Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,683
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka qaranka ee aagga bari Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in habeen hore ciidanka qaranka ee jiidda hore weerar lagu soo qaaday. Waxaanu taa bedelkeeda ku sheegay in maleeshiyo aan awood u lahayn in ay ciidanka qaranka ee fadhiismida hore weerar ku soo qaadaan in marka ay busaarad sadaan ay sameeyaan arrin ay marar badan wax ku heleen oo ay ku baadhaan dad dibadda jooga oo qurbe joog ah oo lacag ku bixiya marka ay yidhaahdaan Somaliland ayaan weerar ku qaadnay. Waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray dadka qurbe joogga ah ee lacagta ku bixiya marka ay maqlaan Somaliland ayaa la weeraray, waxaanu ku waaniyay in lacagta ay dhibaatada ku bixinayaan in ay dadkooda wax ku soo taraan. Waxaa kale oo uu warbaahinta uga digay in ay faafiyaan warar aanay iska hubin oo cid dan lihi meel ka tidhaahdo. Taliye Cali Barre oo wargayska Dawan waraysi kooban ku siiyay taleefanka isagoo ku sugan jiidda hore ee ciidanka qaranka ee gobolka Sool, ayaa yidhi. “Waxaan ka maqalnay warbaahinta ciidanka qaranka ee Jiidda hore ayaa la weeraray laakiin waxay ahayd cidda warkaa sii daynaysaa in ay ciidanku masuuliyiin ayuu leeyahay ee in ay wax ka waydiiyaan oo ay war sax ah raadiyaan, maanta qofku wuxuu doono ayuu iska sheegan karaa oo muuqaal iskaga soo duubi karaa laakiin xaqiiqadu waxay tahay in wax weerar ah oo aanu aragnay in aanu jirin, laakiin waxaanu ugu yaraan meel 8 KM u jirta ciidanka qaranka aanu ka maqalnay rasaas ay maleeshiyo yari ka ridday taas oo ah rasaas ay ridaan markay busaarad sadaan oo ay ku baadhaan dad qurbe joog ah oo ay wax kaga helaan marka ay yidhaahdaan Somaliland, ayaannu weerar ku qaadnay iyo waxbaanu ka qabsanay, laakiin waxaan kuu caddaynayaa in aanu jirin wax weerar ah oo aanu aragnay.” Taliye Cali Barre Xuseen oo hadalkiisa sii wata, ayaa farriimo u kala diray qurbe jooga balaayo doonka ah iyo warbaahinta, waxaanu yidhi. “horta waxaan leeyahay warbaahinta markaad doonaysaan in aad tebisaan war ciidanka ku saabsan waa in aad wax ka waydiisaan madaxda ciidanka oo aydaan iska qaadan wax kasta oo aad maqashaan, waayo? Qof kastaaba intuu wax iska soo duubo ayuu odhan karaa dagaal ayaanu qaadnay iyo meel heblaayo ayaan weerar ku qabsanay, dadka qurbe joogga ah ee beenta balaayo sheegga ah wax lagaga qaadanaya waxaan odhan lahaa dadkiinu rasaas meel laga riday lacag ku bixinteeda idiinkama baahna ee waxay idiinka baahan yihiin in aad wax u tartaan oo aad balliyo u qodaan oo aad dugsiyo u dhistaan oo aan noloshooda ka talisaan halka aad imika geeridooda ka talinaysaan.” Source
  2. Kusimaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay in mudda 24 saac gudahooda looga jawaabo, baahiyaha ka jira tuulada Af-urur ee gobolka Bari, gaar ahaanna adeegyada aas’aasiga ah, sida biyaha iyo caafimaadka. Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka, ayaa ku amray hay’adaha kala duwan ee sama’falka, in ay si deg deh ah uga hawlgalaan degaankaasi Af-urur. Go’aankan ayuu ku dhawaaqay, xilli guddoominayay shirka golaha wasiirada xukuumadda Puntland oo looga hadlay; Amniga dalka, Safarkii Madaxweyne Ku-xigeenka ee deegaanka Af-urur, Xaaladda Waddooyinka Puntland iyo Warbixino kale. The post Karaash oo amar ku bixiyay in mudda 24-saac gudahooda wax looga qabto adeegyada aas’aasiga ah ee Af-urur appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Paris)-Waxa lagu dhawaaqay waqtiga la qaadi doono dacwada lagu soo oogay gabadha la dalatay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiya Boqor Salman. Boqorad Hassa Bint Salman ayaa lagu soo oogay in ay ku amartay waardiyaheeda in uu garaaco nin loo shaqaalaysiiyay in uu qurxiyo hayga ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Gabadhan la dhalatay dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa wajihi doonta bisha soo socota Maxkamad la xariirta amarka ay ku bixisay in waardiyeedu garaaco ninkan shaqaalaha ah. Hassa bint Salman ayaa la filayaa in ay ka maqnaato dhagaysiga Maxkamada oo lagu wado in ay qabsoonto 9 July sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP. Dhibanahan ayaa loo qaatay in uu naqashadeeyo boqorada guriga qaaliga ah ee ay ku leedahay caasimada Faransiiska sannadkii 2016, ninkan ayaa muuqaalo sawirro ah ka qaaday gudaha qolka ay daganayd boqoradu, kadib boqorada ayaa ku eedaysay in uu doonayay in sawirrada ka iibiyo warbaahinta. Mudo yar kadib waxay sababtay in ay amarto waardiyaheeda in uu weeraro ninkan waxey ku qaylinaysay,”Dill isaga, Eyga, uma qalmo nolosha” Ninkan dhibanaha ah ayaa sheegay in wajiga laga dhaawacay, halka gacmaha laga xidhay ka hor inta aan lagu qasbin in uu Dhunkado ama Shumiyo lugaha boqorad Muddo saacaddo ah kadib, halka qalabkiisii lagala wareegay shaqadana laga eryay sideed casho. Waardiyahan hore ayaa loo xukumay sannadkii 2016 danbiyo isticmaal Hub, hanjabaadyo iyo in uu dad ka hor istaagay rabitaankooda. Boqorad Hassa bintu Salman ayaa iskaga carartay Faransiiska, halka dalabka warqadda dacwadda loo jaray in lagu soo xidho la soo saaray December sannadkii 2017, balse waqtigaas laguma guulaysan in lasoo qabto. Gabadhan ayaa la dhalatay dhaxal sugaha Sucuudiga Boqor Maxammed bin Salman. Haweenaydan oo ah 40 sano jirka ah ayaa warbaahinta Sucuudigu ku amaantay in ay shaqadeedu tahay caawinta iyo xuquuqda Haweenka. Boqorad Hassa ayaa ku noolayd wadada Avenue ee galbeedka caasimada Faransiiska, halkaas oo ah meel aad ugu fiican dalxiiska, waxa ku yaalla guryaha ugu qaalisan caasimada Faransiiska. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa la dareemayay inuu jeediyay khudbado badan kuwaas oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaasna aanu ku darayn wax talaabo ama qorshe ah oo arintaas ay xukuumadiisu ku wajahayso. Madaxweynaha oo si xogogaalnimo ah uga sheekeeya waxyaabo badan oo dalka dhibaatooyin ku haya oo uu qaarkood gaadhsiiyo aafo qaran ayaanu hadana soo bandhigin siyaasad xukuumadiisu ay ka qaadnayso ama ay ka qaadatay si dhibtaas wax looga qabto. Tusaale ahaan madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay khudbadii salaada ciida isaga oo shacabka Somaliland ku dhiiri galiyay in qofkii qof dila meel looga soo wada jeesto lana fuliyo qisaasta oo alle sheegay inay nololi aadmiga ugu sugan tahay, laakiin madaxweynuhu ma sheegin wax talaabo ah oo uu ka qaadayo dadka xabsiyada ka buuxa iyaga oo dil lagu xukumay ee sugaaya fulintiisa oo kaliyaata, waxaanu khudbada uu jeedinayay bishii lixdaad /4/2019 maalintii ciida uu yidhi, “ Umad ahaan waxaan isku dardaaraynaa dilka oo inagu batay oo ninkii wax dilay aad moodo In sidii islaamku ina faray aan loogu wada gurmanayn, oo dad kale siyaabo kale iyo qarqarin iyo la dhuumasho, alle ayaa inoo sheegay oo yidhi qisaasta aadmiyow nolol ayaa idiinku jirta, waxaynu isku dardaaraynaa dhamaanteen qofkii qof islaam ah badheedh u dila in aynu gacan ku soo wada qabano oo waxii kitaabkaas alle ku soo dajiyay la mariyo.” Bishii shanaad 26/2019 xaflada qalin jabinta ardaydii loo qaatay barnaamijka shaqo qaran waxa uu madaxweynuhu kaga hadlay dhibaatada dalka uu qaadku ku hayo, waliba waxa xusid mudan in khudbado aad u badan uu madaxweyne Biixi ku qeexay dhibaatada uu dalka ku hayo wali madaxweynuhu muu sheegin tallaabo uu ka qaadayo qaadka “ maalintu waa 24 saacadood markaad 18 saacadood qaad u fadhido oo caafimaadkaagii iyo naftaadiiba aad disho oo aad maskaxdaadii walaac galiso habeenkiina warwar iyo baqe aan aduunka jirin aad gasho aroortiina wax walba aad ka shakido oo aad tidhaahdo maxaa la qaban karayaa waxba la heli maayo waa layna waalayaaye caqligaas dadkuu galaa meel ma gaadhaan maantana dadkeena mushkiladaas ayaa ku badan waa inaan ka saarnaa. “ Madaxweyne Biixi bishii afaraad /17/2019 isaga oo ka dul hadlaayay aasaarta Laasgeel oo uu booqday waxa uu sheegay in Somaliland dalxiiska ay wax badan ka tabci karto laakiin talaabooyin xukuumadiisu xoojinta arintan ay ka qaadayso muu sheegin“ Goobaha taariikhda ah ee faraha badan ee magacyada badan aan u naqaano halkaas ka wada oo ilaa Saylac ka gaadha Camuudaas sodon sano ka hor suuqyada iyo guryaha oo dhan ayaa muuqday maantana baribaa la degay is odhan maysid, waxa ka mid ah Bulaxaar oo fooqyadu ciida hoosteeda ku jiraan waxa ka mid ah Calmadow imisa meelood ayaa ku yaala, waxaas oo dhami waxay u baahan yihiin in aynu isku xidhno oo wadooyin loo helo dadkuna u soo jeesto halkaas oo waxa yaala taariikh, aqoon iyo dhaqaale, dhaqaalaheenu waa uu kooban yahay waanan kori doonaa laakiin ahmiyad weyn ayaynu siin doonaa waxaana ka weyn in aynu dadka ku wacyigalino.” Bishii sadexaad /14/2019 waxa uu madaxweyne Biixi isaga oo la hadlaayay jaaliyada reer Somaliland ee Imaaraadka uu ka hadlay in dumuqraadiyadu ay tahay xoriyad hadal oo aanu gacan ka hadal ku jirin, laakiin madaxweynaha waxa hada u xidhan guddoomiyaha garabka dhalinayrada xisbiga mucaaradka ugu weyn Sidiiq Dhame oo madaxweynaha ku dhaliilay xaaladii degdega ahayd ee u uu ku soo rogay gobalka Sanaag “ Dumuqraadiyadu waa ay inagu cusub tahay dhaqankeena may ahayn waa laynoo dhiibay laakiin waynu jeclaanay, waxii rag ku heshiiyana Soomaalidu waxay tidhaahdaa ma qadhmuuna markaas dhibteeda inaan qaadano oo barano weeye, laba isku heli mayno dimuqraadi ayaan noqnaynaa iyo waanu coloobaynaa waan isku xanaaqaynaa waan is dilaynaa isma qabtaan, dimuqraadiyada afkaa lagu kala baxaa, dimuqraadiyada labadaas kursi ee iska soo horjeeda ayaa laysu dhigtaa sidii aynu odhan jirnay reer Xamarku Ganbadh ayay isugu fadhiistaan ganbadhkuunbaa laysugu fadhiistaa ee gacanta layslama gaadho. Madaxweyne Muuse Biix Cabdi oo xaaladaha dalka inbadan uga hadla si xogogaalnimo ah ayaan inta badan bulshada u soo bandhigin go’aamo uu gaadhay oo wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka is biirsaday ee Somaliland, waxaanu marar badan madaxweynaha hadalkiisu u muuqdaa in aanu isagu ahayn qofka haya maanta mindida daabkeeda ee looga fadhiyo dhibaatooyin badan oo Somalland ka jira siyaasadii lagu furdaamin lahaa. Source
