Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PHOENIX — The Somali community is grieving the loss of one of their most beloved members killed in a traffic accident near 52nd Street and McDowell Road Monday night. Source: Hiiraan Online
  2. A Somali owned and operated e-commerce company has quietly been making serious headway in Africa. The company, ZIQQI.com, has a sharp looking site and powerful branding that makes it seem more like a large foreign player than a home-grown outfit. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo gaar-gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho bilaawgii bishaan islamarkaana ay yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Habar-gidir ayaa lagu joojiyay dhamaan rajadii iyo qorshihii dowladda Soomaaliya ay ka damacsaneed Galmudug. Odayaasha beelaha Sacad, Ceyr, Duduble, iyo Saruur ayaa la kulmay odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan waxayna kala hadleen qodobo ku saabsan mideynta Habar-gidir iyo ka hortagga damaca dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada Galmudug sanadkaan 2019. Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa laga dalbaday in magaalada Cadaado aysan ka dhicin doorasho ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan degaanada Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorshe doorashada Galmudug ah waxayna rabtaa in ay ku qabato magaalada Cadaado maadaama aysan tagi karin Dhuusamreeb, hase-yeeshee odayaasha Habar-gidir oo dhan ayaa ku heshiiyay magaalo ka tirsan Galmudug aysan doorasho ku qaban karin dowladda Soomaaliya taas oo lagu sheegay bur burinta dowladda Galmudug. Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan waxay aheyd meesha kaliya ee looga cabsi qabo in ay doorasho ka dhacdo hase-yeeshee Habar-gidir ayaa is hortaag ku sameysay qorshihii dowladda Soomaaliya. Beelaha Habar-gidir ayaa ku heshiiyay in ay shir ku yeeshaan magaalada Hobyo bisha dhalan doonto ee Luulyo waxaana halkaas lagu dhameyn doonaa dhamaan tabashooyinka ay iska qabaan beelaha Habar-gidir. Sidoo kale waxaa looga hadli aayaha Galmudug iyo sidii dadkeeda loo mideyn lahaa waana sababta keentay in beesha reer xaaji ay ogolaadaan in aan Cadaado laga soo dhaweyn qorshe kasta oo aysan Habar-gidir u mideesneen. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. The contest to become Britain's next prime minister is down to four candidates, with Boris Johnson building on his commanding lead in a Conservative Party vote. Source: Hiiraan Online
  5. Former airline pilot Chesley “Sully” Sullenberger testified Wednesday that pilots should receive updated simulator training for the Boeing 737 Max before the jet returns to the air. Source: Hiiraan Online
  6. WASHINGTON (June 19): The Trump administration is weighing three sanctions packages to punish Turkey over its purchases of the Russian S-400 missile-defense system, according to people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online
  7. The United Nations Refugee Agency says Canada admitted the largest number of resettled refugees last year and had the second highest rate of refugees who gained citizenship. Source: Hiiraan Online
  8. Tehran (CNN)One of Iran's top military commanders reiterated longstanding claims that the country has ballistic missiles capable of taking out an aircraft carrier, as President Hassan Rouhani said the country did not seek to wage war against any nation. Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii dib u furtay xafiiska hay’adda USAID ee Soomaaliya, kadib 28 sano markii ay u xirtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay. Go’aanka dib loogu furay howlgalka USAID ee Soomaaliya, ayaa sida ay sheegtay USAID, waxaa horseeday dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya “ay ku sameeneyso is-beddelo macno leh islamarkaana ay dib ula macaamileyso beesha caalamka.” Hase yeeshee, go’aankan ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh arrimo siyaasadeed, sida uu sheegay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista Sahan ee diiradda saarta Soomaaliya. Bryden ayaa tallaabadan ku qeexay mid lagu xoojinayo colaadinta ay dowladda federaalka ah ku hayso dowlad goboleedyada. “Maamulka hadda jira wuxuu muujiyey nidaam dowladda dhexe ay awood leedahay oo kali-talis ah oo ku wajahan maamul goboleedyada, taasi oo gees u riixday inta badan maamul goboleedyada” ayuu yiri Bryden. In xafiiska USAID laga soo wareejiyo Nairobi oo la keeno Muqdisho waxay sare u qaadi kartaa xiisadda ka dhex oogan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida uu qbao Bryden. Sida uu sheegay Bryden, marka la eego dalalka reer galbeedka, dowladda Mareykanka waxaa loo arkaa tan taageerada ugu xooggan u muujineysa nidaam ay dowladda dhexe awood leedahay, taasi oo dhiir gelineysa in dowladda federaalka ah ay dareento inay iska indha tiri karto dastuurka ku meel gaarka ah, ayna sidii ay doonto ka yeeli karto maamul goboleedyada. “Furitaanka xafiiska USAID waxay xoojin doontaa aragtida ah in dowladda federaalka ay tagaeero xooggan gadaal ka haysato islamarkaana ay heleyso taageero maaliyadeed oo ay isku haleyn karto” ayuu yiri Bryden. Dowladda Mareykanka ayaa ahayd dowladda kaliya ee taageerada u muujisay dowladda federaalka markii ay bishii Janaao cayrisay ergeygii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom xilli inta badan dalalka Yurub ay ka carroodeen tallaabadaas. