Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,730
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The U.S. Agency for International Development (USAID) has provided 185 million dollars in humanitarian assistance to help Somali people facing acute food shortage. USAID administrator Mark Green said in a statement issued on Monday evening that the funds will address food insecurity and acute malnutrition, and deliver safe water and emergency health care to people affected by ongoing conflict and prolonged drought. The Horn of Africa nation is currently facing emergency levels of hunger, with an estimated 2.2 million people experiencing life-threatening food insecurity and requiring immediate food assistance. Meanwhile, the U.S. announced on Monday that it has reopened a permanent USAID Mission in Somalia after more than 28 years since its closing on Jan. 5, 1991. According to USAID, the team which is led by mission director Jeffrey Bakken will work with the Somali government to advance peace and stability in Somalia. View the full article
  2. Mohamud Abdullahi Isse Sangub, famous Somali playwriter, songwriter and actor passed away in the Ethiopian capital on Tuesday. Somali poet Hersi Duh, confirmed his death to the Somali media today Tuesday. According to sources, he will be given a state funeral in Jigjiga, the capital of Somali regional state in Ethiopia. The 75 years old was born in Dhagax Bur in former Ogadenia region in Ethiopia in 1944. He composes more than 40 interesting plays and countless songs. He lived in the United States before returning to Djibouti and then Somalia where he lived the remaining part of his life following the controversial play “Qabyo” that showcased the challenges of Somalis in the Diaspora. View the full article
  3. Deegaanka Caluula ee gobolka Garada Fuu ayaa waxaa ku soo fatahmay biyaha badda, waxayna dumiyeen oo ay la tageen guryo farabadan oo ku yaalay xeeliga [...] Source
  4. Xildhibaan Dhakool oo katirsan golaha wakiilada ee maamulka Somaliland ayaa maalinimadii shalay ahayd laga soo daayey xabsi kuyaal magaalada Hargaysa oo uu ku xirnaa in [...] Source
  5. Roobabkii guga ee ka da,ay dhaawn deegaanka Carta ee gobolka Bari ayaa waxa ay wax yeelo xoogan ay gaarsiiyeen waddadii muhiimka ahayd ee dhexmari jirtay [...] Source
  6. Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo Ciidamada ammaanka Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhorw ay oo ku yaalla magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa faraha ka sii baxayay amniga Gaalkacyo, iyadoona ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab. View the full article
  7. Kabtan ka tirsan askarta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa isdilay kaddib markii uu toogasho ku dilay askari ka mid ah kuwa AMISOM. Kabtankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa xabbad isku dhuftay kaddib markii uu dilay askari kale iyadoo aan illaa hadda la ogaan sababta keentay dilka askariga sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ahna afhayeenka ciidamada Ugand Richard Karemire isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah bixiyo. Dhacdadan ayaa imaaneysa bil kaddib markii askar kale ay istoogteen bishii May 13 2019, waxaan sidoo kale la helin faahfaahinta dhacdadaas sida uu sheegay Richard Karemire. Shilalka keena inay isdilaan askarta ama dadka rayidka ah ayaa caadi noqday bilihii la soo dhaafay. Sannadkii 2016 Isaac Obua ayaa toogtay 7 ka mid ah askar ku sugnaa xerada Militari ee Makindye ka hor intii uusan istoogan. Bishii December 2018 Maxkamadda ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay Newton Okello 80 sano oo xabsi ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney uur