-
Content Count
208,702 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Eight people are confirmed dead, and at least 16 wounded, after a pair of explosions rocked Somalia’s capital of Mogadishu Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Lamu (Caasimada Online) – Dadka Kenyaanka ah ee ku dhaqan Gobolka Lamu ayaa si weyn u diiday go’aanka dowladda Kenya ay khamiistii ku xirtay sohdinta Somaliya iyo Kenya gaar ahaanna qeybta Lamu. Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in labada dad ee ku kala nool sohdinta labadeeda dhinac aysan marna kala maarmin. Go’aanka dowladda Kenya ayey ku sheegeen in uu yahay mid lagu deg degay islamarkaana aan waxba laga weydiin dadka degaanka. Waxaa ay ku doodayaan in bulshada labada dhinac isaga xiranyihiin nolosha aasaasiga ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, Dukaameysiga, Guurka iyo wixii la mid ah. Suleiman Bunu,oo ka mid ah Ganacsatada Lamu ee dhinaca Soomaaliya uu ku tiirsanyahay Ganacsigiisa ayaa ku dooday in arrintan ay waji gabax ku tahay dowlada. Abdalla Baabad, isna ka mid ah Kooxda gooni u goosadka ee MCA ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Raas Kambooni iyo Kiunga ay noloshooda isku xirantahay dowlada Kenyana qaatay go’aan aysan ka fiirsan. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhaq dhaqaaqa dadka labada dhinac, iyada oo sheegtay in amnigeeda ay sugeyso inkasta oo go’aankan xiriir la leeyahay khilaafka dhinaca badda ee labada dal hadda u dhaxeeya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa tix muuse ku socota. D adkaad xoollaha ka qaaddey kuwaad darraha ka boobtey ballooodhkiyo duunyadooda kuwaad dumiseed xarraashtey dalkaad xeerkiisa biisey dastuurkiisana ka baaydhey dagaal baad kulla jirtaaaye kuwii shalley ku dareerey ayaan daranaa codkoodu Waxaa hubaala oo runtuna aay tahey in somaliland intii muuse iyo waxa la sheqeeya qabsadeen, aay ka sii dartey,waad la wadda soctaan, xallada uu dalku maraayo, hadeey tahey arimaha dibada iyo gudahaba. Ha ugu sii darnaato arimaha guduhi, (27 sano) ka dib himilidii somaliland eeynu ku soo caanno maalney waxey ku danbeeysey buurbuur iyo hall bacaad lagu liisey, sidaas waxaan u leeyahey walayaal waad, ogtihiin in dalka somaliland mudadii uu muuse heeystey wuu ka sii darrey cadeeymo buuxna waan idiin hayaa. Waxaa dalkii ku dhacey shaki baahsan oo dhamaan dhasiis ku noqdey guud ahaan hayadaha dalka ka jiira oodhan, kaas oo aay keentey, ami xumo ku dhacey dhamaan bulshoda somaliland oodhan iyo hayadaha dowlada sida mulatirga iyo policke, waxaa bxay ciidamo militariga somaliland ah, waxaa soo badanaya jabhadaha cusub oo hor leh. waxaas oo dadi waxey ka boodeen wax yer maha , hadabba maxaa khaldan.? Waxaa khaldan aan idiin bayaaniyo, walaalyaal dowlada muuse waxey inagu biloowdey jahwareer baahsan iyo shaki uu koow ka yahey siyasda muuse biixi iyo inta la shaqeeysa aay keeneyn, iyagoo dalkii somaliland u horseedey caddalad daro bahsan, walaahi waan dharteey cidmadaba kolba talabayaa iyo jabhdaha horta lahi, waxey arkeen mahaa wax ciyaara, dalku hadii sidan ku sii socdo walahi iney noqon dad iyo bulshao la xidhan oo kunoqta sidii 1994. HAYADA CADDALADA Waxaas oodhan waxey arkeen caddalad baahsan oo dalka ka jirta dabihaanba hayadaha dalka ka jirra kuwa ugu horeeya waxaa kamida 1) hayada maxakmada oo qabyalad iyo dowlda tageersan. 2) hayda policeka oo dadka xidhay 3_ sharci dajinta maxkamadadalka oo nqodey kuwo dalwoada tageersan. 4; mulatariga somaliland oo noqdey kuwo madaxda u sareeya aay yihiin isku reeer. IYO qaar badan oo kale aay ka mitahey biyaha dalka iyo cafimaadka waxbrshada. Aanigu waxaan odhanayaa hadabba muse biixi waar dalkii waxaad u horseedey ami xumo , iyo wax caddalad ah dalka kama jirto, maxaad colldoon loo xidhey oo cali gurrey loo xidhi wayeey. ciidankii dalka oodhan wey kala shiksan yhiin, waxaad aad wadaa maha wax shaqeenayaa, waxaad dalkii ku dhex bilodoodey qabyllaad baahsan macal hayadaha dalka. waxaa qorrey fuaad qawdhan arimaha bulshada london facebook fuaad qawdhan mr_qawdhan@hotmail.co.uk 00447383135563 thanks mahad gaara waxa leh illaahey mr_qawdhan@hotmail.co.uk Source
-
