-
Content Count
208,730 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay xarunta taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), waxaana ka qeyb galay ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) iyo saraakiil kale. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, sida loo xoojin karo ammaanka iyo howlgallada weli ka socda degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale kulanka oo saacado badan qaatay ayaa la isla gartay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka, iyaga oo kaashanaya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yariisow oo madasha ka hadlay ayaa amray saraakiisha Booliska in la xoojiyo amniga iyo sidoo kale howlgallada ka socda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uu jiri doono isla xisaabtan adag oo uu wado maamulkiisa. Shirarka looga hadlayo amniga ayaa muddooyinkii dambe si aad ah loo joogteeyay, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Weli Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha Caasimada, waxaana ugu dambeeyay qaraxyadii sabtidii ka dhacay isgoysyada Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa badka soo dhigey, xeer ay sheegeen in uu garyaqaanka guud qariyay. Kaasi oo uu saxeexay madaxweynaha Qaranka Somaliland iyada oo aan la soo marin golaha guurtida. Waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida oo xeerkani ku shaqo leh, mudane Axmed Dirir Cali iyo xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan guddida arrimaha bulshadda ee golaha guurtida. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dhageysiga dacwadda weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta ka bilaabmatay maxkamadda gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa. Weriyaha ayaa lagu soo eedeeyay qoraallo uu ka qorey dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, iyo qoraallo kale oo la sheegay in uu dhibbane ka yahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Eedaha la xidhiidha dugsiga Abaarso ee loo haysto weriye Coldoon ayaa waxaa iyagana dhibbane ka ah laba ka mid ah shaqaalaha dugsiga Abaarso, kuwaasi oo kala ah Xamse Faysal Cabdi iyo Jin Doud SGsaki. Coldoon ayaa in ka badan laba bilood xabsiga Hargeysa ku jira. Source
-
PRESS RELEASE Highest number of people displaced since World War II – Ethiopia tops list An estimated 3.2 million people were displaced by conflict and drought by April this year OSLO, Norway, June 19, 2019/ — Ethiopia has the highest number of new displacements globally, as new figures reveal over 70 million people are on the move worldwide – the highest number ever recorded. “Every day an average of 37,000 people are forced to flee their homes. The international community must provide safety and protection for fleeing families, not build fortified walls to lock refugees out. Rich countries now host a meger 16 per cent of global refugees, as international peace diplomacy is failing and new horrific wars come on top of too many unresolved conflicts,” said Jan Egeland, Secretary General of the Norwegian Refugee Council (NRC) while visiting Ethiopia. Egeland’s visit coincides with World Refugee Day tomorrow, which sees over 70 million people displaced worldwide, according to [UNHCR](https://www.unhcr.org/news/press/2019/6/5d03b22b4/worldwide-displacement -tops-70-million-un-refugee-chief-urges-greater-solidarity.html). This is 2.3 million more people than last year and twice as many as 20 years ago. “No one chooses to be displaced. No one chooses to be uprooted from their homes or forced to flee with nothing but the clothes on their back. Refugees find themselves caught up in a vicious cycle that they did not create but cannot escape. The suffering I witnessed in Ethiopia is heartbreaking,” said Egeland. Ethiopia has a strong record of welcoming refugees. But the extreme levels of new displacement brought on by internal conflict have put immense strain on the country. An estimated 3.2 million people were displaced by conflict and drought by April this year. On top