Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,683
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa ka shakiyay gaari nuuca Prado ah oo xoog ku soo dhaafay, waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen, kadibna uu qarxay. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta isku geedaamy Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay Koontorool ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan waddada aada dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxan oo loo adeegsaday gaari Noah ah uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana la qabtay darawalkii waday gaarigaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi. Balse weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Boolisku ay si aad ah u xoojiyeen ammaanka M/ Muqdisho. View the full article
  2. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka khudbad ka jeediyay furitaanka imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ayaa eedayn culus u jeediyay boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo kamid ah madax-dhaqameedka ugu caansan degaannada maamulkaasi. Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay shir uu iclaamiyay boqor Buurmadow ayaa sheegay in uusan wax dhib ah shirkaasi u arkin balse wuxuu boqorka iyo taageerayaashiisa ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadda u dhexaysa labada beelood ee ka aloosan degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Mudane Biixi ayaa sheegay in dagaal-beeleedyo mudda laba sano ka socday degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag uu taleefon ka hagayey boqor Cismaan Buurmadow isagoo tilmaamay in suldaan iyo boqor aysan shaqadooda ahayn colaad-hurin iyo fidno-abuur sida uu hadalka u dhigay. “Xan badan baa jirta, Suldaan iyo boqor maaha kii nabadgelyo-darada lagu xanto, kii la yiraahdo isagaa fidnada wada maaha. Dadka uu boqor Buurmadow suldaanka u yahay laba sano iyo badh dagaal bay ku jiraan isna taleefon buu ku wadaa” ayuu yiri Muuse Biixi. Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyay ay nawaaxiga degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ku sugnaayeen ciidamo ka soo guuray degaanka Ceel-afweyn oo ka horjeeda Maamulka Muuse Biixi islamarkaana la sheegayo in ay boqor Buurmadow isku reer yihiin. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaasi ayaa sheegay in ay yihiin jabhad cusub oo la dagaallami doonta Somaliland waxaana ay saldhig ciidan weydiisteen xukuumadda Puntland. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Biixi oo boqor Buurmadow ku eedeeyay in uu mudda laba sano ah taleefon ka hagayey dagaalka Ceel-afweyn appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 44aad ee barlamaanka Puntland ahna kii labaad oo ay yeelanayaan barlamaanka [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban. Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaam Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugna goobtaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaare isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac. Goobtaan ayaa horay dhowr jeer loo Qarxiyay, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay ku qaadeen Weerar toos ah. Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax qasaara ah, xilli uu marayay agagaarka isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-15062019.mp3 View the full article
  6. Furitaanka kalfadhiga G. wakiilada Puntland 15 June 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabtiya furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad uu kaga hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa. Hoose ka akhriso khudbadda madaxweynaha oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Akhriso: Khudbadda madaxweynaha Puntland u jeediyay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  7. Two loud blasts were heard in Mogadishu, the Somali capital on Saturday, as the police set up extra checkpoints in the city to avert Al-Shabaab attacks. The first attack occurred after a car packed with explosives detonated at a main security checkpoint near the country’s parliament compound. Minutes later, a second blast took place in the vicinity of K-4 junction, close to the security checkpoint leading to the city’s airport. There was no immediate claim of responsibility for both attacks. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo labo ahaa oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad oo isna ka dhashay gaari ayaa ka dhacay Waddada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Khasaare kala duwan ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan laamaha ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba Qarax oo xooggan ayaa waxay ka kala dhaceyn Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka ee Soomaaliya xilli uu Maanta kulan lahaa Golaha Shacabka. Xilliga uu qaraxa dhacayay waxaa soo xirmay kulanka Golaha shacabka ee Soomaaliya waxaana ay xillibaannada isu diyaarinayeen in ay ka baxaan Golaha. Ciidamada ku sugan Isgoyska Sayidka ayaa cabbaar rasaas ku riday Gaariga qaraxa waday inkasta oo uu markii dambe qarxay. Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku xoomay goobta iyada oo ilaa hadda aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka maanta. Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay Koontaroolka Jidka Garoonka Aadan Cadde ee u dhow Isgoyska Nambar afar. Sida dad goob joogayaal ah ee ay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, qaraxa ka dhacay Koontaroolkaas ayaa imaaday kadib markii Baabuur Noha ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu damcay inuu ka gudbo halkaas. Sida wararka sheegayaan ninka waday gaariga ayaa kasoo dagay, wuxuuna Ciidamada u sheegay inuu doonayo garoonka balse intii uu wadahadalka socday ayaa waxaa jug qarax loo maleenayo inay Batriga tahay laga maqlay gaarigiisa taasoo keentay inay Ciidamada Dowladda rasaas la dhacaan Gaariga. Gaariga ayaa markii dambe qarxay, waxaana qaraxaas laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho. Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyada ka dhacay Muqdisho, ilaa haddana lama hayo tiro rasmi ah. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay ciddii ka dambeysay Shacabkii Soomaaliyeed ee Xalay lagu laayay Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan si weyn ugu xun yihiin Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Gaalkacyo, kuwaas oo aan waxba galabsan iyo dilkii ka horreeyay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay in ay ka Dowlad ahaan aad iyo aad u dhaleeceynayaan ciddii ka dambeysay ficilladaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwa kala geynaya Shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan dhibaataysnaa. “Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wuxuu sheegay in aysan wanaagsanayn in Qof Soomaali ah oo Dalkiisa ku nool, isla markaana aan waxba galabsan baarisna marin in Dhiiggiisa la daadiyo laguna dilo. Wasiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa, maamul Goboleedka Galmudug, Oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo wax garadka Soomaaliyeed in ficilkaasi lagu sameeynayo baaris Lixaad leh, oo Dadkii ka dambeeyayna tallaabbo sharciga waafaqsan laga qaado, caddaaladdana la hor geyn doono. Mudane;Maareeye, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen Dadkii lagu laayay Gaalkacyo, iyagana uu Alle u naxariisto. Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed faray in ay is dejiyaan, loona daayo Dowladda dhexe in ay caddaalada hor keento Dadkii ficilladan gurracan ka dambeeyay. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay shacabkii lagu laayay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka geystay dilal kala duwan oo ay ku dhinteen dad Shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya. Weerarada Al Shabaab oo u badan toogasho iyo qaraxyo ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa qaarkood la ogaaday inaysan laheyn bartilmaameyd sax ah, kadib markii sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu shaaciyay macluumaad aan la fileyn. Barnaamij lagu magac daray Gungaar oo laga baahiyay TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa lagu wareystay labo ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay sida Al-shabaab u geysteen 7-qarax iyo labo dhacdo oo lagu rasaaseyay gawaari ay dad rayid ah saarnaayeen , dhaamaan falalksasi hal nin oo Al Shabaab uga Masuul ahaa ayaa ka sheekeeyay. Canshuur Cusmaan Abuukar oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya kuna xukuman dil toogasho ah ayaa laga helay xogta sida ay dhacdooyinkaasi u dhaceen isagana uu masuulka ka ahaa, Canshuur Cusmaan, waxaa lala wareystay ruux kale oo lagu qabtay Daljirka Dahsoon, waxaana Canshuur uu sheegay inuusan diin ahaan iyo maadi ahaanba wax baran oo uu ahaa ruux ka yimid dhanka Miyiga (Baadiyaha). “Aniga Dugsi Qur’aan iyo Iskuul ma dhigan, meesha aan ku noolaa meel miyi ah ayay aheyd, iskuulna lagama aqoonin” ayuu yiri Canshuur. Canshuur Cusmaan, ayaa sheegay inay isaga iyo koox ka tirsan Al Shabaab ay masuul ka ahaayeen weerar dad shacab ah lagu laayay oo ka dhacay agagaarka isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo lagu dilay dad caruur u badan oo isku qoys ahaa. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka dambeeyeen weerar lagu dilay gabar ka tirsaneyd ururka Haweenka iyo wiil ay dhashay Batuulo Axmed Gabale, kuwaasi oo lagu dilay agagaarka isgoyska VIA Roma ee degmada Xamarweyne. Dhamaan dilalkaasi ayuu sheegay inay iska rasaaseeyeen gaadiidka ay la socdeen, maadaama aysan iyaga aheyd bartilmaameydka, balse ay iska dileen dadweynahaasi kadib markii ay waayeen dad kale oo masuuliyiin dowladeed ah oo ay rasaasta la dhacaan. Waxay arintaasi abuurtay walaac kale oo amaan, taasi oo saameynteeda leh. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Col-Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb iyo duqa Koonfurta Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf bare oo si wadajir ah Warbaahinta kula [...] Source
