Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-London)-Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay joojin doonto ruqdasaha ay hubka kaga iibiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib marki ay Maxkamadda Racfaanka Ingiriiska amar ku bixisay in dowladda ay dib uga fiirsato arrintan. Qaadiga Maxkamadda Racfaanka Britain, Terence Etherton ayaa sheegay in Dowladda Britain ay jebisay sharciga kaddib marki ay ku guul-darraysatay in ay si hufan u qiimeyso in hubka ay ka iibisay Boqortooyada Sacuudiga lagu waxyeelleeyay dadka rayidka ah ee Yemen iyo in kale. Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britian Liam Fox ayaa go’aanka joojinta hubka uu Ingiriiska ka iibiyo Sacuudiga maanta uga dhawaaqay gudaha baarlamaanka. Laakin wuxuu sheegay in dowladda ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka Maxkamadda. Xakunka Maxkamadda Racfaanka ayaa qeyb ka ah dagaal dhinaca sharciga ah oo ay bishii December ee sannadki 2015-ki soo billowday hey’adda la dagaalanka ka ganacsiga hubka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska. Hey’addaan ayaa ugu danbeyntii dowladda Ingiriiska uga guuleysatay dagaalkaasi dhinaca sharciga ah ee ku saabsanaa in aysan dowladda Britian wax hub ah ka iibin Sacuudiga. Tan iyo sanadki 2015-ki, Ingiriiska ayaa Sacuudiga ka iibiyay hub qiimahiisu gaarayo shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah. Source
  2. Ciidamada difaacada dowladda Puntland ee PSFta ayaa howlgalo xiriir ah oo ay ka sameeyeen magaalada Bosaaso waxa ay sheegeen in ay ku soo qab qabteen [...] Source
  3. ADDIS ABABA (Reuters) - Displaced families are enduring subhuman conditions in Ethiopia without enough food and shelter, Jan Egeland, secretary general of the Norwegian Refugee Council, said on Thursday. Egeland told Reuters he had seen 3,500 people without food in an abandoned factory, Source: Hiiraan Online
  4. The diplomatic standoff between Somalia and Kenya appears to have taken an interesting turn after the Arab Parliament cautioned the country against meddling with matters to do with Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Gedu Andargachew ayaa kulan iyo wadahadal la yeeshay Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Dr. Monica Juma maanta oo Khamiis ah (June 20). Labada Masuul ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada dal ee mudada dheer soo jiray iyo sida hore loogu wadi lahaa xidhiidhkaasi ay wadaagaan labada dal ee Ethiopia iyo Kenya. Waxaanay sidoo kale labada Wasiir ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in ay u wadashaqeeyaan si dhaw oo wadajir ah marka ay timaado arimaha la soo dhigo ururada IGAD, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Source
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xubinimada Soomaaliya ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada appeared first on Puntland Post.
  9. The Arab Parliament on Thursday cautioned the Kenyan government against interfering with the territorial borders of neighbouring Somalia. The Arab body rejected Kenya’s threats to meddle in Somalia’s internal affairs, arguing that the move violates neighbourly principles. The decision by the Arab Parliament is now thought to pose a new hurdle to Kenya’s efforts to lobby for support in resolving the dispute. By the time of going to press, the Kenyan authorities had not issued a statement regarding the new development. The Kenya-Somalia tussle began in August 2014 after the latter filed a suit at the International Court of Justice (ICJ) over alleged unlawful operations within her maritime territory. Over the past few weeks, the tussle has taken a fresh twist after Kenya closed her border points in Lamu as tension escalates. This comes after Kenya deported several Somalia high profile officials who had just landed at the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) for failing to meet immigration requirements. View the full article
  10. Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Xaaladda Amniga, Ansixinta Xeerka Howlgabka Shaqaalaha Dowladda, Xaaladda degmada Caluula, Waddooyinkii go’ay, Amniga Garoomada iyo Warbixino kale. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u saartay xaaladda degmada Caluula appeared first on Puntland Post.
