Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaaciyey in aanu Madaxweynimada Muuse Biixi aqoonsanayn, waxaanu ka hadlay Kornayl Caarre & Qadiyadiisana taageeray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil Jirde ayaa si faah-faahsan uga hadlay xeer xasaasi ah oo hor-yaalla golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ticabu Yilma oo wata ciidamo gaar ah ayaa ka dagay barqanimadii maanta gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey. Taliyaha oo hoggaaminayo saraakiil kale ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, iyagoo haatan kulan xasaasi ah la qaadanaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulankan oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay AMISOM ula wareegi laheyd amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wafdigan ayaa kulamo la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada, iyadoo weli ay taagan yihiin cabaqado waa weyn oo u baahan in xal laga gaaro, ka hor doorashadaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl-gal Al-Shabaab ooga saarayo deegaannada ay haystaan. Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay Shabaabka u haysteen. Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Qoraalka kasoo baxay xfaiiska Kheyre ayaa lagu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.” Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. (SLT-London)-Shaqojoojin qorsheysnayd oo ay sameeyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa la hakiyey si loogu oggolaado wadahadallo dheeri ah oo u dhexeeya maamulka garoonka diyaaradaha iyo mas’uuliyiinta midowga Shaqaalaha. Shaqaalaha garoonkan diyaaradaha oo ay ku jiraan saraakiisha nabadsugidda, dab damiska iyo injineerrada ayaa lafilayaa inay bilaabaan shaqo joojinta 48-saacadood oo ay kaga cabanayaan mushaharkooda oo hooseeya. Madaarka diyaaradaha ayaa hore u baajiyay 177 duullimaad oo qorshaysnaa Isniintii iyo Salaasadii. Waxaana Duullimaadyada la joojiyey qorshahoodu ahaa in ​​30,000 oo qof oo rakaab ah ay qaadaan, taasoo ka dhigan 7% wadarta tirada dadka imanaya iyo safarradooda. Garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa sida caadiga ah waxa ka duuli jiray 1,300 duullimaad oo qaada 220,000 qof maalin kasta. Ilaa hada ma cada wakhtiga loo qorsheeyey 177 duulimaad ee la joojiyey xiliga ay dib u bilaabmayaan. Diyaaradaha Duulimaadyadooda la joojiyey ayaa waxa ka mid ah Flybe, British Airways, Air Canada, Switzerland, Lufthansa, Etihad, Qatar Airways, Aer Lingus, iyo TAP Air Portugal. Dhinaca kale shirkadda Emiratt ayaa iyaduna soo saartay digniino ku saabsan duulimaadyadaasi baaqday. Source
  6. (SLT-Muqdisho)-Waxaa la filayaa in Ixtifaalka Munaasabadda Maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa dhici doonto maalinta axadda ee soo socota, inkastoo uu durba soo baxeen Waddamo rumeysan inay Maalinta Isniinta noqonayso Maalinta 1-aad ee Ciidda Arafo. Warbaahinadda kala duwan ee Dunida Islaamka ayaa soo werinaya in lagu kala duwan yahay aragtida bilashadda Bishan Dul-xaj ee sannadkan 1440-ka Hijriyah, oo ay Jamhuurka badankiisa sheegeen in la arkay Bilashadda Bishan Jimcihii la soo dhaafay. Maalinta Ciidda oo ku beegan bishan Dul-xaj ama Carafo 10-da ayaana ah maalinta ay Muslimiinta Caalamka u dabaal-degaan Ciidda Al-adxa oo ka mid ah Labada Munaasbadood ee Ciidda Muslimiinta. Ilaa 20-Waddan oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Somaliland, Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo Baxrayn ayaa la filayaa in Ciiddul-Adxa ee sannadkan loo dabaal degi doono maalinta Axadda ee soo socota. Labo Waddan Carbeed ee Morooko iyo Cummaan waxay ku dhawaaqeen inay Ciiddi doonaan Maalinta Isniinta ee soo socota, oo ayna ciiddi doonin maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda. Sannad kasta, marka la gaadho 10-ka bisha Dul-xaj waxay dadka Muslimiinta u dabaal degaan Maalinta Koowaad ee Ciiddul Adxa oo la gawraco Xoolaha Udxiyadda ee ay dadka Muslimiinta isku casuumaan, loona qeybiyo hilibka Udxiyadda Bulshadda aan awoodin inay gawracdaan Xoolaha Udxiyadda. Source
  7. (SLT-Doha)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa tafaasiil ka bixiyey wadahadal ay dhinaca telefoonka ku yeesheen Madaxweynaha dalka Emmanuel Macaron, kaas oo sheegay inay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka iyo arimo kale. “Labada dhianc waxa ay ka wadahadleen arimihii u dambeeyey ee gobolka iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya oo ay doonayaan inay iska kaashadaan sidii dedaalada nabada dib loogu soo celin lahaa dalka Libya la iskaga kaashan lahaa,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay boqortooyada dalka Qatar. Source
