-
Content Count
208,606 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalkaasi la seexiyey in ka badan 100 caruur ah oo ay soo riteen cudurada faafa oo ay ugu horreyso Jadeecada. Dr. Maxamed C/raxmaan oo ah madaxda caruurta ee isbitaalka Banaadir ayaa u sheegay Goobjoog, in sidoo kale ay jiraan caruur la jiifa Shuban Biyoodka, TB iyo Nafaqo darri. Kiisaskan ayuu sheegay in bishan ay aad usoo kordheen, islamarkaana dhankooda ay dedaal badan ku bixiyaan. Sidoo kale, Dr. Maxamed ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay isbitaalka seexiyeen caruur badan oo qaarkood dib loogu celiyey guryahooda. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- North Carolina)-Nin saddex arday oo Muslimiin ah ku dilay meel u dhaw jaamacadda University of North Carolina sannadkii 2015 ayaa lagu xukumay xabsi cimri daa’in ah. Craig Hicks ayaa toogasho ku dilay Deah Baraka oo 23 jir ahaa iyo Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd, dhallinyaradaas ayaana ahayd lamaane wax yar uun ka hor is guursaday. Wuxuu sidoo kale isla wakhtigaas magaalada Chapel Hill ee dalka Maraykanka ku dilay Razan Mohammad Abu-Salha oo ay walaalo ahaayeen gabadha kale taas oo 19 jirtay. Wuxuu qirtay saddex dambi oo ah dil heerka koobaad ah waxaana lagu xukumay cimrigaa ha ku furto. Hicks laguma helin dmabiyo nacayb la xiriira, inkastoo qoysaska dhallinyaradaas ay ku adkaysanayaan in loo bartilmaameedsaday diintooda darteed. Booliiska ayaa sheegay in dilkaasi uu ka dhashay muran ka billawday meel gawaarida la dhigto oo gurigooda ku hortaalla taariikhdu markay ahayd bishii Feebaraayo ee sannadkii 2015. Muuqaal aan horay oo la arag oo taleefan lagu duubay ayaa maxkamadda laga daaray, kaas oo laga arkay Hicks oo wajahaya albaabka guriga Barakat kuna eedaynaya in uu gaariga ka dhigtay booskii uu isagu lahaa. Muuqaalka ayaa sidoo kale laga arki karaa Barakat oo cod dagan kula hadlaya Hicks. balse Hicks ayaa rasaas furay ka dibna wuxuu toogtay labada gabdhood ee walaalaha ah. Arbacadii ayuu Hicks sheegay in tan iyo maalintii koobaad uu rabay in uu qirto dambigiisa. “Hadda ayayse dhacday arrintaas ka dib afar sano, afar bilood iyo labo maalmood markii laga soo wareegay.” ayuu yidhi sida ay ku warrantay warbaahinta CNN. Barakat ayaa sannadkii labaad dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah ka baranayay jaamacadda UNC, xaaskiisa Yusor ayaa iyaduna markaas uun ku biirtay iyadoo dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah billawday. Walaasheed Razan ayaa iyaduna naqshadaynta ka baranaysay jaamacadda North Carolina State University. Dilkan ayaa dhaliyay caro caalami ah, Barack Obama oo markaas madaxweyne ahaa ayaa dilka cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid arxan darro ah oo aad looga caroodo”. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladda ugu soo iibashada badan hubka laga soo bilaabo sanadkii 2014 illaa 2018. Sida ay sheegtay xog aruurin la sameeyey Sanadkii 2018, Dowladda Mareykanka ayaa sii waday in ay hubka ka iibiso dowladda Sacuudiga 88% marka loo fiiriyo dowladaha kale oo ay hubka ka iibiso. Intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018 Dowladda Sacuudiga ayaa iibsatay 22% hubka ay Dowladda Mareykanka suuq geyso, taasoo ah sare u kac aad u weyn marka loo fiiriyo sanadkii 2019-2013 oo ay aheyd 4.9%. Saanadaha Ciidamada ay Sacuudiga kasoo iibsato Dowladda Mareykanka ayaa waxay isugu jiraan Hub, Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha Dagaalka, Gataanlada Difaaca, Madaafiic iyo Maraakiib. Saanadaha Ciidamada oo ay Sacuudiga heshay 2014-2018 ayaa waxaa kamid ah 56 diyaaradaha dagaalka oo ay ka iibsatay Mareykanka, iyo 38 kale oo ay ka iibsatay Ingiriiska sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay International Peace Research Institute (SIPRI). Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheeneysa inay 2019-2023 Mareykanka kasoo iibsato 98 diyaaradaha Dagaalka, 7 Gantaalada difaaca ah iyo 83 Taangiyo. Sidoo kale Sacuudiga ayaa isla inta u dhaxeyso sanadahaas qorsheeneyso inay Canada kasoo iibsato 737 Gawaarida dagaalka ah, 5 Markab oo ay kasoo iibsan doonto Spain, iyo sidoo kale Gantaalada Balaastiga ridada gaaban oo ay kasoo iibsan doonto Ukrain sida lagu sheegay warbixinta SIPRI. 10-ka Dowladood ee ugu iibsashada badan hubka sanadihii 2014-2018 ayaa afar kamid ah waxay ku yaalaan Bariga Dhexe, Sacuudi Carabiya ayaa iibsatay 33% hubka loosoo suuq geeyo Bariga Dhexe, Masar ayaa iyadana iibsatay 15%, Imaaraadka Carabta ayaa iibsatay 11% halka Ciraaq ay iibsatay 11%. Source
