-
Content Count
208,730 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baladweyne (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay bilaabeen in ay isaga baxaan fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in maanta ay arkayeen Ciidamadaasi oo ka baxaya xarun ay ku leeyhiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Wararka hoose ayaa intaasi ku daraya in sababta ka dambeysa arrintani ay tahay xiisada weli ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in haatan fariisimo cusub ay ka sameyteen deegaanka Ceel Gaal oo dhaca duleedka M/ Baladweyne. Muddooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo dhagax lagu dilay deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer. Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Somaliland oo uu wehlinayo Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer ayaa maanta warbaahinta la hadlay, iyagoona ka warbixiyey qaabkii ay u dhacday dhacdadaasi lagu dilay Askariga ka tirsanaa ciidamada. Ugu horeyntiina Sareeye Gaas Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay falkaasi geysteen maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday mid kamida shirkadaha ka howl-gala deegaanka Fiqi Ayuub. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdaasi dhagax ay kusoo tuureen Ciidamada Somaliland uu haleelay mid kamid ah ciidamada oo uu ku geeriyooday, kaasi oo lagu magacaabi jirey Keyse Maxamed Cawaale. Taliye Fooxle ayaa waxa kale oo uu sheegay in rabshadaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland. Axmed Aw Cali Shabeelle, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa isaguna waxa uu sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Askari ka tirsan ciidamada Somaliland dhagax lagu dilo, kaasi oo u xusay in Askar toban iyo dhowr ah lagu dilay dhagaxaasi. Taliye Shabeele, ayaa Ciidamada Booliska ku amaanay sida ay u dhowrayaan nafaha dadka shacabka ah, isagoona digniin adag u direy Bulshada caadeysatay inay dhagaxeeyan Askarta, sheegayna in aan loo dul qaadan doonin. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed xareed Faarax Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa maanta shaaciyay wakhtiga loo muddeeyay, dhegaysiga dacwadda rafcaanka, saddex nin oo ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxamed Xareed ayaa sheegay in dhegaysiga dacwadda rafcaanka loo muddeeyay, Sabtida todobaadka soo socda oo ku beegan 22-ka bishan June 2019, kadib markii eedaysanayaashu ay rafcaan ka qaateen xukunkii hore loogu riday. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May ee sannadkan xukun dil ah ku ridday, saddex eedaysane oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay, kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas. Balse, eedaysanayaaasha ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana sida hadda xeer-ilaalintu sheegtay dacwadda rafcaanka la dhegaysan doonaa sabtida todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post xeer-ilaalinta Puntland oo shaacisay wakhtiga la dhegaysan doono dacwadda Rafcaan Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaliya ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Weerarka kadib ayaa la sheegay in Ciidamada dowladdu ay iska cabin xoogan kala kulmeen dhanka Al Shabaab. Ma cadda iyo haatan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta Awdheegle iyo deegaano hoos yimaada degmadaasi. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaaliya. War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeytani oo 5 tii bishan ka dhacay deegaanka Tooratoorow lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay u jeedka duqeynta uu ahaa mid looga hortagayay weerarada Al Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaciyay in uu sii wadi doono duqeymaha iyo weerarada uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
MOGADISHU (Xinhua) -- A senior UN official expressed optimism about the state of political and economic relations between the world body and the Somali government. Source: Hiiraan Online
-
