Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,721
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Wiilkan la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Tobanle, kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay xubnaha u ololeynaya in isbedal uu ka dhaco Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Jubbaland ay xalay Saqdii dhexe Aadan u soo dhaceen, islamarkaana ay kala baxeen Gurigiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilkan shalay loo doortay hoggaanka dhalinyarada isbedal doonka ee magaalo xeebeedka Kismaayo. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay Jubbaland ku heysay siyaasiyiiinta iyo dadka ka soo horjeeda ee ku dhaqan deegaaneeda, xilli la filayo in dhawaan doorasho ay ka dhacdo gudaha maamulkaasi. View the full article
  2. Galmudug State security forces have launched an operation in the southern parts of Galkayo town following the murder of 9 civilians on Friday night. The mass shooting drew local and international condemnations as Somali government vows credible investigation into the tragic incident. Galkayo has seen increasing attacks, killings and rape in the past few months as the local authorities are trying to handle the security which could undermine the ongoing efforts. The killing of the nine people hailing from the southern regions came following the assassination of a local security official that was claimed by Al-Shabaab. View the full article
  3. Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose,Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay deegaanka Shalanbood ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan halkaasi. Guddoomiye Najax ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo colaadihii sokeeye ee ragaadiyay gobolka Sh/ Hoose. Waxa uu tilmaamay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Haweenka, Dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta beelaha wada daga gobolkaasi. “Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri guddoomiye Najax. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dib isugu furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab. Shabeelaha Hoose oo hoostaga K/Galbeed ayaa waxaa la la dagay dagaallo sokeeye oo weli colaadeedu ay ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-160619.mp3 View the full article
  5. Riyadh (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku eedeesay dowladda Iran weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Cumaan. Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay wargayska Sharqul-Awsat in wadankiisa uusan kalaba labeenayn in masuuliyada weerarkaasi ay leedahay Iran. Khamiistii ayay ahayd markii laweeraray labo markab oo ku sugnaa gacanka Cumaan iyadoona weerarkaasi uu kusoo beegmay bil kadib markii laweeraray afar markab oo ku sugnaa biyaha Imaaraatka Carabta. Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeesay weerarkaasi ku eedeesay Iran inkastoo Iran dhankeeda ay dafirtay in wax lug ah ay ku laheed weerarkii kadhacay gacanka Cumaan. Mohamed Bin Salman dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidookale ku sheegay in Iran ay ku fashilantay in ay xushmeeso Ra’iisul Wasaaraha Japan oo Tehran ujoogay wadaxaajood xiligii uu dhacayay weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has lauded security agencies for their bravery following two car bomb attacks in Mogadishu on Saturday. The premier visited the two sites namely Sayidka junction and Kilometer four on Saturday evening respectively and called upon the security forces to double their efforts. Prime Minister Kheyre reminded the officers manning security checkpoints across the city that their tireless efforts will be rewarded by the national leaders. He urged members of the public to closely cooperate with security agencies to improve security. More than ten people were killed and scores others wounded when two car bombs went off in the city. Armed group al-Shabaab claimed the responsibility for the attacks. View the full article
