-
Content Count
208,730 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. “Waxaan Eebe uga baryaynaa inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday” ayaa lagu yiri Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Dhawaan ayey aheyd markii Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) loo magacaabay agaasimaha guud ee Villa Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-19062019.mp3 View the full article
-
To ensure Somalia is fully prepared for ‘one-person-one-vote’ universal elections in 2020/2021, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has organised a four-day workshop on electoral security and dispute resolution for senior government officials involved in election planning and management. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska ee Jubbaland. Sarkaalka ayaa lagu dilay bartamaha magaalada, gaar ahaan xili uu ku sugnaa goob gaadiidka lagu baaro oo ku taala bartamaha magaalada, waxaana la ogeyn cidda dilkaasi ka dambeysay. Dilka kadib waxaa la sheegay kooxo bastoolado ku hubeysan oo falkaasi ka dambeeyay ay ka baxsadeen halka uu dilka ka dhacay, waxaana aad loola yaabay qaabka dadka dilka geystay ay u baxsadeen. Ciidamada amaanka ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana baaritaanka si gaar ah looga sameynayaa goobta uu falka dilka ah ka dhacay. Habeen hore ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada iyaga oo dilay nabadoon si weyn u dhaliili jiray maamulka madaxweynaha Jubbaland. Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa amni darada kusoo kordhay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli dhawaan la filayo inay doorasho ka dhacday magaaladaasi. Ciidamada ayaa ilaa iyo hadda wada baaritaano kala duwan, mana jirto cid looso qabtay inay falalkaasi ka dambeeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland ayaa si adag u dhaliilay wasaaradda amniga Puntland oo uu ku eedeeyay fulin-la’aan iyo wada’shaqeyn xumo. Warbixin uu guddigu ka hor-jeediyay golaha wakiilada Puntland ayuu ku sheegay in wasaraddu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland. Qodobada ay fulin wayday wasaaraddu ee guddigu xusay waxaa kamid ah la’dagaallanka argagixisada diiwaan-gelinta ciidamada iyo dhaqan-celinta xoogaga ka soo xerooda argagixisada. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday in uu horyimaado golaha. Sidoo kale guddiga ayaa wasaaradda ku eedeeyay in ay dayacaday difaaca xuduudaha Puntland gaar ahaanna degaannada ay Somaliland ku soo duushay oo ay sheegeen in wasaaraddu fulin wayday qorshihii u degsanaa difaaca degaannadaasi. Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland waxa kale oo uu wasiirka amniga Puntland ku eedeeyay wada’shaqeyn xumo iyo in uuu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka Puntland islamarkaana askareeyay dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso. Sida guddigu sheegayo wasaaraddu waxa kale oo ay qaadda lacag sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamnka maaliyadda Puntland. Ugu dambeyntii warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in Somaliland isu diyaarinayso dagaal ay ku soo qaaddo degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee gobollada Sanaag iyo Hayland. Hoos ka akhriso warbixinta guddiga PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyo khal-khal gelinta amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
The United States Department of Homeland Security's Cybersecurity and Infrastructure Security Agency (CISA) has gone public with a warning to Microsoft Windows users regarding a critical security vulnerability. By issuing the "update now" warning, CISA has joined the likes of Microsoft itself and the National Security Agency (NSA) in warning Windows users of the danger from the BlueKeep vulnerability. Source: Hiiraan Online
-
To most Americans, Somalia is a culinary blank space. Stories about the East African nation often focus on its nearly three decades of turmoil; stories about the Somali people focus on the hardships of the approximately two million refugees forced out of their homes, well over 150,000 of whom now live in America. Source: Hiiraan Online
-
ISTANBUL - The 3rd International Somali Global Diaspora Conference, which brings together Somalis from home and abroad, ended in Istanbul Monday. Source: Hiiraan Online