of this, Ethiopia hosts over 900,000 refugees, mainly from South Sudan, Somalia and Eritrea. Coffee farmer Abraham was forced to flee to the Gedeo region because of the conflict in West Guji. He told NRC that needs among his community are high: “I have seen a lot of people starve to death because they couldn’t find anything to eat.” “Ethiopia is the definition of a forgotten crisis,” said Jan Egeland. “Despite colossal needs, the crisis is under-reported, under-financed and under-assisted. The scale and quality of the humanitarian response is grossly inadequate.” The UN’s aid appeal for Ethiopia called for $1.31 billion for 2019, but is only a third funded halfway through the year. Despite repeated promises of increased international responsibility sharing, richer countries hosted a meger 16 per cent of refugees last year, and international support to poorer host countries is insufficient to meet the scale of needs. “We need a 180-degree shift in attitudes. Wealthier nations must share the heavy -lifting, dig deep and support generous countries like Ethiopia to ease the human suffering of millions fleeing from conflict worldwide,” said Egeland. Distributed by APO Group on behalf of Norwegian Refugee Council. SOURCE Norwegian Refugee Council Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer in ay si degdeg ah oo miisaan leh wax ka qabtaan dhacdadii dilka loogu gaystay askari ka tirsanaa ciidammada booliska ee ka dhacday degaankaas horraantii toddobaadkan . Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Fiqi Ayuub ay ka dhalatay utun hore oo ka jirtay dadka degaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Cabdillaahi Cali, ayaa tacsi u diray eheladda askarigii ku dhintay iska hor imaadkii dhex maray dadka degaanka Fiqi Ayuub iyo ciidamo booliska Somaliland ka tirsanaa. Isagoo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Shirkaygan jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay dhibaatadii ka soo cusboonaatay degaanka Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer, halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen. Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda askarigii halkaas ku geeriyooday. Intii ku dhaawacan tayna waxaan ALLE SWT uga baryayaa in uu u boogo dhayo. Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhacdadaasi. Hase yeeshee mar haddiiba ay dhacday waajibku wuxuu ina farayaa in wax laga qabto, oo si caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Wax ka qabashadaas oo degmadda, gobolka Togdheer iyo dawladaba u yaalla”. Waxaanu intaas raaciyay in wixii dhacay la iska shaafiyo oo si caqli gal ah wax looga qabto xalinta dhacdadaasi. “Waxaan mar kale ka codsanayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanka Fiqi Ayuub, labadu-ba in ay ka hawl galaan isku-na soo dhaweeyaan dadka wada degan meesha dhibaatadu ka dhacday dhexdiisa. Cilada-na waxay ku timid, iyadoo ahayd mid hore uga dhex jirtay dadka degaanka. Sidaas darteed bay keentay dhibtan maanta dhacday. Markaa haddii aan si dhab ah oo fayoow wax looga qaban, waxaa dhici karta in wax sii socda ay noqoto. Markaa si aanay mar danbe u dhicin waxaan codsanayaa in si caqli gal ah, oo cid walba shaafidda wax looga qabto ayaan rejaynayaa. Wixii dhacay-na la iska shaafiyo, waayo? Naf baxday maanta ma soo celin karno. Laakiin, waa in aan ku dedaalno in aanay mar kale dib u dhicin”ayuu yidhi siyaasi C/laahi Cali. Geesta kale Cabdilaahi Cali, wuxuu sheegay in isaga laftiisu uu shaqsiyan diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlaha lagu xalinayo arrintaasi. Waxaanu yidhi “Aniga laftaydu waxaan diyaar u ahay in aan ka qayb qaato xalinta dhibaatadda degaankaas ka jirta, oo aan tago goobta, oo wixii aan ka qaban karayo aan ka qabto. Aniga iyo inta ila midka ah, ee xil-na ka saaran yahay, degaanka-na u dhalatay. Waxaanan aad iyo aad isugu xil-qaamaynaa in aanu wax ka qabano xalinta arrinkaasi. Waxaanan fariintayda u dirayaa inta xil-kaska ah ee degaankaas u dhalatay in ay u kacaan, oo ay u gurmadaan, oo ay wax ka qabtaan. Si aanay waxaas oo kale dib ugu soo noqon, oo aanay dariiq kale inoogu furin”. Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga xukuumaddii UDUB Cabdilaahi Cali Ibraahin, waxaa uu ku baaqay in ay xukuumad iyo shacab-ba ay lagama maar-maan tahay in dadka degaankaasi laga dhex abuuro kalsooni iyo is-dhex gal cid kastoo dhib tirsanaysa la qanciyo, si aanay mar kale dhibaatadu u soo noqon. Isagoo arrintaas ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Dadka degaankaasina waxay u baahan yihiin in la isku soo dhaweeyo, oo la isku Calool xaadho, in si wanaagsan wax looga wada qabto, dawlad iyo shacab-ba, haddii aynaan is kaashan waxba lama qaban karo, wax-na lama dhamayn karo. Waanan uga mahad naqayaa xukuumadda gacanta ay ka gaysatay wax ka qabashadda dhacdadaasi. Mar kale-na waxaan ku baaqayaa in aan hawsha intaa lagaga hadhin’e, wixii jira sidooda loo baadho, cidii dhib tabanaysa-na dhibkoodda la baadho, oo laga qanciyo. Waxaanan codsanayaa in dadka degaanka laga dhex abuurro kalsooni iyo is-dhex gal iyo isu-soo dhawaansho. Anigoo diyaar u ah in aan wax idinkala qabto wax ka qabashadda arrintaasi”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa mudaysay wakhtiga la dhagaysan doono dacwada loo haysto gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhamme. War ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ee Berri la dhagaysan dacwada ka dhanka ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa ku amray inuu maxkamada horkeeno laba sarkaal oo markhaati ku ah sarkaalka ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Warqada ka soo baxday maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa lagu sheegay in dacwadan uu qaranku dhibane ka yahay. Source
-
(SLT-London)-Facebook ayaa wajahaya walaac caalami ah oo ku saabsan go’aankeeda ah in la soo saaro lacag digital ah oo u gaar ah, oo loo yaqaan ‘Libra’. Shabakaddan bulshada ku wada xidhiidho ayaa sheegaysa in ay dadku ka bixinayso nidaamyada bangiyada dibadda, kuwaas oo awood u yeelanaya isticmaalidda adeegyadooda maaliyadeed markii u horreysay. Laakiin sharci-dajiyayaasha Mareykanka iyo Yurub ayaa ugu baaqay shirkadda in ay mashruucan hakiyaan. Tani waa qorshe firfircoon oo ka yimi Facebook si ay u ballaadhiyaan ganacsiga lacagaha ee internetka. Shabakaddan bulsheed ayaa la kaashaynaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub. Waxaa la filayaa in la furo lixda bilood ee hore sanadka soo socda. David Marcus waa maamulaha Facebook u qaabilsan mashruucan Laakiin qorshahan ayaa walaac laga muujiyay sida uu ilaalin doono arrimaha gaarka ah. Maxine Waters, guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka Maraykanka, ayaa sheegay in Facebook ay joojiso horumarinta lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talobixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu. Adeeggan ayaa lacagta la isugu dirayaa taleefannada gacanta, sida farriimaha oo kale. Habkan ganacsi ee cusub, waxaa qof walba oo wax ku kala iibsada laga jaran doonaa khidmad yar, waxaana uu dadka ku qasbi doonaa inay wakhti dheer ku qaataan Facebook-ga si ay u sameeyaan xayaysiisyo, ay lacagi ka soo gasho. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Ciidammada Liyuu Booliiska ayaa labo ruux ku dilay ku tuulada Baraajisaale oo ka tirsan gobolka Qoraxay ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada labada marxuun. Arrintan ayaa timid iyadoo ciidamada Liyuu Booliisku ay ka soo laabteen hawlgal la sheegay in ay ku baajiyeen labo qabiil oo qarkaa u saarnaa in ay dagaalamaan. Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar oo socod ku maraya meel sidaa uga fogayn goobta “shacabka lagu laayay” ayaa saaray guddi baaritaan ku sameeya, kana salgaar sida ay wax u dhaceen, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan. Waxaa hadda ku sugan magaalada Qabridahar masuuliyiinta ugu sarreeya laamaha ammaanka oo baaritaan ku haya arrintaas, ayuu intaas ku sii daray. Siday wax u dhaceen? “Ciidanka Liyuu Booliis ayaa ku baxay labo qabiil oo ay dhex taalay muran dhul, intii ay dajinayeen xaaladdaaasna waxaa ka dhaawacmay oo xabbad lagu dhuftay mid ka mid ah askarta oo ay rasaas iswaydaarsadeen qof shacab ah,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan. “Ciidammadii oo wada askarigii dhaawaca ahaa iyo qofkii looga shakisnaa in uu dhaawaca gaystay ayaa soo maray tuulo aan ahayn meeshii dhibku ka jiray, rasaas ayay fureen labo ruux ayaana ku dhimatay rasaastaas mid kalana wuu ku dhaacmay, ayuu intaas ku sii daray. Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay dilka foosha xun ee lagula kacay Daahir Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Macallin Sahal. “illaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Allaha ka siiyo qaraabada, sidoo kale illaahay ha caafiyo askariga iyo wiilka kale ee dhaawaca ah”, ayuu intaas ku sii daray Wasiir Cabdiraxmaan oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee xisbiga talada haya ayaa sheegay in caddaaladda lala tiigsan doono cidkasta oo dhacdadaas ku foosha xun ku lug yeelata. “Ciidammada Liyuu booliiska isbadal ballaaran ayaa lagu sameeyay, garaadkooda iyo hab dhaqankooda xuquuqda aadanaha ayaa sare loo qaaday, marka uu khalad ka dhacana waa lagula xisaabtami” ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Sida dhacdadan loogu faafiyay baraha bulshada “oo laga dayriyay” “Waxaa baraha bulshada la soo dhigay mayd, waa arrin fool xun, waa arrin xannuun kale ku abuuraysa ehelka iyo qaraabada waa arrin aan bani’admino ahayn oo ay tahay in laga waan toobo” ayuu yidhi wasiirka oo ku sugan qabriga mid ka mid ah labada marxuum. “Itoobiyo waxay dhawaan meel marisay shuruuc la xiriirta si xun u isticmaalka baraha bulshada, waxaa jira shuruuc qabanaysa dadka hadallada kicinta ah qora, marka dadku ha ogaadaan in aysan qori karin wixii ay rabaanba.” Ayuu intaas ku sii daray. Tan iyo intii ay timid xukuumadda cusub waxaa soo baxay qabiillo caddaysanaya waxa ay dhexdooda kala tirsanayaan ama xukuumadda ka tirsanayaan, inkastoo loo arko astaan muujinaysa xoriyatul qawl hadda culayska ugu wayn ee dawladda soo foodsaaray ayaa ah sidii ay u maarayn lahayd in aan lagu xadgudbin xoriyaddaas hadalka. “Waa in aan lagu xadgudbin saraynta sharciga” ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Source
-
Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ajendaha loo ballansanaa lagu sheegay akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Xeer hoosaadka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaaney iman inta badan Senetorrada. Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee aqalka sare Maxamed Salaad, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa si kulul uga hadlay maqnaashiyaha xildhibaannada isaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada qaar ay subax hore yimaadaan, qaarna iska jiiftaan iyaga oo shaqo u taallo. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa horyaallo hindise sharciyeedyo badan, hadda ayuuna ka soo laabtay fasaxii Radamaanka iyo ciidda, waxaase dhacday in qaarkood iska maqnaanaadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Rome)-Dowlada Talyaaniga ayaa loo jeediyay dhaleeceyn Caalami ah taasi oo ku aadaan cadaadiska ay ku heyso doomaha hey’adaha Gargaarka ee ku sugan xeebaha Mediterranean-ka ee u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga. Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa digreeto uu saaray waxuu awood dheeraad siiyay ciidanka Xeebaha. Digreetadan ayaa waxaa ku xusan in ciidanka ay gacanta ku dhigi karaan Naaquudaha iyo shaqaalaha Saaran Doonta. Doontii ka soo badbaadisa muhaajiriinta bada oo geysa xeebaha Talyaaniga ayaa lala wareegi doonaa iyadoo naaqudaha lagu ganaaxi doono 56,000 oo Doolar. Madaxa hey,ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn Claudia Lodesani, ayaa ka hor yimid sharciga cusub ee dowlada Rome waxaana uu tilmaamay in naf la badbaadiyo aysan danbi Aheyn. Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa dhaleeceysay talaabadan,waxaana ay intaa raacisay in xadgudub ay ku tahay xeerarka caalamiga ee xuquuqda Aadanaha. Sharcigaan cusub ayaa waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella maalintii Jimcaha. Source