  7. Nabadoono iyo waxgarad ka soo jeeda deegaamada Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal malaaqyada iyo waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ugu gafeen shacabka iyo [...] Source
  8. Turkey on Saturday condemned terror attacks in the Somalian capital Mogadishu that killed 8 people. “We received the news with deep sorrow that the terrorist attack perpetrated in Mogadishu, resulted in loss of many lives and left several others wounded,” the Turkish Foreign Ministry said in a statement. “We strongly condemn this heinous attack, wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and extend our condolences to the brotherly people and Government of Somalia,” the statement read. At least nine people were killed and more than 25 wounded early Saturday as a result of two separate car bomb attacks in Mogadishu. The first attack targeted a security checkpoint near the parliament building and killed eight people. However, the second blast — on a main road leading to the airport — killed one person. View the full article
  9. “Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye intii uu kadeedkani hirgalay muu halaanhaline sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee” Abwaan Cali Aadan Banfas (IHUN). Gama’ kuuma ekee, Guud-haldhaaleeyeey! Filkaa wuu guddiyoo, goor horuu guntadee. Gama’ kuuma ekee, waa inaad guntataan, God madaw taladiina ama aad ku gurtaan. Geelii aad dhiqi layd, guluf baa la tegoo, Ishaad gaaxsan lahayd, waa lagaa gudhiyee. Waa inaad guntataan, guud-haldhaaleeyeey. Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” (IHUN) Geeridu waa xaq oo qof walba way helaysaa, hase yeeshee way kala xanuun badan yihiin, kalana dareen culus yihiin.Maanta mar aan is idhi ka wardoon Maandeeq ayey indhahaygu qabteen ka waranka geerida haleeshay abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” . Ilaahay waxaan uga baryeynaa Jannatu Fardawsa inuu ugu deeqo. Ururinta sooyaalkiisa oon muddo badan ku dhex jiray ayaa ii suurtogelineysa inaan si dhib yar idiinla wadaago sooyaalkiisa nololeed iyo maanseed. Aad baan uga xumahay inaan waqtigu ii saamixin, Illahayna ii qorin inaan isagoo nool u sheego wanaaga uu ummada reer Soomaaliland u galay iyo siduu ugu soo halgamey. Ilaa 1954kii wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” qayb laxaad leh ka soo qaatey halgankii ay bulshada reer Soomaaliland ku hanatey xoriyadii 26 Juun 1960, xidigtaa muuqatee na maydhaantee dhaaxaan murugiyo haraad la mutaye maantay curatooy mataanaysee aan maalo hasheena maandeeq dhaaxaan melif iyo rasaas u mutaye waa maalin horle oon isoo marine magowdoo candhadii golaha marisee aan maalo hasheena maandeeq Sidoo kale ayuu markii guushaas la boqno-gooyey uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” dib u yagleelay hawlgal halgameed lagu soo xero celinayo Maandeeq. Gu’gii 1961 oo uu dib u hanoqaadey halgankii dib u soo xerogeynta Maandeeq ayuu qirayey in gefka laga galay Maandeeq ay bulshada iyo hogaankii siyaasadeed ee xilligaa ee reer Soomaaliland lahaayeen. Waxaa kaliya ee gudboona uu yahay in loo hawlgalo dib u soo celinta Maandeeq.Waxaanu yidhi abwaanku: Midho geedka ku yaala Gunti dar aad ku hayso U gadiggu ma fiicne Maanta garawsadaye Anigu isku gaystoo Galabsaday xumaantee Wixii ila garaadoow Gobonimo ha tuurina Wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” ka mid ahaa dadka tirada yar ee aan fanka iyo sugaanta u adeegsan quud ka raadin ama shaqo. Had iyo jeer abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” wuxuu lahaa shaqo u gaar ah oo ka raadiyo risiqiisa . Isagoo arintaa ka hadlayana waa kii lahaa “ Nin waliba wuxuu leeyahay jiho gooniya ayuu leeyahay,qaar waxay jecel yihiin fanka inay ka dhigtaan cunno aniguna muruqayga ayaan ka dhiganayey cunno laakiin waxani waxaa weeyey shucuur, oo shuccurtu markay i dhaqaaqdo ayaan dabadeetana xagga fanka