Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenyan officials say at least 10 police officers are dead after their vehicle struck an improvised explosive device near the Somali border. The officials, who spoke on condition of anonymity because they were not authorised to share the information, said those killed Saturday in Wajir County were among 13 officers who were pursuing fighters who had kidnapped police reservists. Police on Friday said an unknown number of gunmen stormed Konton centre in Wajir East and kidnapped three reservists. There was no claim of responsibility for the latest attack. The Somalia-based al-Shabab armed group often targets Kenyan security forces, vowing retribution after Kenya deployed troops to Somalia in 2011 to combat the fighters. View the full article
  2. Somalia police confirmed the arrest of a suspect following a vehicle-borne improvised explosive device (VBIED) attack in Mogadishu on Saturday. Zakia Hussein, deputy police commander confirmed that no one was injured in the attack. The VBIED went off near the security checkpoint at KM4 junction. “The driver of the VBIED has been apprehended and there were no casualties resulting from the blast,” Hussein said in a statement. She said another separate VBIED went off near Sayid Junction, and promised to provide more details concerning the attack, the latest in the restive capital, Mogadishu. No group has claimed responsibility for the two latest attacks in Mogadishu but extremist group, al-Shabab which is fighting to overthrow the government, usually stages such deadly attacks in the Horn of Africa nation. The move comes while Mogadishu is on high alert as police forces blocked the main roads of the capital to prevent possible attacks by the militants. Somali National Army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia have driven al-Shabab militants out of Mogadishu, but the terror group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
  3. “Puntland ma rabto inay qaadato doorkii ama shaqo ay leedahay dawlada Federalku , sidoo kale ma aqbalayno in Dawlada Federalka ahi ay si sharciga hareer [...] Source
  4. Madaxtooyada Galmudug ayaa soo saartay qoraal lagu cambaareynayo dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo. Qoraalka waxaa la faray dadka iney is-dejiyaan, si looga hortago beegsiga lagu hayo daldoorka gobolka Mudug, lagana horgtago argigixisada iyada oo aan cidna lagu xadgudbeyn. Madaxtooyada Galmudug waxaa ay leedahay waxaan arrintaas loo saarayaa guddi, si caaladda loo horkeeno kooxdii falkaasi ka dambeysay. Akhriso: Source: goobjoog.com
  5. Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, spoke Monday at a Global Minnesota event about his country’s emergence from years of civil war and the progress attained thus far. The minister spoke about the current economic and political aspects of Somalia as well as the nation’s efforts to rebuild after war. The civil war which began in 1991 led to food insecurity, terrorism, and economic strife. The calamities sent millions of Somalis fleeing abroad to neighboring African countries and as far as the United States, Europe. The war resulted in a Somali community diaspora with a population of over two million, according to the minister. The event was held at Augsburg University, located in the Cedar Riverside neighborhood which is home to a large Somali community. The university’s president, Paul Pribbenow, in his opening remarks said the university has created partnerships with the area residents and has a student body that is 10 percent Somali American. The Minnesota community has been culturally enriched with the presence of the Somali community and Minnesota is “the warmest place in terms of people’s hearts in terms of a desire to make the world a better place” said Pribbenow. “I have good news to report without exaggeration” said Awad. Somalia’s a country undergoing reconstruction after years of civil war and unrest. The East African nation is no longer consumed by starvation, terrorism, insecurity, and in the presence of a collapsed state. “I am here to report that we have made progress” Awad said in a room full of Minnesotans. “We want you to look at Somalia with a different perspective. Somalia is transforming is defeating terrorism and becoming more and more peaceful.” The rebuilding of Somalia has been a progress largely aided by the Somali diaspora in the United States, said Awad. Currently Somalia has one of the largest numbers of remittances in the world with the total amount