  5. National Assembly Majority Leader Aden Duale has called for an amicable end to the ongoing diplomatic spat between Kenya and Somalia. Mr Duale said the two countries enjoy a long-standing bond that shouldn’t be undermined by a border dispute. Addressing journalists in Nairobi on Wednesday, the Garissa Township MP called on President Uhuru Kenyatta and his Somalia counterpart Abdullahi Farmajo to consider ‘brotherhood and neighbourhood’ in ironing out the sticky issues. “For the last three decades, Kenya has invested in Somalia in many fronts including security and hosting of refuges. Let’s not throw the baby with the bath water,” Mr Duale said. He, however, warned that Kenya’s territorial interests remain unconditional. “A lot is at stake and we need a prompt and amicable solution. The standoff is unhealthy. We have more issues to agree on,” he noted. The Majority Leader, who is the senior most Somali political leader in Kenya, said the matter currently before The Hague-based International Court of Justice may not be a sure solution to the maritime dispute. The two countries and not a third party, he said, hold the key to solving the border stalemate once and for all. Mr Duale called for goodwill from the two the nations in search for a solution. An emphatic Duale said: “I am a Kenyan Somali but I am part and parcel of the Kenya nation. No country can slice away a chunk of our country be it on land, water or sea. Somalia is our younger brother and we would like this issue resolved diplomatically.” Kenya and Somali have been at loggerheads in a renewed conflict over maritime boundary in the Indian Ocean which has seen the two countries trade barbs. Recently, Somalia announced its representatives would no longer attend regional meetings in Nairobi. Kenya, on the other hand, has slapped tough travel regulations on Somali nationals crossing into Kenya. Last month, Kenyan security officials ordered aircraft coming from Somalia to pass through Wajir for checks and on Tuesday, the Kiunga border with Somalia reportedly to curb contraband trade amid claims of the emergence of a secessionist group. According to the Kenya government, the boundary in the Indian Ocean sits parallel to the line of latitude but Somalia authorities want the boundary extend to the southeast as an extension of the land border. The simmering dispute has ended up in the international court despite senior officials of the two countries committing themselves in 2009 to have the matter resolved under the United Nations Commission in charge of mediating border disputes. At one point, Kenya accused Somali of auctioning its oil blocks in the Indian Ocean, a matter that saw cold relations between Nairobi and Mogadishu get to a new level. The ICJ’s final decision on the maritime boundary row is expected next year. Source: The Standard
  6. Madaxwene ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka golaha xukuumadda oo looga hadlayey arrimo muhiim ah oo quseeya [...] Source
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, oo sidoo kalena ka mida jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska ayaa markii u horeysay shaaciyey inay Dacwad ka gudbinayaan idaacadda BBC Somali. Mustafe Shiine ayaa sheegay inay Jaaliyada Somaliland ee Ingiriisku ay guddi u saaren arrimaha daba socodka laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, taasi oo uu sheegay inay cabashooyin badan ka muujiyeen dowlada iyo shacabka Somaliland. “Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriisku waxay guddi u saartay arimaha daba socodka laanta afka Soomaaliga ee BBC-da taas oo dadweynaha Somaliland, dawlada iyo shacabkuba ay aad uga cabanayeen, guddidaasina waxay diyaarisay saxeexyo loo gudbinayo maamulka guud ee BBC-da, laanta afka Soomaaliga iyo qaybta Afrika” ayuu yiri Mustafe Shiine. Wuxuuna intaas kusii daray “Saxeexyadaasi waxay toos ugu dhacayaan xafiisyada sar-sare ee BBC-da ilaa imikana waxa saxeexay dad ka badan 3000-qof, guddidii jaaliyadu saarayna way isku timid waxaanay go’aamisay hawl-galo cusub oo arintaas ku saabsan” “Waxa kale oo na soo gaadhay cabashooyin kale oo ku saabsan laanta afka Soomaaliga ee VOA, marka hore-na waxaanu go’aaminay in arinta BBC-da aanu meel isla dhigno, ilaa hadana waxa bilaabmay xidhiidho ay nala soo samaynayaan mas’uuliyiinta laanta afka Soomaaliga ee BBC-da kuwaas oo meel fiican uu marayo wada-hadalku”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. CAMP LEMONNIER, Djibouti — Continued success by the American-backed military campaign in Somalia could set the stage for economic development in the country, which has been wracked by years of lawlessness and violence, U.S. officials said. In high-level talks in Mogadishu on Tuesday, U.S. Africa Command’s Gen. Thomas D. Waldhauser and U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto discussed how to keep momentum “moving forward” in the Horn of Africa country, which has been in disarray for more than 20 years. “We discussed the way ahead and … how we (the United States) can best make a contribution,” Waldhauser told Stars and Stripes. “It’s never a straight line in