Burco (SMN) – Taliye Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer Axmed Ow Cali ayaa ka warbixiyay weerar loo adeegsaday dhagax oo lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulkaasi. Dilka askarigan ayaa ka dhacay deegaanka Fiqi Ayuub ee gobolka Togdheer, kadib markii ay isku dhaceen Boolis iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo ku sugna halkaasi. Taliyeku xigeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in shaqaaqadu markii hore ka bilaabatay weerar maleeshiyaadka ay ku qaadeen shirkado ku yaalla deegaankaasi, kadibna Ciidanka oo ku baxay arrintaasi ay sababtay dhagax ay soo tureen kooxahaasi in Maskaxda uu kaga dhacay askari lagu Magacaabi jiray Keyse Maxamed maskaxda, sidaasina uu ugu geeriyooday. Dhankiisa taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Togdheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in dhacdadan aysan aheyn mid ku cusub Somaliland, islamarkaana horay sidan oo kale loogu dilay Askar ka tirsanaa maamulkaasi. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortagto wax kasta oo liddi ku ah nabad galyada. Ma jirto weli cid loo soo qabtay shaqaaqadaasi, balse Ciidanka Somaliland ayaa weli baaritaano ka wada duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. View the full article
-
One of the six states of Somalia has called for a meeting to discuss deteriorating relations between the Horn of Africa nation and Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah furay Qoraalka Manhajka Waxbarashada Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Faarax , agaasimaha Waaxda Manaahijta, Abdulqaadir Yuusuf Nuux , xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo madax ka socota hay’adda UNICEF iyo Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay daahfurka Manhajka. Mashruucan qorista Manhajka ayaa socon doono muddo saddex bilood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo isniin ah , waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership. Barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa kor uqaadida tirada ardayda iyo tayada ka qaybgalka waxbarashada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada Puntland , xoojinta kormeerka, manhajka iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dowladda. Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladu ahmiyadda labaad ay siisay waxbarashada, marka laga reebo amniga, maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuuridda jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed ee Puntland. Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax Farmayeeri waxaa uu yiri” maanta waxaan ku guuleysanay ina qorno Manhajka dugsiyada hoose fasalka 1aad ilaa 4aad waxana isla sanad guul ka gaarayna Buugaagta kale oo noo dhima”. Mudane Farmayeeri ayaa tilmaamay in marna aan la illaawi doonin doorkii bahda Waxbarashada ay ka soo qaateen, intii lagu guda jiray geedi-socodkii Manhjka Waxbarashada Puntland. Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmiya qoraalka Manhajka uga daah-furay xarunta kulliyadda Tababarka macallimiinta Puntland ee GTEC. Halkaan hoose ka eeg sawirada furitaanka Manhajka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah-furay qoraalka Manhajka waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-17062019.mp3 View the full article
-
Bariire (Caasimada Online) – Labo ka tirsanaa maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax la sheegay in ay ku diyaarinayeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla deegaaankaasi oo lagu farsameynayay walxaha qaraxa, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaank ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in halkaasi ay soo saareen Meydka labada nine ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale Ciidamada oo isku geedaamay guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano saacado badan qaatay ka sameeyay halkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaastii 60 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka saaray dagaalyahannada Al-Shabaab oo muddo ka talinayay deegaankaasi. Howlgallo iyo guluf dagaal ayaa si aad ah uga socda Shabeelaha Hoose, waxaase weeraro iyo qaraxyo ka fuliya Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The United Nations Assistant Secretary-General (ASG) for Africa in the Departments of Political and Peacebuilding Affairs and Peace Operations, Bintou Keita, today concluded her five-day working visit to Somalia with a tour of