-
Content Count
215,112 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabistii ugu dambeysay ee taliyayaasha cusub ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay ay sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa ku macneeyey tallaabadan in madaxweyne Faraamjo ku urursanayo dad wax u dila sida uu hadalka u dhigay. Qoraal Mahad Salaad uu arrintan kasoo saaray oo uu soo dhigay Facebook hoos ka aqriso. RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA! Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO! Hon. Mahad Salad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabistii ugu dambeysay ee taliyayaasha cusub ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay ay sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa ku macneeyey tallaabadan in madaxweyne Faraamjo ku urursanayo dad wax u dila sida uu hadalka u dhigay. Qoraal Mahad Salaad uu arrintan kasoo saaray oo uu soo dhigay Facebook hoos ka aqriso. RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA! Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO! Hon. Mahad Salad
-
Wararka laga helayo Magalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in guddoomiyihii degmada Baran ee Soomaaliland Cabdalle Cabdi Faatax iyo Taliyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ay ku biireen Maamulka Puntland. Xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa tagay Baran si ay u soo dhoweeyaan Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Xero ay Ciidamada Soomaaliland ku lahaayeen Magalada Baran laga taagay Calanka Puntland. Si kastaba saakay waaberigii ayay aheyd markii Maamulka Puntland ay kusoo biireen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyihii Ciidamada Aaga Magalada Baran G/sare Guray Cismaan Saalax iyo Ciidamo uu wato. Source: goobjoog.com
-
Mahad Salaad, oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa waxaa uu ka hadlay magacaabistii kala duwaneyd ee shalay isaga oo intaa raaciyey in ujeedkeedu yahay mid Madaxweyne Farmaajo ku damacsanyahay fulinta dilal, fulinta awaamiir ka baxsan sharciga iyo caburin. Mudane Mahad Salaad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, laakiin aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO!” Shalay waxaa ay xukuumadda sameysay magacaabis kala duwan, oo ay ku jireen taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharraxiintii sanadkan xilka madaxweynenimo kula tartamayey, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa ay war ka soo saaray khilaafka culus ee u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi (Karaash). Musharraxiintan oo soo saaray illaa lix qodob ayaa eedeymo kulul u jeediyey madaxweyne Deni. Halkan hoose ka qriso: Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba. Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta. Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta. Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda. Si looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:- Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno. Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo. Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah. Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan. Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan. SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:- NO. MAGACA 1.Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale 2.Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi 3.Daahir Mire Jibriil 4.Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD 5.Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax) 6.Jeneral Siciid Maxamad Xirsi DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Nabad iyo nalol waxay ka taqluuseysaa dhamaan dadkii hore ee waaya araga ahaa, sida kuwa haaya xilalka siyaasadda, taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda shaqaalaha rayidka ah. Waxay doonayaan dhalinyaro la saan qaadi kara tilmaamahooda iyo tusaalooyinkooda. Ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan waxaa xilalkooda loo kala magacaabay saraakiil dhalinyaro ah ee curdan ah, sidaasi si la mid ahna dhalinyarada waxaa la doonayaa inay ka dhex muuqdaan xilalka sare ee dowladda. Golaha wasiirada iyo badi xubnaha baarlamaanka ee labada gole ka kooban waxaa ka mid ah mas’uuliyiin aan faham ka haysan dowladnimada, dib u heshiisiinta iyo nuxurka macnaha qaranimo. 