-
CAIRO (AP) — The Latest on developments in Egypt after former President Mohammed Morsi’s dramatic collapse and death inside a Cairo courtroom (all times local): Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Mid ka mid ah ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa is-dilay kaddib markii uu toogasho ku dilay askari kale oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, waxaana maydadka labada askari goobta ka qaaday askar kale. Askarigaan toogashada geystay ee markii dambe isagii is-dilay ayaa wuxuu ka socday dalka Uganda, lamana sheegin sababta dhabta ah ee askarigaan uu dilka ugu geystay askariga kale ee ay isla shaqeynayeen isagana uu isku dilay. Richard Karemire oo ah fhayeenka wasaarada gaashaandhigga dalka Uganda ahna afhayeenka ciidamada Uganda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askari k atirsan ciidamadooda uu dilay askari kale isagiina uu is-toogtay, balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan. Sidoo kale, Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa bil kaddib markii uu askari ka tirsan Ciidanka Uganda ee AMISOM ka tirsan uu toogasho ku dilay saddex askari oo kale, isagana uu is-dilay, sida uu sheegay Karemire. Dhanka kale, dilalka ay askarta Uganda ka socda isugu geysanayaan gudaha Somalia ama ay shacabka u geystaan ayaa isis soo taraysay bilihii aanu ka soo gudbnay, taasoo walaac weyn ku abuurtay ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan. Sanadkii 2016-kii ayuu Isaac Obua oo ahaa askari wuxuu toogtay todddoba askari oo ka mid ah askar ku sugnaa xerada millateriga ee Makindye ee dalka Uganda ka hor intii uusan isagu is-toogan. Bishii December 2018-kii maxkamadda ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay Newton Okello 80-sano oo xabsi ciidan ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney uur leh ninkeeda iyo cunug ay dhaleen. Ugu dambeyn, Dalka Uganda ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidamada ugu badan ee ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo ka hawlgala qaybo kala duwan oo Somalia, waxaana falalkan dilalka ah ay isku geysanayana ay ka mid noqonayaa falalka foosha xun ee ay ku kaceen muddadii 10-san ahayd ee ay dalka ka hawl-galayeen. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan ciidamada ka socda Uganda ee ka tirsan AMISOM oo toogasho isku dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis xoog leh saaray Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamo dhax-maray Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo. Kulankaan oo dhacay agagaarka markii Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadda banaanka u soo baxay waxa uuna ku saabsanaa sababta Radio Muqdisho, Teleshinka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA aysan tayo ugu dhameyn warbaahinta kale ee madaxda banaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiir Maareeye u sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay wasaaradda ugu shaqaalaha badan islamarkaana ay joogaan dadka kaliya ee ku cabiran ama wax ka gala shaqadooda laakiin ay tahay Wasaaradda ugu liidato markii loo eego wasaaradaha kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiirka Warfaafinta ku yiri hadal uu hore u dhow Eng Yariisow markii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya kaas oo ahaa “Sanadkii hal milyan ka badan ayaa iga-gasha wasaaradda tayana kuma dhama warbaahinta madaxa-banaan sababta haley sheego”. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wasaaradda ay joogaan wariyaal tayo leh oo qaata mushaar ku filan bil kasta laakiin aysan shaqo qaban isagoo dalbaday in la soo gudbiyo wariyaasha shaqeeya iyo kuwa maqan. “Radio Kulmiye, Goobjoog iyo Universal TV tayo kuma dhama Radio Muqdisho iyo SNTV lacagta aan bixiyana ma laga bixiyo kuwaas wasiir maxaa qaldan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “Caasimada Online iyo Website-ka Jowhar aqris kuma dhama SONNA oo ah Wakaaladii Qaranka, waxaas looma dulqaadan karo” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in markii la gaaro 2020-ka ay dowladda Soomaaliya dooneyso fariimaha wacyi gelinta doorashada iyo dhamaan barnaamijyada kale ee quseeyo isbadalka cusub ay doonayaan in ay marsiiyaan Warbaahinta