-
Content Count
208,731 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Axmed Carabow waa Askari ka falaagoobay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa uuna magaalada Muqdisho ka fuliyay ugu yaraan 5 dil oo dhamaantood ah dad shacab oo aan waxba galabsan. Dilalka ugu badan waxa uu ka fuliyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, waxeyna Dowladda Soomaaliya ku guul dareysatay in ay sharciga marsiiso ama xirto si looga badbaado qatarta dilaaygan. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa mar qabtay waxaana lagu sii daayay damiin kadibna waxa uu sii watay dilalka iyo dhaca dadka shacabka ah. Xildhibaan iyo Senator ka tirsan dowladda Soomaaliya ayuu magan u yahay askarigan waxaana la sheegay in ay ku xareesteen guri ay dagan yihiin oo ku yaala magaalada Muqdisho. Hey’adaha amaa ka ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan heysan fasax ay ku weeraraan guri ay dagan yihiin Xildhibaan iyo Senator islamarkaana Askariga halkaas lagu haayo oo aan loo ogoleyn dibadda. Waa mid kamid ah nasiib darrada ka jirta magaalada Muqdisho waxaana hadda laga cabsi qabaa in Askrigaan uu fuliyo dilalka maadaama uu weli hubeysan yahay oo aysan jirin cid la xisaabtanta ama hubka ka dhigta. Caasimada Online waxay ka gaabsatay in ay adeegsato magacyada Senatorka iyo Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee gacanta ku haaya Askarigaan dadka badan ku dilay Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta suuq ay u iib-geyso Qaadka, waxaana ay isha ku haysaa Jabuuti iyo Mozambique xilli tartan adag uga imaanaya dalka Itoobiya oo ku ciriirinaya suuqeeda soo jireenka ah ee Soomaaliya. Qaadka Miraa loo yaqaano ayaa ku jira khatar ah in loo waayo dal oo suuq geeyo, kadib markii ay kasoo xirmeen suuqayada dalal badan oo Yurub ku yaalla, sida Ingiriiska, oo ogaaday in maandooriyan uu ka halis badan yahay kuwa kale. Mamnuucida dalalkan ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay beeralayda Qaadka, iyadoo ay u sii dheertahay in gobolo dhowr ah oo gudaha dalka Kenya ku yaalla ay ku goodiyeen inay joojinayaan iibshada maandooriyahan. Kello Harsama, oo ah gudiga ganacsatada Qaadka Kenya ayaa u diray warqad wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, isagoo ka codsaday in suuq loo raadiyo, si ay uga soo kabsadaan dhaawaca kasoo gaarey suuqyada caalamiga ah ee ka xirmay. Guddigan ayaa qorsheynaya inuu safaro ku tago Jabuuti, Mozambique iyo Itoobiya, iyagoo la kulmi doona wasiiradda beeraha dalalkan, ganacsatada Qaadka iyo rugaha ganacsiga ee ka jira, si ay u ogaadaan shuruudaha looga baahan yahay inay badeecadahooda u iib-geeyeen. Wuxuu sheegay in mar uu Itoobiya booqday uu soo ogaadey in Qaad 50 nooc ah oo ka baxa dalkan, uusan u dhigmin tayo ahaan midka ka baxa Kenya ee Miiraa, kaasoo aad loogu beero gobolka Meru. In badan Qaadka Itoobiya waxaa aad looga isticmaalaa Somaliland iyo Jabuuti, oo maalintii loo iib geeyo in ka badan 16 tan, iyadoo dowladaha ay ka helaan lacago badan oo canshuur ah. Inkastoo Qaadka Miiraa loo iib geeyo dalal ay kamid yihiin Uganda, South Sudan Masar, haddan Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn, oo malaayiin dollar bil kasta ka heleen ganacsatada Kenya. Soomaaliya ayaa ku tiirsan waxa dibadda looga soo dhoofiyo [Import], iyadoo wadan mudadii burburka kusoo jiray illaa hadda aysan jirin dowlad shacabka uga faa’idaysay khayraadka dabiiciga ah, sida Macdanta, Batroolka, Kalluunka, dalaga beeraha iyo Xoolaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
-
Amitabh Bachchan probably doesn’t know it, but he is big in Somalia. So big that he even has his own Somali nickname. SAMIRA SAWLANI reports from Mogadishu on how Bollywood became an integral part of Somali culture Source: Hiiraan Online
-