Kismayo, the interim capital of Jubaland, to familiarise herself with developments taking place in the federal member state. Ms. Keita held a closed-door meeting with the Second Vice President of Jubaland, Abdulkadir Haji Mohamed Yusuf, and state ministers Mursal Khalif and Ismail Ahmed Garas. The trip marked Ms. Keita’s first visit to Somalia since she was appointed Assistant Secretary-General at the beginning of this year. “I started as Assistant Secretary General for Africa on January 1 as part of the implementation of the reforms of the Secretary-General, and now I am dealing with all the countries in Africa,” said ASG Keita during her stay in Kismayo. “One of them is Somalia.” “I wanted to find out what are the dynamics in Mogadishu and I also wanted to see what are the dynamics in one of the member states, so this is why I came to Kismayo,” she added, following her meeting with senior Jubaland State officials. Ms. Keita’s visit to Jubaland State came at a time when the federal member state is preparing for legislative and presidential elections scheduled for July and August, respectively. The UN and the African Union Mission in Somalia are aiding with preparations to ensure that the voting is free, fair and peaceful. Prior to her visit to Kismayo, Ms. Keita arrived in Somalia last Wednesday and met Prime Minister Hassan Ali Khaire and other top federal government officials on 15 June. The discussions focused on the participation of women in the country’s political process and economic reforms, and the relations between the UN and the federal government. “We discussed the vision around where the country has to be in the medium term, and it has a lot to do with political governance, the establishment of federalism as well as the economic situation, particularly the decision point for debt relief,” the ASG noted. Somalia is lobbying international creditors to cancel its foreign debt, most of which was accumulated prior to the outbreak of the civil war in 1991. The federal government maintains that debt relief will help the country invest its resources into reviving the economy and creating more jobs for its youthful population. Keita expressed satisfaction with the state of relations between the UN and the federal government and said that cooperation will be further bolstered by the arrival of the recently designated Special Representative of the UN Secretary- General for Somalia, James Swan. In her meeting with Somali women leaders, ASG Keita urged women to fight for their rights and vote for female candidates who vie for positions of leadership in order to increase their participation in the country’s decision-making process. In thanking Ms. Keita for her visit, the chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative, Asha Abdulle Siyad, appealed to the international community to continue supporting the women of Somalia in their quest for gender parity. “We need to have an article (in the constitution) that specifically says the minimum 30 percent (of parliamentary seats) should be (reserved for) women,” observed Ms. Siyad, who also warned that implementation of such a principle will present another challenge for Somali women. Somali women activists have been lobbying members of the federal parliament to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the 30 percent gender quota in the country’s future legislatures. As a result of the 2016 electoral process, female representation in Somalia’s federal parliament rose from 14 percent in the outgoing legislature to 24 percent, but it still fell short of the 30 percent quota goal. Ms. Keita also held discussions with representatives of youth groups, whom she urged to initiate a process that would help the UN and the broader international community to engage more effectively with young people on various issues concerning them. “The youth are the leaders of today and the leaders of tomorrow,” said the ASG. “You are part of (Somalia), which means that the engagement, the participation and the political participation are all part of that path for leadership.” View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay xabsiga ka sii deysay Xildhibaan Dhakool oo kamid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland. Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu booliska Somaliland kasoo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa waqti habeennimo ah, kadib labo maalmood markii uu ka hadlay xuska 18-May oo ku tilmaamay maalin Madow. Xildhibaanka ayaa muddo ka badan hal bil ku xirnaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay diiday inay kiiskiisa furto, iyadoona sheegtay inaysan awood u laheyn dhageysiga dacwadaasi. Sii deynta Xildhibaan dhakool ayaa waxay daba socota kadib markii ay dhawaan ka hadleen xubno ka tirsan beeshiisa oo raali-gelin ka bixiyey gaf ay sheegen inuu ka galay qaranka Somaliland. Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuska 18-May, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland. Sida aanu wararkaygii hore idinku baahinay Dhakool ayaa raali-gelintiisaa ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, taasi oo ay maanta fulisay xukuumada Muuse Biixi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiirka Deegaanka Somaliland Waxaanu Leenahay ,Wasiir 30-kii Hareemo-cad Ee Maxkamadu Amaanada Kuugu Dhiibtay Halaguugu Yimaado: Warsaxafadeed. Kormeer lagu dhiirigalinaayo ilaalinta Duur-joogta Somaliland ayaa dhawaan ka sameeyay Qaar ka mid ah Deegaamadda Somaliland ,Sidaa awgeed Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Shaqaalaheedu ,Ololayaashii La Dagaalanka Ganacsiga Duur-joogta ee ay Dalka ka samaysay Sanad iyo Badhkii Ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ,Taageero weyn ayay Shicibka deegaamadaasi ka Kasbatay ama ka Heshay. Waxaana talaabadaasi Mudnaanteeda iska leh Madaxweynaha Somaliland MD: Muuse Biixi Cabdi ,oo isku noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ,ee Mam-nuuca Ganacsiga Duur-joogta ,qaybaheeda kala duwan ,Sida Shinbiraha ,Xamaaratada iyo Qooblayda. Intaasi ka dib waxa mudooyinkii u danbeeyay soo baxaayay oo weliba Qaar ka mid ah Saxaafadu baahinaysay Warar Naxdin leh oo sheegaaya in Wasaaradda Deegaanka Somaliland iibinayso 8-Xabo oo ka mid ah 30-kii Hareemo-cad ee Maxkamada Somaliland ku Wareejisay Wasaaradda Deegaanka ee Hargeysa ,ka dib markii ay Maxkamadu Xukun ku Riday Ragii Ciidanku soo qab-qabteen ee ka Ganacsanaayay Xayawaankan Dalkana ka dhoofinaayay ,kuwaasi oo ahaa Tuug Khaayin Wadaniin ah oo Dalka iyo Deegaanka laga Qabtay. Hadaba waxaanu leenahay Wasiirka Deegaanka Somaliland ,Wasiir Shugriyay 30-Hareemo-cad ee Maxkamadda Somaliland kuu dhiibtay ee Ciidanku soo Qabteen (Waa Amaano ee Halaguugu Yimaado ) Somaliland oo dhamina 30-kaa Ayay eeganaysaaye La Soco ,Waana Hanti Qaran “Oo Naflay Ah”. Waayo? Duur-joogtii dalkani lahaa hore ayay Carabi u Gurteen ,Hareemo-Cadna 30-kaa Hargeysa jooga ayaa La Hubaa . Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Taliyayaasha Guud ee Ciidanka Booliska-na ,waxaanu leenahay waar La Socda Dhaq-dhaqaaqa Hareemo-cadyadda Hargeysa lagu xanaaneeyo ,Gacmo Shisheeye ayaa ku jira ,waananu idiinka Mahad-naqaynaa Talaabooyinkii aad ka qaadeen Ragii Duur-joogteena Xaalufiyay. Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay ,Madaxweyne Waanu kugu garab-taaganahay Go’aankii Wadaniyada lahaa ee aad Dalka kaga Mam-nuucday Carabtii Ugaadhsatada ahayd iyo Tuug-tii u shaqayn jirtay ,Taariikhdaasina adaa ku Suntan ,marka la eego Madaxweynayaashii kaa horeeyay oo iyagu Ku Suntanaa Ganacsiga Duur-joogta iyo IWM.. Imikana waxaanu ku leenahay Madaxweyne Hareemo-cadyada Hargeysa lagu Xanaaneeyo ,Deegaankoodii Hooyo ayay joogaan ,Daryeelkoodiina Way Haystaan ,Waanay Wacanyihiin ,ka war hay ,Yaan dalka laga saarin ,si qaldana loo Tur-jumin . Warsaxafadeed Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta (SAPO). By Mahad Faarax Cabdilaahi. Berbera Somaliland. Mahadfaarax2009@hotmail.com Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay ka dib markii xabsiga la taxaabay bishii hore ee March. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa xadhigiisa la xidhiidhiyay hadal uu warbaahinta ka jeediyay oo uu ku naqdiyey xuska maalinta 18ka May, balse waxa xadhigiisa sharci-darro ku tilmaamay oo ka soo horjeestay golaha wakiillada ee uu ka tirsan yahay iyo maxkamadda. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa muddo ku dhaw laba bilood ku xidhnaa xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa. Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidda ee laga soo doortay Gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa dhawaan shacbiga Somaliland ka raali geliyey hadalkii ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool. Illaa hadda ma jiraan warar cidda ka hadashay arrintan balse warar ay helayso Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Dhakool lagu khasbay in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkii uu warbaahinta ka sheegay. Source