u soo kici jiray” Qoraalo taxane ah ayeynu insha Allah ka diyaarin doonaa, ilaa aynu ka gaadhno intaynu awood u yeelano sooyaalkiisa nololeed iyo hal-abuur ee abwaanka. Qaybtii 1 aad: “Qaranimadu waa sharaf qiimaysa Aadmiga, qaaradaha ku kala nool, qal-qalooca neceb, qolo-qolana aan geyin, qab-qab-dhaafay baa dilay, ninka qar iyo buur, iyo isku taaga qow, ee qoomaal yidhaahdow aday kugu qaladan tahay”. Abwaan Saardiid Jabiye (IHUN) markii ololaha doorashada Soomaliland “Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo ka hadlaysay markii “Reserve Area” la bixiyay 1954kii” ayuu yidhi abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo ka warcelinayey waydiin aheyd markii uu ugu horeysay ee uu tiriyey maanso hano-qaada. Gu’gii 1954kii ayaa ka mid ah gu’yaasha bulshada reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ee Itoobiya ay aad u xasuusato, dareen murugo lehna ku keena. Waa gu’gii dawladii Ingiriisku soo dhameystirtay wareejintii dhulkii soomaaliyeed ee Hawd and reserve Area. Dareenka dhamaan bulshadii reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa aad isku badaley.Dooxa Hargeysa ayaa la iskugu soo baxey iyadoo dhamaan dadku ay madaxa ku soo xidheen weer cad si ay muuqaal ahaana u soo bandhigaan dareenkooga qoonmey. Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo da’ ahaan ku aadanaa xilligaa ilaa 16 jir ayaa uurku-taaladaasi ku kaliftey inuu maansadiisi ugu horeysay ee tisqaada dhagaha bulshadii dareekoogu kacsanaa la wadaagey. abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” waxaa Ma suurawday maanta Sabiguna inuu seexdo Saacan foorara Sifihii Nabigii inoo dhigay (s.c.w) Iyo waxa Ina sugaaya suurtiye Socoyoo wadankii la sii cadaweey Sabaalo hadhayee ,ka sara kaca Biyahaan sara tagin Haduu doox socdo sud xalufa Looma sahansado Socoyoo wadankii la sii cadaweey Sabaalo hadhayee ka sara kaca. Dadka iminka ee reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa muujiyey dareenkoodii, kana falceliyey gefkaa uu Ingiriis fuliyey kuna garab siiyey Amxaaro inay dalkii qaybtaa gacanta ku dhigto. Mar kale ayaa dareenka wadaniyeed ee uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” lahaa soo burqadey maanso guubaabo ah. Niman yahow is dhiganoo Wakhtigii dhamaayee Dhulku wuu ina sugayaa Cadowgaa dhexdeenaa Maka dhoofinaa Dhagaxbuur Axmaaradii Dadkeenii dhamaysoo Dhimbiilaa ka duulee Cadowgaa dhexdeenaa Maka dhoofinaa. Inakstuu uu dareen maansoodo abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” , haddana waa dadka aadka u adkeysiga badan een muuqaal ahaan aanlaga dareemin waxa gubaya, aanuna saameyn ku yeelan jidhkiisa. Iyadoo lagu jiro maalmihii adkaa ee xornimadoonkii Soomaaliland iyo kicintii Ingiriiska ayuu abwaan Maxamed Ismaaciil Barkhad Cas (IHUN) arkey abwaan Saxardiid (IHUN) oo muuqaal ahaan aad u fiican . Abwaan Barkhad Cas fikirkii iyo hawlgaladii gobanimodoonka ayaa dhafoorkiisa ka muuqdey, muuqaal ahaana waa laga dareemayey in wax gubayeen. Abwaan Saxardiid oo u sheegaya abwaan Barkhad Cas inuu dareenka la qabo, kulana jiro halganka kicinta gumaeysiga ayuu tiriyey maanso ididiilo badan iyo rajo wanaagsan ku abuurtey abwaan Barkhad Cas oo si niyadsan ugu dhawaaqey intii soo kacey oo gacanta qabsadey abwaan Saxardiid: “ Dhiman mayo ilaa aan calanka arko”. Illaahay weedhaa wuu u dhabeeye Abwaan Barkhad Cas waxaanu arkey calankii 26 Juun 1960 la saarey, geeriduna ya haleeshay 1963. Maansadii weedhaa awooda dheer ku boqran ka keentay abwaan Barkhad Cas, wuxuu ku yidhi abwaan Saxardiid: Bilicda hilibkiyo,bidhaanta ha arkine Bukaanka dadku waa nimuu bararshiyo Nimuu baxadiisa kalo jaro’e Balaayoy naftaada ha baqo galin Halka ku bugtaa ana I balashee beerka iyo wadnahaa isu boodaaye Balayoy naftaadaha baqo galin Inaad bari dhaw bul adag noqoto Balan baan kuugu qaaday adoo bogsadee Birta iyo calankaa buruudka ku side, Tixraac: 1-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” – Wargeyska Haatuf gu’gii 2010. 2- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” Weriye Axmed Siciid Cige 3-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” TV-Ga Qaranka Somaliland 4- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Hadhwanaag News gu’gii 2013 5- Buug yare Taariikhdii Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye”-Jaamicada Hargeysa Gu’gii 2011 6- Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Qoraal Kooban Ilyas Cabdi Carte 7- Kayka Mareegaha Farshaxan Diyaarintii iyo isku dubaridkii : Fu’aad Sheekh Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org Farshaxan Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in saakay lagu arkay meydka cunug yar oo uu jirkiisa ka muuqdo jirdil. Dadka Deegaanada Xaafadda Sarkuusta oo u dhow Ex Control Afgooye ayaa Magaalada Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay meydka cunugaan yar oo si xun loo jirdilay. Dadka deegaanada ayaa sheegay in xarig uu qoorta uga xirnaa sidoo kalana wajiga looga duubay Cimaamad, waxayna tilmaameyn in meydka waqti hore ee saaka halkaas kasoo dhigay. “Saakay markii aan soo kacnay ayaan aragnay Meydka cunuga yar oo qoorta xariga uga xiran yahay cimaamadna wajiga looga xiray,dhib kale kuma arag mana naqaano cida dishay oo meesha soo dhigtay ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada sarkuusta oo goobta tegay. Ilaa iyo hadda weli lama oga cida dishay cunugaasi yare e meesha soo dhigtay,waxaana aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarkuusta. Meydka cunugaan yar ayaa loo qaaday Xarunta Dambi Baarista CID-da halkaas oo laga wado baaritaan ku aadan cidda dishay iyo sababta keentay. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya. Ma jirto ilaa hadda cid cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay meydka cunuga yar ee saakay la soo dhigay Xaafada Sarkuusta ee Magalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badinayey dilalka, Kufsiga iyo falalka ka dhex dhaco bulshada dhexdeeda taasoo ilaa hadda loo la’yahay xal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Col. Xussein Maxamed Roobow oo ah khabiir xagga amniga ah ayaa sheegay in dayac badan uu ka jiro ammaanka caasimadda , oo loo baahan yahay in saraakiisha ammaanka ka shaqeyso in ay la yimaadaan qorshe cusub oo amniga lagu sugayo . Col Roobow oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay amniga in uusan ku xasilaynin wadooyinka oo la xiro iyo shacabka oo la caburiyo, lagana hor istaago in ay isaga gudbaan waddooyinka magaalda Muqdisho, waxaa uu intaas ku daray in ay saameysay noloshada dadka wadooyikii la xiray. “ Ma ahan in istiraatiijiyadda amniga laguma saleeyo in wadooyinka la xiro magaalada , dadkeeda la caburiyo, magaaladii wax waliba qaali ayeey noqdeen qudaartii qaali waaye iyo caanihii ka imaanayay labada gobal ee la dariska ah magaalada ee soo galayay magaalada Muqdisho” Sidoo kale Rooboow oo hadalkiisa siiwato ayaa tilmaamay in ay hooseysto xogaha ay helaan sirdoonka qaranka Soomaaliya ee ku aadan qaraxyada la soo galiyo magaalada, assaga intaas ku daray inaan wax laga qaban Karin qarax soo galay magaalada. “Ciidamada waa in uu aad u sareeyo tababaradooda meel kastana ay joogaan oo wararka ay soo gudbiyaan lana helo meel ay ku soo dhacaan ka dibna talaabo laga qaado, lakiin, ciidanka amnigu waa in uu la socdaa gaariga meesha laga soo abaabulaayo ama laga soo buuxinaayo, oo meeshaas lagu fashiliyo ayaa loo baahan yahay” Dhanka kale Col. Rooboow ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in shacabka uusan sadeemin in amniga sugitaankiisa ayaga uu cariiri ku yahay, loona bahan yahay in shacabku isu socdo amnigana la sugo. “ Ma ahan dadweynhu inay dareenmaan in sugidda amniga uu caqabad ku yahay oo wadooyin badan laga xiray in ay dareemaan lama rabo, waxaa la rabaa ayadoo ciidanka amnigu shaqeynaayo nabadgalyadana uu sugaayo looma baahna in cariiga la dareensiiyo shacabka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ilaa xalay soo gaarayay qoysas iyo Dhalinyaro kasoo qaxay Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo, Shacabkaan ayaa waxaa soo [...] Source