The Mandera County government has been dragged to the Employment and Labour Relations Court in Nairobi following the cancellation of a recent mass recruitment of staff. Source: Hiiraan Online
-
The chairperson of the Electoral Commission (EC), Justice Simon Byabakama, has tipped Somalia on electoral security ahead of the 2020 general elections in the conflict-riddled country. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
The 3rd international conference of the International Global Somali Diaspora (GSD) was held in Istanbul earlier this month. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha bulshada ayaa si aad ah loogu wadaagay muuqaal kooban oo laga qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo magaalada Muqdisho uga kaqaybgelayey xuska dhalashada Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth 2 Xuska dhalashada Queen Elizabeth oo lagu qabtay gudaha safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxa kaqaybgalay oo lagu casuumay madax katirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhalashada 2aad kahaysta Uk Ra’iisal wasaare Kheyre oo kamid ahaa madaxdii lagu casuumay xuska sanadguurada 93aad ee kasoo wareegatay dhalashadii Queen Elizabeth ayaa saf ballaaran u salaamay madax, siyaasiyiin iyo Shaqaalaha safaaradda qaarkood. Kaddibna waxa kusoo baxay taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugidda ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Salbaloolshe oo kamid ahaa Siyaasiyiinta lagu casuumay xuska sanadguurada 93-aad ee dhalshada Elizabeth. Ra’iisal wasaare Kheyre isaga oo salaamaya Sanbaloolshe ayuu si kaftan u eg u weydiiyey taliyaha Su’aal ka qoslisay madaxdii joogtay kulanka taas oo ahayd ” Meeshaan yaa kuu ogolaaday? Madaxdii safka kujirtay ee soo dhoweysay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhammaan ku qosolay su’aashaas iyada oo uusan Sanbaloolshe muuqaalkan dhexdiisa uga jawaabin su’aasha Raisalwasaaraha. Su’aashaan oo Kaftan-dhable ayaa ka turjumeysa xiriirka, waaqica siyaasadeed iyo sida uu Raisalwasaare Kheyre u arko Siyaasiyiinta la soo shaqeeyey balse ay muddo kaddib isla jaanqaadi waayeen. Sanbaloolshe oo ahaa Xildhibaan kamid ah golaha shacabka ayaa kategey xilkaas kaddib markii uu qabtay xilka taliyaha hay’adda Nabadsugidda isaga oo markii xilkaas laga qaadayna isku deyey in uu u tartamo booskiisii golaha shacabka hayeeshee kuma guuleysan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda dhexe oo ah tan dalka hogaamisa marna uma ogolaan dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug in ay horay usocdaan,waxeeyna 2dii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalo iyo waqtiba ku bixineeysay sidii labadaa dowlad goboleed ay ufashilin laheeyd. Waxaad mooddaa in ay ula macaamilaan labadaa maamul in ay ku dhaqan yihiin dad iyaga horay cadaawad kala dhaxeysay oo kale,waana u ayaan darro ficillada ay u muujiyeen dadka labadaa deegaan kasoo jeeda. Waxeey labadii sano saareen cunaqabateen dhaqaale oo ay marna si cadaaladeysan ku siinin dhaqaalihii ay xaqqa u lahaayeen,xittaa waxeey hor istaageen cunnooyinkii hay’adaha deeqaha bixiya keeneen dalka in deegaannadaa loogaarsiiyo si cadaalad ah . Waxeey labada maamulba ku shaqeynayeen culaasyadaa adag iaygoo kaashanaya shacabka kuwadooda fahamsan waaqiciga ay kujiraan. Hirshabelle iyo Galmudug waxaa markasta loo adeegsanayay kuwa kasoo jeeda oo iyaguna ujeedkoodu yahay xoogaaga yar ay ku helayeen in ay deegaannadaa ay abuuraan khilaafyo sokeeye. Waxaan lawadaagayaa dhamaan dadka kasoo jeeda labadaa dowlad goboleed in ay ilaashadaan maamulladooda iskana dhax saaraan kuwa calooshood ushaqeeysta yaasha ah ee markasta khilaafyada u horseeda. ( Hirshabelle iyo Galmudug maxeey ka bi’iyeen madaxtooyo?) Waa su’aal taagan oo aragtideyda ah una baahan in jawaab loo