-
Content Count
208,721 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Baqdaad)-Xukuumada Washington ayaa muddo 90 maalmood ah ku kordhisay Gas-ka dowlada Ciraaq uga yimaada wadanka Iiraan. Ciraaq ayaa sii wadi doonta in Gas-ka ah ka keensato wadanka ay daris wadaaga yihiin sida ay xaqiijiyeen laba sargaal oo ka tirsan xukuumada Baqdaad. Mas’uuliyiintaan oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay sabtida shalay in arintaan ay timid kadib markii wadahadal dhexmaray Mareykanka iyo Citaaq. Dhanka kale qeybo ka mid dalkaan carbeed ayaa ku sii tiirsanaan doona adeega korontada ee dalka Iiraan. Ciraaq ayaa Gas-ka dabiiciga ah wuxuu uga yimaadaa Iiraan iyadoo laba dal uu u dhaxeeyo xidhiidh ganacsi iyo iskaashi dhanka Amniga. Sargaal kale ayaa laga soo xigtay in heshiiskaan uu yimid kadib markii ay khadka taleefanka wadahadal uu ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ciraaq Aadil Abdi Mahdi iyo xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo. Maamulka madaxweyne Trump ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo shidaalka Iiraan ay u iibgeyso Dibeda. Source
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa xalay howlgallo ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Balse howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen hor Gaalkacyo lagu dilay Sagaal qof oo dad rayid ahaa, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi’s Intriguing Ad-hoc Press Conference The Somaliland President Muse Bihi Abdi held an ad-hoc press conference with members of the media in Hargeisa, in which he made several key comments. The President who, along with the minister of Education, visited one of Hargeisa’s secondary schools, where students were sitting for this years’ national examinations. Speaking to media, President Muse Bihi Abdi stated ” that we need to focus on the development the nation is making, our economy is growing, our education system is growing and our capabilities as a government and as a nation are growing” When asked about the situation in Eastern Sanaag and the continued incursions by the Puntland administration, the President stated ” the main issues in that area is one of community. You have two cousins, one works for Somaliland and the other for Puntland. The Somalilanders in that part of the country are true patriots, but, we need to resolve the issue of the settlements and grievances in a peaceful manner, and we are doing all we can to do that” Responding to the question of the alleged spate of political detentions, President Muse Bihi, remarked that ” there is no question of political detentions, but, if you break the law, whether as a politician, journalist, physician, entrepreneur, or an ordinary civilian, then you must answer to the laws of the country”. The President also commented on the matter of prospective meetings of two communities in Togdher region. President Muse Bihi stated that ” Somaliland’s communities have every right to meet and discuss issues pertaining to their relationship and the state of the nation. I am certain all Somaliland communities meet to discuss peace and the positive steps we need to take”. In his impromptu press conference, President Muse Bihi declared ” we need to resolve the issues in El-Afwien, even though the administration has invested time, material and extensive effort, the government needs the support of the community elders to find a resolution to the situation “. Finally, when the President was asked about his previous comments to the late President Mohamed Ibrahim Egal, concerning the composition of the core members of that administration, that they all came from the same community, President Muse Bihi replied “the circumstances between then and know are completely different..at that time Somaliland was in the midst of an armed internal conflict, today the nation is at peace and my administration is inclusive and all the Somaliland communities are well represented”. The ad-hoc press conference by the Somaliland President Muse Bihi Abdi has already generated extensive analysis, but one matter that was not mentioned was the state of preparedness for the prospective parliament and local council elections scheduled for less than six months time. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Senatorada golaha aqalka sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in Senatoradu ay kaga doodaan dib u eegis lagu sameynayo xeer hoosaadka golahaasi. Xeerkan ayaa waxaa golaha horkeenay, si ay ugu biiriyaan aragtidooda, una ansixiyaan guddiga xeer hoosaadka ee aqalka sare. Sidoo kale xeerkan ayaa goluhu waxa ay soo marsiiyeen akhrintii labaad, iyadoona saddexaad la marsiinayo maanta, si loo meel mariyo. Golaha aqalka sare ayaa ku howlan dadajinta hindise sharciyeedyo dhowr ah oo horyaalla, kuwaas oo muhiim u ah dadka iyo dalka. View the full article
-
Click here Qaran News
-
Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay; dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah. “Hadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaa” ayuu yiri Garlibaax. Siyaasiga ayaa sidoo kale bodaadiyay, qodob la xiriiray dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa sida, dib u-hawlgelinta dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, hirgelinta marso Kalluumaysi oo laga dhisayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha garoonka diyaraadaha Gaalkacyo iyo laami-saarista jidka Dangoroyo iyo Eyl. Balse, dhinaca kale wuxuu wal-wal ka muujiyay, sababta madaxweynuhu Baarlamanka iyo shacabka Puntland ugu faahfaahin waayay, heshiis uu sheegay in xukuumaddu la gashay shirkado kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo shatiyo loo siiyay in ay gurtaan kalluunka xeebaha Puntland sida uu hadalka u dhigay Garlibaax. “Madaxweynaha sooma hadal qaadin heshiiskii shacabka welwelka ku abuuray ee ahaa keenista shirkadaha Kaluumeysiga ee China kaasoo laga filayey inuu faahfaahin Ka bixiyo” ayuu sii raaciyay siyaasi Garlibaax oo ka digaya heshiiskaasi. PUNTLAND POST The post Garlibaax oo ka shifay heshiis Puntland la gashay maraakiib jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa xalaY kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa si gar ah booqasho ugu tagay goobihii shalay ay ka dhaceen qaraxyada ee Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiro kormeerkan R/wasaare Khayre waxa uu la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Koontarooladaasi oo uu ka xog wareystay, sida ay wax u dhaceen. Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerada iyo qaraxyada ay Al Shabaab ka geystaan Caasimadda. Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana kan ugu khasaaraha badan uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Halgan (Caasimadda Online) – Kooxda Macaawisley ee Al-shabaab kula dagaallanta qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sheegtay in Nin ajannabi ah oo u dagaallamayay AL-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ayaa sheegay in dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Waxaa ay sheegeen in Ninka Ajannabiga ah uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegay Maxamed. Degaankii lagu dagaallamay ayaa waxaa ku sugan AL-shabaab waxaana saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ay sheegtay in halkaas ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A Somali immigrant struggles to grasp his child’s imprisonment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-16062019.mp3 View the full article
-
