Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,721
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-17062019.mp3 View the full article
  2. Bariire (Caasimada Online) – Labo ka tirsanaa maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax la sheegay in ay ku diyaarinayeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla deegaaankaasi oo lagu farsameynayay walxaha qaraxa, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaank ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in halkaasi ay soo saareen Meydka labada nine ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale Ciidamada oo isku geedaamay guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano saacado badan qaatay ka sameeyay halkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaastii 60 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka saaray dagaalyahannada Al-Shabaab oo muddo ka talinayay deegaankaasi. Howlgallo iyo guluf dagaal ayaa si aad ah uga socda Shabeelaha Hoose, waxaase weeraro iyo qaraxyo ka fuliya Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The United Nations Assistant Secretary-General (ASG) for Africa in the Departments of Political and Peacebuilding Affairs and Peace Operations, Bintou Keita, today concluded her five-day working visit to Somalia with a tour of Kismayo, the interim capital of Jubaland, to familiarise herself with developments taking place in the federal member state. Ms. Keita held a closed-door meeting with the Second Vice President of Jubaland, Abdulkadir Haji Mohamed Yusuf, and state ministers Mursal Khalif and Ismail Ahmed Garas. The trip marked Ms. Keita’s first visit to Somalia since she was appointed Assistant Secretary-General at the beginning of this year. “I started as Assistant Secretary General for Africa on January 1 as part of the implementation of the reforms of the Secretary-General, and now I am dealing with all the countries in Africa,” said ASG Keita during her stay in Kismayo. “One of them is Somalia.” “I wanted to find out what are the dynamics in Mogadishu and I also wanted to see what are the dynamics in one of the member states, so this is why I came to Kismayo,” she added, following her meeting with senior Jubaland State officials. Ms. Keita’s visit to Jubaland State came at a time when the federal member state is preparing for legislative and presidential elections scheduled for July and August, respectively. The UN and the African Union Mission in Somalia are aiding with preparations to ensure that the voting is free, fair and peaceful. Prior to her visit to Kismayo, Ms. Keita arrived in Somalia last Wednesday and met Prime Minister Hassan Ali Khaire and other top federal government officials on 15 June. The discussions focused on the participation of women in the country’s political process and economic reforms, and the relations between the UN and the federal government. “We discussed the vision around where the country has to be in the medium term, and it has a lot to do with political governance, the establishment of federalism as well as the economic situation, particularly the decision point for debt relief,” the ASG noted. Somalia is lobbying international creditors to cancel its foreign debt, most of which was accumulated prior to the outbreak of the civil war in 1991. The federal government maintains that debt relief will help the country invest its resources into reviving the economy and creating more jobs for its youthful population. Keita expressed satisfaction with the state of relations between the UN and the federal government and said that cooperation will be further bolstered by the arrival of the recently designated Special Representative of the UN Secretary- General for Somalia, James Swan. In her meeting with Somali women leaders, ASG Keita urged women to fight for their rights and vote for female candidates who vie for positions of leadership in order to increase their participation in the country’s decision-making process. In thanking Ms. Keita for her visit, the chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative, Asha Abdulle Siyad, appealed to the international community to continue supporting the women of Somalia in their quest for gender parity. “We need to have an article (in the constitution) that specifically says the minimum 30 percent (of parliamentary seats) should be (reserved for) women,” observed Ms. Siyad, who also warned that implementation of such a principle will present another challenge for Somali women. Somali women activists have been lobbying members of the federal parliament to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the 30 percent gender quota in the country’s future legislatures. As a result of the 2016 electoral process, female representation in Somalia’s federal parliament rose from 14 percent in the outgoing legislature to 24 percent, but it still fell short of the 30 percent quota goal. Ms. Keita also held discussions with representatives of youth groups, whom she urged to initiate a process that would help the UN and the broader international community to engage more effectively with young people on various issues concerning them. “The youth are the leaders of today and the leaders of tomorrow,” said the ASG. “You are part of (Somalia), which means that the engagement, the participation and the political participation are all part of that path for leadership.” View the full article
