-
Content Count
208,721 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
While food is now her love language, that wasn’t always the case with the Somali model-turned-entrepreneur Hawa Hassan. “I always looked at cooking as a chore, but when I moved into the space of food, I started to see cooking as a joy and a safe space for other people.” Source: Hiiraan Online
-
he Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA), in coordination with the government of Djibouti and the local governorate, reached out to families in Lac Assal, a drought-hit area of the East African country's northern Tadjourah region, as well as in the capital Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Turkey on Saturday condemned terror attacks in the Somalian capital Mogadishu that killed 8 people. Source: Hiiraan Online
-
Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sabtidii weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaaday koonfurta dalka Sacuudiga ayagoo ka aargudanaya duqeymaha Sacuudiga ee dalka Yemen. Taleefishinka Xuutiyiinta ee al-Masirah ayaa sheegay in duqeyn xooggan ay diyaaradaha drone-ka u gaysteen garoomada diyaaradaha ee gobollada Jizan iyo Abha. Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradan looga aargutay gardarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah shacabka Yemen, ayna sii xoojin doonaan haddii Sacuudiga uu sii wado duqeymaha Yemen. Si kastaba, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaalo ay Xuutiyiinta soo rideen, sida uu ku warramay taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga laga leeyahay. Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey weerarada ay la beegsanayaan Scauudiga, waxaana inta badan weeraradan lagu qaaday goobo ku yaalla Jizan, Najran, Abha iyo Khamis Mushait. Sacuudi Carabiya ayaa iminka qosheeneysa inay soo iibsato habka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome, si ay uga hor-tagaan gantaalaha ay soo tuuraan Xuutiyiinta dalka Yemen. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii habka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Patriot System, oo balaayiin dollar uga baxday Sacuudiga, uu ku fahsilmay inuu qabto inta badan gaantaalaha Xuutiyiinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Cabdullahi Yusuf Axmed baa laga sheegay inuu yiri dhibka iyo shiddadu aniga ma ahee waa Kursiga. Xaaf iyo Axmed Madoobana waxay leeyihiin anaa iri yeeli mayno. Iyaguna waxay rabaan inay helaan waxay dhahaan, siday rabaana loo yeelo. Taasina waa xukun jeclaysigii iyo keli talisnimadii sababtay inay Soomaaliya bur-burto, Siyaad Barrena loogu qabsaday kursiga. Madaxdii ka dambaysay Siyaad Barre oo dhan waxaa looga caal la’a yahay in markii xilligoodu dhamaado in aysan isku sii dhajin xukunka, ayna qabtaan doorashooyin loo siman yahay oo ka madax banaan faro gelin shisheeye, cadaadis, cabburin, handaad, musuq-maasuq, laaluush, iyo u adeegid dano dawlado shisheeye oo cadow u ah Soomaaliya, qofkii ku guulaysta doorashadana si hufan loogu wareejiyo xilka. Xukun uu ninna rabin inuu ka dego maxaa Siyaad Barre loogu qabsaday? Sow la yaab ma aha in ninkii madax noqdaaba uu marayo waddadii iyo nidaamkii xukun ku dhegga ahaa ee dalkeenu u bur-buray, laguna eedeeyay Siyaad Barre. Sow iyana ma aha in la is waydiiyo sababta Siyaad Barre xukunka loogu qabsaday haddii kuwii ka dambeeyay aysan rabin inay xukunka ka degaan. Waa in labo mid la yeelaa: In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan. In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo uuay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu. Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara mooshinada had iyo jeer lagu soo oogo madaxda la doortay, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan, dawalad aan mar walba ku jirin is difaac iyo siday uga bed-baadi lahayd mooshinada lid ku ah ee ay keenaan kooxo danaystayaal ah. Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba. Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan. Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada. Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka. Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato. Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe. Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba. Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda. Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xukuumada Muuse Biixi u xiran mudo ka badan hal bil. Xildhibaan Dhakool ayey xukuumadu xabsiga u taxaabtay kadib markii uu si adag uga horyimid xuska 18-ka May ee markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanku ayaa ka hadlay xariga ay xukuumada kula kacday Dhakool, iyaga oo xuseyna in 18-ka May aysan aheyn maalin madow. Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe oo ay isku deegaan yihiin Xildhibaan Dhakool, kana mid ahaa xubnaha Beeshiisa ee ka hadlay xarigiisa, ayaa waxa uu sheegay in beeshu ay ka raali-gelinayso bulshada hadalkii Dhakool, wuxuuna yiri “Shacabka Somaliland ayaanu ka mid nahay waxaanan cadaynaynaa inaanay 18-ka May ahayn maalin madow balse ay tahay maalin ay isku yimaadeen dadka reer Somaliland oo ay wada dhisteen dawlada, qiime weyna ku leh shacabka Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanan beesha afkeeda ku bixinaynaa inaanay 18-ka May munaasib ku ahayn maalin madow ee ay tahay maalin ay umadu nabadeedii saxatay. Hadalkii ka soo baxay Xildhibaanka waanu ka raali gelinaynaa shacabka Somaliland anaguna Xildhibaanka waanu is aragnay sidaas ayaanan u soo gudbinaynaa shacabka”. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan Dhakool uu ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuskaasi, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland. Dhakool ayaa raali-gelintiisan ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, oo ilaa hadda xukuumada Muuse Biixi ka cago jiideyso. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xariga ay xukuumadiisu kula kacdo Siyaasiyiinta reer Somaliland. Xariga ay Somaliland u geysato Siyaasiyiinta ayaa sarre u kacay mudada uu xilka hayo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo xabsiga ku gurtay siyaasiyiin badan oo mucaarid ku ah xukuumada. Madaxweyne Biixi oo maanta warbaahintu wax ka weydiisay xariga Siyaasiga ah ee xukuumadiisu u geysato Mas’uuliyiinta ka soo hor-jeeda, ayaa waxa uu sheegay inay yihiin dambilayaal Somaliland ka galay dambi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xabsiga loo taxaabayo Shaqsi kasta oo ku gafa qaranka Somaliland, mansabka uu doono ha hayste, wuxuuna yiri “Xarig siyaasiya maaha, xarigii danbiilaha badanaya, dambiilahana waa la xidhayaa, ninkii dambi gala ha odhanin waa siyaasi, Siyaasiga dambi gali kara, dhakhtarka gali kara, adigoo wariya gali kara, baayac-mushtarka gali kara, dambiilaha waa la qabanayaa, si dalku hore ugu socdo”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Reuters) - Somali militants killed eight Kenyan police with a roadside bomb near the border between the two countries on Saturday, officials said, while another eight died in a bombing the same group carried out in the Somali capital. Source: Hiiraan Online
-
Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta fursad u siiyay inuu taagnida kaga jawaabo su’aalo ay ku hurgufeen saxaafiyiintu, inkastoo laba wasiir oo toddobaatan jira ahi waa ka warxabarasha iyo arrimaha diabada ay isku dayeen inay ka hor-dhaqaajiyaan saxaafiyiinta. Madaxeyne Muuse waxa isagoo ka jawaabay su’aal ka saabsanayd xaalada Bariga Sanaag uu sheegay inaanay bariga Sanaag ka jirin wax dhibaato ah oo xalay oo ugu danbeysay ay ku doodayeen laba wasiir oo Ilmaadeer ah midna uu yahay Somaliland midna Puntland, waxana sidoo kale uu madaxweynuhu ku macneeyay arrinta deegaankaasi waxyaabihii uu ka tegay gumeystihii oo xuduudihii uu Afrika dhex dhigay ay mid walba beel ama deegaan ku dhex dhacday, isagoo dalal afrikada ah tusaale u soo qaatay. Jawaabta Muuse ee Bariga Sanaag waxa ka muuqatay deganaan iyo inuu muujiyo bisayl siyaasadeed oo uu doonaayo inaanu ka darin halka ay xaalada barigaa fogi hadda taagan tahay, walow ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan qaybo ka mid ah deegaankaasi. Mar uu mudane Biixi ka jawaabayay su’aal ku saabsnayd waxa uu kaga jawaabo 20 sano muddo ku dhaw dhaliil uu u jeediyay madaxweynihii geeriyooday Marxuum Cigaal oo uu ku dhaliilay in uu kuraasidii dalka ku xeeray inay isku suldaan yihiin, sida Maxkamada sare, Jananka Milateriga iyo xeerilaaliyaha guud, taasi uu isaga maanta ku kacay waxa uu ka baydhay inuu si toos ah uga jawaabo su’aashaa, isagoo sheegay inuu maalintaa Marxuum Cigaal oo uu cid u xigay uu ka qabanaayay duulaan uu ku qaadayay salaadiin ku jirtay gurigii suldaan Bare, isagoo weriyahana weydiiyay saaka inuu jiro cid uu duulaan ku yahay oo uu weriyuhu la qabanaayo. Su’aashaa jawaabteeda ee uu madaxweynaha is diidsiiyay waxay u muuqanaysay inaanu diyaar u ahayn inuu wax ka bedelo qaabka uu wax wada lahaanshihii qaranka meesha uga saaray ee uu hay’adihii dawlada ugu taxay in ay ehel yihiin amaba isku suldaan. Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay intii uu madaxweynaha ahaa inuu badatay xadhiga siyaasiyiintu waxa uu kaga jawaabay inaanay sidaa ahayn oo waxa batay uu yahay xidhiga denbiilayaasha, isagoo intaa ku daray inuu sii badan doono xadhiga denbiilayaasha si uu dalku hore ugu socdo, jawaabtaasi oo u muuqatay in Muuse Biixi uu yahay Muusihii 1994kii ilaa iyo 1995kii xiligaa oo uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha oo uu marxuum Cigaal ku sheegay nin u haysta in xadhiga iyo cagajugleynta in lagu cabiidin karo saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda nidaamka, waxana markuu Muuse arrintaa ka jawaabayay uu u muuqday mid aad ugu qanacsan inuu xukun ku rido muwaadin aanay maxkamadi ku cadayn wax denbi ah, halka uu madaxweynuhu si toos ah u sheegayo in siyaasiyiinta iyo ragga iyo dumarka kale ee xidhani ay denbiilayaal yihiin. Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd shirka uu xaqiijiyay Boqor Buurmadow sida uu u arko waxa mar kale soo ifbaxday in 30 sano ku dhawaad aanay waxba iska bedelin habdhaqankii Mujaahid Muuse Biixi, waxa isagoo diidan oo is adkaynaaya uu sheegay in beeluhu ay xaq u lee yihiin inay shiraan oo ay hadday doonaan bedelaan mawqifkoodii hore oo ay mucaaridaan madaxweynaha, taasi oo ah cabsida keliya ee uu qabo, marka la dheehdo jawaabta uu bixinaayo mr.Biixi. Waxa isagoo arrintaa ka jawaabaya uu intaa raaciyay erayga “laakiin” isagoo ku daray in boqor Buurmadow beryahaa la xamanaayay oo lagu xmanaayay nabadgelyo darada ka jirta Ceelafweyn. Waxa kale uu boqorka madaxweynuhu si toos ah ugu xukumay oo uu ka fogeeyay xan in uu taleefoon ka wado nabadgelyo darada ka jirta deegaankaasi oo soo socotay muddo labo sano iyo badh ah,taasi oo cadayn ugu filan in kornayladu boqorka mar kale xadhig u maleegayaan. Nasiibdarada ugu weyn waxa ay ahayd in mudane Cabdi uu masuuliyadii uu qaranka u hayay u duwo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madow oo uu ku sheego in hawsha u taal ay tahay taa uu hurunteeda ku eedaynaayo boqorka, iyadoo weliba masiibadii Ceelafeeyn ay hadda beelihii ay u dhaxaysay ay ku guuleysteen inay xakameeyaan oo aanay falka denbiiluhu qaado mid caam ah ka noqon, sidii dhawaan ka dhacday deegaankaasi ee dalkii dhacay aanay beeshii uu ku dhacay degdeg uga jawaabin. Mudane Muuse waxa uu boqorka ka duway masuuliyadiisa oo ah gogol u fidinta cid kasta oo wax ka tabanaysa beesha uu duubka u sito iyo u soo dhicinta waxa ka maqan, taasi oo ah in uu Buurmadow xaq u lee yahay inuu adkeeyo nabadgelyada ka dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee bariga wada yaal ka hor inta aanay colaad isku bedelin oo aanay faraha ka bixin. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa hadalka madaxweynaha ee dhamaan jawaabihiisa ka muuqday inuu yahay madaxweyne aan cidna wax isaga tirinayn oo aan sharci iyo shar midna ka baqayn, islamarkaasina u socda in muddada gaaban ee uu xilka hayo rag uu ka adkaado oo uu u qaybiyo qayb uu u buriyo oo uu dheeraad siiyo, qayb uu xabsiyada ku guro gar iyo gardaro iyo qayb uu bud ku maalo oo uu handadaad iyo cabsi gelin ku dhaqo, haseyeeshee waxaad moodaa in aanay Muuse u qorshaysnayn inuu dhito uga tago qaranka iyo magaciisa, iyadoo ilaa iyo hadda lays weydiinaayo waxa madaxweyne Biixi ummaddu ku xasuusan doonta muddada kooban ee uu madaxweynaha yahay. Mustafe Shiine Qaran News
-
The US government sounded the alarm on Friday over the situation in Sudan following the latest crackdown by the country’s Transition Military Council, warning of catastrophic scenarios similar to the instability in Libya and Somalia if the path to a civilian-led transition fails. In a telephone briefing with reporters, State Department Assistant Secretary for Africa Tibor Nagy outlined four different scenarios for Sudan. Mr Nagy, who is on his way back from Khartoum, said the only positive outcome he could envision currently is a transitional process by the June 30 deadline in accordance with the African Union’s roadmap. “An agreement on a transitional process would be positive” he said. But he listed several negative outcomes that could engulf the country if no such transition is achieved. He warned of chaos and instability as is the case with