-
Content Count
208,681 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CLICK HERE Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Laba habeen ka hor waxaa deegaanka Dhiin Waris oo 18 dhanka Bari ka xiga Magalada Dhuusamareeb lagu dilay 4 Ruux oo ka Shaqeynayay Goob lagu xanaaneyo Shinida , isla markaana Malabka looga dhaliyo, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Hase yeeshee dhacdadaas ayaa waxaa si kulul uga hadlay maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo sheegay inay aad uga xun yihiin falkaas, waxaana ay baaris deg deg ah ka dalbadeen Madaxda Maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa ugu baaqay in Madaxda Maamulka Galmudug ay baaris dhab ah ku sameeyeen dadkii ka dambeeyay dilka Afarta Ruux ee Shacabka ah. Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin inaysan raali ka aheyn Madaxda Galmudug wixii ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb, hayeeshee ay ka sugayaan inay jawaab deg deg ah kasoo siiyaan dilkaas loo geysta dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Glbeed. Dhinaca kale Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay aad uga xun yihiin dilka dadka rayidka ah loo geystay, isla markaana ay wadaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/cod-1-konfurgalbed.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
A workman has alleged that he was forced to kiss the feet of the Saudi crown prince’s sister as part of an ordeal lasting several hours in which he was punched and his hands were tied. The 54-year-old plumber reported Princess Hassa bint Salman, 44, King Salman’s only daughter, to police, claiming that she had ordered her bodyguard to assault him. During the incident at the princess’s apartment in Paris, she shouted, “Kill him, the dog, he doesn’t deserve to live”, according to Le Point magazine. The princess, whose brother, Mohammed bin Salman, is the powerful heir to the Saudi throne, is also accused of theft because she allegedly confiscated the plumber’s tools before letting him leave her apartment. She is to stand trial next… Source The Times Qaran News
-
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda ayaa warbaahinta Qaranka uga war bixiyay sida loogu siyaar garoobayo xuska maalmaha xorriyadda, wuxuuna Shacabka iyo Safiirrada caalamka ka jooga Soomaaliya kula dardaarmay in ay dhankoodana u diyaar garoobaan weyneynta maalmaha xorriyadda. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha’ Khadiija Maxamed Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno. Shirka ayaa lagu lafa guray, sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda, in la diyaariyo goobo wacyi galineed oo dadka lagu xasuusiyo waddaniyadda iyo halgenkii loo soo maray madaxbannaanida. 26-kii June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Ciiddeena, ayaa waxa ay gobollada waqooyi badax bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana Shan Cisho ka dib 1-dii July gobanimada ka qaatay Isticmaarkii Talyaaniga gobollada Koofureed ee dalka, iyagoo isla xilligaana ku midoobay Jamhuuriayadda Soomaaliya. Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa 9-kii Bishan magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag. “Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.” Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka. Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira. Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada. Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo. Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee dowladda Kenya ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo laga soo doorto degmada Wajeer, kadib markii loo qabsaday eed la xiriirta inuu jirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi, islamarkaana uu dhaawac gaarsiiyay. Xildhibaan Rashiid Amiin, ayaa loo heystaa inuu aqalka baarlamaanka hortiisa ku jirdilay xildhibaan Faadumo Geedi, islamarkaana uu aflagaado u geystay, waxaana lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sawir laga qaaday xildhibaan Faadumo Geedi oo dhaawac uu ka muuqday ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana xildhibaanka loo heystaa gacan qaadka xildhibaanada oo isku deegaan laga soo doorto. Faadumo Geeddi ayaa haweenka degmada Wajeer ku matasha baarlamaanka dalka Kenya. Xildhibaan Rashiid ayaa la qabtay lana