leh, Ninkeeda iyo cunug ay dhaleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta faragelin caalami ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sameyso muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu si aan caadi ahayn u hor dhigay khilaafka labada dal 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo qatarta muran badeedkan uu u geysan karo nabadda iyo xasilloonid gobolka. “Laba usbuuc ka hor, arrinta ku saabsan muran badeedka ayaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay uu soo hadalqaaday isagoo u sheegay Golaha Ammaanka halista khilaafkan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu u leeyahay nabadda iyo amniga gobolka,” ayey tiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya Monica Juma. Kenya ayaa sheegtay in haddii Soomaaliya ay ku adkeysato dacwadda hortaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda inay yeelan doonto saameyn kale taasoo ah in qaaradda isqabqabsi nuucaan oo kale ah uu ka billawdo iyadoo murankaan uu sababi doono in dalalka dhaca woqooyiga ay iyaguna ka wada-xaajoodaan xudduudahooda. Kenya waxay sheegtay in arrintan ay keeni doonto in muran dhex maro Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Africa waa haddii arrinta Kenya iyo Soomaaliya ay sidan ku sii socoto. Qaramada Midoobay ayaa qilaafka Soomaaliya iyo Kenya soo gaaray kaddib markii xiriirka Nairobi iyo Muqdishu uu xumaaday waxaana muranka sii huriyey markii ay Soomaaliya suuq geysay shidaalka dhul badeedka lagu muransan yahay sida ay sheegtay Monica Juma. Kenya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid daandaansi ah islamarkaana gardarro ah. Kenya ayaa haddii ay ku guul-darreysato dacwadda hoos u dhac dhaqaale oo weyn soo wajihi doonaa gaar ahaan goobaha lagu muransan yahay. Inkastoo Kenya ay ka dalbatay Soomaaliya inay dib uga laabato suuqgeynta shidaalka ee shirkii London laakiin Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka gaabisay dib uga labashada go’aankeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.” “Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya. Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
  10. Baydhabo (SMN) – Madaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Aayaa maanta guddi u xilsaaray dilalkii ka dhacay Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Gaalkacyo , kuwaas oo loo geystay dada ka soo jeeda deegaanada Maamulkaasi. Guddiga oo ka kooban illaa lix xubnood ayaa waxa ay qiimeyn guud ku soo sameyn doonaan, sida ay u dheceen dhacdooyinkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  11. Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Qaahira lagu aasay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo maxkamad la soo taagay maalinimadii shalay,una geeriyooda xaalada caafimaad. [...] Source
  12. Addis Ababa (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ku geeriyooaday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa muddooyinkiia ku xasuunsanayay magaalada Muqdisho, iyadoo markii dambe caafimaad ahaan loogu qaaday gudaha dalka Itoobiya Geerida Abwaanka ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah Ehelladiisa. Sangub ayaa ka mid ahaa Abwaanada Magaca dheer ku lahaa gayiga Soomaaliyeed, waxaana lagu xuuusan doonaa heeso kala duwan, gabayo iyo Ruwaayado uu sameeyay. Sidoo kale Abwaanka ayaa taariikh fog ku leh Fanka Soomaaliyeed, wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Dadiisu markii ay shan jir gaartay ayuu Sangub ku bilaabmay u hilowga fanka, sidoo kalena ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waxaana uu kaalin muuqata uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida. View the full article
  13. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-18062019.mp3 View the full article