Qaranka islamarkaana aysan dooneyn in ay u baahdaan Warbaahinta Madaxa-Banaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa,” ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku saray. “Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise wuxuu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku wuxuu sidoo kale noqday askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Somalia.” Sidoo kale, Abwaan Sangub waxaa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaasoo uu ku wacyigelin jiray shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa EEBBE uga baryay marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. PUNTLAND POST The post Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri Geeridii Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub? appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya walaaca ku saabsan xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kadib markii ay kordheyn dilalka dadka ka soo horjeeda dowladda Jubbaland. Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka amaanka ah islamarkaana aysan ku sii sugnaan karin Kismaayo ilaa ay ka imaaneyso xaalada ay dadka ku cabiraan aragtidooda islamarkaana la helo xoriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada doorashada. Laba kamid ah Waxgaradka Kismaayo oo aan qarinay Magacyadooda ayaa noo xaqiijiyay in ay ka fikirayaan sidii ay Kismaayo uga soo bixi lahaayeen maalmaha soo socda sida uu qorshaha yahay. Sidoo kale odayaashaan ayaa noo sheegay in aysan sahlaneen bixitaanka Odayaasha oo ay Jubbaland aaminsan tahay in ay Muqdisho uga gacan haatineyso Dowladda Soomaaliya balse ay sameyn doonaan wax kasta oo ay kaga soo bixi karaan Kismaayo. “Kismaayo waxaa soo buuxiyey dhalinyaro Bastoolado wata oo dharcad ah oo dadka tooganaya” ayuu yiri mid kamid ah Waxgaradka Jubbaland. “Iima muuqato sabab iyo xaalad aan usii joogno Kismaayo, waxaan rabnaa aan la baxsano Nafta yarta ah ee nagu jirto” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha aan la hadalnay oo doonaya in uu dhowaan ka soo baxo Jubbaland. Maalmihii la soo dhaafay Kismaayo waxaa ka taagnaa xaalad cabsi ah iyo dilal ay fulinayaan kooxo ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan in la soo qabto. Sidoo kale Kismaayo waxaa ka taagan kala aragti duwanaansho xoog leh oo ku saabsan qaabka xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland taas oo keentay in ay dareen ku beerto dadka isbadal doonka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimadda Online) – Aasaasaha Machadka Daraasaadka Yahuuda ee Mike Evans ayaa sheegay in Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Dhaxal sugaha Abu Dubai Maxamed Bin Zaid ay Israa’iil caawiyaan in ka badan inta Yahuuda ay caawiso. Evans oo ka hadlayey shir ay soo qaban qaabisay The Jerusalem Post oo Maalintii Axadda ahaa ka dhacay New York ayaa sheegay inuu labadaan mas’uul la kulmay oo uu ku tilmaamay inay yihiin laba ka shaqeeya danaha Israa’iil. Aasaasaha Machadka Daraasaadka Yahuuda ayaa sheegay inuu Maxamed Bin Salman la kulmay markii uu dhacay Dilkii Jamal Khashoggi, wuxuuna sheegay inuusan qiran dilka Wariyahaas sidoo kalana uusan inkirin, balse wuxuu tilmaamay inuu u sheegay in xataa uu Amiirka qalad geli karo. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Yisrael Katz ayaa halkaas ka sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka ay iska kaashanayaan sidii xiriir wanaagsan loola yeelan lahaa Dowladaha Carabta oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ku shaqeeyo waxa lagu shubto sida uu isaga hadalka u dhigay. Bishii February ayey aheyd markii TV-ga 13 uu sii daayey qeyb cusub oo kamid ah Barnaamijka “Xaqiiqooyin” oo loogu magaca daray ” Sirta Khaliijka” kaasoo lagu sheegay inuu aad usoo wanaagsanaaday xiriirka Israa’iil iyo Sacuudiga ka dhaxeeyo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman. Waxaa lagu sheegay barnaamijkaas in xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil uu xaalad adag galay kadib dhimashadii Boqor Cabdullaahi bin Cabdulcasiis markaas oo uu xilka la wareeegay Boqor Salman. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Innovators from Africa recognised at Commonwealth 70th anniversary Fifteen trailblazers won the Commonwealth Secretary-General’s Innovation for Sustainable Development Award, with winners attending a special ceremony on Friday, 14 June LONDON, United Kingdom, June 18, 2019/ — The Duke of Sussex presented prizes to innovators in international development at a garden party celebrating the Commonwealth’s 70th anniversary in London. Fifteen trailblazers won the Commonwealth Secretary-General’s Innovation for Sustainable Development Award, with winners attending a special ceremony on Friday, 14 June. Amongst them was Elizabeth Kperrun from Nigeria (pictured below), CEO of Zenafri – a company that simplifies learning for African children and young adults by creating mobile applications and video content that educates them in their native language. Upon receiving her award from Commonwealth Youth Ambassador, Prince Harry, she said: “This award will give us more visibility. It goes a long way towards helping us achieve our objective of making education more accessible for under-privileged kids in Africa.” Fellow winner Rosette Muhoza from Rwanda (pictured above) founded the social enterprise My Green Home, which recycles plastic waste by mixing it with sand to make eco-friendly paving stones. She said: “This award represents perseverance, possibility and pride. One of the biggest challenge we have is finding support. We want people to encourage social entrepreneurs – these are the people who don’t sleep because they are trying to solve the problems in our communities.” John Oroko (Kenya), Chukwudi Anyanaso (Nigeria), Peter Rubashumira Tibigambwa (Uganda) and Franca Ma-ih Sulem Yong (Cameroon) were also recognised. Each award winner received a trophy, a certificate and a £2000 prize. They were selected by an independent jury, based on the impact for potential of their innovations to advance one or more of the 17 Sustainable Development Goals. The initiative seeks to showcase impactful innovations and forward-looking solutions that help countries advance the Commonwealth Charter values. Commonwealth Secretary-General Patricia Scotland said: “I am impressed by the talent that is mobilised and multiplied through Commonwealth connection. “There are also many other inventors and innovators of all ages in every country and community of the Commonwealth and it is they who drive us on towards a future of health, hope and harmony.” It is hoped the competition will help shine the spotlight on revolutionary ideas that could improve prosperity, protect the planet, promote peace and justice and encourage partnerships in the Commonwealth. This is the first year of the awards, which were open to all citizens and organisations of the 53 Commonwealth member countries. Full list of winners Rosette Muhoza, Rwanda (pictured top) My Green Home is a social enterprise that is addressing the challenges of urban waste management, promoting green cities and fighting climate and plastic pollution through recycling. Elizabeth Kperrun, Nigeria (pictured above) Zenafri simplifies learning for African children and young adults by creating mobile applications and video content that educate them in their native languages and in contexts they understand. This also teaches children across the world about Africa’s culture, history, languages and heritage. With a focus on early education and gender, the applications have already been downloaded over 120,000 times with 2000 people using the apps every single day Wayne Neale, St Lucia Greening the Caribbean is an innovative St Lucia company that tackles environmental challenges to mitigate the effects of climate change, protect the ocean and agricultural economies and promote sustainable livelihoods. Christopher Nesbitt, Belize Maya Mountain Research Farm’s primary innovations include the use of tropical staple food trees in the agroforestry system, the application of biochar from crop residues to premium cultivars of cacao, turmeric, vanilla, and timber with cooperative family labour as the economic driver. Alfred Bubba Cook, Australia As part of its Panda Labs innovation programme, World Wildlife Fund Australia experiments with new approaches to solving complex global social and environmental challenges. This includes exploring emerging technologies like block chain. John Oroko, Kenya Selina Wamucii is an inclusive mobile phone driven digital