Libya or Somalia. “The last thing Egypt wants is a Libya on its southern border, the last thing Ethiopia wants is a Somalia on its western border,” Mr Nagy said. The other two negative scenarios he warned of were the return of the old regime of Omar Al Bashir, who was overthrown in April, and the continuation of the TMC rule. Mr Nagy said Washington seeks a civilian-led government in Sudan, and supports both the African Union and the Ethiopian-led mediation. During his trip to Khartoum, accompanied by the newly appointed US envoy Daniel Booth, Mr Nagy met said the US delegation met with a wide range of parties and political stakeholders in the country. He said the June 3rd events where a security crackdown left more than 100 protestors dead, constituted “a 180 degree turn” in the positive trajectory that Sudan was taking following the ouster of Mr Bashir. “The US believes strongly that there has to be an investigation that is independent and credible,” Mr Nagy said. The US delegation met with some of the victims of the violence including a US citizen. READ MORE Sudan military acknowledges ‘violations’ in sit-in dispersal Mr Nagy pushed back against criticism that the Trump administration was late in acting on Sudan and waiting two months to appoint an envoy. He said that that all tools are on the table, but said the US role would be to support mediation efforts led by the neighbours and regional countries. An internet blackout remains in place, but the TMC released number of detainees, and the opposition withdrew its call for civil disobedience. It is unclear, however, when the dialogue with the opposition would start to map the transition or if it’s able to meet the June 30 deadline. Cameron Hudson, a senior fellow at the Africa center at the Atlantic Council, described the appointment of a US special envoy as “an important first step in US diplomatic efforts to end the violence, protect the protesters, and ensure a civilian transition for the country.” But the expert, who advised former US envoys on Sudan, told The National this week that “without a renewed strategy for achieving these goals I fear we will always be one step behind the military’s tactical moves”. The US also faces growing Chinese and Russian influence in Sudan. The National Qaran News
-
Rayi ururin caalamiya oo natiijadeeda la faafiyey salaasadii 11-ka Juun ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 86 dadka baraha bulshada isticmaala ay ku dagmaan warar been abuur ah oo lagu faafiyey shabadaha internet ka. Kuwaas oo halka ugu badan ee lagu faafiyaa ay tahay Facebook. Dadka rayi-ururinta intii la waday wax la weydiiyey ayaa sheegay in ay dawladaha dalalkooda iyo shirkadaha adeegyada tiknoolajiyadda bixiya ka dalbaday in ay ka hortagaan dhaqannada ah in warar been ah la faafiyo, taas oo ay sheegeen in ay ugu dambaynta abuuri doonto in lagu kalsoonaan waayo shabakadda Internet ka. Dhibaatada ugu badan ee ka dhalata wararka beenta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo guud ahaan shabakadaha internet ka ayaa ah, marka wararka beenta ahi ay khuseeyaan dhaqaalaha ama siyaasadda. Labadaa xaaladood oo ay abuuraan khatar ah khasaare dhaqaale iyo dhibaato amni. Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu yahay ka ugu badan adduunka ee baraha bulshada lagu faafiyo wararka been abuurka iyo majara habaabinta ah, waxaa ku soo xiga dalalka Ruushka iyo dalka Shiinaha oo sida ay u kala horreeyaan u sii kala daran. Sahamin sannadle ah oo ay samayso xarunta Ipsos ayaa wax weydiisay dad internet ka isticmaala oo tiradoodu dhan tahay 25 kun oo ku kala nool 25 dal. Waxaana u soo baxday in wararka been abuurka ah ee ugu badan lagu faafiyo barta FACEBOOK laakiin aanu taas macnaheedu ahayn in ay ka maqan yihiin baraha kale ee Twitter ku ka mid yahay. Marka laga eego dhinaca rumaysashada wararka lagu faafiyo baraha bulshada, waa ay sahamintani ogaatay in dadka sida ugu fudud wararkaas u qaataa ay yihiin dadka Masar oo si dhib yar loogu khiyaamayn karo wararka baraha bulshada, halak dadka Baakistan ay noqdeen kuwa ugu adag, ee mar kasta shakiga ka muujiya wararka ay ku arkaan baraha bulshada. Waxa kale oo ay sahamintu ogaatay in bulshooyinka caalamka uu ku soo badanayo dareenka ah in aanay ku kalsoonaan baraha bulshada, waxa kale oo aad u soo badanaya warwarka ay dadku ka qabaan ammaanka xogahooda gaarka ah ee ugu kaydsan baraha bulshada, taas oo abuurtay in dad badani ay