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ay ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in uu bogaadin lahaa haddii Dowladda Federaalku ay hal Warqad ku xalin kareyso muranka kala dhaxeeya Maamul goboleedka Galmudug iyo weliba muranka ka dhex-taagan gudaha maamuladaasi. Hadalka Yuusuf Garaad ayaa u muuqda mid uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada Farmaajo maaro ugu weyday xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka. Yuusuf Garaad ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: Waan bogaadin lahaa Dowladdu haddii muranka iyada kala dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland, iyo muranka mid kastaba gudaheeda ka jira ay ku xallin kari lahayd hal warqad oo ka soo baxday caasimadda. Laakiin waxaan markaas Dowladda ku dhaliili lahaa soo daahidda waraaqda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Markasta oo xukunka dacwada uu soo dhawaado, xiisadaha u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii kordhaya. Haddaba, waxaa mudan in lays weydiiyo, Kenya ma aqbali kartaa in riyadeedii ahayd inay boobto Soomaaliya ay rumoobi la’dahay? Kenya iyo Soomaaliya, waxay Nairobi ku saxiixdeyn Abril 7, 2009 heshiis is-af-garad ah oo ujeeddadiisu ahayd in midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin “no-Objection,” gudbinta dalabka qolfoofta. Nairobi waxay gacantogaaleysay kalsoonidii, kadibna riyadeedii u rogatay “heshiis xeerinaya soohdinta badda ee labada dal.” Xadgudubkaas wuxuu dhacay kadib markii Baarlamanka Soomaaliyeed uu cod-buuxa heshiiskii Nairobi kaga dhigay wax aan jirin “null and void,” (August 1, 2009). Intaas waxaa dheer, in Kenya 2012kii si sharci darro ah u bixisay ruqsooyin lagu baarayo 8 waaxood oo ku yaal aaga badda Soomaalida, iyadoo qaar ka mid ah ay kala siisay ENI Energy – Talyani, Total – Fransiis iyo Anadarko Petroleum – Maraykan, (Oil & Gas Journal – 27/06/ 2012). Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxay tan 2012kii isku taxallujineysay wadahadalo xal doon ah, balse dadaalkaas lama kulmin niyad wanaag iyo laabqaboojis tona. Shan sanadood oo meermeeris ah kadib (August 28, 2014), Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka fursanweyday inay Maxkamada ICJ (International Court of Justice) horgeyso dacwad ka dhan ah Jamhuuriyada Kenya, si ay go’aan uga gaarto xuduud badeedka labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunka badaha caalamka. Febraayo 2dii, 2017 maxakamada waxay diiday marmarsiyadii hor u dhaca ahayd (preliminary objections) ee dowladda Kenya. Maxkamadda ICJ, waxay awood u leedahay inay soo saarto qaraar kama dambeyn ah [xukun aan lahayn ikhtiyaar rafcaan]. Toddobaad ka dib, markii dowladda Soomaaliya ay London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosarista khayraadkeeda (seismic data 2014-2016), dowladda Kenya waxay bilowday caraatan iyo colaadin hor leh, inkastoo Soomaaliya ay u xaqiijisay inaysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwada, kuna kalsoon tahay Maxkamada ICJ. Sideedaba, Nairobi waxaa caado u ah inay ceebeyso xukunka maxkamadaha caalamiga ah. Sida muuqata, waxay bilowday carqaladeenta garsoorka, iyadoo far ku fiiqeyso Guddoomiyaha Maxkamada Garsoore Cabdulqaawi Axmed Yusuf (Youtube – May 2019). Maxkamadda ICJ waxaa fadhiya 15 garsoore oo caalamka looga soo doortay si waafaqsan Qodobbada 2 iyo 15 ee Xeerka ICJ. Haddii dal [Kenya] uu hor yimaad maxkamadda, isagoo garsoore matala ku lahayn majliska, dalkaas waxaa loo ogol yahay inuu si degdeg ah u soo magacowdo garsoore matela inta dacwada ay socoto (Qodobka 35 iyo 37 ee xeerka), kaas oo leh awood la mid ah kuwa joogtada ah. Ilaa hadda, Nairobi waxba kama qaban cabashooyinkii Muqdisho. Soomaaliya waxay madax-banaanideeda ku ilaalsaneysaa nabad iyo diblomaasiyad, waana taas waxa ay ugu cabatay cadaaladda caalamka, mantana kaga fogaaneyso, ficil iyo qoolba wixii laga yaabo inuu wax u dhimmi karo deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka gaareyso go’aan kama dambeys ah. Ma qarsoona in dowladda Kenya qorsheysatay xeeladdo kala duwan, waxaase la yaab leh in shaqsiyaad Soomaaliyeed ay u adeegsaneyso hagardaamada dalkooda. Falsafi Fransiis ah – Roger Garaudy, ayaa hore u sheegay in cadawgaaga oo laysku jibiyo yahay “dagaal qiimaha jaban – Zero Cost warfare.” Kenya waxay ka shaxeysaa inay Soomaali isku jibiso, iyadoo ka faa’iideysaneysa seddax arrimood: (1) khilaafka awood qaybsiga siyaasadda; (2) qaranimo xumadda siyasadda qabyaaladda; iyo (3) adeegsiga jawaasista iyo khaa’inu wadanka. Falanqaynta warbaahinta Kenya, waxay muujinayaan in aqliga awood sheegashada madaxda Kenya ay si weyn uga falcelinayaan go’aan kasto oo lid ku ah, taasoo suurogal ka dhigeyso inay sii jiidanto khilaafka labada dhinac. Shacabka Soomaalida waxaa u muuqda, in Kenya ay raadineyso sidii xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi looga badbaadin kari lahaa inuu sii burburo. Waloo la arki doono wixii dhab ah, haddana waxaa Kenya hor yaal seddax istikhyaar (khiyaar): (1) Inay faragelinta siyaasadda guddaha Soomaaliya faraha kala baxdo; (2) Inay xiriirka labada