  11. Agaasimaha wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa maanta shaqaale ka tirsan wasaaradda Garoowe ugu soo xiray tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Waaxda Hawlaha guud ee heer degmo. Tababarkan ayaa ku saabsanaa hannaanka qaab-dhismeedka waaxda Hawlaga ee heer degmo iyo waxyaabaha looga baahanyahay in shaqaaleeda ku hawl-galaan ama fuliyaan. Agaasimaha wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa shaqaalaha ka faa’idaystay tababarkan ku boorriyay in wixii la baray ay sida ugu wanaagsan uga faa’ideeyan isagoo xusay in ay wasaaraddu kormeer ku samayn doonto shaqadooda. Halkan hoose ka daawo dhammaan PUNTLAND POST The post Wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland oo Garoowe tababar ugu soo xirtay qaar kamid ah shaqaalaheeda appeared first on Puntland Post.
  12. Toos xarunta Baarlamanka Britain ee ay ka socoto wareega ugu dambeeya ee xildhibaanadda Conservative-ku ugu codeynayaan xubnaha u tartamaya jagada Ra’isalwasaaraha. Slået op af BBC [...] Source
  13. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay layaab ku tahay hadalkii ka soo [...] Source
  14. (SLT-Dubia)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Dhallinyarada Wiilasha ah ee ka weyn 18 jirka siinaysa Fiisaha Deganaanshiyaha ee Dalkaasi. Waaxda Maamulka Federaaliga ah ee Waraaqaha Aqoonsiga iyo Muwaadin-nimada ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay beddeleen siyaasaddii hore, sidaasi darteed ay dhallinyarada Ragga ah ee ka weyn 18-ka jirku ay soo dalban karaan Fiisaha deganaanshiyaha Imaaraadka Carabta, taasi oo loo cusboonaysiinayo labadii sanadood oo xidhiidh ahba mar. Siyaasadda cusub ee Imaaraadka ee la xidhiidha Dadka Fiisaha Deganaanshiyaha la siinayo waxa ka mid ah Hablaha aan weli la guursan, laakiin waxa Fiisaha u dalbanaya Aabbahood, halka wiilasha 18-ka ka weyn ay iyagu si madax-bannaan u dalban karaan. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday. Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda. Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda. Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey. Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo. Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha. Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida. Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha. Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole. Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay. In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya. Source
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib socdaal qaatay muddo todobaad ah oo uu ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Barlamaanka, Shiikh Ismaaciil Cabdulle; Madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali; iyo qaar kamid ah xubnaha labadda gole ee dowladda. Shar-jaraa,id ayeyna si wadajir ah ugu qabteen Aqalka madaxtooyada DG Galmudug. Madaxweynaha xaaf ayaa ka warbixiyey guulihii safarkii Nairobi iyo arrimo badan oo xasaasi ah. Mar uu ka hadlayey arrinta Galmudug iyo warqadii dhawan ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxu yiri: “Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa uga xumahay”. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dhacdadii lagu laayay dadka shacabka ah eek a dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay in askarta wax laayey ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya” militari ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Xaaf oo sheegay in dadkii Gaalkacyo lagu laayay ay dileen askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa kasoo horjeestay waraaqdii Shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo ku saabsaneyd in Galmudug ay 4 Bisha July ka dhici doontoo Doorasho. Xisbiga ayaa waraaqda ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shalay oo taariikhdu ay ahayd 19ka Juun 2019 ku tilmaamay mid aan laheyn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro. Xisbiga ayaa sheegay in agaasinka iyo qabashada doorashooyinka uu kaliya xaq u leeyahay maamulka Goboleedka aysana shaqo ku laheyn Dowladda Dhexe. Haddaba halkaan hoose ka akhsriso war saxaafadeedka oo dhamesytiran Waxaan halkaan ku caddeyneynaa in war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu marka ay ahayd 18ka Juun 2019 uusan lahayn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro. War saxaafadeedkaas wuxuu iska indho tiray Dastuurka KMG ah ee dalka, Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Sida ku cad Qoddobka 120aad ee Dastuurka KMG, arrimaha doorashooyinka Maamul Goboleedka Galmudug (Sida dawlad goboleedyada kale) waxaa qorsheyntooda, agaasinkooda iyo qabashadoodaba xaq u leh keliya hay’adaha uu xaqsiinayo dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Maamul Goboleedka Galmudug oo loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo oo laga dhowro faragelin kaga timaada dawladda dhexe. Sidaas darteed, ku ilaalinta dooroshooyinka Galmudug waqtiga ay dhacayaan iyo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka waxaa lagu dhaqayaa Dastuurka Dowlad Goboleedka iyo heshiis kasta oo bulsho kaas oo ay ku heshiiyaan dadka deegaanku. Haddaba waxaan Dawladda Federaalka ah uga digaynaa in aysan ka tallaabin seeraha sharciyeed ee dastuurka dalku uu u xadaynayo, ayna u hogaansanto qodobada dastuuriga ah ee kala xadaynaya awoodaha dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Ugu danbayn, waxaan garowsannahay in bulshada reer Galmudug dhexdooda uu ka dhex-jiro Khilaaf xooggan oo saameeyey maamulka & deegaankaba, kaasoo u baahan dib-u-heshiisiin baahsan oo dhexdooda ah, garwadeenna ay ka yihiin waxgaradka Galmudug. =DHAMMAAD= Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. “Tv-Gii Localka Ahaa Iyo Idaacadii Radio Hargeysa Ee Goboladda Gaadhi Jirtay Oo Xidhmay, Lacagihii Kasmaal Iyo Kobci Garaadkaaga Ee Telesom Iyo Somtel, Iyo Waliba Lacagtii 18-May Ee Warbaahinta Oo La Cunay + Ismarin Waaga Ka Jira. (SLT-Hargeysa)-Jahwareer culus oo dhinaca Maamulka ah ayaa Maalmahan u dambeeyay ka taagan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland kaasi oo sababay inay gabi ahaanba istaag gasho shaqo maalmeedkii iyo hawl socodsiintii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Waxa gabi ahaanba hawada ka maqan Idaacadii waynayd ee Gobolaladda Dalka iyo goobo badan gaadhi jirtay ee RADIO HARGEYSA, Waxaanay idaacadda hadda baxdaa ku kooban tahay oo qudha Caasimadda Hargeysa taasi oo uu tahli kari waayay inuu dayactiro wasiirka hadda Wasaaradda horjoogaha ka ahi Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulkii ugu liitay ee Wasaaraddaasi soo maray intii ay jirtay, waxa ay ciidankeenii qaranka ee Furinta joogay oo Idaacaddani maaweelo u ahayd, hadda dhagaystaan muddo afar bilood ku dhawba Idaacadda Cadawga ee GAROWE ka baxda ee afka Maamulka Puntland ku hadasha, arintaasi oo niyad jab ku diray Ciidanka Qaranka oo walaac gaar ah ay arintani ku abuurtay. Sidoo kale waxa isna muddo afar bilood ku dhaw fadhiya Tv-gii qaranka gaar ahaan qaybtii gudaha “Local-ka”, ahayd kaasi oo u fadhiya farsamo Xumo iyo Maamul Xumo ragaadisay Wasaaradda Warfaafinta Wakhtigan. Majirto xiitaa wax dadaal ah oo fadeexadahan