  14. Taariikh Nololeed AHU Abwaan Sangub haddaan wax ka taa-taabano, Abwaanka Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin [...] Source
  15. Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Addis -Ababa ku geeriyooday Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise Sangub oo maalmihii udambeeyay ku xanuunsanaa dalka dibadiisa. [...] Source
  16. Qaahira (Caasimadda Online) – Guddiga Cadaaladda Dalka Masar Committee for Justice ayaa dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababtii keentay Dhimashada madaxdwdeynihii Masar ee la go’doomiyey Maxamed Mursi, wuxuuna Guddoomiyaha guddigaas bixiyey faahfaahin ku saabsan daqiiqadihii ugu dambeeyey Nolosha Mursal. Madaxa fulinta Guddiga Committee for Justice Axmed Mufrij oo fadhigiisu yahay Magaalada Geneva ayaa Talefishinka Al-Jazeera u sheegay inay qabaan shaki weyn oo ku aadan dhimashada Dr. Maxamed Mursal isagoo taas ku micmneeyey in Xeer ilaalinta guud ee Masar ay u diiday inuu Mursi xabsiga ku helo daaweyn isla markaasna aysan dhex dhexaad ka noqon karin Xaaladaha keenay dhimashadiisa. Guddiga ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay dhimashadaan ku sameyso baaritaan gaar ah sidoo kalana ay il gaar ah ku fiiriso xaaladaha halista ah ee xabsiyada Masar ku heysato boqolaal kale oo xiran. “Marka la fiiriyo waqtiga, Siyaasadda iyo Gobolkaba waxay nagu abuureysaa shak weyn oo ku aadan in Mas’uuliyiinta amniga Masar ay dileen Dr Morsi.” ayuu yiri Mufrij. Wuxuu ka dalbaday xeer ilaaliyaha Masar inuu joojiyo tallaabo kasta oo la xiriirta aasitaanka Meydka Mursi iyada oo aan fasax laga haysan qoyskiisa isla markaasna aysan xaadir aheyn wakiilladiisa sharciga. Qof u doodo Xuquuqul Insaanka ayaa Al-Jazeera u sheegay inuu hayo macluumaad ku aadan in Meydka Mursi markii hore la geeyey Isbitaal ku yaal Xabsiga Tora halkaasna lagu hareereeyey ciidamo badan. Maxkameynta Mursi ee Isniintii Shalay aheyd ayaa ka duwaneyd kuwii hore waxaana maxkamadda la dul dhigay ciidamo aad u badan taasoo aheyd wax ku cusub Maxkamadeyntiisa. Madaxa fulinta Guddiga Committee for Justice Axmed Mufrij ayaa sheegay in maxkameynta Mursi ay soo xaadireyn kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha Amniga Masar kuwaasoo oo lagu arkayey howlka Maxkamadda iyo dhammaan jidadka laga soo galo. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan qareenadii ay la kulmeyn baaritaan shakhsi shakhsi ah lagana reebay taleefoonadii gacanta iyo qalab Kasta oo Electronic ah kuwaas oo aan fadhiyadii hore ee Maxkamadda loo diidi jirin. Mufrij ayaa sheegay in Maxkamadeynta uu ku dhintay Mursi ay bilaabatay 12:30 Duhurnimo waqtiga Masar, wuxuuna tilmaamay inuu garwadeyn ka ahaa Maxamed Shiirin Fahmi iyadoo ay goobta ku sugnaayeen dhammaan qareenadii u doodayey Mursi. Mufrij ayaa sidoo kale sheegay inuu Mursi Maxkamadda ka dalbaday inay u ogolaato inuu hadlo, wuxuuna Mursi Maxkamadda horteeda ka sheegay in loo diiday inuu helo daawo uuna dhimasho kas ah kala kulmayo Maamulka Masar. Sidoo kale Mursi ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad usii xumaaneyso sidoo kalana uu miir daboolbay asbuucii lasoo dhaafay dhawr jeer isla markaasna uusan helin wax daawo iyo gargaar ah. Illo wareedyo rasmi ah ayaa Al-Jazeera u sheegay inuu Mursi Maxkamadda ka dalbay inuu la hadlo Qareenkiisa si uu ugu dhiibo Amaano ku socoto Shacabka Masar, sidoo kalana uu kala hadlo arrimo isugu jiro halis iyo muhiim. Illo wareedyadaas ayaa sheegay inay Maxkamadda codka ka xirtay markii uu Mursi intaas dalbaday loona diiday inuu hadalka sii wado. Mufrij ayaa sheegay inuu Mursi miir daboolnaa ku dhawaad 30 daqiiqo intii lagu guda jiray maxkamadeyntiisa isagoo aan helin wax gargaar ah, wuxuuna tilmaamay inay Maxkamadda dhexdeeda ka qeylo dhaamiyeen xubno kale oo Mursal lala maxkamadeynayey si uu u helo gargaar deg deg ah balse arrintaas waxaa iska indha tiray Saraakiisha Ciidamada iyo Garsoorayaasha Maxkamadda. Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Cadaaladda ee dalka Masar ayaa tilmaamtay inuu Mursi la kulmay jirdil aad u badan intii uu xabsiga ku jiray. Wiilka ugu yar ilmaha Mursi ka tagay Cabdullaahi ayaa horey u sheegay inuu si joogto ah uga dacwooda xaaladda caafimaadka ee aabihii iyo daweyn la’aanta. Wuxuu bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wakaaladda wararka ee AP u sheegay in aabihii si joogto ah loogu hayay xabsi cidlo ah, loona diiday dawo uu u qaato xanuuno halis ah oo uu wajahayay sida Dhiig-kar iyo cudurka Macaanka. Shan bilood ka hor, Cabdullaahi wuxuu wargeyska Washington Post u sheegay digniin ah in maamulka Masar ay ka go’an tahay “in arrintaas ay is ula kac ah u sameeyaan, maadaama ay doonayeen in ay arkaan inuu iska dhinto, sida ugu dhaqsaha badan”. Waxaa la cadeeyey inuu Mursi Maxkamadda ka dalbaday 8-dii Agoosto Sanadkii 2015 in la daaweyo, waxayna maxakamadda sheegtay inay u direyso Dhakhtar ku takhasusay cudurka Sokorta balse illaa dhimashadiisa looma dirin wax dhakhtar ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar General Maxamuud Towfiiq ayaa lagu eedeeyey inuu yahay ninka diiday inay Maxaabiista Ikhwaanul Muslimiin oo uu kamid ahaa Mursi helaan daryeel Caafimaad isla markaasna ay jireen Maxaabiis badan oo u dhibaatoonayey cuduro halis ah, wuxuuna diiday in lagu daaweyo Isbitaalka Xabsiga iyo kuwa banaanka intaba. Xeer ilaalinta guud ee Masar ayaa ku dhawaaqday in deg deg loo aasi doono meydka Mursi saacado kadib markii la shaaciyey dhimashadiisa. War saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay inay amartay aasitaanka meydka Maxamed Mursi oo ahaa 68 jir kadib markii la marsiiyey baaritaanadii caafimaad ee lagama maarmaanka ahaa sida uu shaaciyey Talefishinka Dowladda inkastoo aan lasoo bandhigin natiijadii kasoo baxday baaritaanadii sharciga ahaa. Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa deg deg loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay. Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay iyadoo loo diiday inay meydka qaataan kuna aasaan deegaanka uu ku dhashay. Dowlada Masar ayaa sheegtay in Mursi wadnaha uu istaagay,balse hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaki ka muujinaya sababta rasmiga ah ee uu u geeriyooday. Caasimada Online Xafiiska Qaahir Caasimada@live.com
  17. Xildhibaan Dhakool ayaa maanta warbixin kooban ka bixiyay xadhigiisii, Iyo Qaabkii loo qabtay Iyo sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga Ku jiray. Xildhibaanku waxa uu sheegay in markii la qabanaayay si argagaxleh gurigiisa good habaynimo ah looga qabtay iyada oo Ramadaan ay tahay afar, waxana uu sheegay intii uu xidhnaa in si fiican loola dhaqmay, waxana uu tageerayaashiisa Iyo umadda Somaliland a u sheegay in aanu u xidhnayn reer Isaaq, Sacad Muuse Iyo cidkalana waxana uu sheegay in uu u xidhnaa 7 qof oonu carabaabin. Waxa uu xildhibaan Dhakool mahadnaq u celiyay cidkasta oo ka damqatay xadhigiisa hadii ay yihiin golahaasha wakiilada,guurtida,hay’adaha xuquuqul iinsaanka, madasha wadatashiga oo uu ka xusay muj. Xasan Guide, waxana uu aad ugu dheeraatay mahadnaqa Xisbiga Waddani oo uu Ku tilmaamtay Xisbiga mustaqbalka Somailand. Waxana uu shicibka ka raali galiyay oo uu eersaday codkiisii Iyo ka tirsanaantii xisbigiisii Kulmiye. Waxana uu xildhibaanku sheegay in uu markale warbaahinta la hadli doono, isaga oo aad u amaanay sheegayna in uu Ku xidhnaa doono. Aakhirkiina waxa uu xildhibaanku saamaxay Cid kasta oo uu wax ka tirsanaayay, marka laga reebo Faysal Cali Waraabe oo uu Ku sheegay qof waalan oo marfuucal qalin ah La soco warka xildhibaanka oo dhamaystiran Qaran News