Waxa saxaafadda la hadlay maanta oo ah 13/06/2019 koox laga soo diray Hargeysa oo Muuse Biixi iyo ina Kaahin. soo abaabuleen iyo odayo ay shirka ku qurxisteen oo war ma qabto ah oo Laascaanood jooga. Kooxdan Jeegaantu soo abaabushay soona jicsintay waxa ujeeddada laga lahaa ahayd in xal loo helo wejigabaxa ay xukuumadda Muuse Biixi iyo Maxammed Kaahin kala kulmeen xadhigii sharci darrada ahaa ee ay kula kaceen Dhakool oo reer Sool ah kana tirsanaa baarlamanka maamulka Somaliland. (Qaraabadii Dhakool ) Dhakool wuxuu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa 8dii May, shirkaas wuxuu kaga hadlay 18ka May inay tahay maalin reer gaar ahi leeyahay sidaa daraadeed gobollada qaar aanay khusayn dadkooduna uba yaqaannaan maalin madoow. Wuxuu kaloo ka hadlay saami qaybsiga maskabyada iyo xaqdarrada jirta oo dadka qaar ku dulman yihiin loona baahan yahay in dib loogu noqdo haddii la rabo in si dhab ah wax loo wada yeesho. Dhakool Shirkii Jaraa’id Laba maalmood kadibna Dhakool waxa loogu dhacay gurigiisa oo la gebagebeeyey, dabadeedna waa la xidhay. Dabadeed Maxkamad baa la soo taagey, xaakimkiina wuxuu yidhi ninkan sharci darraa loo maray qabashadiisa sidaa daraadeed xorriyaddiisa dib ha loo siiyo. (Go’aankii Maxkamadda) Xukuumaddu waxay isku dayday inay baarlamaankii adeegsato si ay xasaanadda uga qaaddo, baarlamaankiina wuu ku gacan saydhay arrinkaas waxayna sheegeen inaan laga xayuubin karin xasanaddiisa. (Go’aankii Baarlamaanka) Wixii ka danbeeyey a) go’aankii maxkamadda iyo b) go’aankii baarlamaanka, xukuumaddii way isku dhex yaacday, waxaana arrinkii gaadhay hay’adihii xuquuqul-insaanka iyo dawlidihii caawinayey Somaliland oo ka muujiyey walaac weyn xadgudubka xukuummadda Muuse Biixi ay kula kacayso dadka, la dagaallanka xorriyatul qawlka iyo cabudhinta muwaadiniinta iyo sidoo kale ku dhaqan la’aanta sharciga. Arrimaha xukuumadda loo haysto ee ay xalka u weydey waxa ka mid ah 1) Jebinta dastuurka maamulka 2) Aqoonsasho la’aanta iyo baal maridda go’aankii maxkamadda sharciga ah (contempt of court) 3) Aqoonsasho la’aanta iyo ku xad gudubka go’aankii sharciga ahaa ee baarlamaanka 4) Haysashada iyo xorriyad ka qaadidda qof aan sharci ugu xidhnayn. 5) Sharci darradii saqda dhexe loogu dhacay guriga reerka hurda iyadoo aan la haysan warqaddii sharciga ahayd ee soo qabashada (warrant) Haddaba haddii xaal sidaa yahay, 1)Ma Dhakool baa mudnaa in xaal iyo magdhow la isugu daro si xukuumaddu ay wejigabaxa haysta xal ugu hesho, mise xukuumaddii ceebaysnayd baa istaahisha in la xaal mariyo oo laga baryo in Dhakoolkii garta lahaa isagii denbiile laga dhigo? 2) Ma odayadan qaylinaya ee wiilkoodu xaqdarrada ku xidhan yahay ayaa mudnaa in la xaal mariyo, mise iyagaa xaal lagu lahaa? 3) Nimankan Hargeysa laga soo abaabulay Dhakool ma xaq bay u soo dhicinayaan, mise xaqiisii bay ka qaadayaan/ 4) Nimankan qaylinayaa Dhakool miyay u hiiliyeen mise dhabarkay ka toogteen? Waxaan kusoo gebagebaynayaa anigoo aan marna Dhakool u hiilinayn, aamminsanna inaanu mudnayn in loo hiiliyo marka la eego taariikhdiisa, haddana waxaa mudan in loo hiiliyo xaqa oo damiirku shaqeeyo cadaalad darradana laga gilgisho oo mar walba cddaaladda loo hiiliyo. Dhakoolna waxaan odhan lahaa nimankan dhabarka kaa toogtay ha yeelin haddii wuxuun damiir bani’aadam ahi kugu jirona inaad nimakaa sharci darrada kugu afduubay aad sharci iyo maxkamad ku kala baxdaan oo aad kelyo adaygto “ragannimadu waa inyaroo cagaha dhulka lagu sii hayee”. Muuse Biixi iyo ina Kaahin dabar bay kuugu jiraane ha ka sii dayn, waadna awooddaaye qareen aqoon leh oo ka madax bannaan reerahan is eryanaya iyo dhaalinyaradan gaajaysan qabso xitaa hadday kugu kallifayso inaad Nairobi ama Kampala ama meel kaleba kala timaaddid. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Source
-
Kenyan officials say at least 10 police officers are dead after their vehicle struck an improvised explosive device near the Somali border. Source: Hiiraan Online
-
