-
Content Count
208,730 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah muranka Xuduudda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya uu kala hadlo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo . Senator Wetangula oo ahaa ninkii Kenya u saxiixay heshiiskii badda Soomaaliya ee 2009 ayaa sheegay in Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadato Dhaqaalaha Kenya loona baahan yahay in xal laga gaaro khilaaf kasta oo keeni karo inuu xiriirkaas ganacsi xumaado. Wuxuu ku dooday inay Kenya dhaqaale fiican ka hesho lacagaha ay Hey’adaha Caalamiga oo ay kamid yihiin Qaramada Midoobay iyo Safaaradaha ay Soomaaliya usoo mariyaan Kenya ,wuxuuna sheegay in lacagaha Kaashka ah ee loo diro Soomaaliya ay Kenya ka hesho lacago badan. ” Waxaan mar kasta dhahnaa ma dooran kartid cidda dariska kula noqoneyso, dariskaaga mar kasta meeshiisa ayuu ku yeelayaa, mararka qaar waxaad la yeelaneysaa xiriir subag ah mararka qaarna xiriir qabow” ayuu yiri Wetangula. Wuxuu Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqay inay cashir fiican ka bartaan sidii loo xaliyey murankii dhanka Xuduudda ee ka dhaxeeyey Dowladaha Tanzania iyo Malawi ” Waxaa dhawaanahaan jiray khilaaf la mid ah Midka u dhaxeeyo Kenya iyo Somalia oo u dhaxeeyey Malawi iyo Tanzania kaasoo ku saabsanaa muran ku aadan Xuduuda Lake Nyasa taasoo u dhaxeyso labada dowladood, Tanzania ayaa dooneysay inay halkaas kala baxdo Shidaal, Malawi way diiday iyadoo sheeganeyso inay leedahay iyada” ayuu sii raaciyey. Sida laga soo xigtay Wetangula Khilaafkii ka dhaxeeyey Dowladaha Malawi iyo Tanzanian ayaa lasoo dhameeyey markii ay labada madaxweyne arrintaas u xil saareen koox ay hoggaminayeen Wasiiradooda Arrimaha Dibadda taasoo ugu dambeyn keentay in si wadahal ah xal looga gaaro. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa niyad-wanaag ka muujisay xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo dowladda Soomaaliya, lix bilood kadib markii Soomaaaliya ay soo cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom. Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee Afrika, Bintou Keita ayaa hadalkan jeedisay kadib markii ay soo geba gebeysay safar shan maalmood qaatay oo ay ku tagtay Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisa ahayd in dib caadi looga dhigo xiriirka labada dhinac. Keita ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la yeelatay madaxda Soomaalida diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka, iyo xiriirka QM iyo Soomaaliya. “Waxaan ka wada-hadalnay maamulka siyaasadda, aas-aaska nidaamka federaalka, iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale ee dalka” ayay Keita ku tiri bayaan uu saaray xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. Safarkeeda ayaa yimid dhowr toddobaad un kadib markii QM ay ergey cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo ah James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka, kadib lix bilood oo dalka uusan u joogin ergey. Xiriirka labada dhinac ayaa xummaaday kadib markii Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan soo cayrisay eregygii QM, Nicholas Haysom, oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee dalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wiil yar oo Sacuudiyaan ah oo la filayay in dowladdu ay dil ku fuliso ayaa la sheegay in aan la toogan doonin. Wiilkan ayaa loo heystay eed ah in uu ka qeyb-qaatay dibad-baxyo ay Shiicadu hormuud ka ahayd oo dalkaasi ka dhacay. Murtaja Qureyris oo markii la qabanayay sanadkii 2014-kii ahaa 13 jir ayaa sanado kale xabsiga kusii jiri doona. Maxkamad Sacuudi ah ayaa Qureyris Axaddii shalay ku xukuntay 12 sano oo xarig ah oo ay ku jirto muddadii 4-ta sano aheyd ee uu xukun la’aanta sii xirnaa, taasi oo micneheedi yahay in lasii deyn doono marka la gaaro sanadka 2022 isaga oo 25 jir ah. Sarkaal Sacuudi ah ayaa sheegay in Qureyris uu far-sameeyay walxaha qarxa ee Molov-ka loo yaqaano isaga oo bileyska iyo goob Farmashiye ahna ku weerayay. Waxa uu masuulku intaa ku daray, in wiilkan yari uu sidoo kale hub kale adeegsaday, kadib markii uu ku biiray koox argagixiso ah. Sacuudiga ayaa cambaareyn xooggan kala kulmayay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, wixii ka dambeeyay dilkii Weriye Jamaal Khaashuqji bishii October ee sanadkii tagay loogu geystay Magalaada Istanbul, sidoo kale ururrada xuquuqda aadanaha ayaa Riyaad ku cambaareeyay qab-qabashada dadka xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa kuwaas oo ilaa hadda la maxkamadeynayo. Bishii April ee sanadkan dowladda Sacuudigu waxa ay dil ku fulisay 37 ruux oo Shiico u badan. Sida Hey’adda Amnesty International ay sheegtay waxaa dadkaasi la toogtay kamid ahaa wiil yar oo ay da’diisu 16 sano aheyd. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah VOA
