Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay kamid tahay Xasuuqii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad kasoo jeeday Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku tilmaamay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen” ayuu yiri Xaaf. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inaysan Galmudug xaq u laheyn inay soo qabtaan Ciidamada Militariga maadaama aysan maamul ahaan hoos tagin oo ay maamusho dowladda, wuxuuna yiri ” Marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan” Dowladda Soomaaliya ayaa xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay horey uga hadashay waxaana arrintaas saxaafadda uga waramay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, anagoo kaashaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inagoo kaashaneynaa oday dhaqameedyada, inagoo kaashaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Hadalka Xaaf kasoo yeeray ayaa ka dhigan inuu meel xun sii gaari doono xiriirka sii dabar go’ayey ee u dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulkaas oo aan muddo 2 sano ah shaqeyn. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Xaaf.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Aqoonyahan Cabdirisaaq Aadan Shire oo ku taqasuskiisay arimaha Juqraafiga haystana Master Degree kana tirsan Jaamacada Baddacas Bosaaso ayaa warsidaha Puntlandi.com waxa uu wax ka waydiiyay [...] Source
  3. Caabudwaaq (SMN) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Ujeedka howlgallada ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabadgalyada. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadan ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Caabudwaaq in ay kala shaqeeyaan amniga degmadaasi. Galmudug ayaa maalmihii dambe xoojisay amniga, waxaana Ciidamadeeda ay howlgallo ka wadeen magaalooyinka hoos yimaada maamulkaasi. View the full article
  4. Dhismaha jaamacada Jariiban Universaty ayaa maraya meel gabo gabo ah, waxaana lagu dhisayaa qaab isku tashi ah. Madaxweynhii hore ee dowladda Puntland Cabdiwali Gaas ayaa [...] Source
  5. At the age of 65, Jamaad Farah Mohamed has rebuilt her life around the sale of myrrh that she collects from the mountainous area near the camp they have settled in at Anjiid, 20 km north of Lasanod, in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Garowe (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi. Wasiir Abgaal ayaa tilmaamay in wasaaradaha qaar aysan illaa iyo haada bixin Canshuurtii ku waajibtay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray haddii ay ka dhaga adeegan digniintay uu dacwad u gudbin doono xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka guud ee Puntland. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in hay’adaha kale ee madaxa banaan uu ka gudbin doono dacwad, haddii aysan si deg deg ah ku bixin Canshuurta laga rabo. Dhanka kale wasiirka Maaliyadda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku amnray in hay’adaha kale ee madaxa banaan in ay si deg deg ah ku bixiyaan Canshuurta laga rabo. Muddooyinkii la soo dhaafay Puntland ayaa waday qorshe guud oo kor loogu qaadayo Canshuuraha laga qaado deegaanada maamnulkaasi. View the full article
  7. Two children have died and 300 others are infected in a diarrhoea outbreak in Eldibir village, Galmudug state health ministry has reported. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-20062019.mp3 View the full article
  9. Guddoomiyaha baarlamaanka Gamudug garabka Cadaado Cali Gacal Casir ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in baahi weyn loo qabo in doorasho ay dhacdo waqtigeeda. Casir waxaa uu intaasi raaciyey in inta laga dooranayo baarlamaan cusub ay sii shaqeyn-doonaan 89-kii xildhibaan ee Galmudugtii hore. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Boorama)-Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogay Gobolka Awdal ayaa kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol, Sidoo kalena qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama, waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka. Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka. Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland. Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah, waxa ay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad. Source
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ayaa si kulul uga hadlay Warqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheyntiisa. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu Xaaf ku sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid xur ah, islamarkaana warqadii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay mid loogu xad gudbay Galmudug. Waxa uu sheegay in Galmudug ay tahay maamul jira oo dastuurkiisa u dhisan yahay, islamarkaana cid gaar ah maamuli karin, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka degaannada Galmudug in ay ilaashadaan amaankooda isaga oo dhaliilay waxqabadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyo codka madaxweyne Xaaf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Cod-Xaaf.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Three suspects were on Wednesday convicted over the 2015 Garissa University terror attack. Nairobi Chief Magistrate Francis Andayi found Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan and Rashid Charles Mberesero, a Tanzanian, were involved in the attack that left 148 people dead. Andayi, however, freed Sahal Diry Hussein, saying he cannot be linked to the attack just because he was found in the company of one of the attackers. Prosecutors had proven “beyond a reasonable doubt” that “they knew the plot,” he said but did not give further details of the alleged conspiracy. The Nairobi court will sentence the trio on July 3. The three convictions are the first to result from a long-running investigation and prosecution. All four gunmen were killed by security forces. The operation’s suspected ringleader, Mohamed Mohamud, also named “Kuno,” a former professor at a Koranic school in Garissa, was killed in southwestern Somalia in 2016. The Shabaab said he had been killed by “US crusaders”. The group is fighting to overthrow the internationally backed government in Mogadishu. But it also regularly carries out attacks in neighboring Kenya, which has troops in Somalia as part of an African Union force. View the full article