sent from the diaspora to the main land totaling around 1.4 billion dollars annually. This figure is larger than the amount of money that Somalia receives in foreign aid and contributes to 23 percent of the country’s gross domestic product. Despite the challenges at home, members of the diaspora have been thriving abroad. Minister Awad pointed to the number of business success that has been accomplished by Somalis outside of the homeland. “The highest building in Nairobi is being built by a Somali, the highest building in Djibouti is being built by a Somali” said Awad. In Minnesota, 24,000 different Somali businesses generate about $489 million dollars annually. The strides in Somalia’s development can also be seen in members of the diaspora that have returned to Somalia. Which includes Minister Awad, who’s a Canadian national along with eight other members of the cabinet. The President of Somalia is an American. Minister Awad stated that there is a need for more skills and qualified individuals to fulfill Somalia’s various industries which can be met by members of the diaspora. “Somalia’s back,” Awad said pointing to the earlier success of the democracy. In 1968 Somalia had welcomed Vice President and Minnesota native Hubert Humphrey to its shores. The leader stated that Somalia had the strongest democracy in Africa a statement that came long before the civil war left the country in strife and the state collapsed. Somalia had lived without an organized state for 40 years. The government is making efforts to rebuild the country’s state organically by formulating a system that is for Somalis by Somalis. Some of the challenges that the government has faced is in educational quality and equity with over 70 percent of the population being under the age of 24. The Somali government’s greatest initiative in supporting change and maintaining the momentum of economic growth lies in the government’s ability to receive debt relief. “The government has been working to improve its financial management.” “We are on the brink, on the edge of getting debt relief.” Debt relief would provide the government more financial room to further invest in education and provide employment. “In twenty-five years, we will see Somalia that is peaceful with itself, peaceful with its neighbors, contributing to the peace and security of the region and of the world, economically prosperous [and] well governed.” View the full article
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyay kal-fadhiga 44 aad ee golaha wakiilada Puntland, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii xukuumaddiisa mudada ay shaqeynaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay, in xukuumaddiisu ay dardar-gelin ku samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda, maamul-daadejinta, la’daallanka argagixisada, dib u-habaynta ciidamada, hagaajinta hannaanka caddaalada, horumarinta dhaqaalaha& maal-geshiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowladda, hirgelinta adeegyada aas’aasiga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada. Mudane Deni, ayaa dhinaca kale khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku’keli-yeelidda talada dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Puntland mar walba diyaar u tahay, in heshiis laga gaaro khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo wadajir iyo wada-shaqeyn looga gudbo caqabadaha taagan, maadaama sida uu sheegay dadka Soomaaliyeed aysan u baahneyn tafaraaruq, niyad-jeb iyo awood-maroorsi. Halkan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Soomaaliya gacanta u gashay nidaam keligii’telis ah appeared first on Puntland Post.
  7. Allah u naxariistee waxaa saakay Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ku geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye, oo ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa sida weyna loo yaqaanay gayiga Soomaalida, Abwaanka ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay Abwaanka waayihii ugu danbeeyay. Abwaanka ayaa xusuus iyo taariikh fogba ku lahaa gudaha dalka asaga oo lagu xasuusto inuu sameeyay heesto badan kuwaas oo dadka Soomaaliyeed uu ku dareen siinayay qimaha ay leedaha xoriyadda. Abawaan Saxardiid Maxamed Jabiye Saxardiid ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1938 gaar ahaan xaafadda Jamaacada, isagoo ku koray kuna barbaaray magaalada Hargeysa abwaanka ayaana ku geeriyooday da’da 81 sano. Sanadihii 1954- 1955, ayeey soo shaac baxday saameyta faneed taas aad u soo jiiday dadka, waxa uuna hal