  8. (SLT-Cabdi Mahad Cismaan ayaa la xidhay toddobaad kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi. Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib markii lagu helay inuu Sarkaal dhar cad ah oo ka tirsan Boliska UK ka iibiyey noocyadda Daroogadda ee Kokaa’iinka iyo Herowiinka bishii August 31-dii ee sannadkii hore. Cabdi Mahad Osman oo deggan Hamilton oo ka tirsan magaalada Lester ayaa la sheegay inuu Sarkaalku bixiyey lacag dhan 15 Giniga Britain, taasi oo uu ku iibsaday hal garaam oo Daroogadda Kokaa’iinka. Bishii September 7-dii ee sannadkii hore ayuu Sarkaalkii mar kale la soo xidhiidhay Cabdi Mahad Cismaan oo uu ka codsaday inuu ka iibiyo Daroogada, balse la xihday xilligaasi. Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda la hor geyey Eedeysanaha waxaa loo gudbiyey faylasha 33 Eedeyn oo ku aadan dacwadaha loo haysto iyo codad uu duubay Sarkaalkii uu ka iibin jirey Daroogadda. Garsoore Robert Brown oo qaadayey dacwadda loo haysto Eedeysanaha waxa uu ku xukumay xabsi dhan 5 sanno iyo 7 bilood. Source
  9. Taliyaha guud ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wefdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbland. Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa loo gudbiyay guriga Martida magaalada Kismaayo halkaasi oo ay hadda kula shirsan yihiin madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe waxaana sida la sheegayo ay kulankooda uga wada-hadlayaan arrimaha Amniga iyo doorashada Jubaland. Sidoo kale Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Guyo waxaana uu kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedka Jubaland iyo guddiga doorashada maamulka. Socdaalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf la xiriira arrimaha doorashada oo u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedaynayo in ay fara-gelin ku hayso doorashada Jubaland iyadoo dabada ka soo riixaysa musharrixiinta qaarkood. PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismaayo kula shirsan madaxweynaha Jubaland appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Yemen)-Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee WFP iyo maleeshiyada mucaaradka xuutiyiinta Yemen ayaa gaadhay heshiis dib loogu bilaabayo gargaarka la gaadhsiinayo dadka rayidka ah oo ay saameysay Colaadda. Macaawinada WFP iyo howlaha kale oo ay ka qaban jirtay Yemen gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin barakacayaasha ayaa hakad uu ku yimid bishii June. Afhayeenka xuutiyiinta Maxamed Cali Al-Xuuti ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in heshiis ay la gaadheen hey’ada WFP. Heshiiska labada dhinac ayaa imaanayaa iyadoo dalka yemen ay ka jirto macluul aad u baahsan taasi oo ka dhalatay colaada shantii sanno ee la soo dhaafay ka taagan Yemen. Kooxda Xuutiyiinta ayaa dabayaaqadii sannadkii 2014 xoog kula wareegay magaalada Sanca oo xarun u aheyd xukuumada Yemen. Source
  11. Somali authorities executed two al-Shabaab militants who were convicted for a December attack that killed at least 13 people in the capital, Mogadishu. The men “were executed by firing squad on Monday morning,” Chairman of the Somali military court Hassan Ali Nur told reporters. The al-Qaeda-linked militants have waged an insurgency in Somalia since 2006 in a bid to impose its version of Islamic law. While the group was driven out of Mogadishu in 2011 by Somali and African Union forces, it continues to carry out deadly attacks in the city View the full article
  12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan. Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Xasan Khayre ayaa todobaadkan ka soo laabtay safar uu muddo bil iyo 10 cisho ah ku joogay Galmudug. Mudane Kheyre intii uu deegaankaasi joogay waxaa uu qabtay hawlo muhiim ah, oo ay ugu weyneyd in ciidamadii kooxda Suufida ee Ahlu-sunna lagu wareejiyey dowladda federaalka ah, lana qarameeyey. Dhinaca kale, waxaa jiray ballamo uu Xasan Kheyre ka qaaday dadka reer Galmudug, kuwa siyaasadda oo ay ku jireen dhismaha Galmudug oo mid ah, magacaabis guddi dib u heshiisiin iyo cabashada beelaha maalin kale ayaan ka hadli-doonnaa, laakin maanta waxaan halkan ku soo uruuriney ballamaha horumarineed, kuwaas oo fulintooda laga sugayo, laguna xisaabtamo ra’isul wasaare Kheyre maalmaha ama bilaha soo socda. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Labo iyo Toban(12) Balanqaad oo Laga Sugayo Fulintooda: 1. Ugaas Nuur Airport: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxyaabaha uu dadka deegaanka Dhuusamareeb ka balanqaaday waxaa ka mid ahaa dhismaha garoonka diyaradaha ee Ugaas Nuur. 2. Isbartiibada Dhuusamareeb: Dhalinyarada reer Dhuusamareeb waxaa ay Kheyre ka sugayaan balanqaadka ah dhismaha garoonka kubadda cagta. 3. Laamiga Dhexmara Dhuusamareeb: Waxaa uu kale uu isla Dhuusmareeb ka balanqaaday dhismaha waddo laammi ah oo dhex marta magaalada. 