Horumarkeeda Iyo Kala dambaynteedu Ku Waari Karo In Doorashoyinku Somaliland Ka Dhacaan Kuna Qabsoomaan Xili U Go’an Waa Danta Somaliland , Horumarkeeda Iyo Kaladambaynteedu Ku Waari Karo !! Dawladnimadu waa dan mideysa dal Iyo dad meelwada dagan iyo wax ay umadi wada leedahay , lagumana dhiso xoog, xadhig Iyo xiniinyo taabad ee waxa ay ka soo unkantaa wax umadaasi isla garatay oo heshiis lagu yahay oo cidwalba u dan ah oo la isla yaqaano . Sidaasoo ay tahay ayaa waxa dhacda in aad moodo in aan la fahamsanaynba dalkeena marka aad eegto hab-dhaqanka dawlada Iyo dadka laftoodu sida ay u fikirayaan , siiba ay dawladu had iyo goor bulshada u jaahwareeriso iyada oo ilaashanaysa danaheega gaarka ah . Hadiiba aan ku horeeyo dawlada Iyo gacmaheega oo ah inta ay umadu hogaanka ka dhigatay iyo ciidamadeedu waxa ay u baahan yihiin in ay la jaanqaadaan dawladnimada hufan ee qarnigan in koobani aduunka kaga dhaqanto oo ah mid aan xoog Iyo gacan bir ah , qori caaradii iyo cagajugleyn lagu maamulin ee uu sharcigu kala hago dadka iyo dawladooda. Marka aynu ka hadlayno sharci waa waxii umadu dhigatay ee heshiiska lagu ahaa oo cidwalba dhinaceega waxii ku waajib ahaa ay ka soo baxdo iyada oo loo raacayo sida waxa dadku wada dhigteen dhigayo ee aan loo eegayn kanaa awood badan, kanaa lacag haysta iyo kanaa miskiin ah midna oo aan laga dhigan la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan. Marka aynu intaa isla fahamno ayaa waxa aad garan kartaa in sharciga loo siman yahay isla markaana waxa aad suureyn kartaa oo aad raadsan kartaa waxii aad xaqa u lahayd Iyo waxa xaqa laguugu leeyahay oo aad adna is xisaabin kartaa lana xisaabtami kartaa cidkasta oo wax kaaga maqan yihiin ama wax idinka dhaxeeyaan. Maanta waxa in la isla fahmo ay tahay, in dadka Iyo cida ka wakiilka ahi dawladooda ka raadiyaan oo kula xisaabtamaan waxii ay xaqa u lahaayeen oo ah nolosha aasaasiga waxii dawlada u xilsaaran tahay sida; in amnigooda la sugo , caafimaadkooda la daryeelo, waxbarasho ay helaan, wadooyin ay helaan , biyo bilaash ah ay helaan , nal ay helaan, xuquuqaha Iyo xoriyaatka shuruucdu u damaanad qaaday ay helaan hadii ay haystaana aan laga qaadin ee loo ilaaliyo . Somaliland waxa liidata oo marba marka ka dambaysa aad moodaa in ay meesha ka sii baxayso xuquuqdii doorashada ee muwaadinku xaqa u lahaa in uu wax doorto lana doorto , xuquuqda doorashadu waa mid ka mid ah xuquuqaha waweyn ee dastuurku muwaadiniinta u damaanad qaaday oo hadii dalka doorashooyin ka dhici waayaan noqonaysa ku xad-gudub xuquuqda muwaadiniinta Iyo dastuurkii iyo shuruucdii oo dhulka la iska dhigay. Haddaba marka ay doorasho timaado yaa masuuliyadeeda leh in la qabto? In badan ayeynu aragnaa iyada oo la isku tour-tuurayo masuuliyada qabsoomida doorashada iyo cida gabtay in doorasho dalka ka qabsoonto, masuuliyada qabsoomida Iyo diyaarinta doorashada waxa iska leh xukuumada , waxaana farsamo ahaan shaqadeeda leh gudiga doorashooyinka Somaliland . Cida umadu wax u dhiibatay ee in lagu dhaliilo oo lagu daba taagnaado ay tahay waxii ay ka gaabiyaan Iyo waxii qaldaanba waa xukuumada Iyo goleyaasha qaranka oo midwaliba ceebtiisa Iyo cambaartiisa leeyahay inta uu ku lahaa hawshaa in leeg in loo xambaariyo ay tahay. Markaa xukuumada Iyo goleyaasha qarankuba heshiis bay ku yihiin in aan dalka doorasho ka dhicin in badan oo horena waxa u hir-gashay iyada oo aan duruuf kuraasida ku negaysaa dhicin in shacbiga loo heshiiyo oo goleba gole uun u mudo xileedka u kordhiyo, taasi oo caqabad ku ah geedisocodka dimuqaradiyada dalka, dastuurka Iyo shuruucda dalka Iyo nidaamkii doorashooyinkaba. Waxa ayaan daro weyn ah in xukuumada Iyo Madaxweynihii umadani dooratay Iyo cidii la lahayd masuuliyadaa ay xalin kariwaayaan in dalka ay ka qabtaan doorashooyinka mudo dhaafay ee golaha guurtida, golaha wakiilada Iyo goleyaasha deegaanka kuna edeeyaan xisbi qaran oo kale oo lagu tilmaamo in isagu doorashada hortaagan yahay, isaga oo xisbigaasi dood sharciya ku leh waar garsoorka xubnihiisa hala miisaamo kuwan joogana kuma kalsoonin ee inaga badala si doorasho inoogu dhacdo . Gunaanadka qoraalkayga in doorashooyinku dhacaan oo ku qabsoomaan xili u go’an oo la isla yaqaanaa waa danta Somaliland jiritaankeeda, horumarkeeda Iyo kaladambaynteedu ku waari karo, iyada oo aan ku talin lahaa waliba in la isku uruuriyo oo halmar lawada qabto shantii sanadoodba mar, si dalka Iyo dadkuba uga nastaan hawlaha Iyo muranada doorashooyinka, dawladuna wax ugu qaban karto dalka mudadaa shanta sano ah e marba la doorto oo aan doorashooyin ka soo dhex galin ilaa mudo xileedkeedu dhamaanayo. Aragtideyda Mohamed Abdi Jama ” @dhimbiil , @Muhamed Dhimbiil “ hormood@hotmail.com Source