abuuray Ruwaayado iyo Heeso fara badan oo wadani iyo Jeceyl isugu jira kuwaas oo aad dadka u la dhaceen . Sidoo kale Ruwaayadihii Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye uu alifay waxaa ka mid ahaa kuwo uu uga hadlayay xoriyad doonka, maadaama dalka xiligaas uusan xoriyad qaadan oo dhowr sano ay ka dhineed waqdigii loo asteeyay in Soomaaliya Xoriyad la siiyo ee 1960 kii . Abwaanka Heesaha lagu xasuusto oo xoriyadda ka hadlayay waxaa ka mid ahaa Heestii can baxday ee Aan maalno Hasheen Maandeeq, oo la qaaday maalintii calan Soomaali leedahay oo xor ah la saaray 26 kii June sanadkii 1960 magaalada Hargeysa, waxaana ku luuqeyay fanaan Maxamed Axmed Kuluc, oo asna geeriyooday. Dhanka kale Heesihii uu sameeyay Abawaanka ayaa waxa ay ahaayeen kuwo inta badan ay qaadeen fanaaniintii ugu waa weynaa hobalada Waabari. Waxaana ka dhex nuuqaneyay fanaaniin miisaan ku lahaa fanka Soomaaliyeed waxa aan ka xusi karnaa, Allah u naxariistee fanaanaddii boqoradda codka Xaliima Qaliif Cumar Barre Maqool, Cismaan Cabdi kariin Gacanloow iyo fananiin kale oo ka mid ahaa kuwo aad looga qadariyo fanka dhexdiisa kana tirsanaa hobaladii qaranka Waabari. Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa ahaa Tiir adag oo ku taagnaa fanka Soomaaliyeed ayaa ka baxay, waxaana lagu xasuusan doonaan raad faneedkii uu uga tagay fanka iyo Umadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobadaareed ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey munaasabaddii furitaanka ee kal-fadhigii barlamaanka Puntland. Gudoomiye Dhooba-daareed ayaa ugu [...] Source
  9. Wajeer (Caasimadda Online) –Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in sideed ka mid ah Booliskeeda ay geeriyoodeen sidoo kalena dhaawacmeen shan kale markii Gaari ay la socdeen uu miino dul maray. Qaraxa ayaa saaka ka dhacay degaanka Khorof Harar, oo ka tirsan Gobolka ismaamulka Wajeer. Askarta dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu dhaawacooda daranyahay,kuwaas oo loo qaaday Isbitaal. Inkastoo ay Kenya sheegtay dhimashada 8 ka tirsan Ciidamada Booliska haddana wararka madaxa banaan ayaa sheegayo in dhimashada ay tahay illaa 13 askari. Dhimashada 13-kaas Askari ee ka tirsanaa Booliska Kenya ayaa kusoo aadeysa iyadoo shalay Al-Shabaab ay sheegteen in deegaanka Konton ee Ismaamulka Wajeer ay kasoo Afduubteen Afar Askari oo Kenyaan ah kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka, waxa ayna sheegeen in haatan gacanta ku hayaan Afartaas Askari. Dowladda Kenya ayaa xirtay sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyada oo sheegtay in amaanka dalkeeda ay ka sugeyso. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sii xoojisay weerarada ay ku qaadeyso Gudaha Kenya, waxayna horey u sheegeyn inay saldhigyo waaweyn ka sameysteen Gudaha dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha dowled gobaledka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Axmed Lafta gareen, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay falkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taas oo lagu dilay 10 ruux oo ka soo jeeda deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya. “ Waa arrin aan ku fiicneyn Islaamnimada, Soomaalinimada, waa dhacdo soo socotay oo mar aan ahayn oo labo mar ah, maalin ka hor ayeey aheyd tii ka dhacday Dhuusamareeb tan kalane tii xalay dhacday ayey aheyd, runtii waana wax aad iyo aad looga xumaado in dad masaakiina oo la taacaamulaayo noloshooda in inta guryahooda loogu tagay lagu dilo” Sidoo kale Madaxweyne Lafta gareen ayaa ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka deegaanadaas in ay baaraan sida ay wax u dhaceen dadkii danbiga galayna sharciga la hor keeno. “ Maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, waxaan ka rabnaa oo uga fadhinaa labadii dhacdo oo Galmudug ka dhacday in ay naga soo siiyaan jawaab dag dag ah, dadkii falkaas geystay oo dadkaas masaakiinta ah dhibaateeyay in ay cadaaladda geeyaan” Dhanka kale Maxweyne Cabdi casiis Lafta gareen ayaa xusay in laga rabo dadka reer Koofur galbeed in ay is dajiyaan, waxna ayna sameynin ilaa jawaab ay ka helaan Galmudug.