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Denni ayaa magaalada Garoowe kaga qaybgalay bandhigga manhajka macalimiinta dugsiyada hoose ee Puntland oo lagu qabtay kulliyadda tababarka macalimiinta ee [...] Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay xabsiga ka sii deysay Xildhibaan Dhakool oo kamid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland. Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu booliska Somaliland kasoo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa waqti habeennimo ah, kadib labo maalmood markii uu ka hadlay xuska 18-May oo ku tilmaamay maalin Madow. Xildhibaanka ayaa muddo ka badan hal bil ku xirnaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay diiday inay kiiskiisa furto, iyadoona sheegtay inaysan awood u laheyn dhageysiga dacwadaasi. Sii deynta Xildhibaan dhakool ayaa waxay daba socota kadib markii ay dhawaan ka hadleen xubno ka tirsan beeshiisa oo raali-gelin ka bixiyey gaf ay sheegen inuu ka galay qaranka Somaliland. Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuska 18-May, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland. Sida aanu wararkaygii hore idinku baahinay Dhakool ayaa raali-gelintiisaa ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, taasi oo ay maanta fulisay xukuumada Muuse Biixi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Wasiirka Deegaanka Somaliland Waxaanu Leenahay ,Wasiir 30-kii Hareemo-cad Ee Maxkamadu Amaanada Kuugu Dhiibtay Halaguugu Yimaado: Warsaxafadeed. Kormeer lagu dhiirigalinaayo ilaalinta Duur-joogta Somaliland ayaa dhawaan ka sameeyay Qaar ka mid ah Deegaamadda Somaliland ,Sidaa awgeed Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Shaqaalaheedu ,Ololayaashii La Dagaalanka Ganacsiga Duur-joogta ee ay Dalka ka samaysay Sanad iyo Badhkii Ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ,Taageero weyn ayay Shicibka deegaamadaasi ka Kasbatay ama ka Heshay. Waxaana talaabadaasi Mudnaanteeda iska leh Madaxweynaha Somaliland MD: Muuse Biixi Cabdi ,oo isku noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ,ee Mam-nuuca Ganacsiga Duur-joogta ,qaybaheeda kala duwan ,Sida Shinbiraha ,Xamaaratada iyo Qooblayda. Intaasi ka dib waxa mudooyinkii u danbeeyay soo baxaayay oo weliba Qaar ka mid ah Saxaafadu baahinaysay Warar Naxdin leh oo sheegaaya in Wasaaradda Deegaanka Somaliland iibinayso 8-Xabo oo ka mid ah 30-kii Hareemo-cad ee Maxkamada Somaliland ku Wareejisay Wasaaradda Deegaanka ee Hargeysa ,ka dib markii ay Maxkamadu Xukun ku Riday Ragii Ciidanku soo qab-qabteen ee ka Ganacsanaayay Xayawaankan Dalkana ka dhoofinaayay ,kuwaasi oo ahaa Tuug Khaayin Wadaniin ah oo Dalka iyo Deegaanka laga Qabtay. Hadaba waxaanu leenahay Wasiirka Deegaanka Somaliland ,Wasiir Shugriyay 30-Hareemo-cad ee Maxkamadda Somaliland kuu dhiibtay ee Ciidanku soo Qabteen (Waa Amaano ee Halaguugu Yimaado ) Somaliland oo dhamina 30-kaa Ayay eeganaysaaye La Soco ,Waana Hanti Qaran “Oo Naflay Ah”. Waayo? Duur-joogtii dalkani lahaa hore ayay Carabi u Gurteen ,Hareemo-Cadna 30-kaa Hargeysa jooga ayaa La Hubaa . Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Taliyayaasha Guud ee Ciidanka Booliska-na ,waxaanu leenahay waar La Socda Dhaq-dhaqaaqa Hareemo-cadyadda Hargeysa lagu xanaaneeyo ,Gacmo Shisheeye ayaa ku jira ,waananu idiinka Mahad-naqaynaa Talaabooyinkii aad ka qaadeen Ragii Duur-joogteena Xaalufiyay. Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay ,Madaxweyne Waanu kugu garab-taaganahay Go’aankii Wadaniyada lahaa ee aad Dalka kaga Mam-nuucday Carabtii Ugaadhsatada ahayd iyo Tuug-tii u shaqayn jirtay ,Taariikhdaasina adaa ku Suntan ,marka la eego Madaxweynayaashii kaa horeeyay oo iyagu Ku Suntanaa Ganacsiga Duur-joogta iyo IWM.. Imikana waxaanu ku leenahay Madaxweyne Hareemo-cadyada Hargeysa lagu Xanaaneeyo ,Deegaankoodii Hooyo ayay joogaan ,Daryeelkoodiina Way Haystaan ,Waanay Wacanyihiin ,ka war hay ,Yaan dalka laga saarin ,si qaldana loo Tur-jumin . Warsaxafadeed Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta (SAPO). By Mahad Faarax Cabdilaahi. Berbera Somaliland. Mahadfaarax2009@hotmail.com Qaran News
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay ka dib markii xabsiga la taxaabay bishii hore ee March. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa xadhigiisa la xidhiidhiyay hadal uu warbaahinta ka jeediyay oo uu ku naqdiyey xuska maalinta 18ka May, balse waxa xadhigiisa sharci-darro ku tilmaamay oo ka soo horjeestay golaha wakiillada ee uu ka tirsan yahay iyo maxkamadda. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa muddo ku dhaw laba bilood ku xidhnaa xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa. Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidda ee laga soo doortay Gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa dhawaan shacbiga Somaliland ka raali geliyey hadalkii ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool. Illaa hadda ma jiraan warar cidda ka hadashay arrintan balse warar ay helayso Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Dhakool lagu khasbay in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkii uu warbaahinta ka sheegay. Source