4. Biilka Ciidanka: Waxaa uu ra’isul wasaare balan-qaaday in ciidamada la diiwaan-geliey ee Galmudug ay biil dowladda federaalka ah bixiso qaadan-doonaan bisha August 2019-ka. 5. Cadaado: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre intii uu Cadaado joogay waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin, odeyaal, dhalinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee deegaanka. Arrinta ugu muhiimsan ee uu balanqaaday marka laga soo tago in Cadaado aanu ka qaadin doonin maqaam ay heysato, hadana waxaa uu balanqaad u sameeyey guddiga is-xilqaan, oo dhisay goobo muhiim ah oo xero ciidan ku jirto. Koonfurta Galkacyo: 6. Garoonka Cabdullahi Ciise: Waxaa Xasan Kheyre oo dadweyne halkaasi kula hadlayey uu balan-qaaday inuu dowladdiisa ay qurxin-doonto, lacagna gelin-doonto isbartiibada. 7. Jidadka Baladweyn Ilaa Galkacyo: Waxaa uu reer Galkacyo ugu bishaareeyey in xukuumadiisa ay saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Baladweyne ilaa Galkacyo. 8. Hoyga Nabadda: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu dhagax dhigay “Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo”, isaga oo sheegay iney tahay sharaf u soo hoyatey Galmudug iyo Puntland, lama oga waxa ay uga qeyb qaadatay xukuumadiisa. 9. Agabka Ciidamada Isku Dhafka Galkacyo: Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu reer Galkacyo u sheegay inuu halkaasi u tagay inuu agabka u dhameystiro ciidamo isku dhaf ah, oo halkaas laga hirgeliyey booqashadii madaxweyne Farmaajo kadib. 10. Waqooyiga Galkacyo iyo Cawaale: Waxaa uu balan-qaaday dhismaha garoonka Cawaale ee waqooyiga Galkacyo si dhalinyarada uu uga farxiyo. 11. Dib-u-heshiisiinta Xeraale iyo Huurshe: Mar uu Huurshe joogay waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay soo diryso guddi kala shaqeeya dib u heshiisiinta iyo wax walbo ay tabanayaan Halkan Xeraale uu ka sheegay in aanu magaalada ka tagi-doonin iyada uusan xalin wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya Huurshe. 12. Qaanta Kheyre: Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo nala hadlay waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu deegaanka ka soo tagay isaga oo si gaar ah lagu leeyahay lacag badan, ilaa hadda lama bixin lacagihii lagu soo dhoweeyey magaalooyinka uu tagay ee Galmudug, lama bixin qarashkii gawaarida galbinayey, goobo deegaanka, cunto, boorar, hawlo farsmo, qaban-qaabo iyo abaabulka dadweynaha socday muddadii uu halkaasi joogay. Muxuu Fuliyey Ilaa Hadda? Garoonka Cawaale: Waxaa uu bixiyey qarashka uu balanqaaday ee garoonkaasi Cawaale ee waqooyiga Galkacyo. Biilka Ciidanka: Waxaa la bixiyey mushaaraadka ciidanka la diiwaan-geliyey. Ugu dambeyntii, lama oga sida ay u fuli-doonaan balamahan cusub ee ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyada oo aan weli la fulin balamo uu Janaayo 2018-kii sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kana qaaday bulshada Galamudug, isaga oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed, oo ilaa hadda waxba ka soo naaso cadeyn. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo koox hubeysan, kaasi oo ka dhacay gobolka Sool. Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare in kastoo weli aan la ogaan inta uu la egyahay. Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Jabhadda Feysal Falalug oo kasoo horjeedda joogitaanka ciidanka Somaliland ee gobolka Sool. Saraakiil u hadlay ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay iska caabiyeen raggii soo weeraray, sidoo kalena ay jiraan dad ay nolosha uga qabteen waa sida ay hadalka u dhigeenne. Somaliland ayaa maalmahan dambe waxay dagaallo culus kala kulmeysaa jabhado hubeysan, kuwaa oo kasoo horjeeda maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. The Somali Stock Exchange (SSE) has solidified it’s commitment to Somalia’s growing economy with a place on the UN Sustainable Stock Exchange. Source: Hiiraan Online
  16. Laascaanood (Caasimada Online) ― Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa xerada buurta Sayidka. Faysal Falaalug, hogaamiyaha jabhada xoraynta gobolka Sool ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weerarkaasi ay waxyeelo ba’an ku gaarsiiyen ciidamada Somaliland, isla markaana iyagu nabad qab kaga soo laabteen. “Jabhada xorayntu xalay waxay gashay buurta sayidka ilaahayna waa uga rooneeyey waxyeelo anaguna nabad galyo ayaa ilaahay na siiyey oo aanu kaga baxnay” ayuu yiri Faysal Falaalug. Dhinaca kale, Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Cabdi, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidii geystay weerarkaasi ayna wadaan baadhista cidii ka dambaysay, wuxuuna yiri “Goobta aniga ayaa tagay oo soo eegay, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd, meeshii aan tagayna sadex qori ayaan qasharkooda ku arkay, qaarna waxay na oo waydiiyeen dad ayaa dhintay iyo laascaanood waxbaa ka dhacay”. “Magaalada Laascaanood gudaheeda waxba kamay dhicin, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd aniga ayaa istaagay, qofka wax kale sheegayaa ha sheego laakiin gobolkan anaga ayaa amnigiisa ka masuula oo waxba kamay dhicin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Dad