dhinac dib ugu soo celiso halkii uu joogay January 2019kii; iyo (1) Inay ku qanacdo xukunka maxkamadda ICJ, hadba dhinaca uu u dhaco. Inkastoo aysan habooneyn in laga hor dhaco xukunka maxkamadda, haddana khilaafyada aan la xallin wax faa’iido ah uma laha gobolka. Soomaaliya iyo Kenya waxay wadaagaan cabsi amni iyo rejo mustaqbal. Taas waxay macnaheedu tahay, hagaajinta xiriirku wuxuu gacan ka geysan karaa xallinta dhibaatooyinka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dhaqan-bulshadda labada dal ee deriska ah. W/Q: Cabdulqadir Cariif Qaasim Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaan Aadan Faraax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee xiligoodii ka muddo dhacay, isagoona baaq u direy xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiyada ku muransan doorashada. Suldaan Aadan ayaa sidoo kale Madax-dhaqameedka iyo Salaadinta Somaliland ugu baaqay inaysan ku milmin siyaasada, balse ay ka qeyb qaatan sixida waxkasta oo ka qaloocda. Suldaanka ayaa Madaxweynihii hore Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ku amaanay doorashooyinkii kala duwana ee uu waqtigoogi ku qabtay, xiligii uu hayey talada Somaliland, wuxuuna yiri “Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ka mid yahay Madaxweynayaashii ugu wanaagsanaa ee dalka soo maray, maxaa yeelay intii uu taladda dalka hayey Doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay si fiican oo nabadgalyo ku dheehan tahay ayey u qabsoomeen, markii taladda dalka lagaga guulaystayna si sharaf iyo maamus leh ayuu xilkii Madaxweynimo u wareejiyey, masuul kasta oo dalka xilka ka soo qabtayna waxaa looga baahan yahay inuu ku daydo Daahir Rayaale”. “Madax-dhaqameedka doorkoodu uu muuqda, waxaana looga baahan yahay inay mar walba isku duubnida iyo midaynta umadda ka taliyaan, kana shaqeeyaan, waxaa looga baahan yahay in wixii khaldan ay saxeen, Madax-dhaqmeedka waxaa looga baahan in aanay ku milmin Siyaasada, saxaana wax kasta oo inaga qaloocda”. Wuxuuna intaasi kusii daray “Xukuumadda mar walba waxaa looga baahan yahay inay ku dadaasho sidii ay Dhalinyarada kala duwan ee dalka ee Jaamacadaha ka soo baxaysa inay meelayso, oo ay jihayso, isla markaana shaqo abuur u sameeyso, anigoo Xukuumadda ugu mahadnaqaya barnaamijka ay wado ee shaqo qaran” “Waxaan leeyahay Xisbiyada inuu khilaafkiinu sii jiitamo maaha ee wax walba waa laga heshiiya ee isku yimaada, wada tashi iyo wada jir arimaha aad isku haysaan ku xaliya, kuna dhammeeya, wakhtigu uu is guraya, Xisbiyadu khilaafkooda si wada jir ah ha u soo af jaraan oo heshiis kama dambays ah ha gaaran.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Intii aan bilaabay inaan la socdo oo aan dhagadhageeyo siyaasada iyo Wararka dunida, waxaan arkayay ama maqlayay dowlado horay u socda iyo kuwa dibu dhacay oo aynu ka mid nahay. Waxay Warbixinaddu iyo Muuqaaladu baahiyaan Madax, Boqorro, Wasiirro dalal kale kuwaasoo mashaariic furaya ama ka warbixinaya guulaha dalalkoodu ay ka gaareen dhismaha kaabayaasha ama dib u dhiska dalalkooda dagaallo lagu soo qaaday ka dib ama kuwa sokeeye oo ay galeen awgiisa. Sida Rwanda, Lubnan, Viatnam, Algeria iyo Kuwa kale. Waxaan iswaydiiyaa madaxdeenu kuwaas maxay uga duwanyihiin oo u diiday inay Somalia markale ay u kiciyaan oo ay kasoo kabato dhibaatadii ay soo martay iyadoo waliba dadkeeda ay haysato sababaha midayn kara oo dhan. In badan ayaan baaray aniga oo dib u tixraacay dalal badan oo dib uga soo kabtay dagaallo sokeeye oo ka xun kan Somali soo kala dhex maray. Silsilado Taxana ah ayaan barbardhig ku samayn doonaa Madaxda Somaalida iyo Madax dalal kale oo dib usoo kiciyey dalalkooda iyo hababkii ay mareen Dalka Rwanda iyo Madaxweyne Paul Kagame Horta ugu horayn Wadaniyadu ma ahan micnaheeda in qofka hogaanka ahi uu qaado halku dhigyo iyo Heeso wadani ah, ama uu akhriyo khudbo xamaasi ah aan waxba uga hoosayn taasoo lagu siro bulshada, waana sida madaxdeenu u badantahay. Ee waxaan ula jeednaa in qofka Hogaamiyaha ahi uu dalkiisa uga tanaasulo wax walba oo kasokeeya, uuna geed dheer iyo mid gaaban u fuulo sidii uu dalkiisa u horumarin lahaa. Taas waxay faraysaa in midnimada ummadiisa uu wax walba kasaraysiiyo, oo uu tuuro maslaxadaha sakhsiga ah iyo kuwa ay ka rabaan qabiilkiisa ama kooxda uu la bah siyaasadeedka uu yahay. Madaxweynaha Rwana Paul Kagame, isaga oo qabiilkiisa Tuutsiga ah ay ahaayeen kuwii la xasuuqay, wuxuu ka doorbiday badbaadinta dalkiisa iyo dib u walaalaynta Huuto iyo Tuutsi oo dhex maray wax aan dhexmarin Soomaali oo waxay iska dileen dad kabadan 1 million. Paul kama aarsan Huutuuga, ee si siman ayaa labada qabiil dowlada u matalaan maanta, waxayna Rwanda tusaale u noqotay, dalalka sida degdeg u horumaray ka dib dagaal sokeeye. Paul Kagame wuxuu xilka qabtay sanadkii 2000 wuxuuna xambaarsanaa laba Hadaf (Yool) oo cad. Midaynta Dadkiisa xasuuqii ka dib. In dalkiisa uu kasaaro Faqrigii daashaday Si uu u xaqiijiyo labadaas Yool wuxuu dajiyey qorshayaal yaab leh, gaar ahaan si loo tirtiro raadkii uu reebay xasuuqii:- Xasuusaha nool Dalka wuxuu yeeshay boroor diiq 100 cisho soconaysa taasoo ka bilaabanaysa 7 April sanad walba, waxaana barbarsoconaya, maalmahaas xuska ah in dowladdu soo bandhigto qorshaheeda horumarinta dalka iyo midaynta dadkeeda. Waxbarista