Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,719
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’addada socdaalka iyo jinsiyada dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xafiis ku leh magaalada Baran ee gobolka Sanaag, iyadoona bixisa baasboorada Soomaaliya oo looga yimaada deegaamo katirsan [...] Source
  2. Narobi (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ee Maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku qabtay shir saxaafadeed ay kaga hadlayeen dad lagu laayey Magaalada Gaalkacyo oo kasoo jeeday Deegaanada uu Xisbigaan ka dhisan yahay. Shirka Jaraa’id ayuu xisbiga tacsi kadib farriin ugu diray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, waxaana lasoo saaray qodobada soo socdo: 1) Xsibiga wuxuu tacsi u diray dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee lagu kala laayey Gaalkacyo iyo Dhuusmareeb 2) Xisbiga wuxuu Maamulka Galmudug ka codsaday in Cadaaladda la hor keeno dadkii dilkaas ka dambeeyey oo uu xisbiga ku sheegay inay yihiin dad la yaqaan. 3) Maamulka Galmudug ayuu xisbiga u sheegay inuu isaga mas’uul ka yahay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee halkaas ku sugan haddii aysan amnigooda damaanad qaadi karin wuxuu xisbiga ugu baaqay inay dadkaas kusoo celiyaan deegaanadooda. 4) Xisbiga ayaa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ugu baaqay inay magangalyo siiyaan dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee la xasuuqayo si loo badbaadiyo. 5) Xisbiga ayaa Shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay isugu imaadaan kulan ballaaran oo looga tashan doono aayaha dadka Koonfur Galbeed kasoo jeedo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa sheegay in dadka Koonfur Galbeed si gaar ah loo ugaarsanayo taasina ay caddeyn u tahay inay Dowladda Soomaaliya Guddi heer wasiir ah u saartay hal qof oo lagu dilay Beled-weyne halka uu sheegay inaan lasoo hadal qaadin dadkii lagu laayey Baydhabo. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu u xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uuna jiro xiriir u dhaxeeyo Villa Somalia iyo Al-Shabaab. Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay iska kaashadeen qorshihii dhawaan la doonayey in lagu dilo madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir. Halkaan hoose ka daawo hadalka Guddoomiyaha iyo Shirkii Jaraa’id Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Kadib dood dheer oo socotey muddo laba maalmood ah xildhibaanada golaha wakiilada ee dowladda Puntland ayaa waxa ay isku raaceen ajandayaasha ay uga doodi doonaan [...] Source
  4. Xildhibaanka Maxamed Nuur Cirfiid oo ka tirsan kuwa Hirshabelle, kana mid ahaa wafdi xildhibaanno iyo wasiirro ah oo gaaray Baladweyne, si xal looga gaaro khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday in uu xilka wareejiyo, Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladda guud ee magaalada. Xildhibaan Cirfiid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, dadkuna ay is dhexmarayaan, waxa uuna rajo ka muujiyay in xal laga gaaro arrinta khilaafka dhanka maamulka ee magaalada Balaweyne. “ Wafdi wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jiro ayaa waxaa aan ku aadnay magaalada Baladweyne oo maallmihii la soo dhaafay ay shaqaaqooyin siyaasadeed ay ka jireen, inaan xal raadinana waxa ay nagu aheyd wax waajib Xildhibaanno iyo wasiirro ahaanba” Sidoo kale Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in aysan jirin magaalada in ay ka xiran tahay dadkana ay isku socdaan ayna is dhexmarayaan, assago oo sheegay in ay la kulmeen madaxweyne Waare iyo Ugaas Xasan. “Sawirkii iyo waxyaabihii naloogu sheegay wax ka duwan ayaan ku aragnay, waxaan la kulanay madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaa aana ka dhageysanay caqabadaha jira, sidoo kale waxaan la kulanay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan, runtii aad ayuu noo soo dhaweeyay, talooyinkiisa waan ka qaadanay” Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Nuur Cirfiif ayaa sheegay inuu la soo xariiray Yuusuf Dabageed, asaga oo ku wargaliyay inuu diyaar u yahay inuu wada xaajood galo, aad ayuuna u soo dhoweeyay inaan la kulano “ Xalay ayuu nala soo xariiray, aad ayuuna u soo dhaweeyay inaan la kulano waana ku wajahan nahay”. Baladweyn ayaa waxaa todobaadyadan ka jiray degenaanshiyo la’aan dhanka siyaasadda ah iyada oo qalalaaso arrintan ka dhashay ay keeneen khasaare naf iyo maaleh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Abha (Caasimadda Online) – Kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ayaa mar kale Duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Abha oo Caasimad u ah Gobolka Asir ee dhaca Koonfur Sacuudiga. Kooxaha duqeyntaas geystay ayaa sabab u dhigay inay u aargudayaan dadka aan wax galabsan oo ay Sacuudiga ku xasuuqayaan gudaha Yeman Afartii Sano ee lasoo dhaafay. Garabka Ansarullah ayaa garoonka Diyaaradaha ee Abha duqeysay iyadoo adeegasneyso Diyaarada Qasef K2 oo ah nooca aan duuliyaha laheyn Axaddii sida uu baahiyey Talefishinka kooxdaan ee Al-Masirah TV. Garoonka Diyaaradaha ee Abha ayaa ku yaal Buurta Caanka ah ee isla magacaas wadato taasoo ku taalo Koonfur Galbeed ee Dalka Sacuudiga. Duqeyntaan ayaa kusoo aadeyso xilli Sabtidii duqeyn loo geystay isla garoonkaan iyo Gobolka kale ee dariska la ah ee Jizan, waxaana duqeyntaas iyadana loo isticmaalay isla nooca diyaradda ee la adeegsaday duqeyntii Shalay. Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa muddooyinkii dambe sii xoojiyey duqeymaha iyo weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga, waxayna inta badan beegsadaan Jizan, Najran, Abha iyo Khamis Mushait. Duqeyntii ugu darneyd ayey kooxdaan Bishii hore ka fulisay Goobaha shidaalka laga soo saaro ee ku yaal Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh. Kooxda Xuutiyiinta ayaa horey ugu hanjabtay inay duqeymo ka geysan doonto dhammaan Garoomada Sacuudiga ku yaal ee qeybta ka ah howlaha Militari ee ka socdo Yeman inta ay Sacuudiga iyo Xulafadeeda ku sugan yihiin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Sanca. Dowladda Sacuudiga iyo Xulafada ay hoggaamineyso ayaa dalka Yeman ku dilay ilaa 15,000 kuwaas oo intooda badan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  6. The girl had been working at a brothel in Nairobi’s Eastleigh area before falling pregnant. Police officers raided the brothel and arrested a woman believed to be behind the illegal child sex trade. Source: Hiiraan Online
  7. Iran has said the country plans to quadruple production of low-level enriched uranium and will reach the limit of the stockpile allowed under the nuclear deal within days. Source: Hiiraan Online
  8. Abal (Caasimada Online) – Maleeshiyada daacadda u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee loo yaqaan Caaro Caaro ayaa goor dhow sheegtay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Maleeshiyada ayaa sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku safrayey deegaanka Kulanjeer ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku dileen dhowr maleeshiyo. Kooxda Caaro Caaro ayaa shaacisay in dadka ay dileen uu ku jiro Maxamed Xasan Baarqab oo ahaa madaxii Zakawaatka kooxda Al-Shabaab ee gobolka. Ma jirto ilaa iyo hadda cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegada kooxda Roobow. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhacdadan. Kooxda Caaro Caaro ee Roobow ayaa waxaa saldhig u ah deegaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, waxaana halkaas ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari. Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas oo ku dhowaad 10 sano ka hor uu sameeyay Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada Abuu Mansuur ay helaan taageero caalami ah oo dhan kasta ah, oo ay siiso dowladda Mareykanka si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  9. MOGADISHU, June 17 (Xinhua) — A senior UN official expressed optimism about the state of political and economic relations between the world body and the Somali government. Bintou Keita, Assistant Secretary-General for Africa in the UN Department of Political and Peacebuilding Affairs and Department of Peace Operations, made the remarks after wrapping up her five-day familiarization tour of Somalia. Keita said her discussions with Somali officials focused on the participation of women in the country’s political process and economic reforms, and the relations between the UN and the government. “We discussed the vision around where the country has to be in the medium term, and it has a lot to do with political governance, the establishment of federalism as well as the economic situation, particularly the decision point for debt relief,” Keita said in a statement issued by UN Assistance Mission in Somalia. The Horn of Africa nation is lobbying international creditors to cancel its foreign debt, most of which was accumulated prior to the outbreak of the civil war in 1991. The Somali government maintains that debt relief will help the country invest its resources into reviving the economy and creating more jobs for its youthful population. In her meeting with Somali women leaders, Keita urged women to fight for their rights and vote for female candidates who vie for positions of leadership in order to increase their participation in the country’s decision-making process. Somali women activists have been lobbying members of the parliament to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the 30 percent gender quota in the country’s future legislatures. Asha Abdulle Siyad, chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative appealed to the international community to continue supporting the women of Somalia in their quest for gender parity. “We need to have an article (in the constitution) that specifically says the minimum 30 percent (of parliamentary seats) should be (reserved for) women,” said Siyad, who also warned that implementation of such a principle will present another challenge for Somali women. As a result of the 2016 electoral process, female representation in Somalia’s federal parliament rose from 14 percent in the outgoing legislature to 24 percent, but it still fell short of the 30 percent quota goal, according to the UN mission. Keita also held discussions with representatives of youth groups, whom she urged to initiate a process that would help the UN and the broader international community to engage more effectively with young people on various issues concerning them. “The youth are the leaders of today and the leaders of tomorrow. You are part of (Somalia), which means that the engagement, the participation and the political participation are all part of that path for leadership,” Keita said. Source: Xinhua