-
Nine civilians were executed by a local militia in war-torn Somalia after the killing of a policeman by the Islamist militant group Al-Shabaab, police said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Allah ha u naxariistee waxa magaalada Hargaysa ku geeriyooday abwaankii weynaa ee Saxardiid Maxamuud Cilmi oo ku magac dheeraa Saxardiid Jebiye. Saxardiid Jabiye waxa uu 1938-kii ku dhashay magaalada Hargaysa, wuu ku barbaaray waxaanu maanta ku geeriyooday isla magaalada Hargaysa. Abwaan saxardiin waxa uu ahaa hal abuur hibo gaar ah u leh tirinta maansada iyo falkinta codadka heesaha lagu qaado. Laxanno badan oo caan ah oo weliba kuwa loogu jecelyahay codadka Qaraamka ah ayuu magaciisu ku suntanyahay. Saxardiid wuxu halgan dheer oo af iyo adin ba leh kaga qayb galay halgankii xorriyad doonka ee gumaystihii Ingiriiska ay shacabkii Somaliland kaga soo horjeedeen. Waxaanay sugaantiisu waayadaa ka mid ahayd tii shucaaha xorriyad doonka ifisay ee Soomaalidii kale ee Geeska Afrika ku saaqday dareenka ummadnimo iyo xorriyada labada. Heeso badan oo wadani ah ayuu curiyey waxaana ka mid ah oo had iyo goor carrabka Soomaalid ku dikriyaa heeska caanka ah ee An Maallo Hasheena Maandeeq, taas oo uu laxankeeda lahaa isna Allah ha u naxariistee Cabdillaahi Maxamuud Xirsi oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Qarshe. Barbaarkiisii iyo bilawgii fanka. Allah ha u naxariistee Saxardiid Maxamuud Cilmi wuxu ku hano qaaday magaalada Hargaysa oo uu ku dhashay, waxaanu noqday dirawal. Markaa uu shaqada bilaabay waa marka hal abuurkiisu soo baxay ee ugu horrayn ay dhegaha ku culan jireen intii ay isku xirfadda ahaayeen oo keli ahi. Saxardiid oo ka hadlayey markii ugu horraysay ee suugaantiisu wada gaadho bulshada ee ay soo dhaaftay intii ay xirfadda iyo kaftan wadaagga ahaayeen ayaa yidhi “wixii qarsoonaa ee aan dee iska odhan jiray uuni way fara badnaayeen, laakiin markii codkaygu soo baxay ama ta’liiftaydu soo baxday waxay ahayd riyaawad aan sameeyey oo la odhan jiray ‘Gardiid waa Alla diid’ riwaayaddaa Maandeeq baa ku jirtay sagaal iyo kontonkii.” Allah ha u naxariistee Saxardiid Jebiye waxay isku jiil ahaayeen oo ay fanka iyo suugaanta dhidibbo u wada ahaayeen hal doorkii casriyeeyey suugaanta Soomaalida ee hogaanka u qabtay fanka casriga ah. Waxa uu ka mid ahaa kooxdii Walaalaha Hargaysa ee muusiga ku ladhay heellooyinkii Soomaalida ee fanka casiraga ah ballaysimay. Abwaanadii ay mar wada kacaameen ee ay wada shaqayn jireen waxa ka mid ahaa, Allah ha u wada naxariisto dhamaantood e, Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Barkhad-Cas, Cabdillaahi Qarshe iyo rag kale oo badan. Heesaha uu tiriyey Saxardiid Jebiye hooballadii qaaday ee soo bixitaankooda uu gacanta ku lahaa waxa ka mid ahaa Cimaan Maxamed Cabdikariin oo ku magac dheeraa Cimaan-gacanlaw, Xaliimo Khaliif Cumar oo ku magac dheerayd Magool, Axmed Muxumed Good oo ku magac dheeraa Shimbir, Hibo Maxamed oo dhamaantood ahaa hal doorkii hooballada Soomaalida. Qaraamka iyo qaybtiisii. Allah ha u naxariistee Saxardiid Jebiye kuma koobnayn curinta suugaanta oo keli ah e waxa uu xataa qayb libaax ka qaatay kobicii heesaha casriga ah ee Soomaalida. Heesaha Qaraamka ah oo ah kuwa aan had iyo goor laga xiise goyn la’aantooda aan muusig Soomaali leedahay hano qaadeen ayaa waxa uu Saxardiid ku lahaa gacan weyn oo suurto gelisay hore u socodkoodii erayaa iyo codadkaba. Laxannada lagu qaado heesaha Qaraamka ah oo aad u faro badan, oo weliba waayadii hore ilaa haatan dadka sida gaarka ah u dhuuxaa codadka lagu qaado aanay odhan laxan ee ay adeegsadaan eray waayadaa u gaar ahaa oo ah ‘sawd’ ayaa Saxardiid kuwa ugu mucda weyn ee maanku aanu ka go’in lahaa curintooda. Hoobalka Maxamed Maxamuud Cige oo ku magac dheer Busi oo ayaa yidhi “codadka Qaraamka ee uu Saxardiid Jebiye allifay waxa ka mid ah sawdka Murug oo saddex siiqo oo kala duwan loogu luuqeeyo iyo sawdka kale ee Kaar oo dhammaantood ka mid ah kuwa ugu macaan codadka Qaraamka.” Allah ha u naxariistee abwaan Saxarxii Maxamuud Cilmi beryahan ba wuxu u jiifay xanuun waxaana dhawaan lagu qalay isbitaal ku yaal dalka Turkiga oo lagu soo dabiibay. Waana xanuunka uu manta u geeriyooday. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray qoyskii marxuumka iyo guud ahaan ba ummadda Soomaalida ee uu ka baxay abwaan Saxardiid Jebiye, waxaanu marxuumka ku sifeeyey abwaan qaranka ka baxay oo si weyn loogu xasuusan doono taariikhdii ma guurtada ahayd ee uu ku lahaa fanka iyo suugaanta gaar ahaanna doorkii uu ka qaatay xornimo doonkii. Allah ha u naxariistee maanta gelinkii dambe ayaa abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi lagu aasay magaalada Hargaysa. Source
