Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, sidii aynu soo xusnay waxa uu sameeyey waxyaalo aanu qaran kastaa ka maarmi karin oo astaamo iyo baadisooc u ah. Markii uu madaxweynaha noqday wax waliba waxa ay ahaayeen ku-meel-gaadh ama waa ay maqnaayeen. Waxa uu sameeyey lacag (shilinka Somaliland), waxa rasmi ka dhigay oo ku-meel-gaadhnimadii ka saaray oo uu sameeyey calan cusub, heestii qaranka iyo astaamihii kale qaranka oo idil. Qodobka 7aad ee dastuurka Somaliland oo ansixintiisa lagu dhawaaqay, Arbaca 13/06/2001 markii afti loo qaaday ee 97% oggolaadeen waxa uu qeexayaa calanka, astaanta iyo heesta qaranka. Waxa kale oo is qodobkaasi tilmaamayaa in wax-ka-beddelka ama beddelaadda calanka, astaanta iyo heesta calanka uu jidaynayo go’aan Golaha Wakiillada ka soo baxa. 18-ka May oo loo aqoonsan yahay maalinta madaxbannaanidu meelna kaga qorna distoorka, waxana muddooyinkii dsmbe soo baxayey dhawaaqyo ku saabsan maalintaas 18-ka May iyo xuskeeda. Dad kala duwan ayaa qaba in maalintaasi barabixisay maalintii xornimada laga qaatay Ingiriiska ee 26-ka Juun. Maalintan lagama weyneeyo Somaliland sida loo weyneeyo 18-ka May. Halkaas ayaa dhawaqu ka soo jeedaa. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa 2015 arrintaas soo hor dhigay shirka Jaaliyadda Somaliland ee Yurub ku qabatay magaalada Stockolm ee dalka Sweden. Dooddaasi waa ay sii socotay ilaa haddana waa ay taagan tahan oo dad badan ayaa qaba in 26-ka Juun noqoto maalinta weyn ee madaxbannaanida Somaliland loo faltansiyeeyo, 18-ka Mayna maalin kale oo la soo noqoshadii madaxbannaanida lagu xusuusto. Dadka sidaas qabaa waxa ay ku doodaan in 26-ka Juun ay dhashay oo ka weyn tahay 18-ka May, hooyana u tahay, oo aanay ahayn in ilmaha yari uu hooyo ku caasi garooba amaba uu liqo oo hadheeyo. Waxa kale oo ay ku doodaan in 18-ka May aanay dadka Somaliland ku dhaqan isku si uga dhaxayn si la mid noqon karta sida aan loo kala sheegan karin 26-ka Juun. Dadkaasi waxa dooddooda u cuskadaan in aanay 26-ka Juun dadka kala qaybin ee ay weel wax ku wada wadaajin karto, halka 18-ka May dadka kala qaybiso. Hase yeeshee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ka mid ahaa madaxdii SNM ee shirkii Burco wax ka maamuleysey ayaa tilmaamay in aan shirkaas oo go’aankiisu soo baxay 17/05/1991 lagu soo qaadin wax la yidhaa 18-ka May. Isaga oo Jawaan taas ka hadlaya axdigii ku dhawaaqa Somaliland oo uu goobjoog ka ahaa ayaa yidhi, “waxa Axdigii Burco ee May 1991 ku jirey in maalinta 26 Juun ay noqoto maalinta qaranka ee loo samaynayo dabbaaldegga weyn ee nashada qaran “National Holiday” ee fasaxa yeelanaysa. 17-ka May oo ah maalinta la soo celiyey madaxbannaanida in iyana loo sameeyo xus fudud oo ah guusha la gaadhey iyo qarannimada la soo celiyey dhiirrigelinaysa oo fagaarayaal khudbado laga jeediyo”. Cabdillaahi Jawaan waxa uu yidhi, “18-ka May waxba looma qoondayn. Waxa ay ahayd maalintii ay dadweynuhu soo baxeen ee go’aamada, naguna taageereen. Waxa aan xusuustaa nin naga soo horjeeddey oo ka mid ahaa qolyihii lahaa yaan dalka kala jarin, iyada oo cadceedku kulushahay oo aad mooddo Yoomal Qiyaamihii oo dadkii oo dhami soo bannaanbaxay, ayuu dhabanka iyo gacanta isa saaray oo uu calaacalay. Aniga ( Cabdillaahi Jawaan) iyo Prof Maxamed Yoonis oo ka dambayna ayuu nagu soo jeestey oo nagu yidhi, ‘horta waa aad naga rayseen oo ummaddii baa idin raacday oo idiin hiilisey. Bal se waxa aan eegayaa bal in 17-ka May ay tahay maalin nasiib wacan iyo in ay tahay maalin xun’. Waa uu kaftamayoo, waxa uu yidhi, waa aan faalinayaa’! 