  13. Mudanayaasha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta leh kulankoodii labaad ee kal-fadhiga 44aad oo maalinimadii shalay uu daahfuray madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni. Kulanka [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – 14 Bishii May ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Xarunta Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho xilligaas oo raashin loogu qeybinayey dad masaakiin ah, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiray Dhimasho, Dhaawac iyo burbur ku yimid Xarunta. Tan iyo waqtigaas waxaa socday baaritaan ku aadan cidda ka dambeysay qaraxaas ee Al-Shabaab u fududeysay inay fuliso. Waxaa Shaqaalaha iyo madaxda Degmada Warta Nabadda ka jiray guux ku aadan inuu Qaraxaas fududeeyey qof ka tirsan Degmada sida uu Shabakadda Caasimadda Online u sheegay Mas’uul ka tirsan Degmada. Hey’adda Nabadsugidda ayaa bilowday baaritaan ku aadan qaraxaas, waxaana Qalabka GPRS lagu xiray qaar ka tirsan madaxda iyo Shaqaalaha Degmada oo uu soo galay tuhun aad u weyn. Maalmo kadib waxaa lagu helay inuu qaraxaas ka dambeeyey madaxa Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda Maxamed Dheere oo taleefoonkiisa laga dhageystay isagoo oo Al-Shabaab la shaqeenayo. Ciidamada Alpha Group ayaa weerar qorsheysan ku qaaday gurigiisa, waxaana lasoo xiray isaga, Xaaskiisa iyo dad kale oo guriga kula noolaa. Baaritaan dheer kadib iyo caddeymo la hor dhigay Maxamed Dheere ayaa qirtay inuu isaga ka dambeeyey qaraxaas isla markaasna uu Al-Shabaab u fududeeyey. Maxamed Dheere ayaa la ogaaday inuu Koontaroolada Ciidamada Dowladda ee Degmada Wardhiigley kasoo gudbiyey gaarigaan isla markaasna uu lacag siiyey askari ka tirsan Dowladda si uu usoo fasaxo Baabuurka qaraxa siday. Maxamed Dheere ayaa gaarigaan kasoo galay Dhanka Tookiyo, wuxuuna ahaa ninkii hagayey, Sidoo kale cadaadis badan oo la saaray kadib ayuu sheegay inuu jiro gaari kale oo qarax lagu diyaariyey oo yaalo gurigiisa. Waxaa mar kale gurigiisa gaaray qaar ka tirsan Ciidamada Al-pha Group oo ku guuleystay inay qaraxa ka furaan gaariga yaalay Guriga Maxamed Dheere oo nuuciisa ahaa Allion inkastoo aan aan weli la ogaan halka la doonayey in lagu weeraro. Gurigiisa ayaa waxaa laga soo helay hub farabadan iyo waxyaabaha qarxa, waxayna madaxda Degmada Warta Nabadda ku noqotay mid lala yaabo maadaama aan marnaba ninkaan looga shakin inuu wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab. Dhanka kale wuxuu qirtay inuu ka dambeeyey dilkii degmada loogu geystay Guddoomiyihii hore ee Dhallinyarada Degmada Warta Nabadda oo la dilay hal sano ka hor. Ninkaan ahaa madaxda Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda ayaa daganaa meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Degmada. Maxamed Dheere ayaa hadda ku jiro gacanta Nabadsugidda, inkastoo aan weli la caddeyn in la sii daayey dadkii lala soo xiray iyo in kale. Wuxuu beel ahaan kasoo jeedaa Fiqishini oo ah beel kamid ah beelaha dega gobolada waqooyi siiba deegaanka SSC Waxayna ku abtirsadaan Cayr/ Habargidir/ Mogadishu Clan, Fiqishini waa naaneys magaca saxda ah waa Fiqi cumar Ayaanle Cayr. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa abaalmarin u balanqaaday ciidan la sheegay iney fashiliyeen weerar lagu waday inuu ka dhaco bar kontorool oo ku taallo KM4 dhanka Airportiga Aden Cadde. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Koox aan la aqoonsan ayaa Kayse Maxamed Cawaale oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland dhagax ku dilay, halka ay laba askari oo askari oo kalena dhaawac ugu gaysteen dhagaxa. Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Fiqi Ayuub oo ku yaalla waqooyiga magaalada Burco mana cadda sababta keentay in kooxdani weerarto booliska laakiin, waxa jira warar sheegaya in ay jiraan shirkado halkaasi ka baadha macdan ay iska hor yimaaddaan dadka degaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Werwerkii iga hayey Soomaaliya wuu iga hadhay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan ku kalsoon nahay inuu gaashaanka u daruuri karo wiilasha ka taliya Villa Soomaaliya oo adduunyada kaga qadhaabta aqoonsiga rahmaadda ku ah maamulka Muqdisho ee hor iyo dabo-diidka ah 28kii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaan aaminsanahay inuu sutida u qaban karo dood fool-ka fool ah oo ay iskaga horyimaaddaan Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo), waxana libinta Madaxweyne Biixi ka keeni karo wadahadallo Somaliland la gasho Soomaaliya laga suurayn karaa feejignaanta uu cod dheer beesha caalamka ugu dareensiiyey sida uu uga calool weydsan yahay dhexdhexaadnimada dalka Turkiga oo gogosha wadahadalka dhigay, kaasoo Madaxweynaha Somaliland kashifay inuu taageero firfircoon u yahay dhinaca Soomaaliya. Sidaa daraadeed, waxa uu dalbaday in xeerbeegti caalami ah goob-joog ka noqdaan miiska wadahadalka, sidoo kalena la helo dal ka madax-bannaan arrimaha siyaasadda Soomaalida oo dhexdhexaadiye u noqda labada dhinac. Madaxwexweynaha Somaliland waxa uu muddo laba sanno ku dhow oo uu xilka hayey fagaareyaal badan kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan madaxda xilligan majaraha u haya maamulka duruufaha madow hadheeyeen ee Muqdisho, taas oo ka muujinaysa sida uu ula socdo dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed iyo dhagaraha ay u maleegayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabinnada siyaasadeed ee ay dibadaha uga maleegayaan. Waxa kaloo marag-ma-doon ah in waayo-aragnimo ahaan madaxweyne Muuse Biixi aad uga khirbad iyo xogogaalsan yahay dhiggiisa Soomaaliya oo ah dhallinyaro qurbo-joog camal doon ka faa’iidaystay waddan nidaamkiisa maamul iyo dawladnimo la mid yahay odhaahda tidhaa, “Madax Geel Ninkii Qaadaaba Dhig!” waxana taas u daliil ah sida ballanqaadyadii Farmaajo u noqdeen qaar sida xumbada u gudhay oo xataa taageerayaashiisii aanay maanta ku niyadsamayn hoggaamintiisa oo uga sii dartay dhiriqdii siyaasadeed iyo amni-darro ee ka jirtay Soomaaliya. Dadka qaar ayaa ku af-gobaadsada in Farmaajo aannu u jawaabin naqdiga Madaxweynaha Somaliland marar badan warbaahinta uga jeediyey, kuwaas oo ku dooda in uu yareystay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxay u muuqataa inuu yaqiinsaday inaannu xilligan gaadhin waqtigii uu u jawaabi lahaa Somaliland oo marka uu dibadda u baxo si joogto ah beesha caalamku ugu xujayso inay Somaliland ku dhisatantay, iskuna bixisay cashuurta dadkeedu u huraan, iyagana looga baahan yahay inay la yimaaddaan jidkii ay kaga kaaftoomi lahaayeen qaadhaanka shisheeye ee dawladnimadoodu ku tiirsan tahay. Sidoo kale, waxa daruuri ah in madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu la yimaaddaan qorshe ay maamulka Muqdisho kula tartanto diblomaasiyadda arrimaha dibadda si ay furfurto qufullada dawladda taagta daran ee Soomaaliya isku dayday inay Somaliland kaga xidho dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba. Waxa madaxweynaheenna looga fadhiya inuu ciyaaro xeelad kasta oo uu ku sii adkeyn karo in Itoobiya iimaansato iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland, kuna qanciyo masaalixda dhaqaale iyo maalgashi ee ay wadaagi karaan labada dal oo ka duulaya hindisaha “isdhexgalka ganacsiga” ee uu wado Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed. Waxa kaloo xukuumadda Somaliland lagu shirrabi doonaa sida ay awoodda u dul-dhigto inay cilaaqaad siyaasadeed, ganacsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalka Eritrea oo ah mid ka soo miiraabay go’doonkii siyaasadeed oo uu ku jiray muddo tobanaan sannadood ka badan, kaas oo muujiyey hunguriga ka haya inay xidhiidh lugo adag ku taagan la yeesho Somaliland oo ah qaran ay dhow ula socdeen taabbogalkiisii oo duruufo is shabbahaa mataaneeyeen. Ugu dambeyn, waan ka bogsaday welwelkii iga hayn karay in maamulka Muqdisho carqalad ku noqdo Somaliland tan iyo markii shacabku codkooda si xor ah ugu doorteen madaxweyne Muuse oo ah ruug-caddaa furfuri kara dagaallada dahsoon ee Farmaajo u maleegi karo Jamhuuriyadda Somaliland. Qore Cumar Maxamed Faarax cumarmfaarax@hotmail.com Source