Dhallinyarada Iyadoo manhajka dalka lagu daray Xasuuqii dalka ka dhacay, sababaha keenay iyo siyaabaha looga hortagi karo inuusan soo noqon. Waxaana dhallinyarada sidoo kale loo furay Ceeljaalayaal (xarumo) lagu wacgeliyo. Cadaalada: Dambiilayaashii wuxuu ukala saaray labo, kuwii hogaamiyayaasha kooxaha xasuuqa gaystay ahaa wuxuu u diray Maxkamada Caalmiga ah ee Laahaay, kuwase iyaga ka qaybqaatay falalkii bahalnimada ahaa ee shacabka ahaa wuxuu u furay maxkamado dhaqan ah oo Rwandisku ay leeyihiin taasoo lagu magacaabay GAKAKA, waxaana dadkaas lagu xukumay sanado laga khafiifiyey iyaga oo dhaqan celin loosameeyey. Dal Cusub Calan Cusub, Heesta Dalka oo labadalay, Dustuur Cusub, iyo Joojinta Sheegista wax qabiil ah ama takooris dadka loo kala saaro Huuto iyo Tuutsi. Afartaas Qorshe ayaa u horseeday inay Rwanda noqoto tusaale dhif ah iyo dal ay Walaalo kuwada yihiin kuwii Dambiilayaasha ahaa iyo dhibanayaashii si isku mid ah, kuwaasoo is cafiyey oo isu qirta mid midka kale dambiga uu ka galay, waxaana isguursaday kuwaa dadka iska dilay oo way iscafiyeen. Dowladdu markii ay ku guulaysatay xasilinta dalka iyo nabadayntiisa waxay u jeesatay Kobcinta Dhaqaalaha iyo dhismaha dalka. Wuxuu Madaxweyne Kagame uxilsaaray koox lataliyayaal ah iyagoo u socdaalay dunida si ay usoo diraaseeyaan dowladaha sida degdeg ah u kobcay sida Singapore oo kale, waxayna isu badashay aragti dhaqaale iyo harumarin weyn oo lamagac baxday Aragtida 2020. Aragtida ayaa kulansanaysay 44 yool taasoo ay u dhanyihiin wax walba, waxaynan Rwanda 20 sano gudahooda ka dhigtay dal horumaray oo kasoo baxay Faqrigii iyo dib dhicii uu ku jiray. Dhaqaalaha Rwana ayaa 3 jeer labanlaabmay 15 sano guduhood heer gaaraya 8% sanad walba, waana heer ku sareeya afrika gudaheeda iyo dunidaba. 2 million oo qof ayaa ka gudbay saboolnimada. Waxay Rwanda noqotay deegaanada ugu haboon ee laga samayn karo shirkadaha wax soosaarka leh, wuxuuna dalka hada ku faanayaa inuu yahay dalka afrika ugu horeeya dhanka waxbarashada oo caruurta oo dhan dugsiyada way aadaan. Dumarka qayb libaax ayay xukumka ka leeyihiin oo 30% ayay baarlamaanka ka helaan iyada oo la adeegsanayo awooda Sharciga iyo Qaanuunka dalka, waana dalka dunidu ay dumarka ugu badanyihiin Baarlamaanka. Sidaasaa Madaxweynahaa caatada ah uu noqday mid dunida oo dhan caan ka ah, wuxuuna aragtidiisa hormarineed uu ka jeedayaa Jaamacadaha reer Galbeedka sida Harvard iyo Brookings. Dalka Rwanda bedkiisu waa 26,338 Km2 Tirakoobka dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 11 million. Xuriyada waxay qaadatay 1962. Caasimadu waa Kigali. Diinta ugu weyn waa Kiristan oo gaaraysa 83%, muslim ku waa minority 4.6%. Laba su’aalood ayaan ku soo khatimaynaa Qaybtan 1aad:- Ma iswaydiisay meelo aan isaga egnahay anaga iyo Rwanda iyo Fursado badan oo ay Madaxdeenu dhumiyeen?! Ma ila fahantay meesha aan ka liicayno inay tahay Hogaan aan aragti lahayn, ee aysan ahayn dalal shisheeyaa nagu soo duulay iyo Soomaali baa isdiidan? Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Abdirahman Abdirisak Abdirahman Email: bincawf12@gmail.com
  14. Halkan hoose waa halka uu salka Ku hayo Khilaafka iyo shakiga u dhaxeeya beesha West Burco Clan Iyo madaxweyne Muuse Biixi oo xilalkii intii ugu liidatay ee ugu tayda xumayd Ku maamuusay beesha West Burco Clan Liiskani waa xilalka ay beesha West Burco Clan u bixiyeen xilalka Waraabe u taaga ee Muuse Biixi. Hadaba dabagal aan ku samaynay halka ay iska seeganyihiin beesha West Burco Clan Iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku aroortay sadbirsi, mana jirto wax khilaaf ah oo ka taagan xiligani xurguftii ka dhamaatay doorashadii madaxweynaha. Liiskani koowaad waa ka beesha West Burco Clan ee uu madaxweyne Muuse Biixi magacaabay, ka ka hooseeyaana waa ka beeshiisa, shaxdani waxa ay ku tusaysaa in aan dalka la wada lahayn marka laga hadlaayo Daami qaybsiga. 1 Wasiirka deegaanka 2 Wasiirka ciyaaraha 3 Badhisaab ku xigeenka gobolka Saaxil 4 Agaasimaha wasaarada warfaafinta 5 Badhisaabka gobolka Togdheer 6 Afhayeenka madaxweynaha 7 Lataliyaha madaxweyanaha ee arimhaha naafada 8 Taliyaha ilaalada madaxtooyada 9 Wakiilka Somaliland ugu qoran dalka Shiinaha 10 Gudoomiyaha Baanka Ciidagale 1 Wasiirka waxbarashada 2 Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha 3 Wasiir ku xigeenka maaliyada 4 Agaasimaha wasaarada biyaha 5 Agaasimaha wakaalada hawlaha guud Isaxaaq 1 Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha 2 Gudoomiyaha hay’ada ICT. Muuse Care 1 Badhisaabka gobolka Hawd 2 Masuul ka tirsan hay’ada quality control 3 Wakiilka Somaliland u jooga Itoobiya Liiska kore ee beesha West Burco Clan xilalku waa Waraabe u taag badankoodu, waana tan halkii ay u macayd Iyo dookha madaxweynaha Iyo sad bursiga uu Ku kacay, waana halka ay qayl 1.Madaxwaynaha Somaliland 1. Wasiirka Maaliyadda 2. Wasiirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad 3. Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka 4. Wasiirka Gaadiidka & Hormarinta Waddooyinka 5. Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibadda 6. Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka 7. Mareeyaha Hawada iyo Madaarrada 8. Guddoomiyaha Ka Hortagga Afooyinka Dabiiciga ah & K/Rashinka 9. Guddoomiyaha gobolka gabiley 10. Guddoomiyaha Gobolka Salal 11. Guddoomiyaha Gobolka Saraar 12.Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex 13. Safiir ku xigeenka Ethiopia 14. Aggasimaha guud ee Madaxtooyada 15. Agasimaha guud ee caafimadka 16. Agasimaha guud ee Caddaaladda 17. Agasimaha Guud Maalgashiga 18. Agasimaha Guud e Shaqada & A/Bulshada 19. Aggasimaha Guud ee Qorshaynta Qaranka 20. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada 21. Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe 22. Agaasimaha Guud ee Gaadiidka/Q liisank 23. Agaasimaha Gud ee Mihnadleyaasha Caafimaadka 24. Gud ku xigeenka Hay’ada tayada 25. GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE 26. La Taliyaha madaxweynaha ee Amniga 27. La taliyaha madaxweynaha ee Sharciga 28. La taliyaha madaxweynaha e Dhaqaalaha 29. La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Sooomaaliya 30. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare 31. Maayarka Caasimadda Hargeisa 32. Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka 33. Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliland 34. Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka 35. Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka 36. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud 37. Wakiilka Somaliland ee Finland 38. Chief of Staff ka Xafiiska madaxweynaha 39. Madaxa ilaalada madaxtooyada 40. Garyaqaanka Guud ee Qaranka 41. Madaxa Maaliyadda ee Madaxtooyada 42. Sii hayaha Wasiirka Qorshaynta 43. Maareeyaha Dekadaha 44. Taliyayaasha 18 hoggaan oo ciidamada ah. 45. La taliyeyaasha wasaaradaha warfaafinta, arrimaha dibedda, arrimaha gudaha iyo beeraha 46 Wakiilka Somaliland ee Norway 47 Wakiilka Somaliland ee Holland 48 Wakiilka Somaliland ee Biljamka 49 Wakiilka Somaliland ee Sweden 50 Wakiilka Somaliland ee Denmark Waxa kale oo jira qaar badan oo aan muuqan, la taliyeyaal wasaaradaha ah ku mushahaato qaata oo kagu naasnuujiyo oo tobannaan ka badan ee qoyska ah. Haddii intaas ka barbardhigo reeraha kale sawir foolxun baa kuu soo baxaya. Waana halka ay ka saldhigi laadahay xukumadda Muuse Biixi mana aha tani xurguf ay doorashadii ka tagay ee waa aafo Qaran oo hadii aanu madaxweynahu hoos u eegin keeno karta kala fogaansho Iyo is aaminid la aan. Gabogabo: Ma jiro khilaaf u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee Awal Iyo West Burco Clan ee tani was mid u dhaxaysa madaxweynahii la soo doortay Iyo beesha West Burco Clan oo isaga u arka in uu yahay madaxweyne aan dhaartiisii ka *****nin, waxana la dhowraaba sida uu madaxweynahu u gar wàayo isaga oo xaq u leh in uu siduu doono sameeyo inta xilkiisa uga hadhay Qaran News
  15. Countries are great when they can weed out unscrupulous politicians. All countries could be great should the core vision and the values of their citizens are bulletproof. The need for a leadership change in all countries mostly take place when citizens must somehow have both the ability and the courage to face down governments when the leadership of the government becomes too oppressive, or too opportunist, or too incompetent to overcome national challenges, or too arbitrarily focused on their personal power. Critical to the success of both people and their nations are the values they adopt and above all the national vision they use to share. Apart from religion, language, and color, what Somalilanders share in common? Poverty across the board is one great solidarity we share in common. What else that makes a meaning to us as a nation we share? That is the question intellectuals must seek to answer. From rural population on the move en masse to big cities, to urban youth emmigration to western world, to poor governance and unrestrained political corruption, to disunity among the people, and to inflation still remaining unchecked, crises are roiling Somaliland. The people of Somaliland are angrier than ever at the leadership, at the parliament, the Guurti, the judicial, at the established system. The executive, the parliament, the judicial, and Guurti are incapable of working together on anything, even when their interests align. The effect of inability by the legitimate governmental institutions is a chronic decline in the political system’s capacity for self-organization. It begins with the weakening of the parliament members that are constitutionally supposed to hold politicians accountable for their decision and actions and prevent everyone in the system from pursuing naked self-interest all the time. Like other disorders, the inability of the legitimate institutions to do their job reinforces itself. It causes governmental dysfunction, which fuels public anxiety, which ignites political disruption, which creates yet more governmental dysfunction. Disruption in politics and dysfunction in government reinforce each other. Whose responsibility it is to dilute this mess? No Somaliland citizen wants to see the inability of the established institutions, but no one is able to prevent it. If politicians won’t do the job, then who else will? The intellectuals and elites of Somaliland are nothing more than mere spectators, and most of them have given all their pretense of loyalty blindly to the politician that belongs to their own tribe; which is another hapless stand that completelly calls