ka feejignaadaan in ay xogo muhiim ah geliyaan baraha ay ku leeyihiin Facebook. Rayi ururin ay intii u dhexeysay December 2018 kii illaa February 2019 ka samaysay xarunta xarunta Center for Intarnational Governance innovation ayaa iyaduna muujisay in uu soo badanayo dareenka shakiga ah ee ay dadku ka qabaan warbaahinta Bulshada. Vince Ossler-Hampson oo madax ka ah xaruntan ayaa mar uu ka faallooday natiijadan u soo baxday ee ah in uu dadka dunida ku soo badanayo dareenka kalsooni darro ee ay u hayaan baraha bulshada, waxa uu sheegay in sahamintani ay muujinayso keliya jileeca ku jira Internet ka ee ah in aan la maamulin xaqiiqada xogaha uu gudbinayo, laakiin haddana uu jiro dareen la mid ah oo ay dadka dunida ee isticmaalaha baraha bulshadu ay si isa soo taraysa ugu diiddan yihiin in la xakameeyo ama in dawladaha iyo shirkadaha tiknoolajiyaddu ay shuruuc iyo faafreeb ku soo rogaan baraha bulshada. Geeska Africa Qaran News
-
Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyay kal-fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Puntland, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii xukuumaddiisa mudada ay shaqeynaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay, in xukuumaddiisu ay dardar-gelin ku samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda, maamul-daadejinta, la’daallanka argagixisada, dib u-habaynta ciidamada, hagaajinta hannaanka caddaalada, horumarinta dhaqaalaha & maal-geshiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowladda, hirgelinta adeegyada aas’aasiga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada. Mudane Deni, ayaa dhinaca kale khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku keli-yeelidda talada dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Puntland mar walba diyaar u tahay, in heshiis laga gaaro khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo wadajir iyo wada-shaqeyn looga gudbo caqabadaha taagan, maadaama sida uu sheegay dadka Soomaaliyeed aysan u baahneyn tafaraaruq, niyad-jeb iyo awood-maroorsi. Halkan ka daawo khudbaddiisa oo dhan
-
Qaran News
-
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, taliska ayaana sheegay in ciidanka amnigu ku raad joogeen. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada Qarax ay ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. “Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko. Sidoo kale, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) wuxuu sheegay in labada gaari ee Qarxay ay ku raad joogeen ciidanka,islamarkaana iyagoo eryanaya ay Qarxeen,waxaana gaariga Qaraxa Ciidanka ku soo wargeliyay qof shacab ah. Ugu dambeyntii,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeiko ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka amniga lana wadaagaan xogaha horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaasha caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Goobjoog Nes Source: goobjoog.com
-
Saudi Arabia was set to host the opening of a pop-up nightclub on Thursday, but it was “shut down” ahead of the arrival of its headline act Saudi Arabia was set to host the opening of a pop-up nightclub on Thursday, but it was “shut down” ahead of the arrival of its headline act It had lined up American singer Ne-Yo for its opening night, with entry costing between €71-€222 per person. To operate within the country’s conservative rules, the company referred to the popup as a cafe, a lounge or a performance venue, which was also alcohol-free. The dress code was listed as “smart casual”, indicating that attendees would not need to adhere to the country’s strict regulations on clothes, including the abaya worn by women. Saudi social media users appeared split on the idea of opening the venue for its month-long residency. Using the hashtag “disco_in_Jeddah”, many posted amusing memes about the planned opening night and asked where they could get tickets. Others, however, maintained that the club would be a violation of Islamic codes. Serge Trad, the communication advisor for Addmind Hospitality Group, said the pop-up’s Instagram had been shut down after it had been reported. He said: “It was part of the negative feedback we were getting. People were angry about ‘White’ opening there.” A short while later, the Saudi General Authority for Entertainment said in a tweet that it had opened an investigation into the event that had been a “violation of the legal proceedings” and “had not been licensed”. The statement added that the authority had “originally issued a licence for another event”, but “its contractor then took advantage of an extension of that licence to commit these serious and unacceptable violations”. Meanwhile, Ne-Yo posted a message on Instagram to say he had been informed of the club being shut down as he was “on the way to the venue”. “Guess we’ll try it again another time,” he said. Euronews Qaran News