  8. Maxkamadda Derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa muddaysay xilliga dib loo qaadayo dacwadda la xiriirta kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo ay horay saddexdii nin ee [...] Source
  9. The opening of an alcohol-free Saudi nightclub was halted on Thursday as authorities claimed it violated legal proceedings. White nightclub, which operates as a licensed venue in Dubai and Beirut, was scheduled to open a pop-up ‘halal’ branch in Jeddah, but was shut down by authorities ahead of the arrival of its headline act, American singer-songwriter Ne-Yo. The brand is one of several operated by Dubai-based Addmind Hospitality Group, which runs venues including Indie restaurant and lounge, Italian kitchen Matto, rooftop lounge Iris, Drai’s beach club and many more. Its CEO Tony Habre told Arabian Business in April that White would open in Saudi Arabia as a “high-end café”. However, the Saudi General Authority for Entertainment said in a tweet that the event “had not been licensed” and was “a violation of legal proceedings”. It said it had agreed to a different event and that its contractor had “taken advantage” of an extension of that license to commit “unacceptable violations”. The nightclub had received mixed reviews from Saudis prior to its opening, with some condemning its dancefloor, and others welcoming its ‘halal bar’. Habre said in April that Addmind is finalising a café version of its Iris lounge in Jeddah, adding that the rooftop venue will play music and serve breakfast, lunch and dinner. “We’re finalising the Iris café for Jeddah. It will be a café and lounge with music and breakfast, lunch and dinner. It’s also a rooftop, outdoor and indoor, and a very interesting concept for the Jeddah market, which is growing, and they have great concepts opening there too,” he said. “The Saudi market will be great, because the local community goes out a lot. You have people in the country who go out a lot,” he added. Tickets to White Jeddah were priced between 500 ($134) to 1,000 Saudi riyals. The nightclub welcome a smart casual attire and visitors above the age of 18. Artist Ne-Yo, whose famous for hits ‘Closer’ and ‘Miss Independent’, apologised to his fans in the kingdom on Thursday in an Instagram post, stating, “Apologies to the people of Jeddah. On the way to the venue, I was informed it had been shutdown. Guess we’ll try it again another time. Much love to my folks at White”. Arab Business Qaran News
  10. The Somali government has said there is no danger over the outbreak of Ebola virus in the country. A Statement from the Ministry of Health and Social Services called for calm saying the situation is under control. “The is no Ebola virus threat currently in the country.” The move follows after social media comments in the past days over the level of preparedness by the Somali government regarding the cases reported in the regional countries such as Uganda. Minister for Health and Social Services, Fowzia Abikar Nur said they are closely monitoring the situation in the neighboring and regional states over the deadly various and her ministry has taken necessary measures. “The Ministry of Health and Social Services is closely monitoring the reported cases of Ebola virus across the continent mainly in Uganda.” The Ministry said in a statement, adding, “With the help from our partners such as the World Health Organization (WHO) and International Organization for Migration.” The Ministry further said that trained personnel are on stand by to monitor the situation. “The Ministry of Health has mobilized personnel that has special skills and equipment to deal with the emergency case.” At least four people have been reported to have died due to Ebola virus in Uganda last week. View the full article
  11. Somali militants killed eight Kenyan police with a roadside bomb near the border between the two countries on Saturday, officials said, while another eight died in a bombing the same group carried out in the Somali capital. Both attacks were claimed by Somali Islamist insurgents, who also kidnapped three Kenyan police reservists on Friday from the same area, in Wajir district in northeast Kenya. Kenyan military forces have occupied part of southern Somalia along the border since 2011. The Kenyans, along with allied Somali militia, wrested control of the territory from al Shabaab jihadists after a spate of kidnappings on Kenyan soil. Al Shabaab is fighting the weak, U.N.-backed Somali government and its international allies in a quest to impose strict Islamic law. The vehicle that was hit by the roadside bomb was carrying 11 policemen, police spokesman Charles Owino told Reuters. A local official said eight were killed. “Eight bodies were found and taken to Wajir. Two were rescued, but they are in critical condition,” said Muhumed Ali Gedi, a member of the local community security team from Wajir who witnessed the rescue mission. In Mogadishu, al Shabaab detonated two bombs. Police said the first blast, at a busy junction known as K4, was a car bomb intercepted by security services that caused no casualties. The other blast killed eight people and injured 16, said Abdikadir Abdirahman, the director of Aamin ambulance service. Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s spokesman for military operations, said the group was responsible for the blast in Kenya and the two in Mogadishu. View the full article