-
Tan iyo intiii uu madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu xilka qabtay waxaa furantay suaalihii ay warbaahintu sida tooska ah u waydiinaysay madaxweynaha kadib shan sanno oo ay warbaahinta iyo madxweynihii horre ee Somaliland Axmed siiraanyo aanay is arrag ama aanay suaalo tos ah waydiin. Waxaa xusid mudan in madaxweyne Biixi uu dhawar goor warbaahinta isugu yeedhay isago suaalo badan uga jawaabay ayaa haddana waxaa so baxaysay suaal marka ay warbaahintu waydiisaba uu madaxweynuhu is badalaayay ama uu dhibsanaayay in suaashaas la waydiiyo. Suaashan oo nuxurkeedu ahayd “in beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo ay xilalka qaranka uga badantahy beelaha kale somaliland. Su’aashan ayaa marka ay warbaahintu madaxweynaha waydiinayso waxay ugu soo hal qabsadaan fiidiyow Dhawar iyo labatan sanno kahor laga duubay kaas oo madaxweynihii waqtigaas joogay AUN Maxmed xaaji Ibraahim Cigaal uu madaxweyne Muuse uu ku canaanayo in xilalki qarranka uu udhiibay inay ay isku suladaan yihiin ama ay isku reer yihiin hadalaka madaxweynahana waxaa ka mid ahaa “ Maxamed xaaji Ibaraahim Cigaalow mudane madaxweyne ma sideetan jirbaa tahay ma afartan sanno ayay Somaliland tallo ku jirtay ma sagaal sanno ayaad Somaliland hor fadhiday ma maantaad salaadintii diintii ku caleemo saartay aad tikniko udalbatay adeer ma maanta ayaad awoodii ku soo ururuusiay in aad isku suldaan tihiin” dakhiligii (wasiirka arrimaha gudaha) xakimkii sarre, xeer ilaalintii, taliye ciidan ma maanta ayaad awoodii ku soo uruurisay in suldaan idin wadda xukumo.’’ Madaxweyne Muuse biixi markii u waqtigaa la joogay waxa uu arkayay in awooda qarran oo la wadda yeesha ay Somaliland ku socnayso ama ay horumar balaadhan ku gaadhayso lakiin maanta mooyi si madaxweynu wax u waddo. Waqtigii ugu danbeeyay ee madaxweynaha suaashan la weydiiyay waxa uu kaga jawaabay jawaab udhignayd siddan” waxaan ka xasuustaa horta da’ddu waa da’dii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna wasiirkiisii daakhaligaan ahaa barigaa maad joogin waa laguu sheekeyay un ee waa runtaa oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay waxaanan ugu canaantay qalad waqtigaa joogay un baan ka qabanayay khaldkaaina waxa uu ahaa saladiintii farha badnayd ee Somaliland ay ku shireen gurigga suldaan barre oo dad caqli xumi intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha weerareen oo taangiyo la soo dhaqjiyay taangigii la soo dhaqjyayna waxaan ahaa ninkii utagay eek u yidhi waar maad waalanatay xagaad Maxamedna intaan ugu gurigiisa ayaan intaa iy in ka badan ku idhi oo saxaafaddana ka idhi’’ jawaabtaas oo u muuqatay mid aan ahayn tii ku haboonayd suashiii la waydiiyay isla markaa u eekayd sheeko majarre habaabin ah ama dadka lagu maweelinayo. Shaki kuma jiro in madaxweynuhu ogyahy in Guddomiyaha maxkamadda sarre, guddomiye ku xigeenka maxkamadda wasiirka maaliyaada, Taliyaha ciidan ay isku suldaan yihiin lakiin waxaynu sugayanaa in ummadda uu qanciyo. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shine Source
-
(SLT-Hargeysa)-Lix Meheradood oo kuwa yaryar ah ayaa ku gubtay Suuqa la yidhaahdo ‘Dibiga iska eeg’ ee Magaalada Berbera Maanta gelinkii hore. Dabka ayaa dhammaan baa’biiyey lixda Meheradood oo intuba isku garab yaallay. Meheradahan oo bakhtiintooda ay ka qayb-qaateen Gaadiidka Dab-damiska iyo qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Berbera iyo weliba Masuuliyiin uu Maayarka Berbera ka mid yahay, ayaa waxa ka hadlay Xubno ka mid ah Dadkii Meheradahaasi lahaa, waxayna sheegeen in dabkaasi uu Meheradahoodii baa’biiyey, balse aanay jirin wax khasaare nafeed ahi. Saado Maxamuud Nuur oo ka mid ah Dadka Meheradahoodii ka gubteen oo HCTV la hadashay ayaa sheegtay “Waxaanu ahayn Dadkii Meheradahan lahaa, Cidna nagagamay dhimanin, laakiin Meheradaha wixii yaallay way ku dhamaadeen..” ayay tidhi. Haweenay kale oo Magaceedu yahay Kowsar Saleebaan Maxamuud oo iyaduna ka hadashay Masiibadan ayaa tidhi “Waxaan ku jiraa Gurigaa dhagaxa ah ee gubtay, Aniga Alaabtii igama gubanin, laakiin Gurigii wuu shuf belay, Meheradahana ugu yaraan lix Meheradood oo Maqaaxiyo iyo Tukaamo ah baa gubtay.” Gabadh kale ayaa ka warrantay siday wax u dhaceen “Aniga oo Madbakha Laxoox ku dubaya ayuun baan arkay Gurigoo gubanaya, kii ugu xigayna wuu gubtay..” ayay tidhi. Maayarka Degmada Berbera oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu wax la qaban doono Dadka Meheraduhu ka gubteen “Sidii dhaqanku ahaa marka Masiibadan oo kale dhacdo diyaar baanu u nahay inaanu la qabano wixii aanu u qaban karno..” ayuu yidhi. Maayarku wuxuu ka hadlay waxa gubay Meheradahan “Dhimbiil yar oo dab ah ayaa intaas oo dhan gaadhsiisay, intaas oo Meheradood ee is daba yaalla..” ayuu yidhi. Source
-
Senetor Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta khudbad u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa ugu baaqay golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland in ay ka fogaadan khilaaf dhexdooda ah. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu ku boorriyay mudanayaasha dhalinyarada ah ee ku jira golaha wakiilada Puntland, in ay si fiican u bartaan Dastuurka dowladda Puntland iyo kan Soomaaliyaba, si ay dhabba hagaagsan ugu hoggaamiyaan dalka. Mudane faroole ayaa dhanka kale caddeeyay, in Dastuurka Puntland uu si buuuxda u waafaqsanyahay Shareecadah Islaamka,islamarkaana aysan ku jirin wax ka hor-imaanaya Diinta iyo dhaqanka Suubban ee Soomaalida. Senetorka oo ka jawaabayey hadal dhowaan ka soo yeeray odoyaal ku shiray magaalada Gaalkacyo oo ku dhawaaqay in ay Shareecada Islaamka qaateen, ayaa ka digay in loo gacan-haadiyo cid ka shaqeynaysa dhibaatada Puntland, iyadoo lagu gabbanayo Shareecada Islaamka. Halkaan ka daawo khudbadda senetor Faroole PUNTLAND POST The post Faroole oo ka digay khilaaf ka dhex qarxa xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah saddexdii boqol ee shaqaalaha ahaa ee xukuumadda Somaliland shaqaaleysiisay sannadkii hore, ayaa iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan iyo in wasaaradihii lagu qorey ay diideen waxay cabasho la hor tageen hay’adda shaqaalaha dawladda. Hase ahaateee waxaa cabashada shaqaalahaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Somaliland Cabdikariin Maxamed Cali. Shaqaalahan ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowr jeer oo kala duwan fagaareyaal ka sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somalia police confirmed the arrest of a suspect following a vehicle-borne improvised explosive device (VBIED) attack in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cbdullaahi Deni, oo maanta ka furay magaalada Garowe kalafadhiga 44aad ee Baarlamaanka dowled gobaledka Puntland, ayaa ka hadlay dhinacyo badan. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shirkii Garowe ee natiijo la’aanta ku soo dhamaaday, waxa uuna xusay in marwaliba Puntland ay u taagan tahay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka oo Soomaali ay ku heshiisay. “Ujeedooyinkii lagu aas aasay Puntland oo ay ka mid ahaayeen raadinta iyo taabagalinta dowladnimo Soomaaliyeed, waxaanu fidinay gogol ay isugu imaanayeen madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si looga wada xaajoodo arrimaha lasku qilaafsan yahay xalna loo gaaro”. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in nidaamka federaalka ee dalka uu qaatay aysan Puntland dooneynin in ay faragaliso shaqo ay dowladda dhexe ay leedahay . “Puntland marabto mana doonreyso inay qabato ama qaadato shaqo dowldada ay leedahay, ma aqbaleyno in dowledda federaalka si sharciga hareer marsan u qaadato doorkii maamulada dalka,waxaan aad isugu taxalujinay inaan kala aragti duwanaanta u badalno is faham, wadashaqeyn, is ixtiraam iyo dhaqan galinta sareynta sharciga, nasiib darro Todobo maalin ka dib shirkii waxa uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan” Dhanka kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in maalintaa laga baaqsan karay inuu