-
Eight people are confirmed dead, and at least 16 wounded, after a pair of explosions rocked Somalia’s capital of Mogadishu Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Lamu (Caasimada Online) – Dadka Kenyaanka ah ee ku dhaqan Gobolka Lamu ayaa si weyn u diiday go’aanka dowladda Kenya ay khamiistii ku xirtay sohdinta Somaliya iyo Kenya gaar ahaanna qeybta Lamu. Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in labada dad ee ku kala nool sohdinta labadeeda dhinac aysan marna kala maarmin. Go’aanka dowladda Kenya ayey ku sheegeen in uu yahay mid lagu deg degay islamarkaana aan waxba laga weydiin dadka degaanka. Waxaa ay ku doodayaan in bulshada labada dhinac isaga xiranyihiin nolosha aasaasiga ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, Dukaameysiga, Guurka iyo wixii la mid ah. Suleiman Bunu,oo ka mid ah Ganacsatada Lamu ee dhinaca Soomaaliya uu ku tiirsanyahay Ganacsigiisa ayaa ku dooday in arrintan ay waji gabax ku tahay dowlada. Abdalla Baabad, isna ka mid ah Kooxda gooni u goosadka ee MCA ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Raas Kambooni iyo Kiunga ay noloshooda isku xirantahay dowlada Kenyana qaatay go’aan aysan ka fiirsan. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhaq dhaqaaqa dadka labada dhinac, iyada oo sheegtay in amnigeeda ay sugeyso inkasta oo go’aankan xiriir la leeyahay khilaafka dhinaca badda ee labada dal hadda u dhaxeeya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa tix muuse ku socota. D adkaad xoollaha ka qaaddey kuwaad darraha ka boobtey ballooodhkiyo duunyadooda kuwaad dumiseed xarraashtey dalkaad xeerkiisa biisey dastuurkiisana ka baaydhey dagaal baad kulla jirtaaaye kuwii shalley ku dareerey ayaan daranaa codkoodu Waxaa hubaala oo runtuna aay tahey in somaliland intii muuse iyo waxa la sheqeeya qabsadeen, aay ka sii dartey,waad la wadda soctaan, xallada uu dalku maraayo, hadeey tahey arimaha dibada iyo gudahaba. Ha ugu sii darnaato arimaha guduhi, (27 sano) ka dib himilidii somaliland eeynu ku soo caanno maalney waxey ku danbeeysey buurbuur iyo hall bacaad lagu liisey, sidaas waxaan u leeyahey walayaal waad, ogtihiin in dalka somaliland mudadii uu muuse heeystey wuu ka sii darrey cadeeymo buuxna waan idiin hayaa. Waxaa dalkii ku dhacey shaki baahsan oo dhamaan dhasiis ku noqdey guud ahaan hayadaha dalka ka jiira oodhan, kaas oo aay keentey, ami xumo ku dhacey dhamaan bulshoda somaliland oodhan iyo hayadaha dowlada sida mulatirga iyo policke, waxaa bxay ciidamo militariga somaliland ah, waxaa soo badanaya jabhadaha cusub oo hor leh. waxaas oo dadi waxey ka boodeen wax yer maha , hadabba maxaa khaldan.? Waxaa khaldan aan idiin bayaaniyo, walaalyaal dowlada muuse waxey inagu biloowdey jahwareer baahsan iyo shaki uu koow ka yahey siyasda muuse biixi iyo inta la shaqeeysa aay keeneyn, iyagoo dalkii somaliland u horseedey caddalad daro bahsan, walaahi waan dharteey cidmadaba kolba talabayaa iyo jabhdaha horta lahi, waxey arkeen mahaa wax ciyaara, dalku hadii sidan ku sii socdo walahi iney noqon dad iyo bulshao la xidhan oo kunoqta sidii 1994. HAYADA CADDALADA Waxaas oodhan waxey arkeen caddalad baahsan oo dalka ka jirta dabihaanba hayadaha dalka ka jirra kuwa ugu horeeya waxaa kamida 1) hayada maxakmada oo qabyalad iyo dowlda tageersan. 2) hayda policeka oo dadka xidhay 3_ sharci dajinta maxkamadadalka oo nqodey kuwo dalwoada tageersan. 4; mulatariga somaliland oo noqdey kuwo madaxda u sareeya aay yihiin isku reeer. IYO qaar badan oo kale aay ka mitahey biyaha dalka iyo cafimaadka waxbrshada. Aanigu waxaan odhanayaa hadabba muse biixi waar dalkii waxaad u horseedey ami xumo , iyo wax caddalad ah dalka kama jirto, maxaad colldoon loo xidhey oo cali gurrey loo xidhi wayeey. ciidankii dalka oodhan wey kala shiksan yhiin, waxaad aad wadaa maha wax shaqeenayaa, waxaad dalkii ku dhex bilodoodey qabyllaad baahsan macal hayadaha dalka. waxaa qorrey fuaad qawdhan arimaha bulshada london facebook fuaad qawdhan mr_qawdhan@hotmail.co.uk 00447383135563 thanks mahad gaara waxa leh illaahey mr_qawdhan@hotmail.co.uk Source
