Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE WorldRemit enables remittance receivers to manage their money on their phones New app features allow money transfer recipients to request and receive money from abroad, store multiple currencies, and pay out their funds at any time to a local bank account, mobile money wallet or cash pickup location YAOUNDE, Cameroon, June 18, 2019/ — Leading online money transfer service WorldRemit (https://www.WorldRemit.com/en) is introducing new app features to make it easier for remittance recipients in several countries, including Cameroon, to manage funds sent from loved ones overseas. Remittance receivers in several countries, including Cameroon, can now create and access a remote WorldRemit account to: Receive money instantly to their phones from over 50 countries worldwide in multiple currencies including USD and XAF. Store their funds in the app in multiple currencies including USD and XAF. Withdraw their money at any time using WorldRemit’s wide variety of convenient pay-out options, including cash pickup at over 1,500 locations, bank transfer and mobile money transfer. Send money to other WorldRemit customers living in the same country who have the new app feature. Request money from friends and family abroad by building a transfer (including amount and currency) in the WorldRemit app and sharing the request with their sender via Whatsapp, SMS or email. Senders can then easily approve and deliver the transfer in seconds. The new app features are completely free of charge and give WorldRemit money transfer recipients full control over when and how to withdraw their remittances. Approximately 65% of adults in Cameroon remain (https://bit.ly/31GBxVF) unbanked, and customers do not need a bank account to access the full range of services available remotely for money transfer receivers through the WorldRemit app. WorldRemit first launched its online money transfer service to Cameroon in 2012, and transfers to the country have been growing by over 90% year-over-year. Using the WorldRemit app or website, the diaspora community can send money home in a few taps from their phone, without having to pay expensive fees at a money transfer agent. Andrew Stewart, Managing Director for Middle East and Africa at WorldRemit, said: “Cameroon is one of our top ten remittance receiving countries globally, so we are delighted to make it even easier for money transfer recipients in the country to manage their funds. “Previously, only senders of WorldRemit transfers could select whether their money was received by bank deposit, collection as cash or mobile money transfer. The new service gives receivers with or without a bank account full control over how they manage their remittances, enabling them to store funds in a remote account in multiple currencies, send money to other WorldRemit users in the same country, or withdraw their funds at any time via any of our convenient pay-out methods.” For more information on how to send money to Cameroon, click here (https://bit.ly/2ZwbPB4) Distributed by APO Group on behalf of WorldRemit. Qaran News
  2. Wararka laga helayo laga helayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa sheegay in saaka uu halkaasi ku geeriyooday, abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub. Alle ha u naxariistee, abwaanka oo sannadihii u dambeeyay xanuunsanayey, ayaa dhowaan la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethipia, si loogu soo daweeyo, balse halkaasi ayuu saaka ku geeriyooday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa. Abwaanka oo kamid ahaa tiirarkii hal-abuurka Soomaaliyeed, ayaa lagu xasuustaa riwaayado iyo heeso badan oo uu sameeyay, kuwaasi oo Soomaalida dhexdeeda caan ka ah. Taariikhdiisa kala soco Puntland Post The post Abwaan Sangub oo ku geeriyooday dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub. Abwaanka ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Addis Ababa ee caasimada Dalka Ethiopia. Abwaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Addis Ababa,isla markaana saakay uu ugu geeriyooday xanaankaasi haayay. Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub. Marar badan ayaa baraha Bulshada lagu faafiyay macluumaadka la xiriira geerida Abwaan Singub, balse waxaa maanta xaqiijiyay Abwaan Xersi Dhuux. Alle ha u naxariis Abwaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn ciidanka Somaliland saaka ku dhexmartay Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada hargeysa, waxaana ay is rasaaseynta [...] Source