platform and social enterprise for smallholder farmers that promotes prosperity by empowering smallholders/pastoralists to earn sustainable incomes. Chukwudi Anyanaso, Nigeria The People and Planet Life Foundation focuses on the need to tackle extreme rural poverty and hunger among female and small scale farmers by boosting agricultural production to support self-sustaining growth and employment. Commonwealth Games Canada, Canada Commonwealth Games Canada focusses on the integrated sport development and sport for development programming to promote individual and community social development, and build national sport system capacity. Nitesh Kumar Jangir, India Saans is a neonatal breathing support device for low resource settings, with multiple powering options, which maintains respiration and oxygenation in premature neonates with RDS (Respiratory Distress Syndrome) by providing constant airflow and pressure to keep the lungs open during transport to a tertiary care setting. Ata Ul Haq, Pakistan Youth Association for Development Pakistan promotes women’s empowerment and peace through its 4Ps philosophy (Peace, Promotion, Prevention and Protection). The project has influenced policy change to legally safeguard the women and girls who have been affected by sectarian conflict. Leilua Lino, Samoa Leilua was raped by her own biological father at age 9 and was evacuated under Samoa Victim Support Group’s (SVSG) shelter and care in 2011. In 2018 she walked tall to court and achieved justice against her father who is now imprisoned for 29 years. Following her traumatic experience, she created a Peace Garden in 2017 as her way of healing from her experience of gender based violence. She fronts the ‘Positive Movement Campaign’, which has reached 20,000 children to date. Peter Rubashumira Tibigambwa, Uganda The Prisons’ Justice Change makers programme aims to address the barriers prisoners face to access justice such as lengthy pre-trial detention, inadequate access-to-legal advice and information, inadequate coordination and collaboration between the Justice, Law and Order Sector actors and prisons and inadequate utilisation of alternatives to incarceration. Franca Ma-ih Sulem Yong, Cameroon With studies linking social media use to increased rates of anxiety and depression, Franca Ma-ih Sulem Yong started the DigCit SDG project to direct young people’s energy towards positivity by encouraging them to use these same tools used for negativity towards contributing to the SDGs. Joanna Ewart-James, United Kingdom The Commonwealth Human Rights Initiative (CHRI) has been advocating for the Commonwealth to take effective measures to achieve SDG8.7 since 2016 across the Commonwealth. SDG8.7 which aims to eradicate forced labour, end modern slavery and human trafficking and secure the prohibition and elimination of the worst forms of child labour, including recruitment and use of child soldiers, and by 2025 end child labour in all its forms. Mohamad Shafie Taib, Malaysia The Malaysian Government set a target of 45% carbon reduction for each State. Melaka supports Malaysia’s Vision 2020 to be a high income low carbon developed nation with a minimum GDP per capita of USD15,000 by the year 2020. The programme’s goal is to institutionalise the use of day-to-day green technology in non-urban communities so that green living permeates all levels of Melaka society to consistently preserve the environment, instil the culture of low carbon living and manage solid waste sustainably. Distributed by APO Group on behalf of Commonwealth Secretariat. View multimedia content SOURCE Commonwealth Secretariat Qaran News
-