  18. Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ay ku mideysan yihiin ee Puntland (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame oo shalay hadal u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa mudanayaasha ku boorriyay in ay dib u-eegis ku sameeyaan shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyeen golayaashii ka horreeyay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in golayaashii hore ee Puntland ay meel-mariyeen, shuruuc aad u fara badan oo ay maal-gelisay Beesha Caalamka, balse aan waxba ka dhaqan-gelin, isagoo u soo jeediyay golaha wakiilada haatan jooga in ay dib ugu noqdaan arrimaha keenay in shuruucdaasi shaqeyn waydo. Faysal Qaran ayaa tilmaamay in golaha wakiilada Puntland lagu qiimayn doono, sida ay uga shaqeysiiyaan shuruucda iyo xeerka u degsan Puntland oo uu sheegay in badankooda aan lagu dhaqmin oo khaanado lagu riday. Dhinaca kale, xukuumadda Puntland ayuu ku waaniyay, in ay la’tashiyo la samayso heerarka kala duwan ee bulshada Puntland, si ay u hesho talada toosan ee wax dhisaysa,islamarkaana ay u wada-socdaan dowladda iyo shacabka. PUNTLAND POST The post Faysal Qaran oo soo bandhigay qodobka keliya ee lagu qiimayn doono Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ayaa sheegay in askarta ku guuleystay in ay qabtaan ninkii la socday gaarigii shalay ku qarxay meel ku dhow isgoyska Lambar 4 uu abaalgud siinayo. Ra’isalwasaaraha oo booqday labadii goob ee shalay qaraxyadu ka dhaceen ayaa la kulmay taliyayaasha baraha koontaroollada ee Magaalada Muqdisho waxaana uu wax ka weydiiyay qaabka ay u sugaan ammaanka. Weerarkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof oo kale kuwaas oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggii weerarradaas qeybta ka ahaa gacanta lagu dhigay islamarkaana isaga oo dhaawac ah la qabtay. Ugu dambeyn Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee had iyo jeer u taagan sugida amniga dalka iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Kismaayo (PP) ─ Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada. Haddaba, maamulka Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga. Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga dalka inay gacan-bir ah ku qabtaan cid walba oo ka qaybgalaysa kicinta bulshada, isla markaana ay hor-keenaan sharciga si looga abaal-mariyo dambiyada uu dambiilahaas ku kacay. Haddaba, AKHRISO: Bayaanka arrintan ku saabsan ee kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland PUNTLAND POST The post Jubbaland oo digniin u dirtay dadka ku lugta leh kicinta bulshada iyo khal-khalinta amniga appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT- Burundi)-Sare u kac weyn ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo shidaalka gaar ahaan dalalka ku yaalla bariga Afrika. Arintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan. Laba markab oo laga leeyahay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu weeraray meel u dhow xeebaha Iiraan iyo Imaaraadka taasi oo iyadana qeyb ka ah Arintaan. Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay falkaan dowlada Iiraan. Xukuumadda Washington ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay dhoofinta shidaalka waxaana ay ku hanjabtay dalkii la macaamila in uu muteysan doono xayiraad Dhaqaale. Kaalimaha lagu iibiyo shidaalka ee bariga ee dalalka bariga Afrika ayaa sare u qaaday qiimaha lagu iibiyo shidaalka, iyadoo ay cabasho ka muujiyeen gaadiidleydu. Source