A car bomb exploded near the Somali parliament Saturday, killing eight people, emergency workers said, hours after militia executed nine civilians from a clan with suspected links to the Islamist Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amaanka 17-ka ee Gobalka Banaadir waa kala heer, waxaana intooda badan amnigooda suga Ciidamada amaanka Soomaaliya. Degmooyinka aadka ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarka goobaha ay dowladda ku xoogantahay ayaa qeyb ka ah goobaha ay ka taagan tahay amni darrada iyo daganaansho la’aanta amni. Hase yeeshee waxaa jirta hal degmo oo ay kuwada noolyihiin Al-Shabaab iyo dowladda oo aan midkoodna qofna ku dili karin islamarkaana aan la soo qaban karin. Caasimadda Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay kulan la qaateen odayaasha dhaqanka ee degmada Kaxda waxayna ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin. In degmadaas Al-Shabaab qofna ku dilin kuna afduuban. In Al-Shabaab aysan degmadaasi ka sameynin qaraxyo xataa hadii uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan cidna la socon. In aysan Al-Shabaab degmadaas oo koonaha magaalada ku taala aysan ka soo gelin qaraxyada loo wado Muqdisho iyo rasaasta ama hubka Al-Shabaab. Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kale oo ay Al-Shabaab ku badasheen heshiiska ay lagaleen odayaasha dhaqanka waxaana qodobadaas ka mid ah. In Al-Shabaabkii soo gala degmada aan la qaban, haddii la qabtana laga rabo dhaqanka degmada. In Al-Shabaab lacago looga qaado hey’adaha, ganacsatada iyo siyaasiinta degmada ku nool si loo nabad geliyo. Heshiiskaan oo la gaaray waqti aan dhoweyn ayaa hadda la ogaaday waxaana fududeeyay in la helo xogtaan xubno Al-Shabaab ahaa oo laga sii daayay Xabsiyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga qabtay Kaxda. Dadkaas la sii daayay waxaa kamid ah wiil dhalinyaro ah oo bilo ka hor laga qabtay degmada Kaxda kaas oo la sheegay inuu ahaa Wariye Al-Shabaab u shaqeeya. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan sheegay in la qabtay Wariye Al-shabaab uga warami jiray Muqdisho hayeeshee waxaa wiilkaas la sii daayay Todobaadkii la soo dhaafay. Degmada Kaxda kama dhacaan dilal, qaraxyo iyo baaritaanada Ciidamada dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho. Qaraxa ugu dhow ee ka dhaca degmadaasi waxaa ka dhacaa waqtiyada qaar wadada Ex Control Afgooye, gaar ahaan hareeraha laamiga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
OAKLAND — The image is startling, somber, a little haunting. Source: Hiiraan Online
-
Magacaabistii 30-kii may diblimaasiga Mareykanka ah ee James Swan loo magacaabay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa kala qeybsanaan siyaasadeed oo aad u fogaatay ka dhex abuurtay Soomaaliya. Waxaa soo baxaya eedo loo heysto xukuumadda Wanshington oo lagu tuhmayo in Qaramada Midoobey ay ku cadaadisay magacaabista Diblomaasiga Mareykanka ah si ay u ilaashato danaheeda dalka shidaalka hodonka ku ah ee Soomaaliya. Swan, oo ah khabiir diblomaasiyadeed oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa horay u soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka kala ah; Djibouti, Somalia iyo Congo-Kinshasa intii uu Barack Obama ahaa Madaxweynaha Mareykanka ,waxaana magacaabistiisa ergeyga Qaramada Midoobey gadaal ka riixayay Donald Yamamoto, oo ah danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya. Diblomaasiyiin ku jira gudaha Qaramada Midoobey ayaa u sheegay Wargeyska Africa Confidential. Yamamoto oo la soo shaqeeyay Madaxweynayaashii kala ahaa George W. Bush iyo Bill Clinton, soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka Djibouti iyo Ethiopia. Yamamoto, ayaa hormariyay siyaasad xulufeysi ah oo uu ka hirgeliyay dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin meelaha uu ceegaago shidaalka Soomaaliya,kuwaas oo Xukuumadda Muqdisho ay ku soo bandhigtay Magaalada London Bishii February ee sanadkan. Mareykanka waxaa uu sidoo kale gacanta ku hayaa saldhigga Ciidanka cirka ee Balli doogle, halkaas oo uu ka fuliyo tababarro uu siiyo ciidanka Soomaaliya, weerarrada ka dhanka ah AL-shabaabna laga abaabulo. Saraakiil Ingiriis aha ayaa Donald Yamamoto ka codsaday in saldhigga uu dhisay Midowgii Soviet ee Balli doogle ay wadaagaan Ciidamada labada dal, saldhiggaas oo leh 3.2km oo run way ama halka ay diyaaradaha ka haadaan ah laakiin Yamamoto ayaa diiday codsiga Ingiriiska. Sanadkii la soo dhaafay Baydhaba oo ah caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka dhacay muran siyaasadeed horseeday dhimashada dhowr iyo toban qof taas oo ka dhalatay xariggii Mukhtaar Roobow,kaas oo ciidanka Itoobiya ay ka xireen Baydhaba, Roobow waxaa uu ka dhashay Raxanweyn gaar ahaan Leysaan, waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Al-shabaab, sidoo kalena in badan maamulayaya hareeraha Baydhaba, ilaa uu dowladda isu dhiibo sanadkii 2017kii. Doorashadii Koofur Galbeed oo uu isu taagay Roobow waxaa diiday xukuumadda Muqdisho,madaxweyne Farmaajo ayaa amray xariggiisa,si uu doorashada ugu guuleysto C/Casiis Lafta Gareen oo ah Raxanweyn, Hariin ah, laakiin hooyadiis ahaa ah Daarood gaar ahaan Mareexaan oo ah qabiilka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo . Doorashadiisii kaddib Germany iyo Ingiriiska ayaa mushaarka ka goostay Booliska Koofur Galbeed iyaga oo ka xun sida ay wax u dhaceen, laakiin dowladda Mareykanka ayaa buuxisay booskoodii waxaana ay xiriir dhow la yeelatay Maamulka Koofur Galbeed ee hadda jira. *dhaawac diblomaasiyadeed* Mid ka mid ah khasaaraha ugu weyn ee Xariggii Mukhtaar Roobow waxaa uu ahaa eryiddii wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, oo u dhashay Koofur Afrika, Haysom kali kuma ahayn in Roobow loo arki karay Buundo ama Kaabad loo mari karay Al-shabaab. Dad badan ayaa aamisan in António Guterres, uusan Haysom ka difaacin Farmaajo oo amray in uu dalka isaga baxo. David Concar,danjirihii hore ee UK ee Soomaaliya waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Roobow, inkasta oo hareeraha Roobow ah buuxeen Islaamiyiin iyo Salafiyiin badan, haddana waxaa loo arkayay Nin ay siyaasad badan ku xeerantahay. Raggii uu beddelay Haysom ee kala ahaa ; Nicholas Kay iyo Michael Keating, waxaa ay wada ahaayeen Ingiriis, waxaana ay shaqeynayeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018, muddadaas London waxaa ay ahayd awoodda Soomaaliya ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ,waxaana ay sidoo kale dowladda Ingiriiska maalgashi badan ku sameysay Soomaaliya. Yamamoto, ayaa isku dayay in uu abuuro xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirkeeda C/Rashiid Maxamed Axmed, kaas oo sharciga Batroolka Soomaaliya horgeeyay golaha shacabka islamarkaana ay meel mariyeen inkasta oo Soomaali badan ka hor timid sida xubnaha dowlad Goboleedyada. Kheyre mar waxaa uu ahaa madaxa Sharikadda Som Oil and Gas,waa sharikad laga leeyahay Ingiriiska,waxaana guddoomiye ka ahaa Lord Michael Howard, 2013kii ayey sharikaddaasi heshay ruqsadda ah in ay shidaal ka baari karto 60km2 oo Soomaaliya ka mid ah. Yamamoto, ayaa uga sii daray kala qeybsanaanta tiro aagagga hore ee siyaasadda ah, ee la xiriira diidmadiisa Roobow, waxaa uu kala qeybiyay qabiilka Leysaan ee Baydhaba,waxaana uu diblomaasiyadda Mareykanka isbahaysi uga dhigay Baantuuga,waxaa uu soo dhaweystay qabiilka ugu weyn Gobolka Shabeellaha hoose ee Hawiya, gaar ahaan Abgaal iyo Habargidir, si uu cabsi u geliyo maamulka deriska la ah ee Jubaland ,halkaas oo ay doorashooyinka ka dhacayaan August, Yamamoto waxaa uu isbaheysi la sameysanayaa Soomaali Baantuuda, Biyamaalka si uu u wajaho Jubaland. Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu wasiirka Gaadiidka Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar la doonayo xilka Madaxweynaha Jubaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe. Yamamoto, waxaa uu ahaa mid ka mid ah xubnihii abaabulay shirkii Garowe ee fashilka ku dhamaaday waxaa uu Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre cadaadis ku saaray in ay ka qeybgalaan shirkaas, iyada oo khilaadka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uu sii xumaanayay. Sidii la filayay wadahadalladii ayaa fashilmay, Puntland iyo Galmudug ayaa soo saaray in ay hakiyeen wada shaqeyntii Xukuumadda Muqdisho, Jubaland ayaa fashilka shirka dusha u saartay dowladda dhexe laakiin kuma dhiiran in ay hakiso wada shaqeynta . *xaaladda oo sii xumaatay* Murankii ka dhashay eryidda Haysom, waxaa ay sababtay in shan