helo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirar wada tashi ah oo maalmihii u dambeeyay Suxufiyiinta Somaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay maanta oo ay Taariikhdu tahay 20/6/2019 waxaana ka qeyb galay Tifaftireyaal, War-dooneyaal, Soo-saarayaal, Qoraayaal, Milkiilayaal Warbaahineed, Wariye-yaal rug-caddaa ah iyo hawl-wadeenno kale oo warbaahineed. Shirka inta uu socday waxaa si wayn looga dooday muhimadda ay leedahay tabinta wararka ku saabsan maslaxadda Qaran ee Waddanka, iyadoo la soo hadal qaaday arrinta badda Soomaaliya ee ay Kenya nagu haysato iyo sida ay tahay in Warbaahinta Soomaaliyeed u tabiyaan. Waxaa laga hadlay muhiimadda danta guud ay leedahay iyo sida warbaahintu ay laf dhabar ugu tahay difaaca danaha Qaran, waxaana la isku raacay qodobada soosocda: 1. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed aysan dhexdhexaad ka noqon karin qadiyadda la xiriirta difaaca dalka. 2. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay iska hubiyaan xaqiiqada wararka ay daabacdo Warbaahinta Kenya ee ay soo xigato Warbaahinta Soomaaliyeed. 3. Laga bilaabo maanta in Warbaahinteenu aysan adeegsan erey bixin aan u danneyneyn danta dalka Soomaaliyeed sida ( muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya) ee taas badalkeeda la isticmaalo ( Badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay). 4. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan tabinta wararka aan caawineynin nabadda iyo wada noolaashaha. 5. In la sameeyo Barnaamijyo iyo Wareysiyo joogto ah oo laga qeyb galinayo dadka indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed sida Sharci-yaqaanada. 6. in Dowladda Soomaaliyeed ay Wariyeyaasha siiso xogaha muhiimka ah ee jira iyada oo abuureysa bar loogu soo hagaago xogaha ku saabsan arrimaha Badda si looga fogaado in xog been ah ay Bulshada gaarto. 7. In si qotto dhaw loola socdo Saxaafada adduunka waxa ay ka qoraan gaar ahaan qadiyada Soomaaliya iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa markii u horeysay ka hadlay Saami qaybsiga doorashada ee bulshada Gobolka Awdal. Xildhibaan Abuubakar ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal aysan ka qeyb galeyn doorashooyinka Somaliland, ilaa inta laga xalinayo saami-qaybsiga. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shir uu dhowaan ku baaqay Boqor Buurmadow, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Reer Awdal sodon sanno ayey doonayeen in saami qaybsi doorashada lagu galo, oo la siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin, Doorasho dambe oo aan saami qaybsi lagu galina anagu reer Awdal ahaan ma galayno, waa in la sameeya Saami-qaybsiga, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta ah Masuulkii qaranka u sareeya, adiga ayaa Madaxweynihii qaranka, in badan baad ololaha ku gashay saami qaybsiga inaad sameeysanayso, ee maanta maxaa ku bedelay”. “Madaxweyne si kasta oo aad isku tidhaahdo u baaji saami qaybsiga, kaa yeeli mayno, reer Awdal doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya inay galaan diyaar uma ah, 13 kursina kuma qanacsana, ee saami qaybsigu yaanu kula cuslaan, ee adiga ayuu ka go’aa, ee ka badheedh oo ku dhiiro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynihii qaranka, waxaa looga baahan yahay inuu wax walba ka fiirsado, oo aanu ku deg degin hadalada qaar, mar haddii uu Madaxweynuhu dambiile ku sheegay boqor buurmadaw, waxaa laga doonaya inuu ku caddeeyo dambigiisa, si sharciga loo hor keeno”. “Shirarka waa la qabsan karaa, oo Beeluhu masiirkooda wey ka shiri karaan, Shirarka Beeluhu maaha Shirar qaranka lagu duminayo ee yaanay Xukuumaddu sas iyo baqdin ka qaadin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, isagoona fariin u direy musharixiinta ka qeyb galaya doorashooyinkaasi. Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in Bulshada reer Somaliland ay naceen doorashooyinka, taasi oo uu ku sababeeyay inay waayen wax isbadel ah. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan soo kordhiyeen shuruudo cusub, wuxuuna yiri: “Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa doorashadii waa ay inoo dhacaysaa waxaan leenahay ha la diyaar garoobo, baarlamaankeena iyo dawladaheena hoose wakhtigoodii waa uu dhamaaday haduu wakhtigu dhamaadana waa inay ka baxaan meesha toban sano ayaynu sugaynay inaan baarlamaan cusub helno”. “Waxaanu leenahay cidii doonaysa inay iska sharaxdo xisbiga Ucid waanu bilaabaynaa diiwaan-galintii, soo keensada shaqadiina waa la bilaabayaa, waan ognahay shacbigu doorashada waa ay naceen wax is badal ah ayay waayeen” Wuxuuna intaas kusii daray “Doorkan waxaan doonaynaa baarlamaan fiican iyo dawlado hoose oo fiican inaga oo ka faa’idaysanayna khaladaadkii hore oo doonayna qofka aynu xilka u dhiibayno inaan damiirkiisa eegno dhaqaalihiisa iyo akhlaaqdiisaba aan eegno”. “Shuruudo ayaan soo kordhinayaa aan doonayno inaan la wadaagno laba xisbi oo hadhowna aanu ka dhigno shuruudo qaran. Shacbiga Somaliland waxaanu leenahay diyaar garooba diiwaan-galintii dhakhso ayaa loo galayaaye”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somalilan-neey, Gar Qaado oo Beesha Gabooye Dulmiga Ka Daa. Hadaanad “Cunsuri” Ahayn, Indhaha Ka Lalin-maysid Maqaalkan. Umad ahaan, ma nahay cusuriyiin ?! Ha ka boodin su’aashan, hana ku boodin jawaabteeda, ee bal ha kuga yar duxdo, laabta u daadaji oo is qiimee qof ahaan, adoo degan. Waxaa kuu soo bixi jawaab aad u xanuun badan. Ilaahay baynu ka magan galnay cunsurinimada. Nigger, Cabiid, waa erayada reer Somaliland looga yaqaano daafaha dunida badankiisa. Inaga iyo inta diirka madow inala wadaagta. Waa erayo la inoogu sheegayo in aynu ka hoosayno dadka diirka cad, oo aynaan dad ahaan sinayn, gaadhi Karin, lana xuquuq ahayn. Dadka diirka cad waxaabay caruurtooda ku ababiyaan, oo ay rumaysan yihiin in qofka madow, waxa kaliya ee Ilaahay aduunka u keenay ay tahay in uu u adeego qofka cad. Iyadoo inteena qurbo joogta ah: Gabooye iy beelaha kaleba, aynu ka simananahay takoorkaa xanuunka badan, ayey hadana beesha Gabooye ay taa mid la mid ah ku haysataa wadankeena Somaliland. Dulmiga Gabooye lagu hayo, hadaan si kooban isu dul taago: waa quudhsi, hoos u eegid, yasid, tixgalin la’aan iyo iyaga oo aan waxbaba la iskaga tirin, Hada in ay jiraan iyo in kaleba, cajiib. Tusaale kooban, qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu ku abtirsadaa beel; bal ka sheekee sida uu qalbigu ku noqon lahaa, haddii Somaliland iskuwada raacdo in beeshaadu aanay helin wasiir, xildhibaan gole degaan, gole baarlamaan, agaasime wasaaradeed, gudoomiye gobol i.w.m. Walaalayaal,taas ayaa Beehsa Gabooye ku haysata Somaliland, waana wax xaaraan ah oo aan la aqbali Karin, in beelna loola yimaado edebdarada noocaas oo kale ah. Waxaa hadaba wax lala yaabo ah, Somaliland oo maanta aduunku yeso oo laga hortaagan yahay in ay hesho cadaalad iyo xuquuq ka maqan, in ay iyadii dhexdeeda iska duudsido xuquuqdaa iyo cadaladaa ay caalamka ka tabayso oo beesha Gabooye xaqoodii indhaha laga laliyo. Subxaanaka yaa cadiim. Waxaa hubaal ah, inta aynu dhexdeena isdulmayno, in dulmiga inaga haysta aduunwaynuhu uu jirayo, wanaaga aynu aduunka ka rajaynaynona uu meel dheer saran yahay. In Cid, inaga mid ahi sheegato in ay xuquuq bixiso, ku kale oo inaga mid ahina xuqquq ka doono shaqsi la mid ah, waa doqonimo aan loo dul qaadan karin . Walaalkaa ood quudhsi iyo takoor u badheedhaa, waxay la mid tahay adigoo dilay oo hadana uu wali kula joogo. Iyadoo hubaal, biseylkeeda la gaadhi doono wakhti aan fogayn, in beesha Gabooye xaal marin heer qaran ah, oo aan afka uun ahayn la siiyo, oo Misaaniyadda qaranka loogu