17 kii buu sagaal tuuray oo siddeed baa soo hadhoo waa ‘LUCKY’ buu yidhi. Bal ‘midh’ ku dar buu yidhi oo 18 ka dhig. ‘18 kii sagaal tuur, maxaa hadhay? Waxa hadhay sagaal. Waxa uu yidhi ‘sagaalkaana tuur’. Waxa uu yidhi ‘waa madhan. Madhantaas baannu ugu xuddun xidhnay, wax ay noqonaysaa ma jirto oo waa sifir’!! Waa Xuseen Saalax Muuse waxba qarin maayo’e, isaga oo Muqdisho jooga ayaa iigu dambeysey, in uu nool yahay iyo in kalena garan maayo”. 17 – 9 = 8, sagaal kale kama sii go’i karo. 17 + 1 = 18 – 9 = 9 – 9 = Madhan!! Cabdillaahi waxa uu ku adkaystay oo yidhi, “Axdigii ku-meel-gaadhka ahaa ee dalka lagu maamulayey 17 May 1991 – 16 May 1993 meelna kagama taallo in 18-ka May, garanna maayo meel laga keenay iyo goor la beddeley. Labadii sano ee SNM dalka maamulaysey waxa la xusay 26-ka Juun”. La soco qaybta 18aad, HAI, oo ku saabsan bilowgii dagaalladii habar habar ama munaafaqadda. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
  2. Riyadh and Abu Dhabi are putting their bets on Trump's re-election to realise their vision for regional hegemony. Source: Hiiraan Online
  3. Shirka xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal ee dhinacyada adkaynta amniga iyo horumarka ka socda gobolka oo ay ka soo qayb-galeen guddoomiyaasha degmooyinka Nugaal ayaa lagu qabtay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal. Kulanka oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa waxaa ka soo qeyb-galay duqa caasimadda Garoowe iyo guddoomiyaasha degmooyinka Eyl Dangoroyo iyo Godobjiraan waxaana looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal iyo adkaynta amniga iyo horumarka degmooyinka Nugaal. Shirka waxaa ka maqnaa guddoomiyaha cusub ee sida ku meel gaarka ah loogu magacaabay degmada Buurtinle kaasi oo aan weli xilka la wareegin kadib markii guddoomyihii ka horreeyay ku baxay kala-diristii golaha degaanka degmada Buurtinle. Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirka oo uu warbaahinta u akhriyay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse waxaa la isku raacay qodoba ay kamid yihiin: In shirka laga dhigo mid saddexdii biloodba mar la qabto si la isaga xog-waraysto xaaladaha ka jira degmooyinka gobolka. In la sameeyo sanduuq dhaqaale oo ay leeyihiin degmooyinka gobolka Nugaal si loogu qabto hawlaha horumarinta degmooyinka gobolka . In la ilaaliyo degaanka iyadoo bulshada lagu wacyi-gelinayo in ay ilaaliyaan degaanka si looga dhowro xaalufinta iyo nabaad-guurka. In degmooyinka gobolka Nugaal ee aan mashaariicda badan ka fulin laga caawiyo dhinaca mashaariicda horumarinta islamarkaana degmooyinka aan ku jirin mashaariicda JPLG loogu qareemo sidii ay u heli lahaayeen mashaariicdaasi. Ugu dambeyntii waxaa lagu ballamay in shirka kan xiga lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Garooowe laguna sii amba-qaado hirgelinta qodobada ka soo baxay shirkaan. PUNTLAND POST The post Degmooyinka gobolka Nugaal oo hirgelinaya sanduuq dhaqaale appeared first on Puntland Post.