  12. Ceerigaabo (Caasimada Online) -Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi. Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool. Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaaliland oo ku aadan dhacdadan xiisada ka taagan halkaasi. Deegaanada Somaliland ayaan laga ogoleyn Calanka Soomaaliya oo loo arko in ay tahay dambi Qaran, waxaana aheyd dhawaan markii Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku soo labistay dhar laga tolay Calanka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Dhibaatada Sicir bararka, doorka ganacsatada iyo sida looga bixi karo. Hadii aan si kooban uga hadlo macnaha ereyga sicir barar waa sare ukac weyn oo ku yimaada qiimaha noocyada kala duwan ee adeegyada bulshadu isticmaasho sida maceeshada noocyadeeda kala duwan, shidaalka iyo badeecadaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolol maalmeedka bulshada. Marka hore haddaynnu eegno waxa sababa sixir bararka waxaynu kasoo qaadan karnaa laba qodob oo muhiim ah. Mid ku timaada xaga lacagta dalku isticmaalo taasoo keenta in lacagtu qiima dhacdo, qiima la, aantaas lacagtuna waxay katimaadaa iyadoo dalku daabacdo lacag cusub oo tira badan taasoo si too ah usoo gasha suuqa islamarkaana Lacagtaas aan xadka lahayn ee soo gelaysa suuqa waxay sababysaa hoos udhac weyn inuu ku yimaado lacagtii dalka islamarkaana waxay fursad unoqotaa sare ukac ku yimaada lacagaha qalaad ee sidoo kale dalka laga isticmaalo. Arrinta labaad waa mid ka timaada xaga badeecada dalka debeda kasoo gelaya ee aan ahayn kuwa ka imanaya gudaha dalka. Hadaba haddaan labadaasi qodob tusaale ugu soo qaato dhibaatada sixir barar ee ka jirta dalka Somaliland waxaynu arki karnaa in midka dhibaatada ugu badan sababay waqti xaadirkani uu yahay qodobka 2aad. Somaliland waa dal ku yaalla geeska afrika kaasoo leh maamul dhammaystiran, xuduudo iyo lacag ugaar ah. walow lacagta Somaliland ay kala simantahay lacagaha kale ee wadamada geeska afrika iyo wadamo badan oo caalamka ahba in aanay aqoonsanayn hay,adaha caalamiga ah sida worldbank iyo IMFtuba hadana waxay ku guulaysatay in ay noqoto lacag tayo leh oo la jaanqaadi karta isbadallada ku yimaada qiimaha lacagaha qalaad hase ahaatee dawladda Somaliland waqti xaadirkan masoo daabacan lacag cusub oo loo aaneeyo inay sababto sixir bararka iyo qiima dhac ku yimaada lacagta dalka Sidaasi oo ay tahay haddana bulshad Somaliland waxa dhowaanahanba saamayn weyn ku yeeshay sixir barar baahsan kaasoo kaga imanayey dhawr jiho haday noqoto qiimo dhac ku yimi lacagta shilinka Somaliland iyo haday tahay mid katimi sare ukac ku yimaadda qiimaha badeecadaha dalka debeda kasoo galaba. Qiima dhaca lacagta shilinka Somaliland wuxu sababay in lacagtii dalku waxba qiima ah yeelan weydo islamarkaana uu awood yeesho qiimaha lacagta dolarku taas oo ah lacagta labaad ee bulshadu sida weyn u isticmaasho. Haddaba qiima dhaca shilinka Somaliland wuxu si weyn saamayn ugu yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee inta badan aan debeda wax dhaqaale ahi uga iman arintaasi waxay keentay in intabadan dawlada Somaliland lagu dhaliilo wax kaqabad la, aanta hoos udhaca ku yimi lacagta dalka. Dedaallo badan oo uu sameeyey baanka Somaliland wuxu ku guulaystay inuu hoos udhigo qiimaha Dollarka islamarkaana uu sare uqaado qiimaha shilinka Somaliland taasoo ay siweyn usoo dhaweeyeen bulshada Somaliland maadama oo ay u arkayeen in hadii uu qiima yeesho shilinka Somaliland sidoo kale hoos udhac uu ku imandoono maciishadaha iyo badeecadaha kala duwan ee bulshadu isticmaasho balse taasi ma aysan dhicin waxaana si toos ah u caddaatay in doorkii ganacsatadu uu gebi ahaanba meesha kabaxay maxaa yeelay markii uu qiimaha dolarku uu sare ukacsanaa ganacsatadu waxay bulshada wax kaga iibin jireen lacagta dolarka maanta oo dolarkii hoos udhacayna waxay wax ku iibinayaan lacagtii shilinka Somaliland taas oo aanay waxba iska bedelin qiimihii ay markii hore wax ku iibinayeen. Tusaale ahaan markii dolarku kacsanaa halkii shay ee lagu iibin jirey $50 qiimihiisu wuxu ahaa 500,000 SLSH. 50 kii dolar qiimihiisii maanta waa 400,000 SLSH, balse waxba iskama bedelin qiimihii alaabtu shaygaasi halkii qiimihiisu ka ahaan lahaa 400,000 waxay ku iibinayaan 500,000 iyagoo marwalba ka eegaya wixii iyaga dani ugu jirto oo qudha arrintaasina waa mid ay ku ceebaysantahay dawladdu maadaama ay maarayn kari wayday dhibaatada ganacsatadu ku hayso bulshada danyarta ah. Hadaan soo koobo maxaa lagaga bixi karaa dhibaatadaasi sixir barar ee daashadey bulshada Somaliland bal aynnu eego afartaa qodob ee muhiimka ah. Waa in xukuumadu fiiro dhow u yeelataa isla mar ahaantaana baadhitaan iyo ukuurgal ku samaysaa badeecadaha ganacsatadu dalka soo gelineyso iyadoo u eegaysa qiimaha ay kaga soo dhoofsadaan dalalka laga soo dhoofinayo alaabta iyo ta ay ku iibinayaan ganacsatadu inay isu dhigmi karaan marka laga reebo cashuuraha ku waajibey. In dawladdu ay cadaadis saarto isla mar ahaantaana wadatashi kala yeelato ganacsatada dalka sidii la isu waafajin lahaa isbadallada qiimaha lacagta somaliland iyo qiimaha badeecaduhu hadba heerka ay marayaan si lacagta qaranku u noqoto lacag qiimaheeda la dareemo bulshadana faa,iido weyn uleh. In wasaaradda ganacsigu xidhiidh joogto ah layeelato maamulka iyo ururka ganacsatada si loo hubiyo inay fulaan arrimaha lagu heshiiyaa isla mar ahaantaana wasaaraddu ku samayso kormeer joogto ah suuqyada ganacsiga dalka oo dhan. In dawladda Somaliland iyadoo u xilsaaraysa wasaaradda beeraha ay dardar geliso isla mar ahaantaana gacan kusiiso beeralayda dalka inay badiyaan waxsoosaarkooda si looga maarmo cuntooyinka iyo maciishadaha kale ee ka imanaya dalka dibaddiisa si bulshadu uga maaranto maciishadaha qaaliga ah fursadna u siiyaan beeralayda dalku inay suuq u helaan waxsoosaarkooda. By: Ibrahim Abdi Dirir dhaqaalayahan Qaran News