Somalia. There’s always one step forward, two steps back, but there’s been some fairly good progress in the last few months with regard to taking back some territory al-Shabab had once held.” The U.S has about 500 troops in the country to help battle the al-Qaida-linked, homegrown terrorist group, which has an estimated 5,000 fighters and has been vying for control of the country for more than a decade. Efforts to stabilize the country have been complicated by the clan-based society’s skepticism of the central government, a defense official said Wednesday. Somalia, which consistently ranks among the most corrupt countries in the world, also has a history of resisting outside attempts to impose Western-style order, security analysts have long cautioned. Despite U.S.-supported military successes against them, al-Shabab and more recently the Islamic State in Somalia have proven resilient. Defense officials spoke about progress as “incremental” in the country, which is slightly smaller than Texas and filled with swaths of ungoverned territory. But there are encouraging signs of progress, Waldhauser said, citing a recent Somali-led offensive, alongside an international partner force known as the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, to take back militant-held territory. “AMISOM partner forces and the Somalian National Army had been on a little bit of a campaign for the last couple of months,” Waldhauser said. “They’ve been able to hold ground.” Waldhauser’s visit Tuesday came after the United Nations Security Council last month resolved to extend the AU mission for one year, while withdrawing 1,000 troops from the country and limiting the contingent to about 19,500 troops, as part of a plan to gradually transition security responsibilities to Somali forces by December 2021. Source: Stars and Stripes
  9. Riyadh (Caasimadda Online) – Wargeyska The Guardian ayaa qoray inuu dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iibsaday Sawir gacmeed Astaan u ah Kharishtaanka oo laga sameeyey Nabbi Ciise CSW, kaasoo ahaa sawir gacmeedkii ugu qaalisanaa adduunka oo uu sameeyey Leonardo da Vinci. The Guardian oo soo xiganeyso Shirkadda Artnet ee qaabilsan arrimaha farshaxanka, Sawir gacmeedka 500 sano jirsaday ee astaanta u ah Karishtaanka ee sanadkii 2017 lagu iibiyey 450 Malyan taasoo taalay New York ayaa waxaa hadda milkiyadeeda la wareegay Dhaxal sugaha Mareykanka Salman kaasoo ku iibsaday adduun lacageed oo gaarayo illaa 500 Malyan oo Yuurow ah. Shirkadda Artnet ayaa sheegtay in Mas’uuliyiin ka tirsan dadka Farshaxankaan iibiyey ay u xaqiijiyeen in lagu qaaday diyaarad uu leeyahay Boqor Salman taasoo u qaaday madxaf gaar ah oo uu boqorka ku leeyahay badda dhexdeeda. Sawir Gacmeedkaan ayuu qorshaha ahaa markii hore in la geeyo Matxafyo ku yaal Paris iyo Abu Dubai Bishii September ee sanadkii 2018 balse lama ogo sababta keentay in la iibiyo. Maxamed Khaliifa Al-Mubarak oo ah Madaxda dalxiiska ee Dubai ayaa sanadkii 2018 sheegay in sanado badan oo aan la arkin sawirkaan ay caalamka hadiyad ahaan ugu soo bandhigi doonaan quruxdiisa isla markaasna la keeni doono Matxafka Abu Dubai. Balse asbuuc ka hor ballantii la doonayey in lagu soo bandhigi 18 September ee sanadkii 2018 ayaa dib loo dhigay iyadoo aan wax jadwal kala ah loo sameyn. Shirkadda iibineysay Sawir Gacmeedkaan iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyey inaan la shaacin cidda iibsatay balse waxaa arrintaan kashiftay markii ugu horeysay New York Times iyo wargeysyo kale oo soo xiginayey Mas’uuliyiin ka tirsan kuwii iibiyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco, Xaaladda Ka Taagan Bariga Sanaag, Weerarkii Ka Dhacay Tuke-raq Iyo Muranka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Wednesday that security forces are interrogating an al-Shabab triggerman who was arrested in Somalia’s southern region with six detonators. The AU mission did not disclose the name of the senior militant who was nabbed in Beledamin in Lower Shabelle on Tuesday. It said the detonators were meant to be used to carry out attacks along the main supply routes to harm civilians and destroy vehicles. “AMISOM troops in Beledamin yesterday (Tuesday) arrested an al-Shabab triggerman in possession of six,” it said in a brief statement. “The gadgets were meant to trigger improvised explosive devices (IEDs) along main supply routes to destroy vehicles and harm civilians,” said the AU mission. The culprit has been handed over to Somali security forces, it added. AMISOM promised to continue supporting the transition through the priority tasks, including securing main supply routes, securing key population centers, and mentoring and assisting Somali security forces, both military and police, in close collaboration with the UN mission. View the full article