-
Waxa saxaafadda la hadlay maanta oo ah 13/06/2019 koox laga soo diray Hargeysa oo Muuse Biixi iyo ina Kaahin. soo abaabuleen iyo odayo ay shirka ku qurxisteen oo war ma qabto ah oo Laascaanood jooga. Kooxdan Jeegaantu soo abaabushay soona jicsintay waxa ujeeddada laga lahaa ahayd in xal loo helo wejigabaxa ay xukuumadda Muuse Biixi iyo Maxammed Kaahin kala kulmeen xadhigii sharci darrada ahaa ee ay kula kaceen Dhakool oo reer Sool ah kana tirsanaa baarlamanka maamulka Somaliland. (Qaraabadii Dhakool ) Dhakool wuxuu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa 8dii May, shirkaas wuxuu kaga hadlay 18ka May inay tahay maalin reer gaar ahi leeyahay sidaa daraadeed gobollada qaar aanay khusayn dadkooduna uba yaqaannaan maalin madoow. Wuxuu kaloo ka hadlay saami qaybsiga maskabyada iyo xaqdarrada jirta oo dadka qaar ku dulman yihiin loona baahan yahay in dib loogu noqdo haddii la rabo in si dhab ah wax loo wada yeesho. Dhakool Shirkii Jaraa’id Laba maalmood kadibna Dhakool waxa loogu dhacay gurigiisa oo la gebagebeeyey, dabadeedna waa la xidhay. Dabadeed Maxkamad baa la soo taagey, xaakimkiina wuxuu yidhi ninkan sharci darraa loo maray qabashadiisa sidaa daraadeed xorriyaddiisa dib ha loo siiyo. (Go’aankii Maxkamadda) Xukuumaddu waxay isku dayday inay baarlamaankii adeegsato si ay xasaanadda uga qaaddo, baarlamaankiina wuu ku gacan saydhay arrinkaas waxayna sheegeen inaan laga xayuubin karin xasanaddiisa. (Go’aankii Baarlamaanka) Wixii ka danbeeyey a) go’aankii maxkamadda iyo b) go’aankii baarlamaanka, xukuumaddii way isku dhex yaacday, waxaana arrinkii gaadhay hay’adihii xuquuqul-insaanka iyo dawlidihii caawinayey Somaliland oo ka muujiyey walaac weyn xadgudubka xukuummadda Muuse Biixi ay kula kacayso dadka, la dagaallanka xorriyatul qawlka iyo cabudhinta muwaadiniinta iyo sidoo kale ku dhaqan la’aanta sharciga. Arrimaha xukuumadda loo haysto ee ay xalka u weydey waxa ka mid ah 1) Jebinta dastuurka maamulka 2) Aqoonsasho la’aanta iyo baal maridda go’aankii maxkamadda sharciga ah (contempt of court) 3) Aqoonsasho la’aanta iyo ku xad gudubka go’aankii sharciga ahaa ee baarlamaanka 4) Haysashada iyo xorriyad ka qaadidda qof aan sharci ugu xidhnayn. 5) Sharci darradii saqda dhexe loogu dhacay guriga reerka hurda iyadoo aan la haysan warqaddii sharciga ahayd ee soo qabashada (warrant) Haddaba haddii xaal sidaa yahay, 1)Ma Dhakool baa mudnaa in xaal iyo magdhow la isugu daro si xukuumaddu ay wejigabaxa haysta xal ugu hesho, mise xukuumaddii ceebaysnayd baa istaahisha in la xaal mariyo oo laga baryo in Dhakoolkii garta lahaa isagii denbiile laga dhigo? 2) Ma odayadan qaylinaya ee wiilkoodu xaqdarrada ku xidhan yahay ayaa mudnaa in la xaal mariyo, mise iyagaa xaal lagu lahaa? 3) Nimankan Hargeysa laga soo abaabulay Dhakool ma xaq bay u soo dhicinayaan, mise xaqiisii bay ka qaadayaan/ 4) Nimankan qaylinayaa Dhakool miyay u hiiliyeen mise dhabarkay ka toogteen? Waxaan kusoo gebagebaynayaa anigoo aan marna Dhakool u hiilinayn, aamminsanna inaanu mudnayn in loo hiiliyo marka la eego taariikhdiisa, haddana waxaa mudan in loo hiiliyo xaqa oo damiirku shaqeeyo cadaalad darradana laga gilgisho oo mar walba cddaaladda loo hiiliyo. Dhakoolna waxaan odhan lahaa nimankan dhabarka kaa toogtay ha yeelin haddii wuxuun damiir bani’aadam ahi kugu jirona inaad nimakaa sharci darrada kugu afduubay aad sharci iyo maxkamad ku kala baxdaan oo aad kelyo adaygto “ragannimadu waa inyaroo cagaha dhulka lagu sii hayee”. Muuse Biixi iyo ina Kaahin dabar bay kuugu jiraane ha ka sii dayn, waadna awooddaaye qareen aqoon leh oo ka madax bannaan reerahan is eryanaya iyo dhaalinyaradan gaajaysan qabso xitaa hadday kugu kallifayso inaad Nairobi ama Kampala ama meel kaleba kala timaaddid. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Source
-
Kenyan officials say at least 10 police officers are dead after their vehicle struck an improvised explosive device near the Somali border. Source: Hiiraan Online
-