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cabsida laga qabo cudurka Ebola oo la sheegay inuu ka dilaacay dalalka Uganda iyo Kenya. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo in xanuunkaasi ku soo fido deeganada Somaliland. Wuxuuse ka dhawaajiyey Agaasimuhu inay Somaliland ka diyaar-garowday sidii loogu hortagi lahaa cudurkan faafa ee Ebola. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan xanuunkan ay la socdeen xiliyadii hore ee uu ka dilaacay dalka Kongo, isagoona xusay inay baaqyo u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha caafimaadka kala shaqeeya. Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arrintan loo magacaabey guddi ka hor taga xanuunadan faafa ee noocan ah, kuwaasi oo bixin doona tobabaro ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, kana talo bixin doona. Ugu dambeyntiina Agaasimaha ayaa xusey inay wasaarada caafimaadka Somaliland ay qaaday taloobiynkii looga hortagi lahaa xanuunkasi iyada oo ka soo baxaysa waajibadkeeda, balse aysan hadda jirin cabsi aad u weyn oo ku aadan cudurkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 26 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay. 1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu marka aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 kii December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo “ 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse Biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” 9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan: Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood, ku waas oo maanta kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah. Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadkan 2019 hadii ay dhacdana ma ku dhacaysaa mudada loo asteeyey ee sanadkan oo ah 13/12/2019 ? Jawaabtu waa Maya ! Waayo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019, Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed iyo dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si ay doorashada waqtigeeda ugu qabato Waana in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa iyada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani . Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
-
Baahida dhaqaale iyo dhibaatada mucaawinooyinka. Dhaqaale xumada siyaasad xumo ayay salka ku haysaa, hoggaan xumo ayaana u sabab ah. Waa ayaan darro weyn guud ahaan in qaaraddan Africa ee aynu ka midka nahay calaamad u noqotay gaajo, hoggaan kelitaliye ah iyo guuldarrooyin siyaasadeed. Waxa mar labaad dhibaato wayn ah marka Internet-ka Soomaali laga baadho in ay kugu soo boodayso faqri iyo macaluul, kuwaas oo uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah ama qoomiyadaha ay wada degen yihiin oo taagan teer iyo intii nidaam dawladeed la helay. Waxaa ka sii daran in budhcad badeed iyo argagixiso magicii soomaalinnimo lagu lammaaneeyay, taas oo saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu adduunyada ka joogo. Somaliland, innaga oo dhibtaa hore la wadaagna dadyawga soomaalida, waxaa inoo dheer aqoonsi la’aan aan dunidu weli inoo garwaaqsan dal ahaan iyada oo aynu soo jirnay in ka badan rubuc qarni, taas oo caqabad ku noqotay in aynu ka faa’iidaysan karno hay’adaha dhaqaalaha ee dunida ama taageero dhaqaale oo toos ah aynu dunida ka helno. Mushkuladaha dhaqaale xumida guud, sicir-bararka, xoolihii noolaa oo ahaa isha dhaqaale ee 1aad ee aynu dunida u dhoofinno oo Sucuudigu joojiyay iyadoo ishii dhaqaale ee 2aad oo ahayd lacagaha xawaaladaha ee debadda ka yimaadda iyagana cidhiidhi la saaray, waxaa isha dhaqaale ee 3aad loo cuskan jiray mucaawinooyinka aan tooska ahayn isla markaana aan laysku hallayn karin, kuwaas oo inta saafiga ah ee ina soo gaadha lagu qiyaaso 10% ilaa 30%. Bulshada oo intaas oo dhibaato ah la tiicaysa ayaa waxa ugu daran rejo xumada guud, qaybsanaanta iyo werwerka bulshadu soo wajahday ee aan xukuumaddu wax qorshe ah u soo bandhigin ilaa iyo maalintii madaxweynuhu talada la wareegay. Khudbaddii sanadlaha ahayd ee Madaxweynahana haba yaraatee wax barnaamij ah oo mustaqbalka u qorshaysan may xambaarsanayn. Dareenka bulshada ayaa suuqyada is waydiimo badan aad kala kulmaysaaa, bal aan sidan u cabbiro; Waar iminka maxaa innagu dhacay? Waxa la yidhi Madaxweynihii wuu handaraabay! Maxay? Dee dhaqaalihii iyo dhaqdhaqaaqii. Dee isagu malaha wax tar baabu islahaaye oo maba xuma in wixii tuugo iyo musuqmaasuq ah la xakameeyaaye, balse malaha, qolkii maaliyadda muu xidhine, aqalkii oo dhan ayuu guudka innagaga handaraabay! Cajabo Rabbi. Dhaqaalayahanka madaxa bannaan ee Azar Jammine, oo dhibtan oo kale ka faaloonaya ayaa yidhi: “Bad politics has broken economy’s resilience, now even 1% growth impossible” – oo nuxurkeedu yahay “Siyaasad xumadu waxay burburisay adkaysigii dhaqaalaha, oo iminka xataa koritaan dhaqaale oo 1% ahi suuragal ma aha.” Haddaba, markaan arkay duruufaha dhaqaale iyo is waydiimaha bulshada ee rejo-xumadu ka muuqato ayaan ku talo galay in aan faaqido dhibaatada oo qalinka u qaato, wixii iiga soo baxana bulshada la wadaago inta aan awoodo ee wakhtigu ii saamaxo, iyada oo ujeeddadu tahay, wixii dhib ah waa in wax laga qabto ama la qoro oo dhibta jirta tilmaan iyo sumad ay kuu leedahay, ilayn qofka mar kasta xil baa saarane. Dhaliisha iyo toosintu waxay ka mid yihiin guud ahaan xil-gudashada muwaadinnimo, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha siyaasiyiinta ahna waxay ku noqonaysaa waajib in ay wixii dhib ah ee jira sheegaan. Taas baana saldhig u ah qoraalkan. Waa qormo madaxbannaan waxaanan ku metalaa inta igu taageersan. Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waa mishiinka dawladnimada, waa awoodda dunidu maanta ku tartamayso. Waxaa inta badan dawladaha dunidu isku qiimeeyaan awoodda dhaqaale iyo kaalinta dalku kaga jiro hodannimada ama dadkiisu heerka ay fakhriga ka joogaan. Dhaqaaluhu waa waxa jaangooya heer nololeedka aadamaha. Shaki kuma jiro in dhaqaaluhu maanta yahay awood aan la dafiri karin iyada oo aqoontiisana lagu kala dheereeyay oo loo sameeyay qaab cilmiyeed aad qiimo weyn uga leh dunida maanta. Raysal wasaarihii ugu hore ee Ingiriiska, David Cameron, oo ka hadlaya dhaqaalaha ayaa yidhi “The economy is the start and end of everything. You can’t have successful education reform or any other reform if you don’t have a strong economy” – oo macnaheedu yahay, dhaqaaluhu waa meesha ay ka bilaabmaan ee ku dhammaadaan wax kastaa, mana samayn kartid, si guul leh dib u habayn waxbarasho ama dib u habayn kaleba haddii aanad lahayn dhaqaale xooggan. Madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan, oo sidan si ka geddisan laakiin ku dhaw uga hadlayna wuxuu yidhi “Government’s view of the economy could be summed up in a few short phrases: If it moves, tax it. If it keeps moving, regulate it. And if it stops moving, subsidize it” – Aragtida Dawladda ee dhaqaalaaha waxaa lagu soo ururin karaa kalmado kooban; haddii uu dhaqaaqo, cashuur. Haddii uu sii wado dhaqaaqa, u samee nidaam lagu hago. Sidoo kale haddii uu istaago, caawi oo kab. Diinteenna suubban ee Islaamku, si wayn ayay u tilmaantay muhiimadda iyo ilaalinta dhaqaalaha ama maalka, ilaa Sekada laga gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto shanta Tiir Islaamka, halka culimada qawaacidda fiqiga dejiyayna ay geliyeen ilaalinta maalka mabaadi’da waaweyn ee shanta ah ee diintu ilaaliso. Marka dhaqanka soomaaliga la eegana waxaa ka mid ah halkudhigyada dhaqaale, “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan”, taas oo aynu odhan karno haddii tacabku kordho dhaqaalaha ayaa kordha, haddii dhaqaaluhu kordhana waxa suurtagal ah shaqo abuur, wax la bixiyo, wax la horumariyo iyo wax la hagaajiyo iwm. Wuxuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Muuse oo tacab la’aanta ka hadlayaa: “In kastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo, isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo, dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye, waa dhaawac kugu yaal xigtada oo dhaqasho diiddaaye” Marka aan u soo noqdo mucaawinooyinku xaddiga ay ka yihiin dhaqaalahu waa 10 ilaa 21% marka laga qiyaas qaato sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay UNDP ee Aid Flow in Somalia. Iyadoo marka horeba deeqaha dunidu siiso Somaliland iyo guud ahaanba intii Soomaaliya laysku odhan jiray ay aad u yar yihiin, ayaa inta ka soo gaadhaana ay tahay faro-guudkood, haddana ma dhibaato la’a. Ilyaas M Xuseen iyo Cabdicasiis Guudcadde oo mawduucan falanqaynayey, kana qoray “Gargaarka Shisheeye: Gurmad mise Gumayn”, ayaa tilmaanta luggooyada deeqaha ugu magac daray “Leef oo ha liqin” iyaga oo ka dab qaadanaya buugga Dead Aid ee caanka ah ee ay qortay Dr Dambisa Moyo. Waxaa marar badan laga hadlaa in aan deequhu ka jawaabin baahida dhabta ah ee jirta ama aanay iman wakhtiga ku habboon. Waxaa iyaduna mugdi ku jiraa isla xisaabtankii loo baahnaa si loo ogaado xaddiga dhabta ah ee deeqda iyo inta ka soo gaadhay dalka. Waxaa arrintaa caddeeyay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Qorshayntu, Somaliland Aid Flow report: “Most organizations responded and resubmitted their reports … while others did not respond at all. Some organizations, including UN agencies, reported data without showing the amount disbursed through their implementing partners, and for that reason, the ministry was not able to sum up the amount disbursed by UN agencies and other INGOs”. Waxaa ka muuqata karti yarida xukuumadda, waxay abuuraan deequhu mararka qaar maamul xumo iyo musuqmaasuq gundheer oo sii taxan ilaa xafiisyada debadda ee laga diro. Ma inagaa kaalinteennii gabnay oo xoolihii layna siiyay dhoobi ka noqonnay mise deeqda dunida ayaa ah qawda maqashii waxna haw qaban? Akhristaha aan u dhaafo. Waxaynu ku soo ururinaynaa sababaha fursadaha siiya maamul xumada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aanta