  12. The Federal Government of Somalia and the European Union (EU) signed the financing agreement of a €42 Million on Thursday. The funds are part of a contribution to Somalia Infrastructure Fund (SIF). Somalia’s Planning and International Cooperation Minister, Gamal Mohamed and the European Union new envoy Nicholas Berlanga signed the agreement in a ceremony graced by Deputy Prime Minister, Khadar Gulaid in Mogadishu. The funds will be used for upgrading and construction of new roads across the regions in the country. Somali Deputy PM, Khadar Gulaid said the funds will be helpful for the infrastructural development destroyed in the civil strife in the country. He lauded the strong working relations and the commitment between the Federal Government of Somalia and the new European Union office in the country. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Kal-Fadhigii 36-aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Laba Wasaaradood Lagaga Dhegeystay Warbiximo Kal-fadhigii 36-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiiradda wasaaradaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada & qoyska iyo Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda. flag waving in the wind against the blue sky Somaliland wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ugu horayn goluhu warbiximo ka dhegeysteen ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya. Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada. Waxaanay wasiirku golaha horkeentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa golaha u soo bandhigay siyaasadda maamulka ICT-ga dawladda Somaliland oo ay ka wasaarad ahaan markii u horaysay samayso siyaasad loogu talo-galay in lagu hago ICT-ga dawladda. Isagoo wasiirku sharaxay ujeedooyinka laga leeyahay diyaarinta siyaasaddani ay tahay, sidii loo heli lahaa tiknoolajiyad tayadeedu sarayso, ilaalinta bedqabka xogta dawladda, ilaalinta agabka lagu kaydiyo xogta ICT-ga dawladda, xoojinta iyo kor u qaadidda isku xidhnaanta dawladda, samaynta cilmi baadhisyo lagu horumarinayo ICT-ga dawladda, xakamaynta kharashka ku baxaya ICT-ga dawladda iyo kobcinta aqoonta, xirfadaha shaqaalaha ICT-ga dawladda. Ugu danbayntiina golaha wasiiradu ansixiyeen siyaasadda maamulka ICT-ga Dawladda. Source
  14. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said it’s consulting with the Somali government and partners to start handing over military bases to local security forces as part of a transitional plan. Francisco Madeira, special representative of the chairperson of the African Union Commission for Somalia, said the mission is now moving into critical stages of the implementation of the Somali Transition Plan of gradually transferring security responsibilities to Somali security forces. “In the coming months, AMISOM in consultation with the Federal Government of Somalia and partners will be transferring Forward Operating Bases to the Somali security forces,” Madeira said in a statement issued on Wednesday evening. “This is in the spirit of the Somali Transitional Plan.” Speaking during a hand-over ceremony of six specially-designed refrigerated containers, Madeira reiterated the critical importance of having a well-funded, well-resourced and adequately-supplied Somali security forces. The AU mission donated the six containers to the Somali security forces to help enhance their capacity as they intensify operations to liberate the country from militants. Madeira congratulated the Somali security forces for their role in liberating Bariire town in the Lower Shabelle region, saying AMISOM would continue to motivate and support the Somali security forces. Four of the donated containers went to the Somali National Army and two were received by the Somali Police Force. Al-Shabab extremists, who control large parts of Somalia’s southern and central regions, continue to carry out high-profile attacks in Mogadishu and elsewhere, targeting military bases manned by AU troops and Somali security forces. View the full article
  15. (SLT-Nairobi)-Faadumo Geedi, oo ah gabadh laga soo doortay ismaamulka wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya ayaa xildhibaan kale oo Soomaaliyeed uu ka dhiijiyay, kadib markii uu feedh daanka kaga dhuftay. xildhibaanka gabadha feedhay ayaa lagu magcaabaa Rashiid Qaasim,waxaana laga soo doortay isla maagaalada wajeer. Qof goob jooge ah ayaa u sheegay warbaahinta kenya, in Mudane Rashiid Qaasim uu ku eedeeyay Faadumo Geeddi inay ku fashilantay inay lacaq u qoondayso deegaanka isaga lagasoo doortay,maadaama ay ka mid tahay gudiga dhaqaalaha ee Baarlamanka. Muran halkaasi ka bilaabmay ayaa sababay in Xil.Rashiid qaasim uu feed la tiigsado xildhibaanad Faadumo Geeddi, sida ay u sheegtay saraakiisha Booliska ee saldhigga ku leh gudaha baarlamanka oo ay kiiska u gudbisay. “meesha ayaan iska marayay aniga iyo saaxiibadday Ms Manga markii uu ii yimi ee buuq iug billaabay, daqiiqad kadibna daanka ayuu iga feedhay” ayay tidhi Xildhibaan faadumo. xildhibaan goob joog ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in faadumo geedi ay u sharraxday xildhiba falka gaystay in gudiga miisaaniyadda ee baarlamanka kenya ay booqdeen ismaamulka wajeer isla markaana ay dadka deegaanka ka waraysteen meelaha ay doonayaan in muhiimadda la siiyo miisaaniyadda. “waxaa u sheegay in ismaamulka wajeer,kaliya loo qoondeeyay 100 Milyan oo shilinka kenya ah, taasi oo lagu bixin doono meelo cayiman oo ku aaddan baahiyaha aasaasiga ah sida biyaha iyo wadooyinka” ayay raacisay. Xildhibaan Rashiid Qaasim oo lagu eedaynayo inuu feedhay gabadh Soomaaliyeed oo baarlamanka ay ka wadatirsan yihiin ayaan warbaahinta la wadaagin sida ay wax u dhaceen. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Xuquuqda Aadamaha Somaliland ayaa sheegay inay kormeer ugu tageen Maxamed Sidiiq Dhame oo ah Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Waddani oo ku xidhan Xabsiga Hargeysa, Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ku xidhan Xarunta CID-da iyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isna ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa. Warbixinta Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay u dhignayd sida tan: Maxamed Siddiiq Dhamme Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka oo xog ka helid xaaladiisa guud ah ku booqday Maxamed Sidiiq (Dhamee) oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Wadani ahna Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga wakhtigana ku xidhan Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa. Dhamme oo sheegay in Qabashadiisu ka dhalatay qoraal uu ku xusay baraha bulshada (Facebook) taas oo ku sheegay in uu kaga soo horjeedo xaaladii degdega ahayd ee lagu soo rogay saddex degmo oo ka mid ah Gobolka Sanaag. sido kale Maxamed Sidiiq dhamme wuxu Komishanka uu xaqiijiya in lagu xidhay isaga oo aan wax ogolaasho Maxkamadeed (warrant) ah la tusin laguna tilmaamay inu yahay Dambiile qaran kahor intaan xukun maxkamadeed ku dhicin. “Anigoo u fadhiya qadadii abaara 1: 30PM (Duhurnimo) ayaa ciidan police ah oo hubaysani usoo daateen guriga ayna caruurtii iyo xaafadiiba argagax geliyeen, 4 askari ayaa iisoo galay oo qoryo igu qabtay ina amray inaan raaco, kadib waaran qabashadayda ah ma sida taan baan ku idhi? Maya bay dheheen waa amar ina keen iyagoo ii caga juglaynaya, handidaad badan kadib oo aan naftayda uga baqay Ayaan kusoo raacay”. Wuxuu intaa ku daray isagoo sii wata hadalkiisa “in ka badan 10 askari ayaa ku wareegsanaa guriga oo debadda ku sugayey kuwa gudaha usoo galay guriga ee loo xilsaaray qabashadayda”. Waxa kale oo Dhamme Komishanka uu xaqijiyay in ay waydiiyeen intay saldhigga ciidanka Bilaysku ku wadeen su’aalo badan oo deel qaaf ah. “waxay I waydiiyen intay isii wadeen Su’aalo badan oo aan munaasib ahayn sida; Maxaad ka shaqaysaa?, Ma ogtahay in xisbigaagu yaha Qaran Dumis?, Maxaad ku cadaynaysa in Doorashada xisbigaaga lagaga shubtay? Iyo qaar kaloo badan” Dhamme ayaa sidaa yidhi Sido kale Komishanku waraysigii uu la yeeshay Maxamed Sidiiq Dhamme wuxu ku soo xaqiijiyay in lagu xidhay Qol madow oo nadafadiisu hoosayso 3dii cisho ee ugu horeysay loona diiday inuu helo wax iftiin ah qoyskiisina laga hor istaagay inay booqdaan. “Waxaa lay geliyey anigoo katiinadaysan qol madaw oo suuli buuxaa gudaha ugu yaalo oo saxaradii iyo wasakhdiiba debadda uga soo baxday, wax biyo ahna aan lahayn iyo gogol toona, waxaana aan ka codsaday inay ii keenaan biyo qoyskaygana iila hadlaan si ay gogol iigu keenaan waana layga diiday dalab kasta oo aan u gudbiyo muddaas 3 cisho ah” wuxuu intaa raaciyey, “ intii aan saldhigga kujiray waxay ciidanka Bilaysku igu hayeen aflagaado iyo caga juglayn joogto ah iyagoo isku dayeyey in mooral iyo nafsi ahaan ii dilaan”. Gabagebadii Maxamed Sidiiq Dhamme wuxu xaqiijiyay in 4tii/May/2019 Maxkamada la hor geeyay markii ugu dambeysay sheegayna inu leeyahay 3 lawyer , xaalada cafimaadkiisuna wanagsantahay , Jeelka weyna ka helo adeeg cafimaad , goob lagu cibaadeysto iyo Jimicsiba (physical exercise – walking ). “Ciidanka asluubtu runtii sida ugu wanaagsan ee qof xorriyadda laga qaaday loola dhaqmo ayey iila dhaqmaan, waxaan helaa biyo igu filan, jimicsi joogta ah, goob cibaado ku habboon, waxaan lakulmaa qareennadayda markaan ubaahdo iyo markay ii baahdaanba, booqashada qoyska iyo cid kastoo ii baahata waan arkaa, waxbarasho oo waxaaba intaan joogay waxbadan ka bartay taarikhii dawladihii islaamka sida ummawiyiintii iyo cabbaasiyiintii iyo tafsiirka quraanka, runtiina ciidanka asluubta iyo magacoodu waa isleeyihiin markaad aragto siday fiican ee ay ula dhaqmayaan maxaabiista ay hayaan xuquuqdoodana u dhawrayaan waana ku ammaanyihiin”. Dhamme ayaa sidaa yidhi. Sidaa daraadeed wuxuu Komishanka Xuquuqul Insaank Qaranku ugu baaqayaa laamaha baadhista Bilayska iyo xeer ilaalinta gacanta ku haya Kiiska Maxamed Siddiq Dhamme inay dedejiyaan, ayna ka fogaadaan waxkastoo keenaya in dib dhac ku yimaaddo dacwadiisa uuna bilaa xukun ugu sii jiro xabsiga, taas oo noqonaysa xadgudub kadhan ah xuquuqda muwadinkas iyo hanaanka cadaaladeed ee dalkaba. Cabdimaalik Muuse Coldoon Komishinka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa Booqasho ugu tagay Cabdimaalik muuse coldoon tarikhdu markay ahayd 28 May 2019, si ay xogogaal ugu noqdaan xaaladiisa. Cabdimalik ayaa laga soo xidhay magalada Burco 17/4/2019 goor habeenimo ah abbaaro 8:30 