  18. AUN: Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada Dhagaxbuur, ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sanad taariikheedkii 1944-tii, halkaas oo uu ku soo barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir ahayd ayuu ku bilaabay u hilowga fanku, wuxuuna ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta (Dhaantada), ka sokow dhinaca ciyaaraha dhaqanka, Sangub wuxuu ahaa Gabyaa ka hida qaba qoysas kala duwan oo wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Sangub abtigii, wuxuu ahaa ninkii uu Timacadde ku hal qabsanayay ee uu lahaa; “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxamed maw sheeg” Aflow, wuxuu ahaa, abtigii hooyadii la dhashay. “Masoolahayeey, Casoolahayeey, ciyaar-jinidaan aqaan”. Inkasta oo Sangub sheegay in aanu ilaa hadda garanayn macnaha ererada Masoole iyo Casoole, haddana wuxuu kelmadahaa ka dhigtay, hal-qabsi naaxyid u noqotay heeshihiisa. Abwaan Sangub, sanadii 1961-dii isagoo barbaar ah ayuu tagay magaalada Hargaysa, wuxuuna imtixaan u galay idaacadda Hargaysa, sidaas ayuu ugu hawl galay Radio Hargaysa isagoo ugu shaqayn jiray si aan rasmi ahayn. Isla sanadaas 1961-dii ayuu Sangub u wareegay magaalada Muqdhisho, halkaas oo ay Radio Muqdisho imtixaan u galeen 21 qof oo uu isagu ku jiro, ayna ka soo baxeen laba qof, isaga oo gabayga loo qaatay iyo Sheekh qur’aanka akhriskiisa loo qaatay, waxaana imtixaanka ka qaday: Cali Cilmi Afyare, Cismaan kaahin iyo Fiqi Buraale, Sidaas ayuuna shaqa toos ah uga bilaabay idaacadda Radio Muqdisho. Sangub markii uu yimid magaalada Muqdihso waxaa yaab iyo dhabanahays ku noqotay sida gabdhaha magaalada ku nool ay u dhaqmaayaan, iyo sida ay ahaayeen gabdhihii uu miyiga ku yaqaanay, gabaygii ugu horeeyey ee uu ku galo imtixaanka waxa uu kaga hadlay sida dhaqanka magaalada iyo kan miyiga u kala duwan yahay, wuxuuna yiri. “Habluhu waagii hore waa tii, ay hadal yaraayeene “Waayagii harraadkiyo dhibtiyo, hawsha kululaaye” “Waa kuwii lagu hawoon jirey intii, hadhac la ootaaye” Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta riwaayadaha xiisaha leh, inta badana riwaayadihiisu waxay bulshada dhexdeeda ka abuureen doodo iska soo horjeedda, guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin wadani, jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan xukumi jiray. Abawaan Sangub wuxuu ahaa Abwaanka ugu rawaayadaha badan abwaanada Soomaaliada , waxaana kamid ahaa rawaayadihiisa. Naga Guur La mood noqonse wayday Yaxaas dhaga-dhuub Qabrigii jacaylka Jacaylkii xuudku liqay Xuskii jacaylka Xorriyo nin gayaa ha guursado Gari ma kaa baxdaa Ummad wada qooqan baan wax u qaybi leeyahay Qabyo Ambiil ma leh Halkii qoontu ku taallay dakharkii qali waa Sanka bura ku taallay sidee baan ku yeelaa Iyo kuwa kale oo badan Dhanka heesaha, kuwii caan baxay waxaa kamid ahaa. Gaasiray ennaga yaayna kala guraya Alla walalac beeney Waan arkaayoo sheegi mayo Wallee dheehoy, dhaaxaad olashaye, waa lagaa dhalin Ninki dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa Nin ku ray wax kuu sheeg” Iyo kuwa kale oo badan. AUN, Abwaan Sangub wuxuu ka mid ahaa abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waxaana uu kaalinta weyn ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed. F.G: Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise, wuxuu dhowr jeer oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in magaca Sangub aan la oran ee uu magacu yahay Singub, oo uu sheegay in wagii uu yaraa laga gubay sinta, balse Soomaalida ayaa u taaqaanay Sangub. PUNTLAND POST The post Kumuu ahaa Abwaan Sangub? appeared first on Puntland Post.