dhawrkan qodob; Debeca maamul iyo goldaloolooyinka shuruucda, dadka ka shaqaynaya qaar ma fahamsana ama sida qaldan ayaabay saxdii moodayaan, qaar waxaanay lahayn awood siyaasadeed oo ay mawqifkooda ku dificaan ama aqoon ahaan ayaanu ku soo bandhigi karin waxa uu doonayo, qaar kale waa musuqmaasuq ama isaga oo daacadba ah ayaa lagu maxlashaa musuqmaasuqa oo uu gabbood u noqdaa isaga oo aan is ogayn, qaarna waxay soo sallaxaan kubbadda oo waxay ku shaqeeyaan aragtida siyaasadeed ee dalkooda amaba deeq bixiyaha uu u shaqaynayo dan u ah, mana xaaleeyaan dhibaatada gaadhaysa dalka mashaariicda laga fulinayo iyo saamaynta xun ee mucaawinadu gaysan karto. Xilliyadii aan xukuumadda ka mid ahaa, waxaa maalin maalmaha ka mid ah xafiiska iigu yimi wefti heer sare ah oo igala hadlayay deeqo ay ka fekerayaan balse aan weli na soo gaadhin oo waddooyinka ku wajahan. Waxay iila hadleen qaab ay ka dhadhamayso haddidaad iyo harawsi. Waxaan si aan gabbosho lahayn ugu sheegay qorshahayaga iyo hannaanka aanu ugu talogalnay hawsha, ugu danbayna si fiican ayaanu isu fahannay. Waxaan joogay aqalka dalka looga taliyo, oo waxaan fahmi karayaa culayska uu kala kulmi karo qofka jooga xafiisyada kale oo iga derejo hooseeya. Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in wax laga beddelo xaaladda jirta ee deeqaha iyo barnaamijyada mucaawinooyinka, iyada oo la samaynayo fahamka guud ee odhanaya dhaqaalahan deeqbixiyuhu wuxuu ugu deeqay dalkan ee hay’ada sidda iyo cida fulinaysaa may bixin sidaa darteed xaq bay u leeyihiin dalka la siiyay in ay ogaadaan xaddiga si aan mugdi ku jirin, meesha lagu bixinayo iyo sida loo fulinayo intaba. Marka labaad waa in uu jiraa nidaam ay isla qaateen hay’adaha mashaariicda fulinaysa iyo dalka laga fulinayaa, kaas oo aan maanta Somaliland ka jirin sida lagu sheegay isla warbixinta aan soo sheegnay ee Somaliland Aid flow report, “The absence of comprehensive Aid Management Platform has put the Ministry of Planning into difficult position to monitor and report the Aid flow level”. Sidoo kale jewi daahfuran oo ay isula jaanqaadi karaan laamaha ka shaqaynaya ee labada dhinac. Waxaa iyadanu loo baahan yahay hannaan warbixineed oo si mug leh loogu warbixinayo dawladdii deeqda la siiyay, deeqbixiyihii deeqda bixiyey iyo bulshadii deeqdu gaadhay, si ay u ogaadaan xaddiga soo gaadhay loona qiimayn karo midhaha ka dhasha mashaariicda. Ugu danbayn, Intan kuma koobna laakiin waxaa ka mid ah waxyaalaha labada dhinac looga baahan yahay. Dhinaca deeqda la siinayaa (Somaliland) waa in ay leedahay; Xeerka ama siyaasada deeqaha, Meelaha mudnaanta u ah qaranka, Talogelyadii iyo talooyinkii ka soo baxay bulshada iyo halka ugu danbaysa ee deeqdu gaadhayso, baadhista la sameeyay ee khataraha iyo carqaladaha iman kara, hannaanka hubinta iyo isla xisaabtanka, qaabka warbixinta iyo foomamka xogta dhinacyadu isugu gudbinayaan iyo qaabka wacyigelinta bulshadu u gaadhayso, xafiiska xogsiinta hay’adaha, buugyare xogside ah (information kit), iyo u fududaynta masuuliyiinta iyo xafiisyada ay shaqadu kaga xidhan tahay. Dhinaca deeqbixiyaha (Donors) ah ugu horrayn waa in loo cayimaa shaqaale hoggaamin kara mashaariicda, taas oo uga baahan deeqbixiyaha iyo hay’adaha caalamiga ahi inta aan shaqada la bilaabin ilaa ay hubiyaan in kooxda shaqada fulinaysaa ay leedahay aqoontii iyo kartidii loo baahnaa. Bilawga qaabaynta iyo naqshadaynta barnaamijka (Project design) waxaa muhiim ah texgelinta ra’yiga iyo talo-wadaagta dawladda iyo hay’adaha fulinta shaqadu hoos timaaddo iyo dadka ay mashaariicdu gaadhayaan si ay mashriicdu ugu fulaan sida ugu wanaagsan ee loogu baahida badan yahay ama raandhiiska u leh bulshada, xog xaqiiqo ku dhisan iyo cilmi baadhis ka turjumaysa waaqica jira, hubinta in aan mashaariicdu salka ku hayn waxyaalo abuuri kara khilaaf iyo mushkilado, waana in uu jiro qaybta hagitaanka iyo kormeerka mashaariicda. Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay wada-hadal dhex-mara Kenya iyo Soomaaliya, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex oogan labada dal ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso. Xaaf ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey gef siyaasadeed iyo fidinta akhbaar aan sax ahayn, taasi oo sababtay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, sida uu sheegay. Bayaan kasoo baxay Xaaf oo uu baahiyey wargeyska The Standard ee Kenya ayuu ku eedeeyey dowladda madaxweyne Farmaajo inay halis ku tahay xiriirka muddada soo jiray ee Kenya iyo Soomaaliya, ayada oo sida uu sheegay ku howlan “ballan-qaadyo siyaasadeed oo qiyaano ah, iyo faafinta akhbaaraad aan sax ahayn.” Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre “dhaqan siyaasadeed xun oo aan meel loo raaco lahayn”. Xaaf ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku cayaaray “kalsoonidii hogaamiyayaasha dalalka deriska la ah Soomaaliya, ee ku howlan sidii xasolooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.” Hadalka kasoo baxay Xaaf ee uu baahiyey wargeyska The Standard ayaa ah mid aan caadi ahayn, oo aan la fileyn maadaama Soomaaliya horey u diiday inay wada-hadal ka gasho badeedda, taasi oo ah waxa ay raadineyso Kenya oo rumeysan in looga adkaan doono dacwada badda. Sidoo kale, waxaa yaab leh in Xaaf uu madaxda Soomaalida ku weeraro loolanka kala dhaxeeya dalalka kale, ee cadowga loo arko inkasta oo ay jirto in khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Xaaf iyo dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Somaliland can provide enough to satisfy every person’s need, but not every government officer’s unlimited greed Every human being has the right to freedom from oppression. Let me begin by first saying that I basically wrote this article for the advocacy of Somaliland poor people who are in a poverty rate of 73%, according to UNDP statistics; a country that has 70% of its population under the age of 30 with a wide range of social, economic and political challenges facing them; a people governed with inequality of opportunities in an unfair and cruel way, prevented from having freedom. I also write this article to point out that what made Somaliland people poor is not the country, it is by those who govern and the way they govern it. The root cause of poverty of a country is social injustice and the bad government that abets it. Let us remember that leadership service demands selflessness and the willingness to give their honesty and ambitions fully to the cause of the betterment of their poor people. I am of the opinion that the selfless strived speeches of the candidates in the election campaigns was never meant for the self-glorification or gratuity of those who won the elections and rule the country. But rather it was meant to serve; yes to serve the people, to serve the down-trodden poor, to serve the have-not community in the IDPs, to serve the children paving their way to a better future, to serve and develop the livelihoods of our rural population. Somaliland people passed through long journey of oppression type of rule, ethnic cleansing genocide, forced displacement, refugee life style sufferings, destructive struggle for freedom and the loss of over hundred thousand of their beloved ones. After they regained their political independence that was lost in 1960 the people of Somaliland again experienced another 28 years passed bye with tolerance, endurance, courageous resistance and withstanding ability of the pains, difficulties and unpleasant hardships resulted from their endless lack of the essential human needs. Somaliland peoples’ tolerance for that long time was just because of their ultimate hope to see one day a Somaliland free from injustice, inequality, corruption, nepotism, favoritism, power abuse; poverty, unemployment, and from selfish exhausted compromised and visionless leadership long on deceiving ideas and short on actionable plans. There are a number of elements within our inner side lives that are not known to others, that actually define us and have played a significant role in making us the persons we are in front of others. In Somaliland such elements within our political leaderships and government political elites showed us that they have an excessive greed to possess the public assets as their private belongings and lust for public money thefts. I remember of the words with great icon that Mahatma Gandhi said “Earth provides enough to satisfy every man’s need, but not every man’s greed”. May I equally say that “Somaliland provides enough to satisfy every person’s need, but not every government officer’s unlimited greed”. When we change our mindset based on material and selfishness to moral value and national success; we can change the living standard of our people. This philosophy of selfishness that every man and every woman who has to take up government responsibility is thinking to get much money and many properties in the period of his/her service destroyed Somaliland and does not work anymore. A country can go forward and develop when its leaders and others in the government services love their people and are ready to serve them better; when they become humble to consider the problems of the different social groups and diverse their opinions in order to choose the best path. This means this country has hope only if our leaders, cabinet ministers, MPs and government officers change this selfish greed and become selfless persons ready to serve for the common good, not aiming only their self-glorification and gratuity. Somaliland government was not and is not working on a Plan based on building a nation inspired by a bright vision; a nation featuring highly in social development indexes that our country be connected and open to neighbors and the world. Politically it is