  14. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir oo la hadlay warbaahinta kadib markii la soo qabtay koox dil ka fulisay todobaadkii hore bariga Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu daba jiro kuwii ka dambeeyey dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Sheekh Shaakir waxaa ii intaasi ku daray in arrinkaas ay ka wada shaqeynayaan ciidamada, culimaa’idiinka, cuqaasha, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan dadka ku nool deegaanka, raggaasna gacanta lagu dhigi-doonno. Mudane Shaakir waxaa uu sidoo kale sheegay in arrinkan aanu aheyn mid Soomaalinnimo ah “Arrin Somalilnimo ma aha, walaaltinnimo ma aha, ehelnimo ma aha”, isaga oo ku eedeeyey waxa uu ku yeeray argigixsa. Waxaa uu adkeeyey in Soomaaliya aaney dhulka kala laheyn “Dadka meel kasta ayey soconayaan, meel kasta ku ganacsanayaan, Soomaaliya waa walaaalo, islu luqad ah, isku diin, ehel ah”, sidaasi waxaa yiri Sheekh Shaakir. Ugu dambeyntii, waxaa uu Sheekh Shaakir u tacsiyeeyey ehelada dadka ay ka dhinteen ee ku nool Koonfur galbeedka iyo Hirshabelle, isaga oo ballanaaqdey in dadkaasi la geyn-doono sharciga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Baahida dhaqaale iyo dhibaatada mucaawinooyinka. Dhaqaale xumada siyaasad xumo ayay salka ku haysaa, hoggaan xumo ayaana u sabab ah. Waa ayaan darro weyn guud ahaan in qaaraddan Africa ee aynu ka midka nahay calaamad u noqotay gaajo, hoggaan kelitaliye ah iyo guuldarrooyin siyaasadeed. Waxa mar labaad dhibaato wayn ah marka Internet-ka Soomaali laga baadho in ay kugu soo boodayso faqri iyo macaluul, kuwaas oo uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah ama qoomiyadaha ay wada degen yihiin oo taagan teer iyo intii nidaam dawladeed la helay. Waxaa ka sii daran in budhcad badeed iyo argagixiso magicii soomaalinnimo lagu lammaaneeyay, taas oo saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu adduunyada ka joogo. Somaliland, innaga oo dhibtaa hore la wadaagna dadyawga soomaalida, waxaa inoo dheer aqoonsi la’aan aan dunidu weli inoo garwaaqsan dal ahaan iyada oo aynu soo jirnay in ka badan rubuc qarni, taas oo caqabad ku noqotay in aynu ka faa’iidaysan karno hay’adaha dhaqaalaha ee dunida ama taageero dhaqaale oo toos ah aynu dunida ka helno. Mushkuladaha dhaqaale xumida guud, sicir-bararka, xoolihii noolaa oo ahaa isha dhaqaale ee 1aad ee aynu dunida u dhoofinno oo Sucuudigu joojiyay iyadoo ishii dhaqaale ee 2aad oo ahayd lacagaha xawaaladaha ee debadda ka yimaadda iyagana cidhiidhi la saaray, waxaa isha dhaqaale ee 3aad loo cuskan jiray mucaawinooyinka aan tooska ahayn isla markaana aan laysku hallayn karin, kuwaas oo inta saafiga ah ee ina soo gaadha lagu qiyaaso 10% ilaa 30%. Bulshada oo intaas oo dhibaato ah la tiicaysa ayaa waxa ugu daran rejo xumada guud, qaybsanaanta iyo werwerka bulshadu soo wajahday ee aan xukuumaddu wax qorshe ah u soo bandhigin ilaa iyo maalintii madaxweynuhu talada la wareegay. Khudbaddii sanadlaha ahayd ee Madaxweynahana haba yaraatee wax barnaamij ah oo mustaqbalka u qorshaysan may xambaarsanayn. Dareenka bulshada ayaa suuqyada is waydiimo badan aad kala kulmaysaaa, bal aan sidan u cabbiro; Waar iminka maxaa innagu dhacay? Waxa la yidhi Madaxweynihii wuu handaraabay! Maxay? Dee dhaqaalihii iyo dhaqdhaqaaqii. Dee isagu malaha wax tar baabu islahaaye oo maba xuma in wixii tuugo iyo musuqmaasuq ah la xakameeyaaye, balse malaha, qolkii maaliyadda muu xidhine, aqalkii oo dhan ayuu guudka innagaga handaraabay! Cajabo Rabbi. Dhaqaalayahanka madaxa bannaan ee Azar Jammine, oo dhibtan oo kale ka faaloonaya ayaa yidhi: “Bad politics has broken economy’s resilience, now even 1% growth impossible” – oo nuxurkeedu yahay “Siyaasad xumadu waxay burburisay adkaysigii dhaqaalaha, oo iminka xataa koritaan dhaqaale oo 1% ahi suuragal ma aha.” Haddaba, markaan arkay duruufaha dhaqaale iyo is waydiimaha bulshada ee rejo-xumadu ka muuqato ayaan ku talo galay in aan faaqido dhibaatada oo qalinka u qaato, wixii iiga soo baxana bulshada la wadaago inta aan awoodo ee wakhtigu ii saamaxo, iyada oo ujeeddadu tahay, wixii dhib ah waa in wax laga qabto ama la qoro oo dhibta jirta tilmaan iyo sumad ay kuu leedahay, ilayn qofka mar kasta xil baa saarane. Dhaliisha iyo toosintu waxay ka mid yihiin guud ahaan xil-gudashada muwaadinnimo, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha siyaasiyiinta ahna waxay ku noqonaysaa waajib in ay wixii dhib ah ee jira sheegaan. Taas baana saldhig u ah qoraalkan. Waa qormo madaxbannaan waxaanan ku metalaa inta igu taageersan. Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waa mishiinka dawladnimada, waa awoodda dunidu maanta ku tartamayso. Waxaa inta badan dawladaha dunidu isku qiimeeyaan awoodda dhaqaale iyo kaalinta dalku kaga jiro hodannimada ama dadkiisu heerka ay fakhriga ka joogaan. Dhaqaaluhu waa waxa jaangooya heer nololeedka aadamaha. Shaki kuma jiro in dhaqaaluhu maanta yahay awood aan la dafiri karin iyada oo aqoontiisana lagu kala dheereeyay oo loo sameeyay qaab cilmiyeed aad qiimo weyn uga leh dunida maanta. Raysal wasaarihii ugu hore ee Ingiriiska, David Cameron, oo ka hadlaya dhaqaalaha ayaa yidhi “The economy is the start and end of everything. You can’t have successful education reform or any other reform if you don’t have a strong economy” – oo macnaheedu yahay, dhaqaaluhu waa meesha ay ka bilaabmaan ee ku dhammaadaan wax kastaa, mana samayn kartid, si guul leh dib u habayn waxbarasho ama dib u habayn kaleba haddii aanad lahayn dhaqaale xooggan. Madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan, oo sidan si ka geddisan laakiin ku dhaw uga hadlayna wuxuu yidhi “Government’s view of the economy could be summed up in a few short phrases: If it moves, tax it. If it keeps moving, regulate it. And if it stops moving, subsidize it” – Aragtida Dawladda ee dhaqaalaaha waxaa lagu soo ururin karaa kalmado kooban; haddii uu dhaqaaqo, cashuur. Haddii uu sii wado dhaqaaqa, u samee nidaam lagu hago. Sidoo kale haddii uu istaago, caawi oo kab. Diinteenna suubban ee Islaamku, si wayn ayay u tilmaantay muhiimadda iyo ilaalinta dhaqaalaha ama maalka, ilaa Sekada laga gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto shanta Tiir Islaamka, halka culimada qawaacidda fiqiga dejiyayna ay geliyeen ilaalinta maalka mabaadi’da waaweyn ee shanta ah ee diintu ilaaliso. Marka dhaqanka soomaaliga la eegana waxaa ka mid ah halkudhigyada dhaqaale, “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan”, taas oo aynu odhan karno haddii tacabku kordho dhaqaalaha ayaa kordha, haddii dhaqaaluhu kordhana waxa suurtagal ah shaqo abuur, wax la bixiyo, wax la horumariyo iyo wax la hagaajiyo iwm. Wuxuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Muuse oo tacab la’aanta ka hadlayaa: “In kastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo, isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo, dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye, waa dhaawac kugu yaal xigtada oo dhaqasho diiddaaye” Marka aan u soo noqdo mucaawinooyinku xaddiga ay ka yihiin dhaqaalahu waa 10 ilaa 21% marka laga qiyaas qaato sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay UNDP ee Aid Flow in Somalia. Iyadoo marka horeba deeqaha dunidu siiso Somaliland iyo guud ahaanba intii Soomaaliya laysku odhan jiray ay aad u yar yihiin, ayaa inta ka soo gaadhaana ay tahay faro-guudkood, haddana ma dhibaato la’a. Ilyaas M Xuseen iyo Cabdicasiis Guudcadde oo mawduucan falanqaynayey, kana qoray “Gargaarka Shisheeye: Gurmad mise Gumayn”, ayaa tilmaanta luggooyada deeqaha ugu magac daray “Leef oo ha liqin” iyaga oo ka dab qaadanaya buugga Dead Aid ee caanka ah ee ay qortay Dr Dambisa Moyo. Waxaa marar badan laga hadlaa in aan deequhu ka jawaabin baahida dhabta ah ee jirta ama aanay iman wakhtiga ku habboon. Waxaa iyaduna mugdi ku jiraa isla xisaabtankii loo baahnaa si loo ogaado xaddiga dhabta ah ee deeqda iyo inta ka soo gaadhay dalka. Waxaa arrintaa caddeeyay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Qorshayntu, Somaliland Aid Flow report: “Most organizations responded and resubmitted their reports … while others did not respond at all. Some organizations, including UN agencies, reported data without showing the amount disbursed through their implementing partners, and for that reason, the ministry was not able to sum up the amount disbursed by UN agencies and other INGOs”. Waxaa ka muuqata karti yarida xukuumadda, waxay abuuraan deequhu mararka qaar maamul xumo iyo musuqmaasuq gundheer oo sii taxan ilaa xafiisyada debadda ee laga diro. Ma inagaa kaalinteennii gabnay oo xoolihii layna siiyay dhoobi ka noqonnay mise deeqda dunida ayaa ah qawda maqashii waxna haw qaban? Akhristaha aan u dhaafo. Waxaynu ku soo ururinaynaa sababaha fursadaha siiya maamul xumada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aanta dhawrkan qodob; Debeca maamul iyo goldaloolooyinka shuruucda, dadka ka shaqaynaya qaar ma fahamsana ama sida qaldan ayaabay saxdii moodayaan, qaar waxaanay lahayn awood siyaasadeed oo ay mawqifkooda ku dificaan ama aqoon ahaan ayaanu ku soo bandhigi karin waxa uu doonayo, qaar kale waa musuqmaasuq ama isaga oo daacadba ah ayaa lagu maxlashaa musuqmaasuqa oo uu gabbood u noqdaa isaga oo aan is ogayn, qaarna waxay soo sallaxaan kubbadda oo waxay ku shaqeeyaan aragtida siyaasadeed ee dalkooda amaba deeq bixiyaha uu u shaqaynayo dan u ah, mana xaaleeyaan dhibaatada gaadhaysa dalka mashaariicda laga fulinayo iyo saamaynta xun ee mucaawinadu gaysan karto. Xilliyadii aan xukuumadda ka mid ahaa, waxaa maalin maalmaha ka mid ah xafiiska iigu yimi wefti heer sare ah oo igala hadlayay deeqo ay ka fekerayaan balse aan weli na soo gaadhin oo waddooyinka ku wajahan. Waxay iila hadleen qaab ay ka dhadhamayso haddidaad iyo harawsi. Waxaan si aan gabbosho lahayn ugu sheegay qorshahayaga iyo hannaanka aanu ugu talogalnay hawsha, ugu danbayna si fiican ayaanu isu fahannay. Waxaan joogay aqalka dalka looga taliyo, oo waxaan fahmi karayaa culayska uu kala kulmi karo qofka jooga xafiisyada kale oo iga derejo hooseeya. Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in wax laga beddelo xaaladda jirta ee deeqaha iyo barnaamijyada mucaawinooyinka, iyada oo la samaynayo fahamka guud ee odhanaya dhaqaalahan deeqbixiyuhu wuxuu ugu deeqay dalkan ee hay’ada sidda iyo cida fulinaysaa may bixin sidaa darteed xaq bay u leeyihiin dalka la siiyay in ay ogaadaan xaddiga si aan mugdi ku jirin, meesha lagu bixinayo iyo sida loo fulinayo intaba. Marka labaad waa in uu jiraa nidaam ay isla qaateen hay’adaha mashaariicda fulinaysa iyo dalka laga fulinayaa, kaas oo aan maanta Somaliland ka jirin sida lagu sheegay isla warbixinta aan soo sheegnay ee Somaliland Aid flow report, “The absence of comprehensive Aid Management Platform has put the Ministry of Planning into difficult position to monitor and report the Aid flow level”. Sidoo kale jewi daahfuran oo ay isula jaanqaadi karaan laamaha ka shaqaynaya ee labada dhinac. Waxaa iyadanu loo baahan yahay hannaan warbixineed oo si mug leh loogu warbixinayo dawladdii deeqda la siiyay, deeqbixiyihii deeqda bixiyey iyo bulshadii deeqdu gaadhay, si ay u ogaadaan xaddiga soo gaadhay loona qiimayn karo midhaha ka dhasha mashaariicda. Ugu danbayn, Intan kuma koobna laakiin waxaa ka mid ah waxyaalaha labada dhinac looga baahan yahay Dhinaca deeqda la siinayaa (Somaliland) waa in ay leedahay; Xeerka ama siyaasada deeqaha, Meelaha mudnaanta u ah qaranka, Talogelyadii iyo talooyinkii ka soo baxay bulshada iyo halka ugu danbaysa ee deeqdu gaadhayso, baadhista la sameeyay ee khataraha iyo carqaladaha iman kara, hannaanka hubinta iyo isla xisaabtanka, qaabka warbixinta iyo foomamka xogta dhinacyadu isugu gudbinayaan iyo qaabka wacyigelinta bulshadu u gaadhayso, xafiiska xogsiinta hay’adaha, buugyare xogside ah (information kit), iyo u fududaynta masuuliyiinta iyo xafiisyada ay shaqadu kaga xidhan tahay. Dhinaca deeqbixiyaha (Donors) ah ugu horrayn waa in loo cayimaa shaqaale hoggaamin kara mashaariicda, taas oo uga baahan deeqbixiyaha iyo hay’adaha caalamiga ahi inta aan shaqada la bilaabin ilaa ay hubiyaan in kooxda shaqada fulinaysaa ay leedahay aqoontii iyo kartidii loo baahnaa. Bilawga qaabaynta iyo naqshadaynta barnaamijka (Project design) waxaa muhiim ah texgelinta ra’yiga iyo talo-wadaagta dawladda iyo hay’adaha fulinta shaqadu hoos timaaddo iyo dadka ay mashaariicdu gaadhayaan si ay mashriicdu ugu fulaan sida ugu wanaagsan ee loogu baahida badan yahay ama raandhiiska u leh bulshada, xog xaqiiqo ku dhisan iyo cilmi baadhis ka turjumaysa waaqica jira, hubinta in aan mashaariicdu salka ku hayn waxyaalo abuuri kara khilaaf iyo mushkilado, waana in uu jiro qaybta hagitaanka iyo kormeerka mashaariicda. Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani. Source
  16. Health authorities in Kericho County are on a red alert over a suspected case of Ebola. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Haweenay Hore Ula Kulantay Madaxweyne Biixi Oo Noqonaysa Marwada 1-aad Ee Ingiriiska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegaya in ruux looga shakiyay xanuunka Ebola lagu takooray deegaanka Kericho, waxaana la dhigay xarun caafimaad ku taala dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in ruuxaasi lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Kericho, waxaana la sheegay in ruuxaasi oo haweeney ah lagu arkay qaar kamid ah calaamadaha lagu garko xanuunkaasi. Qofkan oo haweenay ah ayaa ka timid magaalada xuduudda ah ee Malaba halkaas oo ay ku kulmeen ninkeeda taas oo dhalisay welwelka ugu badan ee ay ka qabaan laamaha Caafimaadka ee dalka Kenya. Deegaanka Malabo ayaa ku yaala dhanka xuduuda Uganda iyo Kenya, waxaana ninkeeda oo ku nool dalka Uganda la sheegay in isna looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka Ebola oo dhibaato badan u geystay dadka ku nool Galbeedka Africa. Dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Kericho ayaa takooray qofkan iyadoo wali baaritaan lagu wado, Illaa hadda calaamadaha cudurka oo qandho daran kamid tahay ayaa lagu arkay qofkaan. Dalka Uganda ayaa dhawaan lagu arkay cudurka Ebola dadna ku dilay, waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in cudurkan uu kusii faafo deegaano hor leh uuna geesto dhibaatooyin xoogan. Wasiirka caafimaadka xukuumadda ayaa dhawaan shaacisay inaysan qabin baqdin weyn oo xanuunkaasi ku aadan, waxaana heegan la geliyay hay’ado caafimaad oo arimahaasi ka hortagaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdsisho Caasimada@live.com
  19. Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney gudbin-doonto dacwad ka dhan ah dalalka Ingiriiska iyo Norway, iyada oo labada dal ku eedeysay iney hurinayaan kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Dhinaca kale, sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney dalkiisa uu xoogga saarayo in dib loo furo wadahadal ku aadan kiiska badda kadib markii ay fashilmeen kuwii hore. Wada hadalka waa waddada keliya ee xalka muranka labada dal, waana waddada aan inagu mar walbo riixeyno” sidaasi waxaa yiri Col Cyrus Oguna, oo afhayeenka dowladda Kenya. Hadalkan waxaa uu imaanayaa kadib markii war ka soo baxay Qaramada Midoobey looga digay dalalka reer galbeedka ee shidaal ka raadinaya goobaha lagu muransan yahay ay sii hurin karaan colaadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Yemen)-Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saaka diyaarad daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga. Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in diyaarad daroon lagu weeraray garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan garoonkaasi hal toddobaad gudihiisa. Dowladda Sacuudiga weli lama xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saaka ku qaadeen garoonka Abha. Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay diyaarado daroonis ah ku weerareen laba Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga. Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen. Source