-
Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi. Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi. Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, dabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/yuusuf-dabageed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Isbahaysiga Xooggaga Mucaaradka ee dalkaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in Milliteriga laga wada saaro magaallooyinka, laguna soo bedelo ciiddanka Boliska, si looga badbaado dilalka loo geysto Dibadbaxayaasha. Mucaaradka waxay hadalkaasi ka sheegeen mar ay la kulmeen Ergayga cusub ee Maraykanka u joogi doona Suudaan, Donald Booth, waxayna sheegeen inay taasi muhiim u tahay in Milliteriga laga wada daad-gureeyo gudaha magaallooyinka, gaar ahaan Caasimadda Khartuum. Telefishinka Sky News Arabia ayaa sheegay in Mucaaradka ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo dhamaan Maxaabisita Siyaasadda, lana dhowro Xorriyadda Saxaafadda ee dalka Suudaan. Source
-
Nairobi (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xubnaha ugu saameynta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta inay dib u eegis ku sameeyaan xiisadda diblumaasiyadeed ee sii xumaanayay maalmihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labada dowladood, islamarkaana ay iyaga xaliyaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xiriirka dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu ka weyn yahay inay isku qabsadaan biyo yar oo u dhaxeeya labada dowladood, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi. Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay maalgashi ku sameysay Soomaaliya, wuxuuna maalgashigaasi sheegay inu ka dhigan yahay qaabilaada qaxootiga tirada badan iyo adkeynta amaanka gudaha dalka Soomaaliya. Sidoo kale Soomaali badan ayaa maalgashi xoogan ku sameeyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, walow uusan soo hadal qaadin maalgashigaasi. Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in muranka dhinaca Badda ee labada dal ay iyaga kaliya xalliyaan islamarkaana uusan soo faragelin dal saddexaad. Hadalka dambe ee Adam Barre Ducaale ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn dhaq dhaqaaqa dowladda Norway ay ka dhexwaddo Soomaaliya iyo Kenya maaddaama ay iyada tahay dalka gadaal ka riixaya in shirkadahiisa ay shidaal ka soo saaraan badda la isku heysto. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Tanzania)-Nin Tanzaaniyaan ah oo lagu qabtay 10.2 Garaam oo daroogada loo yaqaan heroin-ka oo qiimo ahaan dhan 30 million oo shilin una dhiganta 300 oo kun oo doolar ayaa lagu xukumay 30 sano xabsi ah. Xuseen Mascuud Ciid ayaa sidoo kale lagu ganaaxay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 90 Million,iyadoo hadii uu ku guul dareystana uu wajihi doono in 5 sano oo dheeraad ah lagu sii hayo Xabsiga. Garsooraha maxkamada magaalada Mombasa Edgar Kagoni ayaa sheegay in xukunkaan uu qaban doono cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga daroogada sharci Darada. Eedeysanaha ayaa u sheegay maxkamada Mombasa in uusan kali ku aheyn kala gudinta daroogadan,balse garsoorka ayaa tilmaamay in aysan taasi u noqoneyn mid lagu marmarsiyoodo. Dacwad soo oogaha Kenya Erick Masila ayaa dhanka kale weydiistay maxkamada in ninkaan xabsi daa,in lagu Xukumo maadaama ninkaan uu waday daroogo badan oo halis ku ah dhalinyarada Kenya. Source
-