  22. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre ayaa xalay kormeeray goobihii Qaraxyada khasaaraha geystay ay ka dhaceen shalay ee Muqdisho, isagoo dhiirri-gelin u sameeyay ciidammo uu sheegay inay qaraxyadaas ka hor-tageen. Kheyre ayaa la kulmay qaar ka mid ah askartii ku sugneyd koontoroolladii ay qaraxyada ka dhaceen, isagoo uga mahad-celiyay sida ay uga hor-tageen in qaraxyadaas lala beegsado goobihii ay Al-shabaab la damacsanaayeen. Sidoo kale, RW Somalia ayaa sheegay inay hayaan abaal-marin loogu talo-galay ciidamada si loogu dhiirri-geliyo hawsha ay shacbaka soomaaliyeed u hayaan, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ciidamada iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda Qaranku ka war-qabaan dadaalka wanaagsan ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan, lana abaal-marinayo ciidamada amniga ee isku hor-gudbay weerarrada lasoo maleegay, dhiiggoodana u huray in dadka Soomaaliyeed ay ka badbaadiyaan dhibaatada. “Ciidamadii ka hor-tagay qaraxyada waxaan leeyahay geesiyaal ayaa tihiin, waxaana naga go’an inaan abaal-marinno cid walba oo gacan ku lahayd inay fashiliyaan qaraxyadaas ay cadowgu soo abaabulaan,” ayuu yiri Khayre oo la hadlayay tiro askar ah. Ugu dambeyn, Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Somalia ee had iyo jeer u taagan sugidda amniga dalka iyo ka caasimadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khayre oo booqday goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen ballan-qaadna u sameeyay ciidanka appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-London)-Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska. Hal qof ayaa lagu dilay weerar dhacay saacadihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan inay noqoneyso dilkii Saddexaad. Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in habeenimadii xalay nin 30 jir ahaa lagu dilay agagaarka daarta Tower Hamlets ee bariga London. Khaarijinta ninkaan ayaa ku soo aadeysa saacado kadib markii laba qof lagu toogtay magaalada. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan sidii looga jawaabi lahaa falal danbiyeedyada ku sii kordhaya caasimada UK. Budhcada geysaneysa dilalka ayaa badi adeegsanaya toori, waxaana ay arintaan walaac ku abuurtay shacabka magaalada London. Source
  24. (SLT-Tunisia)-Tahriibayaal laga soo badbaadiyey Biyaha Caalamiga ee ka baxsan Xeebta dalkaasi 15-maalmood ka hor ayaa la sheegay inay weli ku xayiran yihiin badda gudaheeda. Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay inay Dowladda Suudaan ku gacan sayreen inay u fasaxaan doonidaasi inay ku soo xidhato Dekedda u dhow. Dooni laga leeyhaay dalka Masar oo lagu magacaabo Mardive 601 ayaa la sheegay inay 75 Tahriibayaal ah ka soo badbaadiyeen Xeebta Koonfureed ee dalka Tunisia, iyadoo ay doonida ilaa bishii hore ee May 31-dii taagnayd meel ku dhow Dekedda Zarzis ee Koonfurta dalkaasi. Milkiilayaasha Doonida ayaa la sheegay inay ilaa iyo hataan Tahriibayaasha siiyaan cunto iyo biyo. Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan 32 carruur aan lala soconin ka mid yihiin Tahriibayaasha dul saaran doonidaasi, iyadoo 9 u dhalatay dalka Masar iyo mid u dhashay dalka Moroko danaynayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Source
  25. (SLT-Kenya)-Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidammada ciidamada Kenya ayaa ku dhintay, kaddib marki baabuur ay la socdeen maanta miino lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidammada la weeraray ay ka tageen magaalada Wajeer iyaga oo kusii jeeday deegaanka Konton. Lama oga tirada saxda ah ee saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay, balse warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in loo maleynayo in weerarka lagu dilay 13 askari. Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa habeen hore lagu afduubtay ilaa sadex ka tirsanaa ciidanka keydka Kenya, kuwaasoo ay afduubteen maleeshiyo ka tirsan Al Shabab. Ma ahan marki ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan booliska iyo millatariga Kenya lagu weeraro deegaanada dhaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Source