War-saxaafadeed: Canbaaraynta xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland saaka ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin. Ururka SOLJA, waxa uu talaaadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba. Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday. Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin. Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka. Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed. Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah. Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay. Saxaafadda Somaliland waxay gayaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarada balaadhan ee dalalka jaarkeena ah ama kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tababar iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka. Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhawaan la qaban doono kulan dib u heshiisiin ah oo la isugu keenayo Beelaha dago Galmudug isla markaasna laga tashan doono qaabka loo wajahayo Doorashada cusub. Wasaaradd ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la tixgeliyo xilli waqtiyeedka madaxda Galmudug 4/7/2019 loona diyaar garoobo Doorashada cusub oo la doonayo inay noqoto mid xalaal ah. Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddan hirgelinta doorashooyinka barlamaanka iyo madaxda Galmudug waxaa ay ugu baaqaysaa Madaxda Dawlad Goboleedka Galmudug in doorashooyinkaas lagu qabto muddadii loo asteeyey, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, kana tarjumaya dimuqraadiyadda iyo tartanka furan ee ay ku tilmaaman tahay Galmudug. Wasaaradda Arrimaha Guduha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo garoowsan muhimadda uu leeyahay wade tashiga iyo midnimada bulshada deegaannada Galmudug, waxa ay ku baaqeysaa shir dib u heshiisiineed oo ay isugu yimaadaan dhammaan vvaxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha DG-leedka Laguna magacaabo Guddi Farsamo oo daadihiya qaban qaabada shirkaas. Wasaaradda Arrimaha Guduha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo tixgelinaysa muddada xil-haynta dastuuriga ah ee Madaxda Galmudug oo ku eg 4ta Luuliyo 2019, waxa ay soo jeedinaysaa in si deg deg ah loog wada shaqeeyo dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee doorashada iyo in ay ku qabsoonto nabad iyo hufnaan. Ugu dambayntii, waxaa bogaadin mudan dadaallada wade jirka eh ee bulshada iyo waxgaradka Galmudug ay ku bixinayaan horumarka iyo xaqiijinta himilooyinkooda ku aaddan Galmudug horumarsan oo uu ka jiro nidaam hana qaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. Wareegta ayaa waxaan Eebe looga baryey inuu u fududeeyo wajibaadka shaqo ee looga igmaday, mana jirin faahfaahin dheer oo laga bixiyey magacaabista cusub ee uu sameeyey Madaxweyne Farmaajo. Balse Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay xog faahfaahsan oo ku saabsan sababta keentay magacaabista Caddullaahi iyo xil ka awood dhimistii lagu sameeyey Agaasime ku xigeenkii guud ee Madaxooyada Cabdirisaaq Caato. Cabdullaahi Shiikh Cabdikariim oo ah nin kasoo jeedo Beesha Biyamaal ayaa markii hore ku magacownaa Madaxa Howlaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey agaasime ku xigeenkii guud ee Madaxtooyada Cabdirisaaq Caato. Waxaa arrintaas ka war helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo Cabdullaahi ku abaal mariyey in la dalacsiiyo, waxaana sidaas looga dhigay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaa hadda yeelatay laba agaasime ku xigeen oo midkood uu awood dheeri ah leeyahay, halka midka kalana uu u muuqdo inuu yahay mid la go’doomiyey. Cabdullaahi ayaa wuxuu hadda kadib la wareegi doonaa Maamulka iyo Maaliyadda Villa Somalia, wuxuuna noqonayaa agaasime ku xigeenka ugu awoodda badan Aqalka dalka looga taliyo. Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Fuursade ayaa shaqadiisa u badnaan doontaa Maamulka Siyaasadda iyo Amniga, waxaana muuqato in shaqadii Cabdirisaaq Caato ay noqotay mid maqaar saar ah maadaama laga xayuubiyey dhammaan awoodihii uu lahaa. Cabdirisaaq Caato oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr jeer oo hore lagu eedeeyey inuu ku takrifalay awoodii maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada, waxaana bilooyinkii dambe mushaar la,aan ahaa inta badan Shaqaalaha Villa Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay inuu jiro musuq maasuq dhanka Maaliyadda waana sababta ugu weyn ee loo dhiman awoodiisa. Xafiiska Hanti Dhawrka ayaa lagu wadaa inuu inuu baaritaan ku sameeyo sida uu Caato u maamulay dhaqaalaha Madaxtooyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isbedello uu ku sameeyay maamulka Madaxtooyadda Soomaaliya kadib markii ay madaxtooyada hareysay musuq maasuq, waxaana horey loo badalay Agaasimihii Madaxtooyada Aamina Saciid iyo Agaasimihii Baratakoolka oo haatan ku sugan Dalka Malaysia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com