daro lacagow magdhaw ah, oo lagu soo kobciya beesha, ayey maanta ay lagama maarmaan tahay in ay helaan waxay ay xaqa ugu leeyihiin dawladda Somalailand ee kaga maqan. Dawladdan maanta joogtaa, iyadoo xataa garowshiiyo u quudhi la’ beeshan ayey hadana ka xishoon wayday in marba damaqdo dareenka beeshan. Umadda Gabooye,waxaa la gudboon in haddii samirkii, dulqaadkii iyo walaaloo-gii waxba soo goyn waayeen, in aad ku eegtaan sifo kasta oo aad ku kasban kartaan xaqiina. Walee, kali ku noqonmaysaan halgankiina xalaasha ah wakhtigan. Nina ma gayo, in uu nin la mid ah xuquuq iyo cadaalad waydiisto. Waa muqadas in aad heshaan waxa idinka maqan. Meesha ma taalo in aad xuquudiina cidna ka baridaan. Waa in aad doonataan. Xuquuqda ban’aadanimo waa mid Ilaahay ina wada siiyey oo aynu uga siman nahay. In nin sheegto in uu xuquuq bixiyo, midna loo arko in uu xuquuq ka doono shqsi la mid ah, waa wax xaraan ah, oo aan la aqbali karin. Mana aha Meesha Somaliland yoolkeedu yahay. Somaliland-neey toos oo u heeli walaakaaga dulman, adna Ilaahay baa kuu hiilin doonee. Alahayow naga badbaadi aqoondarda iyo aafooyinka takoorku leeyahay. Aamiin rizakj@yahoo.com Qaran News
-
PRESS RELEASE UNHCR calls on Europe to allow SeaWatch passengers ashore UNHCR reiterates that no port in Libya can be considered safe at this time, and that no one rescued on the Mediterranean should be returned there GENEVA, Switzerland, June 20, 2019/ — Eight days since they were rescued by the NGO vessel, Sea Watch 3, a group of some 43 people, including three children with no accompanying family, remain stranded at sea and in urgent need of a safe port. UNHCR, the UN Refugee Agency is today, on World Refugee Day, urging European States to call forth their principles of humanity and compassion, and to allow the group to disembark. Ten refugees and migrants were previously evacuated to Lampedusa last weekend on medical grounds. “Europe played an intrinsic role in creating the legal architecture that underpins modern day international refugee law,” said Vincent Cochetel, UNHCR Special Envoy of the Central Mediterranean. “It is time to invoke that proud history of assisting people fleeing war, violence and persecution, and to allow the rescued passengers to come ashore to safety.” Rescue at sea is a centuries-old tradition and obligation that does not end with pulling people out of the water. A rescue can only be considered complete once the passengers have reached dry land in a safe port. Broader discussions on which States will host the group should be held once their safety is assured. UNHCR reiterates that no port in Libya can be considered safe at this time, and that no one rescued on the Mediterranean should be returned there. Renewed efforts are needed to develop a regional approach for dealing with rescue and disembarkation on the Mediterranean. UNHCR, together with IOM, have made concrete proposals for a way forward that would provide clarity and predictability to shipmasters carrying rescued passengers. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya. Warkaan ayaa kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono. Warka laguma shaacin Magacyadda Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo horjeedda Qadiyadda Soomaaliya. Si kastaba waxaa warqadda kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka ay ku jiraan mas’uuliyiin hore oo dalalka xilal uga soo qabtay iyo siyaasiin aan xilal hayn. Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin garabsiinta dad uu damac kaga jiro dhulka iyo badad Soomaaliyeed. Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday dowladda Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
The diplomatic standoff between Somalia and Kenya appears to have taken an interesting turn. Source: Hiiraan Online