  5. Somaliland ayaa xirtay xarummaha labo Telefeshin oo xafiis ku lahaa magaalada madaxda Hargeisa, waa Eryal iyo Horyaal. Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee Hargeisa, ciidamo ayaa la wareegay xaruumaha, iyaga oo la soo baxay warqado ogolaashiyo xiritaan ah. Telefeshinnada la xiray ee Eryal iyo Horyaal ayaa lagu eedeeyey hadallo ka dhan ah taliska ama guud ahaan ciidamada Somaliland. Wararkan oo faahfaahsan kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mark Green ayaa ku dhawaaqay in xafiiska howlgalka hey’adda laga furayo magaalada Muqdisho. Xafiiskaasi waxaa uu xirnaa tan iyo January 5, 1991. Howl-galkan uu hoggaamin-doono agaasimaha hey’adda Jeffrey Bakken ayaa lagu wadaa iney la shaqeeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay fuliyaan mashaariic badan. Mudane Mark Green ayaa oo xafladda arrinkan lagu shaaciyey ka hadlayey ayaa sheegay in howlo badan ay ka wadaa gudaha Soomaaliya, isla markaana ay qorsheynayaan mashaariic kale oo lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah. Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka. Mudane Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Soomaaliya ayaa hadda loo ogolaadey iney cod ku yeelato ururka shaqaalaha adduunka, waxaa ay xayiraad ay ka saarneyd codaynta, balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka. Wasiir Sadiiq Wafaa, oo sii-hadalaya “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho ka furtay shir weyne looga hadlayo istaraatijiyada hormarinta xoolaha Soomaaliya. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Federal-ka, Madaxda Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada, Hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada midoobe u qaabilsa ee FAO iyo Bankiga Aduunka xubno ka socday. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirka furay ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay nidaamka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya, isagoona xusay in marka laga yimaado dhoofka xoolaha ay sidoo kale fursad u tahay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamed Xuseen ayaa dhinaciisa xusayin shirkaan oo seddex cisho ka socon doona Muqdisho in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ka go’an in ay u howl gasho sidii loo horumarin lahaa malaayiinta xoolo dhaqatada ah, ganacsatada xoolaha iyo dhammaan dadka noloshoodu ku xiran tahay wax soo saarka xoolaha. Si ay arrintaani u dhaqan gasho waxa hay’adaha dowliga ah looga baahan yahay in ay diyaariyaan siyaasadda , istiraatiijiyadda iyo shuruucda kale ee lagu hirgalinayo horumarinta xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed. Gebagebada shirka ayaa la fikayaa in war murtiyeen qeexaya qodobadii la isla gartay laga soo saaro.
  9. Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa saaka lagu aasay qubuuro dhaca bariga Qaahira, waxaana goobta joogay qaraabadiisa, uu ku jiro wiilkiisa Usama oo maxbuus ahaa, waxaa kale oo joogay abuukaatihiisa. Ala ha u naxariistee, Maxamed Mursi Al-cayaad waxaa uu geeriyoodey galabtii Isniinta isaga oo lagu maxkamadeynayo Qaahira, waxaana loo heystay dacwad la xiriirta jaajuusnimo. Waa Kuma Maxamed Mursi: Waa madaxweynihii 5-aad ee Masar, waxaa la doortay kadib kacdoonkii 11 Janaayo 2011-kii, waa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Masar loo doorto si dimoqoraadi ah. Waxaa uu ku guuleystay doorasho dalkaasi ka dhacday, laakin waxaa la afgabiyey 2013-kii isaga oo maamulkiisa meesha laga saaray, waxaana sidaasi sameeyey nin ka hadda madaxweynaha ah Cabdi Fitaax Al-sisi, oo ahaa wasiirkiisa arrimaha gashaandhigga. Maxamed Mursi waxaa uu dhashay 1951-dii, waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Al-sharqiya, ee waqooyi beri Masar waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay jaamacadda Qaahira iyo Dhahaadada PhD-da ee galbeedka California. Mursi waxaa uu ka tirsanaa xarakada Ikhwaan Muslimiinta, waxaa uu madax ah ka ahaa hoggaankooda baarlamaanka Masar inta u dhaxeysay 2000-2005-tii, markii dambe waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Xuriyadda iyo cadaaladda ee xarakada. Waxaa la xiray 2006-dii, 2011-kii iyo hadda uu isaga oo maxbuus ah dhintay, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin: in uu dhintay ama la dilay? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Geneva (SMN) – Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka. Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doonto, isagoo marka tilmaamay waxa ugu weyn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan lahaa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka. “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, isagoo marka tilmaamay inay waxyaabo badan ka dhax-li doonaan xayiraaddii laga qaaday codaynta ee ka saarnayd hay’adda shaqada adduunka ee ILO muddadii 33ka sanno ahayd ee la soo dhaafay. View the full article
  11. War-saxaafadeed: Canbaaraynta xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland saaka ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin. Ururka SOLJA, waxa uu talaaadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba. Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday. Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin. Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka. Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed. Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah. Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay. Saxaafadda Somaliland waxay gayaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarada balaadhan ee dalalka jaarkeena ah ama kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tababar iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Source
  12. (SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Ayaa Noqday Shamac U Baxay Guud Ahaan Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariba , Xildhibaanka Ayaa Dedaal Karti Iyo Fir Fircooni Badan Waxa Uu Xili Kasta Ugu Jiraa Sidii Gobolka Togdheer U Noqon Lahaa Hormuudka Gobolada Soomaliland , Xildhibaan Bidhi Ayaa Gacantiisa Ku Fuliya Arimo Danta Guud Ah Oo Uu Si Tabarucaad Iyo Iskaa Wax U Uqabso Uu Ugu Fuliyo Gobolkiisa Iyo Dadkii Soo Doortay Dhalinyarada Waayeelka Iyo Wax Garadka Gobolka Ayaa Iyaguna Ah Kuwo An Ka Abaal Ka Darin Wax Qabadka Muuqda Ee Uu Xildhibaanku Ka Gaysto Gobolkiisa , Xildhibaankan Ayaa Ah Xildhibaanka Kaliya Ee Sida Qoraxda Uga Dhex Ifaya Xildhibaanadii Isku Wakhti La Doortay. Mar Uu Ex Wasiir Qabyo Tire Uu Xildhibaan Bidhi Ka Hadlayay Kartidiisa Ayaa Waxa Uu Yidhi ” Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Bulshada Gobolka Togdheerey Waa Waslad Dahaba Oo Burco Hantiday ” Masoo Koobi Karo Wax Qabadyada Faraha Badan Ee Uu Isu Xilqaamay Xildhibaanku Si Uu Gobolkiisa Ugu Horumariyo Habeenimadii Xalay Ayaa Barnaamij Lagu Qabtay Magaalada Burco Oo Loogu Magac Daray {Qiimee Awards} Oo Looga Jeedo Qiimee Qofkaaga, Waxaa Xildhibaanka Lagu Maamuusay Isla Markaana Ay Dhamaan Uga Markhaati Kaceen Dadkii Kasoo Qayb Galay Barnaamijkaasi Inuu Yahay Xildhibaanka Kaliya Ee Gutay Isla Markaana U Qalma In Dalka Xil kan Kasii Sareeya Loogu Dhiibo Si Dadka Iyo Dalkuba Horumar U Gaadhan , Xildhibaanka Ayaa Bilad Sharaftii Abid Gobolka U Mudnayd Ee Shaqsi Lasiiyo Lagu Maamuusay Source
  13. Deegaamo dhanka Koonfureed kaga begmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad kadib markii ciidanka Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah [...] Source
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu todobaadyada soo socda sii dhammaystiro, isbeddelka dhanka maamulka ah ee hay’adaha dowladda, kaasi oo uu waday tan iyo markii uu soo dhisay xukuumaddiisa. Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyada soo socda uu taliyaal cusub u magacaabi doono, ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland. Warbaahinta Puntland Post ayaa sidoo kale ogaatay, in madaxweyne Deni uu isku’ shaandheyn kooban ku samayn doono qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland. Qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa la filayaa in wasaarado kale loo beddelo, halka qaar cusubna la magacaabi doono. Waxanse si rasmiya looma ogayn wasaaradaha uu saamayn doono isbeddelka madaxweynaha iyo wakhtiga isbeddelkaasi dhici doono midna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Puntland oo isku’ shaandeyn samaynaya appeared first on Puntland Post.