“ Dadka reer Koofur galbeed oo dadkaas Ehelkooda ahaa waxa aan ka rabnaa inta baaritaanka uu socdo in ay is dajiyaan aan ogaano sidii ay wax u dhacen, wax kale inaan la sameynin” Ugu danbeen Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa sheegay in guddi dag dag ah oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ay u diyaan deegaanada Galmudug, kuwaas oo soo ogaanaya sidii ay wax u dhaceen. “ Waxa aan ku dhawaaqnay dag dag ah oo arrintaas ka shaqeynaayo, oo sida ugu dhaqsiyaha badan meesha u tagaayo, oo ogaanaayo meeshaas wixii ka dhacay oo isgu jiro Wasiiyo iyo Xildhibaano”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wajeed (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saaka lagula eegtay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo Miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay gawaari dagaal oo ay wateen Ciidamadaasi, kaas oo ku basbeelay isla goobta. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay illaa 10 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ciidamadani ay damacsanaayeen in ay soo furtaan illaa 3 Askari oo nawaaxiga magaalada Wajeer ay ka soo afduubteen Dagaalyahannada Al Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo dhac xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Xaaladda ayaa haatan jkacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  12. Three National Police Reservists were on Thursday night abducted by suspected Al-Shabaab militants in Wajir and subsequently taken across the border, details have emerged. Source: Hiiraan Online
  13. Two powerful explosions hit Somali capital Mogadishu on Saturday amid fears of several casualties, police and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN) – Kulankii 18-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo soo galay hoolka xarunta baarlamaanka ayaa u ogolaaday xildhibaanada in ay ka aragti dhiibtaan dilkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xildhibaanada ka qeyb qaatay doodaasi gaarka aheyd ayaa badi ku taliyay in loo saaro dhacdadan guddi gaar ah oo soo baara, sida ay wax u dhaceen. Intaasi kadib guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi isku dhaf ah ay u saari doonaan dilkaasi arxan darrada ah. Ugu dambeyn guddoomiye MMursal ayaa ugu baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay dalka ku soo laabtaan, kana soo qeyb galaan kulamada caadiga ah ee baarlamaanka. View the full article
  15. Kuwait (SMN) – Wafdi Sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amin Cali iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgalada Col. Ciise Ahmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Kuwait. Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait City Ee caasimadda Dalkaasi,Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Cabdullahi Maxamed Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan. Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa inta ay booqashada ku joogaan kuwait waxa ay la kulmi doonaan Taliyaha Ciidanka Xooga Kuwait S/Gaas Mohammed Khalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah. Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu wadaa in booqashadoodu ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah. Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Amaanka Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaag diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya. Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa oo dhawaan loo magacabay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait ayaa sii dardargeliyay barnaamijdii Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Difaaca, Tacliinta Ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxaana la rajeynayaa in dhawaan Kuwait lagu qabto Shir Weyne lagu horumarinayo Tacliinta Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay ciddii ka dambeysay Shacabkii Soomaaliyeed ee Xalay lagu laayay Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan si weyn ugu xun yihiin Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Gaalkacyo, kuwaas oo aan waxba galabsan iyo dilkii ka horreeyay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay in ay ka Dowlad ahaan aad iyo aad u dhaleeceynayaan ciddii ka dambeysay ficilladaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwa kala geynaya Shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan dhibaataysnaa. “Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wuxuu sheegay in aysan wanaagsanayn in Qof Soomaali ah oo Dalkiisa ku nool, isla markaana aan waxba galabsan baarisna marin in Dhiiggiisa la daadiyo laguna dilo. Wasiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa, maamul Goboleedka Galmudug, Oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo wax garadka Soomaaliyeed in ficilkaasi lagu sameeynayo baaris Lixaad leh, oo Dadkii ka dambeeyayna tallaabbo sharciga waafaqsan laga qaado, caddaaladdana la hor geyn doono. Mudane;Maareeye, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen Dadkii lagu laayay Gaalkacyo, iyagana uu Alle u naxariisto. Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed faray in ay is dejiyaan, loona daayo Dowladda dhexe in ay caddaalada hor keento Dadkii ficilladan gurracan ka dambeeyay. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa ka shakiyay gaari nuuca Prado ah oo xoog ku soo dhaafay, waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen, kadibna uu qarxay. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta isku geedaamy Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay Koontorool ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan waddada aada dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxan oo loo adeegsaday gaari Noah ah uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana la qabtay darawalkii waday gaarigaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi. Balse weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Boolisku ay si aad ah u xoojiyeen ammaanka M/ Muqdisho. View the full article
  18. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka khudbad ka jeediyay furitaanka imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ayaa eedayn culus u jeediyay boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo kamid ah madax-dhaqameedka ugu caansan degaannada maamulkaasi. Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay shir uu iclaamiyay boqor Buurmadow ayaa sheegay in uusan wax dhib ah shirkaasi u arkin balse wuxuu boqorka iyo taageerayaashiisa ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadda u dhexaysa labada beelood ee ka aloosan degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Mudane Biixi ayaa sheegay in dagaal-beeleedyo mudda laba sano ka socday degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag uu taleefon ka hagayey boqor Cismaan Buurmadow isagoo tilmaamay in suldaan iyo boqor aysan shaqadooda ahayn colaad-hurin iyo fidno-abuur sida uu hadalka u dhigay. “Xan badan baa jirta, Suldaan iyo boqor maaha kii nabadgelyo-darada lagu xanto, kii la yiraahdo isagaa fidnada wada maaha. Dadka uu boqor Buurmadow suldaanka u yahay laba sano iyo badh dagaal bay ku jiraan isna taleefon buu ku wadaa” ayuu yiri Muuse Biixi. Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyay ay nawaaxiga degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ku sugnaayeen ciidamo ka soo guuray degaanka Ceel-afweyn oo ka horjeeda Maamulka Muuse Biixi islamarkaana la sheegayo in ay boqor Buurmadow isku reer yihiin. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaasi ayaa sheegay in ay yihiin jabhad cusub oo la dagaallami doonta Somaliland waxaana ay saldhig ciidan weydiisteen xukuumadda Puntland. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Biixi oo boqor Buurmadow ku eedeeyay in uu mudda laba sano ah taleefon ka hagayey dagaalka Ceel-afweyn appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 44aad ee barlamaanka Puntland ahna kii labaad oo ay yeelanayaan barlamaanka [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban. Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaam Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugna goobtaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaare isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac. Goobtaan ayaa horay dhowr jeer loo Qarxiyay, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay ku qaadeen Weerar toos ah. Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax qasaara ah, xilli uu marayay agagaarka isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-15062019.mp3 View the full article
  22. Furitaanka kalfadhiga G. wakiilada Puntland 15 June 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabtiya furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad uu kaga hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa. Hoose ka akhriso khudbadda madaxweynaha oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Akhriso: Khudbadda madaxweynaha Puntland u jeediyay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  23. Two loud blasts were heard in Mogadishu, the Somali capital on Saturday, as the police set up extra checkpoints in the city to avert Al-Shabaab attacks. The first attack occurred after a car packed with explosives detonated at a main security checkpoint near the country’s parliament compound. Minutes later, a second blast took place in the vicinity of K-4 junction, close to the security checkpoint leading to the city’s airport. There was no immediate claim of responsibility for both attacks. View the full article