  10. Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa. Xildhibaanka ayaa la xiray kadib markii uu maalinta 18-ka May ee ay Somaaliland u calaamadeysay gooni-isu-taaggeeda uu ku sheegay in ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah halka Somaliland looga aqoonsanyahay maalin xuriyad. Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn maalinta 18-ka May, isaga oo intaasi raaciyey in aanu ka qeyb galeyn. Xildhibaanka Dhakool ayaa dhowr jeer laga dalbaday mudadii uu xirnaa inuu raali galin ka bixiyo hadlkiisa, lakiin Dhakool ayaa iska dhaga tiray haladka loo soo jeedioyay. Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in sii deynta Xildhibaan Dhakool ay timid kadib markii beesha uu ka soo jeedo ay raaligelin ka bixisay hadlkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool uu ku sheegay in maalinta 18-ka May ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah aysan aheyn maalin qaran, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Baladweyne (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay bilaabeen in ay isaga baxaan fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in maanta ay arkayeen Ciidamadaasi oo ka baxaya xarun ay ku leeyhiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Wararka hoose ayaa intaasi ku daraya in sababta ka dambeysa arrintani ay tahay xiisada weli ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in haatan fariisimo cusub ay ka sameyteen deegaanka Ceel Gaal oo dhaca duleedka M/ Baladweyne. Muddooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. View the full article
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo dhagax lagu dilay deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer. Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Somaliland oo uu wehlinayo Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer ayaa maanta warbaahinta la hadlay, iyagoona ka warbixiyey qaabkii ay u dhacday dhacdadaasi lagu dilay Askariga ka tirsanaa ciidamada. Ugu horeyntiina Sareeye Gaas Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay falkaasi geysteen maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday mid kamida shirkadaha ka howl-gala deegaanka Fiqi Ayuub. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdaasi dhagax ay kusoo tuureen Ciidamada Somaliland uu haleelay mid kamid ah ciidamada oo uu ku geeriyooday, kaasi oo lagu magacaabi jirey Keyse Maxamed Cawaale. Taliye Fooxle ayaa waxa kale oo uu sheegay in rabshadaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland. Axmed Aw Cali Shabeelle, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa isaguna waxa uu sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Askari ka tirsan ciidamada Somaliland dhagax lagu dilo, kaasi oo u xusay in Askar toban iyo dhowr ah lagu dilay dhagaxaasi. Taliye Shabeele, ayaa Ciidamada Booliska ku amaanay sida ay u dhowrayaan nafaha dadka shacabka ah, isagoona digniin adag u direy Bulshada caadeysatay inay dhagaxeeyan Askarta, sheegayna in aan loo dul qaadan doonin. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed xareed Faarax Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa maanta shaaciyay wakhtiga loo muddeeyay, dhegaysiga dacwadda rafcaanka, saddex nin oo ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxamed Xareed ayaa sheegay in dhegaysiga dacwadda rafcaanka loo muddeeyay, Sabtida todobaadka soo socda oo ku beegan 22-ka bishan June 2019, kadib markii eedaysanayaashu ay rafcaan ka qaateen xukunkii hore loogu riday. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May ee sannadkan xukun dil ah ku ridday, saddex eedaysane oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay, kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas. Balse, eedaysanayaaasha ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana sida hadda xeer-ilaalintu sheegtay dacwadda rafcaanka la dhegaysan doonaa sabtida todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post xeer-ilaalinta Puntland oo shaacisay wakhtiga la dhegaysan doono dacwadda Rafcaan Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  14. Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaliya ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Weerarka kadib ayaa la sheegay in Ciidamada dowladdu ay iska cabin xoogan kala kulmeen dhanka Al Shabaab. Ma cadda iyo haatan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta Awdheegle iyo deegaano hoos yimaada degmadaasi. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaaliya. War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeytani oo 5 tii bishan ka dhacay deegaanka Tooratoorow lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay u jeedka duqeynta uu ahaa mid looga hortagayay weerarada Al Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaciyay in uu sii wadi doono duqeymaha iyo weerarada uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- A senior UN official expressed optimism about the state of political and economic relations between the world body and the Somali government. Source: Hiiraan Online