natiijo la,aan uu ku soo dhamaado shirkii Garowe haddii dowladda federaalka ay ka soo dabci laheyd halka ay joogtay waxa uuna sheegay in maanta loo baahan yahay wadajir. “ Waxaan aaminsan nahay inuu laga baaqsan karay fashil ku yimaada wadaxaajoodkii, haddii dowladda federalka ay ka soo dabci laheyd marooqsiga iyo isku kali yeelidda awoodaha dalka, maanta waxaan u baahan nahay wadajir, wadashaqeyn, dadka Soomaaliyeed uma baahno tafaraaruq iyo jab hor leh” Ugu danbeyn Madaxweyne dowled gobaledka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo dhameyn lahaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhexeeya dowledda federaalka. “ Puntlan waxa ay diyaar u tahay in is afgarad laga gaaro iyo wada xaajood xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhaxeeyo dowladda federaalka, Puntland mar waliba waxa ay hormuud u tahay ku dhaqanka iyo dhowrista dastuurka, hirgalinta iyo adkeynta nidaamka federaalka, ka shaqeynta sidii si is afgarad ah looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Laba Qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, duhurnimadii Sabtida Maanta. Qaraxyadan oo geystay khasaare aan weli si rasmi ah loo ogayn ayaa ka koowaad wuxuu ka dhacay oo lala eegtay Koontarool ku yaalla agagaarka Isgoyska Sayidka oo laga ilaaliyo dhismaha baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Qaraxaasi oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba. Qaraxa labaad ayaa muddo kooban ka dib, waxa lala eegtay Kaantarool laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in khasaare soo gaadhay Ciidammada Dawladda ee Halkaasi ku sugnaa. Qaraxyadan oo aan Tiro-koob rasmiya laga haynin khasaaraha ay geysteen ayaa waxa markiiba Masuuliyaddooda sheegatay kooxda Al-shabaab. Warbaahinta taageerta Al-shabaab soo xiganaysa Sarkaal ka mid ah Kooxdaasi ayaa sheegtay in Qaraxyadani qayb ka yihiin silsilado weeraro ah oo kooxdu doonayso inay ku baa’biiso kaantaroollada Dawladda. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Salaadiinta Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee uu sheegay inuu labadan Beelood uu Shir ugu qaban doono Magaalada Burco. Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, iyo Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidooda ku wajaahan Shirkan uu Boqor Buurmadaw ku baaqay iyo waxay kala socdaan ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu sheegay in aanu haba yaraate aanu waxba kala socon, cid soo ogeysiisayna aanay jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Shirkan la leeyahay waxaa loo qabanaya labada Beelood, wax alaale wax aan ka ogahay oo aan kala socdaa ma jirto, Shirkan cid I soo ogeysiisay ma jirto, waxaan ka ogahayna iyo waxaan kala socdo toona ma jiraan” Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, isla markaana ah Suldaanka Sacad Yooniska, ayaa isna wuxuu dhankiisa tilmaamay in aanu waxba kala socon Shirkan, balse labada Beeloodna ay u yalaan hawlo ka muhiimsan kana culus Shirkan Buurmadaw ku baaqay, waxaanu yidhi “Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee ku saabsan labada Beelood ee walaalaha ah waan maqlaayey, laakiin labada Beelood ee East Burco Clan iyo Habar Yoonisba, hawlo ka culus kana muhiimsan Shirkan Boqor Buurmadaw ayaa u yaala, oo ay ka mid yihiin hawlihii qabyada ka ahaa heshiiskii labada Beelood, ee Ceel-afweyn, waxaana muhiim ah in si wada jir ah loo wada dhamaystiro hawlaha qabyada ka ahaa Shirkaas, sida in magtii la bixiyo, in aad looga digtoonado in dhib dambe dhacod, labadan Beeloodna, waa laba Beelood, oo aan sinaba u kala go’ayn, sinabana u kala tagaynin, Shir labada Beeloodna waa loo qaban kara, danahoodana wey ka wada shiri karaan, laakiin maanta wakhti Shir la qabto maaha”. Dhanka kale Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo isna aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino fikirkiisa yo aragtidiisa ku waajahan Shirkan Boqor Buurmadaw ku baaqaay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Source