  4. Somalia’s IBS Bank has partnered with Visa to deepen its payments services in Somalia in a move expected to accelerate its banking services locally and globally. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug. Diyaaradda siday wafdiga ayaa si nabad uga degtay garoonka, iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Xaaf ay gaadiidka dagaalka la galeen garoonka, si aanay garoonka diyaarad uga soo degin, hase ahaatee warkaas ayaa waxba kama jiraan noqday. Wasiirka ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ahlusuna, rag ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia. Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Dhuusamareeb ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweyne Xaaf galay go’doon siyaasadeed kadib markii ay Ahlu Sunna ku adkaysatay in ay dhageesaneyso qorshaha ay Dowladda wadato. Xaaf oo qorsheenayey inuu Galabta isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay Ahlu Sunna u wareegtay dhanka Dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inuusan ka bixi karin Magaalada. Xaaf ayaa Galabta kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayey inuu safarkiisa noqdo mid dhanka dhulka ah balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Ahlu Sunna oo ka codsaday inuu sii joogo. Wararka kale ee ugu dambeeyo wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna u dhaxeeyo diiradda lagu saarayo sidii Ahlu-Sunna u aqbali lahayd doorasho dhacdo taasi oo meesha ka saareysa Xaaf. Wararka ayaa sheegaya inay Dowladda halkaas geysay lacag u dhaxeyso 1.5 Malyan illaa 2 Malyan taasin ay diideyn Ahlu Sunna Wal Jameeca oo sheegay inaysan lacagtaas ku filneyn agoontii ay ka dhinteyn ciidamadii u dagaalamay Ahlu Sunna. Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan ayaa heshiis qarsoodi ah la saxiixday Dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug, waxaana muuqato inay Dowladda xataa ka baxday is afgaradkii hore ay la gaartay Macalin Maxamuud iyo lacagtii la isku afgartay. Macalin Maxamuud ayaa la ogaaday inuu Dowladda Soomaaliya la galay is afgrad ku aadan in Galmudug ay ka dhacdo doorasho si loo soo dhameeyo xiisadda u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo Maamulkaas. Sida illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online, Macalin Maxamuud ayaa Dowladda Soomaaliya la afgartay inay bixiso 4 Malyan oo Dollar si uu Maamulka Ahlu Sunna uga dhaadhacsiiyo inay aqbalaan doorasho ka dhacdo Galmudug balse waxaa hadda soo baxayo inay Dowladda halkaas geysay lacag intaas ka yar. Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa Dowladda kula heshiiyey in wiilka uu dhalay ee Cabdisamad Macalin Maxamuud la siiyo xil warsiirka arrimaha gudaha ah. Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale Dowladda kula heshiiyey in Gabar uu dhalay loo magacaabo Safiir inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno wadanka Safiirka looga dhigi doono. Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socdo wadahadlo xasaasi ah, waxaana la filayaa in illaa berri la heshiiyo ama lagu kala tago, sidoo kalana warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo inuu Xaaf Berri isaga tagi doono Magaaladaas isagoo saldhigan doono Magaalada Gaalkacyo. Xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogeysatay, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  6. Dozens of European citizens of Somali origin who joined the Islamic State terror group in Syria and Iraq want to go to Somalia due to European countries' reluctance to take them back. Source: Hiiraan Online
  7. Mohamed Hassan has been described as one of the freedom fighters of Kenya who funded the nationalist movement Kenya African Union (KAU) and the Mau Mau, a major nationalist revolutionary movement that originally sought to reclaim land that the British settlers had taken away from them in the 1950s. Source: Hiiraan Online
  8. Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday. Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda. Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda. Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey. Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo. Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha. Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida. Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha. Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole. Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay. In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya. Geeska Qaran News
  9. Kenya oo la wareegaysa hogaanka la dagaalanka burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya, xilli ay doonayso inay boobto badda Soomaaliya.Mohamoud Abdi Ibrahim ayaa warkan faahfaahinaya. Slået op af [...] Source
  10. War qoraal ah oo ka soo baxay goor dhawayd madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa deegaanada uu maamulkaasi ka arimimo looga mamnuucay in ay ymaadaan madaxda dowladda [...] Source