xiray kaddib muddo laba saac ah oo su’aalo laga weydiinayay falka gacan qaadka ah ee uu u geystay xildhibaanad Faaduma Geeddi kaas oo kadhacay goob gaadiidka la dhigto oo kamid ah dhismaha Baarlamaanka Kenya. Xildhibaanka ayaa ka carooday sababta Faadumo Geeddi oo kamid ah guddiga maaliyadda ay miisaaniyad ugu dari weysay Bariga Wajeer oo uu matalo, ayaa u gacan qaaday kadib markii ay muddo wada murmayeen. Faadumo ayaa u sheegtay Wargeyska The Star in Xildhibaanka ay si wanaagsan isku salaameen markii hore, markii uu su’aasha la xiriirta dhaqaalaha degaankiisa weydiiyayna ugu jawaabtay, “adiga oo aan marti kuu ahayn meesha ma aadan joogin, dadkaagiina isuma aadan keenin si ay u soo bandhigaan baahidooda”. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirkii maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay oo madaxda maamul goboleedyada la filayay inay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isaga oo dadweyne la hadlayay wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo u fakaraya. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibeyso in madaxda maamul goboleedyada ku shiraan meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u sheegay inay ku shirayaan dal uu xiisad siyaasadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin magaalooyin ka wanaagsan Nairobi oo shirarkooda ay ku qabsan karaan, balse ujeedo kale ay ka dambeyso inay Kenya ku shiraan “Wey na dhibeysaa markaan aragno maamul goboleedyada oo ninkii bud-ka (Usha) noo heysta gurigiisa ku shiraayo, meel ay ku shiraan ma weynin, laakiin haddana waxaan kor u qaad qaadeyno maaha, mar ayaa caqli usoo bixi doonaa oo gurigooda ay ku shiri doonaan” “Boqol meelood oo wanaagsan ayay qabaan, waxay meeshaas ugu shireen waxaan is leeyahay waa un qaab daro ayaan is leeyahay, Wadankaan waxaa is kaleh Soomaali, iyagaa u adeegaya, iyagaa u shaqeynayaa iyaga ayaana ka shaqeysan doono”ayuu yiri wasiir Goodax. Shirkii maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gabi ahaanba baaqday, waxaana la sheegayaa inay soo kordheen culeesaadyo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com Siyaasad aamusnaan deganaan ah ayaan ku dhaqmeynaa
-
Wajeer (Caasimada Online)-Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada Wajeer, kuwaasi oo looga soo horjeedo gacanqaad uu xildhibaan Rashiid ku sameeyay xildhibaanada laga soo doorto deegaankaasi. Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda beesha Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa sheegay in amni daro ay keeneyso dhibaatadii xildhibaan Rashiid uu u geystay Xildhibaanadda, haddii dowladda Kenya aysan waxba ka qaban. Waxay sidoo kale sheegeen in dowladda Kenya ay ka doonayaan inay si deg deg ah maxkamad usoo taagaan xildhibaanka jirdilka u geystay xidhibaan Faadumo oo isku deegaan laga soo doorto. “Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in arimahaa nagu soo laalaabtay haddii aan nahay beesha OGAADEEN aan u dulqaadaneyn, haddii ninkaa dhibka u geystay gabadha aan saldhiga lagu sii heyn inta la iskaaga imaanayo, arimahaasi amni xumi ayay keeneynaa, mana dooneyno” “Guddoomiyaha gobolka iyo laamaha amaanka waxaan ka codsaneynaa in ninkaasi si deg deg ah maxkamad loosoo saaro, haddii aan la sameyna arimahaasi amni xumo ayay keeneysaa”ayuu yiri mid kamid ah dadka u hadlay beeshaasi. Xiisadda ka dhalatay jirdilka Faadumo Geeddi ayaa ka taagan magaalada Wajeer, iyadoo dadka ay dhigayeen banaanbaxyo ay taayaro ku gubayeen. Xiisadda ayaa sii xoogeysan karto, maadaama laba beelood ee ay kasoo kala jeedaan xildhibaanada ay wada dagaan magaalada Wajeer. Hoos ka dhageyso codka odayaasha la hadlay warbaahinta. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/baaq.mp3Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Already the US and Iran have two totally contradictory assessments of the attacks on the two tankers. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Warfaafinta Somalia ayaa amarrro culus dul-dhigtay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaasoo si aan rasmi ahayn uga hawl-geli jiray warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka jirta. Xubnaha amarrada la dul-dhigay waxaa ka mid majaajiliistayaasha ka tirsan wasaaradda sida; Maki Xaaji Banaadir iyo Oday Cabdulle, waxaa kaloo sidan oo kale amarro loo dul-dhigay fannaaniinta ka tirsan waaaradda ee qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay ka baahiya barnaamijyada u badan wacyi-gelinta. Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo dhawaan xilka loo magacaabay ayaa ku gooddiyay markii uu xilka la wareegayay inuu la imaan doono isbedel ballaaran, isgaoo xil cusub u magacaabay fananan ka soo goostay Somaliland oo lagu magacaabo Nimcaan Hillaac. Sidoo kale, Wariyeyaasha Idaacadda ka hawl-gala ayaa lagu wargeliyay inay ka digtoonaadaan inay ka shaqeeyaan goobo kale oo aan wasaaradda ahayn waxaana wariyihii lagu helo arrintan la sheegay in shaqada laga cayrinayo. “Runtii tallaabooyinkaan waa kuwo gumeysi cusub ah, waayo qorshaha laga leeyahay waa in shaqaalaha wasaaradda la eryo ee ma ahan mid lagu diidan yahay shaqooyinka warbaahinada kale,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha ka shaqeeya wasaaradda warfaafinta Somalia. Suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dowladda ayaa qaarkood waxay u soo dhabar-adaygeen hawsha wasaaradda, iyagoo kasoo billaabay meel cabsi leh qaarkoodna ay dishay Al-shabaab, sabablo la xiriira madaxaad idaacaddaas uga shaqeysaan. Ugu dambeyn, Amarradan ayaa waxay imaanayaan iyadoo dhawaan uu xilka wasaaradda iska casilay Daahir Maxamuud Geelle oo wasiir ka ahaa muddo aad kooban, isagoo sheegay inay isaga iyo RW Somalia isku fahmi waayeen shaqooyinka wasaaradda, isaguna uu go’aansaday inuu xilka ka dago. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta DF oo lagu soo rogay Amarro culus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka dhegeystay guddoonka iyo hawl-wadeennada gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag. “Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.” Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka. Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn, Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), ku xigeenkiisa arrimaha maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahad-Alle, ku xigeenkiisa arrimaha bulshada Basmo Caamir Axmed iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Maamulka Goboalka Banaadir ku boorriyay doorkooda ku aadan Is-xilqaan appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON D.C — Maryland Senators Ben Cardin (D) and Chris Van Hollen (D), along with Dianne Feinstein (D-Calif.) and Tim Kaine (D-Va), are calling on the United States Senate to pass the Safe Environment for Countries Under Repression and in Emergency (SECURE) Act. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu baxsaday Taliyihii Saldhigga degmada Xamar-weyne ee Booliiska Soomaaliya Axmed Khadar. Taliyaha oo ku jira dad loo heesto dilal ka dhacay degmada Xamar-weyne ayaa la ogeyn ilaa hadda meel uu cirib dhigay, waxaana isa soo taraya wararka arintaan ku saabsan. Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in muddo laga joogo 72 saac la’la’yahay Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne, waxaana la ogaaday in uu ka baxsaday magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Wararka ugu badan ayaa sheegaya in uu u baxsaday dalka Kenya halka qaar kalane ay sheegayaa in uu baxsaday dalka Turkiga. Qaar kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in uu baxsaday Itoobiya. Caasimada Online oo la hadashay xubno katirsan maamulka degmada Xamar weyne ayaa waxay noo xaqiijiyeen in ay xaqiiqo tahay baxsadka Taliyaha balse aysan xaqiijin karin halka uu u baxsaday. Axmed Khadar oo la magacaabay 24-kii bishii March ee sanadkaan waxa uu kamid yahay Saraakiil iyo mas’uuliyiin loo heesto isku dhacyo bishii Ramadaan ka dhacay degmada Xamar-weyne oo ay ku dhinteen dad Shacab ah iyo askari ka tirsan militariga Soomaaliya. Dhacdada ka dhacay Xamar-weyne oo meelo badan saameysay ayaa la sheegay in dadka darteed dalka uga cararay uu kamid yahay agaasimihii Hab-maamuuska Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor arintaasi guddi u magacaabay kuwaas oo soo baari doona sida ay wax u dhaceyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Officials say social media users trying to tarnish t names of county officials and county's reputation Source: Hiiraan Online
-
Abdalla Ahamed Ibrahim has largely lived as freelance journalist in Dhobley, Somalia. Now, the 44-year-old man is plunging into politics, vying for the presidency of the federal state of Jubaland. Source: Hiiraan Online