4.5 waa saldhiga qaribaada qaranka oo lagu sii xoojiyay ashqaas aan waaya arag aheyn. Magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee Somalia, ahna tiirka siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dowladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dad badan oo dhalinyaro ah oo aan haba yaraadee aan laheyn waayo aragnimo loo tixgelin karo xilalka ay ku magacaaban yhiin, waxayna dhamaantood ku joogaan naasnuujin, masuqmaasuq iyo nin jecleysi. Cumar Finish ayaa waxaa laga dhigay guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada. wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho isaga iyo waalidiintiisaba. Dadka uu ku abtirsadana ee Muddullood waa deegaanka loo tiriyo. Wuxuu leeyahay oo uu ku barbaaray dhaqanka deegaanka Xamar, waxbarashadiisii ilaa dugsiga sarena wuxuu ku qaatay Muqdisho, wuxuuna ka aflaxay dugsiga sare ee Jamaal C/naasir 1987-dii isagoo soo maray shaqooyinkii qaranka. Waa qof maskax iyo fahmo furan, laakiin ku caqliyeystay burburkii wadanka. 1991-kii wuxuu madax ka noqday maliishiyo la magacbaxday Xumaan Diid oo uu aasaasay Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow. Maliishiyadaas waxay la dagaali jirtay waxkasta oo anshaxa ka baxsan ee deegaankaas. Maliishiyadii uu ka mid ahaa wey ka madax bannaaneed awoodihii ka jiray Waqooyiga Xamar, waxay difaac iyo taakulo u aheyd deegaankii Barmuudo loo jiray. Cumar markii danbe wuxuu noqday taliyihii maliishiyadii Makka iyo Madiina, muddo kadib isaga iyo Xaaji Muuse waxay isla aas-aaseen illo dhaqaale oo muhiim ah sidii garoonkii diyaaradeed ee Jaziira iyo dekad macbil ah oo isla deegaankaas ay ka sameeyeen, illahaasi dhaqaale waxay ishii u furtay Xamartii cakirneyd, waxayna aheyd goob ay indhaha ku wada qabteen qabqableyaashii magaalada Muqdisho ka jiray, deegaanka Xaaji Muuse waxaa laga daremay kobac iyo horumar dhaqaale. Qab-qableyaashii dagaalka ee ay ka mid ahaayeen Cusmaan Caato iyo Qanyare ayaa waxay ku guuleysteen inay kasoo gooyaan awoodihii Muuse Suudi iyagoo ujeedadoodu aheyd inay burburiyaan amaankii iyo horumarkii Makka iyo Madiina caanka ku aheyd. Markaas kadib, Cumar Finish wuxuu noqday qabqable dagaal oo ka madax banaan Xaaji Muuse Suudi, inkastoo uu ku guuldareystay inuu wada qabsado Makka iyo Madiina. Markaa kadib, shirkii Eldoret iyo Mbaghati ayuu u hayaamay 2002-kii halkaasoo isagii iyo qabqableyaashii kale ee dagaalka ay ka qeybgaleen shirweynihii lagu soo dhisay maamulkii C/llahi Yusuf, wuxuu noqday xubin baarlamaan, halkaasoo aheyd daaqadii uu kasoo galay siyaasadda. kadibna wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo xildhibaan dowladdiihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Xilka hadda loo dhiibay, waa mid culus, waana caloosha maamulka dalka, waxaana horyaal daruufo badan oo xagga amniga ugu weyn tahay, dib u dhiska magaalada yo maamulka gobolka Banaadir, Xamarna waa ka duwan tahay magaalooyinka kale. Mida bulshada seddaxda milyan ku dhow ka sugeysa ayaa ah xaqiijinta xuquuqda iyo maqaamka Muqdisho iyo inuu iska dhooro sidii horay u dhacdayba in laga horkeeno deegaanka Xaaji Muuse degan yahay, taasoo inay dhacdo Kheyre muhiim u tahay qorshahiisa. W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa war ka soo saartay doorashadii Jubbaland ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kenya ayaa marka hore hambalyo u dirtay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa loogu baaqay dowladda dhexe in ay la shaqeyso maamulka Jubbaland, islamarkaana khilaafka jira lagu dhammeeyo wada-hadal. Ugu dambeyn warkan ayaa lagu sheegay in Kenya ay la shaqeyneyso maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Kenya ayaa door muuqda ku laheyd doorashada Jubbaland, iyadoo taageereysay madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi. Dowladda federaalka ayaa qaadacday natiijada doorashadaasi, kadib qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Danjiraha dalka Ruushka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in adduunku qarka u saaran yahay tartan hub cusub kadib markii Mareykanku uu durba bilaabay tijaabinta gantaalihii horay looga mamnoocay dunida, kana baxay heshiiskii la socodka hubka ee Moscow. Ku-xigeenka danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobey Dmitry Polyanskiy ayaa digniin xoogan ka bixiyey tijaabooyinka Maraykanku samaynayo xilli uu ka hadlay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Dmitry ayaa waxa uu sheegay tijaabada Washington ee gantaal dhulka laga soo riday horaantii todobaadkan inay muujineyso in maamulka madaxweyne Donald Trump “uu diyaar u yahay tartan hub.