Horumarkeeda Iyo Kala dambaynteedu Ku Waari Karo In Doorashoyinku Somaliland Ka Dhacaan Kuna Qabsoomaan Xili U Go’an Waa Danta Somaliland , Horumarkeeda Iyo Kaladambaynteedu Ku Waari Karo !! Dawladnimadu waa dan mideysa dal Iyo dad meelwada dagan iyo wax ay umadi wada leedahay , lagumana dhiso xoog, xadhig Iyo xiniinyo taabad ee waxa ay ka soo unkantaa wax umadaasi isla garatay oo heshiis lagu yahay oo cidwalba u dan ah oo la isla yaqaano . Sidaasoo ay tahay ayaa waxa dhacda in aad moodo in aan la fahamsanaynba dalkeena marka aad eegto hab-dhaqanka dawlada Iyo dadka laftoodu sida ay u fikirayaan , siiba ay dawladu had iyo goor bulshada u jaahwareeriso iyada oo ilaashanaysa danaheega gaarka ah . Hadiiba aan ku horeeyo dawlada Iyo gacmaheega oo ah inta ay umadu hogaanka ka dhigatay iyo ciidamadeedu waxa ay u baahan yihiin in ay la jaanqaadaan dawladnimada hufan ee qarnigan in koobani aduunka kaga dhaqanto oo ah mid aan xoog Iyo gacan bir ah , qori caaradii iyo cagajugleyn lagu maamulin ee uu sharcigu kala hago dadka iyo dawladooda. Marka aynu ka hadlayno sharci waa waxii umadu dhigatay ee heshiiska lagu ahaa oo cidwalba dhinaceega waxii ku waajib ahaa ay ka soo baxdo iyada oo loo raacayo sida waxa dadku wada dhigteen dhigayo ee aan loo eegayn kanaa awood badan, kanaa lacag haysta iyo kanaa miskiin ah midna oo aan laga dhigan la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan. Marka aynu intaa isla fahamno ayaa waxa aad garan kartaa in sharciga loo siman yahay isla markaana waxa aad suureyn kartaa oo aad raadsan kartaa waxii aad xaqa u lahayd Iyo waxa xaqa laguugu leeyahay oo aad adna is xisaabin kartaa lana xisaabtami kartaa cidkasta oo wax kaaga maqan yihiin ama wax idinka dhaxeeyaan. Maanta waxa in la isla fahmo ay tahay, in dadka Iyo cida ka wakiilka ahi dawladooda ka raadiyaan oo kula xisaabtamaan waxii ay xaqa u lahaayeen oo ah nolosha aasaasiga waxii dawlada u xilsaaran tahay sida; in amnigooda la sugo , caafimaadkooda la daryeelo, waxbarasho ay helaan, wadooyin ay helaan , biyo bilaash ah ay helaan , nal ay helaan, xuquuqaha Iyo xoriyaatka shuruucdu u damaanad qaaday ay helaan hadii ay haystaana aan laga qaadin ee loo ilaaliyo . Somaliland waxa liidata oo marba marka ka dambaysa aad moodaa in ay meesha ka sii baxayso xuquuqdii doorashada ee muwaadinku xaqa u lahaa in uu wax doorto lana doorto , xuquuqda doorashadu waa mid ka mid ah xuquuqaha waweyn ee dastuurku muwaadiniinta u damaanad qaaday oo hadii dalka doorashooyin ka dhici waayaan noqonaysa ku xad-gudub xuquuqda muwaadiniinta Iyo dastuurkii iyo shuruucdii oo dhulka la iska dhigay. Haddaba marka ay doorasho timaado yaa masuuliyadeeda leh in la qabto? In badan ayeynu aragnaa iyada oo la isku tour-tuurayo masuuliyada qabsoomida doorashada iyo cida gabtay in doorasho dalka ka qabsoonto, masuuliyada qabsoomida Iyo diyaarinta doorashada waxa iska leh xukuumada , waxaana farsamo ahaan shaqadeeda leh gudiga doorashooyinka Somaliland . Cida umadu wax u dhiibatay ee in lagu dhaliilo oo lagu daba taagnaado ay tahay waxii ay ka gaabiyaan Iyo waxii qaldaanba waa xukuumada Iyo goleyaasha qaranka oo midwaliba ceebtiisa Iyo cambaartiisa leeyahay inta uu ku lahaa hawshaa in leeg in loo xambaariyo ay tahay. Markaa xukuumada Iyo goleyaasha qarankuba heshiis bay ku yihiin in aan dalka doorasho ka dhicin in badan oo horena waxa u hir-gashay iyada oo aan duruuf kuraasida ku negaysaa dhicin in shacbiga loo heshiiyo oo goleba gole uun u mudo xileedka u kordhiyo, taasi oo caqabad ku ah geedisocodka dimuqaradiyada dalka, dastuurka Iyo shuruucda dalka Iyo nidaamkii doorashooyinkaba. Waxa ayaan daro weyn ah in xukuumada Iyo Madaxweynihii umadani dooratay Iyo cidii la lahayd masuuliyadaa ay xalin kariwaayaan in dalka ay ka qabtaan doorashooyinka mudo dhaafay ee golaha guurtida, golaha wakiilada Iyo goleyaasha deegaanka kuna edeeyaan xisbi qaran oo kale oo lagu tilmaamo in isagu doorashada hortaagan yahay, isaga oo xisbigaasi dood sharciya ku leh waar garsoorka xubnihiisa hala miisaamo kuwan joogana kuma kalsoonin ee inaga badala si doorasho inoogu dhacdo . Gunaanadka qoraalkayga in doorashooyinku dhacaan oo ku qabsoomaan xili u go’an oo la isla yaqaanaa waa danta Somaliland jiritaankeeda, horumarkeeda Iyo kaladambaynteedu ku waari karo, iyada oo aan ku talin lahaa waliba in la isku uruuriyo oo halmar lawada qabto shantii sanadoodba mar, si dalka Iyo dadkuba uga nastaan hawlaha Iyo muranada doorashooyinka, dawladuna wax ugu qaban karto dalka mudadaa shanta sano ah e marba la doorto oo aan doorashooyin ka soo dhex galin ilaa mudo xileedkeedu dhamaanayo. Aragtideyda Mohamed Abdi Jama ” @dhimbiil , @Muhamed Dhimbiil “ hormood@hotmail.com Source
-
Nine civilians were executed by a local militia in war-torn Somalia after the killing of a policeman by the Islamist militant group Al-Shabaab, police said Saturday. Source: Hiiraan Online