  19. The United States is reopening its permanent U.S. Agency for International Development (USAID) Mission in Somalia, 28 years since its closing on January 5, 1991. Although the U.S. never formally severed diplomatic relations with Somalia, the U.S. Embassy in Somalia was closed in 1991, when the civil war in the 1980s led to the collapse of the country’s central government in 1991. On Monday, USAID also announced nearly $185 million in humanitarian assistance for the people of Somalia. The aid is aimed at mitigating life-threatening food insecurity and acute malnutrition, as well as delivering safe water and emergency health care services to people affected by the ongoing conflict and prolonged drought. The U.S. is the largest donor of humanitarian assistance to Somalia. “Establishing a USAID Mission in Mogadishu is an important milestone in the deepening U.S. development partnership with the Somali people, made possible by the Somali government’s commitment to meaningful reform and re-engagement with the international community.” said USAID in a statement Monday. View the full article
  20. The United States military said Monday its special forces killed two al-Shabab militants in an airstrike in southern Somalia on Sunday. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said the strike was conducted in cooperation with Somali government near Jilib, Middle Juba Region. Since 2017, the U.S. military has stepped up air raids against al-Shabab. The al-Shabab group still controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile attacks in the capital Mogadishu. View the full article
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland. Dilkan ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo magaciisa lagu koobay Dacar, kadib markii ay rasaas isku fureen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Ina Daadays. Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in degmada Maxamed Mooge ay is rasaaseyntu ku dhex-martay labadan Askari, halkaasi oo dhawaac culus ka soo gaaray Askariga geeriyooday. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Askariga dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta uu falkaasi ka dhacay, halka maydka askariga geeriyoodayna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Dhakool oo shalay dib u helay xorriyadiisa ayaa ka hadlay qaabkii loo xidhay iyo cidda xidhay, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo ku xumaatay xadhigiisa, waxaanu si adag u weeraray xisbiga KULMIYE isaga oo si weyn u ammaanay xisbiga WADDANI iyo hoggaankiisa sare, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Addis Ababa)-Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub). Abwaanka Xaalad Caafimaad-darro u yaallay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu ku Geeriyooday Maanta gelinkii hore. Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaalida ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub. Taariikhda Abwaan Marxuum Sangub Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” Ka sokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimi magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in la qaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yidhi Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka. Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada Hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale halkaasna uu isagu dhinaca gabayga uu ku guulaystay, sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacadda Muqdisho;. Riwaayadihii uu sameeyay Naga Guur Lamood noqonse wayday. Yaxaas dhega-duub Qabrigii Jacaylka. Xuudbaa liqay Jacaylkii Xuskii Jacaylka, Xoriyo nin geyaa ha guursado. Gari ma kaa baxdaa isuma qado Source
  24. Alla ha u naxriistee waxaa maanta isbital kuyaala magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Abwaan Sangub). Abwaan Xirsi Dhuux Guddoomiye ku xigeenka Golaha abwaannada Qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay geerida abwaan Sangub, isagooo eebe uga baryay in uu naxriistiisa uu ka waraabiyo. Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Sangub) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xanuunsanayay,waxaana markii ugu dambeysay kujiray isbital kuyaala Dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo saacadihii la soo dhaafay lagu toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dabley ku hubeysanaa Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay dileen, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla magaaladaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Marxuum Cabdiqaadir Ibraahin Xasan oo si weyn looga yaqiinay gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ahaa Nabadoonadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland. Nabadoonka la dilay ayaa maalmihii dambe si aad ah u dhaliilayay siyaasadda maamulka Axmed Madoobe, waxaana uu ka qeyb galay shirar ka dhacay Kismaayo oo looga hadlay mustaqbalka arrimaha Jubbaland. Kulankii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galay Nabadoonka ayaa ahaa mid uu musharrax Cabdirashiid Xidig isugu yeeray waxgaradka Jubbaland, kaas oo diirada lagu saaray doorashada la filayo in ay ka dhacdo maamulkaasi. Khudbaddii uu ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in deegaanada qaar aan la tagi karin, gacantana ay ku hayaan Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka hadda jira in uu fadhiid noqoday sidaa daraadeedna loo baahan in uu dhoco isbedal dhab ah. Jubbaland ayaa lagu eedeeyaa in caburin xoogan ay ku heyso shacabka ku dhaqan deegaanadeeda, waxaana dhawaan Kismaayo lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Aadan Tobanle, kaas oo ka mid ah xubnaha u ololeynaya in isbedal maamul uu ka dhaco magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com