  11. (SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa la kulmay Safiirka Dalka Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr. Ralf Heckner, kaas oo fadhigiisu yahay Nairobi. Danjire Baashe Cawil ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in ay Safiirka Switzerland kala hadleen sidii dawladaha Somaliland iyo Switzerland u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadkooda gaar ahaan dhinaca horumarinta. Baashe Cawil waxa kaloo uu intaas ku daray inay Danjiraha Switzerland ay sidoo kale isla soo qaadeen wada hadalkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  12. (SLT-Boorama)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha. Wasiirka Beeraha oo Maanta La hadlay Telefiishanka HCTV isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ka dillaacay Bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay.” Wasiir Seed wuxuu sheegay inay qaylo-dhaan u direen hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha “Xalay markaanu arka helnay waxaanu si deg-deg ah Emaillo ugu kala dirnay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa oo fadhigeedu yahay Itoobiya, jawaab deg-deg ahna waan ka sugayaa, si ay inooga caawiyaan Aafadaa Dalka ku habsatay.”ayuu yidhi Source
  13. (SLT-Baqdaad)-Dhowr qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ay leedahay shiicada oo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Baqdaad sida ay booliska Xaqiijiyeen. Qaraxaan ayaa salaadii jimcaha ee maanta ka dhacay masaajidka Imam Mahdi al-Muntadhar ee ku yaalla xaafada Baladiyat ee ka tirsan degmada Sadr. Taliye ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Ahmed Khalaf ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in nin watay jaakada uu isku qarxiyay Masaajidka. Captain Axmed ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen 10 qof oo ku sugnaa gudaha masaajidka, inkastoo wararka kale ay sheegayaan in dhimashada ay intaa ka badan tahay. Ma jirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada Weerarkaan. Dalka Ciraaq ayaa mudo sanado ah la daala dhacay amni-darro baahsan iyo weeraro ku saleysan dhanka diimaha oo lagu dilay kumanaan qof. Dowlada Baqdaad ayaa sanadkii 2017 sheegatay inay ka adkaatay kooxda la magac baxday dowlada Islaamka, walow taasi ayna baajin weerarada lagu qaadayo goobaha ay dadweyanaha iskugu Yimaadaan. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa waraysi lala yeeshay waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ay bulshadii kala qaybiyeen, waxa kale oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay heshiiskii kaga baxday Khaatumo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Hay’ado Caalami Ah Oo Baaq U Diray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa. Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintaas ma dhicin waxaana dad badan layaab ku noqotay in abwaanka lagu aaso magaalada Jigjiga. Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegaya in sababta abwaanka loogu aasay Jigjiga ay tahay codsi ka yimid qoyskiisa. Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayday abwaanka aas qaran loogu sameeyo Muqdisho, hase yeeshee qoyskiisa ay aad ugu adkeysteen in abwaanka lagu aaso Jigjiga, lana aqbalay. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wasiir-Maareeye.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Si Adag U Naqdiyay Kulan Dhex-maray Xisbiyadda UCID Iyo KULMIYE Iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Shaaciyay Sababta Ay U Diiday Martiqaadkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Somaliland: Reports, Turkey Will Allow Entry To Somaliland Passports There are unconfirmed reports that the Turkish government has decided to accept the Somaliland passport as a means of entry into to their country with a visa. These reports suggest that the Turkish government, who had previously refused to honor the Somaliland passport have had a change of mind. Presumably, their desire to facilitate any future talks between Somaliland and Somalia, as well as, the economic viability of doing business in Somaliland, may have had something to do with this new direction. If these reports are accurate, Turkey will join, Ethiopia, Djibouti, Kenya, South Sudan, United Arab Emirates, South Africa, Belgium, France and the United Kingdom as the other nations in the world who permit the use of Somaliland passport ( with a Visa) to entry their territories. There has so far been no comment from the Somaliland Foreign Ministry. Qarannews.com Qaran News
  19. Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda Puntland Faarax Cawaash oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay ay soo qabteen [...] Source
  20. There are a few ways to get your hometown splashed across the pages of the New York Times. Its Thursday morning portrait of a fearful, refugee-hating St. Cloud is probably not the most coveted one. Source: Hiiraan Online
  21. Kampala - A four-day workshop on electoral security and dispute resolution for senior Somalia government officials involved in election planning and management concluded successfully in Kampala, Uganda on Thursday Source: Hiiraan Online