(SLT-Washington)-Hooyo Maraykan ah oo shan carruur ah uu ka dilay aabahood ayaa xeerbeegti dacwaddiisa qaadaysa ka codsatay in ayna dil ku xukumin. Amber Kyzer ayaa maxkamada ku taalla South Carolina u sheegtay in Tim Jones Jr “uusan wax naxariis ah tusin carruurta, balse carruurtiisu ay jeclaayeen”. Ninkan 37 jir ah ayaa bishii May lagu helay in uu dilay carruurtaas walaalaha ah oo da’doodu u dhaxaysay hal ilaa siddeed sano. Carruurtu ayuu ku laayay gurigiisa oo ku yaallay Lexington taariikhdu markay ahayd 28 Agoosto 2014. Guurtidan ayaa ka baaraan dagaya in Jones dil lagu xukumo ama xabsi daa’in la dhigo. “Waan maqlay waxay carruurtu mareen iyo xanuunka taabtay,” ayay tiri Kyzer oo maxkamadda ku sugnayd Salaasadii. “Hooyo ahaanna, haddaan awooddo wajigiisaan badali lahaa. “Taasi waa hooyonimada igu jirta. Taasi waa dulqaadka hooyo nimo.” Kyzer ayaa xeerbeegtida u sheegtay in inta badan nolosheeda ay ka soo horjeedday dilka la isku xukumo. Waxay sheegtay in inkastoo mararka qaar ay rajaynaysay in waaxda caddaaladdu ay si daran u ciqaabto ninkeedii hore, haddana aysan marka ugu dambaysa doorateen in dil lagu xukumo. “Haba yaraatee wax naxariis ah ma uusan tusin carruurta,” ayay ku celisay waxayna ku sii dartay “Carruurtaydu way jeclaayeen isaga marka haddii aan u hadlo carruurtayda oon dareenkayga meel iska dhigo, sidaas ayaan leeyahay”. Kyzer ayaa intaas ku dartay in ay ixtiraami doonto go’aankaste oo xeerbeegtidu gaarto. Waxaa loogu yeeray in ay makhraatigeeda ka hor caddayso qareennadii difaacayay. Lamaanahaas ayaa is guursaday lix toddobaad ka dib markii ay ku kulmeen meel carruurta lagu ciyaarsiiyo oo ku taalla Chicago sannadkii 2004tii, halkaas oo ay ka wada shaqayn jireeen. Balse bishii May ayay sheegtay in guurkoodu uu xumaaday ka dib markii uu diinta ku dhagay dalbadayna in dumarka loogu talagalay “in aan la arkin lana maqlin codkooda”. Markii ay is fureen sagaal sano ka dib, waxay u ogolaatay in uu carruurta xannaaneeyo maadaama oo sannadkii ay soo galaysay 80,000 oo doolar. Carruurta ayayna Axad kasta ku arki jirtay makhaayadda Chick-fil-A. Maxkamadda ayaa dhagaysatay in Maalinta uu Jones dilay carruurta uu yimid Nahtahn oo lix jir ah oo ku ciyaaraya qaybisada korontada ka dibna uu aad u xanaaqay. Wiilkii ayuu dilay ka dibna wuxuu go’aansaday in uu ceejiyo afartii carruurta ahayd ee kale oo kala ahaa Elaine oo hal sano jiray, Gabriel oo labo jir ahaa, Elias oo toddobo sano jiray iyo Mera oo siddeed jir ahayd. Jones ayaa maydadkii carruur ku duuduubay baco sida dacwaddiisii lagu sheegay, sagaal maalmood ayay gaadhigiisa saarnaayeen ka dibna maydadkii ayuu ku aasay baadiyaha Alabama. Mississippi ayaa lagu xiray ka dib markii uu askari uriyay urkii maydadka oo gaadhiga dhankiisa ka soo baxayay. Jones ayaa sheegay in uusan dambiile ahayn sababtuna ay tahay in uu waalan yahay. Qareennadii difaacayay ayaa sheegay in uu qabay marxalad afka qalaad lagu dhaho schizophrenia oo waxyeelo wayn u gaysata sida ay maskaxdu u shaqayso isla markaasna uusan helin dawo, xannuunkaas maskaxda ku dhaca ayay hooyadiina qabi jirtay. Waxay ku doodeen in ay maskaxdu si noqotay ninkan markii xaaskiisii ay ka raacday wiil aan labaatan sano gaarin oo albaabka ku dhagan daganaa. Source
-
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw iclaamiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadaw in dacwad ka dhan ah loo gudbiyo Imaraadka, xilli uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafadhi uu dacwadan ka gudbiyey. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaayey Shirka uu iclaamiyey Boqor Buurmadaw ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha East Burco Clan namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”. Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Boqor Buurmadaw ee Xukuumaddu u gudbisay Imaraadka oo uu hadda ku sugan yahay ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso, laakiin ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno”. Suldaan Maxamed oo baaq u diraayey Xukuumadda ayaa yidhi “Shacabka waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”. Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Ciise Cawad oo socdaal ku tegay dalka Mareykanka, ayaa kulamo kala duwan la qaatay aqoon-yahannada Soomaaliyeed, Culimo Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka. Wasiirka oo magaalada Minneapolis kula kulmay aqoon-yahanno Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay xaaladda dalka meesha ay mareyso iyo doorka qurba joogtu ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, waxaana wasiirku ku boorriyay in ay qaybtooda ka qaataan horumarinta waddanka. Mudane Cawad ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota, Mr.Keith Ellison, Duqa magaalada St.Paul, Mr.Carter iyo guddoomiyaya Gobolka Minnesota Mr.Tim Walz. kulanka wasiirka iyo guddoomiyaya gobolka Minnesota, waxaa ku gaar ahaa soojeedin la xiriirtay in maamulka gobolka Minnesota ay Soomaaliya ku yimaadaan socdaal u gogol xaaraya horumarinta xariirka ganacsi. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu dadka Soomaaliyeed kula hadlay jaamacadda Augsburg. Kulanka oo ay si wadajir ah usoo diyaariyeen gobol Minnesota, jaamacadda Minnesota iyo jaamacadda Augsburg, waxaa ka qayb galay dad badan oo aan Soomaali ahayn. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa intii uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu sidoo kale xarunta Islaamka ee Darus-salam kulan kula qaatay Culimada Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo dowrka culimadu ay ku leeyhiin dib u dhiska dalka. Culimada ayaa ballan qaaday in ay bulshada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ku wacyi gelinayaan in ay dhisaan xarun ay leedahay safaaradda Soomaaliyeed ee Washington DC. PUNTLAND POST The post Maxaa ku gaar ahaa kulankii Cawad iyo Tim Walz? appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba fashilmay shir si wadajir ah oo toddobaadkan madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ku dhex mari lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xogo Caasimadda Online ay heshay ayaa sheegaya in baaqashada Shirkaasi kadib ay madaxda Galmudug iyo Jubbaland inay bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan dadka deegaanadaasi kasoo jeeda iyo qaar kamid ah wakiilada caalamka. Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma ogaan waxyaabaha keenay in shirkaasi uu baaqdo, balse waxaa soo baxaya in culeesyo soo kordhay ay keeneen inuu baaqdo kulanka la filayay inuu ka dhaco Nairobi. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayay Nairobi uu shalay ka dagay magaalada Addis Ababa taasi oo qeyb ka noqotay dib u dhaca ku yimid shirka. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhankiisa ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa deg deg ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu isaga xaliyo culaasaadka kusoo kordhay, taasina waxay qeyb ka noqotay baaqashada shirka ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan ayey dowlad Goboleedyada la lahaayeen Beesha Caalamka waxaana ay iclaamiyeen markii uu fashilmay shirkii lixda maalmood ka socdya Garowe una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada. Madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa hadda u muuqda kuwo isku mid ka ah dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay cadaadis kala duwan ay la kulmayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com Weli si rasmi ah looma sheegin arrimaha qarsoon ee keenay in shirku fashilmo balse madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo sida la sheegayo aad u doonayay in shirka la qabto ayaa qorshahaasi u socon waayay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sida qorshuhu yahay maalinta Jimcaha dib ugu soo laaban doona caasimadda Puntland ee Garoowe. Sidoo kale madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa la filayaa inay sii joogaan Nairobi ayagoo kulamo hoose oo gaar gaar ah la yeelan doonaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Shirka Nairobi ayaa la filayey in madax goboleedyada ay beesha caalamka ugu gudbiyaan dacwado ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray halkii ugu xumaa. Lama yaqaan in shirkan waqti kale oo mustaqbalka dhow ah dib loo qaban doono iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiisad ay ka taagneyd. Xiisadaasi ayaa sababtay inuu ku geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan dagaal ka dhacay deegaanka kalabeyr ee gobolka Hiiraan, waxaana socda baaritaan lagu sameynayo dadkii falkaasi amray. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee ku sugan magaaladaasi. Xildhibaano Daahir Amiin Jeesow oo deegaan doorashadiisa tahay Hiiraan ayaa kamid ah xubnaha maanta tagaya magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxda maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday. “Xildhibaanada golaha Shacabka way la socdaan waxyaabaha taagan, ujeedada waxay tahay inaan xal u raadino dhibaatadii dhacday, waxaan la soconaa dhibaatadii ka dhacday Beledweyne inay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay Kalabeyr ciidamo kala duwan, laakiin waa la baarayaa inay dowladda ka tirsanaayeen iyo in kale”ayuu yiri Xildhibaanka. Wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan ay kulamo arimahaasi looga tashanayo ku yeesheen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kasoo saareen baaq nabadeed. Magaalada Beledweyne waxaa hadda ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle oo u tagay magaaladaasi sidii loo dhaqan gelin lahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-13062019.mp3 View the full article
-
Kamal Amer, head of the Egyptian parliament’s defence and national security committee, told reporters that the committee has finished debating the amendment of two laws aimed at regulating Egyptian nationality (law 26/1975), and the residence of foreigners in Egypt (89/1960). “Article 17 of the first law will be amended to state that foreigners who will be allowed to have residence in Egypt are the ones who have a special stay permit, a normal stay permit, and a temporary stay permit,” said Amer, “but the amended Article 17 will make it no longer possible for foreigners who stay under a banking account to have a permit.” Amer, in a statement to reporters on Monday night, also indicated that the amendment of the nationality laws stipulates that Egyptian nationality be granted under certain conditions. “It can be granted for the first time against payment of a certain amount of money,” said Amer, adding that the “prime minister will be the one authorised with deciding whether a foreigner who bought state-owned or private property or set up an investment project in line with the rules of the investment law, or deposited a certain amount of money in foreign currency in a local bank, can be granted Egyptian nationality.” Amer said the above amendment aims to boost foreign investments in Egypt. “The new facilities and incentives in the residence and nationality laws seek to encourage foreign investors to come to Egypt and invest,” said Amer. Amer explained that a unit affiliated with the cabinet will be set up to review “nationality requests” and give recommendations to the prime minister. “The unit will include representatives from the ministries of foreign affairs, interior, investment, international cooperation, and concerned security apparatuses,” said Amer, adding that “the nationality request will be submitted to the unit against a payment of $10,000 or the equal value in Egyptian pounds.” “A foreigner can have this amount refunded in the case that his request is rejected.” Amer also said that “the unit will be required to review the request within three months from the date of submission.” “If the request gains initial approval, a foreigner will be granted a six-month temporary residence,” said Amer. Ahmed Samir, the head of parliament’s Economic Affairs Committee, told reporters that the amendments of the nationality and residence laws go hand in hand with the new investment law. “All aim to boost foreign investments in Egypt in terms of helping foreigners have easy access to residence and nationality, particularly those who have long-term investments and need to have residence or an Egyptian nationality to promote their activities,” said Samir. Ahram Online Qaran News