  13. (SLT-Tehran)-Dawladda Iran ayaa sheegtay inay soo ridday Diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ku soo xad-gudubtay Hawadeeda. Telefiishanka Dawladda Iran ayaa baahiyey in Ciidammada ilaalada Kacaanta Iran ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Drone ah oo nooca wax basaas ah, ka dib markii ay soo gashay Xuduudka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN. Laakiin, Masuul Maraykan ah oo Magaciisa la qariyey ayaa Wakaaladaha Wararka Adduunka u sheegay in diyaaradda Drone-ka ay ku jirtay hawada Caalamiga, ka hor intii aan la soo ridin. “Diyaarad nooca wax kormeera ah oo Maraykanku sameeyo ayaa la soo riday.” ayuu ku warramay Telefiishanka Afka Ingiriisiga ku warrama Press Tv. Website ay Ciidammada IRAN leeyihiina wuxuu sheegay “Waalla toogtay oo way soo dhacday, markii ay soo gashay hawada Iran, gaar ahaan meel u dhow Degmada Kouhmobarak oo koonfurta Dalka ah..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu Website-ku baahiyey, sida ay qortay Al-jazeera. Arrintan ayaa kor u sii qaadi karta Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN. Source
  14. Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed. Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah. Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada. Hoos ka akhriso Bayaanka oo turjuman Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga. Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Foreign Ministers from Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) convened in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Wednesday. The 68th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers discussed the situation in Sudan and as well as political developments in neighboring South Sudan. The Foreign Ministers of Ethiopia, Somalia, Djibouti, Kenya, South Sudan, Sudan and the State Minister for Foreign Affairs of Uganda were present. IGAD special envoy to South Sudan briefed the council of ministers on the implementation of the revitalized peace agreement in Africa’s youngest nation. In his opening remarks, Minister of Foreign Affairs of Ethiopia’s and Chairperson of the IGAD Council of Ministers, H.E. Gedu Andargachew noted the importance of encouraging the Sudanese stakeholders to return to negotiation and finalize their discussion on the remaining outstanding issues with a view to ensuring a smooth and peaceful transition. Recalling the efforts of H.E. Prime Minister Abiy Ahmed and noting that the Premier also deployed a Special Envoy to defuse the tension and assist the parties to reach a peaceful solution, Minister Gedu said today’s Session would offer an opportunity for IGAD to work to enhance this initiative. The Minister also called on Sudanese stakeholders to refrain from inflammatory statements and de-escalate tensions. On South Sudan, IGAD chair emphasized the need to review the progress of the implementation of the revitalized peace process in accordance with the direction set at the 67th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers, which recently convened in Juba. View the full article
  16. Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadkii 9-ka ahaa ee lagu dilay Galkacyo 14-kii bishan ay dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Mudane Xaaf oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. Markii uu dilka dhacay waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Berbera)-Cuqaal Taageertay Shirka Buurmadow Iclaamiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id uu ku wehliyey madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir ku sheegay iney waxbo kama jiraan iyo sharci-darro tahay warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah oo la xiriirtay doorasho ka dhaceysa Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo arrimtaan ka hadlaya waxaa uu yiri “Galmudug waa state xor ah, oo madaxbannaan, mustacmarad ma aha, ma aha mid cusub oo hadda la dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in warqadda soo baxday u muuqatay in Galmudug tahay State cusub, State cusub ma aha Galmudug, shicib ayey leedahay, nidaam ayey leedahay, dastuur ayey leedahay, baarlamaanbey leedahay, madaxbey leedahay, caasimadeedibey joogtaa, in lagu xadgudbo, oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanayaa anugu meel ay ku taalo ma arag”. Dhanka kale, waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay bulshada Galmudug iney fiijignaadaan “waxaan u sheegeynaa umadda Soomaaliyeed iyo inta wax garaneysa, reer Galmudug khaasatan in arrintaas si qoto-dheer uga fiirsadaan, una ogaadaan iney tahay xadgudub sharci-darro ah, haddii madaxdii federaalka ee qaranka ay sharcigii ku tumanayaan, aad iyo aadbaan uga xumahay, in aan sharciga ilaalsanno ayaa nalakooka baanhayanyahay, haddii aan waxa yaga ilaashan weyno, waa nalaku tumanayaa”. Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay habeen hore saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz. “Diyaaradda basaaska RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo xadgudubtay hawada Iran ee dusha biyaha gobolka Hormozgan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz. Dhacdadan ayaa timid xilli uu aad usii kordhayo is-naceybka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran kadib mowjado weeraro ah oo laba mar lagu qaaday maraakiib marayey biyaha gacanka. Dowladda Mareykanka ayaa Iran ku eedeysay inay ka dambeysay weeraradaas, waxayna soo bandhigteen sawirro ay sheegtay inay taas caddeyn u yihiin. Tehrani waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxayna tusmeysay in laga yaabo in Washington ay ka dambeysay weerarada si ay qiil ugu raadsato weerar ay ku qaado Iran. Isha: VOA Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  20. Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay shalay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda. Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan. View the full article
  21. Somalia’s IBS Bank has partnered with Visa to deepen its payments services in Somalia in a move expected to accelerate its banking services locally and globally. IBS Bank Chief Executive Officer Mahat Mohamed said “We went live with Visa acquiring in May this year and within a month we have seen an outstanding response in the market. In our first month, we have had 341 transactions (ATM withdrawals) with a total value of $85K. Our partnership with Visa is bound to accelerate the growth of electronic payment in Somalia and ensure that as many Somalis as possible are brought into the formal banking system.” IBS Bank has a growing network of 7 branches in key districts in Mogadishu and makes provision for services such as cash withdrawals and balance enquiries. In addition, the wider Point of Sale acceptance footprint is growing, and Visa cardholders can also pay for goods and services from merchants that accept Visa across the country. “We are happy to officially welcome IBS Bank customers onto the Visa network where they can enjoy secure and convenient payment experiences,” said Kevin Langley, Visa’s General Manager East Africa. “This development is in line with our commitment to reduce cash usage and deepen financial inclusion in Somalia and across Africa.” IBS Bank will continue to be at the forefront of innovation and will continue to look for new ways of giving Somalis the means to enhance their financial prospects. Visa will support IBS Bank by engaging with key stakeholders to assist where possible on infrastructural challenges and ensure that innovative payment solutions enable financial inclusion for Somalia’s population. “Visa’s experience of offering superior products and value to its clients has driven growth in over 200 countries and territories around the world and we hope to attain the same results in Somalia,” added Langley. VisaNet, Visa’s centralized processing network will be utilized in Somalia to help facilitate the transfer of value and information among Visa’s client financial institutions, consumers, merchants, businesses and government in a faster, more reliable and more secure way.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga arrimaha xajka ayaa xukuumada federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay sanadkan Soomaalida dooneysa inay soo xajiso. Qoraal dheer uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku soo bandhigay qoddobo sababi kara in sanadkaan Soomaalida ka baaqato Xajka. Qodobada uu soo saaray Sheekha ayaa waxaa kamid ah in xamlooyinka loo xil saaray xajka sanadkan aysan lahayn waayaraganimo ku filan marka laga reebo shan xamlo. Hoos Ka Akhriso Qodobada uu ku sababeeyay in Xukuumadda Soomaaliya caqabad ku tahay Arrimaah Xajka. Asc waxaan maanta anigoo aad uga xuna kana murugeysan aan madaxda qaranka iyo umada soomaaliyeed u cadeynayaa in xajkii islaamka ee soomaalidu maanta khatar ugu jiro inow baaqdo sababaha soo socda 1– In wasaaraddii owqaafta iyo diinta oo la rabay iney fududeyso ay caqad ku tahay gudigiina shaqadii ka widi la,yahay 2–In Shirkadihii tartamay ee guuleestay ay ka hor taagantahay wasaaraddu iney howshoodii si toosa u guda gslaan iyagoo weliba ka qaatay lacag ku dhaw 1200.000 rahana uga dhigay 555000 3– In Ay xajkii af duubeen oo ka dhigeen xaj bicsah iyagoo diidan shirkadaha iney kaalintooda qaataan iyagoo acconka wasaaradda ee jiddah doonaaya in $20.000 000 malyan ee soomaalidu ku xajineyso lagu shubo iyagoo ay ka saari karaan lacagtaas oo qura shaqaalaha wasaaradda iyo qunsuliyadda taasoo khilaafsan nadaamkii saxda ahaay 3 biloodna laga shaqeynaayay oo ahaay in shirkadihii guuleestay howlohooda loo daayo loona qoro kartul munadam shirkdeed oo bicsada ka madax banaan lacagohoodana loo madaxbaneeyo iyo shaqooyinkooda bicsaduna u fududeyso wixii dhanka dowladda sucuudiga ku saabsan. Haddaba iyadoo faragelintaas owgeed dibu dhac weyn wasaaraddu sameysay howlihii shirkadahana faraha kula jirto waxaan ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladdu iney xajka aan la siyaasadeyn una sheegto wasaaradda iyagu ay dhiseen in xajkaas aan jidkiisa laga leexin. Aniga iyo gudiga howlaha xajka ee dhiman waa ay noo muuqdaan sida loosoo gebagebeyn karo uguna habboon lkn wasaaraddii ayaa shaqadii caqabad ku ah. haddaan 24 saac madaxdu caqabadaha ku hor gudban xajka ka qaadin waxaan uga bexeynaa wasaaradda iyadaana maanta wixii ka danbeeya ka masuula arintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com