Deah Baraka oo 23 jir ahaa iyo Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd, dhallinyaradaas ayaana ahayd lamaane wax yar uun ka hor is guursaday. Wuxuu sidoo kale isla wakhtigaas magaalada Chapel Hill ee dalka Maraykanka ku dilay Razan Mohammad Abu-Salha oo ay walaalo ahaayeen gabadha kale taas oo 19 jirtay. Wuxuu qirtay saddex dambi oo ah dil heerka koobaad ah waxaana lagu xukumay cimrigaa ha ku furto. Hicks laguma helin dmabiyo nacayb la xiriira, inkastoo qoysaska dhallinyaradaas ay ku adkaysanayaan in loo bartilmaameedsaday diintooda darteed. Booliiska ayaa sheegay in dilkaasi uu ka dhashay muran ka billawday meel gawaarida la dhigto oo gurigooda ku hortaalla taariikhdu markay ahayd bishii Feebaraayo ee sannadkii 2015. Muuqaal aan horay oo la arag oo taleefan lagu duubay ayaa maxkamadda laga daaray, kaas oo laga arkay Hicks oo wajahaya albaabka guriga Barakat kuna eedaynaya in uu gaariga ka dhigtay booskii uu isagu lahaa. Muuqaalka ayaa sidoo kale laga arki karaa Barakat oo cod dagan kula hadlaya Hicks. balse Hicks ayaa rasaas furay ka dibna wuxuu toogtay labada gabdhood ee walaalaha ah. Arbacadii ayuu Hicks sheegay in tan iyo maalintii koobaad uu rabay in uu qirto dambigiisa. “Hadda ayayse dhacday arrintaas ka dib afar sano, afar bilood iyo labo maalmood markii laga soo wareegay.” ayuu yidhi sida ay ku warrantay warbaahinta CNN. Barakat ayaa sannadkii labaad dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah ka baranayay jaamacadda UNC, xaaskiisa Yusor ayaa iyaduna markaas uun ku biirtay iyadoo dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah billawday. Walaasheed Razan ayaa iyaduna naqshadaynta ka baranaysay jaamacadda North Carolina State University. Dilkan ayaa dhaliyay caro caalami ah, Barack Obama oo markaas madaxweyne ahaa ayaa dilka cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid arxan darro ah oo aad looga caroodo”. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladda ugu soo iibashada badan hubka laga soo bilaabo sanadkii 2014 illaa 2018. Sida ay sheegtay xog aruurin la sameeyey Sanadkii 2018, Dowladda Mareykanka ayaa sii waday in ay hubka ka iibiso dowladda Sacuudiga 88% marka loo fiiriyo dowladaha kale oo ay hubka ka iibiso. Intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018 Dowladda Sacuudiga ayaa iibsatay 22% hubka ay Dowladda Mareykanka suuq geyso, taasoo ah sare u kac aad u weyn marka loo fiiriyo sanadkii 2019-2013 oo ay aheyd 4.9%. Saanadaha Ciidamada ay Sacuudiga kasoo iibsato Dowladda Mareykanka ayaa waxay isugu jiraan Hub, Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha Dagaalka, Gataanlada Difaaca, Madaafiic iyo Maraakiib. Saanadaha Ciidamada oo ay Sacuudiga heshay 2014-2018 ayaa waxaa kamid ah 56 diyaaradaha dagaalka oo ay ka iibsatay Mareykanka, iyo 38 kale oo ay ka iibsatay Ingiriiska sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay International Peace Research Institute (SIPRI). Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheeneysa inay 2019-2023 Mareykanka kasoo iibsato 98 diyaaradaha Dagaalka, 7 Gantaalada difaaca ah iyo 83 Taangiyo. Sidoo kale Sacuudiga ayaa isla inta u dhaxeyso sanadahaas qorsheeneyso inay Canada kasoo iibsato 737 Gawaarida dagaalka ah, 5 Markab oo ay kasoo iibsan doonto Spain, iyo sidoo kale Gantaalada Balaastiga ridada gaaban oo ay kasoo iibsan doonto Ukrain sida lagu sheegay warbixinta SIPRI. 10-ka Dowladood ee ugu iibsashada badan hubka sanadihii 2014-2018 ayaa afar kamid ah waxay ku yaalaan Bariga Dhexe, Sacuudi Carabiya ayaa iibsatay 33% hubka loosoo suuq geeyo Bariga Dhexe, Masar ayaa iyadana iibsatay 15%, Imaaraadka Carabta ayaa iibsatay 11% halka Ciraaq ay iibsatay 11%. Source
-
Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi. Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi. Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, dabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/yuusuf-dabageed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com