-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. Guddigan Caawa la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood. Hadaba Halka Hoose ka Akhriso Magacaabista Guddiga Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-18072019.mp3 View the full article
-
Muqidsho ( Caasimada Online) – Wakiilka gaarka aha ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Ergeyga ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaaro xal siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda. James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay si ay u xoojiso howlaheeda HirShabelle ay ku yeelaneyso maamulkaasi xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi. Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: The 30th Anniversary Of The Execution Of 56 Civilians At Jazira Beech On July 17th, 1989, presidential military forces, known as red berets, led by a Colonel Ibrahim Ali Barre, Canjeh, cordoned off an area in the Medina district of Mogadishu. The residents of the area where questioned, made to produce identification documents and those who hailed from Somaliland were forced on to army trucks. These civilians who were selected on community basis came, predominantly, from the Isaaq community, however, other northerners from the Awdal Clan and Sool clan communities were are also included, just because of their accents and demeanour. Out of the hundreds detained, 57 unlucky men were taken to an isolated area of the popular Jazira beach on the outskirts of Mogadishu. Upon their arrival on the beach, the men were forced off the trucks, lined up and summarily gunned down with automatic weapons fire. Luckily, one of the men, Omar Muse Mire, survived and hid among the corpses until the perpetrators left. Such was the haste of the soldiers to leave the scene of the massacre, they neglected to check for any survivors that may report this heinous crime. The survivor made his way to the home of Ahmed Saleban Abdalle, “Daffle”, member of the Supreme Council of the Revolutionary regime and the son-in-law of the late dictator Mohamed Siyad Barre. Unable to comprehend that such an action took place, Ahmed Saleban, asked the then Somali Police Commissioner, Ahmed Jama Muse, to investigate the matter. The Police Commissioner and other senior officials were taken to the scene of the massacre by the sole survivor, Omar Muse Mire, only to discover the hastily covered remains of 56 victims. The victims were government civil servants, university lecturers, students, businessmen, sportsmen and artists. It was later determined that the massacre took place as a retaliation for the assassination of a Somali military officer in Hargeisa, who hailed from the Marehan community and was a close relative of Colonel Canjeh, the late dictator Siyad Barre and the current head of the federal administration in Mogadishu, Mohamed Abdillahi “Farmaajo”. In the thirty years since the massacre, none of the perpetrators have been brought to Justice and no official inquiry held or an official explanation given of the massacre. Just a few months later, the regime of the late dictator, Mohamed Siyad Barre fell and the Somali Republic became defunct. Events in Somalia since that massacre on Jazira Beech thirty years ago, with the countless deaths of civilians by internal conflicts, invasions by foreign forces, terrorism and other disasters, seem to put matters in perspective. However, the arbitrary nature of the massacre of civilians in the otherwise then peaceful Somali capital began the slippery road to ruin. Qarannews.com Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. “waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan ee ku nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa muddooyinkaan waxaa laga waayey saaxadda siyaasadda, iyadoo lagu eedeeyey inuu lacag ka qaatay Dowladda Soomaaliya isla markaasna uu isaga baxay arrimaha Galmudug. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU) has called on Somali leaders to foster peace and reconciliation as part of efforts to development the country. Source: Hiiraan Online
-
The UN mission in Somalia has honored soldiers of United Nations Guard Units (UNGU) for distinguished service in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo kaga qayb-galay degmada Dhuusa-amreeb kulan loogu mahad-celinayay ayaa ka dalbaday wax-garadka Galmudug inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul mideeya gabi ahaan shacabka ku nool Galmudug. Kulankan oo ay soo agaasimeen qaar ka mid ah shacabka iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dadkii ka hadlay waxay ra’iisul wasaaraha DF uga mahad-celiyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo u adeegta dhamaan shacabka ku nool Galmudug, waxayna ballan-qaadeen inay qaadanayaan doorkooda. “Waxaan doonayaa inaad ka shaqeysaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo shacabka cadowgu haysto iyo kuwa xorta ahba si isku mid ah ugu adeegta,” ayuu yiri Khayre oo hadal ka jeediay kulankaas, isagoo dadka deegaanka ku boorriyay inay gacmaha is-qabsadaan. Sidoo kale Khayre ayaa ka codsaday shacabka Dhuusa-mareeb ku nool inay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb-gelaya gogosha dib-u-heshiineed ee magaalada taalla, ayna muujiyaan in caasimaddu tahay goob loo wada-siman yahay, ayna muujinayaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan. “Caasimaddu inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto, ee waxaa la isku haystaa mala meel-marin karaa fikirkaas, mana laga shaqeysiin karaa,” ayuu ku yiri hadalkiisa mar kale, isagoo sheegay in dhammaan shacabka ku nool Galmudug lagu qanciyo inay caasimadda Galmudug isugu yimaadaan si ay u tashadaan. Dhanka kale, Xasan Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro inay hubka ku wareejiyaan Dowladda oo ciidamada la diiwaan-geliyo si loo helo ciidamo xooggan oo ka qayb-qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Khayre ayaa ku booqay in marka la dhiso Galdmugu la rabo inay isku kaashadaan sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ee ay ka midka yihiin; Ceel-dheer iyo Ceel-buur oo aan weli gacanta dowladda ku jirin. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Caasimadda Maamulka Galmudug inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo isla-xisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka. Inj. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah. Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Xamar ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda. “Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo,” ayuu yiri Inj. Yariisow. Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qay- galay xildhibaanno, siyaasiyiin, oday-dhaqameed iyo maamulka heer gobol iyo degmo, waxayna ku dhiirri-geliyeen shacabka Dayniile inay sii xoojiyaan horumarka ay xilligan wadaan. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in uu la xisaabtamo Maamullada Degmooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo sanad iyo bar uun naga xigto doorashada guud ee 2020-ka ayaa waxa aanan muuqan weji loogu hagaago iyo hannaan sax ah oo la isku ogyahay taas oo keeni karta qas, kala orod iyo jahawareer marka uu waqtiga soo dhowaado ama arrinta laga cabsi qabo oo dib u dhac iyo waqti kororsi. Xildhibaan Saabir Shiiriye, oo ah xildhibaan golaha shacabka ee BF oo arrinkan aan wax ka weydiiney waxaa uu yiri “Xukuumadda federaalka ah ayaa ka mas’uul ah, sida aad dareenteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu rabaa in doorasho aaney dalka ka dhicin, ilaa hadda ma cada qaabka doorashada, laguma heshiisin hannaan sax ah”. Mr. Shuuriye oo ka hadlayey sharciga doorashada ayaa waxaa uu yiri “Arrinta sharciga doorashada, horta dastuurka ayuu khilaafsan yahay, qaabka loo soo qoray, shaqo in laga qabto ayuu rabaa, kaas oo aan shaqo laga qaban wax horay u soconayo ma jiraan, guddi ayaa loo saaray iyaga ayaana ka shqeyn-doona”. Aqoonyahanka Yaxye Caamir oo arrinta doorashada 2020-ka kala hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ku dooday in tashi la’aanta dowladda federaalka ah ay keentay in heerkan la soo gaaro“Waa run doorashada 2020-ka weji looma bixin, caalamka ayaa maalin walba dhahaya soo gudbiya nidaam doorasho, laakin jawaab looma hayo, mana ii muuqato in si dhow xal loo gaari-doono”. “Waxaa caqabad ka iman-doontaa in hal mar laga guuro nidaam doorasho oo muddo dheer lagu soo socday, waxaa sidoo kale adkaan-doonta diiwaan-gelinta dadka gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga, degmooyin waxaa jiro aan la tagi karin, oo matalaad aan yeelan-doonin. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu magacaabay Guddiga qaban qaabashada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug. Guddiga uu magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu saleeyay sida la sheegay nidaamka awoodqeybsiga dalka ee 4.5. Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The United States said on Wednesday that it was removing Turkey from the F-35 fighter jet programme, a move that had been long threatened and expected after Ankara began accepting delivery of an advanced Russian missile defence system last week. Source: Hiiraan Online
-
Cali Xuseen Maxamed gudoomiyaha cusub ee Sanaag Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag loogu magacaabay Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) oo hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dhanka Somaliland. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka kowaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Jaamac Cabdullaahi Cali halka ku xigeenka labaadna loo magacaabay Maxamuud Cumar Liibaan sida ku cad dikreetada madaxweyne Deni. Waxaa kale oo madaxweynuhu isla dikteeradaasi guddoomiye cusub ugu magacaabay gobolka Haylaan oo deris la’ah gobolka Sanaag waxaana loo magacaabay Siciid Xuseen Maxamuud. Mas’uulka loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) ayaa hore uga soo shaqeeyay gobolka isagoo ahaa guddoomiyaha Sanaag ee dhanka Somaliland. Waxaase uu xilkaasi iska casilay 30-May-2919 isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba isaga baxay maamulka Somaliland kuna soo biiray dhanka Puntland kadib xiisad ka dhalatay weerar ay Somaliland doonaysay in ay ku qaaddo degmada Badhan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaasha Sanaag iyo Haylaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen u magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Axmed Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa loo magacaabay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, halka Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka. Garoonka diyaaradaha Boosaaso Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD*** PUNTLAND POST The post Maamul cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyihii PHA Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) sidoo kalana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’adda laga soo bilaabo Janaayo 2019. Sidoo kale waxaa si ku meel gaara shaqada Hay’adda wadooyinka Puntland PHA loogu dhiibay Guddoomiye ku xigeenkii Hay’addaas. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019. Ku: Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland . Ku: Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Wadooyinka. Og: Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland. Ujeeddo: Shaqo ka joojin iyo burin shaqaalaysiin. Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe. Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo 2019. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka. Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD*** PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii PHA oo shaqadii laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, ayaa xubnaha ka dhex muuqday ay isugu jiraan kuwa ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Siyaasiyiin hore iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay. Guddiga ayaa lagu saleeyay hannaanka awood-qeybsiga beelaha ku midaysan dowlad goboleedka Galmudug, waxaana magacaabistoodu ku soo beegmatay xilli ay dhammaatay mudadii xil-haynta madaxweynaha Galmudug oo ku ekayd 4-tii bisha Julay. Halkaan hoose ka akhriso magacaabista PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo magacowday guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garowe iyo Buuro Wadal. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 17/07/2019 la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinkaas, waxaana go’aankaas lagu wargaliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada, Wasaaradda Amniga iyo DDRta, Taliyaha ciidanka Daraawiishta iyo Taliyaha ciidanka Booliska. Dooxooyinkaas ayaa Puntland sheegtay in ay u aqoon satahay Dhul-daaqsimeed, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doonto ciddii ku xad-gudubta. Hoos ka akhriso xeerka madaxweynaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta. Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu socoto lagu wargelinayaa laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/07/2019 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal. Dooxooyinkaas oo Dowladda Puntland u aqoonsantahay in ay yihiin Dhul-daaqsimeed, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD*** PUNTLAND POST The post Deni oo go’aan ka soo saaray dooxooyinka Waw iyo Bixin appeared first on Puntland Post.