iyo idaacadahan xidhan lagu hagaajiinayaa, waxaanay Wasaaradda Warfaaftintu wakhtigan Hoy u noqotay Masuuliyiin aan ehel u ahayn shaqada Wasaaradda oo ka fikiraya oo qudha lacag halkii ay ka heli lahaayeen. Ceeb weyn ayay ku tahay Wasiir Maxamed Muuse Diiriye inuu sii dhex joogo madaama oo labadii Idaacadood ee Halbawlaha u ahaa dalkani ay ku dul Xidhmeen. Waxa Lagu tilmaamaa inuu yahay masuul aan wax qorshe maamul lahayn keli ah inuu iska dhex joog joogo shaqada mooyee. Wasiirka Maxamed Muuse Diiriye, Ku Xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ayaa madaxa iskula jira oo isla jaan qaadi la’. Sida ay noo xaqiijiyeen Shaqaalaha Wasaaraddu, waxa ay wasaaraddu kujirtaa Xaaladii Ugu adkayd, waxa la cunay oo ay afka iska mariyeen lacagtii 18-May ee Warbaahinta loo qorsheeyay Doorkii dhawayd, waxa kale oo iyagana la cunay oo ay isku qab qabsadeen masuuliyiinta Wasaaradda ugu sareeyaa lacagaha u qoondaysan Barnaamijyadda ay maalgaliyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom iyo Somtel, lacagtaasi oo ah mid buuran oo haddii la iskula xisaabtamo wax ka tari lahayd duruufaha dhaqaale xumo ee wasaaradda lasoo darsay, lacagtaasi oo aan waxba laga siin Shaqaalaha Wasaaradda, islamarkaan buuq iyo kalsooni daro ku abuurtay shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulka ugu sareeya Wasaaradda ayaan wax qorshe ah illaa hadda la iman, waxaanay Wasaaraddu hoy u noqotay Maamul Xumo iyo isku dhexyaac dhinaca shaqada ah. Arimaha ugu layaabka badan waxaa ka mid ah, iyadoo wasaaraddu xaaladaasi ku jirto, ayaa haddana waxa ay qorteen shaqaale kale iyo lataliyayaal qaab qabiil lagu qoray, waxaanay arintaasi niyadjab ku riday guud ahaana hawl wadeenadii hore u sii joogay Wasaaradda. Wasiirka ku xigeenka Wasaaraddaasi Naasir Cumar Yare ayaa isna Khilaaf awgii looga soo badelay Wasaaradda Caafimaadka kadib markii uu shaqaale badan si aan qarsoodi ahayn oo beeshoodda ah u qortay, waxaanu haddana Wasaaradda Warfaafinta ka bilaabay hawl kale oo taasi uun la mid ah. wasiirka wasaaradda Warfaafinta oo aan isna dhaamin ayay muddadan ay imika wasaaradda wada joogaan ay isku dawakheen, waxaanu mid waliba raadinayaa meel lacag leh ama dhaqaale kasoo galo. Waxa ay wasaaraddii Warfaafintu ku jirtaa xaalad adag oo xagga maamulka ah, waxaanay shaqaalihii ka hawlgalayay ku kaliftay inaanay shaqadaba iman niyad jab ay ka qaadeen awgeed. Madaxweyne Biixi ayaa laga dhursugayaa inuu talaabo ku haboon ka qaato xaaladda ka taagan Wasaaradda oo aan ka qarsoonayn, dhawr jeerna la gaadhsiiyay muruga iyo ismarin waagga wasaaradda ka taagan. Wariye Shiine Axmed Calim (Sokeeye). Source
  19. (SLT-Berbera)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay ku siisay Qandaraas in dhammaan maraakiibta iyo doonyada ku soo xidha dekedda Berbera ay ka baadho hub. Markabkasta waxa laga qaadayaa $ 3,500 halka mar ee uu dekedda ku soo xidho. Arrintan ayaa debadda u soo baxday kadib markii markab ku xidhan dekedda uu diiday in uu bixiyo lacagtaasi kadibna maareeyaha dekedda ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Saaxil in ay xayirto markabkaasi. Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku xayirtay markabka ilaa amar danbe ka soo baxaayo. Shirkadda ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization. Lacagta ayaa ku dhacaysa Bangi ku yaalla waddanka Jabuuti. Weli ma cadda cidda leh shirkaddan iyo maamulkeeda. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Madasha Wadda Tashiga Oo sheegay In Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ay Xayndaabkii Sharciga Laga Baxay, Halkan hoose ka DAAWO Source