  15. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markale eedeyn u jeedisay dowladda Norway iyo shirkad gaar ah oo laga leeyahay dalkaasi. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in shirkad laga leeyahay Norway ay si toos ah kaga dambeyso xiisadda u dhaxeyso dowladaha Somalia iyo Kenya, waxaana shirkadaasi la sheegay inay ka dhex shaqeyneyso madaxda labada dhinac. Wargeysa Daily Nation ayaa baahiyay in dowladda Kenya aysan ku faraxsaneyn habka dhaqanka dowladda Norway, maadaama ay sheegeen inay ka dhex shaqeyneyso labada dowladood ee Kenya iyo Somalia. Shirkad magaceeda lagu sheegay DNO oo laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso xiisadda u dhaxeyso labada dhinac, waxaana lagu eedeeyay shirkadda inay dooneyso shidaalka laga helay badda Kenya ay murunka gelisay. Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal. Kenya waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas. Maxkamada ICJ ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeyo, waxaana muuqata in dowladda Kenya oo ka walaacsan natiijada inay bilowday inay cadaadis saarto dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
  16. 16 kamid ah xildhibaanadii golaha deegaanka Burtinle ayaa iska iscasilay xubinamadii ay ka hayeen golaha deegaanka, sida ku qoran qoraal kasoo baxay xildhibaanadaan. Xildhibaanadaan ma [...] Source
  17. Afgooye (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Ciidamo gaar ah loogu sameynayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasiir Ducaale Ducaale ayaa tilmaamay in Ciidamadaasi laga qori doono deegaanada Sh/ Hoose, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan xasilioonida gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowladdu ay siin doonto tababaro gaar ah, si ay u helaan waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla K/ Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayirtay telefishannada Horyaal iyo Eryal, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye. Ciidamo sida warqadda xayiraadda TV-yadan ayaa saaka qabsaday xarunta Telefishanka Horyaal, balse markii dambe ciidanka ayaa halkaasi iskaga tagey iyagoo armay in shaqada la joojiyo. Labadan telefishan ayay xukuumaddu ku eedaysay farogalinta arrimaha ciidamada iyo ka hor imaanshaha qarannimada Somaliland. Source
  19. Kismayo (SMN) – Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay Nabadoon caan ahaa ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Xasan, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Jubbaland. Raggii ka dambeeyay dilkiisa ayaa lagu soo warramayaa in ay si aayar ah uga baxsadeen goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in tiro dad ah oo la tuhmayo ay gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dilka Nabadoonkaasi. Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu horreyn ka tacsiiyey geerida Marxuumka, waxaan uu faray laamaha ammaanka inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Kismaayo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo xoogan ka waday Ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. View the full article
  20. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-180619-web-1.mp3 View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa xalay dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay. Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay,waxaanay wararku xaqiijiyeen in labadan askari ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada qaranka oo ku yaalla degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar. Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cabsida laga qabo cudurka Ebola oo la sheegay inuu ka dilaacay dalka Uganda. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo in xanuunkaasi ku soo fido deeganada Somaliland. Wuxuuse ka dhawaajiyey Agaasimuhu inay Somaliland ka diyaar-garowday sidii loogu hortagi lahaa cudurkan faafa ee Ebola. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan xanuunkan ay la socdeen xiliyadii hore ee uu ka dilaacay dalka Kongo, isagoona xusay inay baaqyo u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha caafimaadka kala shaqeeya. Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arrintan loo magacaabey guddi ka hor taga xanuunadan faafa ee noocan ah, kuwaasi oo bixin doona tobabaro ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, kana talo bixin doona. Ugu dambeyntiina Agaasimaha ayaa xusey inay wasaarada caafimaadka Somaliland ay qaaday taloobiynkii looga hortagi lahaa xanuunkasi iyada oo ka soo baxaysa waajibadkeeda, balse aysan hadda jirin cabsi aad u weyn oo ku aadan cudurkaasi. Source
