Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada Puntland ee gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen odayaal ku sugan magaalada Baydhabo. Odayaashaas ayaa bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka odayaashaas ay ka jeediyeen magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay mid lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland, maadaama sida uu sheegay aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland. Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah. Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi. Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka
  2. Godka Lagu Janne Muuse Biixi Isagaa Siyaasadda Ka Saaray Cigaal, Waxaana Ku Soo Celiyay Siilaanyo “Muuse Biixi miyuu Somaliland ka qabtay Cigaal Mise Cigaal ayaa Somaliland ka qabtay”? Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal casharo badan ayuu Somaliland uga tagay duruustaas waxa kow ka ahayd siyaasad ka saaristii Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda … Siduu uga saaray Siyaasadda gabi ahaanba Muuse Biixi, yaase ku soo celiyay saxadda, sidee ayuuse ugu soo laabtay …? Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha gudaha ku celiyo Muuse Biixi. Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa dubaladeed gun dheertahay ayuu aha Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi “Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waydiinay oo wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka qaaday… In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana isla markiiba dib kugu magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday “Waa Rafadkay Rafanaysay”. Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay . Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir Suldaan iyo Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi… Muuse Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay “Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk “Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii ” waa marka uu sidaa leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka, Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada siyaasadda ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde, Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi. Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa’uud Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse Cigaal wuu ka saaray .. Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa alle tusay, xooga ayuu isugu hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo helida kursigu waa kala gaar.. Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Qaran News
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro dhinaca cilmiga Badda ayaa sheegay, haddii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay u xukunto biyaha la’isku heysto Soomaaliya ay Kenya noqon doonto dal aan laheyn Bad. Khubarada ayaa sheegay in Kenya ay ku qasbanaan doonto in ay fasax weydiisato dalalka Soomaaliya iyoTanzania, si ay Maraakiibteeda ugu xirtaan magaalada xeebeedka Mombasa. Shir ay Khubaradani ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxa ay kula taliyeen dowladda Kenya in ay xalka ka eegto dhanka Diblomaasiyadda, islamarkaana ay hoos u dhigto xiisada haatan ka dhexeysa labada dal. Sidoo kale waxa ay tilmaameen haddii Kenya looga guuleysto dacwadan ay u furan tahay fursad kale oo ah in ay wadahadal hoose kala galaan dowladda federaalka Soomaliya. Dacwada badda ee labada dal ayaa waxaa la go’aamin doonaa bisha September, iyadoo rajo weyn laga muujinayo in Soomaaliya ay ku guuleysan karto kiiskaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aysan wax gor-gorton ah ka galin doonin kiiska Badda, kaas oo mugdi sii galiyay xiriirka labada dowladood. Kenya ayaa qaaday tallaabooyin adag, waxaana ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, kana baxdo heshiisyo ay wada galeen labada dal. Dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha ayaa arrintaN u sababeynaya in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla ICJ. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  4. The Kenyan government is making fresh efforts to negotiate with Somalia as a way of ending the maritime conflict between the two countries after the collapse of previous talks, senior government officials have told the Sunday Nation. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa maanta casuumay madaxda dhaqanka ee Bariga Burco. Odayaashan ayaa hormuud ka ah shir dhaqameed lagu wado in uu dhawaan Burco ka dhaco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Markii ay 23 jirka ahayd ayey ogaatay in boqolkiiba 85 ay halis ugu jirto kansarka naasaha ku dhaca. Sababtu waxay tahay in jidhkeeda uu ku jiray hidde-side loo garanayo BRCA1, kaas oo ka dhasha kansar ku dhaca halkii qof ee ka mid ah 300 illaa 400 oo qof. “Aabahey hooyadii, waxay u dhimatay kansarka naasaha. Xilligaa aabe wuxuu ahaa sideed sano jir”. “Waxaan koray anigoo arrintaa og, balse fikrad kama haysan in la iska dhaxlo illaa eedadeey uu ku dhacay kansarka naasaha, sannadkii 2013-kii”. “Si xasillooni dhanka maskaxda ah aan u helo, waxaan go’aansaday in baaritaan la igu sameeyo si aan u arko isbedelka hide-sidaha BRCA. In ay shalay ahayd bay ila tahay, anigoo fadhiya cisbitaalka oo walwalsan, hooyo iyo aabe na ay ila socdeen. Waxaan sugeynay natiijada”. “Markii dhaqtarka ay soo baxday, waxayna geysay xafiiskeeda, waan ogaa in war fiican aysan sidin. Halkaas ayaan go’aan ku gaaray, waxaanna doonayay in naasaha la iga jaro (taa oo dhaqaatiirtu ku tilmaameen laba qalliin oo ka hor tag ah)”. “Waxaan lahaa naaso waaweyn, waana dhab, waxay astaan u ahaayeen inaan dumar ahay, waana jeclaa. Waa iska naaso, waana ogaa in nolosheyda ay badbaadeyso haddii aan iska gooyo.” “Maskaxdeyda waxaa markasta ku jirtay inaan nolol hore isaga jiro oo caruurteyda aan nuujiyo, halkii aan caruurtayda dhigi lahaa hooyo la’aan”. “Ka dib fikir badan iyo ballamo cisbitaal oo aanan tagin, ugu dambeyn waxaan go’aansaday in laba qalliin la igu sameeyo, 13 February 2019, xilligaas oo aan 27-jir ahaa.” “In kastoo dadka ay si joogto ah ii weydiinayeen inaan ka baqayo qalliinka, aniga caadi ayaan iska ahaa illaa aan hooyo iyo aabe dhunkaday oo aan ku iri macsalaama, ka dibna sii aaday qolka qalliinka. Waan jareynayay, waxaanna billaabay inaan ooyo. Si la ii dejiyo, dhaqtarka wuxuu isiiyay dawada hurdada. Dhab ahaantii, wuu ku mahadsan yahay in aan hurdo.” BRCA: Xaqiiqada Dhammaanteen waan leenahay hidda-sidayaasha BRCA1 iyo BRCA2, waxaanna ka dhaxalnaa waalidiinteena Shaqada hidaha waa hagaajinta DNA-ga iyo unugyada dhiigga Haddii ay qaldamaan ama isbedelaan, halis badan ayaad ugu jirtaa inuu kugu dhaco kansarka naasaha ama ugxaanta jirka. Sababtu waxay tahay in hidde-sidaha uusan daweyn karin unug xanuunsan, kaas oo sababi kara burooyiin. Qiyaastii, hal qof oo ka mid ah 300 illaa 400 oo qof ayaa qaba hidde-sidaha BRCA oo halis ah Halista ugu badan waxaa wajahaya qabiilka Yuhuudda ee loo garanayo Ashkenazi. Waxa uu ku dhacaa mid ka mid ah 40-kii qofba Haddii kansar halis ah uu ka dhasha isbedelka hidaha BRCA1, waxaa suuragal ah in caruurtaada uu u gudbo BRCA ma ahan hidde-sidaha keli ah ee halista kansarka sababa Xigasho: NHS iyo The Eve Appeal “Labadii maalmood ee ugu horreeyay ee qalliinka ka dib, waa kuwii iigu xumaa: Hooyo ayaa wax kasta ii sameyneysay, sida in ay dharka iga badasho, i seexiso ama i toosiso – ceebbey ila ahayd”. “Balse ugu dambeyn, aniga baa wax kasta sameysanayay. Laba isbuuc ayaan kaniin xanuun baabi’iye ah isticmaalayay. Naaso qurux badan ayaan yeeshay! cabsideydu waxay ahayd in ay aad u yaraadeen. Laba wareeg oo isla eg ayaan yeeshay oo ku wareegsanaa ibta. Mararka qaar waan ilaawayay in qalliin la igu sameeyay”. “Waxaan dareemayaa in la qabtay shaqo nolosheyda lagu badbaadiyay”. “Waxaan saaxiib la ahay dumar kale oo 27 illaa 40 ay da’dooda u dhexeyso oo halis ugu jira kansarka naasaha.” “Qaar ka mid ah caruur bay leeyihiin, qaarna weli caruur maysan dhalin. Kuwa kale saaxiibbo bay leeyihiin, kuwana malahan. Waxaan u sheegaa in cabsidii ay iga yaraatay”. Xigasho: BBC Soomaali Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Faahfaahin Askariga Dhagaxa Lagu Dilay, Taliye Ku-xigeenka Booliska Iyo Maamulka Tuulada Fiqi Ayuub Oo Ka Haday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Jawaan ayaa ka hadlay tallo uu ula tagay xukuumadda KULMIYE iyo jawaabaha uu kala kulmay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. “Muuse Biixi miyuu Somaliland ka qabtay Cigaal Mise Cigaal ayaa Somaliland ka qabtay”? Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal casharo badan ayuu Somaliland uga tagay duruustaas waxa kow ka ahayd siyaasad ka saaristii Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda … Siduu uga saaray Siyaasadda gabi ahaanba Muuse Biixi, yaase ku soo celiyay saxadda, sidee ayuuse ugu soo laabtay …? Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha gudaha ku celiyo Muuse Biixi. Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa dubaladeed gun dheertahay ayuu aha Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi “Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waydiinay oo wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka qaaday… In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana isla markiiba dib kugu magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday “Waa Rafadkay Rafanaysay”. Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay . Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir Suldaan iyo Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi… Muuse Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay “Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk “Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii ” waa marka uu sidaa leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka, Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada siyaasadda ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde, Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi. Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa’uud Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse Cigaal wuu ka saaray .. Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa alle tusay, xooga ayuu isugu hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo helida kursigu waa kala gaar.. Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay, waxba kama jiraana ku tilmaamantay socdaalka la sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagaayo Dalka Sweden. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Calaamka, iyo kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay socdaalka Madaxweynaha ee dalka Sweden “Socdaal hadda uu Madaxweynuhu ku tagaayo dalka Sweden ma jirto, Dalka Sweden iyo dalka kaleba Madaxweynuhu uu tagi karaa, marti qaadna uu ku tagi karaa, xidhiidhka wacan ee inaga dhexeeya uu ku tagi kara hadba dalka aynu danteena moodno, laakiin socdaal rasmiya oo hadda jira oo uu Madaxweynuhu ugu baxayo Sweden ma jiro”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo kala duwanaasha Somaliland ayaa yidhi “Xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya Wadamada kale duwan ee Calaamka, ha noqdaan Wadamada jaarka iyo Wadamada kale ee Caalamkaba, waxaana jecel nahay mar walba in aanu hagaajino xidhiidhka inaga dhexeeya Caalamka, dhab ahaana Caalamka wuxuu aad ugu bogay heerka aynu ka gaadhnay dhismaheena Dawladnimo, Dimuqraadiyada Doorashooyinka iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta”. Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, oo nidaamkiisa Dawladnimo u dhan yahay, waxaana dalka ka Madaxweynaha Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweyne si xor iyo xalaal ah loo doortay, oo Shacabkiisu u doorteen, waana Madaxweyne diyaar u ah inuu qarankiisa wax walba u qabto, Somaliland waa dal leh Madaxweyne, Golayaasha kala duwan ee Dawladnimada, Ciidan, Calan iyo Lacag u gaar ah, shuruud kasta oo aqoonsiga inagaga xidhana weynu buuxinay, halka Somaliya aynu ognahay qaabka loo doorto Madaxweynaha hadba ka taliya, markaas Maamulka Somaliya waxaanu leenahay isku xaalad iyo isku heer ma joogno, ha isku kaaya mashquulina, maxaa yeelay hadafka shacabkaygu waa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, Xukuumad ahaana dadaalkeedii waanu wadnaa, ee Maamulka Somaliya waxaanu leenahay idinku dalkiina hagaajista, waxbana nagu yeeli maysaan xaasidnimo iyo wax la mid ah ee jaarnimadu ha inaga dhexeeyso, oo aynu ahaano laba dal oo jaar ah,Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay mar walba muujiya qadiyadiina, iyo qaranimadiina”. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Soo Dhaweeyay Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday dhismaha dekedda Garacad oo ay si iskutashi ah u dhisanayaan dowladda iyo shacabka [...] Source