-
The opening of an alcohol-free Saudi nightclub was halted on Thursday as authorities claimed it violated legal proceedings. White nightclub, which operates as a licensed venue in Dubai and Beirut, was scheduled to open a pop-up ‘halal’ branch in Jeddah, but was shut down by authorities ahead of the arrival of its headline act, American singer-songwriter Ne-Yo. The brand is one of several operated by Dubai-based Addmind Hospitality Group, which runs venues including Indie restaurant and lounge, Italian kitchen Matto, rooftop lounge Iris, Drai’s beach club and many more. Its CEO Tony Habre told Arabian Business in April that White would open in Saudi Arabia as a “high-end café”. However, the Saudi General Authority for Entertainment said in a tweet that the event “had not been licensed” and was “a violation of legal proceedings”. It said it had agreed to a different event and that its contractor had “taken advantage” of an extension of that license to commit “unacceptable violations”. The nightclub had received mixed reviews from Saudis prior to its opening, with some condemning its dancefloor, and others welcoming its ‘halal bar’. Habre said in April that Addmind is finalising a café version of its Iris lounge in Jeddah, adding that the rooftop venue will play music and serve breakfast, lunch and dinner. “We’re finalising the Iris café for Jeddah. It will be a café and lounge with music and breakfast, lunch and dinner. It’s also a rooftop, outdoor and indoor, and a very interesting concept for the Jeddah market, which is growing, and they have great concepts opening there too,” he said. “The Saudi market will be great, because the local community goes out a lot. You have people in the country who go out a lot,” he added. Tickets to White Jeddah were priced between 500 ($134) to 1,000 Saudi riyals. The nightclub welcome a smart casual attire and visitors above the age of 18. Artist Ne-Yo, whose famous for hits ‘Closer’ and ‘Miss Independent’, apologised to his fans in the kingdom on Thursday in an Instagram post, stating, “Apologies to the people of Jeddah. On the way to the venue, I was informed it had been shutdown. Guess we’ll try it again another time. Much love to my folks at White”. Arab Business Qaran News
-
The Somali government has said there is no danger over the outbreak of Ebola virus in the country. A Statement from the Ministry of Health and Social Services called for calm saying the situation is under control. “The is no Ebola virus threat currently in the country.” The move follows after social media comments in the past days over the level of preparedness by the Somali government regarding the cases reported in the regional countries such as Uganda. Minister for Health and Social Services, Fowzia Abikar Nur said they are closely monitoring the situation in the neighboring and regional states over the deadly various and her ministry has taken necessary measures. “The Ministry of Health and Social Services is closely monitoring the reported cases of Ebola virus across the continent mainly in Uganda.” The Ministry said in a statement, adding, “With the help from our partners such as the World Health Organization (WHO) and International Organization for Migration.” The Ministry further said that trained personnel are on stand by to monitor the situation. “The Ministry of Health has mobilized personnel that has special skills and equipment to deal with the emergency case.” At least four people have been reported to have died due to Ebola virus in Uganda last week. View the full article
-