  13. Heavily armed fighters from the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab have launched a planned attack in Kenya’s northeastern region, near the porous border with Somalia. Al-Shabaab said in a statement posted on its affiliated media outlets that the militants seized control of Kontonka village located in the outskirts of Wajir town during the attack. The statement added that several Kenyan Police officers were taken hostage and confiscated two motorbikes as well as military equipment. Al-Shabaab vowed to continue attacks in Kenya, in revenge for its military involvement in Somalia, where 22,000 AU soldiers are battling the group for a decade. View the full article
  14. Mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ayaa ka hadlay dil wadareed xalay ka dhacay magaalada Galmkacyo. Dadka ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo yiri“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” . Dhankooda, Sanetorrada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo shir jar’aaid ku qabtay xaruntooda ayaa ka tacsiyeeyey dil wadareedkii xalay ka dhacay Galkacyo, waxaa ay sidoo kale dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii falkaasi ka dambeeyey, waxaana horay si gaar ah uga hadlay Senetor Cabdiqeybdiid oo horay u soo noqday madaxweynaha Galmudug. Xildhibaan Mahad Salaad oo isna arrinkaas ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaa sidoo kale canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxaba galabsan ee hayb ahaan lala xariiriyay dilka sarkaalka. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin. Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Galmudug in ay arintaas tilaabo deg deg ah ka qaadaan. Sharciga la horkeeno dadkii xasuuqaas geystay iyo kuwiii dilay sarkaalkaba. Lana mariyo ciqaabta ay mudanyihiin. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi” Dhanka kale waxaan ka xunnahay isla markaana ka tacsiyaynayaa dilka foosha xun ee loo geystay dad ku noolaa magalaada Gaalkacyo, kaasoo u muuqda mid ka baxsan sharciga dalka iyo dhaqanka wada noolaashaha dadka Soomaaliyeed. Waxaan dawlad Goboleedka Galmudug ugu baaqayaa in ay dhacdadaan foosha xun jawaab lagu qanci karo ay ka bixiso, sharcigana la horkeeno ciddii ka danbaysa”. Xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay “waxaa ah wax laga xumaado aadna u cambaaraynayaa falka xumaanta uu la egyahay darteed aan u la’ ahay eray aan u isticmaalo kaasoo ka baxsan Islaamnimo, Soomaalinimo iyo bani’aadanimadaba waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsida badan loo soo qabto loona keeno cadaaladda gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay lana marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin.Reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa in shaqsiyaadka abuuraya aragtida falalka argagaxisada loo aaneeyo cid gooni ah ay meel uga soo wada jeestaan gacan bir ahna isaga qabtaan, Arxan laawayaasha Shabaab waxay ka kooban “. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna ka yiri “Waxaan tacsi u dirayaa walaalihii xalay lagu laayay magaalada Galkacyo ayaga oo aan waxba galabsan. Falkan wuxuu ceeb iyo canbaareyn ku yahey Galmudug oo dhan : Shacab iyo maamul. Dhaqanka nuucan ah maahan mid looga fadhiyay reer Galmudug. Maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu ilaaliyo dadka hayb ahaanta loo beegsanaayo ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, cadaaladdana la hor keeno kuwii ka danbeeyay gumaadkaas. ولا تزر وازرة وزر أخري, Sharciga inaan gacmaheena ku qaaadanno marnaba sax ma ahan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Saxardiid Maxamed Jabiye, oo ka mid ahaa abwaanada ugu caansan Soomaaliada ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuun saxardiid Maxamed Jabiye suugaanta uu sameeyay waxa ka mida heesta caanka ah ee (Aaan maalo hasheena Maandeeq), taas oo uu qaaday Alle ha u naxariistee Maxamed Axamed Kuluc. Mudooyinkii u dambeeyay waxa uu marxuunku u jiifay xannuun. Source
  16. Madaxxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag, iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Badhan, xiriirka kala [...] Source