for incivility and ignorance. Those few persons who speak up, stand up and speak out for the principles of a healthy system are only individual actors, pursuing their own political interests like excited gas molecules in an overheated balloon. Somaliland is now more vulnerable to serious risks than ever before. The stability is at risk; voices of anti-Somaliland secession are increasing in Sool region; the economy is getting worse day after day with no stimulating skills from the government side; the living standard of the people has worsened; the nation is in confusion – in respect of where the country is heading to politically. Disunity is increasing among the people. The nation is now fractured along tribal lines, and even politically more divided than it was decades ago. The division and distance between the tribes just reflect the differences among the two main political parties. Opinion polls continue to show that most Somaliland citizens are disgusted by the acrimony that currently pervades our nation. When we recall the sorrow and anger that Somaliland people collectively felt when civil war against Faqash regime broke out on 1988 and the ensuing solidarity of citizens and contrast it with the polarization that we are experiencing today, many baffling questions come to mind. How did Somaliland get here? Are we allowing foreign forces to intervene, by tolerating all the internecine infighting that is on display between the ruling party and opposition party and their respective bases? Why are we witnessing such bitter politics? Why our political parties always falter and argue? When Somaliland politics has lost its shine? Nations exhibit different solutions at different times to their challenges. A lack of realistic self-assessment in our leadership just describes how Somaliland has come to blows in its social, economic and political atmosphere. One approach to prevent political conflict and daunting challenges is self-assessment, selective adoption of best practices even from elsewhere while still preserving core values and flexibility that allows for social and political compromise. Another prime reason is our leadership’s mindset, the narrative they choose to believe, often overrides their perception of reality and the facts in front of their faces. What amazing is whether those in charge in the governing class share a view based on knowing Somaliland country, not just part of it that fits with their inclination? For those of us today who are lamentably poised to unlearn lessons of leadership inclination should know that Somaliland politics has lost its shine when Kulmiye came into being. Of course diverse sources of structural power, intellectual politics and custodial leardership can only enhance political capacity in the contemporary era. Above all, a commitment towards custodial stewartdship is now both timely and politically prudent in light of the perplexing crosscurrents and daunting challenges. Jama Ismail jamafalaag@gmail.com Qaran News
  16. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tegtay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo ay kula kulantay madaxweynaha dalkaas Ismaacil Cumar Geelle. Ka sokow xiriirka labada dal iyo arrimaha u dhaxeeya, labada dhinac ayaa sidoo kale xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in Monica Juma iyo Ismaaciil Cumar Geele ay soo hadal qaadeen muranka badda ee ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, wasiirka ayaan wax faah-faahin ka bixin wixii labada mas’uul ay iska yiraahdeen arrintan. Si kastaba, Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Monica Juma ay Ismaaciil Cumar Geelle gaarsiisay farriin ka timid madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu Geelle kaga codsaday inuu Soomaaliya ku cadaadiyo inay aqbasho wada-hadal. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sidoo kale dowladda Kenya ay muranka badda hor dhigtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey si xaaladda ay usoo farageliso. Kenya ayaa u muuqata mid naf la caari ah oo albaab kasta garaacaysa hase yeeshee weli kari la’ inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska horyaalla maxkamadda ICJ. Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso inay ka faa’deysto kala qeybsanaanta iyo xasilooni la’aanta ka jirto Soomaaliya si wadahadal looga gaaro muranka badda. “Kenya waxaa ilaa hadda ka dhaadhaacsan in muranka lagu xallin karo wadahadal” ayuu yiri Maxamed Caalin. “Kenya waxaad mooddaa in xiriir uu ka dhexeeyo isdhexgal iyo xiriir qowmiyadeed.. marka Jabuuti maadama ay kamid tahay qowmiyadaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, marka waxay isleedahay ama dhexdhexaad ka noqon kartaa arrinta” Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dooneyso in cadaadis dhaqaale iyo mid caalami ah ay saarto dowladda Soomaaliya si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo. Soomaaliya ayaa ka aamusan khilaafka, waxay ka dhuursugaysaa go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  17. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. U.S. Agency for International Development (USAID) PRESS RELEASE USAID Administrator Mark Green’s remarks on Prosper Africa at the Corporate Council on Africa Conference Sixty percent of Africans are under 25, and a decade from now there will be about 320 million Africans between the ages of 15 and 24 MAPUTO, Mozambique, June 19, 2019/ — Thank you for that kind introduction, and thank you for your great leadership. And a special thanks to Florie Liser, President of the Corporate Council on Africa for inviting me to join you today. As many of you know, I served as America’s Ambassador to Tanzania, Mozambique’s beautiful neighbor to the north. My time there, helping lead initiatives like PEPFAR and the Millennium Challenge Corporation, taught me so much of what I know about development in Africa. But, what taught me even more, what shaped it even more, was the time I spent in Africa some twenty years before that. Back then, I taught school in a small Kenyan village not far from the Ugandan border. Most of my students were poor. Most of my students were barefoot. Our school lacked reliable water and electricity. We didn’t have lights, only windows. In some classes, we had one textbook for every dozen students. Americans are sometimes surprised when I tell them that, in the entire year I served at that middle school not one of my students ever asked me for money. They might have asked to borrow books; they often asked for extra lessons, but they never asked for a handout. They really wanted a hand-up, a chance to make their own way. I often think of those days, those barefoot kids, with big eyes and even bigger dreams. There are many millions and millions of young people just like them, all across this magnificent continent. More and more every day. The median age of the Mozambican is just over 17. Across the continent, it’s just under 20. Sixty percent of Africans are under 25, and a decade from now there will be about 320 million Africans between the ages of 15 and 24. Every one of them with bright eyes and big dreams, eager to make their own way. And, I think the challenge of our generation is to ensure that those opportunities are there. It won’t be easy. By some estimates, Africa will need 18 million new jobs per year for the next 20 years just to match these new entries into the job market. So, can government create these jobs? Even if they could, I doubt they would be exciting opportunities that those young Africans dream of. In terms of help from the outside, will those opportunities come from authoritarian donors? Most of the time, their help looks more like predatory financing than honest-to-good assistance. A mortgaged future instead of a springboard to economic vibrancy, shackles instead of self-reliance. But, we’re here because we know there’s an answer. There is a way. It’s the path that led to the South Korean miracle, the Indian miracle, and so many others. Private enterprise is the single most powerful force on Earth, lifting lives and building communities. Our mission at USAID is to foster the journey to self-reliance. And, we know that private enterprise is the force that gets countries there. In terms of creating those opportunities, sustainable opportunities for those rising young Africans, nothing else comes close. That’s why the Trump Administration’s Prosper Africa matters. It’s not a program; it’s a new approach. A new framework. A framework that seeks to liberate and mobilize private enterprise. I believe it gives us an opportunity to double two-way trade and investment in the years ahead. Prosper Africa pulls together, harmonizes, and harnesses our foreign assistance tools in ways that will promote stability and good governance, and an enterprise-friendly, enabling environment. Prosper Africa is different because it is demand-driven and private-sector lead. It aligns the tools of our public sector to leverage the innovation, resources, knowledge, and networks of our private sector. So, what’s in it for America? Well, Prosper Africa will advance America’s prosperity and security, it will fuel economic growth and jobs creation, and it’ll demonstrate the superior value proposition of markets and private enterprise. What’s in it for Africa? Prosper Africa will help break the debt-trap, the trap that authoritarian funders have planted like landmines in too many parts of this continent. Prosper Africa creates options and alternatives for African leaders, who are seeking just a little bit of help with their plans for the future. It will help Africans seize the power of investment and enterprise, and it will accelerate their journey to self-reliance. Okay, the nuts and bolts of the Administration’s plan. Prosper Africa will increase and prioritize U.S.