Somali militants killed eight Kenyan police with a roadside bomb near the border between the two countries on Saturday, officials said, while another eight died in a bombing the same group carried out in the Somali capital. Both attacks were claimed by Somali Islamist insurgents, who also kidnapped three Kenyan police reservists on Friday from the same area, in Wajir district in northeast Kenya. Kenyan military forces have occupied part of southern Somalia along the border since 2011. The Kenyans, along with allied Somali militia, wrested control of the territory from al Shabaab jihadists after a spate of kidnappings on Kenyan soil. Al Shabaab is fighting the weak, U.N.-backed Somali government and its international allies in a quest to impose strict Islamic law. The vehicle that was hit by the roadside bomb was carrying 11 policemen, police spokesman Charles Owino told Reuters. A local official said eight were killed. “Eight bodies were found and taken to Wajir. Two were rescued, but they are in critical condition,” said Muhumed Ali Gedi, a member of the local community security team from Wajir who witnessed the rescue mission. In Mogadishu, al Shabaab detonated two bombs. Police said the first blast, at a busy junction known as K4, was a car bomb intercepted by security services that caused no casualties. The other blast killed eight people and injured 16, said Abdikadir Abdirahman, the director of Aamin ambulance service. Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s spokesman for military operations, said the group was responsible for the blast in Kenya and the two in Mogadishu. View the full article
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) -Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi. Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool. Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaaliland oo ku aadan dhacdadan xiisada ka taagan halkaasi. Deegaanada Somaliland ayaan laga ogoleyn Calanka Soomaaliya oo loo arko in ay tahay dambi Qaran, waxaana aheyd dhawaan markii Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku soo labistay dhar laga tolay Calanka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dhibaatada Sicir bararka, doorka ganacsatada iyo sida looga bixi karo. Hadii aan si kooban uga hadlo macnaha ereyga sicir barar waa sare ukac weyn oo ku yimaada qiimaha noocyada kala duwan ee adeegyada bulshadu isticmaasho sida maceeshada noocyadeeda kala duwan, shidaalka iyo badeecadaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolol maalmeedka bulshada. Marka hore haddaynnu eegno waxa sababa sixir bararka waxaynu kasoo qaadan karnaa laba qodob oo muhiim ah. Mid ku timaada xaga lacagta dalku isticmaalo taasoo keenta in lacagtu qiima dhacdo, qiima la, aantaas lacagtuna waxay katimaadaa iyadoo dalku daabacdo lacag cusub oo tira badan taasoo si too ah usoo gasha suuqa islamarkaana Lacagtaas aan xadka lahayn ee soo gelaysa suuqa waxay sababysaa hoos udhac weyn inuu ku yimaado lacagtii dalka islamarkaana waxay fursad unoqotaa sare ukac ku yimaada lacagaha qalaad ee sidoo kale dalka laga isticmaalo. Arrinta labaad waa mid ka timaada xaga badeecada dalka debeda kasoo gelaya ee aan ahayn kuwa ka imanaya gudaha dalka. Hadaba haddaan labadaasi qodob tusaale ugu soo qaato dhibaatada sixir barar ee ka jirta dalka Somaliland waxaynu arki karnaa in midka dhibaatada ugu badan sababay waqti xaadirkani uu yahay qodobka 2aad. Somaliland waa dal ku yaalla geeska afrika kaasoo leh maamul dhammaystiran, xuduudo iyo lacag ugaar ah. walow lacagta Somaliland ay kala simantahay lacagaha kale ee wadamada geeska afrika iyo wadamo badan oo caalamka ahba in aanay aqoonsanayn hay,adaha caalamiga ah sida worldbank iyo IMFtuba hadana waxay ku guulaysatay in ay noqoto lacag tayo leh oo la jaanqaadi karta isbadallada ku yimaada qiimaha lacagaha qalaad hase ahaatee dawladda Somaliland waqti xaadirkan masoo daabacan lacag cusub oo loo aaneeyo inay sababto sixir bararka iyo qiima dhac ku yimaada lacagta dalka Sidaasi oo ay tahay haddana bulshad Somaliland waxa dhowaanahanba saamayn weyn ku yeeshay sixir barar baahsan kaasoo kaga imanayey dhawr jiho haday noqoto qiimo dhac ku yimi lacagta shilinka Somaliland iyo haday tahay mid katimi sare ukac ku yimaadda qiimaha badeecadaha dalka debeda kasoo galaba. Qiima dhaca lacagta shilinka Somaliland wuxu sababay in lacagtii dalku waxba qiima ah yeelan weydo