  17. Gunmen have shot dead nine people in Galkayo on Friday night in what is being described as “revenge” attack. Another person who is believed to be a security official was killed in a separate incident in the southern city. Somali Information minister, Mohamed Hayir Mareye has condemned the act. Security agencies were conducting an investigation and expected to give details of what caused the killings. Citizens and political leaders alike have taken to the social media in their strong condemnation of the heinous attack. Former Somali President, Hassan Sheikh Mohamud, has called upon security agencies to bring to book those responsible for the attack. “It is very sad to hear the death of ten people in Galkacyo in one night, I strongly condemn the heinous act and send my heartfelt condolences to the family and friends of the victims, ” he said. “I call upon the Galmudug authorities and Galkayo residents to cooperate in the arrest and prosecution of the perpetrators.” He added. Galkayo city, which is under the administration of Galmudug and Puntland regional state, has previously witnessed skirmishes related to ethnicity and border dispute between the two administrations. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, saacado kadib markii sagaal ruux lagu dilay koofurta magaalada Gaalkacyo. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso ayna ka xun tahay sida ay wax u dhaceen. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto dadkii ka dambeeyay falka xalay ka dhacay koofurta magaalada Gaalkacyo. Waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono Cidii ka dambeysay falkaasi, islamarkaana maamulka Galmudug uu ugu baaqayo in ay gacanta kusoo dhiggaan dambiliyeyaasha. Falka lagu dilay dadka rayidka ah ayaa ka dambeeyay kadib markii sarkaal ka tirsan NISA lagu dilay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dad ay isku heyb ahaayeen ka caroodeen dilka sarkaalka, kadibna ay dileen dadka shacabka ah. Masuuliyiin kala duwan ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dhacdada ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana dhamaan loogu baaqay Galmudug inay baaritaan dhab ah ku sameyso siday dadka u dhinteen. Halkaan ka daawo Muuqaalka wararkii oo Muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Facbook-ga ku faafiyay farriin ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyo mawqifka xisbiga WADDANI. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qabsoomida doorashooyin ay saaran tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhankooda ay u diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhammeeyo caqabaha hor-taagan doorashooyinka. Farriinta Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan “Xilka qabashada doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi. Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar. Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu horeeyo in miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo” Source
  20. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow cambaareysay dil wadareed xalay ka dhacay duleedka Galkacyo halkaasi oo lagu dilay 9 qof oo ka soo-jeeda koonfur galbeed. Wasiirka warfaafinta DF Maxamuud Maareeye oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Waxaan cambaareyneynaa, aad uga xunnahay, ficil aan la aqbali karin ah dhacdada dilka lagu laayey dad aan waxba galabsan magaalada Galkacyo iyo kuwii ka horeeyey ee dad shacab ah lagu dilay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, ficiladaas ayaan dowlad ahaan ka xunnahay, oo cambaareyneyaa, waa ficilo kala geynaya umadda Soomaaliyeed, waa ficillo aan sharci islaam iyo mid banii’aadam kala nool aanu ku dhaqmin, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah”. Ugu dambeyntii, waxaa uu balanqaadeen in la baaro, Maareeye waxaa uu yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Maleeshiyo beeleed ku sugan magaalada Galkacyo ayaa la sheegayaa iney xalay hal meel oo duleedka magaalada ah ku dileen 9 qof. Arrintan ayaa la sheegayaa iney tahay aano-qabiil kadib markii saacado ka hor isla magaalada lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif oo ka tirsanaa nabad sugidda. Xiisdda ayaa kacsan, waxaana isa soo taraya cambaareynta arrintaasi la xiriira, maamulka koonfur galbeed ayaa cambaareeyey, waxaa kale oo dhankooda iyana cambaareeyey xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah sida Saabir Shuuriye, Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale. Faah-faahinta Sida uu u dhacay arrinkan foosha xun, kala soco halka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan madaxda dhaqanka looga baahnayn abaabulka nabad galyo darro. Waxa uu sheegay in bulshadu xamanayso Boqorka sidaas awgeedna ay tahay in uu arrintaasi iska bari yeelo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Saaka Daah-furay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source