bilood kaddib la soo xuso qofkii beddeli lahaa si xasillooni siyaasadeed looga gaaro Soomaaliya, laakiin fashilkii shirka Garowe ayaa Farmaajo iyo Kheyre ku reebay afkiibaa juuqda gabay, waxaana ay isbabaysiga uu Yamamoto la sameystay Koofur Galbeed iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka aysan arkayeen in uu difaaac dhameystiran u noqon karo xukuumadda Muqdisho. Iyada oo ay xaaladda sii xumaaneyso , magacaabista Swan waxaa ay isu keened xawaare ku socota siisay mucaaridka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Billowgii qorashada qofkii beddelilahaa Haysom, waxaa miiska la saaray diblomaasiyiin aan wax aqoon ah u lahayn Soomaaliya iyo xitaa Qaramada Midoobey, waxaana musharrixiintaas ka kala socdeen Mareykanka, Canada iyo Turkiga. Bilowgii May waxaa soo baxday in la soo wado diblomaasiga Canadianka ah ee Jarat Chopra,kaas oo qaramada Midoobey kala shaqeynayay arrimaha Soomaaliya tobanaankii sano ee la soo dhaafay qibradna u leh Soomaaliya,waxaana uu gudaha ku lahaa xubno taageersan sida dowlad Goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Todbaad kaddib shirkii Garowe, Mareykanka ayaa soo farageliyay si xoog iyo jujuub ahna Guterres, u sheegay in diblomaasiga Mareykanka ah la magacaabo. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre, dalalka la Gobolka sida Kenya ayaa walaac uga muujiyay Guterres magacaabista diblomaasiga Mareykanka ah in uu hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Xukuumadda Nairobi ayaa haddana isku dhexyaacday markii ay heshay nuqul ka mid ah shirkii shidaal baarista Soomaaliya ee London, Kenya ayaa ku doodday in 5 ka mid ah xermooyinkaas ay biyaheeda ku jiraan Soomaaliyana ruqsad ku bixineyso. Sidoo kale Diblimaasiyiin ayaa u sheegay Wargeyskan in Mareykanka uu gadaal ka riixayo in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea la geeyo Kismaayo si meesha looga saaro Ciidamada Kenya . Markii ay soo baxday Magacaabista Danjiraha Mareykanka ah,wariyaaha VOA, ayaa lagu baahiyay magaciisa iyo xogtiisaba,waxaana kaddib billaatay fal celinta daneeyayaasha, Xisbiga Roobow ayaa ka digay in la magacaabo diblomaasiga Mareykanka ,waxaana ay sheegeen in Mr Swan aan laga soo dhaweyn doonin Koofur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale Odayaasha Mogadishu Clan ayaa ka digay magacaabista Swan, iyaga oo soo qaatay dagaalkii ugu dambeeyay ee Hawiyuhu Muqdisho kula galay Mareykanka billowgii sagaashamaadkii. Todobaadkii saddexaad ee Bishii May, shirkii Garowe ee fashilmay kaddib dowladda Federaalka ah ayaa isku dayday in dib loo dhigo magacaabista Mr Swan, iyada oo ku baaqday in la tashi la geliyo,laakiin waxa loo sheegay ayaa ah in la magacaabay mar hore, lana doortay qof aan kii ay doonayeen ahayn. Billowgii Bishan June dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku soo dhamweyneyso go’aanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay muddo kordhinta ugu sameeyeen Holwgalka AMISOM , waxaase ay ka aamustay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u soo magacawday Soomaaliya. Isha: Africa Confidential Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Calls for dialogue to solve Kenya, Somalia maritime dispute
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A group of maritime experts in Kenya have appealed to the government to shift from aggressive reaction against Somalia over the maritime dispute and embrace diplomacy for the sake of peace in the western Indian Ocean. Source: Hiiraan Online -
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta. PUNTLAND POST The post Khayre oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika appeared first on Puntland Post.
-
A delegation from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday visited Bariire in Lower Shabelle region in the South West State of Somalia, to conduct a rapid needs and security assessment of the situation on the ground following the recovery of the town from Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online