  13. (SLT-Berbera)-Dooni Alaabooyin kala duwan u sidday Ganacsatada Somaliland ayaa ku degtay meel boqol iyo dhowr Mayl u jirta Dekedda Magaalada Berbera, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu. Doontan oo ka soo shiraaqatay Magaalada Dubai ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa degtay markay dabaylo ku kaceen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland.” Jamaal Caydiid wuxuu sheegay oo kale “81 Qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto.” Alaabta ay sidday ayaa u badnaa Qalabka dhismaha iyo Baabuur “Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta..”ayuu yidhi. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo. Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa toddobaadkii tagay wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi. Kiiskaasi ayaa noqonaya kii ugu horreyey ee dalkaasi, tan iyo markii dalka ay deriska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu ka dillaacay cudurka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  15. 16-ka bishan June sannad walba waxaa la xusaa maalinta Carruurta Afrika oo dib loogu xasuusto 16-kii June 1976 xilligaasi oo magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika lagu laayay carruur u dhashay dalkaasi oo u muddaharaadayey xuquuqdooda. Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta Carruurta Afrika ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland ay ku leedahay caasimadda Garowoe. Munaasabadda ayaa waxaa so agaasintay wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashaynaysa hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin waxaana ka qeyb galay carruur da’ yar oo sita boorar ay ku xusayaan maalintooda. Agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka Puntland Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo faahfaahiyay nuxurka uu xambaarsanyahay xuska maalinta carruurta ayaa sheegay in ujeedka xuskaani yahay dhegaysiga baahiyaha ay qabaan carruurta ee dhinacyada kala duwan sida caafimaadka iyo waxbarashada. Maxamed Cabdullaahi iyo Maxamed Cali yuusuf oo ka kala socday hay’adaha save the children iyo UNISEF ayaa dhankooda munaasabadda ka sheegay in hay’adahoodu ay mar walba u taagan yihiin sidii ay dowladda Puntland uga gacan-siin lahaayeen arrimaha carruurta gaar ahaanna baahiyaha aas’aasiga u ah korriinka iyo horumrinta carruurta sida caafimaadkooda iyo waxbarashadooda. Sidoo kale Bahjo Siciid xassan oo ka socotay hay’adda world vision ayaa munaasabadda ka sheegtay in hay’addeeda world vision ay ka shaqeyso ka jawaabidda baahiyaha carrruurta iyo u qareemidooda gaar ahaanna dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka oo hay’addu carruurta ka taageerto. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland Sahro Cabdi Xirsi ayaa sheegtay in wasaaradda Haweenka maalin walba ay u tahay maalinta carruurta maadaama ay maalin walba u qareemaan baahiyaha iyo xuquuqda carruurta puntland . Waxay sheegtay in wasaaraddu dadaalka ugu badan ku bixiso sidii carruurtu ku heli lahaayeen adeegyada aas’aasiga u ah noloshooda sida barbaarinta caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo wasiirku si weyn ugu mahadcelisay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin ee kala shaqeeya arrimaha carruurta. Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta wasaaradda iyo hay’adaha ayaa hadiyado ku guddoonsiiyay carruurtii munaasabadda joogtay si ay ula wadaagan farxadda maalintooda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka dowladda Puntland oo xustay maalinta Carruurta Afrika appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse, ayaa maanta Garoowe tababar uga furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG. Injaneerada ka faa’idaysanaya tababarkaan oo ka kala yimid 9 degmo oo uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, ayaa la barayaa dhammaan xirfadaha la xiriira farsamooyinka dhismaha ee kala duwan. Tababarka ay Injaneerada ka shaqeeya JPLG u furtay wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, ayaa waxaa bixinayaa macallimiin ka socda jaamacadda PSU. Injaneer Ciise oo ka tirsan wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland ayaa sheegay in tababarkan ay wasaaraddu ugu tala-gashay Injaneerada ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG si wasaaraddu sare ugu qaaddo xirfadda injaneeradaasi. Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, Axmed Bashiir Muuse oo hadal kooban u jeediyay Injaneerada fursadda u helay tababarkan, ayaa ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan cilmiga ay u gudbinayaan macallimiinta, isagoo sheegay in kormeer iyo daba’gal lagu samayn doono sida ay uga faa’idaysteen tababarka. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in waraaddiisu ay qaban doono tababarro kale oo kor loogu qaadayo xirfadda iyo farsamooyinka injaneerada da’da yare ee sannad walba u soo baxaya Puntland, si loo helo Injaneero aqoon buuxda u leh shaqadooda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland oo tababar u furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