  23. Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Somalia, kaddib cayrintii ergaygoodii hore Nicholas Haysom, taasoo sababtay inuu khilaaf soo dhex-galo dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay. Sarkaal tirsan QM ayaa sheegay inuu soo hagaagayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo Dowladda Somalia, kaddib xiriir aan sii buurnayn oo u dhexeeyay Somalia iyo Qaramada Midoobay muddo lix bilood ah. Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablsan frika, Bintou Keita oo dhawaan booqatay Somalia ayaa sheegtay in xilligan uu xiriirka u dhexeeya labada dhinac soo hagaagayo ayna is arkeen intii ay Somalia ku sugnayd madaxda Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Keita ayaa sheegtay in wadahadalladii ay la yeelatay madaxda Somalia diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka iyo weliba xiriirka Somalia iyo Qaramada Midoobay u dhexeeya. “Madaxda Somalia waxaan kawada hadlanay siyaasada, aasaaska nidaamka federaalka iyo xaaladda dhaqaale ee dalka,” ayay sarkaaladdan ku sheegtay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM. Dhanka kale, Safarkeeda ayaa yimid dhawr toddobaad un kaddib markii QM ay ergey cusub u soo magacowday Somalia, kaasoo u dhashay Mareykanka laguna magacaabo, James Swan horayn u soo noqday safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu iskiis isku casilay. Ugu dambeyn, Xiriirka u dhexeeya QM iyo Somalia ayaa xummaaday kadib markii Xukuumadda Somalia ay horraantii sannakan shaqada ka cayrisay eregygii UN-ka ee Somalia, Nicholas Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee Somalia. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay ka hadashay xiriirka xilligaan kala dhexeeya Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.
  24. Qaahira (PP) ─ Waxay faahfaahin dheeraad ah kasoo baxaysaa geeridii ku timid madaxeynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo Dowladda waddankaas ay sheegtay inuu geeriyooday shalay isagoo la maxkamadeynayo, inkastoo aysan sheegin sababta ama xanuunka uu u dhintay. Marxuum Maxamed Mursi ayaa oo 67-jir ahaa ayaa xabsi ku jiray muddo 7-sano ah, waxaana loo hastay eedeymo kala duwan oo uu ku sheegay inay dhammaantood yihiin kuwo been abuur ah oo uusan wax lug ah ku lahayn. Wiil uu dhalay Mursi oo lagu magacaabo, C/llaahi Maxamed Mursi oo isagana la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in aabbihiis uu u geeriyooday xanuun, kaddib markii xukuumadda Qaahira ay ka joojisay dawooyinkii uu ku qaadanayay xabsiga gudihiisa. “Xilligan ma garanayno halka maydkiisa lagu hayo, waxayna mas’uuliyiinta Masar diideen in marxuumka lagu aaso qubuuraha qoyskiisa oo Qaahira ku yaalla,” ayuu yiri C/llaahi Mursi oo sheegay inay nasiib-darro ah in aabbihii oo dhintay loo diido maydkiisa. Sidoo kale, Wararka dheeraadka ah ee laga helay qoyskiisa ayaa sheegaya in marxuumku uu qabay cudurro badan oo ay ka mid yihiin macaanka ama sokorta, cudurro ku dhaca beerka iyo sidoo kale cudurro kilyaha uga dhacay balse dowladdu arrintaas kama aysan hadlin. Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda Qaahira ay si xun ula dhaqantay madaxweynaha geeriyooday, isla markaana ay dhawr ku jir-dileen gudaha xabsigii uu ku xirnaa oo loo diiday inay ehelkiisa booqasho ugu yimaadaan. Dhanka kale, Hay’adda xuquuqda aadanaha dunida ee Human Rights Wtach ayaa geerida Maxamed Morsi ku tilmantay mid aad u xun, laakiinse la filan karay, sababtoo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan. “Xukuumadda Qaahira ayaa xambaareysa mas’uuliyadda geerida marxuum Mursi ku timid, sababtoo ah iyadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aasaasaiga ah ee maxaabiista,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HRW. Ugu dambeyn, Maxamed Mursi ayaa muddooyin ka hor sheegay inuu filayo inuu xabsiga ku dhex geeriyoon doono, taasoo uu sabab uga dhigay cadaadis uu sheegay inay ku hayaan ilaalada xabsiga lagu hayo iyo xaalad caafimaad oo lasoo daristay. PUNTLAND POST The post Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar – MURSI appeared first on Puntland Post.