islamarkaana uu awood yeesho qiimaha lacagta dolarku taas oo ah lacagta labaad ee bulshadu sida weyn u isticmaasho. Haddaba qiima dhaca shilinka Somaliland wuxu si weyn saamayn ugu yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee inta badan aan debeda wax dhaqaale ahi uga iman arintaasi waxay keentay in intabadan dawlada Somaliland lagu dhaliilo wax kaqabad la, aanta hoos udhaca ku yimi lacagta dalka. Dedaallo badan oo uu sameeyey baanka Somaliland wuxu ku guulaystay inuu hoos udhigo qiimaha Dollarka islamarkaana uu sare uqaado qiimaha shilinka Somaliland taasoo ay siweyn usoo dhaweeyeen bulshada Somaliland maadama oo ay u arkayeen in hadii uu qiima yeesho shilinka Somaliland sidoo kale hoos udhac uu ku imandoono maciishadaha iyo badeecadaha kala duwan ee bulshadu isticmaasho balse taasi ma aysan dhicin waxaana si toos ah u caddaatay in doorkii ganacsatadu uu gebi ahaanba meesha kabaxay maxaa yeelay markii uu qiimaha dolarku uu sare ukacsanaa ganacsatadu waxay bulshada wax kaga iibin jireen lacagta dolarka maanta oo dolarkii hoos udhacayna waxay wax ku iibinayaan lacagtii shilinka Somaliland taas oo aanay waxba iska bedelin qiimihii ay markii hore wax ku iibinayeen. Tusaale ahaan markii dolarku kacsanaa halkii shay ee lagu iibin jirey $50 qiimihiisu wuxu ahaa 500,000 SLSH. 50 kii dolar qiimihiisii maanta waa 400,000 SLSH, balse waxba iskama bedelin qiimihii alaabtu shaygaasi halkii qiimihiisu ka ahaan lahaa 400,000 waxay ku iibinayaan 500,000 iyagoo marwalba ka eegaya wixii iyaga dani ugu jirto oo qudha arrintaasina waa mid ay ku ceebaysantahay dawladdu maadaama ay maarayn kari wayday dhibaatada ganacsatadu ku hayso bulshada danyarta ah. Hadaan soo koobo maxaa lagaga bixi karaa dhibaatadaasi sixir barar ee daashadey bulshada Somaliland bal aynnu eego afartaa qodob ee muhiimka ah. Waa in xukuumadu fiiro dhow u yeelataa isla mar ahaantaana baadhitaan iyo ukuurgal ku samaysaa badeecadaha ganacsatadu dalka soo gelineyso iyadoo u eegaysa qiimaha ay kaga soo dhoofsadaan dalalka laga soo dhoofinayo alaabta iyo ta ay ku iibinayaan ganacsatadu inay isu dhigmi karaan marka laga reebo cashuuraha ku waajibey. In dawladdu ay cadaadis saarto isla mar ahaantaana wadatashi kala yeelato ganacsatada dalka sidii la isu waafajin lahaa isbadallada qiimaha lacagta somaliland iyo qiimaha badeecaduhu hadba heerka ay marayaan si lacagta qaranku u noqoto lacag qiimaheeda la dareemo bulshadana faa,iido weyn uleh. In wasaaradda ganacsigu xidhiidh joogto ah layeelato maamulka iyo ururka ganacsatada si loo hubiyo inay fulaan arrimaha lagu heshiiyaa isla mar ahaantaana wasaaraddu ku samayso kormeer joogto ah suuqyada ganacsiga dalka oo dhan. In dawladda Somaliland iyadoo u xilsaaraysa wasaaradda beeraha ay dardar geliso isla mar ahaantaana gacan kusiiso beeralayda dalka inay badiyaan waxsoosaarkooda si looga maarmo cuntooyinka iyo maciishadaha kale ee ka imanaya dalka dibaddiisa si bulshadu uga maaranto maciishadaha qaaliga ah fursadna u siiyaan beeralayda dalku inay suuq u helaan waxsoosaarkooda. By: Ibrahim Abdi Dirir dhaqaalayahan Qaran News
-
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir oo la hadlay warbaahinta kadib markii la soo qabtay koox dil ka fulisay todobaadkii hore bariga Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu daba jiro kuwii ka dambeeyey dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Sheekh Shaakir waxaa ii intaasi ku daray in arrinkaas ay ka wada shaqeynayaan ciidamada, culimaa’idiinka, cuqaasha, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan dadka ku nool deegaanka, raggaasna gacanta lagu dhigi-doonno. Mudane Shaakir waxaa uu sidoo kale sheegay in arrinkan aanu aheyn mid Soomaalinnimo ah “Arrin Somalilnimo ma aha, walaaltinnimo ma aha, ehelnimo ma aha”, isaga oo ku eedeeyey waxa uu ku yeeray argigixsa. Waxaa uu adkeeyey in Soomaaliya aaney dhulka kala laheyn “Dadka meel kasta ayey soconayaan, meel kasta ku ganacsanayaan, Soomaaliya waa walaaalo, islu luqad ah, isku diin, ehel ah”, sidaasi waxaa yiri Sheekh Shaakir. Ugu dambeyntii, waxaa uu Sheekh Shaakir u tacsiyeeyey ehelada dadka ay ka dhinteen ee ku nool Koonfur galbeedka iyo Hirshabelle, isaga oo ballanaaqdey in dadkaasi la geyn-doono sharciga. Goobjoog News Source: goobjoog.com