“ “Miyaad ka warqabtaa xaqiiqda ah in dhammaanteen aannu ka helnay hal tallaabo ah inaan la xakamayn tartankii hubka, sababtuna tahay han juquraafiyeedka Mareykanka? Tani waa mid walaac weyn noo leh mana ahan Maraykanka oo keliya”, ayuu yiri Pentagon-ka ayaa Isniintii sheegay inay tijaabisay tijaabinta gantaalaha ridada dheer oo casri ah isla markaana jari kara in kabadan 500 Kilometer. PUNTLANDPOST The post Danjiraha Ruusha ee QM,”Adduunku wuxuu gelayaa tartan hub iyo ciidan kadib tijaabadii Maraykanka”. appeared first on Puntland Post.
-
After six long years, Abdi Ghuled was able to track down his wife and two daughters, who had fled violence in Somalia, ultimately locating them in Germany. Source: Hiiraan Online
-
Saudi Arabia and Qatar engaged in a diplomatic war last year when the former imposed an embargo on the latter, attempting to cut its ties with the outside. In addition to the existing confrontations between the two Gulf countries, now the two countries are locked in another power struggle. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Duraan Maxamed Samatar ayaa faah faahin ka bixiyey shir ay xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku yeesheen golaha wasiirada mamaulkaasi. Shirka ayaa waxaa guddoomiyey madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyadoona diirada lagu saaray amniga iyo shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan la filayo inuu ka furmo gudaha magaaladaasi. Wasiir Duraan ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan qabsoomida shirkaasi oo muhiim u ah Galmudug oo loo dhan yahay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ay tageen deegaanada Al-Shabaab, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug, sida uu hadalka u digay. Ugu dambeyn Duraan Maxamed ayaa tilmaamay in si weyn looga hadlay dib u dhac uu sheegay inuu ka jira amniga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-galmudug-.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
ISTANBUL — A Saudi woman, called Abeer, came under attack and was kidnapped in the Turkish city of Istanbul a few days ago, Asharq Al-Awsat newspaper reported quoting informed sources. The sources revealed that Abeer was disappeared while she was walking next to a hotel in the Asian part of Istanbul, where she was staying with her family. The woman arrived in Istanbul with her husband and children for tourism purposes, the sources said. Security surveillance cameras showed “a person, carrying a small bottle, sprayed on the face of the Saudi tourist, who eventually lost consciousness before taking her with him until she disappeared from the scene,” the sources added. Saudi Arabia’s embassy in Turkey had issued a warning last week to its citizens after unidentified gunmen shot at and robbed a group of Saudi nationals in Istanbul last Saturday. In a statement, the embassy said that the tourists were sitting in a café in Istanbul’s Sisli district when gunmen shot at one of them and stole the group’s personal belongings. The embassy said that the man sustained bullet wounds but did not disclose how severe his injury was. The embassy asked Saudi nationals in Turkey to take all precautions during their stay and to avoid going to Sisli and Taksim Square — two popular tourist spots in the city — after sunset. SG Saudi Gazette Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada dowlad goboleedkda Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa saaka shaaciyey in uu maamulkaasi u soo wareegay taliyihii aaga degmada Badhan ee Somaliland, Gurey Cismaan Saalax. Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha uu wato dhammaan ciidamadiisa, islamarkaana ay si rasmi ah ugu soo biireen Puntland. “Ugu dambeyn waxaan ku guuleysanay in taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay ku soo wareegaan maamulka Puntland.” ayuu yiri Jaamac Dabaraani. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxda sare ee Puntland ay dadaal ku bixyeen soo wareegida taliyahaasi iyo ciidankiisa, wuxuu tilmaamay inuu uga mahadcelinayo arrintaasi. “Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii ka qeyb qaadatay arrintan, sida Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Xuseen, xildhibaanada baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan sarkaalkaasi ka soo goostay. Somaliland iyo Puntland oo isku haya Sool iyo Sanaag ayaa inta badan ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay 2 kalena waa ay dhaacwacmeen, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaaseen ajaaniib ku sugnaa deegaanka Haleeya oo ku yaalla duleedka magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Labada qof ee dhintay ayaa ahaa Dumar, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in labada qof ee la dilay ay qeyb ka ahaayeen dad la tahriibinayay, islamarkaana rasaas ku fureen gaari ay la socdeen rag burcad ah, sida uu hadalka u dhigay. Fooxle ayaa tilmaamay in howlgal kadib ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggan geystay toogashada ay isticmaalayeen Maandooriyaha, islamarkaana lagu soo qabtay 861 Ltr oo Khamri ah. Dilkan loo geystay dadkan Itoobiyaanka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay markale soo cosboonaaneyso xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in uu gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad dil iyo dhaawac u geystay ajaaniib. Dadka la dhibaateeyay oo isugu jira laba rag iyo laba dumar ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen tahriibeyaal u dhashay Itoobiya. Falkan ayaa Khamiistii waxay ka dhaceen duleedka magaaladda Hargeysa, xarunta maamulkaasi. Taliye ku xigeenka bileyska, Sareeyo Guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa tilmaamay in xubnaha lasoo xiray ay cadaaladda wajihayaa. Qaybo kamid ah Somaliland ayaa waxay marin u yihiin muhaarijiibta qaar kamid ah dalalka deriska ee nafsadooda ku biimeynaya badda. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Inkasta oo doorashadiisa ay kasoo horjeesatay dowladda federaalka, madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyey in uu gogol nabadeed dhigayo Kismaayo. Axmed Maxamed Islaan ayaa tilmaamay in madashaasi lagu xalin doono khilaaf uu sheegay in uu u dhaxeeyo maamulada qaar ee dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankaasi ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan oo horusocod ah. Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo arrimaha ammaanka soo hadal-qaadey wuxuu ku adkeystay in ay ka go’an tahay xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa madaafiic ay is-weedaarsadeen Ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Illo wareedyo ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in dhinacyaddan ay hoobiyeyaasha isku dhaafsadeen agagaarka xerada Beladoogle ee gobolkaasi. Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aanan la ogayn waxyeeladda dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaarey. Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamadda xooga dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-23082019.mp3 View the full article
-
G/sare Guray Cismaan Saalax Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga degmada Badhan G/sare Guray Cismaan Saalax iyo ciidankiisi ay si rasmiya ugu soo wareegeen ciidamada Puntland. Af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo uu booqasho ku joogo ayaa saaka shaaciyay in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan uu ku soo wareega dhinaca Puntland “Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland” ayuu yiri Dabaraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale Af-hayeenka ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo uu sheegay in ay dadaal ku bixiyeen soo wareegidda taliyaha iyo ciidankiiisa. “Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida Guddoomiyaha Gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Taliyihii ciidanka Somaliland ee aaga Badhan iyo ciidankiisi oo ku biiray dhanka Puntland appeared first on Puntland Post.