  21. Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey dil todobaadkii hore 4 qof loogu geystay duleedka Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda ee dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xariga ka hadlay ayaa sheegay in ciimada ammaanka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana la soo taagi-doono maxkamad. Sheekhda waxaa uu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid foolxun, isaga sidoo kale ka dhawaajiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo soo taagi-doono maxkamad. Ragga la dilay oo 4 ahaa waxaa ay ahaayeen dad ka ganacsada shinnida, waxaana lagu dilay duleedka Dhuusamareeb, dhammaan waxaa ay ka soo-jeedeen koonfur galbeed Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa Axadii la horgeeyey xafiiska xeer illaalinta oo kusoo oogtay danbiyo la xariira musuq maasuq iyo dhaca Hantida Qaranka. Cumar Al Bashiir oo hada ah 75 sano jir ayaa waxaa garbaha ka socday ciidamo badan oo illaalo ah oo kasoo kaxeeyey xabsiga lagu hayo ee Kobar oo ku yaal duleedka caasimada Khartuum. Xeer illaalinta ayaa u akhrisay Cumar Al Bashiir dhamaan danbiyada loo heysto iyadoo sidoo kale su’aalo dheeraad ah laga weydiiyey danbiyada la xariira musuq maasuqa, waxaana la siiyey muddo hal asbuuc ah inuu jawaab ka bixiyo danbiyada loo heysto, hadii uu ku guuleysan waayo waxaa loo gudbinayaa maxkamada dalkaasi oo bilaabi doonta dhageysiga danbiyada lagu soo oogay. Danbiyada loo heysto Cumar ayaa waxaa kamid ah in gurigiisa laga helay lacag gaareysa 113 milyan oo dollar, arrintan oo jabineysa sharuucdii uu dhaqan geliyey isla Cumar Al Bashiir. Bishii Feberaayo ee sanadkan xili ay dalkaasi ka socdeen rabshado ka dhashay sicir bararka iyo maciishada qaaliga noqotay ayuu xiligaasi Cumar Al Bashiir amar ku bixiyey in la xiro qofkii lagu qabto in ka badan 3.000 lacagta qalaad, kadib markii xukunka laga tuuray bishii April ayaa baaritaan lagu sameeyey gurigiisa laga helay in ka badan 113 milyan oo dollarka Maraykanka ah. Mucaaridka Sudan ayaa u arka kiiskan Cumar Al Bashiir uusan ahayn maxkamad cadaalad ah balse militariga doonayo inuu isaga sii jeediyo xiisada dalkaasi ka taagan iyo dilalkii ay ciidamada geysteen horaantii bishan oo Golaha Militariga usoo jiiday cambaareynta Beesha Caalamka. Militariga Sudan ayaan weli go’aan ka gaarin in Cumar Al Bashiir ay u gacan gelin doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ICC oo horey ugu soo eedaysay Madaxweynihii hore ee Sudan danbiyadii ka dhacay dagaaladii gobalka Darfur iyo xasuuqii ay geysteen ciidamadiisa, balse isla maxkamadaasi ay danbiyo kuwaasi lamid ah kusoo oogtay xubno sar sare oo kamid ah Taliska Militariga ee hada weli maamulaya wadanka Sudan. Waxaa xusid mudan ciidamada loo yaqaan (Gurmadka Deg Deg ah) ee horaantii bishan June dilalka u geystay shacabka mudaharaadka ka wada caasimada Khartuum ay u badan yihiin maleeshiyaadkii la oron jiray (Janjawiidka) ee uu Cumar Al Bashiir u adeegsaday dagaalkii gobalka Darfur, ciidamadan ayaa si toos ah u hoostaga Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo ah Kuxigeenka Taliyaha Militariga oo kamid ah xubnaha ugu awooda badan Golaha Militariga ee la wareegay xukunka dalkaasi. Source
  23. (SLT-Addis Ababa)-Duuliyeyaashii waday diyaaraddii Ethiopian Airline ee dhacday bishii March ee ay ku dhinteen 157 ruux wax dambi ah ma aysan lahayn, sida uu sheegay agaasimaha guud ee shirkaddaasi diyaaradaha. Eedaymaha shaqaalaha loo jeediyay waxay ahaayeen “kuwo aan waxba ka jirin oo la isla wadaagay” ayuu yiri Tewolde GebreMariam oo la hadlay BBC. Wuxuu kajawaabayay hadal ka soo yeeray qof ka tirsan aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka oo sheegay in ciladda ku timid diyaaradda ay masuul ka ahaayeen duuliyeyaashii diyaaradda. Diyaaradda Boeing 737 Max ayaa dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa. Diyaaradda Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa noqotay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay 737 Max ee burburta muddo shan sano gudaheed ah. Diyaarad ay leedahayLion Air oo ay midda Itoobiya isku nooc ahaayeen ayaa ku dhacday badda Jakarta bishii Oktoobar ee sannadkii 2018. Warbixinnada hordhaca ah eeee labada shilba waxay muujiyeen in ay horseedday qalabka lagu maamulo duulimaadka oo amar isa siiyay ka dib markii uu akhriyad cillad aan jirin. Sam Graves oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ayaa Washignton ka sheegay bishii hore in “xaqiiqdii warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in ciladdu ay ka dhalatay khalad ka yimid duuliyeyaasha”. Isaga oo hadalka sii watana wuxuu sheegay in “duuiyeyaasha lagu tababaray Maraykanka ay si buuxda u maarayn lahaayeen xakamaynta xaaladda”. Tewolde oo arrintaas ka jawaabaya ayaa BBC-da u shegay in Graves “uusan gacanta ku hayn xaqiiqada”. Warbixinta hordhaca ah ayuu sheegay “in ay si cad u muujisay in duuliyeyaashu ay si wanaagsan u mareen nidaamka”. Source