necessary to work on to improve governance and regional integration. The government should work for the vision enabling Somaliland to promote its economy and become socially, economically and environmentally in a sustainable development. We need to see Somaliland transforming itself to become among the most efficient food producers in the region and Africa; we need to see Somaliland become a country with booming and innovative industries; we need to see Somaliland become a supplier of products to the outside world besides its import needs. Somaliland is rich with all economic development sectors like agriculture, livestock, minerals, natural energy, sea resources and architectural areas for tourism; it is also geopolitically strategic in location with good climate and very efficient people. But unfortunately it is one of the poorest countries in the world. In order to make use of all these economic development resources; we need economic development re-orientation plan and a procedure of its implementation; beginning from an assessment of the most important investable sectors in our country like agriculture, fisheries, livestock, minerals, energy and infrastructures. The 2nd step is to create easier and encouraging investment policies; and invite foreign and local companies to invest the country through the foresaid sectors. The government must develop national policy supporting and encouraging agricultural production and implement it through government decisions and directives. The government has to organize and lead a massive national campaign with all private, public and social sectors to put their commitment on the desk of investing their money through the identified investable sectors; instead of importing goods that can be produced or processed within our country. The government should introduce a monetary exemption which refers the removal from import taxes, service charges and municipal taxes on all imported agricultural motor items, agricultural machinery and equipments. At the same time the government must prepare and make available all the proper tools and mechanical instruments of the country’s different types of farming; with a procedure enabling the farmers to use these tools and instruments. The government must conduct training workshops that develop or modernize the methods of farming and must improve the technology employed in that sector. The government should set a strategy that encourages the commercial corporations, companies, firms and business enterprises of the country to upgrade their innovations and innovators further to push the country from importer to producer. The government can introduce a technique making them understand that their main task and objectives should not be only to generate income through importing goods; but to accept and take their social responsibility to invest their money in their country and produce what they select from the nationally assessed and evaluated list of the investable agricultural, industrial and marine production. In this strategy they can generate easier income and they can create more jobs for their people; on whose account they have become so rich. The government should make tax exemption on all the imports they need for their Manufacturing processes; if they make such local investments; it must also push tax raising reforms on the rich monopolies in the country to help small and medium-sized enterprises flourish; if they fail to take their part on the country production booming campaign. Somaliland currently has a demographic bonus, 70% of its population is young, under 35 years. I f Somaliland government develops such vision with a plan to implement, this can open opportunities of hiring and contracting our local repressed scholars who have the talents and expertise to the fields of the related investments; a vision that grantees our young people, our skilled workers and none skilled workers get jobs. If we need to create job opportunities to our young graduates and to reduce the 90% unemployment rate of our youngsters as much as we could; we need to make non-stop work directed by intellectuality and selflessness. Then we can orientate our educated youngsters to work for the good of their people, enjoying with a democratic, supportive, transparent statehood that promotes equal opportunities for all. God bless Somaliland; guide and support her poor people; bless all her children and give her peace, development and urgent recognition ISHA ALLAH. Adam ALI Younis E-mail: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Guddoonka Golaah Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa guddi u saaray baaritaanka shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-marreeb ee Galmudug Gudoomiyaha ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo xildhibaano ah, ayadoo loo idmaday in ay baaritaan ku soo sameyaan dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee deegaanada Galmudug, taas lagu dilay dad ka soo jeeday deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya. Gudiga ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano Miisaan ku leh golaha shacabka, ayagana oo tagi doona goobihii ay wax ka dhaceen si ay soo celiyaan xog ku aadan wixii dhacay. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Xildhibaan Cali Jaamac Jangeli,. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur. Halkaan ka aqriso Goobjioog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Morsi wuxuu ku dhashay deegaanka Al-Cadwah oo saran Webiga Nile ee gobolka Sharqiyah, sannadkii 1951. Wuxuu culuumta Injineeriyadda ka bartay jaamacadda Qaahira sannadkii 1970kii. Ka dib wuxuu shahaadada PhD ka soo bartay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka. Soo Ifbixii Morsi Doorashadii baarlamaan ee ugu horreysay ka dib markii xilka laga tuuray Mubaarak, sannadkii 2011kii, Ikhwaanka waxay sameysteen Xisbi ay ku magacaabeen Xuriyadda iyo Cadaaladda (FJP). Waxay ku guulleysteen kala badh kuraastii baarlamaanka. Morsi ayey u doorteen inuu hoggaamiye u noqdo xisbigaas siyaasadeed, kaas oo ku guulleystay doorashadii madaxweynaha. Inkastoo uu hogaaminaye ahaa wakhti dheer haddana waxaa loo arkay inuu ahaa nin aamusan oo dadka aan soo jiidan karin. Morsi ayaa u balanqaaday dadka cadaalad iyo horumar iyo inuu Masar oo dhan hoggaaminayo inakstoo natiijada doorashada aad la iskugu dhowaa. Xilligaas ka hor ayaa siyaasadda lagu arkay. Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sannadihii 2000 iyo 2005tii. Dadka isaga dhalleeceeya waxay sheegeen inuu ku guul-dareystay inuu waxqabto sannadkii uu xafiiska hayay. Waxay sheegeen inuu Islaamiyiinta u ogolaaday inay siyaasadda galaangal ku yeeshaan ayna dhaqaalaha si xun u maareeyaan. Morsi ayaa noqday madaxweyne ka dib markii Mubaarak xilka laga tuuray Dad dowladdiisa ka soo horjeeday ayaa sababay isu soo bax malaayiin qof ay ka qeybgaleen, maalintii uu u dabaaldegayay sannadkii uu xafiiska hayay ee 30 June 2013kii. Habeenkii 3dii Juley ayey ciidammada laaleen dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen dowlad ku meel gaadh ah oo dalka doorasho ku hoggaamisa. Morsi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay afgembi, waxaana lagu xidhay xabsi ay millatariga leeyihiin. Ururkii uu ka tirsanaa ee Ikhwaanka wuxuu Masar ka jiray ku dhowaad 90 sanno. Maxamed Morsi wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar ee si dimuquraadiyad ah lagu doortay. Ururka Ikhwaanka oo muddo Masar mamnuuc ka ahaa, markii ugu horeysay ee siyaasadda ay u tartameen waxay ahayd 1980-maadkii. Waxay ka qeybgaleen doorashooyiinkii 1984 iyo 1987. Sannadkii 2000, waxay noqdeen mucaaradkii ugu weynaa dalka Masar. Maaxamed Morsi oo dhowr goor oo maxkamad la geeyay, waxaa lagu kala riday xukunno kala duwan, sida xabsi iyo dil. Maxkamadda sare ee Masar ayaa ka dib go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado. Source
-
(SLT-Tehran)-Afhayeen u hadlay hay’ada Nuclear-ka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay kordhinayso tayaynta heerka macdanta uranium-ta ee loo adeegsado hubka wax baabiiya ee Nuclearka, isla markaana uu dalkiisu mudooyinkii u dambeeyey uu dadajiyey tayaynta macdantaasi. Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ninka la yidhaa Behrouz Kamalvandi ayaa soo beegmaya xili ay xiisad adagi ka taagantahay gacanka Persianka oo u dhaxaysa dalka Maraykanka iyo Iran. Waxaanu sheegay afhayeenka u hadlay hay’adda Nuclearka dalka Iran in ay kordhinta macdantaasi ay ka bilaabeen 3.67% taas oo ay hoos u dhigtay heshiiskii ay wada galeen 2015-kii Iran iyo dawladaha aduunka ee awooda leh, wakhti xaadirkana ay u baahdeen inay talaabadaasi ay ku kordhinayaan tayaynta uranium-ta inay qaadaan. Mr Behrouz Kamalvandi oo ah Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ayaa sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta dalkiisa uu la hadlayey. Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa haatan dib u eegis ku sameynaya heshiiska Dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii Madaxweyne Gaas bishii April 2017-kii ay la saxiixatay Shirkadda DP World ee Imaaraadkaa Carabta. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ajendayaasha horyaalla baarlamanka ayaa lagu daray dib u eegista heshiiskaasi. Xubno ka mid ah golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay go’aankan, si mar kale looga dodo danaha shirkadda DP World. Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in inta badan Xildhibaanadu ay soo jeediyeen talo ah in gabi ahaan la laalo hehiiskaasi. Heshiiskan oo uu qalinka ku duugay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soconaya muddo 30 Sano ah. DP World ayaa horay u sheegtay in ay ballaarin doonto dhismaha Dekedda Boosaaso, kuna dari doonto 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay tilmaamtay in ay ku bixi doonto lacag dhan 336 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa tan markii ay la wareegtay Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso waxa ay isku dhaceen ganacsatada badeecaha kala soo daga halkaas, sababo la xariira is-beddal lagu sameeyay canshuurta laga qaado dekeddaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay maanta maamulaha guud ee hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka (USAID). Mark Green iyagoo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawl-gelinta Xarunta USAID ee Somalia oo la xiray sannadkii 1991-kii. Khayre iyo Mark Green ayaa ka wadahadlay dadaallada ay DF ugu jirto dib u soo kabashada dhaqaalaha, deyn cafinta iyo dib u habaynta hannaanka guud ee maaliyadda dalka si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho iyo dib u soo kabasho dhaqaale, isla markaasna ay soo dhawaynayso wada shaqaynta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka. Dhanka kale, Mark Green ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay hawlaha ay hay’adda USAID ka waddo Somalia iyo qorshayaasha lagu dardar-gelinayo mashaariicda lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah. Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka. Ugu dambeyn, Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia iyo Madaxa Hay’adda USAID oo ku kulmay Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (PP) ─ Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa geeriyooday xilli maanta lasoo taagay makxamad, sida ay baahisay warbaahinta Masar ee ay maamusho dowladda. Telefishinka Qaranka Masar ayaa sheegay in Mursi uu si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaal loola cararay, inkastoo aysan jirin faahfaahin intaas ka badan uu bixiyay telefishinka. “Wuxuu ka hor hadlayay garsoorka maxkamadda muddo 20-daqiiqdood ah, balse si lama filaan ah ayuu u tabar-beelay, waxaa loola cararay isbitaalka halkaasoo uu goor-dambe ku geeriyooday,” ayaa laga soo xigtay garsoorka makamadda. Maxamed Mursi oo ahaa 67-jir ayaa sannadkii 2012-kii loo doortay inuu dalka Masar ka noqdo madaxweyne, wuxuuna ahaa madaxweynihii ugu horreeyay dalkaas oo si xor ah loo soo doorto, kaddib kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii, kaasoo xilka looga tuuray madaxweynihii isaga ka horreeyay Maxamed Xusni Mubaarak. Sidoo kale, Mursi ayaa waxaa xukunka ka tuuray millateriga dalkaas, kaddib markii la dhigay dibadbaxyo sannadkii 2013-kii, taasoo keentay in Mursi la dhigo xabsiga, laguna eedeeyo inuu ku kacay falal qayaano Qaran ah. Dacwadaha loo haystay marxuumka ayaa waxaa ka mid ahaa inuu ka mid ahaa urur ay ugu yeereen argagaxiso, kaasoo ah Akhwaanul Muslimiinka oo dalkaas laga mamnucay, wuxuuna dhawr jeer iska diiday dacwadihii lagu soo oogay. Mursi ayaa lala xukumay 23-ruux oo kale, waxaana mar ka mid ah isaga iyo dhawr qof oo kale lagu xukumay dil toogasho ah, inkastoo mar kale ay ku xukuntay maxkamad kale xabsi muddo dheer ah. Ugu dambeyn, Lama oga halka lagu aasayo iyo cidda ka qayb-geli doonta, waxaana geeridiisa ay kusoo beegmaysaa iyadoo dalkaas uu weli xukumo madaxweynaha talada maroorsaday ee C/casiis Al-Siisi oo ka tirsan muddo dheer millateriga dalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Qaahira)-Warar degdeg ah oo hadda naga soo gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaasi Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taalla magaalada Qaahira. Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Maxamed Mursi xilliga uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira. Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-ka, hase yeeshee sannad kadib ayaa waxaa xukunka kala wareegay millatariga oo uu hoggaaminayey madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Siisi. Source
-
Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee Masar ayaa goordhow geeriyoodey isaga oo la maxkamadeynayo. Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan iney socotay maxkamadeyn la xiriirtay arrimo Jaajuusnimo dalal ajnabi ah iyo xarakada Xamaas. Maxamed mursi ayaa ahaa hoggaamiye shacabka reer Masar ay soo doorteen kaas oo ka socday Ururka IQwaan Muslimiinka oo dalka si aad ah ugu xoogan. Ciidamada Milatariga oo uu hoggaamiyay Cabdi fitaax Aziizi ayaa xilka ka tuuray ayadoo Maxamed Mursi xabsiga la dhigay. Maxaweyne Mursi ayaa caawa geeriyooday xilli ay socotay maxkamadeynta eedeymo loo heystay oo ku aadan inuu ahaa jawaasiis. Goobjoog News Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed mursi ayaa geeriyooday waqti uu taagnaa ay Maxkamadda, Mursi ayaa loo heystay kicin dadweyne asaga oo hoggaaminayay Urufurneed kiis dacwadeed loo heystay. Madaxweynaha ayaa Source: goobjoog.com
-
Egypt's former President Mohamed Morsi has died after appearing in court, according to state media. Source: Hiiraan Online