-
Gaarisa (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan Al Shabaab kula eegteen ciidamada Kenya deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Al Shabaab ayaa qaraxyo la eegtay ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma, oo hoostaga magaalada Gaarisa, waxaana la sheegay inay waxyeelo gaartay ciidamada Kenya. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxyada oo ahaa miinooyin dhulka lagu aasay ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya, islamarkaana uu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Kenya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxayay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya, islamarkaana ay doonayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalkaasi Kenya, Caasimada Online Xafiiska Gaarisa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhammaan la soo qabtay raggii dilay Col. Maxamed Macoow Xalane oo ahaa taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan islamarkaana caddaalada la marsiin doono. Mudane Waare ayaa soo dhoweeyay guddiga heer Qaran ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baaritaanka dhacdadii lagu dilay Col. Maxamed Macow isagoo sheegay in Hirshabeellena ay magacaabi doonto o guddi heer wasiirro ah oo la shaqeeya guddiga heer Qaran si baaritaan dhab ah loogu sameeyo cidda bixisay amarka lagu dilay taliyaha. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay taliyaha iyo guud ahaan bulshada reer Beledweyne isago ugu baaqay in la is dejiyo oo xasiloonida la ilaaliyo inta caddaalada laga marsiinayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa. Hoos ka daawo shirkiis jaraa’id PUNTLAND POST The post Madaxweyne waare oo sheegay in la qabtay dhammaan raggii dilay Col. Maxamed Macow appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeeray xarumo Booliisku Is-xilqaan ku dhisayaan appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in go’aanka Kenya ay ku xirtay xuduudda Soomaaliya aysan la xiriirin sababo amni, balse ay jirto cabsi laga qabo koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Soomaalida ee NFD. Wargeyska ayaa qoray in dhowaan saraakiisha sare ee dowladda Kenya ay ku kulmeen Nairobi, kana hadleen kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), oo dagaalyahaneeda ay isku magacaabeen “dagaal-yahnnada xoriyadda” Sida warbixintan lagu sheegay weli si rasmi ah looma yaqaan tirada dagaal-yahnnada kooxda, hase yeeshee waxaa cabsida laga qabo laga dareemayaa Nairobi. Kulanka Nairobi oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka heshao ka ganacsiga badeeco ka timaada Soomaaliya. Waxaa farta lagu goday qaar ka mid ah siyaasiyiintii looga adkaaday doorashadii 2017, oo kulamo ka dhan ah dowladda Kenya ka dhex billaabay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Soomaalida degan dhanka xuduudda Soomaaliya, iyo kuwa gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Si wax looga qabto siyaasiyiintan, dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa inay eegto xisaaboodkooda banki, si loo ogaado haddii ay meelo kale kasoo gasho lacag. Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya. Kooxdan ayaa axaddii barta twitter soo dhigay farriin ay taageero ugu raadinayaan dhaqaaqooda ay ku doonayaan inay ka go’aan Kenya, islamarkaana aas-aasaan dal cusub. “Waxaan nahay xisbi siyaasadeed bulsho oo soo jeedinaya madax-banaannida Jamhuuriyadda NFD, oo ka madax-banaan Kenya iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay kooxdan. “Dhaqaaqan ayaa ka dhashay cadaadiska joogtada ah ee Kenya iyo Al-Shabaab ay ku hayaan dadka gobolka Waqooyi Bari. Al-Shabaab waxay weerarayaan ciidamada Kenya, ciidamada Kenyana waxay weerarayaan dadka aan waxba galabsan ee NFD. Ma sii socon karto tan” ayaa lagu yiri bayaanka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Residents of Mkhungela Street woke to the sound of gunshots in the area. Source: Hiiraan Online