  16. Burco (SMN) – Taliye Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer Axmed Ow Cali ayaa ka warbixiyay weerar loo adeegsaday dhagax oo lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulkaasi. Dilka askarigan ayaa ka dhacay deegaanka Fiqi Ayuub ee gobolka Togdheer, kadib markii ay isku dhaceen Boolis iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo ku sugna halkaasi. Taliyeku xigeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in shaqaaqadu markii hore ka bilaabatay weerar maleeshiyaadka ay ku qaadeen shirkado ku yaalla deegaankaasi, kadibna Ciidanka oo ku baxay arrintaasi ay sababtay dhagax ay soo tureen kooxahaasi in Maskaxda uu kaga dhacay askari lagu Magacaabi jiray Keyse Maxamed maskaxda, sidaasina uu ugu geeriyooday. Dhankiisa taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Togdheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in dhacdadan aysan aheyn mid ku cusub Somaliland, islamarkaana horay sidan oo kale loogu dilay Askar ka tirsanaa maamulkaasi. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortagto wax kasta oo liddi ku ah nabad galyada. Ma jirto weli cid loo soo qabtay shaqaaqadaasi, balse Ciidanka Somaliland ayaa weli baaritaano ka wada duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. View the full article
  17. Back in the Eighties, when Mogadishu was swinging and Somalia was stable, Dur-Dur Band was the most disco-tastic band in the land. Source: Hiiraan Online
  18. One of the six states of Somalia has called for a meeting to discuss deteriorating relations between the Horn of Africa nation and Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah furay Qoraalka Manhajka Waxbarashada Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Faarax , agaasimaha Waaxda Manaahijta, Abdulqaadir Yuusuf Nuux , xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo madax ka socota hay’adda UNICEF iyo Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay daahfurka Manhajka. Mashruucan qorista Manhajka ayaa socon doono muddo saddex bilood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo isniin ah , waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership. Barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa kor uqaadida tirada ardayda iyo tayada ka qaybgalka waxbarashada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada Puntland , xoojinta kormeerka, manhajka iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dowladda. Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladu ahmiyadda labaad ay siisay waxbarashada, marka laga reebo amniga, maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuuridda jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed ee Puntland. Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax Farmayeeri waxaa uu yiri” maanta waxaan ku guuleysanay ina qorno Manhajka dugsiyada hoose fasalka 1aad ilaa 4aad waxana isla sanad guul ka gaarayna Buugaagta kale oo noo dhima”. Mudane Farmayeeri ayaa tilmaamay in marna aan la illaawi doonin doorkii bahda Waxbarashada ay ka soo qaateen, intii lagu guda jiray geedi-socodkii Manhjka Waxbarashada Puntland. Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmiya qoraalka Manhajka uga daah-furay xarunta kulliyadda Tababarka macallimiinta Puntland ee GTEC. Halkaan hoose ka eeg sawirada furitaanka Manhajka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah-furay qoraalka Manhajka waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-17062019.mp3 View the full article
  21. Bariire (Caasimada Online) – Labo ka tirsanaa maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax la sheegay in ay ku diyaarinayeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla deegaaankaasi oo lagu farsameynayay walxaha qaraxa, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaank ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in halkaasi ay soo saareen Meydka labada nine ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale Ciidamada oo isku geedaamay guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano saacado badan qaatay ka sameeyay halkaasi. Deegaanka Bariire oo qiyaastii 60 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka saaray dagaalyahannada Al-Shabaab oo muddo ka talinayay deegaankaasi. Howlgallo iyo guluf dagaal ayaa si aad ah uga socda Shabeelaha Hoose, waxaase weeraro iyo qaraxyo ka fuliya Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com