tuhun loo hayo oo arintaas loo tuhmayo oo xidhan ayaa jira, taasna ciidanka dembi baadhista ayaa gacanta ku haya oo baadhis ayaa ku socota, ciidanka Booliskuna ka fadhiisan maayo amniga waana waajibaad saaran in dalka iyo dadkaba loo adeego oo aanu nafta iyo dhiigaba u hurno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (HOL) - The Somalia military court executed an al-Shabab militants for being involved in bomb blasts and assassinations in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhow sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ku dilay isgoyska Siinaay ee M/Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolada, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha ammaanka oo la xariira dilka sarkaalkaasi. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna howlgallo ka bilaabay qeybo ka mid ah dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan go’aanka ay qaateen iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Xerada Gen. Gordan ee lagu tababaray ciidamadaan waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka Xoogga oo ka qayb qaata howlgallada socda gudaha dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dila xalay qof rayid ahaa loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah dilka ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo marxuumka la dilay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hada ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Jubbaland oo ku aadan dilka marxuumkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii mid ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Jubbaland lagu toogtay gudaha magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ayaa goor dhow lagu dilay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa geystay rag ku hubeysnaa bistoolada oo Marxuumka la dhacay dhowr xabadood, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Shalay ayey aheyd markii askari ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu toogtay gudaha suuq Bacaad, kaas oo kooxihii dilay ay horay uga sii qaateen hubkii uu watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxaa ay suuqa Siinaay ee degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda hoose. Wararka ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysanaa ay sarkaalka ay ku soo weerareen Suuqa xili uu ku sugnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan. Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah. Waxaan jirin ilaa iyo hadda warar ka soo baxay laamaha ammaanka ee cidanka dowladda federaalka oo ku aaday dilka sargaalka lagu dilay suuqa siinay, iyo waxaa ka jira in ay jiraan cid loo qabtay tilka sargaalka ka tirsanaa dowladda hoose. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dilal nuucaani oo kale ah kuwaas oo ay la kulmaan shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Hobyo (SMM) – Wajiga labaad shirweyne u dhexeeya beelaha wada daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa maanta ka fumaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xildhibaanada ka qeyb galayA shirkaasi waxaa horkacaya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Afhayeenka shirkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Salaad Yarow ayaa Shabelle uga warbixiyey waxyaabaha laga wada hadli doono iyo muhiimada kulankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed.mp3 View the full article
  24. Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulamo u dhexeeyey, IGAD, Midowga Africa, AMISOM iyo Jubbaland ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka iyo doorashada maamulkaasi. Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Africa iyo AMISOM ay ugu baaqeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu ka tanaasulo arrimo ay ka mid yihiin halka lagu qabanayo doorashada iyo in uu dib u eegis ku sameeyo guddiga doorashada oo ay horay cabasho uga keeneen qaar ka mid ah musharraxiinta. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka horyimid baaqaasi, wuxuuna tilmaamay in sida loo qorsheeyey ay u dhici doonto doorashada. Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale ku ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhowaan ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  25. Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay loogu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Labadaan ruux ayaa xeer ilaalintu sheegtay in ay dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed. Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada. Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:- 15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad . 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum. 09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux . Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux . Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com