PM, kadibna isla habeenkii ayaa loo soo wareejiyey magaalada Hargaysa. “Waxay ciidanka Bilaysku I xidheen 8: 30 habennimo oo ku beegnayd 17-04-2019, waxayna I geeyeen saldhigga dhexe ee magaalada Burco. Markay saacaddu ahayd 12:00 AM ayaa gaadhi ciidan ah oo Hoggaaminayo taliyihii saldhigga lay keenay, layna amaray inaan fuulo. Kadib hargaysa ayaa la ii soo qaaday. Waxaa abbaaro 4:00 AM lay keenay xarunta CID-da Hargeysa. Waxaan Muddo nususaac ah Ku xidhnaa Xarunta CTU-da, kadibna waxaa laygudbiyey Saldhigga dhexe ee Hargaysa” Cabdimaalik ayaa yidhi. “Waxaan wadanka ka maqnaa muddo sannad iyo dhawr bilood ah, sababtoo ah waxaan qabay cabsi ah in lay xidhayo se waxaan go’aansaday inaan dalka imaado si aan si xora isugu difaaco oo wixii eeda ah ee laygu haysto aan isaga difaaco hadday jiraan” ayuu ku daray hadalkiisii. Sido kale Coldoon wuxuu waraysigiisan komishanka ugu xaqiijiyay in xadhigiisu yahay mid ka dhashay dhaliilo uu u soo jeediyay ciidamada Booliska Somaliland iyo maqaalo kale oo uu ku cabirayay fikirkiisa. “Waxaan filayaa waxaa laygu haystaa dhaliilo aan ciidanka Bilayska usoo jeediyey aanaan ku dhaliiyey falal ay sameeyeen oo aan u arkayey inay yihiin tacaddi xuquuqul insaan oo ay dadkooda u gaysanayaan iyo inaan qoraalo koo kooban ku baahiyey bartayda bulshada ee Facebook kuna cabbirayey aragtidayda ku waajahan Hogaanka dalka oo aan lahaa waxbaa qaldane hala saxo. Qoraaladaas ayaa halku dheg uga dhigay “Taliskani wuxuu hayaa waddadii Talisyadii Hoogay” waxaana aan ka waday in tacaddiyo badani jiraan oo ka dhan ah xuquuqul insanka iyo cabbiraadda ra’yiga in la joojiyo sixitaanna waan u arakeyey”. Ayuu yidhi coldoon. 20-4-2019 ayaa maxkamada Gobolka M/Jeex la hor geeyay Coldoon oo su’aalo lagu waydiiyay” Garsooraha ayaa waydiiyey qoladii iwaday inay haystaan: Warqadii xawilaadda maxkamadeed ee layga soo wareejiyey Gobolka Togdheer; Inay haystaan waaran qabasho oo maxakamadi siisay maya ayey ku jawaabeen, kadib garsooraha ayaa u sheegay inaanu sharciayan xaq ulahayn inuu kiiskaa qaado maadama oo aanay sidan warqad xawilaad oo maxkamadda gobolka togdheer soo qortay jirin, waaran sharciyana aanay haysan. Wuxuuna Garsoorihii amar ku bixiyey in 7aad gudihii laygu celiyo Gobolkii layga keenay lamina fulin amarkii garsooraha oo waataa ilaa maanta Hargaysa laygu hayo” wuxuu kudaray intaa Coldoon; “27-04-2019 ayaa marlabaad maxkamadda lay keenay sii hayn labaadna lay jaray, haddana waxaa mar sadexaad lay horgeeyey maxkamadda 04-05-2019 iyagoo marwalba la leeyahay baadhistii baa wax nooga hadhsanyihiin ee waqti dheeraaada hanala siiyo”. Ugu danbayntii wuxuu Coldoon Komishanka u xaqiijiyey inuu leeyahay laba qareen oo uu la kulmo marka uu u baahdo, qoyskiisana loo ogolyahay inay soo booqdaan warna kale helaan intuu kujiray xabsiga dhexe ee Hargaysa ayna saraakiisha xabsigu si wanaagsan ula dhaqmaan wuxuu xuquuq u leeyahayna u ogolyihiin. Haddaba, wuxuu Komishanka Xuquuqul Insaank Qaranku ugu baaqayaa laamaha baadhista Bilayska iyo xeer ilaalinta gacanta ku haya Kiiska Cabdimaalik Muuse Coldoon inay dedejiyaan baadhistiisa , ayna ka fogaadaan waxkastoo keenaya in dib dhac ku yimaaddo dacwadiisa uuna bilaa xukun ugu sii jiro xabsiga, taas oo noqonaysa xadgudub kadhan ah xuquuqda muwadinka iyo meel kaga dhac hanaanka cadaaladeed ee dalkaba. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool Xubno uu hoggaaminayo Guddoomiyaha komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa booqasho xogogaalnimo ugu tegay 01-06-2019 X. Maxamed Axmed Dhakool oo ku xidhan Xarunta Denbi Baadhista ee Hargaysa. Xildhibaanka ayaa 09-05-2019 abbaara 10-kii habeennimo laga soo qabtay gurigiisa. Xadhigga xildhibaanka ayaa kadhashay war saxaafadeed uu qabtay uuna kaga hadlay maalinta 18-ka May oo ah maalinta lasoo noqoshada madax banaanida JSL ee ay ka baxday wixii laysku odhan jiray Somali Rebublic. Xildhibaanka oo duray xuska maalintaas kuna tilmaamay maalin ay cid gaari leedahay ahna maalin madaw. Xildhibaanka ayaa hadda muddo 22 cisho ah ku xidhan Xarunta Danbi Baadhista ee Hargaysa iyadoo xadhigiisa ay Maxkamadda Gobolka M/jeex Markii La horgeeyey ay sheegtay inaanay awood sharci u lahayn inay kiiskiisa furaan, sidoo kale guddida joogta ah ee golaha wakiilada ayaa iyyana deedafeeyey xadhigga xildhibaanka kuna tilmaamay mid sharci darro ah kuna baaqay in si dhaqso ah loo sii daayo. Guddida komishanka ayaa markii labaad booqashadan ugu tegay xildhibaanka si ay u eegaan xaallada uu kusuganyahay iyo inuu helo xuquuquhiisii loo baahnaa inta uu maxbuuska yahay. Xaallada caafimaad ee Xildhibaanka ayaa hadda aad u wanaagsan, wuxuuna guddida u xaqiijiye inuu dhakhtarkiisa la kulmo marka uu ubaahdo, uuna uu leeyahay xaasaasiyad marmar ku kacda oo dhinaca indhaha ah aakiin sidiisa kale caafimaadkiisu taam yahay. Waxaa ay xubnaha komishanku ka xaqiijiyeen xikdhibaanka in aan loo oggolayn inuu qoyskiisa la xidhiidho oo ilaa hadda aanay wax war aka helin qoyskiisii. Wuxuu kaloo u sheegay in loo diiday inuu biilashii reerihiisa oo mobile kiisa kujira loo diiday in uu udiro ama looga diro aanuna garanayn waxay ku suganyihiin qoyskiisii nolol ahaan. Sidoo kale wuxuu u sheegay xubnahan booqday in saacad saacad askarta ilaalisa loo waydiiyo cidda soo booqata taas oo meel ka dhac ku ah xuquuqdii uu lahaa xildhibaankaa maxbuuska ah. Gebegabadii komishanku wuxuu farayaa dhamman hay’adaha khusayso arrinta xadhigga xildhibaanka in sa dhakhso ah loogu ogolaado inuu lasameeyo xidhiidh qoyskiisii loona ogolaado inay soo booqdaan. Taas oo ah xuquuq waajib ah inuu helo maxbuusku. Source