-
(SLT-Qaahira)-Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi oo geeriyooday Isniintii isagoo ku sugan Maxkamada ayaa Salaasadii shalay si deg deg ah loogu aasay magaalada Qaahira. Maxamed Morsi ayaa la sheegay in Salaadii Janaasada ku tukadeen qaar kamid ah qoyskiisa gudaha Xabsiga lagu hayey, kadibna meydkiisa ayaa lagu aasay Qabuuraha ku yaal bariga magaalada Qaahira, xili ay halkaasi illaalo ka ahaayeen ciidamada amniga oo diiday inay dadweynaha ka qeyb galaan aaska loo sameenayey Marxuumka. Wiilka uu dhalay ee Axmed Morsi ayaa xaqiijiyey qaabka uu u dhacay aaska isagoona sheegay in aabihiis lagu aasay qabuuraha ay ku duugan yihiin inta badan hogaamiyayaashii ururka Ikhwaan Muslimiinka. Geerida Morsi ayey si adag uga hadleen qaar kamid ah Beesha Caalamka, ururka Ikhawaan muslimiinka ayaa isaguna ku baaqay in shacabka ku mudaharaadaan Safaaradaha Masar caalamka ku kala yaal. Dalka Turkiga ayaa loogu qabtay salaadii Janaasada ee Maxamed Morsi oo ay ka qeyb galeen madax sare oo uu kamid yahay Madaxweyne Erdogan. Isla shalay ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xaquuqul Insaanka lagu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo qaabka uu u geeriyooday Morsi iyo sidii loola dhaqmay intuu xabsiga ku jiray, walow dowlada Masar aysan weli ka hadal baaqa ka yimid UN-ka. Source
-
(SLT-Ciraaq)-Gantaal noociisu ahaa Katayuush ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig ay Maraykanka ku leeyihiin magaalada Mosul ee Waqooyiga Iraq, waana duqeyntii 2-aad eel ala beegsado wax ka yar 24-saacadood. Isbahaysiga Millateriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Iraq iyo Syria waxay xaqiijiyeen in saqdii dhexe ee xalay uu Gantaal kusoo dhacay Saldhig Tababar oo ku yaalla magaalladda Mosul ee dalka Iraq, balse ma aysan sheegin haddii wax Ciiddan ah lagu dilay weerarkaasi. Afhayeen u hadlay Hawlgalka Maraykanka ee dalka Iraq waxa uu tilmaamay in duqeymo kale oo aan toos ahayn bishan 17-dii ku habsadeen meel ku dhow Saldhig kale oo ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Taaji ee dalka Iraq. Duqeymahan ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Iraq sheegeen hal maalin ka hor inay 3 Hoobiye ku haysadeen Saldhiga Milliteriga ee Taaji oo ku taalla Waqooyiga Baqdaad. Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu Dowladda Iiraan ku tilmaamay Argagixiso, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa labada dal. Source
-
Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka tirsan xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee ka falceliyey qorsho ay dowladda federaalka ah ku dooneyso iney doorasho uga dhacdo Galmudug. Xildhibaan Mahad oo arrintaas ka hadlaya mar uu qoraal soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu yiri “Sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG: Inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo. Mudanaha oo sii-hadalaya “Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado”. Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay xalay saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta leh kulankooda caadiga ahaa, sida lagu sheegay qoraal loo diray xildhibaannada. Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda, kaas oo laga yaabo in loo codeeyo. Golaha shacabka waxaa horyaallada in ka badan 14 sharci, oo muhiim ah in loo gudbo doorashada qof iyo codka ah ee la filayo iney dalka ka dhacdo 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa digniin kasoo saaray xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa doonaya inay tagaan magaaladaasi, waxaana looga digay inay sameeyaan falal amniga qalqal gelin kara. Wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka digay in musharixiinta ay dacaayadeeyaan ciidamada amaanka ee xaqiijinaya amniga doorashooyinka Jubbaland. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Jubbaland marnaba uusan aqbaleyn in la carqaladeeyo amaanka magaalada Kismaayo, islamarkaana musharixiinta ay aflagaadeeyaan ciidamada Jubbaland. Isaga oo sii hadlayaya Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Nuur ayuu sheegay in qof walba uu musharax u noqon karo Musharax u tartama Madaxtinimada iyo Xildhibaanada Jubbaland, balse aan laga aqbalayn in ay wado qaldan madaxtinimo ku raadiyaan. Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ay eedeyn iyo dhaliilo ay u jeedinayeen Madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland. Waxaa muuqata in wali dadka ka qeyb galaya doorashada ka dhaceysa deegaanada Jubbaland aysan ku qanacsaneyn musharixiinta kala duwan, waxaana soo korortay amni daro ka jirto magaalada Kismaayo, iyadoo 48 saac ee lasoo dhaafay ay dilal ka dhaceen Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ayaa xalay saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa lagu waramayaa in ajandayaasha kulamadooda soo socda ay qeyb ka yihiin murunka dowladda Kenya ay gelisay badda Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa inay markaan dadaal badan u gashay sidii kiiska kala dhaxeeya dowladda Somalia ay geysto golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. Kenya ayaa ku dacwooneysa in haddii dowladda Somalia ay ku guuleysato dacwadda dhanka badda inay saameyn ku yeelan doonto dalalka ku yaala bariga iyo koofurta Africa,sida ay sheegtay Kenya. Wasiirka arrimaha dowladda Kenya Monica Juma ayaa shaacisay inay ku faraxsan yihiin qaramada Midoobay inay soo farageliso dacwadda u dhaxeyso dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay Monica in haddii ICJ ay Soomaaliya u xukunto biyaha hadda ay kenya doodda gelineyso in ay is qabsan doonaan Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Afrika. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, ayaa si aan rasmi ahayn kulanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku soo hadal qaaday muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana goluhu ku darsadeen ajendayaasha ay ka doodayaan. Golaha amaanka ayaa hadda ajandayaashooda ku darsaday kiiska dacwadda dhanka badda, waxaana la ogeyn waxyaabaha ay kasoo saari doonaan haddii ay ka hadlaan kiiska labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara)-Masaajidada ku yaala dhamaan dalka Turkiga ayaa laga oogay Salaad Jinaaso ah oo ay u tukanayaan Maxamed Mursi, Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ku geeriyooday Isniintii magaalada Qaahira oo ay maxkamadayntiisu ka socotay. Masuuliyiinta diinta ee dalka Turkiga ee Diyanet, ayaa ku baaqay in maalinta salaasada oo maanta ku beegan in 81-ka gobol ama degmo ee dalka oo dhan laga oogayo salaad jinaaso ah oo loo tukanayo aaska Maxamed Mursi. Alle ha u naxariistee, Maxamed Mursi ayaa hogaamiye u ahaa kooxda Ikhwaanul Muslimiin, waxaanu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee markii ugu horaysay si xor ah looga qabtay dalka Masar sanadkii 2012-kii, sanad ka dib markii dibadbax dalkaasi ka dhacay xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii mudada dheer talinayey ee Maxamed Xusni Mubaarak. Hase yeeshee, Maxamed Mursi xafiiska kumuu sii waarin oo waxa soo gaabiyey xukunkiisa oo talada ka turay, xabsigana dhigay Milatariga oo Afgambiyey 2013-kii oo uu hogaaminayey Wasiirkiisii Difaaca oo hada ah Madaxweyne, Cabdulfataax Al-Casiisi. Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Party ayaa taageeri jiray dawladii Maxamed Mursi, waxaana xubno badan oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ay u soo qaxeen dalka Turkiga tan iyo intii xayiraada lagaga soo rogay dalka Masar sanadkii 2013-kii. Source
-
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ogolaan doonin cid dambe oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. “Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta. Halkan hoose ka daawo hadalka wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland: Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso appeared first on Puntland Post.