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo 13 ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystey illaa 13 ruux oo xoogsato la qabtay caddaaladana la horgeyn doono. “Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la marsiin doono. Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka codsaday Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Galmudug. Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf, sidoo kalana hoos ka akhriso isagoo qoraal ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/COD-XAAF-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Shir ay soo qaban qaabiyeen Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee loo yaqaano Global Somali Diaspora (GSD) ayaa Maanta ka furmay magaalada Istambuul ee waddanka Turkiga. Shirkan oo ay taaba galiyeen Shirkadaha Hormuud Telecom & Salaam Somali Bank ayaa waxaa ka qeyb gelaya Wufuud heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Reysulwasaare ku xigeynta Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sifiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Olgan Bekar, iyo Madax ka socota Shirkadaha taaba geliyey shirka & xubno Soomaali ah oo Saameyn kuleh dunida. Guddoomiyaha Golaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed Marwo Jawaahir Daahir ayaa uga mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom & Salaam Soomaali Bank sdia ay isugu xilqaameen taaba gelinta Shirweynaha, waxayna sidoo kale sheegtay in ay horumar la taaban karo ka abuureen Somalia. Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka mid ah wafdiga Shirkada Hormuud & Salaam Bank ayaa ka war bixiyey wax qabadka Hey’adda Hormuud Foundation, waxa uuna sheegay in dad gaaraya ilaa 5 Malyan oo qof oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan uga faa’idaysteen adeegyada shirkadda. Tusaale ahaan malaayin qof ayaa ka faa’idaysta adeegga EVC Plus si bilaash ah (lacag la’aan), boqolaal kunna waxay ka faa’idaystaan taakulaynta Isbitaallada Danta Guud, Jaamacadaha, Iskuullada iyo goobaha adeegga bulshada ee shirkadda Hormuud Telecom ay caawiso. Shirkadda Hormuud ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay Horumarka dhaqaalaha Dalka iyo Shaqo abuurka, ayadoo abuurtay in ka badan 30 kun oo shaqo, waxey sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta Technology-yadda & Dhiirri gelinta Waxbarashada. Bangiga Salaam ayaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray horumarka hannaanka Maaliyadda ee waafaqsan shuruucda Bangiyada, dhismaha nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya, dib u dhiska dalka sida unkidda xaafadda cusub ee Daarusalaam iyo laamiga Daarusaaalam oo 7KM ah, maal gelinta Ganacsiga oo gaarayso boqolaal malyan oo lagu maalgaliyay Shirkado iyo ganacsato soomaaliyeed, Shaqo Abuurka & soo celinta Xisaabaadka maaliyadeed ee waafaqsan hannaanka Bangiyada. Sidoo kale, ka soo qayb galayaasha shirwaynahan ayaa dhankooda aad uga mahad celiyay kaalintaas wanaagsan ee shirkadda Hormuud Telecom iyo shirkadaha bah wadaagta la ah sida Salaam Somali Bank, Taaj Money Transfer sida ay uga qeyb qaateen dib u soo kabashada dalka iyo horumainta dhaqaalaha.
-
Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga Baarlamanka, ayaa si kulul u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna degmooyinka Yubbe iyo Damalla-xagarre ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka ay Somaliland ku soo qaadday degmooyinkaasi, ay ku doonaysay in ay ku fashiliso imtixaanka shahaadiga Puntland, oo wakhtigaa ka socday degmooyinka gobolka Sanaag, isagoo muujiyay in aan Puntland u dulqaadan doonin daan-daansiga noocaas ah. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii dhibaato ka yimaada daan-daansiga Somaliland ka waddo gobollada Sool iyo Sanaag, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto xukuumadda Hargeysa, haddii aysan joojin ficillada lagu wiiqayo nabad-gelyada gobolladaasi. Mudane Dhoobo ayaa u mahad-celiyay dhammaan saraakiishi, mas’uuliyiintii, iyo ciidamadii ka tirsanaa Somaliland ee ka soo baxay, kadib markii ay qaadan-waayeen nidaamka cunsuriyadda ah ee maamulkaasi ku dhisanyahay. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo si kulul u cambaareeyay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Taliyha qaybta booliska gobolka Sanaag ayaa waxa uu beeniyey in magaalada Badhan uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka Puntalnd iyo kuwa malayshiyaadka Soomaaliland. Taliyaha qaybta booliska [...] Source