  17. Somaliland: Work On The Famous Burco Technical School Stopped By Government The administration of President Muse Bihi Abdi have halted the proposed renovation of the famous Burco technical school by the German agency, GIZ. The work which was to begin this year and negotiated by the former Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo” government has been stopped, because the current administration has instructed the German agency, GIZ, that since Hargeisa is a bigger urban centre, the school should be transferred there. It is not clear whether the German agency, GIZ, will agree to such a request. The Burco technical school complex and grounds have been in a state of neglect since the end of the civil war in 1991. Previous Somaliland administrations have attempted to revive the venerable old school whose alumni includes many of Somaliland’s educational, business, legal and political leaders. It is to their great credit that the former administration of President Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo” were able to secure the funds and the support of the German government which had built the school in the 1960’s. Unfortunately, this short-sighted request by the current administration to try and transfer the school to Hargeisa, is sign of an ill-considered policy to centralize everything in the capital region, which will lead to the continued neglect of the rest of the country. Qarannews.com Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga kala saaridda Xamlooyinka usoo tartamay fulinta adeegga Xajka oo ay magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay musuq maasuq xooggan. Guddiga ayaa lagu eedeeyey inay musuq maasuqeen qoondada qaar ka tirsan Shirkadihii ay markii hore sheegeyn inay kamid yihiin Shirkadaha ku guuleystay inay sanadkaan qeyb ka noqdaan fulinta adeegga Xajka. Shirkadaha qoondadooda la musuq maasuqay waxaa kamid ah Shirkadda Africa Express oo sheegtay inay ku guuleysteen kamid noqoshada Liiskaas balse aysan jirin cid illaa iyo hadda siisay qoondadooda. Madaxda Shirkadda Africa Express ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dhibaato intaa la eg loo geysto Shirkadda. Waxay madaxda ugu sareeyo dalka iyo wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu baaqay in xaqooda la siiyo. Africa Express ayaa kamid aheyd shirkadii kasoo muuqday Liiska Wasaaradda ay soo saartay ee sanadkaan nasiibka u yeeshay inay helaan adeegga xajka sida ka muuqato liiska Wasaaradda kasoo baxay dhawaan: Shirkadaha B Daalo Airles Jubbala Air Shirkadah T) Freedom Carafaat Jowhar Rixla Mubaaraka Shirkadaha J Ocean Africa Express Air Jubati Darmar travel Hogal traver Rudwaan Shirkadaha X Daruuro Shikradha KH: Saaj Travel Makka Travel New Star Answer travel SPD Safarri Trave;l Shirkadda D Makka Al-Mukaram Karaama Kalkar Manaasik Travel Royal Som Barayt Al-Huda Travel Hajj and UImra Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra Falalcadde Shirkadah S” Dahala Airles Al- Rayan Federal Eurie Africa Somali travel Teyseer Labeyk Qudus University Salam Hajj and Umra Universal Al-Saqar Al-ixsaan Al- Hijra Travel Cibaar Travel AL-Hijra Air Ritaaj Hiiliye Isfalaash Salam Travel Mustaqbal Anfaal National Airways Abmooja Travel Save Way Travel Express Key way Ruksan Hubaal Daymond Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo baxay Shirkadda Africa Express Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay. Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. ”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’ Faahfaahin Kooban Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  20. Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay. Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. ”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’ Faahfaahin Kooban Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ay ku baxayso 42 Million oo Yuuro appeared first on Puntland Post.
  21. Garowe (SMN) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa muddo kooban u qabatay in ay isku soo diiwaan galiyaan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi. Amarka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay dadka Ajnabiga ah in ay is diiwaan galiyaan ka hor 30-ka bisha June ee sanadkan 2019-ka. Sidoo kale wasaaradaha ayaa intaasi ku dartay in ciddii u hoggaansami weyso amarkan laga qaadi doono tallaabo adag “Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha puntland. Dhawaan ayey aheyd markii Puntland ay deegaanadeeda ka ceyrisay shaqaale Ajnabi ahaa oo loo jeediyay eedeymo kala duwan. View the full article