-
Fuursade oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga iyo Danjireyaasha dalalka Ingiriiska Mudane Ben Fender iyo Talyaaniga Mudane Carlo Campanile. Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mideynta dadaallada wax ku oolka ah ee ku qotoma dowlad dhisidda iyo dib u dhiska dalka. Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran. Ku Xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey Agaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaamijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan. Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen Agaasinka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ugu siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article -
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay xilliga ya dhacayso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxda maamulka Galmudug, taasoo muran badan uu ka taagan yahay xilligan. Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhawaan la qaban doono kulan dib u heshiisiin ah oo la isugu keenayo beelaha ku nool gobollada Galmudug, isla markaasna laga tashan doono qaabka loo wajahayo doorasho cusub. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa xustay inay muhiim tahay in la tix-geliyo xilli waqtiyeedka madaxda Galmudug oo ku eg – 04 bisha July ee 2019-ka, loona diyaar-garoobo doorashada cusub oo la doonayo inay noqoto mid xalaal ah. Qodobbada lagu xusay bayaanka ayaa waxaa ka mid ah; in Glamudug ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay muddadii loo qabtay, iyadoo doorashadan lagu soo dooran doono xildhibaannada baarlamaanka Galmudug iyo sidoo kale madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa. Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa sheegtay in iyadoo garoowsan muhimadda uu leeyahay wada-tashiga iyo midnimada bulshada deegaannada Galmudug, ay shir dib u heshiisiineed ku baaqayoso, kaasoo ay isugu imaanayaan wax-garadka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha maamulaas ka dhex-aloosan laguna magacaabo guddi farsamo oo daadihiya qaban qaabada shirkaas. Haddaba AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia; PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo shaacisay xilliga la qabanayo doorashada Maamulka Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
London (SMN) – C/laahi Nuur Xaashi oo ah Aqooyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa ka hadlay u jeedada ka dambeysa damaca Kenya ay ka leedahay biyaha Soomaaliya oo ay haatan dacwadoodu hortaallo maxkamadda caalimiga adduunka ee ICJ. Aqooyahanka ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay, kadib sahmin ay sameysay Kheyraadka faraha badan ee ku jira Badda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Shidaalka dabiiciga ah ee ku jira biyahan uu ka fudud yahay marka la soo saarayo kan bariga, taasina ay qeyb ka tahay waxa Kenya ku riixaya sheegashada biyaha Soomaaliya. Dhinaca kale C/laahi Nuur Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiiqay in dowladda Kenya looga guuleysan doono Kiiskan, sababo uu ku sheegay in dalalka caalamku ay ka warhayaan naqshada biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ugu dambeyn Aqooyahan C/laahi Nuur Xaashi ayaa carabka ku dhuftay xittaa, hadii ICJ ay Soomaaliya u xukunto biyahaasi ay ka soo horjeesan doonto, laakiin diidmadaasi aysan soo kordhin doonin wax faa’ido ah. Dowladda Soomaaliya oo kalsooni buuxda ku qabta ka guul gaarita kiiskani ayaa horay u shaacisay in aysan wax gorgorton ah la gali doonin dolwadda Kenya, illaa ay go’aan rasmi ah ka soo saareyso Maxkamadda ICJ. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug. Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya. View the full article