  17. Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal waqtigaan laga saaro dalka Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay gudiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada. Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka. Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xiriira arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan. Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni daro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka. Madaxda dowlada dhexe ayaa qaba in dalka uu u baahan yahay dhaqaale si uu kaga baxo ku tiirsanaanta wadamada taageera Soomaaliya. Universal Qaran News
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muranka dhinaca badda ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ay hurinayaan Waddamada Norway iyo UK, sidaas darteedna ay gudbin doonto dacwad iyaga ka dhan ah gudbineyso. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, afhayeenka Xukuumadda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo uu yahay wadahadal dhex mara labada dhinac ee is heysta. Peter Kagwanja, oo ah Khabiir Kenyaan ah islamarkaana falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Kenya dacwaddeeda badda ay ahayd hal heer halka Soomaaliya ay gudbisay dacwad dhan 10 heer oo tiiba ka kooban tahay 250 bog, iyada oo gacan ka halaysa dalalka reer galbeedka. Kagwanja ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay in Soomaaliya ay maaliyad iyo talo ahaan ka gacan siinayaan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya, ayaga oo eeganaya dantooda shidaalka Soomaaliya. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayuu wargeyska Daily Nation ka soo xigtay iyaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeynaya in ay xiriir la leeyihiin sharikado shidaal baaris oo ay leeyihiin Norway, Canada iyo Sweden, sidoo kalena ay taageero farsamo ka helayaan dalalkooda. Kenya ayaa soo jeedisay in muranka labada dal lagu xalliyo kulan dhexmara wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, laakiin kulamo ay horay u yeesheen oo aysan waxba ka soo bixin ayaa rajo xumo gelinaya mira dhalka kulan kale. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada hoggaanka guud ee ururka, kaas oo sedexdii sanaba mar la soo doorto. Waa doorasho ay ka qeyb galaan dhammaan saxafiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimaada gobalada dalka iyo kuwa kunool magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku doortaan hoogaankooda. Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimow, oo saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto 27 bisha June 2019-ka, asaga oo sidoo kale ka war bixiyay wixii u soo qabsoomay muddadii sedexda sano aheyd ee la soo dhaafay. “Maanta si rasmi ah suxufiinta Soomaaliyeed aan gacantooda ku soo celino waqtigii naga dhammaaday oo lana qabanaayo doorasho, waxaan si cad u shaacinaynaa in maalinta taariikhdu tahay 27 ka bisha June 2019 -ka in Muqdisho lagu qaban doono shir weynihii golaha suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galiya dhamaan saxfiyiinta oo ka kala imanaya gobalada dalka waxaana la qabanayaa doorashadii Ururka”. Sidoo kale Macalimow oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in ururka sedexdii sano ee la soo dhaafay ay wax badan ay u qabsoomeen, waxa uuna xusay in ay meel aad u hooseyso ay wax ka soo bilaabeen maantana ay marayaan meel aad u wanaagsan. “ Waxa aan wax ka bilownay heer hoose xitaa annaga oo aan xafiis la heyn meel aan aad aanan aqoon ayaan howl bilaawnay, hoggaanka hadda joogana aa la doortay , maanta waxaa Allah mahadiis ah inaan leenahay xafiisyo shaqeeyo”. Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa xusay intii maalkaan uu jiray in saxafiin badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen tabaro la xariira Saxaafadda, kuwaas oo ku kala sugan gobalada dalka. “ Waxaad ogtihiin tababarro in aan ku qabannay meel weliba oo waddanka ah ma jiro dowled gobaleed mar ama dhowr jeer aan lagu noqon inuusan jirin, waxaana doonayaa inaan halkaan ugu mahad celiyo Faarax Cumar Nuur, oo ah ustaadkii tababaradaas noo fulinayay”. Ugu danbeyn xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ waxa uu sheegay intii lagu jiray sedexdii sano ee na soo dhaafay in ay ilaaliyeen inuu dhaco wax Musuqmaasuqa oo lagu sameeyo dhaqeele loogu talagalay wariye dhintay ama uu dhaawmay ayna ku guuleysteen in wixii loogu tala galay ay gaaraan. ” Waxaan aheyn had iyo jeer haddii wariye dhib uu ku dhaco inaan aheyn kuwii u doodaayay, waxaan la dagaalnay inuu Musumaasuq dhaco, waxaad ogtihiin dad agooman ah ama dhaawaca waxooda la qaadan jiray waxa aan sameynay hab cad oo ah in qofka iyo hay’adda wax siinaysay aan isku xiraynay si ay meeshaba uga fogaato inuu wax mugdiyanba uu yimaado” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Kar-kaar waa deegaan dhacda cirifka bari ee geeska Afrika, waxayna qarniyo ka hor Xaafuun ay caan ku ahayad magaalo [...] Source
  21. Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falkii lagu dilay kudhawaad 10 ruux oo ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Hay’ adda ayaana ku baaqday in la garab istaago Ehelada dadkii la dilay sidii ay ku heli lahaayeen cadaaladda, dadkii danbiga gaalayna loo horkeeni lahaa sharciga. Madaxa Golaha Culimada Soomaalida Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in culima ahaan ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, assaga oo dalbaday in cadaaladda la horgeeyo dadkii geeystay falkaas aanan laga harin ilaa sharciga la mariyo. “ Falka nuucaas ah waxaa la oran karaa inuu ahaa xasuuq dadka hadii isir ahaan loo raad sado, waana danbiyada waa weyn Diin ahaan, Qaanuun ahaana qatartiisa ayuu leeyahay , waxaan garanayaa hadda ka hor in halkaas dad u badan culimo Tabliiqa ah in lagu laayay oo Bakistaan u dhashay ayaan filaayaa ”. Sidoo kale Sheekh Bashiir oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dhibka ka dhacay ay ugu wacan tahay maamulka oo liito iyo waliba dadka shacabka oo gacantooda uu ku jiro hub aad u fara badan. “ Waxa ay muujinaysaa habacsanaanta maamulka ee meesha ka jiro iyo hubka oo aad ugu badan magaalada shabkana ay heystaan, dadkii waxaa loo baahnaa in ay kala danbeyta aaminaan oo wixii dhaco dowladda loo daayo, sargaalbaa la dilay intaas oo saraakiil ah ayaa horay loo dilay, aqoonyahan ayaa la dilaa culimo ayaa la dilaa” Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in arrintaan ay keeni karto in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan halkii ay ka yimaadeen iyo qabiil qabiilkii, assaga oo intaas ku daray in ay tahay arrin qatarteeda wadato siwada jirana looga hor tago. “ Tilmaan aad u xun ayey tilmaameysaa, waxaana ka dhalan kara in dadku mar labaad ay ku noqdaan halkii ay ka soo ka banaysay ee gobalgobkii iyo qabiilkii, in ayadoo maanta Soomaali wada dhaqmaysay oo wada noolaneysay in arrintaan lagu dhexbeero waa sheey qatartiisa leh weeyaan,in laga gaaro ayaan soo jeedinaynaa” Ugu danbeyn Gudoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax waliba oo dhaawici kara midnimadooda iyo wada jirkooda . “ Waxaan annagu adkaynaynaa in Soomaalidu adkaystaan walaaltinimadooda is dhexgalkooda la adkeeyo, waa in aad layskaga ilaaliyo tilaaba waliba oo dadka Soomaaliyeed kala dili karto nuuc waliba ay ahaato, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo muslimiin ah qof kasto oo Soomaaliya dalka waa inuu ka dagi karo meeshii rabo uuna tagi karo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen niman ku sugan magaalada Baydhabo oo bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka nimankaasi ka jeediyeen magaalada Baydhabo ee lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland maadaama aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland. Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah. Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi. Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka PUNTLAND POST The post Garoowe: Nabaddoon si adag uga fal-celiyay hadal ka soo yeeray niman jooga Baydhabo appeared first on Puntland Post.