-governed personnel and programs to do the following, and this is where it gets real: First, facilitate transaction by providing blended finance, loan guarantees, market intelligence, advocacy, and a range of services to de-risk investments. Second, will expand U.S. private sector knowledge and utilization of available U.S. government deal-facilitation services. Third, it will develop and deepen markets by tapping into local ventures to provide matchmaking services with U.S. companies, and African supply and value chain departments. Fourth, it will level the playing field for U.S. businesses by identifying and removing policy regulatory and logistical trade barriers in ways that increase transparency and lower the cost of doing business in Africa. Fifth, it will expand U.S. trade and investment hubs into multi-agency platforms. Sixth, it will integrate technical advisors into those hubs to create an easily accessible trade and investment support package. Seventh, it will create an additional trade and investment hub in North Africa. And eighth, it will increase the foreign commercial services of USAID private sector catalysts in Africa to serve as “Deal Facilitation Teams” in strategic markets. Prosper Africa will create real, concrete strategies country by country for improving the private investment and financing. It will get there by removing the restraints to grow and invest analyses in select countries that will create to-do lists for lowering barriers for American business investment. I think you can tell Prosper Africa is not a new program. It’s a new way of doing business. It capitalizes on the reauthorization of EXIM Bank and the new Development Finance Corporation. And, it makes the full suite of U.S. government networks and resources available and accessible to importers, exporters, and investors. I’ll understand if some of you were skeptical, after all, as Ronald Reagan used to put it that the 10 most frightening words in the English language are, “Hello, I’m here from the government and I’m here to help.” But, we have seen in recent years what thoughtful, pro-business initiatives can do. Like Power Africa 2.0, where we’re helping to connect government, financiers, and private enterprise projects that will one day power an entire continent. Like Feed the Future, helping farmers overseas become more prosperous and better connected to global markets, bridging the divide between their needs and American enterprise. In each of these efforts, we’ve married the ingenuity and enterprise of American and African businesses with the desire of governments to achieve lasting development results. That’s precisely what Prosper Africa will help to achieve, and I believe on a larger scale than we have ever seen before. So, I began today by telling you that my most memorable time in Africa was serving as a teacher. I’d like to close today by giving you my second most memorable moment. It was from my very first overseas trip as Administrator. I visited the Somali region of Ethiopia, an area that was then going into its fourth consecutive year of drought. Part of the program was to participate with our partner, the World Food Programme, in food distribution. And, I remember walking along a path where we had sacks of grain that we were providing to families that desperately needed it. As we were walking through, there was a wonderful Ethiopian lady who approached me. She said, “I have a question.” And I said, “Yes, ma’am.” “First off, thank you for this food.” “We needed it.” And my question is, ‘can you help us with irrigation so that we never have to ask for food again?'” It’s that spirit, it’s that drive, it’s that human dignity, it’s that innate desire to want to lead themselves. Build their own bright future. That’s what we must tap into. Nothing will meet their needs, nothing will harness that spirit like private enterprise. And, nothing will accelerate, in my opinion, private enterprise better than pulling together our tools in Prosper Africa. It is a collaboration between government and all of you. We have work to do. The sky’s the limit. Thank you Distributed by APO Group on behalf of U.S. Agency for International Development (USAID). SOURCE U.S. Agency for International Development (USAID) Qaran News
  18. (SLT-Qaahira)-Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa “baadhitaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay. Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar, Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga QM ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baaro geerida Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla Qaahira. Hafez ayaa sheegay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.” Colville ayaa talaadadii dalbaday in la baaro haddii xaaladda xabsigii uu lixda sano ku jiray Mursi ay hoggaamisay dhimashadiisa. “Geeri kasta oo deg deg ah waa inay daba socotaa baaritaan deg deg, cad, oo dhex-dhexaad ah, oo uu sameeyo guddi madax banaan” ayuu yidhi Colville. Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in Morsi oo 67 jir ahaa uu Isniintii ku dhacay maxkamadda Qaahira oo lasoo taagay kadibna uu geeriyooday. Waxa uu intaas ku daray in Morsi uu u muuqday qof dhiifoon markii uu maxkamadda la hadlayey, hase yeeshee uu miir belay shan daqiiqo markii uu hadlayey kadibna uu dhacay. Teleefishinka dawlada Masar ayaa sheegay in Mursi markiiba loola cararay cusbitaalka, laakin markii la geeyay uu u geeriyooday wax u muuqday wadnaha oo istaagay. Source
  19. The death of the only democratically elected president of Egypt, Dr Mohamed Morsi in tragic but predictable circumstances under the strain and effects of sustained torture from the dictatorship regime of Abdulfatah El Sisi marks a watershed moment... Source: Hiiraan Online
  20. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray. Kooramka Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com